|
As-salamu 3alaykum wara7matul-LLAAH wabarakaatuh walaal waxaan
qaadan doonnaa insha ALLAAH sida aan u nadiifin laheyn Muxaadaro
aan duubanay islamarkaa kaa dhex galay cod aadan rabin.
Walaal marka hore aan soo qaadano program la yiraahdo Audacity
Website ka soo qaado insha ALLAAH markaat tagto website
ka soo qaado file u eg sidaan oo kale hoos eeg
audacity-win.exe
.
Walaal ku install garee ka dib waxaad ku arkeysaa Desktop
Icon sidaan oo kale ah

Walaal hadda waxaad aadaa Muxaadarii aad rabtay inaad nadiifiso
meesha ay taalay tusaale ahaan C:\My Documents\My
Music fadlan la soco muxaadarada waa inay ahaataa Wav
markaad aragto muxaadarada mouse
ka dusha ka saar ka dib adigoo haya soo jiid ku dhexrid Icon Audcity
eeg sawirka hoos ama soo fur Audacity
ka dib Open garee muxaadarada

Hadda waxaad arkeysaa inuu soo xareysanaayo muxaadaradii waxaadna
arkeysaa sidan insha ALLAAH eeg sawirka

Marka uu soo xareysto Muxaadarada waxaad arkeysaa buluug
oo zigzaag ah kaasi waa codkii, aan
kala bixino codka si aan u aragno meesha aan rabno inaan ka saarno
waxaad taabataa icon ku yaal (+) ee
masawirka hoos

Hadda shid/Daar adigoo play taabo waxaaad maqleysaa muxaadaradii
insha ALLAAH marka aad gaarto meeshii kaa dhex galay codka aadan
rabin mouse ka intaad ku qabato meesha
buluuga ah adigoo haya mouse ka jiid
ilaa laga gaaro meesha ay ku dhamaato wixii aadan rabin ka dib maqaska
taabo wuu ka saarayaa insha ALLAAH kolay shid/daar mar kale si aad
u ogaato in uu ka baxay haddii aad qaladay soo celi Edit
kor taabo ka dib Undo

Marka aad ogaato inaad ka saartay codkii aadan rabin oo soo hareen
wixii fiicnaa waxaad sameysaa waxaad taabataa File
ka dib Export As WAV eeg masawirka
wuxuu sameynaa inuu save gareeyo

Savve garee oo u bixi magac kale maxaa yeelay kii hore oo aan soo
qaadanay kuma dul qoreyno markaa u bixi magac kale iskana tir tir
kii xumaa insha ALLAAH eeg masawirka

Waxaad arkeysaa inuu howl hayo oo wuu save gareynayaa insha ALLAAH
eeg masawirka hoos

Xusuusnoow Wav wuxuu kaa buuxinayaa
computer ka markaa yareyso muxaadarad kaa waxaad ka dhigi kartaa
RealAudio dhamaantooda Taabo
halkan si aad u yareyso
|