Previous  




-

سبحان الله والحمد لله ولا اله الا الله والله اكبر
 

Cuthmaan Bin Cafaan rc Q-3aad

SANADKII 31AAD

Sanadkan buu dhacay

Dagaalkii Daatu Suwaari

Mucaawiyah bin Abii Sufyaan baa wuxuu sanad weliba xilliga xagaaga ahi weerari jiray Ruumaanka, oo dad badna ka layn jiray, hanti badanna ka qaniimeysan jiray. Markii uu C/llaahi bin Sacad bin Abii Sarax uu waqooyiga Afrika weeraray ee uu laayay khalqi badan oo kamid ah Barbarkii iyo Faranjigii la socday ayay Ruumaankii sanadkan soo direen ciidama culus, oo uu hoggaaminaya Qustandiin bin Hiraqal, waxayna aadeen dhankii Muslimiinta iyo ciidamadii C/llaahi bin Sacad. Waxay Ruumaanku ku yimideen cadad aanan horey loogu arag, waxayna kusoo galeen 5 markab oo waaweyn oo dagaalyahanno ah. Cabdillaahi bin Sacad bin Abii Sarax markii uu arrintaasi ka war helay buu ciidamadii Muslimiinta ee kusugnaa Bilaadu Maghrib lasoo kacay, oo soo abbaaray dhanka cadawga. Intaa dadabadeed waxay labadii qolo ku kulmeen badda, oo habeen is dul degnaayeen. Ruumaanku habeenkaas oo idil waxay ku baryootamayeen diintooda iyagoo qisisiintooda ay u duceynayeen. Muslimiintuna habeenkaasi waxay akhrinayeen Quraanka iyo dikriga Alle.

C/llaahi bin Sacad raggiisii ayuu safay oo diyaariyey habeenkaasi, Ruumaankuna waa ay iskeeneen. Markaa bay labadii qolo is hor timid. Muslimiintii waxay dalbadeen in banaanka laysula baxo, balse Ruumaankii oo horey u ogaa wixii banaanka ku qabsan jiray, dhegahooduna ay kasii guuxayaan guul darrooyinkii looga bartay xaggooda, iyo jabka uga yimaada had iyo jeeraale dhanka Muslimiinta, ayaa waxay markaan is tusiyeen inay badda ku dagaallamaan. Waxay markaasi ku rajo weynaayeen inay maalintaasi Muslimiinta badda kaga adkaan doonaan. Dabeetana halmar ayay dhankii Muslimiinta weerar kusoo qaadeen iyagoo leh:- Biyaha!! biyaha!!.

Markaas buu dagaal darani dhex maray oo seefaha laysla dhacay, oo dirir darani dhex martay. Muslimiintuna maalintaas waxay sabreen sabar aad u xeel dheer, iyagoo sugnaaday oo diriray dirir daran, heer dagaalkii uu ku darnaaday, khalqi badanna laga dilay dhanka Muslimiinta, intaas toban jibaarkeed ayaana cadawga laga laayey, heer biyihii ay noqdeen liciy dhiig ah. Markaas buu nasrigii Alle yimid oo cadawgii jabeen, Qustandiinna wuu jabay asaga iyo raggiisii wixii la badbaaday, isagiina dhaawac ayuu la fakaday kasoo gaadhay garabka. Ciidamadii Muslimiinta waa ay guuleysteen, halkaas waxay ka heleen qaniimo culus, maalmo ayuuna C/llaahi bin Sacad halkaas ku sii sugnaa. Kadibna waa uu rartay oo wuxuu aaday dhulkiisii. Ciidamadaasi waxaa la socday Maxamed bin Abii Bakar iyo Maxamed bin Abii Xudayfah, waxayna labadani wiil billaabeen inay Cuthmaan wax ka sheegaan, iyagoo waxyaaba dhowr ah ku eedeynayay. Waxaana kamid ahaa arrimahii ay ku eedeynayeen in C/llaahi bin Sacad bin Abii Sarax oo waqtigii Nebiga SCW riddoobay, haddana toobad keenay uu ciidan dhan masuul uga dhigo. C/llaahi bin Sacad dhowr mar ayuu ku canaantay inay kajoogaan waxyaabaha ay la wareegayaan.

Isla sanadkan buuna Xabiib bin Maslama furtay Armiiniya oo idil sida uu yiri Al Waaqidi,waxaana la dilay sanadkaan boqorkii Kisraa Furus ee ugu dambeeyay kaasoo la oran jiray Yazdajrid, waxaana dilay nin uu gurigiisa ku hoyday oo degan xuduudda Turki iyo Persia, kaasoo markii uu seexday kurka ka jaray, Rasuulkuna SCW isagoo tilmaamaya inuusan jirin boqor Faaris oo idil u talin doona mar hadduu Kisra halaagsama waxuu yiri:Haddii uu Qeysar Boqorka Ruum halaagsama Qeysar ka dambeeya ma jiro, haddii uu Kisraa Boqorka Furus halaagsamana Kisra ka dambeeyo ma jiro , Illaah baan ku dhaartaye waxaad keydadkooda u isticmaali doontaan jidka Alle.Xukunka Yazdajrid waxuu ahaa 20 sana, afar sano oo qura ayuuna si caadi u dagnaa inta kalena waxuu ku jiray carar iyo fiig uu ka fiigayey Islaamka iyo ehelkiisa, xitaa mar ay ku yiraahdeen ciidankiisii:Aan dhulkeennii ku laabanno oo aan diinta Islaamka qaadanno mise deris wanaag kula noolaano , oo aan u tegno dadkeennii iyo ahaladeenii , waxuu uu ka diiday, aakhirkiina waxuu Alle xukmay inuu nin reer miyi ah habeen madoow isagoo hurda kurka ka yaro, waana sidaa abaal marintiisa.Boqor Qaaqaan boqorkii Turkiga ayaa soo diray ciidan dabadeedna sanduuq intay intay ku rideen meydkii Yazdajrid bay qaateen ninkii dilay iyo ehelkiisina waay laayeen.Sanadkaan buuna C/llaahi ibnu Caamir furtay dhulal badan ,waxaana dadka xajiyey sanadkaan amiirkii muminiinta Cuthmaan bin Cafaan.

Dilkii Yazdajrid Boqorkii Furus

Waxaanu horey usoo xusnay in looga adkaaday dhulalkiisii oo idil waqtigii Cumar bin Khaddaab oo laga saaray, dabeetana wuxuu tegay xuduudda dhulka Turkiga, halkaasoo ay kusugnaayeen asaga iyo ciidama yar oo uu watay. Dabeeta wuxuu billaabay inuu dhac iyo boob ka geysto dhulalkaas. Wuxuu wax weydiistay dadkii daganaa Marwi, markaasay u diideen, markaasuuna hantidoodii oo idil ka dhacay. Kadib waxay u cid dirsadeen boqorkii Turkida oo ay ka dalbadeen inuu ciidamo usoo diro oo ka qabta ninka nafta u keenay. Markaasuu boqorkii Turkida ee Khaaqaan uu soo diray ciidamo. Dabeeto ciidamadii Yazdajrid ayay laayeen, asagiina wuu baxsay oo aaday dhanka miyiga Marwi, halkaasoo uu kaga sii gudbay webi la yiraahda Marqaab, halkaas ayuuna degey oo uu kusugnaa labo casho. Kadib wuxuu kula kulmay nin reer miyi ah oo uu cunta weydiistay oo gurigiisa geeyey. Boqorkii dhulkaas Marwi oo la oran jiray Maahuweyh bin Baabaah ayuu warkaasi gaaray, dabeetana wuxuu soo diray dhowr ciidamo ah. Markii ay u tegeen ninkii reer miyiga ayay amreen inuu dilo ninka gurigiisa joogo, saa wuu yeelay oo uu qudha ka jaray goor uu hurdo, dabeetana madaxii ayuu ka jaray oo nimankii u dhiibay si ay boqorkooda ugu geeyaan, meydkiisiina waxay ku tuureen biyaha.

