Previous  




-

سبحان الله والحمد لله ولا اله الا الله والله اكبر
 

Cuthmaan Bin Cafaan rc Q-1aad

Oo miyaanan ka xishooneyn qof ay Malaaigtu ka xishooneyso?

Sidaa waxaa yiri Rasuulkii Alle SCW.

Kanina waa saxaabi jaliil ah oo kamid ah saxaabadii Nebi Muxammed SCW ee akhyaarta ahayd, khaliifkii saddexaad ee khulafaau Raashidiinka iyo amiirkii labaad ee Muminiinta, oo kamid ah kuwii ugu horeysay ee islaamtay, waa mid kamid tobankii jannada loogu bishaareyay iyagoo nool oo misna kamid ah lixdii ahlu shuurada ee uu Cumar howsha Islaamka uga tegay. Waxuu caan ku ahaa sama fal, suubanaan iyo sifooyinkii islaamka oo idil ka hor intaan lasoo dirin Rasuulka SCW. Waxuuna iska daba guursaday laba gabdhood oo uu dhalay Rasuulka SCW, waana qofka kaliya ee iska daba guursaday laba gabdhood oo walaalo ah misna uu dhalay Nebi. Sidaa darteed baa waxaa loo yaqaannay oo uu laqabkiisu ahaa Dun Nuureyn oo la macna ah Kii labada nuur u saaxiibka ahaa. Rasuulkuna SCW waxuu geeriyooday isagoo ka raalli ah.

Waxuu lahaa weji quruxoon, tima badan dhanka madaxa, waxuu ahaa mid dhex dhexaad ah, ma uusan gaabneyn, mana dheereyn waxuu lahaa gadh weyn, waxuuna gacmaha iyo luguhuba ku lahaa timo badan xaad, ishii eegtaa ma qabaneyn kasii jeeso bal ee waxayba u ahayd il qabowsi iyo raxmad. Waxuu ahaa mid masaakiintu ay ku farxaan markii ay arkaan sidaa si lamid ahna qofkasoo Muslim wuu jeclaa, waxuu ahaa deeqsi had iyo jeerna wax bixiya, oo cibaado badan soon iyo salaad badan, waxuuna hal rakaco ku qatimi jiray Quraanka oo idil. Samankiisii waxaa batay hantidii beytul maalka, waxuuna masjidka Rasuulka SCW amray in la dhigo hilib soolan si masaakiinta, musaafirka, kuwa ku ictikaafa masjidka iyo dadka kaleba ay u cunaan, mararka qaarkood waxuu xaajada Muslimiinta ku gudi jiray maalkiisa gaarka ah, isagoo oran jiray waxaan dhiganayaa Allaah agtiisa.

Maxaa ka wanaag badan ruux hantidiisii dhigtay Allaah agtiisa. Markii la dilayey waxuu ka tegay hanti dhan 530 000 000 shan boqol iyo soddon kun oo kun oo Dirham ah iyo 100 000 boqol kun oo Diinaar, waxuu kaloo ka tegay 1000 awr, waxuu kaloo ka tegay hanti saddaqo uu ula baxay oo culus, waxaana kamid ahaa ceelkii Ariis, maal u yiillay kheybar iyo hanti u taallay Waadil Quraa oo lagu qayaasay 100 000 Diinnaar, waxuu kaloo ka tegay ceelka la yiraahdo Biru Ruumah kaasoo waqtigii Nebiga SCW uu ka gatay nin Yahuudi ahaa.

Saxaabigaan jaliilka ah akhristoow waxaa aabahii la oran jiray Cafaan bin Abil Caas bin Umaya bin Cabdshams bin C/manaaf bin Qussay bin Kilaab bin Murrah bin Kacab bin Luayi bin Qaalib bin Fihir bin Maalik bin Nadar bin Kinaanah bin Khuseymah bin Mudrikah bin Ilyaas bin Mudar bin Nizaar bin Mucad bin Cadnaan, oo waxuu ka dhashay Qureesh gaar ahaan jilibka banii Ummaya oo u xilsaarnaa dhanka hoggaanka ganacsiga ee Qureeshta, sidaa darteed waxuu Cafaan ahaa oday ganacsada ah oo Makka iyo marinnada ganacsiga oo idil ka sheegan oo laga yaqaan.

