Previous  




-

سبحان الله والحمد لله ولا اله الا الله والله اكبر
 

Qiso dhex martay Cumar Binu Khadaab iyo Qoys

Qiso Cajiib ah oo dhex martay Cumar Binu Khadaab iyo Qoys iska dhibanaa Habeen habeenada ka mid ah ayaa waxaa dhacday inuu Amiirkii Muslimiita ee wakhtigaas, Cumar Ibn Khattab ilaahay ha ka raali noqdee oo dhex qaadayay xaafadaha Madinal Munawarrah si uu ogaado dareenka iyo dhibtaada dadkiisa.

Kadib wuxuu maqlay oohin, markaas ayuu ku leexday gurigii ay kasoo baxaysay oohinta. Markaas ayuu arkay haweenay iyo caruurteeda oo oynaya, iyo digsi dabka saran. Kadib ayuu haweenaydii waydiiyay waxa keenay oohinta caruurta. Gaajo inay hayso ayay u sheegtay Amiirka.

Hadaba digsiga maxaa saaran ayuu waydiiyay. Biyo caruurta lagu sasabo ayaa saaran ayay ugu jawaabtay. Maysan garan inuu ninka la hadlayo yahay Cumar. Kadib ayay bilowday inay eed dusha uga tuurto Cumar ayada oo ku eedaysay inuu iska indhatiray dhibka haysta iyada iyo caruurteeda.

Cumar oonan wali isu sheegin ayaa markaa waydiiyay waxa uu u qaban karo asaga oo markaas ilin badan ka qubanayso.

Haweenaydii ayaa u sheegtay inay waajib tahay inuu ogaado dareenka ummadiisa maadaamo uu yahay Amiirkooda. Cumar rc oo u la socdo gacan yarihiisii Aslam ayaa markaas soo aaday dhanka magaalada ilaa uu gaaray

Baytul Maalkii. Markaas ayuu bilaabay inuu soo raro cunto kala duwan, saliid, bariis, subag iyo xogaa lacag ah. Markuu jawaankii buuxiyay ayuu ka codsaday Aslam inuu dhabarka u saaro. Aslam ayaa diiday asaga oo ka xishooday inuu Amiirka Muslimiinta jawaan buuxo dhabarka u saaro. Cumar ayaa ku adkaystay, kuna yiri Aslam: Ma adiga ayaa Maalinta Qiyaamaha culayska iga qaadi doona. Waa inaan aniga xanbaaro jawaankan maadaama Maalinta Qiyaamo aniga la I waydiin doono. Aslam ayaa markaas Cumar rc u saaray dhabarka iyaga oo bilaabay inay aadaan dhankii guriga haweenaydii baahnayd.

Markii ay tageen gurigii ayuu Cumar rc digsi ka buuxiyay raashin, ilaa uu ka bislaado, hadana u soo riday caruurtii, iyaga oo ka dhargay isla markiina bilaabay cayaar. Haweenaydii oo aad u faraxsan ayaa Cumar rc ku tiri: wallee adaaba ka fiican Amiirka Muslimiinta, Cumar. Cumar rc oonan wali isu sheegin ayaa ku jawaabay: Hadaad aniga iga soo war doonto, waad arki doontaa Amiirka Muslimiinta inshaAllah.

Kadib ayuu iska fariistay isaga oo fiirsanaya caruurtii oo cayaar gashay. Intuu Aslam jaleecay ayuu yiri: Ma ogatahy waxa igu keenay inaan halkan fariisto? Hadaayey caruurtaan way ooyaysay, iminkana way qoslayaan oo cayaar ayay ku jiraan. Inaan iska fiirsado faraxooda ayaan jeclaystay.






Ra'yi lama dhiiban



Name:
Email:
Code: dnhg
Text:
 

  • Home
  • Duruus
  • Quraan
  • Video
  • S&J
  • Muxaadao
  • Contacts



  • sisawc ka baro diintaada © 2012 privacy policy terms of use