Ciidamadii Turkida oo markii horeba ku raad joogay baa markay arrintaasi maqleen, dilay ninkii iyo ehelkiisiiba, dabeetana biyahii ka soo saaray oo meydkiisii intay sanduuq ku rideen bay qaateen oo ay la aadeen dhanka Isdhakhar.

Sidaaasi ayuu boqorkii Furus ku bakhtiyey khaatumo xumo, ayadoo uu kurka ka jaray nin reer miyi ah oo uu u martiyey. Waa sidaase, weli markaasi wuxuuna ka quusanin boqortooyadiisii mar hore la boqno jaray, oo lala wareegay. Taas ayuuna weli u hanqal taagayay illeen waa mid aanan iimaan lahayne, Aakhirkiina waxay taasi dhashay inuu jid xun ku dhinta. Sidaas oo kale weeye dadka iyaguna aanan iimaanka lahayn ee boqorrada sheegta iyo madaxa, oo majecleystaan in ay xukun ka degaan ama haddii laga dejiyo ay ka sabraan. Lagama aamin aha, waayo waa midkii mar uun soo rogaal celiyo, waloow rogaal celintaasi aanay waxba u tarayn.

Wuxuu boqorkani Yazdarjid ahaa boqorkii ugu dambeeyey ee maamulo dhulka Furus oo idil, asaga mid ka dambeeyeyna ma uusan soo marin teer dahrigan.

Waxaa sanadkani dadka xajiyey amiirkii Muminiinta ee Cuthmaan bin Cafaan.

SANADKII 32AAD

Sanadkaan buuna Mucaawiyah ku duulay dhulka Ruumaanka illaa uu ka gaaray Madyaq Al Qusdandiiniyah, isagoo ay la socota afadiisa Caatikah, waxaa kaloo la sheegaa inay la socotay ooridiisii Faadimah bint Qardah bin C/Camr bin Nowfal bin C/manaaf, sidaa waxaa yiri Al Waaqidi iyo Abuu Macshar.

Diriddii Salmaan Bin Rabiicah

Sanadkan buuna Saciid bin Al Caas diray ciidan uu hoggaaminaya Salmaan bin Rabiica si ay ugu duullaan meesha la yiraahdo Baab, waxuuna sidoo kale Saciid warqad u diray C/Raxmaan bin Rabiica oo aagaas masuul ka ahaa si uu walaalkiis Salmaan ugu kaalmeeyo ciidan, markaa bay socdeen ciidamadii Muslimiinta jeer markii dambe ay dul dageen Balandar oo ay godoomin ku qabteen, waxayna rakibeen maalintaa iyada ah manjaaniiq si ay ugu duqeeyaan dadka reer Balandar, markaa bay reer Balander usoo baxeen waxaaana dhex maray dagaal aad iyo aad u daran, waxaana reer Balander ay garab ka helayeen ciidama Turki ah, waxayna maalintaas u dagaallameen si la yaab leh, hase ahaatee Muslimintu waxay muujiyeen sabar iyo sugnaan badan, waxana qoobtaas looga dilay cadad aad u tira badan, oo waxaa goobtaasi kaga shahiiday tira badan, waana meeshii lagu dilay C/Raxmaan bin Rabiica. Waxaa C/Raxmaan loo yaqiinnay Dun Nuun, oo aaggaas ayuu masuul ka ahaa markii hore. Waqtigii Cumar ayuuna ku duullay Baab, sidaynu soo xusnay oo uu halkaasi gaaray. Muslimiintu maalintani way jabeen waxayna u kala jabeen laba kooxood. Koox waxay aadday dhulka Khazar iyo koox kaloo u carartay dhanka Jeeylaan iyo Jurjaan, waxaana kooxdani dhankan u carartay kamid ahaa Abuu Hureyrah Ad- Dowsi iyo Salmaan Al Faarisi.

Ciidamadii Turkiyiinta waxay horey u qaateen jirkii C/Raxmaan bin Rabiica waxuuna ka mid ahaa saadaaddii Muslimiinta iyo geesiyaashii ciidanka, waxayna ku aaseen dhulkooda, illaa maantadan waa ay ku roobdoontaan qabrigiisa. Markii la dilay C/Raxmaan buu Saciid bin Al Caas booskiisi masuul uga dhigay wakaalkiis Salmaan bin Rabiica, Cuthmaan bin Cafaanna waxuu amray in ciidan gurmad ah kasoo baxaan dhanka Shaam, kuwaasoo uu hoggaaminaya Xabiib bin Maslama Al Fihir. Markiina ay isku tegeen labadii ciidan yacni kuwii Salmaan bin Rabiica iyo kuwii gurmadka ee Shaam ka yimid ayay Xabiib iyo Salmaan isku qabteen arrinta xukunka guud ciidanka, Xabiib waxuu is tusay inuu amiirkii muminiinta usoo wakiishay oo Shaam kasoo diray, halka Salmaanna uu is tusayey in uu gurmad oo kaliya ku yimid, waxayna yiraahdaan culimada taariikhda:- Tani waxay ahayd khilaafkii ugu horeeyay ee ay is khilafaan reer Kuufa iyo reer Shaam.

Isla sanadkan buuna furtay C/llaahi ibnu Caamir dhulalka Marwi Ruud, Dhulaaqaan, Faariyaab, Jowuzjaan iyo Dhakhaaristaan.Ammaa Marwi Ruud waxuu C/llahi ibnu Caamir u diray Al Axnaf ibnu Qeys oo isagu godoomiyey dabadeedna kula heshiiyey jisyo inay bixiyaan, waxuuna ka qaaday maal culus. Kadib Axnaf waxuu diray Al Aqrac bin Xaabis oo uu u diray dhanka Jowzjaan, dabeetana waxuu tegay goobtaa oo uu dagaal daran kadib furtay, waxaana Muslimiinta goobtaa looga dilay khalqi badan, kadibna Axnaf bin Qeys baa waxuu ka baxay Marwi Ruud oo waxuu abbaaray dhanka Balakh, halkaasoo uu xisaar godoomin ku sameeyay jeer markii damba ay kula heshiiyeen inay bixinayaan jisyo ahaan maal dhan 400 000, waxuuna uga tegay ina adeerkiis Useyd bin Mashmas si uu maalkaas uga soo qaada. Halkii ayuuna Al Axnaf kasii waday howlihii militeri ee uu waday, waxaana ku galay waqtigii qaboobaha markaa buu dadkiisii ku yiri:- Maxaad ii ishaareysan, oo waa maxay ra yigiina? Markaasey ku yiraahdeen:- Horey waxuu tix gabay u yiri Camr bin Macdiyakrib

Haddaadan awoodin fulinta Shey *** Uga weeco dhanka kaad awoodda.

Markaa buu Axnaf amray in la guuro, waxuuna ku laabtay Balakh halkasoo uu ku sugnaa inta waqtigii qaboobaha laga baxayey, kadibna waa uu kasii guuray, waxuuna aaday dhankii C/llaahi ibnu Caamir.

Isla sanadkan bayna is heleen ciidama uu hoggaaminayey Qaaraan oo tiradoodu tahay 40000 iyo ciidamadii Muslimiinta oo uu hoggaaminayey C/llaahi bin Khaazim, tiradooduna waxay ahayd 4000, halkaan markii ay is heleen ciidamadaasi aadka u culus iyo Muslimiinta C/llaahi waxuu sameyay qaddo wanaagsan oo habeenkii buu dab shiday oo amray in waramada afka looga xiro dabka, dabeeta baa acadaadii Alle uu Illaah quluubta rucbi iyo argagax uga tuuray, kaidb markay arkeen iftiinka tirada badan ee muuqda, oo ay u maleeyeen ciidamo culus, dabada ayayna jeediyeen markaa buu C/llaahi intuu daba kacay xasuuqay xasuuq daran, waxayna Muslimiintii halkaas ka qaniimeysteen qaniima badan iyo maal culus. Markiina uu C/llaahi ibnu Khaazim guushaas iyo qumuskii u diray C/llaahi bin Caamir oo uu warkiina helay buu usoo magacaabay gobalkii Khuraazaan inuu Masuul kanoqda mar kale, kadib markii uu horey uga casilay.