Dhanka kale waxaa hooyadii la oran jiray Arwaa bint Kureys bin Rabiicah bin Xabiib bin C/Shams bin C/manaaf bin Qussay, taasoo ay ilma adeer labaad ahaayeen aabahiis Cafaan bin Abul Caas, waxaana dhashay Arwaa Rasuulka SCW eeddadiis Ummul Xakiim Baydaa bint C/Mudalleb, sidaa darteed waxay Ummu Xakiim u ahayd saxaabigaan ayeeyo, Rasuulkuna SCW waxuu ugu toosnaa abti labaad maadaama ay dhashay gabadhii eeddadiis Ummul Xakiim ee Arwaa bint Kureys.

Ma sii foga halka ay nasab ahaan ku kulmaan asaga iyo Rasuulka SCW oo waxay ku kulmaan odayga C/manaaf bin Qussay, kaasoo ah awoowga 3aad ee Rasuulka SCW iyo awoowga 4aad ee saxaabigan , haddaba dhankanna waa ay ka kulmaan Rasuulka SCW iyo isaga oo markanna waxuu u noqon adeer, sidaa darteed waa saxaabiga kaliya ee Khulufaau Raashidiinta ama tobanka Jannada loogu bishaareeyay kamid ah, kaasoo qaraaba sidaa u sokeysa la ahaa Rasuulka SCW marka laga reebo Cali bin Abii Dhaalib.

Saxaabigan Jaliilka ahi waa Cuthmaan bin Cafaan bin Abul Caas, waa saxaabiga lagu amaanay inuu ummadan Nebi Muxammed SCW ugu xishood badan yahay, waana mid kamid ah saxaabadii dulqaadka iyo deeqsinnimada badnaa, waxuu ahaa mid naf iyo maalba u huray fidinta dacwada diinta Islaamka, oo waxuu ahaa mid Qureeshtu oo idilba ay jecelyahiin. Waxay haweenka Quresheed carruurtooda ku maaweelin jireen iyagoo leh weedha tan: Hooyoow! waxaan kuu jeclahay sida ay Qureesh Cuthmaan u jeceshahay oo kale. Taasi waxay ina tusineysaa sidii ay Qureeshtu u jecleyd Cuthmaan bin Cafaan iyo darajadii uu agtooda ka joogay ka hor intaanan lasoo dirin Rasuulka SCW iyo kadibba.

Haddaba waxaanan shaki ku jirin inuu Cuthmaan bin Cafaan ahaa saxaabi la jeclaada, tanna waxaa u saamaxday markii uu geeriyooday aabahiis Cafaan bin Abul Caas buu hantidiisii gacanta ku dhigay oo uu noqday nin baayacmushtari ah oo ganacsada geyiga oo idil caan ka ah noqday, tiiyoo halkaa ay kasoo shaac baxday gacan furnaantiisii iyo deegsinnimadiisii oo ummaddii oo idil wada jeclaatay. Waxuu Cuthmaan ku dhashay magaalada Dhaaif 8 ama 7 sano kadib dhalashadii Rasuulka SCW waxaa kaloo la sheegaa inuu Makka ku dhashay, waxuuna jiray markii Rasuulka SCW lasoo dirayey 32 sano. Aabahii markii uu ka geeriyooday kadib hooyadii waxaa guursaday oo kaga dambeeyay Cuqbah bin Abii Mucayd oo isagu odayaashii banii Ummaya kamid ahaa, waxayna u dhashay 3 wiil iyo hal gabar, kuwaasoo la kala oran jiray: Al Waliid bin Cuqbah, Khaalid bin Cuqbah, Camr bin Cuqbah iyo Ummu Kalthuum bint Cuqbah bin Abii Mucayd, waxaana jirtay gabar isaga Cuthmaan la aabo iyo la hooyo ahayd oo la oran jiray Aaminah bint Cafaan.

