Previous  




-

سبحان الله والحمد لله ولا اله الا الله والله اكبر
 

Cuthmaan Bin Cafaan rc Q-2aad

Doorashadii Cuthmaan Bin Cafaan

Markii uu geeriyooday amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Khadaab waxuu xilka uga tegay 6 kamid ah toddobadii ka nooleeyd tobankii jannada loogu bishaareyay iyagoo dunida guudkeeda saaran, waxuuna ahaa midka uu Cumar ka reebay toddobadaas Saciid bin Zeyd bin Camr bin Nufeyl, kaasoo Cumar ay ahaayeen qaraabo soko, sidaa darteed Cumar waxuu oran jiray:- Reer Khaddaab arrimahii Islaamka halaga weydiiyo hal nin Cumar oo kaliya. Waxuuna amray Cumar lixdaa ahlu shuuraha ah inay iska dhex doortaan amiir muddo saddex casho ah kadib geeridiisa.

Waxay kala ahaayeen lixdaa saxaabi ee ahlu shuurada ahaa Cuthmaan ibnu Cafaab,Cali bin Abii Dhaalib, C/Raxmaan bin Cowf, Dhalxa bin Cubeydillaah, Subeyr bin Al Cawaam iyo Sacad bin Abii Waqaas, waxuuna Cumar amray Abuu Dhalxa Al Ansaari iyo Al Miqdaad bin Camr inay soo kaxaystaan 50 nin oo seefahooda sita oo ay u fadhiistaan albaabkooda marka ay shirayaan, ayna ka ilaaliyaan in cid kale usoo gasho, waxuuna Cumar amray inuu la jooga lixdaasi nin ee ahlu shuuraha ahi C/llaahi ibnu Cumar, hasa ahaatee aan howsha masuuliyadda waxba ku lahayn oo aan la dooran karin, waxuu ula joogi oo kaliya inuu waaniyo oo uu u naseexeeyo, waxuuna Cumar u dar daarmay inuu dadka sii tujiya Suheib bin Sinaan Ar Ruumi saddexda casho, waxuuna dardaaran qaas ah siiyey Abuu Dhalxa iyo Al Miqdaad si haddii ay muddadaas saddexda casho ah lixda nin ee ahlu shuuraha ahi iska dooran waayaan amiir in dhammaan ay kurka u wada dheereeyaam, ragga kuwanna waxay ahaayeen rag uu Alle ka raalli noqday weliba kuwii markaa guudka dunida ugu fadliga iyo kheyrka badnaa. Masuuliyadda arrinkan aad bay ugu weyneeed, muddo yar kadibna waa ay ku guuleysteen, oo waxay doorteen Cuthmaan bin Cafaan.

Markii uu geeriyooday Cumar baa waxaay dadkii ku doodeen kii tujin lahaa janaasada Cumar, qaar waxay tilmaameen Cali qaarka kalena Cuthmaan, markaa baa waxaa u yimid C/Raxmaan bin Cowf oo ku yiri:- Waxba kuma lihidiin arrintaan, waxaa iskaleh oo kaliya Suheib bin Sinaan. Markaa buu Suheib horey maray oo dadkii tujiyey janaasadii Cumar. Waxaana qabriga dhigay wiilkiisa C/llaahi iyo lixdii ahlu shuurada marka laga reebo Dhalxa oo isagu howl u gaar ah ku maqnaa.

Intaa kadib Al Miqdaad bin Camr waxuu lixdii nin ee ahlu shuuraha ahaa ku kulmiyey gurigii Miswar bin Makhramah oo ahaa wiil uu C/Raxmaan bin Cowf abti u ahaa, waxaa kaloo la sheegaa inuu ku kulmiyey qolkii Caisha, ama gurigii Faadimah bint Qeys Daxaak bin Qeys Al Fihri walaashiis, waxaa kaloo la sheegaa inuu ku kulmiyey guriga beytul Maalka, hase ahaate waxay culimada siirada rajaxaan in lagu kulmiyey gurigii Al Miswar bin Makhramah. Waxay tegeen gurigii showrada. Abuu Dhalxa iyo raggiisina waardiya ayay ka qabteen oo albaabka ayay u fadhiisteen, waxaana markaa yimid Muqiirah bin Shucbah iyo Camr bin Al Caas oo albaabka agtiisa fadhiistay, dabeeta baa waxaa usoo baxay Sacad bin Abuu Waqaas oo meeshii ka eryay kuna yiri:- Ma waxaad dooneysaan inaad tiraahdaan waxaan xaadirnay arrintii ahlu shuurada?

Ula jeedadu waxay tahay in ay qoomku galeen meel ka qarsoon dadka si ay arrintan culeyskeeda meel isaga tiiriyaan, kadibna waxaa yimid Dhalxa bin Cubeydillah markaa bay u fadhiisteen howshii, oo saddex kamid ahi tanaasushay saddexdaas oo kala ahayd: Zubeyr oo isagu booskiisii Cali ku wareejiyey, Dhalxa oo isaguna xaqiisii ku wareejiyey Cuthmaan iyo Sacad bin Abii Waqaas oo isagu u tanaasulay C/Raxmaan, halkaana waxaa ka soo baxay saddex kamid ah lixdii ahlu shuurada, howshiina waa ay fududaatay, markaa buuna C/Raxmaan weydiiyey Cali iyo Cuthmaan koodii fadliga badan ee arrinkaan qaadi lahaa, hase ahaatee labadiiba waa ay aamuseen, waxuuna markaa C/Raxmaan tilmaamay in uu xaqiisii isaga ka tanaasulay oo uu Alle la kaashanayo inuu labadan nin koodii fadliga badan uu howshan dusha u saara, waxuuna weydiiyey inay labadoodu sidaa raalli ku yahiin in koodii fadliga badan uu u dhiibo, waxayna wada yiraahdeen:- Haa! raalli baynu ku nahay. Markaa buu C/Raxmaan ka sheekeyay mid waliba fadliga uu leeyahay Cuthmaan iyo Cali oo sidaa ballan kaga qaaday in haddii midkood uu xilka u dhiibo uu caddaalad fali doono, haddii kan kale masuul looga dhigana uu maqli oo adeeci doono, waxayna wada yiraahdeen:- Haa!. Sidaa buuna ballan kaga qaatay, oo ay ku kala tageen.