SANADKII 33AAD

Sanadkan ayaa la furtay Qubrus sida uu Abuu Macshar qaba, hase ahaate jamhuurka kalee culimada Muarrikhiinta ayaa ku khilaafay, waxayna xuseen inay aheed furashadeeda waqtigaasi ka hor, horey ayaanna usoo marnay, falillaahil xamdu.

Sanadkan buuna C/llaahi ibnu Sacad ibnu Abii Sarax ku duullay dhulka waqooyiga Afrika mar kale kadib markii ay buriyeen ballantii ay horey ula galeen.

Isla sanadkan buuna Cuthmaan qaar kamid Qurraadii reer Kuufa u wareejiyey dhanka Shaam isagoo Mucawiyana ku amray inuu soo dhaweya raggaasi. Sababtuna waxay ahayd Inay raggaasi markaas wax ka sheegayeen golahii fadhiga iyo xalaqooyinkii Saciid, waxayna ahaayeen sagaal nin oo kala ahayd: Ashtar bin Maalik bin Yaziid oo caan ku ahaa Ashtar An Nukhaci, Kamiil ibnu Ziyaad An Nukhaci, Calqamah bin Qeys An Nukhaci, Thaabit bin Qeys An Nukhaaci, Jundub bin Zuheyr Al Caamiri, Jundub bin Kacab Al Usdi, Curwah bin Jacdah, iyo Camr bin Al Xamaq Al Khusaaci. Siddeeddaasi nin iyo mid kaloonan magaciisu helin ayay ahaayeen. Markii ay nimankani billaabeen inay golahii fadhiga ee Saciid ka qayliyaan, iyagoo ku buuqaya, waxna ka sheegaya Saciid iyo weliba amiirka Muminiinta, ayuu markaasi Saciid warqad uqoray dhanka Cuthmaan, wuxuuna ka codsaday inuu nimankani ka qabto, markaas buuna Cuthmaan soo amray inuu u masaafuriyo dhanka Shaam iyo Mucaawiyah xaggiisa. Sidoo kale wuxuu Cuthmaan, warqad u qoray Mucaawiyah, asagoo ogeysiinaya inuu usoo diray rag kamid ah qurraadii reer Kuufa, wuxuuna ka codsaday inuu soo dhaweeyo oo dejiyo.

Markii ay Mucaawiyah u tegeen, wuu soo dhaweeyey, wuuna sharfay oo dejiyey, asagoo fulinaya amarkii amiirka Muminiinta ee Cuthmaan bin Cafaan, wuxuuna amray inay ka waantoobaan oo ay joojiyaan fidnada ay wadaan. Balse dheg jalaq uma aanay siin waanooyinkii Mucaawiyah, oo halkoodii ayay howlahii kasii wateen. Wuxuu Mucaawiyah in badan ku qaabilay dulqaadkiisii iyo xilmigiisii xeesha dheeraa. Markiina uu kari waayey, wuu iska eryay, waxayna aadeen dhanka Jaziiradda, halkaasoo uu Masuul ka ahaa C/Raxmaan bin Khalid bin Waliid, ka horna waxuu masuul ka ahaa dhulka Ximsa, markay u tageen buu ka reebay inay ka joogaan fidnadan ay wadaan, markiina ay ka joogsan waayeen ayuu u goodiyey in uu laayn doona dhammaantood, waxayna ogaayeen dabeecaddii iyo ad adkaantii C/Raxmaan oo in badan uu aabahiis ka shabahi jiray dhankaas, markaa bay ka joogsadeen wixii ay wadeen, oo caga dhigteen.

Waxaa kaloo la sheegaa, markii uu Mucaawiyah kari waayay in uu warqad u diray dhanka amiirkii Muminiinta ee Cuthmaan, markaasina uu Cuthmaan soo amray in loo celiya Saciid bin Al Caas dhankiisa iyo magaallada Kuufa. Markiina Saciid loo celiyey, way kasii dareen, markaasuu Saciid arrintaasi Cuthmaan u qoray, dabeetana, wuxuu Cuthmaan soo amray in loo diro Ximsa iyo dhanka C/Raxmaan bin Khaalid. Markiina ay u tegeen, buu C/Raxmaan u gooddiyey oo ay fidnadii joojiyeen.

Isla sanadkan buuna Cuthmaan kuwa kale oo fidna wadayaal ah ka diray Basra isagoo u wareejiyey dhanka Shaam, waxaana dadka xajiyey sanadkaan amiirkii Muminiinta Cuthmaan bin Cafaan.

SANADKII 34AAD

Sanadkan buu yiri Abuu Macshar waxaa dhacay duullaankii Suwaari, hase ahaatee horey ayaan u soo marnay sida ay jamhuurku isku raaceen in uu ahaa sanadkan ka hor.

Isla sanadkan bayna fidna wadayaashi ka hoos baxeen xukunkii Cuthmaan oo ay misna waxyaaba qeyra macquul ah ka sheegeen, jamhuurkooduna waxay ahaayeen reer Kuufa, oo fidnadu dhankooda bay markii horeba ka billaabatay, isla sanadkan baana loo wareejiyey dhanka Ximsa misna mar kale dhanka waqooyiga jaziirada, markii dambana waxay isugu tegeen Masar.

Raggani fidna wadayaasha ahi kuwa Kuufa iyo kuwa Basraba waxay Cuthmaan ku inkirayeen, waxyaaba dhowr ah, oo ay kamid ahaayeen inuu xil u dhiibay inama yaryar, iyo inuu katagay saxaabadii waaweyneed ee akhyaarta ahayd, iyo inuu reer banii Umayah u badiyey wax siinta, iyo in C/llaahi bin Sacad bin Abii Sarax uu u dhiibay imaaradda Masar iyo weliba arrima kaloo dhowr ah. Waxay iyana fidna wadayaashu Cuthmaan ka dalbanayeen inuu casila madaxda goballada oo uu rag kale u magacaabo, markiina ay arrintaasi ku adkeeyeen, buu Cuthmaan madaxdii goballada u cid diray si ay Madiina u yimaadaan oo uu ugala tashto arrinta fidna wadayaasha. Markaas baa waxaa yimid Mucaawiyah bin Abii Sufyaan oo ahaa amiirkii Shaam, Camr bin Al Caas oo isagu markaas kahor Masar masuul ka ahaa balse laga casilay- xagga salaad tujinta ayuuna u xil saarnaa. C/llaahi bin Sacad bin Abii Sarax oo waqooyiga Afrika illaa galbeedka masuul ka ahaa. Saciid bin Al Caas oo ahaa amiirkii Kuufa iyo Cabdillaahi bin Caamir oo ahaa amiirkii Basra.

Cuthmaan markii uu raggani madaxda ahi kala tashaday xaaladda fidnawadayaasha, baa waxay u soo jeediyeen talooyin dhowr ah.

C/llaahi bin Caamir wuxuu ku taliyey in laga mashquuliyo waxa fidna ah ee ay ku jiraan oo loo diro furumaha jihaadka, si ayba fursad ugu waayaan oo markaas ay nafahooda uun ugu mashquulaan.