Khaalid bin Cuqbah bin Abuu Mucayd magaca Abii Mucayd waa Abaan bin Abii Camr magaca Abii Camarna waa Dakwaan bin Umayah bin C/Shams isagu wuu Muslimay waxuuna noqday saxaabi jaliil ah, waxuuna Islaamay maalintii furashadii Makka, waxuuna kamid ahaa dadkii Cuthmaan difaacayey maalintii la dilayay Cuthmaan, sida inoo iman doonta hadduu Alle idmo.

Al Waliid bin Cuqbah isagu waxuu noqday Saxaabi jaliil ah, waana saxaabigii uu Rasuulka SCW u diray dhanka banii Musdhaliq si uu sakada uga soo qaado, dabeetana u maleyay in ay doonayaan inay dilaan oo Rasuulka SCW ayuu Madiina ugu yimid, waxaana ku soo degtay arrintaas saddarro kamid ah Suuradda Xujraad. Mar buu Cuthmaan masuul uga dhigay Kuufa oo haddana uu ka casilay sida iyana inoo iman doonta inshallah waxuuna ahaa waali caadil ah oo xitaa albaabkiisa wuu furnaan jiray, waxaa kaloo lasheegaa inuusan albaabba lahayn gurigiisa Kuufa. Ammaa Ummu Kalthuum bint Cuqbah iyadu waxay ahayd Muhaajiraddii ugu horeysay ee iyadu kaligeed hijroota, waxayna soo hijrootay kadib dhacdadii Xudeybiyah, Rasuulkuna SCW ma uusan celin.

Cuthmaan bin Cafaan waxuu u hijrooday dhulka Xabashida isagoo ahaa saxaabigii hoggaaminayey saxaabadii u hijrootay hijradii koowaad carriga Abasiinya Xabashida. Waxuu kamid ahaa dadkii u hijrooday magaalada Madiina, waxuuna horey Rasuulka SCW ula walaaleeyay C/Raxmaan bin Cowf markii uu Muhaajiriinta dhexdooda walaaleynayey, markii Madiina la yimid oo Ansaarta iyo Muhaajiriinta dhexdooda la walaaleynayeyna waxuu la walaaleyay Aws bin Thaabit Al Khazraji oo la dhashay Xassaan bin Thaabit.

Islaamiddiisii

Islaamidda Cuthmaan bin Cafaan marka ay Culimada muarrakhiinta wax ka qorayaan waxay tilmaamaan in sifooyinkii Cuthmaan bin Cafaan ka hor islaamka ayba iska ahayeen sifooyinkii islaamka.

Sidaa darteed maalin baa waxaa wax u sheegtay habaryartiis Sucdaa bint Kureys oo iyadu ahayd curraafad wax sheegta ama faalliso, waxay usheegtay in Nebi lasoo saari doona goor aan sidaa u fogeyn, waxayna kula sii talisay in uu raaco Nebigaas. Haddaba Cuthmaan isagoo arrintaa la fajacsan buu maalin yimid golahii Abii Bakar Sidiiq oo markaa cidlo ahaa. Goor cabbaar ah markii uu meeshii joogay ayaa waxaa u yimid Abuu Bakar oo uu arrintii habaryartii ay u sheegtay uga warramay. Markii uu Abii Bakar ka dhageystay warkii Cuthmaan buu ku yiri:- War hooge! Cuthmaan Illaah baan ku dhaartaye waxaad tahay nin goaan leh oo uusan xaqu baadilka kaga dhex dhuuman karin, kuwan sanamyada ahi ee ay caabbudayaan tolkaa, oo miyaanay ahayn kuwa indha, dhego iyo afba la waxna maqlahayn oo waxna arkayn, oo waxna aan dhibayn waxna aan tareynin? Markaa buu yiri :- Haaheey! Illaah baan ku dhaartaye waa sidaa.

