|
As-salamu 3alaykum wara7matul-LLAAH wabarakaatuh walaal halkaan
waxaan ku qaadaneynaa sida aan u yareyn la heyn file lal badan oo
isla markaa aan u diri karno email ahaan tusaale ahaan qof ayaad
rabtaa inaad u dirto Muxaadaro markaa sidii aan zip
ugu dhigi laheyn
Walaal marka hore waxaan u baahan nahay program la yiraahdo Winrar
halkaan ka soo
qaado insha ALLAAH
Walaal markaad soo download gareyso ku install garee waxaad soo
furtaa file kii aad rabtay inaad yareyso meesha uu yaalo tusaale
ahaan C:\My Documents markaad furto
oo aad aragto File/alaabtii kii la
yareynayay intaad mouse ka dusha ka
saarto dhinaca midig click garee kana
dooro Add to archive tusaale ahaan
waxaan rabaa inaan yareeyo docs folder
iyo waxa ku jira dhamaan dusha ayaan ka saaray mouse
kadib dhinaca midig ayaan click gareeyay eeg sawirka

Intaas ka dib waxaa kuu soo baxaya sida sawirka hoos ku sawiran
ka dooro meesha Archive oo tick garee
ZIP Meesha ka hooseysana ka dooro ee
ah Compression method (Best) ka dib
ok

Intaas ka dib waxaad arkeysaa inuu hawl hayo wuu yareynayaa insha
ALLAAH eeg sawirka hoos

Marka uu dhameeyo waxaad arkeysaa inuu ag dhigo file kii aan yareynay
file kale ayaad ku arkeysaa kaasi waa kii aan yareynay iyo kii original
ka ahaa tusaale ahaan aniga waxaan yareynayay docs
eeg sawirka hoos

ka dib kii orinalka waad iska tir tiri kartaa kii zip
ahaa ayaad meel dhigan ama aad u diri kartaa qofka aad rabto |