Dhanka kale ahlu shuuradii waxay arrintii u daayeen C/Raxmaan bin Cowf si uu ugu dadaalo inuu kooda fadliga badan howshan udhiibo, waxuuna guda galay C/Raxmaan inuu la tashada qof waliba oo uu wax suaalo qof kastoo uu is yiraahda wax waad weydiin kartaa, oo kamid ah ahlu shuurada iyo qeyrkoodba, dadkuna badankoodu waxay u tilmaamayeen in Cuthmaan bin Cafaan loo dhiibo xilka iyadoo ay jireen kuwa Cali in loo dhiiba jeclaa kuwaasoo ay kamid ahaayeen Al Miqdaad bin Camr iyo Camaar bin Yaasir iyo rag kaloo badan.

Markii dambe buu C/Raxmaan Cali utegay oo uu ku yiri:- Bal ka warran haddii aan ku dooran waayo , yaad ii tilmaameysaa inaan doorta? Markaasuu Cali yiri:- Waxaan kuu tilmaami inaad doorato Cuthmaan. Kadib waxuu utegay Cuthmaan bin Cafaan oo uu ku yiri:- Ka warran haddii aan ku dooran waayo, yaad ii tilmaami inaan doorta? Waxuuna ku jawaabay :- Cali bin Abii Dhaalib.

Sida cad arrimahaan idil waxay dhaceen saddexdii casho ee fursadda uu haystay C/Raxmaan, taasoo uu horey Cumar u siiyey, waxuuna C/Raxmaan door biday inuusan ku deg degin arrintaan ee uu bal saddexdaas casho ee fursadda ah ka faaideysto oo dadka uu la showra isagoo kala tashanayo koodii fadliga badan labadan nin Cuthmaan iyo Cali. Sidaana waxaa ku dhaaftay C/Raxmaan saddex casho oo uusan hurdo fiican helin isagoo kusoo jeeday salaad, duca, istiqaaro iyo wada tashi uu dadka la sameynayey muddadaas, mana uusan la kulmin C/Raxmaan bin Cowf laba isku khilaafeyso in Cuthmaan bin Cafaan la hor mariya oo masuul laga dhiga marka laga reebo Cammaar bin Yaasir iyo Al Miqdaad bin Camr, waxay iyagu qabeen in xilka loo dhiibo Cali, hase ahaatee markii damba oo ay dadku Cuthmaan la mubaayacoonayeen iyana waa ay la mubaayicoodeen.

Habeenkii subaxiisa la dooranayey Cuthmaan,ayaa waxuu C/Raxmaan hurdada ka kacay goor hore fajarka, asagoonba horay wax fiican u seexan, waxayna ahayd subaxii afraad ee kasoo wareegtay geeridii Cumar bin Khadaab. Waxuu yimid gurigii wiilkii walaashiis ee Al Miswar bin Makhrama, markaasuu ku yiri:- Oo miyaad huruddaa Miswaroow!? Illaah baan ku dhaartaye inaan muddo saddex casho ah hurdo fiican helin, orodoo iigu yeer Cuthmaan iyo Cali.

Waxuu yiri:- Kee baan ku hor maraa?

Waxuu yiri:- Kii aad doonto.

Markaa buu Miswar u tegay Cali oo uu ku yiri:- Ajiib abtigeey abtigeey baa kuu yeerayo ee u tag.

Waxuu yiri Cali:- Oo ma jiraa qof kale oo uu u yeer ku yiri la jirkeyga.

Waxuu yiri :- Haa!.

Waxuu yiri:- Oo waa kuma?

Waxuu yiri:- Cuthmaan bin Cafaan.

Waxuu yiri:- Keennee buu ka bilaw ku yiri yeeridda?

Waxuu yiri :- Imuusan amrin taas waxuuse igu yiri oo kaliya Ku hor mar koodii aad doonta, markaa baan adiga kuu imid.

Markaa buu soo raacay waxayna soo abbaareen dhanka gurigii Cuthmaan bin Cafaan, markiina ay kusoo dhawaadeen buu Cali u fadhiistay banaanka, saa waxaa galay Al Miswar bin Makhrama waxuuna la kulmay Cuthmaan oo salaad u taagan, markii uu salaadda ka baxayna waxuu u sheegay inuu C/Raxmaan u yeeraya, markaa buu weydiiyey suaalahii uu Cali weydiiyey oo kale isaguna sidii oo kale buu uga jawaba, dabadeedna way isasoo raaceen oo ay dhankii C/Raxmaan soo aadeen.

Markii ay C/Raxmaan u tegaan baa waxuu ku yiri:- Xaggiina baan dadka wax ka weydiiyey mana aanan arag qof idiin dhigma oo la idin bar bar dhigi karo. Dabeeta waxuu ka qaaday ballan iyo axdi mar kale, haddii uu midkood xilkan u dhiiba in uu caddaalad fali doono, haddii kan kala loo dhiibana uu maqli oo uu adeeci doono. Dabeetana waxuu usoo kaxeeyay masjidkii, waxuuna C/Raxmaan kusoo lebistay cimaamaddii uu Rasuulka SCW horey ugu xiray markii uu u dirayey Duumatul Jandal, waxuuna soo qaatay seeyftiisi oo Muhaajiriintii iyo Ansaartiina u diray cid u naadiso si ay masjidka u yimaadaan, waxuuna jiha waliba u diray dad si masjidka la isugu wada yimaado, markaa buu masjidkii buux dhaafay oo uu ciriiri noqday heer Cuthmaan bin Cafaan uu waayey goob uu fadhiista, markaa buu gaadada dambee masjidka fadhiistay, waxuuna ahaa saxaabi xishood badan sidaynu horeyba usoo xusnay.