Magaallada Kuufa ayay markii ugu horreysay kasoo ifbaxeen raggani fidnada wada, sidaa darteed Saciid bin Al Caas amiirkii Kuufa ayaa isaguna wuxuu ku taliyey in la laayo oo Muslimiinta looga raaxeeyo fidnada iyo sharta ay kudhex wadaan, oo sidaa ciribtooda lagu gooyo. Mucaawiyah isagu wuxuu soojeediyey in masuuliyiintu ay goballadooda isaga laabtaan, oo fidna wadayaashu warkooduna la maqal, wuxuuna ku macneeyey inay yahiin kuwa aad u itaal daran oo aanan waxba awoodi karin.

Cabdillaahi bin Sacad bin Abii Saraxna wuxuu soo jeediyey in la siiyo maal, si quluubtooda loosoo dumo oo ay dhibta iyo fidnadu u joojiyaan.

Camr bin Al Caas baa markii lasoo gaaray hadlay oo yiri:- Intaa dabadeed, Cuthmaanoow! adigaa dadka ku qasabtay waxaanay rabin, ama ka casil cidda ay nacayaan, ama u tag oo soo eeg masuuliyiintaadu waxa ay ku suganyahiin. Wuxuuna Camr ku hadlay hadallo kulkulul. Dabeetana si gaar ah buu amiirka uga cududdaartay hadalladaasi kulul, wuxuuna u sheegay inuuna sidaa u oran, wax kale ee uun ay ka ahayd in Cuthmaan uu sidaa falo, dabeetana ay fidna wadayaashu sidaa ku qancaan. Markaas buu Cuthmaanna ka raalli noqday, oo u cududdaaray.

Cuthmaan wuxuu talooyinkii ka qaatay, laba rayi oo ah, sidii ay laba Cabdillaahi sheegeen, labadaas arrimood ayuuna isugu daray, in lacag la siiyo iyo in furumaha jihaadka loo diro, si ay ayaga uun isugu mashquulaan.

Markii ay masuuliyiinta laabanayeen, baa Mucaawiyah wuxuu la hadlay amiirka Muminiinta oo uu ka dalbaday inuu Shaam u guuro, wuxuuna u sheegay in Shaam ay tahay meel dadkeedu ay madaxda adeecaan. Wuxuuse Cuthmaan ku jawaabay:- Meelna kuma baddalanaya la derisnimada Rasuulka Alle SCW.

Markaasuu Mucaawiyah yiri:- Ma kaaga soo diyaariyaa ciidama Shaam, si ay agtaada u joogaan oo ay kuugu gargaaraan?

Wuxuuse Cuthmaan yiri:- Waxaan ka cabsan inay baladkii Rasuulka SCW ku ciriiri geliyaan asxaabtiisii Muhaajiriin iyo Ansaar.

Markaasuu Mucaawiyah yiri:- Illaahay baan ku dhaartaye amiirkii Muminiintoow! waalagugu soo duuli.

Waxuu yiri:- Kaafigeygu waa Allaah isagaana ugu wanaag badan inta la tala saarto.

Dabeeta waa uu dhaqaaqay Mucaawiyah wuxuuna sii maray koox meel fadhida oo saxaabadii Muhaajiriinta iyo Ansaarta kamid ah. Waxaana ku jiray raggaasi Cali, Dalxa iyo Zubayr. Markaasina wuxuu Mucaawiyah watay seyftiisa oo galka kujirta iyo qaansa. Markaas buu raggii dul istaagay oo inta qaansadii ku taagsaday la hadlay hadal xeel fog. Wuxuuna kula dardaarmay inaanay ogolaan in Cuthmaan dhibi soo gaarto, oo nimanka fidna wadayaasha ahi aanay wax gaarsiin. Dabeetana waa uu dhaqaaqay.

Zubeyr bin Al Cawwaam baa hadlay markaasi oo wuxuu yiri:- Ma aanan arag maalin uu maantadan kaga heybad badanyahay. Wuxuu ula jeedaa Mucaawiyah.

Dhanka kale Markii ay masuuliyiintii goballadii aadeen, reer Kuufa waxay is hortaageen in Saciid bin Al Caas uu galo magaalladii Kuufa. Waxayna soo qaateen hubkoodii iyo seefahoodii oo ay magaaladii ka hor istaageen, waxayna kudhaarteen inuuna soo galeyn jeer uu Cuthmaan ka casilo oo booskiisuna uu madax uga dhigo Abii Muusa Al Ashcari. Waxay Saciid iyo reer Kuufa ku kulmeen meel la yiraahda Al Jarcah oo duleedka Kuufa ah, wuxuuna maalintaasi Ashtari An- Nukhaci yiri:- Wallaahay buunan soo galeyn intaynu seefahayaga wadanno.

Saciid qudhidiisu ma uunan jecleysan inuu dib u laabto oo uu aado magaalladii Madiina, saa maxaa yeelay magaallada Kuufa masuul buu ka ahaa oo niman fidna wadayaal ah ayunbaa ka hor istaagay. Sidaa darteed wuxuu istusinayay inuu yahay amiirkii magaallada. Maalintaasi ayada ah waxaa masjidkii Kuufa ku kulmay Xudeyfah bin Al Yamaan iyo Abuu Mascuud Cuqbah bin Camr Al Ansaari. Markaas buu Abuu Mascuud yiri:- Wallee Saciid ma laabto jeer uu dhiig daata. Markaas buu Xudeyfana yiri:- Wallee wuu laaban, oo dhibic dhiig ahina ma dhici doono. Wax aan maanta ogaaday majirto illaa waxaan ogaaday Muxamed SCW oo nool.

Ula jeeddadu waxay tahay Saciid laabay oo wuxuu aaday magaalladii Madiina, asagoo halkaasi ku boqno jaray fidnadii ka carcartameysay magaalladii Kuufa. Sidaa darteed bayna reer Kuufa aad ula yaabeen siduu falay Saciid bin Al Caas. Markaasay warqad u qorteen Cuthmaan ayagoo ka dalbanaya inuu Abii Muusa Al Ashcari usoo magacaabo magaallada Kuufa. Markaas buuna Cuthmaan u yeelay sidii ay rabeen oo u magacaabbay magaalladii Kuufa Abii Muusa Al Ashcari.

Sayf bin Cumar wuxuu xusay in nin la oran jiray Cabdillaahi bin Saba oo Yahuudi ah uu muujistay Islaamka. Dabeetana aaday dhanka Masar. Halkaas wuxuu ugu waxyooday dadkii wax ma kasta ahaa ee reer Masar hadallo uu asaga keensaday oo quraafaad ah. Wuxuuna ku lahaa:- Ma waanay sugnaan Ciise ina Maryama inuu dunidan kusoo noqon doono? Markaasuu ninkood oranayaa:- Haaheey!!. Markaasuu asaguna oranayaa:- Rasuulka Alle SCW baa ka fadli badan Ciise, ee maxaad ku diideysaan inuu dunidan kusoo laabto, asaga ayaana ka sharaf badane Ciise ina Maryamee?

Misna wuxuu oranayay:- Cali bin Abii Daalib ayuu u dardaarmay Rasuulka SCW xilka. Sidaa darteed Muxammed waa Nebiyada kii ugu dambeeyey, Calina waa kuwa loo dardaarmay kan ugu dambeeyo. Misna wuxuu lahaa:- Asaga Cali ayaa ka mudan xilka Cuthmaan. Wuxuu ninkani isu muujinayay inuu amraya wanaagga oo xumahana uu ka reebaya, wanaaggooda inuu ka shaqeynaya ayuuna muujisanayay. Sidaa darteed bayna bashar badan oo kamid ah reer Masar ku raaceen. Kadibna cawaantii reer Kuufa iyo fidna wadayaashii Basra ayay warqada ugu direen arrimahaasi ayagoo ku boorinaya inay u midoobaan inay arrima dhowr ah ku inkiraan amiirka Muminiinta ee Cuthmaan bin Cafaan.

