|
As-salamu 3alaykum wara7matul-LLAAH wabarakaatuh walaal halkaan
waxaan ku qaadaneynaa sida aan u ilaashan la heyn computer keena
sidii aan loo soo galin taasi micnaheedu waxa weeye waxaa jira dad
isku dayaya inay soo galaan computer kaa isla markaa kaa xadi kara
file shaada ama kuu gelin kara Virus
waxaad arkeysaa dad badan in laga xaday magacyada paltalk waxaa
ugu wacan in la iska soo galo PC yadooda
Walaal marka hore waxaan u baahan nahay program Firewall
mid ka mid ah firewall kani waxaa la
yiraahdaa Sygate Personal Firewall
halkaan
ka soo qaado insha ALLAAH waana free.
Fadlan la soco haddii aad heysato firewall
iska dhaaf arinkaan oo waad heysataa markaa uma baahnid haddi kale
dhibaato ayuu u keeni karaa PC oo internet ka ayuu kaa xeri karaa
inay is qilaafaan labada Firewall
Sidee buu u shaqeeyaa Firewall?
Walaal firewall ku waa program aad
muhiim u ah wuxuu u shaqeeyaa in wixii program oo computer kaa ku
jiraan oo ay aadahayaan internetka yacni ku shaqeeyaan Tusaale ahaan
paltalk, realplayer,
msn. waxaa uu ku lee yahay Firewall
ku program kani hebel sida msn,paltalk,
wuxuu u socdaa internet ka ma fasaxaa markaa wuxuu ku siinayaa laba
optiono Haa ama Maya.
Sidoo kale wixii soo galaaya computerkaaga kuma weydiinayo si toos
ayuu u xerayaa waana muhiim.
Walaal markaad soo download gareyso ku install garee waxaa laga
yaabaa inuu ku weydiyo inuu PC dib usoo shido markaa dib usoo shid
PC insha ALLAAH intaas ka dib waxaad Icon
ku arkeysaa meesha hoose ee saacada eeg sawirka hoos

Intaas ka dib walaal PC waa la ilaalinayaa insha ALLAAH marka aad
gasho internet ka isla markii waxaa laga yaabaa internet kaa qoladii
aad ka gadatay software kooda inuu soo booqo oo raba inuu galo internet
ka markaa u fasax Yes taabo internet
explorer sidoo kale adiga wixii aad taqaan fasax oo muhiim
kuu ah sida paltalk marka uu ku weydinaayo
in program baxaayo oo internet ka aadaayo waxaad arkeysaa sida sawirka
hoos eeg

Meesha Remember = xusuusnoow Tick
garee si uusan markale kuu weydiin oo uu u garto program kani waan
aqaan ee mar walba fasax insha ALLAAH
Walaal haddii aadan garaneyn program raba inuu internet ka aado
ha u fasixin maxaa yeelay dad ka soo gala computer ka waxay isticmaalaan
program oo markaas isku xeraya computer kaaga iyo computer kooda
isla markaa ka faa'ideysan kara sida walaalaha magaca laga qaato
paltalk
Waxaa muhiim ah waxaa laga yaabaa
in program ka firewall uu fahmi waayo
system kaaga markaa uu wareero isla markaana xera dhamaan internet
ka oo dhan waxaad sameysaa ka uninstall
garee/ka
saar dib usoo shid computer kaa hadana ku install
garee mar kale markaa wuu hagaagi insha ALLAAH
Intaas xusuuso walaal hadaad aragto
computer kaa oo aan internet ka shaqeyn marka hore isaga ka bilow
firewall ka ka saar dib usoo shid PC
eeg markaa internet kaa haddii uu fiicnaado hadana dib ugu install
garee firewall ka insha ALLAAH
|