Kadib C/Raxmaan bin Cowf baa waxuu koray mimbarkii oo uu in muddo ah taagnaa isagoo ku duceysanayay ducooyin dheer oo aysan dadku maqlahayn, markaa buu mar dambe hadlay oo yiri:- Dadoow! waxaan si qarsoodi iyo muuqataba idin weydiiyey amaanatiinna tan, mana arag axad aad ku doorsaneysaan labadaan nin Cali ama Cuthmaan, marka Caliyoow! iisoo istaag. Markaa buu u kacay oo uu istaagay mimbarka hoostiisa,markaa buu C/Raxmaan gacanta Cali qabtay oo yiiri:- Oo ma igula mubaayacooneysaa kitaabka Allaah iyo sunnaha Nebigiisa Muxammed SCW iyo falkii Abii Bakar iyo Cumar?

Markaa buu Cali yiri:- Allahayoow! maya, hase ahaatee dadaalkeyga iyo inta aan ka awooda arrinkaas. Markaa buu iska sii dayay gacantiisii oo yiri:- Cuthmaanoow! iisoo istaag. Markaasuu usoo istaagay oo uu gacanta qabtay dabeetana uu ku yiri:- Oo ma igula mubaayacooneysaa kitaabka Allaah iyo sunnaha Nebigiisa Muxammed SCW iyo falkii Abii Bakar iyo Cumar? Markaasuu yiri:- Allaahuma! nacam. Markaa buu C/Raxmaan madaxa kor uqaaday isagoo gacantii Cuthmaanna sidii weli u haya waxuuna yiri:- Alloow!! maqal oo ka marag noqo, Alloow!! maqal oo ka marag noqo, Alloow!! maqal oo ka marag noqo, Alloow waxii qoorteyda saarnaa waxan saaray qoorta Cuthmaan.

Markaa buu masjidkii ciriiri dhaafay oo dadkiina ay isku ciriiriyeen beycadii Cuthmaan, Calina waxuu kamid ahaa dadkii ugu horeeyay ee la mubaayacooda. C/Raxmaan bin Cowf isagu waxuu fadhistay mimbarka darajadii uu Rasuulka SCW fadhiisan jiray, Cuthmaanna waxuu fadhiistay darajada ka hooseysa ee saddexaad halkaasoo uu dadka beycada uga qaadayey, dhammaanna dadkii waa ay la mubaayacoodeen.

Culimada muarrakhiinta ah ee ku takhasusay cilmiga taariikha waxay isku khilaafaan maalintii lala mubaayacooday Cuthmaan,waxuuna Al imaam Waaqidi kasoo weriyey qaar kamid ah Shuyuukhdiisa in Cuthmaan lala mubaayacooday maalin Isniin oo ay ka dhimantahay bisha Dil Xijjah hal habeen sanadkii 23aad ee hijriyada, khilaafadana waxuu qabtay billawgii Muxarram sannadkii 24aad ee hijriyada, waana werin aad u liidata.

Seyf bin Cumar waxuu kasoo weriyey Caamir ibnu Shicbi inuu yiri:- Waxay ahlu shuurada isku raaceen Cuthmaan iyadoo bisha Muxarram ay 3 casho ka dhimantahay sanadkii 24aad ee hijriyada, markaa buu waqtigii Casirka dadka kusoo baxay iyadoo uu muaddinkii Suheibna addimay waxuuna yimid inta u dhaxeysa aadaanka iyo eeqaamka, markaa buu salaaddii Casar dadka tujiyey.

Markii la doortay Cuthmaan waxuu aaday daartii ahlu shuurada oo uu dadkii halkaa joogay la soo mubaayacooday illaa laga baxa salaaddii Duhurkana waxaa socotay baycada, maalintaana waxaa Duhurka dadka tujiyey Suheib bin Sinaan, markaa buu Cuthmaan yimid, salaad uu tujiyana kadib markii la doortay waxaa u horeysay salaadda Casarka, sidaa waxaa xusay Shicbi iyo culima kaloo .

Markii Cuthmaan la doortay waxuu halkaa ka jeediyay khudbo cajiib ah oo aynu qoraal kusoo koobi karin, taasoo uu dadkii si wanaagsan ugula hadlay uuna ugu dar daarmay cabsida Allaah.

Sida uu Shicbi tilmaamaya markii la doortay waxuu u siyaadiyey ciidamadii Muslimiinta mushaharkii oo uu qof waliba ugu daray 100 Dirham lacagtii uu horey ugu qoray Cumar, dhanka kalena waxuu u siyaadiyey labadii Dirham oo uu Cumar horey ugu qoray Muslimiinta beytul maalka in laga siiyo waqtiga Ramadaanka, waxuuna mishahar gooni ah u qoray hooyooyinkii Muminiinta dumarkii Rasuulka SCW, waxuuna amray in masjidka la dhigo hilib soolan si ay u cunaan dadka ku ictikaafaya masjidka, kuwa ku cibaadeysan, kuwa musaafiriinta ah oo safarka ku jira, masaakiinta iyo fuqarada. Waxuuna mararka qaar arrimaha ku meel marin jiray hantidiisii gaarka ahayd maadaama uu ahaa saxaabi taajir ah, oo had iyo goorna jeclaa inuu jidka Alle wax kula baxo.

Abuu Bakar Sidiiq isagu waxuu fadhiisan jiray hal darajo ka hoosa goobtii uu Rasuulka SCW mimbarka ka fadhiisan jiray,Cumarna hal daraja ka hoosa goobtii uu Abuu Bakar fadhiisan jiray balse waqtigii Cuthmaan markii la doortay waxuu yiri:- Arrintaan waa wax dheer oo sii dheeraanaya. Markaa buu fadhiistay goobtii uu Rasuulka SCW fadhiisan jiray.

