|
Computer walba waxaa ku jiro plug-in yar oo ku shaqeeya Flash
animashan dhaq dhaqaaq iyadoo ay cod ku jiraan kaas oo computer
ka awoodiisa yareeya isla markaana qaata memory badan haddii pc
uu daciif yahay waaba uu kaa fadhiisinayaa maxaa yeelay memory ku
filan ma heysto
Adigoo ku jira paltalk ayaad arkeysaa
inuu codka kaa go'o go'o maxaa yeelay soc socodka badan Flash
ayaa ugu wacan Graphic-card/Vedio-Card ma heysto memory ku filan
Walaal waxaad sameyn kartaa inaad iska xerto Flash
oo dhan dabcan waad soo ceshan kartaa hadhow insha ALLAAH
Walaal marka hore ka bax Paltalk oo
dhan intaas ka dib waxaan ka saareynaa insha ALLAAH plug-in kii
ku jiray pc oo ku shaqeynayay Flash
wuxuuna ku jiraa C:\WINDOWS\SYSTEM\MACROMED
folder ama gal magaciisa la yiraahdo Flash
Waad ka Tir tireysaa galkaas Flash
wuuna ka baxayaa insha ALLAAH

Iska tir tir meelihii aad booqatay ee internet ka adigoo tagaya
Internet options ka eeg halkaan
habka aad u tagi laheyd
Hadda paltalk gal waxaad arkeysaa
inuu kaa xeray Flash oo dhan haddii
aad wali arkeyso flash waa inaad pc dib usoo daartaa markaa wuu
ka baxayaa insha ALLAAH.
Laakiin dhibta jirta ayaa waxay tahay mar walba oo aad booqato
meel Flash ku jiro waxaa uu ku weydiinayaa
inuu kuu geliyo mar labaad plug-in kii ku shaqeynayay Flash
iskama xeri karto oo ma jiro meel aad ku dhihi karto ha i tusin
mar kale inuu i weydiiyo geli Flash.
Microsoft iyo Macromedia(Qolada
flash iska leh) waxaad moodaa in ay wax ka dhaxeeyaan
oo mar walba wuu ku weydinayaa inuu rabo ma ku install gareeyaa
Flash

Maxaa yeelay haddii aad booqato meel Flash
ku jira ayaa waxaa ku hoos qarsoon inuu soo download gareeyo plug-in
kani xataa waxaa laga yaabaa inta uu soo download greynayo marka
hore uu qaato xoogaa wuxuuna ku xermayaa server ka Macromedia oo
ka soo download gareynayaa Flash player
ka
Walaal waxad sameyn kartaa haddii aadan rabin inaad geliso Flash
plyer kani adigoo paltalk ku jira hoos
ayaad iska dhigi kartaa sababtoo ah hadaad NO
taabato hadana wuu soo noqonayaa marka hoos iska dhig PC nadiif
ayuu kuu noqonayaa codka oo clear ah oo aan go'go' la heyn insha
ALLAAH waxaad ogaataa meesha uu ku jiro Flash
sida qol kamid ah paltalk ama private
oo aad qof kula hadleyso adiga meesha uu ka soo boxo wax maku qori
karto maxaa yeelay Flash ka kii kuu
gelin lahaa ayaa kor soo taagan waxaad sameyn kartaa hal qof maqan
private kiisa iska fur ama magacaaga list gasho kadib furo private
isla magacaa marka uu soo boxo install markaa hoos iska dhig kuna
soo noqo qolkaa paltalk meesha ayuu iska yaalayaa hadhowna markaad
dhameysato dhageysiga oo aad bexeyso NO
taabo ama si toos paltalk u demi markaa
wuu baxayaa insha ALLAAH haddii ay YES gacanta kaaga dhacdo hadana
iska tir tir mar labaad insha ALLAAH
Haddii aad booqaneyso internet ka web Flash
ku jira mar walba wuu ku weydiinayaa inuu kuugu install gareeyo
Flashkani waa haddii ay geliyeen qolada
webkaas iska leh marka lasoo booqdo webkani weydii inay Flash
geliyaa hadda waxaad arkeysaa webka sisawc
Flash ayuu wataa hadana maku weydiinayo
maxaa yeelay inaga ayaa ka saarnay inuu kuugu install gareeyo waa
ALLAAH mahadiis
|