Waxuu yiri Abuu Bakar:- Haddaba waa kan Muxammed uu Allaah u soo diray dhammaan khalqiga si uu dhambaalkiisa u gaarsiiyo,ee ma dooneysaa inaan kuu geeyo oo aad wax ka dhageysato? Markaa buu Cuthmaan yiri:- Haa.

Iyagoo xaaladdaas ku sugan baa waxaa soo maray Rasuulkii Alle SCW, markaasuu Abuu Bakar xaggiisii u dhaqaaqay oo misna si hoos ah wax ugu sheegay, Rasuulkuna SCW waxuu usoo dhaqaaqay dhankii Cuthmaan isagoo dhoola caddeynaya, waxuuna ku yiri:- War Cuthmaanoow! ajiib Allaah iyo Janno, anigu waxaan ahay ergaygii uu Alle usoo diray adiga iyo dhammaan khalqiga oo idile.

Waxuu yiri Cuthmaan:- Illaah baan ku dhaartaye, waxba maanan sii hanan markii aan hadalkiisa maqlay illaa aan ka islaamo, oo aan ka qira inuusan jirin Allaah la caabbudo oo aanan ka ahayn Illaah, xaal uu yahay kali oo aanay jirin wax cibaadada lala wadaajiyo, Muxammedna SCW uu yahay addoonkiisii iyo Rasuulkiisii SCW. Dabeetana ma aanan sii nagaan jeer uu Rasuulka SCW iiga guuriyey gabadhiisii Ruqayah bint Muxammed SCW.

Waxaana la oran jiray:- Laba is qabto oo zowjeyn ah waxaa ugu wanaag badan Cuthmaan iyo Ruqaya. Waxuuna guurkoodu dhacay kadib soo saariddii Nebiga SCW.

Sababtuu Rasuulka SCW ugu guuriyey Ruqayo Cuthmaan waxay ahayd in markii hore uu labadiisa gabdhood ee Ruqayo iyo Ummu Kalthuum uu u kala guuriyey labadii wiil ee adeerkii Abuu Lahab kuwasoo kala ahaa Cutbah oo uu u guuriyey Ruqaya iyo Cuteybah oo uu u guuriyey Ummu Kalthuum. Markii Rasuulka SCW lasoo diray oo ay colaadiyeen shisheeya iyo sokeeyaba, Abuu Lahab waxuu kamid ahaa dadkii colaadiyey waxuuna ahaa mid kamid adeerradii Rasuulka SCW in kastoo u ahaa midkii ugu kheyrka darnaa. Waxuu Rasuulka ku colaadiyey nooc waliba oo colaadda kamid ah, haddii ay noqon lahayd goyn rixim iyo gamashleyn inta uu gadaal kamaro uu marka uu dacwada dadka ugu yeerayo ku oran jiray waa walan yahay waa saaxir iyo eraya lamid ah oo dadkii kasii didinayey. Arrinta ugu foosha xun ee uu Abuu Lahab ku sameeyay Rasuulka SCW ayaa waxay ahayd inuu labadiisa wiil ku yiri:- Haddeydaan Muxammed gabdhahiisa u furin wejigiinnu wejigeygu waa ka xaaraan. Waxay gaadhay heerkaas colaaddii uu Abuu Lahab ku hayey Rasuulka SCW. Waxaana ku taageertay colaaddaas foosha xun afadiisii il kheyr ma saartada ahayd ee Ummu jamiil Arwaa bint Xarbi bin Umaya.

Markaas buu Rasuulka SCW u guuriyey Cuthmaan gabadhiisii Ruqaya bint Rasuulillaah ayay iyadu ula hijrootay hijradii dhulka Xabashida ee kowaad sanadkii 5aad ee Nebinnimada, waxayna ahaayeen ahlu beydkii ugu horeyay ee hijrooda kadib Nebi Ibrahiim CS iyo Nebi Luud siduuba Rasuulka yiri, markii ay hijroonayeen. Waxuu mar kale u hijrooday Cuthmaan bin Cafaan dhulka Xabashida isagoo ay la socota afadiisii Ruqayah bint Muxammed SCW, waxuuna ahaa amiirkii kooxdii Muhaajiriinta ee dhulka Xabashida u hijrootay labada jeer, kuwasoo uu afhayeen u ahaa Jacfar bin Abii Dhaalib.