Dowladdii Cuthmaan & Wax Qabadkeedii

Waxaan isku dayeynaa inaan soo koobnaa dhacdooyinkii iyo dhul furashooyinkii waqtii Cuthmaan dhacay, waxaana u tixraaci doonnaa nidaam inoo suura gelinaya inaan si kooban oo fudud ku fahmno, innagoo sanad waliba dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa ee dhacay mar soo qaadaneyno, waxaana ka bilaabeynaa sanadkii 24aad ee hijriyada, kaasoo ah sanadka la doortay illaa laga gaaro sanadka 35aad ee hijriyada markii ay Cuthmaan dilayeen fidna wadayaasha, waxaana usoo koobi doonnaa sida tan:

SANADKII 24AAD

Billawgii sanadkan ayuuba xilka qabtay Cuthmaan, arrintii ugu horeysay ee uu xukmiyana waxay ahayd qadiyaddii Cubeydiillaah bin Cumar bin Khadaab.

Cubeydillaah bin Cumar bin Khadaab waxuu dilay dhammaan dadkii ka dambeyay falkii lagu dilay aabahii Cumar bin Khadaab, waxaana kamid ahaa dadkii uu dilay nin Nasraani ah oo la oran jiray Jufeynah Ar Ruumi, waxuuna ku dilay seef, iyo Hurmuzaan kii masuulka ka ahaa Tastur oo waqtigii Cumar la keenay magaalada Madiina, kadib markii la soo qabtay, waxuuna muujisanayey Islaamka, hase ahaatee waxay labadanba ka dambeeyeen dilkii Cumar, waxuu kaloo Cubeydullaah dilay gabadh uu dhalay Abuu Luluah- Feyruus Al Majuusi, kaasoo ahaa ninkii dilay Cumar, markiina uu Cubeydilaah falkaan ku dhaqaaqay baa Cumar intuusan dhiman waxuu amray in la xiro oo lixda nin ee ahlu shuurada koodii arrinkan masuuliyadda ah loo doorta uu xukmiya. Markiina Cuthmaan la doortay oo uu u fadhiistay qadiyaddan Cubeydillaah buu Cali tilmaamay in caddaaladda lagu xukmo oo wuxuu amray qisaas ahaan, hase ahaatee Muhaajiriintaa baa ka qayliyey arrinkaas oo yiraahdeen:- Shalay baa aabahii la dilay, isaguna ma maanta baa la dili?

Camar bin Al Caas baa markaas u tilmaamay Cuthmaan in uu iska cafiyo Cubeydullaah

maadaama ragga uu dilay ay aahayeen raggii ka dambeyay dilkii aabahiis, muddo markii arrintaa laga doodayeyna waxaa dhulka Furus dhanka magaalada Tastur ka timid gabar Faarisiyad ah oo Muslimtay , waxayna tilmaamtay in Hurmuzaan markii Madiina uu soo aadayay uu goostay siduu Cumar ku dili lahaa, dabeeta Cuthmaan wuu iska cafiyey Cubeydillaah oo jidkiisii u daayey. Intaa kadib Siyaad bin Lubeyd Al Bayaadi ayaa mar waliba oo uu Cubeydillaah arko waxuu tirin jiray tix gabay ah oo tilmaameyso falkii Cubeydullaah, dabeetana uu Cubeydillaah dhibsaday arrinkaa waxuna uga eed sheegtay amiirkii Muminiinta ee Cuthmaan oo kala hadlay inuusan mar dambe sidaa ku oran wuuna iska daayey.

Intaa kadib amiirkii Mumininta Cuthmaan bin Cafaan waxuu warqado u diray gobaladii, taasoo uu ku amraya madaxdooda wanaagga oo uu kaga reebayo xumaha, uuna u dar daarmayey cabsida Allaah, waxuu kaloo amray in loo hoggaansama daacadda Allaah iyo daacadda Rasuulkiisa SCW.

Sanadkaan dhexdiisa baa sida uu Ibnu Jariir qabo uu Cuthmaan bin Cafaan ka casilay Muqiirah bin Shucbah magaaladii Kuufa oo uu booskiisiina ku baddelay Sacad bin Abii Waqaas, waxuuna ahaa masuulkii ugu horeeyay ee uu waali ka dhigo, sababtuna waxay ahayd Cumar bin Khadaab markii uu middidii ku dhuftay gaalkii Abuu Lulu-ah ayuu lixdii ahlu shuurada ku yiri:- Haddii Sacad la doorta waa haggaag, haddiise ay sidaa noqon weyda, midkiinna la doorta hala tashado Sacad, waayo ugumanan casilin Kuufa inuu xilkisii kasoo bixi wayey. Markaa buuna Cuthmaan Kuufa masuul uga dhigay, waxuuna Sacad masuul ka ahaa halkaas sanad ama sanad iyo bar, sida uu Ibnu Jariir qaba, kadibana wuu ka casilay Sacad oo uu masuul uga dhigay Al Waliid bin Cuqbah bin Abii Muceyd oo dhanka hooyada Cuthmaan walaal kala ahaa.

Sanadkaan dhexdiisa buuna Al Waliid ku duulay Aderbijaan iyo Armiiniya kadib markii dadkoodii ay buriyeen heshiiskii ay horey ula galeen Muslimiinta waqtigii Cumar, sidanna waxaa qabta werinta Abuu Mikhnaf. Werin kalase waxay qabtaa in dhacdadaan ay ahayd sanadkii 26aad ee hijriyada sida ay qabaan Ibnu jariir iyo qeyrkiis.

