Previous  




-

سبحان الله والحمد لله ولا اله الا الله والله اكبر
 

Cuthmaan Bin Cafaan rc Q4aad

Dilkii Amiirka Muminiinta Ee Cuthmaan

Maalmihii ugu dambeeyey xisaarka ayaa, waxaa mar dhex maray dagaal raggii Cuthmaan waardiyeynayey ee wiilashii saxaabada ee uu hoggaaminayay C/llaahi bin Zubayr iyo nimankii fidna wadayaasha, taasuna waxay ahayd ka hor intuusan Cuthmaan kala dirin raggii waardiyeynayay. Markaasi bay qaar kamid ah raggii difaacayay Cuthmaan halkaasi ku geeriyoodeen, C/llaahi bin Zubayr iyo Xassan bin Cali iyo Marwaanna waxaa soo gaaray dhaawacyo. Waxaana kamid ahaa dadkii difaacayay Cuthmaan ee maalintaasi shahiiday Ziyaad bin Nucaym Al Fihri, Al Muqiirah bin Al Akhnas bin Shureyq iyo Niyaar bin Cabdillaahi Al Aslami. Waxaa sidoo kale dhanka fidnawadayaasha laga dilay jamaaca dhowr ah. Waxaa la sheegaa in markaasi ciidamadiii Cuthmaan waardiyeynayay ay jabeen, misna mar kale ayay soo laabteen.

Markaas bayna ahayd markii uu Cuthmaan amray inay guryahooda iska aadaan, sidaynu horeyba usoo xusnay. Markaas bayna guryahooda aadeen. Dhanka kale fidna wadayaashu waxay Cuthmaan u diideen inuu ceelka Ruumah ka cabbo biyaha, wayna oomiyeen, wuxuuna ahaa qofkii ugu horreeyey ee biyaha ceelkaasi loo diiddo, asagoo waqtigii Rasuulka SCW Muslimiinta u iibiyey. Sidoo kale, markii wiilashii saxaabada ay ka baxeen daartii ee ay guryahoodii aadeen, waxay ka tageen Cuthmaan oo ay asaga iyo fidna wadayaashii ka dhex baxeen. Sidaa darteed bayna godoomintii sii adkeeyeen, oo diideen in daarta ay cidi kasoo baxda ama cidi u gasho. Waxaana kusoo haray daarta Cuthmaan iyo dumarkiisii iyo carruurtiisii. Qaar kamid ah saxaabada sida Cali oo kale baa dhib iyo rafaad marmar ugu geyn jiray biyaha, kadib markay hor istaagid daran iyo cay kala kulmaan nimanka fidna wadayaasha ah. Wuxuu ku sugnaa xaaladdaas amiirkii Muminiinta. Waxayna ku qabteen rafaadin aad u daran. Biyahii guriga u yiillay baa ka dhammaaday, saa biyo kalena meel ay uga imanayaan ma jirin oo aanan ka ahayn, wax si qarsoodi ah uga yimaada dhanka daarta C/llaahi bin Xaazim oo ay markaasi deris ahaayeen, xilliyada habeenka, ama wax ay saxaabadu dhib ugu keenaan mooyaane.

Arrintaasi oo idil saxaabadu aad bay ula yaabeen, wayna qaadan waayeen, sida ay wax makastani kula dhaqmayaan amiirkii Mumininta. Hooyadii Muminiinta ee Umu Xabiibah Ramlah bint Abii Sufyaan ayaa mar damacday inay Cuthmaan biyo u geyso,, markaasay fidna wadayaashu intay kusoo baxeen ayadoo baqasheeda saaran, si daran u aflagaadeeyeen, oo dabeetana shakaalkii baqasha ka jareen, markaasay la oradday oo ka dhici gaartay. Balse dad baa ka soo gaaray oo u qabtay. Waxaa dhacay arrin weyn iyo amar aanan la garwaaqsan. Markaas bay Caaisha goaansatay inay xajka aaddo. Dadkii Muslimiinta ayaa kula taliyey inay joogto, waxayna u sheegeen in laga yaabo inay sidaasi kheyr kujirta. Balse, waxay usheegtay dadkii in haddii talo ay keento ay ka yaabeyso in sidii Umu Xabiibo oo kale loo caayo,. Sidaas darteed bayna Caisha goaansatay inay xajka aaddo. Dad badan oo reer Madiina ah baa sidaynu soo xusnay iyana xajka sanadkani aaday. Sidoo kale waxaa baxay dumarkii Rasuulka SCW. Marka laga reebo Sowda oo la sheego inaanay xaj u bixin dhimashadii Rasuulka SCW kadib. Xaalladu way darraatay, fidnadiina way hurtay. Magaalladiina waxaa hantiyey nimankii kheyr ma qabayaasha ahaa. Intii badnayd dadkii reer Madiinana, waa ay ka kala carareen oo waxay aadeen xajkii. Markaas baa waxaa yimid war sheegaya, in dadkii muwaasimta xajka u baxay oo idil ay doonayaan inay Madiina soo aadaan si ay amiirka uga difaacaan nimankan fidna wadayaasha ahi. Sidoo kalena Mucaawiyah inuu ciidama culus kasoo diray dhanka Shaam, kuwaasoo uu hoggaaminaya Xabiib bin Maslama, C/llaahi bin Sacad bin Abii Saraxna in uu soo diray ciidamo culus oo uu hoggaaminaya Mucaawiyah bin Khadiij, Kuufana ay ka soo baxeen ciidama uu hoggaaminaya halyeygii weynaa ee Al qacqaac bin Camr, Basrana ay kasoo baxeen ciidamo uu hoggaaminaya Mujaashac ayaa soo gaaray reer Madiina. Markaas bay fidna wadayaashii goaansadeen inay Cuthmaan dilaan ka hor intaanay ciidamadaasi soo gaarin.

