 |
|
 |
 |
Xusuus Sameyso balamahaaga
|
 |
As-salamu 3alaykum wara7matul-LLAAH wabarakaatuh walaal waxaan
qaadan doonnaa insha ALLAAH sida u sameysan la heyn program na xusuusiya
arimaheena ama balamaheena maadaama aan u badan nahay computer ka
ama aan ku mashquulnay hawlo kale
Walaal Program kani wuxuu kuu sheegayaa dhamaan balamahaaga oo
dhan haddii aad geliso waa uu ku xusuusinayaa xataa hadey noqoto
sanado wax ka soo wareegay waa uu ku xusuusinayaa insha ALLAAH waa
haddii aadan computer ka tir tirin
Walaal marka hore aan soo qaadano Programka la yiraahdo Reminder
Buddy ka soo qaado
halkan click garee soo download gareeso kuna install garee insha
ALLAAH
Walaal soo fur Reminder Buddy wuxuu
imaanayaa meesha hoose midig ee Saacada eeg sawirka hoose waa haddii
aad dib usoo shido computer kaaga haddii kale ka soo fur taabo Start
ka dib Program yada meesha laga furo

Walaal marka uu kuu soo furmo keliya ku qoro balantaada waxa ay tahay
iyo taariikhda iyo saacada laakiin ha iloobin inuu active
ahaado waa inaad YES ka dhigtaa meesha
Active maxaa yeelay waa shidmay markaas
insha ALLAAH oo waa diyaar markaas walaal eeg sawirka hoos habka aad
u qori la heyd insha ALLAAH 
Walaal marka aad buuxiso dhamaan sida sax ah iska xer markaas waa
uu kuu shaqeynayaa insha ALLAAH marka balanta la gaarana hoos ayuu
ka soo baxayaa meesha saacada insha ALLAAH xataa haddii aad computer
ka damiso oo waqtiga ku aado isagoo dansanaa computer ka mar ala
marka aad shido ayuu kuu soo baxayaa waana sidan sawirka hoos eeg
insha ALLAAH

Hadaad taabato Remaind Later hadhow
ayuu soo baxayaa hadana, OK hadaad
taabato waa uu damayaa oo meeshii Active
oo aan ku qori jirnay YES ayaa noqonayso
NO markaas waa damay balantaasna way
dhamaatay balanta ku xigta ayuu ka sii wadayaa dhowr balan ayaana
gashan kartaa
|