 |
|
 |
 |
Computer ka istaagiiso
batay
|
 |
Insha allaah halkaan waxaan ku qaadanaynaa Sideen u fududeeyneynaa
computer ka oo aad u cuslaada.
Waxaa muhiim ah marka hore in aad iska yareyso program yada badan
ee aad gelinayso pc sida Game, Sorfware
kala duwan gaar ahaan kuwa wata graphics oo aad u culus
Walaal horta waxaan sameyneynaa inaan iska kala yareyno program
yada soo shidma marka computer ka aad soo shido kuwaas oo hoos ka
shaqeeya qaarna muuqda oo yimaada meesha hoose ee saacada ku aadan.
Walaal Start Taabo ka dib Run
taabo kuna qor msconfig ka dib Enter
dheh ama Ok taabo


Intaas ka dib waxaa kuu soo baxaya insha ALLAAH system
configuration waxaad ka eegtaa kor dhinaca mid Startup
click garee

waxaad ku arkeysaa qaar badan oo Tick ah taasi micnaheedu waxa
weeye wixii tick ah ba way soo kacayaan marka pc la shido oo waa
ay nool yihiin qaar muuqda iyo qaar qarsoon sida aan hore u soo
sheegneyba
Waxaa aad muhiim u ah inaad ogaato waxaad tick ka qaadeyso oo proram
ah inaad taqaan tusaale ahaan antivirus
ka ama firewall waa mihiim inaad
demiso maahan iyo program yada aad u baahan tahay.
Tick ka qaad wixii aad ka maaranto inay soo kacaan dabcan markaad
u baahato hadana waad soo daari kartaa oo wax dhib ah maahan intaas
ka dib Ok taabo markaad ka qaado waxaadan
rabin wuxuu ku weydinayaa pc inuu dib u soo shidaayo haddii aad
dib u soo shid tiraahdo wixii aad hada tick ka qaaday way damayaan
haddii kalena waa ay nool yihiin wali inta aad computer ka dib ugu
soo shido doonto insha ALLAAH

Dhibaatooyinka computer ka oo cuslaada aad u batay awgeed mar walbaWaxaa
aad muhiim u ah inaad mar walba ka heysato computer kaa Backup ama
keyd oo hadhow haddii ay wax gaaraan aad soo ceshan karto tusaale
ahaan haddii uu kaa cuslaado haddii virus kusoo galo haddii codka
kaa xumaado iwm
Waxaa jira dhowr program yo oo aad u fiican oo sameeya inay kuu
keydiyaan dhamaan wixii pc ku jira sida windows ka application nada
oo idil file lasha oo idil inuu kuu yareeyo ka dib kuu dhigo qeyb
kale hard-disk oo hadhow waad soo ceshan kartaa pc xataa adigoo
format ku sameeyay waa uu kuu soo celinayaa sidii aad hore ku duubatay
markii hore
Wuxuu u shaqeeyaa program ka in uu C:\
(waa meesha computer ka
oo dhan ku shaqeeyo)oo dhan yareeyo ayaa wixii
ku jiray oo dhan ayuu kuu dhigayaa qeyb kale ka mid ah hard-disk
oo aan aheyn C:\ maxaa yeelay hard-disk
ayaa laba loo kala qeybinyaa oo waxaa soo baxaya D:\
(meel kale oo aan computer ka ku shaqeyn)
meesha ayaad dhigeysaa dhamaan C:\
oo dhan intuu kuu yareeyo oo ka dhigo Image
Hadaba faa'iidada ay leedahay maxay tahay marka hore haddii cilad
ku dhacdo pc mudo 10 min ayaad ku soo ceshan kartaa iyadoo ahayd
sidii oo ku duubatay markii hore oo aysan ka tageyn dhamaan sida
uu ahaa tan labaad oo ah tan ugu fiican haddii computer kaa xumaado
wixii file aad hore u safe gareysatay oo dhan tusaale ahaan wixii
documents ahaa wixii cod ahaa makaa dhumayaan sababtoo ah hard-disk
ayaad laba u kala qeybisay oo D:\ ayaad
dhiganeysaa file lashaada oo dhan markaada horeba marka program
ku wixii dib u badalayaan keliya C:\ intuu
tir tiro ayuu hadana ku soo celinayaa sidii aaad ka dhigatay markii
hore insha ALLAAH
Walaal yaanan hadalka kuugu daalin program yadu sidaan howsha u
qabta waa ay badan yihiin waxaa ka mid ah Acronis
TrueImage waxaa kaloo ka mid ah
Norton
Ghost waxaa kaloo ka mid ha Drive
Image kuli waa lacag mana badna lacagtooda laakiin howsha ay
qabtaan ayaa ka badan dhamaantooduna way fiican yihiin kii kuu jaban
soo raadso insha ALLAAH
Wixii Faah faahin dheeraad la soo xiriir walaalada email ka Taabo
|