Maalintaasi ayada ahi ee Cuthmaan la dilayay, wuxuu waabariistay asagoo sooman, markaas buu salaad u kacay oo ku furfurtay suuradda Daahaa, oo akhriyey in muddo ah, markiina uu salaaddii ka faaruqay buu soo qaatay musxafka oo kala furay oo akhriyey. Asagoo akhrinaya ayayna, fidna wadayaashii soo galeen oo markii hore albaabkiisa gubeen, markaasay ka cabsadeen in dabka uu gaara beytul maalka, oo dhaqsa damiyeen, dabeetana waxaa u soo galay Maxamed bin Abii Bakar Sidiiq iyo 13 nin oo asaga daba socotay. Markaasuu Maxamed intuu Cuthmaan udhawaaday qabtay gadhka oo markaa yiri:- Wax miyuu kuu taray Mucaawiyah? Oo wax makuu taray Ina Caamir C.llaahi bin Caamir bin Kureys? Oo miyay wax kuu tareen wixii ciidamadii aad aruurineysay? Alle nagama yeelli doono inaanu niraahno

Allow! Waxaan adeecnay madaxdayadii iyo kuwii noo wayna waxayna naga lummiyeen jidkii Suuradda Axsaab aayadda 67aad.

Markaas buu Cuthmaan yiri:- Maandhoow!! ii sii daa gadhka, Illaah baan ku dhaartaye waxaad qabatay meel uusan aabahaa qaban jirine yacni uu ka xishoon jiray. Markaas buu Maxamed bin Abuu Bakar dib u laabtay asagoo ka xishooday weliba ka shallaayey falkiisii, waxuuna dadkii la socday u tilmaamay inay iskaga laabtaan ninkan, hase ahaatee dheg jalaq uma aysan siin, waxaana ul uu watey ku dhuftay nin la oran jiray Abuu Rowmaan Sowdaan bin Ximraan oo dabeetana seef intuu u qaatay xabadka rujiyey misna inta afka seefta caloosha uga toosiyey buu ku tiigsaday oo uu uu ku riixay, markaa buu Kinaanah bin Bishir gadaal uga keenay seef oo madax illaa garabka iyo naaska dushiisa juuciyey, markaas buu dhinac dhinac u dhacay. Dabeeta buu Sowdaan bin Ximraan Al Muraadi isa raaciyey, waxaa intaa kadib yimid Camr bin Al Xamaq oo inta Cuthmaan fadhiisiyey xabadka uga fadhiistay dabadeedna waran uu sitay ku mud muday. Markaas maalintaasi waxuu Cuthmaan akhrinayey Quraan dhiiggii ugu horeeyay ee wejigiisa kasoo butaacana waxuu ku dhacay aayadda 137aad ee ku jirta suuradda Al Baqrah oo uu Alle ku leeyahay:

Haddey u rumeeyaan sida aad u rumeyseen hubaashii way hanuuneen, haddiisa ay jeedsadaan waxay ku suganyahiin khilaaf, ee waxaa idinka kaafin Allaah asagaana wax maqla waxna og.