Sanadkaan bayna Ruumaniyiinta kusoo duuleen Shaam jeer ay dadkii ahlu Shaam nafahooda u yaabeen, markaa bay amiirkii muminiinta Cuthmaan warqad u direen ay kaga gurmad dalbanayaan, isaguna waxuu warqad u diray Al Waliid oo uu ku leyahay:- Haddii ay warqaddeyda kuu timaaddo u dir ciidan 8000 ama 9000 ama 10 000 oo ciidan ah dhanka walaaladiina ahlu Shaam, waxaadna masuul uga dhigtaa ciidankaas nin aamin ah oo sharaf badan misna geesi ah. Markaa buu Waliid ka dhex kacay dadkii oo u khudbeeyay kuna dul akhriyey warqaddii amiirka muminiinta oo uu ku booriyey jihaadka iyo in loo gurmada walaalahooda Shaam, waxuuna ciidan culus oo 8000 illaa 10 000 u dhaxeya oo uu masuul uga dhigay Salmaan bin Rabiicah u diray dhanka Shaam, waxayna isku tegeen ciidan kala oo uu hoggaaminayey Xabiib bin Maslama Al Fihri, dabadeedna waa ay is kaashadeen oo ay Ruumaniskii is heleen waxaana dhex maray dagaal qaraar,oo durbaba Illaah hiil iyo nasri ku siiyey ciidamadii Muslimiinta, halkaana waxay ka qaniimeysteen Muslimiinta qaniima culus, waxayna ka furteen daaro waa weyn iyo saro dhaadheer.

Al Waaqidi isagu waxuu qabaa kii ka soo diray ciidankaas gurmadka ahi ee uu hoggaaminayey Salmaan bin Rabiica dhulka Furus inuu ahaa Saciid bin Al Caas oo uusan ahayn Al Waliid bin Cuqbah, waxayna dhammaayeen buu yiri ciidankaas 6000 fardooleey ah, waxayna u tegeen Xabiib bin Maslama Al Fihri, dabeetana waxay is heleen Al Mowriyan Ar Ruumi oo wata ciidan dhan 80 000 kun oo iskugu jira Ruum iyo Turki, waxaana dhex maray dagaal daran oo uu Alle guul iyo nasri ku siiyey Muslimiinta.

Waxaa la isku khilaafaa sanadkaan qofkii xajiyey dadka sida uu leeyahay Ibnu Jariir, waxaana la sheegaa inuu dadka xajisiiyey C/Raxmaan bin Cowf oo uu Cuthmaan arinkaa amray, waxaa kaloo lasheegaa inuu Cuthmaan xajisiiyey, hase ahaate waxaa xaqiiqda udhaw in uu ahaa C/Raxmaan bin Cowf ka xajiiyey. Isla sanadkaan buuna Abuu Muusa Al Ashcari furtay magaalada Rayi mar kale kadib markii ay dadkeeda jebiyeen heshiiskii ay horey ula galeen Xudeyfah bin Al Yamaan waqtigii Cumar.

SANADKII 25AAD

Sanadkan bay reer Aleskandariya buriyeen ballantii ay horey ula galeen Muslimiinta, waxaana u sabab ahaa in boqorkii Ruumaanka uu doonyo ciidama ah kusoo xirtay dhulkooda, dabadeedna ay u maleeyeen inuu u gar gaaraya, sidaana ay ku buriyeen ballantii iyo jisyadii ay horey kula heshiiyeen Muslimiinta. Bishii Rabiicul Awal ee sanadkan baa lagu furtay dhulkoodi xoog, hase ahaatee magaaladii waxaa lagu furtay heshiis. Sanadkan buuna Camr bin Al Caas udiray dhulka Maghrib C/llaahi bin Sacad bin Abii Sarax Al Caamiri, waxuuna Ibnu Sacad bin Abii Sarax horey uga sii idan dalbaday inuu kusii duullo dhulalka waqooyiga Afrika, Camarna wuu u idmay. Sida uu qaba Seyf bin Cumarna sanadkan buu Cuthmaan ka casilay Sacad magaaladii Kuufa oo uu booskiisii masuul ka dhigay Waliid bin Cuqbah. Isla sanadkan dhexdiisa buuna Mucaawiya furtay Xusuun, oona loo dhalay wiilkiisa Yaziid bin Mucaawiyah. Sanadkanna waxaa dadka xajiyey Cuthmaan bin Cafaan Illaahay haka raalli noqdee.

SANADKII 26AAD

Sanadkan ayuuna amiirkii Muminiinta Cuthmaan bin Cafaan amray in la cusbooneysiiya masjidka Xaramka tiirarkiisa, oo uu waasiciyey, oo uuna ka casilay Sacad magaaladii Kuufa sida uu Al Waaqidi qaba booskiisiina uu ku beddalay Al Waliid bin Cuqbah, sababta uu uga casilayna waxay ahayd in isaga Sacad iyo C/llaahi bin Mascuud ay arrin beytul maalka kusaabsan isku qabsadeen oo arrini ka dhex dhacday markaas buu Cuthmaan labaduba u yeeray oo uu Sacadna ka casilay Kuufa, baddalkiisiina uu u diray Al Waliid oo Cumar bin Khadaab masuul uga ahaa galbeedka jaziiradda, markiina uu Al Waliid tegay magaaladii waxaa soo dhaweyay dadkeedii waxuuna masuul ka ahaa muddo shan sano ah oo albaabkiisuna ma uusan xiri jirin, waxaaba la sheegaa inuusan lahayn albaab. Sanadkan buuna Cuthmaan bin Abil Caas Ath Thaqafi furtay Saabuur oo uu ku furtay heshiis inay bixiyaan 303 000 000 saddex boqol iyo saddex kun oo kun, waxaana dadka xajiyey sanadkaan Cuthmaan bin Cafaan sida uu xusay Al Waaqidi.