Midna Cutbah ama Cuteybah lama uusan aqal galin gabdhahii Rasuulka SCW oo intayan la aqal gelin buu Alle Sarreeye soo dejiyey Suuradda Masad oo cadaab iyo hoog ugu bishaareyneysay Abuu Lahab iyo ooridiisii afka dheereyd ee Ummu Jamiil bint Xarbi. Tanna waxay ahayd karaama iyo sharfid uu Alle ku sharfayey qoyskii reer Muxammed SCW. Waxuuna markaa Rasuulka SCW u guuriyey gabadhiisii Ruqayah mid ka kheyr badan Cutbah bin Abii Lahab. Waxay Ruqaya Cuthmaan u dhashay wiil loo baxshay C/llaahi kaasoo ka geeriyooday isagoo lix jir ah, waxaana isha ku dhuftay diiq oo dabeeta ay barartay illaa uu markii dambe ka geeriyooday bishii Jamaadul Awal sanadkii 4aad ee hijriyada, Rasuulka SCW baana ku tukaday, waxaana qabriga dhigay aabahiis Cuthmaan bin Cafaan.

Ummu Kaltuum iyadu waxay la joogtay aabaheed jeer ay Ruqaya dhimatay kadib dhacdadii Bader, markaa buu Rasuulka SCW Cuthmaan u guuriyey Ummu Kalthuum bint Rasuulillaah SCW, taasoo iyana ka geeriyootay sanadkii 9aad ee hijriyada, waxuuna markaa Rasuulka SCW yiri:- Haddii ay gabadh kale ii joogi lahayd waa aan kuu guurin lahaa.

Midna kama uusan qeyb qaadan Cuthmaan dagaalladii Bader iyo Tabuuk sabab la xiriirta isagoo ku haray maalintii Bader Ruqaya oo xanuunsaneyd, markaas buu Rasuulka SCW ku reebay si uu ula jooga waxuuna siiyey saamigiisii qaniimadii Bader. Maalintii Tabuukna waxuu Rasuulka SCW ku reebay gabadhiisii Ummu Kaltuum oo iyana afo u ahayd Cuthmaan markaas, oo markaa iyadu xanuunsaneyd, kamana uusan qeyb gelin, waxayna ka geeriyootay intuu Rasuulka SCW Tabuuk jiray.

Cuthmaan bin Cafaan Allaha ka raalli noqdee waxuu kamid ahaa dadkii fara ku tiriska ahaa ee asnaamta ka fogaa waqtigii jaahiliga, waxuuna ka fogaaday sidaa si lamid ah xummaanta iyo caadooyinkii Carabta ee anshaxa iyo akhlaaqda ka fogaa horeyna umuusan cabin khamri waligii, waxuu, u hijrooday dhanka magaaladii Madiina oo uu degay.

Dumarkiisii & Carruurtiisii

Ka hor intuusan Islaamin waxuu guursaday laba dumar ah kuwaasoo la kala oran jiray Ummu Camr bint jundub iyo Faadimah bint Al Waliid bin C/Shams bin Muqiirah bin C/llaahi bin Camr bin Makhsuum.

Haddaba innagoo sameyneyna nidaam tixraac wanaagsan leh ayaa waxaan u kala qaadi doonnaa afo waliba iyo carruurtii ay u dhashay si goonni ah. waana sida tan.

1. Islaamka kahor waxuu guursaday Ummu Camr bint Jundub bin Xamamah bin Al Xaarith bin Rufaacah bin Sacad bin Thaclabah bin Luay bin Caamir bin Qanam bin Dahmaan bin Munheb bin Dows oo ka dhalatay qolooyinka Uzdi-ga. Aabaheed waa saxaabi jaliil ah oo caan ah Jundub bin Camr Ad Dowsi,waxay ahayd afadii u horreysay ee uu Cuthmaan bin Cafaan guursada waxayna u dhashay: Camr, Khaalid, Abaan, Cumar iyo Maryam.