Sidoo kale waxaa ka qayb qaatay dilkiisa nin loo yaqiinay Mowtul Aswad iyo Qaafiqi bin Xarbi iyo asxaabtiisii kale. Naailah bint Faraafisa- afadii Cuthmaan ayaa ayadoo qaylineysa kusoo dhex dhacday, halkii Cuthmaan lagu dilayay, waxayna lahayd:- Ina Shaybaay!! ma waxaa la dilayaa amiirkii Muminiinta? Waxayna ku dhegtay qaar kamid ah seefahii lagu dilayay Cuthmaan, saa Sowdaan bin Ximraan baa faraha kaga jaray. Waxaa markaa Sowdaan bin Ximraan dilay mowla adeego Cuthmaan u joogay, asagiina waxaa dilay nin fidna wadayaasha kamid ah oo la oran jiray Quteyrah. Kadibna markii ay ka faaruqeen dilka Cuthmaan oo ay daarta kabixi rabaan, ayuu adeega kale oo Cuthmaan u joogay dilay Quteyrah. Saa asagiina adeegaha waxaa dilay nin la oran jiray Kalthuum At- Tujiibi. Qaafiqi bin Xarbi ayaa wuxuu arkay madaxii Cuthmaan oo musxafka dul saaray oo haybadda ka muuqata lamalaysan karin, markaasuu inta u tegey haraanti kaga tuuray. Dabeeta waxay damceen inay madaxa ka gooyaan, balse dumarkii iyo carruurtii Cuthmaan ayaa wada qayliyey mar qura. Markaas buu Ibnu Cuddays amray in layska daayo.

Dabadeed mid dhawaaqa oo ayaga kamid ah ayaa ku dhawaaqay:- Dhiiggiisa waa inoo xalaal, oo markaasi maalkiisu xalaal inooma ahan miyaa? Dabeetana Baytul maalkii ayay galeen oo ay wixii hanti iyo maal ee yiillay ka gurteen. Waxayna ka heleen hanti fara badan.

Saxaabadii arrintaasi waxay ku noqotay filan waa, wayna qaadan waayeen. Markiina Zubayr uu gaaray warka ah in la dilay amiirkii Muminiinta baa wuxuu yiri:- Innaa lillaah wa innaa illeyhi raajicuun. Oo dabeetana u naxariis iyo istaqfaar dalbay, kadibna wuxuu akhriyey qowlka Alle kor ahaaye:

Ma sugayaan wax kale oo aanan ka ahayn qaylo mar qura oo qabanayso iyagoo doodaya. Mana awoodaan dar daaran ehelkoodiina uma soo noqdaan.

Suuradda Yaasiin aayadaha 49aad - 50aad.

Cali-na markuu gaadhay warka ah dilka Cuthmaan, buu sidii Zubayr oo kale falay, dabeetana akhriyey qowlka Alle kor ahaaye:

Waa sida Sheydaanka oo kale, markii uu ku yiri insaanka:- Gaaloow!, markiina uu gaaloobay, wuxuu yiri:- Anigu beri baan kaa ahay, waxaana anigu ka cabsan Allaha Rabbiga caalamiinta. Suuradda Al Xashr aayadda 16aad.

Sacad bin Abii Waqaasna markii uu gaaray dilka Cuthmaan, sidii Cali iyo Zubayr oo kale ayuu yiri, kadibna wuxuu akhriyey qowlka Alle kor ahaaye ee ah:

Waxaad dhahdaa maydinkaga warrama kuwa u khasaaro badan xagga camallada? Waa kuwa uu lumay camalkooda nolashan adduunyada, ayagoo isu maleyn inay wanaajinayaan.Suuradda Al Kahf aayadaha 103 iyo 104.

Dabeeta Sacad wuu habaaray fidna wadayaasha. Waxay salafkii sheegeen, sida uu Ibnu Jariir soo weriyey in dhammaan dadkii dilay Cuthmaan ama ka dambeeyey dilkiisa in mid waliba la dilay, welibana si xun loo dilay. Sidaana waxaa ku dhacday inkaartii Sacad bin Abii Waqaas, oo ma jirin mid iyaga kamid ah oo si caadi ah u dhintay, illaa waala dilay mid waliba.

Muddadii godoominta lagu hayay waxaa laga yiri aqwaal dhowr ah, waxaana ugu caansan in godoomintaasi lagu hayay muddo 40 casho ah, waxaa sidoo kalena la sheegaa in lagu hayay dhowr iyo afartan casho. Shicbi wuxuu leeyahay:- Waxay muddadii godoominta ahayd 22 casho. Sida khilaaf laaanta ahina waa in la dilay maalin Jumca ah. Waqtigaasina waxaa lagu sheegaa inuu ahaa xilli barqa ah, ammintuna waxay ahayd 18-kii Bisha Dul Xajah.