Waxaa sanadkani dadka xajisiiyey amiirkii Muminiinta ee Cuthmaan bin Cafaan. Waana sanadkii ugu dambeeyey ee uu xajiya.

SANADKII 35AAD

Waa sanadkii uu amiirkii Muminiinta Cuthmaan bin Cafaan dunida ka hoyday, waana sanad murugo badan ay dabooshay dadkii Muslimiinta ahaa, gaar ahaan reer Madiina. waxaa la dilay amiirkii Muminiinta ee Cuthmaan bin Cafaan, asagoo ay dileen fidna wadayaal ku eedeyay dhowr arrimood oo dhammaan sida uu Cali kaga jawaabay uusan Cuthmaan ku khaldaneyn.

Fidnadaan dilka Cuthmaan waxay ahayd fidnadii ugu horeysay ee dowladda islaamka ku dhacda, waana tan illaa hadda jirta oo dowladdii Calina waqtigiisii dhan qaadatay.

Sababta arrinkaasi waxay ahayd Camr bin Al Caas baa masuul ka ahaa dhulka Masar, sidaa darteed baanay u suuroobin in fidna wadayaashii Masar ay ku hadaaqaan waxii ay damcaan inay ka dhahaan dhanka amiirka Muminiinta. Waayo waxay ogaayeen ad adkaantii Camr bin Al Caas iyo inuu ciqaabi doono haddii ay ku hadlaan waxa laabahooda ka guuxayay. Sidaa darteed bayna Cuthmaan ka dalbadeen inuu Camr ka casilo oo nin asaga ka dabacsan oo ka dabeecad dagan kana naxariis badan uu u soo magacaaba.

Markaas buuna Cuthmaan ka casilay Camr masuuliyaddii Masar oo ku wareejiyey C/llaahi bin Sacad bin Abii Sarax. Camrna wuxuu ku daayay tujinta salaadda. Dabeeta Camr iyo C/llaahi bin Sacad bay arrini dhex martay, markaasuu Cuthmaan amray inuu Camr yimaada magaalada Madiina. Sidaa buuna kaga casilay xukunkii Masar oo idil.

Markaas bayna fidna wadayaashii billaabeen in wixii ay la aamusnaayeen soo deeyaan, oo billaabeen inay Cuthmaan wax ka sheegaan. Sidoo kale, waxay dhibsadeen in C/llaahi bin Sacad uu madax u ahaado, markaas buuna C/llaahi bin Sacad ku mashquulay duullaamadii waqooyiga Afrika illaa dhulka Maghrib. Markaas bayna Masar gacanta u gashay laba wiil oo ay dhaleen laba saxaabi oo kamid ahaa saxaabadii fadliga badnayd, waxayna labadaasi wiil kala ahaayeen, Maxamed bin Abii Bakar Sidiiq iyo Maxamed bin Abii Xudeyfah bin Cutbah. Waxayna dadka ku boorinayeen in Cuthmaan la inkiro oo laga hoos baxa xukunkiisa, waxayna ka sheegayeen waxyaaba uuna ehel u ahayn, oo iska qeyra macquul ah. Waxaa arrintaasi ku garab taagnaa oo afuufayay C/llaahi bin Saba oo loo yaqaannay Ibnu Sowdaa. Markaas bay heleen laba Maxammed ciidama dhan 600 oo rukuubley ah, waxayna abbaareen dhankii Madiina, ayagoo kusocda sifo cumra, balse hadafkoodu uu yahay inay kusoo qayliyaan Cuthmaan bin Cafaan. Waxay ku dhaqaaqeen afar calan, ayagoo madaxdooduna ay kala yahiin C/llaahi bin Budayl bin Warqaa Al Khuzaaci, C/Raxmaan bin Cuddays Al Balawi, Kinaanah bin Bishir At Tujiibi iyo Sowdaan bin Ximraan As Sukuuni. Waxaa horey usii raacay Maxamed bin Abii Bakar. Rafiiqiisii Maxamed bin Abii Xudayfana wuxuu k uharay Masar si uu halkaasi masuul uga sii ahaada. C/llaahi bin Sacad bin Abii Saraxna, warqad ayuu u qoray Cuthmaan bin Cafaan asagoo ogeysiinaya in nimankaasi ay soo aadeen dhanka Madiina si ay ugu buuqaan, wuxuuna u sheegay inay kusocdaan sifo cumra si aanan hadafkoodu loo fahmin.

Markii ay raggani fidna wadayaasha ahi ku dhawaadeen magaalladii Madiina, buu Cuthmaan soo diray Cali si uu u celiyo, markaasuu ka hor tegey, oo la soo dooday weydiiyeyna, waxa ay Cuthmaan ka rabaan, markaasay iyana u sheegeen arrima dhowr ah oo ay kusoo eedeeyeen. Waxaana kamid ahaa inuu dhisay seero, inuu gubay masaaxiftii hore ee Abuu Bakar qoray iyo inuu salaadda jamciyey asagoo xajka joogo iyo inuu inama yaryar u dhiibay masuuliyad asagoo ka tagay saxaabadii waaweyneed ee Rasuulka SCW iyo inuu reer banii Umayah u badiyey wax siinta.

Arrintan Musxafka waxaa horey Cuthmaan ugu tilmaamay inuu hal qiraaa ka dhiga Xudeyfa bin Yamaan oo warqad usoo diray Cuthmaan, kadib markuu arkay dad isku khilaafsan akhrinta Quraanka markaa buuna Cuthmaan amray in la qora musxaf hal qiraaa ah. Taas ka horna musxafku wuxuu ku qornaa dhowr qiraaa oo ah siduu Abuu Bakar u qoray. Sidaa darteed bay reer Shaam ku akhrinayeen qiraaadii Al Miqdaad iyo Abuu Dardaa Al Ansaari, reer Ciraaqna waxay ku akhrinayeen qiraaada C/llaahi bin Mascuud iyo Abii Muusa Al Ashcari. Markii uu khilaaf ka dhex dhacay dad badan oo aanan kala aqoon arrimahaasi, oo qolaba ay qolada kale la yaabayso sida ay u akhrineyso ayuu Xudayfa warqad u diray amiirkii Muminiinta oo uu kula taliyey in hal qiraaa lagu qoro musxafka, sidii buuna Cuthmaan amray, waxuuna u xil saaray dhowr kamid ah akhyaartii Muslimiinta oo waxuu amray Zayd bin Thaabit inuu qora musxafka, asaga ayaana markii hore qoray, waqtigii Abuu Bakar, Saciid bin Al Caas-na inuu u yeeriyo ayuu amray, halka uu amray C/llaahi bin Zubeyr iyo C/Raxmaan bin Xaarith bin Hishaam Al Makhzuumi inay la joogaan. Wixii la isku khilaafa wuxuu amray in lagu qoro lahjadda Qureesh. Markaas buuna Musxafkii u diray goballada kii hore ee la isku khilaafayna gubay.

Haddaba arrimahani oo idil Cali wuu uga jawaabay, wuxuuna u sheegay, in seerada uu u dhisay geela saddaqada si ay ugu cayilaan, oo uunan u dhisin geeliisa iyo arigiisa tooni, hortiisna waxaa dhisay Cumar. Musxafyada uu gubayna, wuxuu uun gubay wixii ay dhex ahaatay khilaaf, wuxuuna u reebay dadka wixii la isku raacay. Salaadda uu Makka ku taam yeelayna, wuxuu ku yeeshay ehel magaallada, markaasi buu niyooday inuu sii joogo oo taam yeelay salaadda.

