|
Insha allaah waxaan halkaan ku qaadaneynaa habka aad
u duuban laheyd Casharada
ka baxa paltalk si aad u xifdiso oo aad dib usii dhageysan laheyd
ama
muxaadaraad mid kuu gaar ah oo aad hadhow ku sii duubato CR-R ama
aad ku
heysan laheyd computer kaaga in the future.
walaal marka hore waxaan u baahan nahay software wax duuba aan
soo qaadano
mid ka mid ah oo la yiraahdo JetAudio
Walaal Marka ku install gareyneyso jetaudio
Version ka ugu dambeeya wuxuu ku weydinayaa DirectX
9 inuu ku install gareysan yahay pc Halkaan
Click garee oo soo download garee File Size kiisa waa ilaa 14MB
DirectX9
Halkaan kasoo qaado waa yara culus yahay la soco
Version kii duqa ahaa kuma weydinaayo DirectX9
Halkaan Click garee oo soo download
garee File Size kiisa waa ilaa 17MB
install gareyn laheyd walal weydii dadka kuugu soo dhow oo install
gareyn ta
waa wax iska fudud oo qof walba yaqaan.
marka aad ku install gareyso waxaad ku arkaysaa Desktop Jet-Audio
Double
Click Garee oo soo kici ama soo fur program ka

Walaal Marka hore adigoo ku jira Paltalk
ama muxaadaradii oo socota soo kici
Jet-Audio ka dib Recoding
taabo ileyn waxaan rabnaa inaan duubano
muxaadaradaas hada bexeysa oo live ah.
Ogow wax ala wixii computer kaaga cod ka soo baxa ayuu duubayaa
laakiin ma
duubayo codkaaga oo inta uu kuu duubayo waad iska hadli kartaa
ama ciyaalka
qeyladooda ma uu duubayo waana tan kaliya ugu fiican

Walaal intaas ka dib waxaa kuu soo baxayo Recording
Box eeg masawirka oo
raac meesha ku qoran Mixer waxaa laga
yaabaa inuu kaaga ka duban yahay uu ku
qoran yahay Stereo Mixer ama Stereo
Mix ama LeftMix ama RightMix
walaal waa hadba sida sound Card kaaga nooca uu yahay adugu waxaad
raadisaa
Mixer ama Mix
ka dib Tick garee kuna eeg midka saxda ah uu kuugu shaqeynayo
insha ALLAAH, waxaad kaloo eegtaa meesha uu kuugu duubayo ama
file uu kuu
dhigi doono Browse... Taabo oo ka
dooro meesha aad rabto inuu dhigo file
ka aad duubeyso.

Intaas ka dib walaal adigoo eegaya masawirka codka
Recording iska gaabi
haddii kale guux ayuu kuugu duubayaa ama shuush kuna fadhiisi sida
ugu
fiican uu markaas aad u malaysay inuu ku fiican yahay
si uu kuugu noqdo Stereo, Una duub WAV
ahaan ileen CD-R ka software ka la
socda
si uu inoogu fahmo Config... ayaad
ugu badali kartaa inaad u duubato
Digital ahaan ama Stereo laakiin sida uu ku fadhiyo u daa waana
Stereo,
Waxaad kaloo aad ku aragtaa Enable Timer
Tick ka qaad maxaa yeelay wuu
kaa istaagayaa marka uu waqtiga uu ku fadhiyo uu dhamaado.

Intaas marka aad dhameyso Start taabo
oo wuxuu bilaabayaa inuu duubo codkii
ka baxaayay computer kaaga wax ala wuxuu noqdo oo cod ah oo ka
baxa computer
kaaga haddii aad rabto inaad Paltalk
ka soo duubato muxaadaro socota markaas
iska xedh waxyaalaha codka leh sida MSN
Messager si uusan u dhex galin
muxaadaradaada inuu ku daro codka MSN Messanger.

Intaas ka dib walaal Waxaad arkaysaa dhaq dhaqaaq inuu wax duubayo
kadib la
soco Pause ayaad taaban kartaa in
haddii aadan rabin inaad ku darto wixii
aad duubi laheyd ayaad ka joojin kartaa tusaale ahaan in haddii
uu soo dhex
galo cod kale ama Paltalk uu qabsado
qof aan sheekha aheyn inaad ka joojiso,
Hadhow marka uu sheekha qabsado Resume
ayaad taabaneysaa oo meesha ayuu ka
sii wadayaa duubitaankiisa waana arin fiican.

intaas marka aad dhameyso oo muxaadarada ay dhamaato iska jooji
oo Stop
taabo, Hadda waa diyaar muxaadaradaada oo CD-R
ayaad ku sii duuban kartaa si
aad ugu dhageysato Gaarigaaga ama Gurigaaga insha ALLAAH, ka raadso
meesha uu
kugu duubay oo aad adiga dooratay haddii aadan waxba ka badalin
oo uu ku
fadhiyay My Music Ka raadi C:\My
Documents\My Music ama C:\My Music
Magaca
uu la baxayo tusaale ahaan waa sidaan Recorded
Audio 2003-May-11 09-26-50 PM
Haddii wixii aad duubtay ay kasoo dhex galaan cod aadan rabin walaal
waxaad
u baahan tahay Program kale oo aad ku Edit gareyso ama codka ku
fur furto
isla markaasna aad ka saarto kii aadan rabin ka dib aadna reebato
codka
kan aad rabto oo saafiga ah iyo waliba inuu kuugu badalo MP3 laakiin
waxaad u
baahan tahay Audacity Halknaan
ka soo qaado sidoo kale program kani Audacity waxaa uu kuugu
badali karaa MP3 laakiinse waxaad u
baahan tahay Plug-in la yiraahdo Lame
halkaan ka soo qaado
insha ALLAAH
Extra Stuff
Haddii aad rabto inaad soo duubato
muxaadaro ku dhaaftay halkaan taabo
Haddii aad rabto
RAM inaad u badasho WAV ka dib ku duubto CD-R halkaan taabo
Haddii aad rabto caawinaad dheeraad
ah Halkaan taabo
Haddii aad u baahan tahay inaad WAV
u badasho RealAudio halkan ka soo qaado
|