Ammaa dadiisu, waxaa iyana laga yiri aqwaal dhowr ah. Saalix bin Keysaan wuxuu leeyahay:- Waxaa lagu oofsaday asagoo ah 82 jir.

Waxaa kaloo la yiraahdaa:- Wuxuu jiray 84 sano. Qataadah wuxuu leeyahay:- Wuxuu ahaa 88 jir ama 90 jir. Hishaam bin Kalbina wuxuu soo weriyey werin qariib ah oo ah 75 sano. Wallaahu aclam.

Ammaa halka uu qabrigiisu ku yaal, waa mid la wada ogsoon yahay oo aanan wax khilaaf ahi ka taagneen, wuxuu ku yaal qabuuraha Baqiic, oo lagu aasay saddex ama labo casho kadib dilkisii Ilaahay haka raalli noqdee.

Imaam Maalik wuxuu yiri:- Waxaa isoo gaartay in Cuthmaan uu mari jiray halka Xashul Kowkab goobta qabrigiisa ee Baqiica oo markaasi uu oran jiray:- Halkani waxaa lagu aasi doonaa nin suubban.

Waxaa la sheegaa in la aasay goor habeen ah, ayadoo laga cabsi qabay nimanka fidna wadayaasha ahi. Waxaa kaloo la sheegaa in ayaga laga idin dalbaday si loo aaso maydkiisa. Dabeeta qaar kamid ah saxaabadii ayaa ka qayb qaadatay aaskiisa oo aasay goor habeen ah, Maqribka iyo Cishaha inta u dhaxaysa, waxayna kala ahaayeen Xakiim bin Xizaam, Xuwaydhib bin Cabdilcuzza, Abuu Jaham bin Xudayfah, Niyaar bin Mukrim Al Aslami, Jubayr bin Mudcim, Zayd bin Thaabit, Kacab bin Maalik, Dalxa bin Cubaydillaah, Miswar bin Makhrama, Zubayr bin Al Cawwaam iyo Cali bin Abii Daalib. Waxaa kaloo ka qeyb qaatay dumarkii Cuthmaan oo ay kamid ahaayeen Naailah bint Faraafisa iyo Umu Baniin bint Cuyaynah, iyo weliba qaar kamid ah dadloo Muslimiinta. Waxaa la sheegaa Marwaanna inuu ka qeyb qaatay.

Waxaa janaasadiisii qaaday Miswar bin Makhrama, Abuu Jaham bin Xudayfah, Jubayr bin Mudcim iyo Niyaar bin Mukrim.

Waxaa la isku khilaafaa cidda tujisay janaasadiisa, waxaana la sheegaa inuu Jubayr bin Mudcim tujiyey. Sidoo kale waxaa kaloo la sheegaa inuu Zubayr bin Mudcim tujiyey, ama Xakiim bin Xizaam, ama Miswar bin Makhramah, ama Marwaan bin Xakam. Wallaahu aclam.

Galbeedka Baqiic ayaa lagu aasay Cuthmaan bin Cafaan Ilaahay haka raalli noqdee, meel ka yara durugsan qabuuraha Muslimiinta. Markiina la gaaray waqtigii Mucaawiyah, buu amray in dhanka qabrigiisa ku aastaan dadka ay ehelladooda ka geeriyoodeen, jeer markii dambe ay qabuurahii Muslimiinta gaareen halkii uu ku aasnaa Cuthmaan Ilaahay haka raalli noqdee.

Nucmaan bin Bashiir baa mar dambe geeyay Shaam khamiiskii Cuthmaan lagu dilay isagoo leh dhiiggii Cuthmaan iyo farahii xaaskiisa Naailah, waxayna reer Shaam surteen masjidkii oo ay ku dul barooranayeen, wuxuuna Mucaawiyah amar ku siiyey wixii fidna wadayaasha kamid ah oo la arko in la laayo.

Illaahay ha unuuriyo qabrigiisa oo ha u waasiciyo amiirkii Muminiinta ee Cuthmaan bin Cafaan.

Aamiin Aamiin Aamiin.






Ra'yi lama dhiiban



Name:
Email:
Code: zosq
Text:
 

  • Home
  • Duruus
  • Quraan
  • Video
  • S&J
  • Muxaadao
  • Contacts



  • sisawc ka baro diintaada © 2012 privacy policy terms of use