|
As-salamu 3alaykum wara7matul-LLAAH wabarakaatuh walaal halkaan
waxaan ka qaadaneynaa sida aan ugu badali laheyn Raelaudio si aan
meel u dhigano muxaadaraadkeena maxaa yeelay realaudio waa uu yareynayaa
file ka
Walaal marka hore waxaan u baahan nahay program la yiraahdo RealAudio
Live Encoder halkaan ka soo qaado insha ALLAAH
Walaal markaad soo download gareyso ku install garee intaas ka
dib wuxuu Icon kuu dhigayaa Desktop

Douple click ku samee markuu kuu furmo sidaan hoose oo kale ayaad
arkeysaa

Waxaan wax ka badaleynaa setting insha ALLAAH waxaad sameysaa masawirka
eeg
Meesha Compression waxaad ka dhigtaa
RealAudio 5.0 ilaa 6.5 kbps oo cod ah Meesha Title
ah waxaad ku qortaa mowduuca muxaadarada
Meesha Author sheekha magaciisa
Meesha Copyright Sanadka iyo mulkiilaha
tusaale ahaan ©2006 sisawc.
Intaas ka dib waan ku save gareynaynaa waxaad tagtaa Options
ka dooro Save Default Settings
fadlan la soco: markaad ku save gareyso dhamaan muxaadaraadka oo
dhan wuxuu ka dhigayaa sheekha magaciisa ee aad ku qortay Author
iyo Muxaadarada magaceed ee aad ku qortay Title
ayuu ka dhigayaa dhamaan waa inaad badashaa hadhow mar waliba

Intaas ka dib iska xedh program ka
hada waxaad aadaa meesha ay kuu yaalaan muxaadaraadkaagu waa inay
wav yihiin la soco wixii aad badali
laheyd
marka aad aado muxaadaradaa meesha ay yaalaan windows explorer
ka iska yaree si aad u aragto desktop iyo icon ka realaudio live
encoder
waxad sameysaa ku drag garee inta aad mouse ka dusha ka saarto
muxaadarada qabo mouse ka hasii deyn adigoo haya soo jiid oo ku
dhex rid ama ku dhex dey icon ka desktop saaran ee ah realaudio
live encoder eeg masawirka

intaas ka dib waxaad arkeysaa inuu shaqo wado haddii uu qaban waayo
howsha sida masawirka hoose fadlan la soo xidhiidh
Markaad dhameyso fileka wuxuu kuu dhigahayaa meeshii uu yaalay
kii aad badashay tusaale ahaan waxaad badashay muxaadaro kuu tiilay
C:\My Documents isla meesha ayuu dhigayaa
iyadoo RealAudio ah isla markaana yaraaday
|