2. Faadimah bint Al Waliid bin C/Shams bin Muqiirah bin C/llaahi bin Camr bin Makhsuum. Waxaa dhalay Al Waliid bin C/Shams kaasoo kamid ahaa ashraaftii Quresheed waxuu aabaheed Al Waliid islaamay maalintii furashada Makka oo kadibna waxuu ku shahiiday dagaalkii Yamaama isagoo ka hoos dagaallamaya calankii ina adeerkiis Khaalid bin Waliid. Faadimah hooyadeed waxaa la oran jiray Asmaa bint Abuu Jahal oo sidaa darteedna Abuu Jahal baa awoowe u ahaa, waxaa guursaday Cuthmaan bin Cafaan oo ay u dhashay Al Waliid, Saciid iyo Ummu Sacad.

Camr waxuu ahaa Curudkii Cuthmaan bin Cafaan, sidaa darteed waxaa loogu kunyoonjiray Cuthmaan Abaa Camr islaamka ka hor, markiina uu Islaamka yimid waxaa loogu kunyoonjiray Abuu C/llaahi.

3. Islaamka kadib waxuu guursaday Ruqayah bint Muxammed SCW oo u dhashay C/llaahi oo ka saqiiray isagoo jira 6 sano.

4. Waxuu kaloo guursaday Ummu Kaltuum bint Rasuulillaah SCW,waxbana uma aysan dhalin waxayna ka geeriyootay sanadkii 9aad ee hijriyada markii loo baxayey dagaalkii Tabuuk.

5. Kadib waxuu guursaday Faakhitah bint Qazwaan bin Jaabir bin Nuseyb bin Wuheyb bin Seyd bin Maalik bin Cabdu bin Cowf bin Xaarith bin Maazin bin Maansuur bin Cikrimah bin Khasfah bin Qeys bin Ceylaan waxay udhashay : C/llaahi Al Asqar oo ka saqiiray isagoo ilma yar ah.

6. Waxuu kaloo guursaday Ummul Baniin bint Cuyeynah bin Xisin bin Xudeyfah bin Bader Al Fazaari waxayna u dhashay: C/malik oo ka geeriyooday isagoo ilma yar ah.

7. Waxuu misna guursaday furashadii Makka kadib Ramlah bint Sheybah bin Rabiica bin C/Shams bin C/manaaf, aabaheed Sheyba waxaa lagu dilay Bader isagoo gaal ah, waxaana dilay Xamza bin C/Mudhallib, Ramlah hooyadeed waxaa la oran jiray Ummu Shariik bint Waqdaan bin C/Shams bin C/Wuddi bin Nasar oo ka dhalatay Qureesh gaar ahaan banii Caamir bin Luayi.Ramlah waxay ilma adeer ahaayeen Mucaawiyah hooyadii Hindah bint Cutbah bin Rabiicah iyo weliba saxaabigii Abuu Xudeyfah bin Cutbah, way islaamtay oo ay haajirtay. Waxay Cuthmaan u dhashay : Caaisha, Ummu Abaan iyo Ummu Camr.

8. Waxuu kaloo guursaday Naailah bint Faraafizah bin Al Axwas bin Camr bin Thaclaba bin Al Xaarith bin Xisin bin Dam dam bin Cadiyi bin Junaab bin Kalbi oo ka dhalatay qoys masiixiyiin ah oo degnaa magaaladii Kuufa, waxay ku Islaamtay gacanta Caisha bint Abuu Bakar Sidiiq, sanadkii 28aad ee hijriyada ayuuna la aqal galay amiirkii Muminiinta ee Cuthmaan, waxayna u dhashay: Ummu Khaalid, Ummu Abaan As Suqraa iyo Arwaa, waxaa kaloo ay u dhashay Maryama sida ay qabaan Ibnu jowzi iyo ibnu Sacad, waxayse yiraahdeen qaar kamid ah culimada muarrakheenta ah:- Maryama ma aysan dhalin Naailah. Wallaahu aclam.