SANADKII 27AAD

Waxay yiraahdeen Al Waaqidi iyo Abuu Macshar:- Sanadkan ayuu Cuthmaan ka casilay Camr bin Al Caas imaaradii Masar oo uu masuul uga dhigay baddalkiisa C/llaah bin Sacad bin Abii Sarax, dhanka nuugmada ayayna walaalo ku ahaayeen Cuthmaan iyo C/llaahi, waana ninkii uu Cuthmaan Rasuulka SCW uga shafeec qaadayey maalintii furashada Makka, waxuuna ahaa markaa mid kamid dadkii uu Rasuulka SCW dhiiggooda banneeyay maalintaas. Hase ahaate markii dambe wuu soo laabtay oo uu wanaagsanaaday waxuuna ahaa nin taqi ah oo cibaada iyo Alla ka cabsi iyo subanaan badan leh.

Duullaankii Waqooyiga Afrika

Isla sanadkan buuna Cuthmaan soo amray C/llaahi bin Sacad inuu ku duullo dhulka waqooyiga Afrika, wuxuuna amray haddii uu Alle u furo in khumuska qaniimada uu shan meelood u qeybiyo, dabeetana qeyb kamid ah uu asaga qaato. Markaasuu dhaqaaqay asagoo wata 20 000 oo ciidan ah, waxuuna ku furtay si fudud oo uu ka dilay khalqi badan, kadibna waxay u qoor keeneen daacadda Islaamka , wayna wanaagsanadeen, waxuuna C/llaahi ka bixiyey khumuskii qaniimadii uu meeshaas ka helay oo inta qumuskii shan u qeybiyey ayuu saamigiisii ka qaatay, intii kalena uu u qeybiyey ciidankii Muslimiinta, afar meel oo kamid ah khumuskii qaniimaduna wuxuu u diray dhankii Cuthmaan. Waxuuna helay ninkii faras watay 3000 kii lugeynayeyna 1000 Dirham.

Duullaankii Andulus

Markiina la furtay waqooyiga Afrika ayuu Cuthmaan u diray dhanka Andulus C/llaahi bin Naafic bin Qeys Al Fihri iyo C/llaahi bin Naafic bin Al Xuseen Al Fihri, si ay ugu duulaan, waxuuna u tilmaamay haddii ay furtaan oo uu Alle si dhaqsi ah u fura inay ka qeyb qaadan karaan ciidamada Muslimiinta ee ku duuleya Qusdandiin, dabeeta waxay dhaqaaqeen jihadii loo diray wayna furteen Alle mahaddii.

Dagaalkii Subayddilah

Markii ay ciidamadii Muslimiinta aadeen waqooyiga Afrika, iyagoo tiradoodu ay tahay 20 000, uuna hoggaaminaya C/llaahi bin Sacad bin Abii Sarax, oo ay ciidamadaasina la socdaan Cabdillaahi bin Zubayr iyo Cabdillaahi bin Cumar, baa boqorkii Barbariyiinta ee la oran jiray Jurjeer uu arrintaasi ka war helay, dabeetana wuxuu soo dhaqaajiyey 120 000 oo dagaalyahanno ah, waxaa kaloo la sheegaa 200 000, markaa bay labadii col kulmeen, oo ay isasoo hor dageen. Dabeeta Jurjeer, markii uu arkay tira yarida ciidamada Muslimiinta ayuu amray in isweer lagu sameeyo, markaas bayna Muslimiintii mowqif aanay horay mid lamid ah u istaagin istaageen, oo cabsi darani soo wajahday, xaaladdiina ay ku darraatay. Cabdillaahi bin Zubayr oo ciidamada Muslimiinta la socday markaas ayaa wuxuu eegay dhanka boqorka oo taagnaa gaadada dambe ee ciidankiisa, isagoo markaana ay laba jaariyadood oo baalasha daauuska sido ay garba taaganyahiin.

Markaas buu C/llaahi bin Zubayr u tegey C/llaahi bin Sacad amiirkii ciidamada Muslimiinta oo uu ka dalbaday inuu ku daro niman geesiyaal ah oo halyeeyo ah oo waardiyeeyo, si uu asagu weerar ugu qaado boqorka. Markaas buu C/llaahi bin Sacad u xulay rag halyeeyo ah oo ilaaliyo, dabeetana Ibnu Zubayr wuxuu abbaaray dhankii boqorka asagoo dhex jibaaxayaya safafka Barbariyiinta oo ay iyana maleeyaan inuu boqorka fariin u wado, sidaa darteed bay dhabbada u beydheen. Markii uu C/llaahi ku dhawaaday boqorkii buu boqorku dareemay inuuna kheyr u wadin oo uu shar la maagan yahay, markaas buu damcay inuu cararo, balse C/llaahi baa inta ka daba tegay warankiisa la riday, dabeetana seefta unuunka ugu dheereeyey. Kadibna warankii ayuu madaxii inta suray kor uqaatay asagoo takbiirsanaya. Barbariyiintii arrinkaasi iyo wixii helay boqorkooda markay arkeen jaanta ayay rogteen oo way carareen. Muslimiintuna firxadkooda ayay sii eryanayeen oo ay laaynayeen wixii ay karaan.

Way Muslimiintii cadawga ka laayeen tiro aad u badan, qaniima badanna way ka furteen, dumar iyo carruur badanna way ka qafaasheen. Wuxuuna dagaalkani ka dhacay meel la yiraahda: Subaydhilah, oo 70 mayl u jirta Qayrawaan. Halkaasi waxay ahayd meeshii ugu horreysay ee uu C/llaahi bin Zubayr kusoo caan baxa Illaahay haka raalli noqdee.

Sida uu leeyahay Al Waaqidi sanadkan baa mar kale la furtay Isdhakhar oo uu furtay Cuthmaan bin Abil Caas Ath Thaqafi. Sidoo kale isla sanadkan buuna Mucaawiya ku duulay Qinsiriin. Waxaa dadka xajiyey sanadkan Cuthmaan bin Cafaan.

