 |
|
 |
 |
Carabi inuu aqrigo computer
ka
|
 |
As-salamu 3alaykum wara7matul-LLAAH wabarakaatuh walaal waxaan
qaadan doonnaa insha ALLAAH sida uu computer keena u aqrin lahaa
Carabi tusaale ahaan marka aad paltalk ku jirto qolalka Carabta
mid ka mid ah uu qoro far aan la garaneyn ama marka aad shido quran
uu markaas qoraayo far aan la garaneyn haddii carabi uu ahaa sheekhaas
asalkiisa hore ama laga soo download gareeyay website yada carabta
tusaale ahaan eeg sawirka hoos waa quran shidan laakiin farta sheekha
magaciisa ma aqrin karo far aan la aqoon ayuu qorayaa waa farta
buluuga ah

Walaal waa inaad heysataa windowsXP
ama Windows2000 si uu kuugu aqriyo
Carabiga siina diyaarso CD ku duuban
Windows Oparating System ka sida CD
Windows XP oo kale intaas marka diyaarsato
samee sidan insha ALLAAH

Soo fur marka hore Control Panale
eeg sawir kore habka aad u furi laheyd
Marka aad furto Control Panel Ka raadi
Luqada Icon ka badali lahaa wuxuuna u eg yahay sidan oo kale
Double click ku samee wuu kuu furmayaa insha ALLAH ka dib sidan
ayaa kuu soo baxeyso hoos eeg markaas ka dooro Languages
waa tabka dhexda

Kadib Tick garee Install files for complex
right to left wuxuuna ku weydinayaa waxaad dooratay Carabi
iwm inaad geliso OK taabo hoos eeg

CD ayuu ku weydinayaa markaa Geli CD windows
XP

Install ayuu kuu bilaabayaa insha ALLAAH inuu font kuu geliyo oo
carabi ah Farata carabta inuu aqrin karo insha ALLAAH

Marka uu dhameeyo installation ka wuxuu ku weydinayaa inuu dib
usoo shidmo markaa Yes taabo oo dib
usoo shid insha ALLAAH

Marka aad soo shido pc mar labaad ku noqo meeshii hore hada waxaad
doorataa Advanced wuxuu ku xigaa Languages
ee geeska eeg sawirka kor ka dib arrowka oo ku aadisan wadanka aad
joogto magaciisa ka badal oo u badal Saudi
Arabia
Kadib OK Taabo wuxuu ku wuxuu ku weydinayaa
CD Windows XP geli CD ka dib NO
taabo sababtoo ah wuxuu lee yahay ((hore
ayaan u geliyay miyaan ku celiyaa inaan mar kale geliyo mid cusub
maya taabo hadan u baahdo anigaa ku weydinayo CD))
adiga iska sii geli CD No taabo
Dib usoo shid computer kaaga ayuu weydinayaa YES
taabo marka ad soo shido wuu aqrinayaa Carabiga insha ALLAAH
Hada wuu aqrinayaa Carabig ainsha ALLAAH ee sawirka hoos farta buluuga
 |