Wiilasha yaryar ee uu xilka u dhiibayna, ma uunan magacaabin, midaanan toosneen oo aanan caadil ahayn, Rasuulkuna SCW horey wuxuu ugu magacaabay magaallada Makka, Cataab bin Usayd oo 20 jir ah. Usaama bin Zayd bin Xaarithana masuuliyad buu u dhiibay Rasuulka SCW markii ay imaaraddiisa wax ka sheegeen. wuxuuna markaasi Usaama bin Zayd ahaa 17 ama 18 jir.Ammaa reer banii Umayah inuu u badiyey wax siinta, Rasuulkuba SCW wuxuu uga badin jiray Qureeshta xagga dadka.

Jawaabahaas ayuu Cali siiyey nimankii fidna wadayaasha ahaa, wuxuuna markaa sii raaciyey oo uu yiri:- Ilaahay baan ku dhaartaye, haddii furaha jannadu uu gacanteyda ku jiri lahaa, waa aan gelin lahaa banii Umayah oo dhan.

Waxay kaloo ku eedeeyeen, in Xakam bin Abil Caas oo Rasuulku SCW magaallada Madiina ka masaafuriyey oo uu u masaafuriyey dhanka Dhaaif uu kusoo celiyey magaalada. Waxaa la soo weriyaa in qaarkood fidnawadayaashu ay magaallada galeen, oo ay dhageysteen khudbadda Cuthmaan asagoo ka cududdaaranaya waxyaabaha lagu soo eedeeyey. Qaar kamid ah saxaabadii Rasuulka SCW ayaa Cuthmaan kula talisay markaas, in la qabta kuwaas oo la edbiyo, balse wuu iska saamaxay oo cafiyey, wuxuuna amray inay dadkoodii iyo meelahii ay ka yimaadeen ku laabtaan. Markaas bay iyana laabteen oo aadeen halkii ay ka yimaadeen. Markii ay gaddoomeen oo dhulkoodii abbaareen, buu Cali u tegey Cuthmaan oo uga warramay, wuxuuna usoo jeediyey inuu masjidka tego oo dadka u khudbeeyo, kana cududdaarta waxyaabaha lagu soo eedeyey. Markaas buuna Cuthmaan qaatay waanadii Cali oo masjidkii tegey oo dadkii u khudbeeyey, ogeysiiyeyna inuu ka toobad keenay wax waliba oo gef iyo dembi ah ee ka dhacay. Markaas buu sare gacmaha u taagay oo yiri:- Alloow! waan ku dembi dhaaf dalban oo waan kuusoo noqon. Markaas bayna indhihiisii qiimaha badnaa ilmadu deeyeen oo uu ooyey, heer Muslimiintiina ay lawada ooyeen.

Saciid bin Zayd baa istaagay oo yiri:- Allaah! Allaah! naftaada amiirkii Muminiintoow! dhammeyso khudbaddaada. Wuxuu Cuthmaan u sheegay Muslimiintii in gurigiisa albaabka uu u ballanqanyahay yacni u furan yahay qof kasta oo doonaya inuu imaadana uu iman karo, markii uu u baahda iyadoonay jirin cid ka hor istaagi karto. Markiina uu Cuthmaan mimbarkii ka soo degay wuxuu aaday dhankii gurigiisa,

Xisbiyadii oo Yimid

Taasu waxay ahayd in fidna wadayaashii Masar iyo kuwii Kuufa iyo Basra ay warqada isu dirayeen, ayagoo ku diraya afka saxaabada joogta magaallada Madiina sida Cali, Dhalxa iyo Zubayr, iyagoo dadka ugu yeeraya la dagaallanka Cuthmaan bin Cafaan, iyo in loo gargaaro diinta. Waxayna lahaayeen:- Waa maanta jihaadkii ugu weynaa.

Sida uu xusay Seyf bin Cumar, bishii Shawaal ee sanadkan, ayay reer Masar kusoo dhaqaaqeen afar calan mar kale, ayagoo tiradoodu lagu sheega markay ugu yartahay 600, hadday ugu badatana 1000. Waxaana u madax ahaa oo calamada ukala siday C/Raxmaan bin Cuddeys Al Balawi, Kinaanah bin Bishir, Sowdaan bin Ximraan As Sakuuni iyo Quteyrah As- Sakuuni. Waxaana madax guud u ahaa Qaafiqi bin Xarbi Al Caki. Waxay kusoo baxeen sifa la moodo inay u socdaan xaj, ayagoo uu la socda Ibnu Sowdaa Cabdullaahi bin Saba.

Kuufana waxaa ka soo baxay fidna wadayaashii halkaasi joogay, waxaana ay sidoo kale wateen afar calan oo ay u kala wadeen Zayd bin Sowxaan, Ashtar An Nukhaci, Ziyaad bin Nadar Al Xaarithi iyo C/llaahi bin Al Asam. Waxaana guud ahaan reer Kuufa madax u ahaa Camr bin Al Asam.

Kuwoodii reer Basrana waa ay soo baxeen, ayagoo sidoo kale wata afar calan, waxaana u kala siday Al Xakiim bin Jablah Al Cabdiyu, Bishir bin Shureex bin Dhubeycah Al Qeysi, Dureyx bin Cabbaad Al Cabdiyu iyo Xurquus bin Zuheer. Guud ahaantoodna, waxaa madax u ahaa Xurquus bin Zuheer.

Fidna wadayaasha reer Masar, iyagu waxay doonayeen in xilka uu qabta Cali oo laga qaado Cuthmaan. Kuufiyiintuna waxay rabeen xilka inuu qabta Zubayr oo asaga amiir laga dhiga. Basriyiintuna waxay rabeen in xilka uu qabta Dalxa oo Cuthmaan la casilo. Sidaa oo ay tahay, qola kasta waxaa ka goneed inay howsheeda iyo hadafkeeda gaarto oo ay meel mariso. Waxayna ku ballameen duleedka magaallada Madiina xilli la yaqaan inay ku kulmaan.

Markaas bay soo dhaqaaqday qola waliba oo timid duleedka Madiina. Koox waxaa ay degtay Dii Khashab, kooxna waxay degtay Al Acwas, halka intoodii badneydna ay degeen Dii Marwah. Markaas bay qaar kamid ah direen, si ay dadka ugu sheegaan inaanay wax kala u imaan, ee ay u yimaadeen uun xaj iyo in Cuthmaan uu ka casila qaar kamid ah masuuliyiinta goballada. Markaasay ka idin dalbadeen inay soo galaan magaallada, hase ahaatee, dadkii reer Madiina waa ay diideen arrinkaas. Dabeeta waa ay soo dhawaadeen oo ay ku durkeen magaalladii. Markaa bay koox Masriyiin ah Cali kula kulmeen Axjaaru Zayt agteeda. halkaasi waa meeshii ay reer Madiina ku tukan jireen salaadda roob doonka. Dabeeta Cali intuu la hadlay buu si daran u canaantay oo caayey, oo lacnaday, dabeetana amray inay laabtaan. Markaas bay iyana yiraahdeen:- Waayahay. Dhalxa baa isaguna sidaa oo kale Basriyiintii u eryaya. Zubayrna sidoo kale Kuufiyiintii ku sameeyey.

Waxaa kaloo la sheegaa in Masriyiintii ay dalbadeen inuu Cuthmaan ka casilo C/llaahi bin Sacad bin Abii Sarax oo uu ku baddalo Abii Bakar, markaasuu ka yeelay. Markaas bay wada laabteen, oo qola kastaba dhulkeedii aadday, oo waxay muujisteen inay dhulalkoodii aadeen. Markii ay maalmo socdeen, bay dib usoo laabteen oo ay soo aadeen dhankii Madiina, Waxyar kadibna, waxay reer Madiina maqleen takbiir Allaahu akbar. Illeen nimanku waxay soo galeen magaaladii Madiina, oo ay qabsadeen, oo ay ku kala firaareen, intoodii badneydna waxay dul dageen gurigii Cuthmaan bin Cafaan. Dadkiina waxay ku yiraahdeen:- Qofkii gacmahiisa naga laabto, waa aamin. Markaas bayna reer Madiina gacmahoodii laabteen, oo in badan oo kamid ahina guryahoodii laasimeen, oo iska joogeen. Sidaas ayaana maalmo dhan la ahaa.