SANADKII 28AAD

Sanadkan bay ahayd

Furashadii Qubrus

Sanadkan baa la furtay sida uu Ibnu Jariir xusay uuna Al Waaqdi ku raacay, waana Jaziirad kaligeed kutaal bartamaha badda daanta galbeed ee Shaam. Waxay ahayd dhul leh kheyraad aad u wanaagsan, waxaana ku yiillay beero iyo buuro aad u wanaagsan, waxaanay lahayd fawaakih iyo nimcooyin badan iyo macdan, waana dhul aad u wanaagsan. Waqtigii Cumar bin Al Khaddaab ayuu Mucaawiya ka codsaday inuu u idmo inuu ku duulo Jaziiraddaasi, balse Cumar wuu diiday, waayo horay ayuu uga dhaartay inuu ciidama Muslimiin ah badda ku diro. Sidaa darteed buuna Mucaawiyah isaga aamusay. Markii la doortay Cuthmaan bin Cafaan ayuu misna Mucaawiyah mar kale ka dalbaday inuu Cuthmaan u idmo inuu Jaziiraddaasi ku duulo, kadibna wuu u idmay. Markaas buu Mucaawiyah ku dhaqaaqay dhankeeda asagoo ay la socdaan rag karmeedyo kamid ah saxaabadii Nebiga SCW oo ay kamid ahaayeen Cubaadah bin Saamit iyo xaaskiisii Umu Xaraam bint Milxaan iyo kuwa kale Illaahay haka raalli noqdee.

Rasuulka Alle SCW ayaa maalin seexday gurigii Umu Xaraam bint Milxaan, waqtigii xayaatadiisa, saa wuxuu soo baraarugay asagoo qoslahaya, markaas bay Umu Xaraam weydiisay:- Maxaa kaa qoslinaya Rasuulkii Alloow!? Suu yiri:- Dad kamid ah umaddeyda ayaa laysoo bandhigay ayagoo badda kudul safraya, oo la moodo boqorradii badda ku guureyn jiray? Markaasay tiri:- Rasuulkii Alloow! Illaahay ii bari inuu iga mid yeelo ayaga dadkaas? Markaasuu yiri:- Adigu kamid baad tahay.

Dabeeta mar kale buu seexday oo sidii oo kale soo baraarugay asagoo qoslahaya, markaasay suaashii hore mid lamid ah weydiisay, suu asagiina sidii oo kale ugu jawaabay. Markaasay tiri:- Rasuulkii Alloow! ii bari Alle inuu iga mid yeelo? Markaasuu yiri:- Adigu kuwa horaad kamid tahay. Duullaankan ayay la socotay Umu Xaraam bint Milxaan oo ayna ku geeriyootay Illaahay haka raalli noqdee.

Mucaawiyah bin Abii Sufyaan iyo ciidama culus oo uu hoggaaminaya ayaa waxay ka dhaqaaqeen Shaam iyagoo ku jiheysan dhanka Jaziiradda Qubrus. Waxay ku gudbeen asaga iyo ciidamadiisii maraakiib oo ay gaareen jaziiraddii. C/llaahi bin Sacad bin Abii Saraxna wuxuu ka soo galay dhanka galbeedka asagoo ka yimid waqooyiga Afrika, markaasay labadii qolo ku kulmeen goobtaas, oo dadkii baladka iyo Muslimiintii dirir darani dhex martay, markaasay Muslimiintii ka laayeen cadawga tiro badan, kana qafaasheen in badan oo kamid ah dumar iyo carruur, hanti badanna ka furteen qaniima ahaan. Dabeeta waa ay la heshiiyeen, wuxuuna Mucaawiyah kula heshiiyey 7000 oo Diinaar inay sanad waliba bixiyaan.

Markii ay ciidamada Muslimiinta soo laabanayeen, baa Umu Xaraam bint Milxaan loo keenay baqasheeda ama awrkeeda dabeetana markii ay fuushay ayay ka dhacday oo qoorta u laabmatay, kadibna waa ay geeriyootay Illaahay haka raalli noqdee. Halkaas ayaana lagu aasay, Ilaa maantadanna wuu ku yaal qabrigeeda meeshaas oo waa caan, wayna weyneeyaan, oo waxay yiraahdaan:- Waa qabrigii haweeneydii saalixadda ahayd.

Isla sanadkaan baa sida uu Al Waaqidi xusay uu Xabiib bin Maslama Suuriya kaga duulay dhulka Ruumaanka,sanadkan buun Cuthmaan bin Cafaan guursaday Naailah bint Faraafizah oo markii hore Nasraaniyad ahayd hase ahaatee Muslimintay ka hor intuusan la aqal galin oo gurigiisiina uu ka dhistay goobta la yiraahda Az Zawraa oo kamid ah magaalada Madiina, sanadkanna waxaa dadka xajiyey amiirkii Muminiinta Cuthmaan bin Cafaan.

SANADKII 29AAD

Sanadkan dhexdiisa ayuu Cuthmaan ka casilay Abuu Muusa Al Ashcari magaaladii Basra kadib markii uu masuul ka ahaa muddo 6 sano ah, waxaa kaloo la sheegaa saddex sano, waxuuna masuul uga dhigay baddelkiisa C/llaahi bin Caamir bin Kureys bin Rabiicah bin Xabiib bin C/Shams oo uu dhalay abtigiis Caamir bin Kureys, waxuna isugu daray ciidamadii Abuu Muusa Al Ashcari iyo kuwii Cuthmaan bin Abul Caas Ath Thaqafi, waxuuna jiray markaa C/llaahi bin Caamir 25 sano oo qura, waxuuna magaalada Basra masuul ka ahaa muddo 6 sanadood ah.

