|
As-salamu 3alaykum wara7matul-LLAAH wabarakaatuh walaal waxaan
qaadan doonnaa insha ALLAAH sida aan u badali laheyn file wav/mp3
codkiisa stereo
Faalo Gaaban Walaal haddii File ka Realaudio
uu yahay oo aad rabto inaad ka dhigto mp3
codkiisa stereo ah marka hore ka soo dhig Wav
ama mp3 Halkan
Taabo ka dib hoos la raac insha ALLAAH
Walaal marka hore aan soo qaadano program la yiraahdo Audacity
Website ka soo qaado insha ALLAAH markaat tagto website
ka soo qaado file u eg sidaan oo kale hoos eeg
audacity-win.exe
.
Walaal ku install garee ka dib waxaad ku arkeysaa Desktop
Icon sidaan oo kale ah

Walaal hadda waxaad aadaa File kii Wav
ka ahaa aad rabtay inaad ka dhigto MP3
meesha ay taalay tusaale ahaan C:\My Documents\My
Music markaad aragto Filkii Wav
ahaa Mouse ka dusha ka saar ka dib
adigoo haya soo jiid ku dhexrid Icon Audcity
eeg sawirka hoos ama soo fur Audacity
ka dib Open garee kadib soo qaado File kii Wav
ahaa

Hadda waxaad arkeysaa inuu soo xareysanaayo File kii Wav
ka ahaa waxaadna arkeysaa sidan insha ALLAAH eeg sawirka

Marka uu soo xareysto File kii Wav
ahaa waxaan ka dhigi karnaa cod qurxoon taasi micnaheeda waa inaad
codka ka dhigto Stereo hal tusaale
ayaan halkaan ku qaadaneynaa sida codka loo badalo waxaad sameysaa
walaal horta ka dhig codka labada dhinac midig
iyo bidix waa labada sameecad inoo
ka shidmo inuu noqdo stereo waxaan
kawadaa codka haddii uusan aheyn Stereo
waa hal dhinac eeg masawirka hoos

Haddii uu laba dhinac yahay uma baahnid laakiin haddii uu yahay hal
dhinac Waxaad sameysaa copy garee dhinicii aan heysanay samee sidaan
taabo Edit ka dib Select
All
Waa uu madoobeynayaa kadib Edit kana
dooro Copy
Hadda waxaad sameysaa taabo Project kana
dooro New Audio Track
Intaas ka dib Edit kana dooro Paste
Marka aad dhigto labada dhinac waxaad taabataa fileka aad badaleyso
magaciisa waxaana ku ag yaala aarow madow oo hoos aadisan click garee
kana dooro Make Stereo Track
Way isku xermayaan hada insah ALLAAH, waxaad sameysaa wada madoobeey
hada oo samee sidan
kadib waxaad taabataa Effect kana dooro
Echo
Hadda waxaad sameysaa Delay time waxaad
ka dhigtaa 0.100000 ka dib
ok
Waxaad arkeysaa inuu badalaayo insha ALLAAH sidaan oo kale
Markuu dhameeyo waxaan ku save gareyneynaa mp3
insha ALLAAH waxaad taabataa File ka dib Export
As mp3
Magac u bixi ka dib Save
Wuxuu ku weydiinayaa file la yiraahdo Lame
waxaaad taabataa Yes
Lame wuxuu yaalaa oo wuxuu ku jiraa galkii
ra2wav halkaan kasoo qaado Kadib
ku fur fur Desktop ka dib ra2wav gudihiisa gal kadib folder la yiraahdo
Lame sii gal waxaad arkeysaa lame_enc.dll
Haddii aad arki weyso lame_enc.dll waa
file qarsoon markaa waa inaad show hiden file sameysaa haddii aadan
aqoon la soo xiriir walaalada insha ALLAAH kor ka eeg
Intaas ka dib marka aad dooratay Lame
waxaa kuu soo baxaya dailog box ama daaqad waxaad tick gareysaa ID3v1
kor ka eeg daaqada kuu soo baxday ka dib waxa kale ee soo haray waxaad
rabto ayaad ku qori kartaa tusaale ahaan magaca sheeqa qofka iska
leh buuxi kuna qor waxaaad rabto insha ALLAAH
Intaas ka dib Ok Taabo wuuna kuu save
gareynayaa waana MP3 insha ALLAAH adigaana
yaqaana meeshii aad ku save gareysay sidoo kale CD-R waad kusii
duuban kartaa Hadaad Booqato sisawc Ciidaha ay sameeyaan cododka
waxaad ku arkeysaa Effect programkani ayaan ku sameynaa booqo
halkan
|