Sidaa oo ay tahay lama ogeen oo majirin, cid garaneysay, waxa ay damacsanyahiin nimankan fidna wadayaasha ahi iyo waxa ay ka rabaan amiirka. Mana la ogeen goaankooda. Waqtigaasi asaga ahi amiirkii Muminiinta ee Cuthmaan bin Cafaan waa uu ka bixi karay gurigiisa, oo aadi jiray masjidka oo dadka ku tujin jiray, iyadoo reer Madiina iyo xisbiyada fidna wadayaashuba ay ku daba tukan jireen. Qaar kamid ah saxaabadii Rasuulka SCW, baa iyagu u tegayay fidna wadayaasha oo ku boorinayay inay dhulalkooda isaga laabtaan oo ay ka baxaan waxa ay ku jiraan ee fidnada ah, balse dheg jalaq uma aanay siineen. Cali bin Abii Daalib baa weydiiyey nimankaasi fidna wadayaasha ahi kuwa reer Masar, waxa soo celiyey kadib markii ay baxeen oo ay aadeen dhulalkoodii? Waxayse ku jawaabeen inay heleen warqad kasocota Cuthmaan bin Cafaan oo amraysa in la dila Maxamed bin Abii Bakar iyo weliba qaar kamid ah ayaga oo weliba la salbiya meydkooda. Markaasuu reer Basra iyo reer Kuufana weydiiyey iyana waxa soo celiyey? Saa waxay kujawaabeen inay u yimaadeen inay gargaaraan saaxiibadooda.

Warqaddaasi ay reer Masar keeneen, waxaanan la ogeen cidda qortay, waxayna lahayd tiimbarahii Cuthmaan, wuxuuna Cuthmaan sheegay inuunan ogeen halkii lagu qoray iyo ciddii qortay inuu qoray iskaba daaye. Waxaanse horey usoo xusnay inuu lumay faraantigii Nebiga SCW ee Cuthmaan tiimbaraha u ahaa. Inkastoo la raadiyeyna, la waayey oo markaasi uu ka kaaftoomay oo mid kale sameystay, kuna naqshadeeyey Muxammadun Rasuulullaah. Marka waxay u dhawdahay in nimankani ay heleen faraantigaasi oo ay iyagu qorteen, warqaddaasi, waayo Cuthmaan bin Cafaan Illaahay haka raalli noqdee ma uunan qorin, mana amrin arrinkaasi. Sidoo kalena markii ay warqadaha isu dirsanayeen fidna wadayaasha, oo ay ku dirayeen afka saxaabada sidaa oo kale, bay tiimbarahaasi u saarayeen.

Waxaa kaloo iyana la sheegaa in sida uu xusay Ibnu Jariir uu warqaddaasi qoray Marwaan bin Xakam, asagoo tawiilsanaya qowlka Alle kor ahaaye ee ah Abaalka kuwa la dagaallamaya Allaah iyo Rasuulkiisa oo la socda dhulka fasahaad, waa in la laayo ama la salbiyo , ama loo jara gacmahooda iyo lugahooda si is dhaaf ah, ama laga fogeeyo dhulka, taasina waa inay leeyahiin dulli adduunka iyo aakhiraduba, oo aakhirana waxay leeyahiin caddaab weyn. Suuradda Al Maaidah aayadda 33aad.

Wuxuuna kuqoray afka Cuthmaan, asagoo ku dhejiyey tiimbarahii Cuthmaan. Waxaanay shaki ku jirin in raggani ay ahaayeen sida ay aayaddu tilmaameyso mufsidiin, waana xaqiiq abaalkoodu inuu sidaasi ahaa, Marwaanna wuxuu u arkayay inay sidaasi tahay maslaxa, balse waxaa dhacday in amiirkii ay arrintaasi ku ceebeeyeen xilli uusan waxba ka ogeyn halka lagu qoray iyo cidda qortayba. Waxyaabahii saxaabada shakiga geliyey ayayna kamid ahayd markii ay Cuthmaan weydiiyeen, cidda qortay, ama tiimbarahiisa ku dhejisay ama afkiisa kuqortay, sidoo kalena wuxuu Cuthmaan arrimahaasi oo idil kaga dhaartay magaca Alle ee weyniga usaaxiibka ah, inuusan waxba ka ogeyn waloow lagu qoray afkiisa laguna tiimbareeyay faraantigiisa. Markaas bayna saxaabadii rumeysteen. Markiina fidna wadayaashii Masar ay arkeen warqaddaasi bay ku weynaatay oo ay soo gaddoomeenna waala sheegaa. Wallaahu aclam.

Cuthmaan bin Cafaan sidii ayuu dadka u tujinyay, inkastoona ay fidna wadayaashu gurigiisa dul degnaayeen, haddana maalmahaasi wuu bixi karayay oo howlahiisa gudan karay. Sidaa ayuuna waqtigaasi ku sugnaa, jeer la gaaray Jumca kamid ah Jumcayaasha. Markaas buu mimbarkii koray asagoo gacanta ku haysta ul uu Rasuulka SCW gacanta ku qabsan jiray markii uu khudbeynaya, sidoo kalena Abuu Bakar iyo Cumar ay iyanagacanta ku qabsan jireen. Goor uu khudbeynaya oo khudbaddii wado, baa waxaa istaagay Jahjaah Al Qafaari oo yiri:- Istaag Nacthaloow! oo kasoo dag mimbarkan. Nacthal wuxuu ahaa nin reer Masar ah oo gadh dheer lahaa, wuxuuna u ekaa Cuthmaan. Wax aanan taas ahayn oo ay Cuthmaan ku ceebeeyaan ma aanay hayn fidna wadayaasha, marka laga reebo inay Nacthal ugu yeeraan. Dabeeta Cuthmaan wuxuu xusay in fidna wadayaasha oo idili lagu lacnaday carrabka Muxammed SCW. Markaas baa waxaa hadlay Maxamed bin Maslama oo isaguna yiri:- Aniga ayaa taasi ka marag ah. Dabeeta Xakiim bin Jablah baa qabtay oo fadhiisiyey. Misna waxaa kacay Zayd bin Thaabit oo yiri:- Kitaabkuu kusuganyahay warkaasi. Saa waxaa u istaagay Maxamed bin Abii Mureerah oo fadhiisiyey. Markaas buu masjidkii dhan buuq iyo sawaxan noqday, oo qayladu badatay. Markaas bay nimanka fidna wadayaasha ahi dhagax ku tuureen Cuthmaan asagoo mimbarka dul saaran. Markaas buu mimbarkii kasoo degay asagoo wareersan. Dabeetana waxaa loo kaxeeyey gurigiisii. Cali iyo Dalxa iyo Zubayr iyo qaar kamid ah sanaadiiddii Muslimiinta ayaa u tegey Cuthmaan oo guriga ku booqday, dabeetana way kasoo tegeen.

Dabeeta waxaa is aruursaday qaar kamid ah saxaabadii Rasuulka SCW oo ay kamid yahiin Abii Hureerah, Cabdillaahi bin Cumar iyo Zayd bin Thaabit si ay ula dagaallamaan nimanka fidna wadayaasha ah oo ay u difaacaan amiirka Muminiinta. Markaas buu Cuthmaanna amray inaanay wax dagaal ah fulinin, oo wuxuu amray inay gacmahooda iska laabtaan, jeer uu Alle siduu doono arrinka u xukmiyo. Markaas bay iyana maqleen amarkii amiirka.