Sanadkan buuna C/llaahi bin Caamir furtay dhulka Faaris intii ka dhinneed sida ay qabaan Al Waaqidi iyo Abuu Macshar, hase ahaatee Seyf bin Cumar waxuu leeyahay waxaa la furtay sanadkan ka hor Walaahu aclam.

Sanadkan buuna Cuthmaan bin Cafaan waasiciyey masjidkii Rasuulka SCW ee Madiina, asagoo ku bixiyey hantidiisii gaarka ahayd, sida werrinnada qaar qabaan, dhererkiisuna waxuu ka dhigay 160 dhudhun ballaciisuna 150 dhudhun waxuuna usameeyay lix albaab, waxuuna billaabay dhismahiisa bishii Rabiicul Awal ee sanadkan gudahiisa.

Isla sanadkaan buuna Cuthmaan dadka xajiyey isagoo looga dhisay kheymad teendho xajka, waxayna ahayd teendhadii ugu horeysay ee qof loogu dhisa, waxuuna taam yeelay sallaadii oo uu tukaday afar rakaco, iyadoo qaar kamid saxaabada sida Cali, C/Raxmaan ibnu Cowf iyo Ibnu Mascuud ay ku qabsadeen arrinkaas.

SANADKII 30AAD

Sanadkan dhexdiisa buu Saciid bin Al Caas furtay Dhabaristaan sida ay yiraahdeen Al Waaqidi, Abuu Macshar iyo Al Madaaini, waxuuna ahaa qofkii ugu horeeyay ee ku duula.

Seyf bin Cumar-se waxuu xusay inay reer Dhabaristaan horey ula heshiiyeen Suweyd bin Muqarrin waqtigii Cumar bin Khadaab.

Sida uu Al Madaaini qaba ciidan uu hoggaaminaya Saciid bin Al Caas ayaa ku duulay Dhabaristaan, waxaana ciidankaas la socoday Al Xasan iyo Al Xuseen inamadii Rasuulka SCW uu awoowga u ahaa iyo Xudeyfa bin Xasiil bin Jaabir Xudeyfa ibnu Al Yamaan iyo qaar kamid ah saadaaddii iyo akhyaartii saxaabada, markaa baa meeshii ay sii maraanba waxay kula heshiinayeen jisya inay bixiyaan jeer markii dambe ay tegeen halkii ay kusocdeen ee dhulka Jurjaan agteeda, waxayna is heleen acdaadii Allaah waxaana dhex maray dagaal, markaa baa waxaa la gaaray waqtigii salaadda, markaas bay u baahdeen inay tukadaan salaadda cabsida Salaatul Khowf, markaa buu Saciid wax ka weydiiyey Xudeyfa siduu Rasuulka SCW u tukan jiray? Asagiina wuu u sheegay oo ay tukadeen Salaatul Khowf. Dabadeed si dhaqsi ah ayuu Alle nasri iyo guul kusoo dejiyey, waxaana halkaa ku guuleystay ciidankiisii waxaana qasaaray kuwii kasoo horjeeday oo jabay, markaa bay Muslimiintii qaniimeysteen qaniima culus oo ayna ka furteen guryo iyo daaro waa weyn.

Sanadkan ayuu amiirkii Muminiinta Cuthmaan Ibnu Cafaan ka casilay Al Waliid magaaladii Kuufa waxuuna masuul uga dhigay Saciid bin Al Caas, sababta uu uga casilayna waxay ahayd subax buu Al Waliid dadkii tujiyey salaadii fajar afar rakacadood, markaa buu intuu kusoo jeestay ku yiri:- Ma idiin siyaadiyaa salaadda? Arrintaas baa Cuthmaan loo sheegay markaa buu ka casilay oo magaaladii Madiina uu uga yeeray, waxuuna ku xukmay in la jeedalo, waxaana waxyaabahii xulliyada ee qur qurxanaa ee uu ku lebbisnaa ka siibay Cali, markaa buu Saciid bin Al Caas ku jeedalay amiirka hortiisa.

Isla sanadkan waxaa lumay faraantigii Rasuulka SCW oo ku lummay gacanta amiirkii Muminiinta ee Cuthmaan bin Cafaan, xilli uu ku sugnaa ceelka Ariis Biru Ariis oo uu kaga lumay, in kastoona la isku dayay in la raadiya misna waala heli waayey, oo waxaa laga gaaray heer quus ah , markaa buu Cuthmaan sameystay faraanti kale oo uu ku naqshadeeyay Muxammadun Rasuullullaah . Waxuuna u ahaa tiimbara oo warqadaha uu qora ayuu ku tiimbareyn jiray.

Isla sanadkan buu Cuthmaan bin Cafaan kasoo wareejiyey Abuu Dar magaaladii Dimishiq kadib markii ay arrin ka dhex dhacday isaga iyo Mucaawiyah, arrintaana waxay ahayd Abuu Dar baa ku inkiray reer Shaam iyo Mucaawiyaba hantida ay keydsadaan iyo daaraha ay dhisanayaan. Markiina asaga iyo Mucaawiya arrintaasi isku qab qabsadeen buu Mucaawiyah uga dacwooday amiirkii Muminiinta oo markii dambta asaga inta Madiina uga yeeray, ayuu Abuu Darna tagay, dabeetana amiirkii Muminiinta ayuu ka idin dalbaday inuu dego waadiga Al Rabdah Cuthmaanna wuu u idmay, halkaasoo uu ku geeriyooday sanadkii 33aad.

Sanadkan buuna Cuthmaan ku siyaadiyey maalinta Jumcada aadaanka hore waxuuna amray in lagu aadaama suuuqa Az Zowraa, waxaana dadka xajiyey sanadkan Cuthmaan bin Cafaan.






Ra'yi lama dhiiban



Name:
Email:
Code: jinc
Text:
 

  • Home
  • Duruus
  • Quraan
  • Video
  • S&J
  • Muxaadao
  • Contacts



  • sisawc ka baro diintaada © 2012 privacy policy terms of use