Godoomintii Amiirka Muminiinta Ee Cuthmaan lagu sameeyay

Markii ay dhaceen wixii dhacay maalintii Jumcaha ahayd, ee nimankii fidna wadayaasha ahaa ay Cuthmaan oo mimbarka dul saaray shiideen, dabeetana uu ka soo dul dhacay asagoo wareersan, waata markaasi gurigiisii loo qaaday. Markaas bayna fidna wadayaashii kaga sii hormareen gurigiisii oo godoomin daran kuqabteen oo xitaa uunan banaanka usoo bixi karin. Jumcahaasina waxuu ahaa Jumcahii ugu dambeeyey ee uu dadka tujiya iyo markii ugu dambeysay ee uu banaanka usoo baxa. Qaar badan oo kamid ahi saxaabada ayaa iyana guryahoodii laasimay oo iska joogay, kana fogaaday fidnada taagan. Markaas bay qaar kamid ah wiilashii saxaabada ahaa is aruursadeen, waxaana kamid ahaa Xassan iyo Xuseen Abuu Hureerah iyo C/llaahi bin Zubayr iyo C/llaahi bin Camr bin Al Caas iyo C/llaahi bin Cumar Marwaan bin Xakam iyo qeyrkood. Waxaana madax u ahaa C/llaahi bin Zubayr. Waxay wiilashani is hor dhigeen fidna wadayaashii si ay u difaacaan Cuthmaan. Fidna wadayaashiina waxay Cuthmaan usoo bandhigeen in saddex arrimood middood uu yeelo, inuu is casilo, ama inuu Marwaan bin Xakam usoo gacan geliyo ama in ay dilaan?

Arrimahaasi oo idil Cuthmaan kamuunan yeelin, wuxuuna u sheegay in saddex arrimood dhiigga qofka Muslimka ahi uu ku banaan yahay, inuu qof dilay oo loo qisaaso, ama uu sineystay asagoo horey usoo guursaday ama uu riddoobay. Arrimahaasi oo idil wuxuu Cuthmaan sheegay inuunan midka falin, wuxuuna sidoo kale dhibsaday masuuliyaddii Alle uu dul saaray inuu fidna wadayaasha u gacan geliyo. Wuxuuna mar ku riyooday Rasuulka SCW oo ku leh:- Waxay u dhawdahay inuu Illaahay khamiis kuu geliyo, ee markii ay damcaan fidna wadayaashu inay kaa siibaan ha yeelin, jeer aad igala kulanto. Sidoo kale Cuthmaan wuxuu dhibsaday in uu fidna wadayaashu Marwaan u gacan geliyo. Wuxuu Cuthmaan sanadkani amray Cabdillaahi bin Cabbaas si uu dadka u xajisiiyo, balse Ibnu Cabbaas wuu ka cududaartay arrinkaasi, wuxuuna dalbaday inuu ka qayb qaata difaacidda amiirka Muminiinta. Balse Cuthmaan wuxuu ku adkeystay inuu sanadkaasi Ibnu Cabbaas dadka kaxeeyo oo xajisiiyo. Waxaa sidoo kale sanadkan baxay dumarkii Rasuulka SCW si ay iyana mawaasimta xajka usoo gutaan. Waxaa sidoo kale baxay bashar badan oo ka cararayay fidnadii markaa ka dhacday magaalladii Madiina. Sidaa darteed baanay magaalladii kusoo harin dad badan. Markaas bayna si dhan u tamkiiniyeen fidna wadayaashii magaalladii Madiina oo ay iyagu masuuliyaddeedii oo idil gacanta u gashay. Waxyar kadibna wuxuu Cuthmaan amray wiilashii saxaabada ee difaacayay inay iska baxaan oo ay kala dareeraan oo ay aadaan guryahoodii. Wuxuuna amray in uunan dhiig qof Muslim ah asaga dartii u daadan. Markaas bay arrintaasi ka madax adeygeen, waxayna dalbadeen inay difaacaan amiirka. Balse Cuthmaan wuxuu ku adkeystay inay guryahooda iska aadaan oo maqlaan hadalkiisa, waa haddii ayuu yiri:- Aan amiirkiinna ahay. Markaas bay maqleen oo adeeceen oo guryahoodii aadeen, ayagoo ka xun arrintaas.

Muddadaasi ay godoominta ku hayeen Cuthmaan, waxaa dadka salaadda tujinayay Qaafiqi bin Xarbi. Asaga ayaana magaallada Madiina ka imaam noqday, inkastoo mararka qaar marka ay arkaan Cali ay weyneen jireen oo ay ka codsan jireen inuu tujiyo.

Ibnu Jariir wuxuu xusay in Dhalxa bin Cubeydillaah uu dadka tujinayay muddadaasi, waxaase saxiixul Bukhaariga ku sugan in Cali uu tujiyey dadka, sidoo kale Abuu Ayuubna uu tujiyey , sidoo kale Sahal Ibnu Xaniif.Waxaana la sheegaa in muddo bil ah ama 40 casho ay godoomintaasi ku hayeen amiirkii Muminiinta ee Cuthmaan bin Cafaan Ilaahay haka raalli noqdee, kadibna ay dileen sida aynu xusi doonno.

Xisaarkaasi yacni godoomintaasi waxaa uu socday illaa la gaaray 18-ka bisha Dul Xajah, laba maalmood ka hor intuuna xisaarka dhammaan ayay ahayd markii uu Cuthmaan wiilashii difaacayay amray inay guryahooda iska aadaan, sababtuna waxay ahayd wuxuu Cuthmaan arkay riyo tusineysa in ajashiisii ay soo dhawaatay, sidaa darteed buuna jecleystay in dartiis aanay dhiig Muslim u daadan. Waxaa kaloo la sheegaa in maalintii la dilayay uu habeenkeedii Cuthmaan ku riyooday Rasuulka SCW oo ku oranaya:- Cuthmaanoow! nala soo afur. Markaas buu waa bariistay asagoo sooman. Taasina waxay ahayd maalintii la dilayay.

Seyf bin Cumarna wuxuu soo weriyey inuu Cuthmaan usoo galay Kathiir bin Salat, oo uu ka codsaday inuu dadka u baxa oo wejigiisa tuso hal, waxay udhawdahay in ay markaasi laabtaan. Markaas buu Cuthmaan ku jawaabay:- Kathiiroow! Shalay baa waxaan arkay riyo, anigoo u galay Rasuulka Alle SCW iyo Abii Bakar iyo Cumar, markaasuu igu yiri:- Orodoo laabo, berritoole baad nala soo afuri doontaaye.

Abii Saciid Mowlaa Cuthmaan, waxaa laga soo weriyey in Cuthmaan uu markaasi xoreeyey 20 addoon oo u joogtay, wuxuuna dalbaday in loo keeno surwaal, oo gashtay iskuna dhuujiyey waayo wuxuu ahaa nin xishood badan oo Malaaiktuna ka xishoota. Horeyna uma uu xiran waqtigii jaahiliga iyo Islaamkuba. Wuxuuna yiri:- Waxaan riyo ku arkay Rasuulkii Alle SCW oo leh, sabir, waxaad nala soo afuri doontaa berridan soo socota. Kadibna wuxuu dalbaday musxafka oo la dilay asagoo akhrinaya.

Wuxuu maalintaasi surwaalka u xirtay, si haddii marka la dilo aanay cowradiisa u muuqan, waayo wuxuu ahaa mid aad u xishood badan. Malaaigta ayaana ka xishoon jirtay siduuba Rasuulkeenna SCW inoo sheegay markii uu lahaa:- Ma waanan ka xishooneyn, qof ay ka xishooneyso Malaaigta.






Ra'yi lama dhiiban



Name:
Email:
Code: v5l2
Text:
 

  • Home
  • Duruus
  • Quraan
  • Video
  • S&J
  • Muxaadao
  • Contacts



  • sisawc ka baro diintaada © 2012 privacy policy terms of use