9. Waxuu kaloo guursaday haweeney Ummu Walad ah oo dadkii la soo qafaashay kamid ah waxayna u dhashay:- Ummul Baniin bint Cuthmaan, waxaana Ummul Baniin guursaday C/llaahi bin Yaziid bin Abii Sufyaan.

Dhammaan carruurta Cuthmaan bin Cafaan waa ay u wada hana qaadeen marka laga reebo C/llaahi bin Ruqayah, C/llaahi Al Asqar iyo C/malik oo ka geeriyooday iyagoo ilmo yar ah.

Qaar Kamid Ah Fadliga Cuthmaan

Sida dhabta ah waxuu Cuthmaan lahaa fadli badan, waxuuna ahaa saxaabigii saddexaad ee ku xigay Abuu Bakar iyo Cumar dhanka fadliga, waxaana taa caddeynaysa axaadiista Rasuulka SCW qaar kamid ah oo ka hadleysa fadligii Cuthmaan. Saxaabigaan Jaliilka waxuu ahaa mid kamid saxaabadii Rasuulka SCW uu aadka u jeclaa, dhanka kalena waxuu la ahaa qaraaba soke, fadli iyo wanaagna waxaa ugu filan inuu Rasuulka SCW u guuriyey labadiisii gabdhdood oo misna uu yiri markay ka dhinteen:- Haddii ay mid saddexaad ii joogi laheyd waan kuu guurin lahaa.

Waxaa fadli iyo wanaagna ugu filan in Rasuulka SCW meela badan janno ugu bishaareyay. Abii Muusa Al Ashcari Allaha ka raalli noqdee waxuu yiri:- Maalin baan Rasuulka SCW la joogay beer kamid ah beeraha Madiina, markaa baa waxaa albaabka soo garaacay qof oo idin dalbaday in laga fura, markaa buu Rasuulka SCW yiri:- Ka fur uguna bishaareey Janno. Markiina aan ka furay waaba Abii Bakar, waxaana ugu bishaareyay sidii uu Rasuulka SCW igu yiri, markaa buu Alle mahadiyey, kadib waxaa yimid nin kale oo idin dalbaday in albaabka laga fura, markaasuu Rasuulka SCW yiri:- Ka fur oo uguna bishaareey Janno, markiina aan ka furay waaba Cumar, markaa baan uga warramay waxii uu Rasuulka SCW igu yiri, markaa buu Alle mahadiyey, kadib waxaa yimid nin kala oo idin dalbaday in laga fura, markaa buu Rasuulka SCW yiri:- Ka fur oo uguna bishaareey Janno iyo balo asiibi doonta,markaa baan ka furay, misa waa Cuthmaan bin Cafaan markaa baan uga warramay sidii uu Rasuulka SCW igu yiri, markaa buu Alle mahadiyey oo uu yiri:- Allaan kaalmo weydiisan. Waxuu kuyaal Saxiixul Bukhaari.

Anas bin Maalik Allaha ka raalli noqdee waxuu yiri:- Rasuulka SCW baa waxuu fuulay buurta Uxud isagoo ay la socdaan Abuu Bakar, Cumar iyo Cuthmaan, markaa bay la gil gilatay. Markaa buu Rasuulka SCW yiri:- Sugnoow Uxud, isagoo lugtiisa hoos ugu garaacaya ma saarno dushaado waxaan, Nebi, Sidiiq iyo labo Shahiid ahayne. Waxuu kuyaal Saxiixul Bukhaari.

Mar Rasuulka SCW oo tilmaamaya inuu Cuthmaan yahay kan ugu xishoodka badan umaddan Nebi Muxammed SCW waxuu yiri:- Kan ugu naxariista badan ummadeyda waa Abuu Bakar Sidiiq, kan ugu ad adkaanta badan diinta Allaah-na waa Cumar, kooda ugu xishoodka badanna waa Cuthmaan, kooda ugu ogaal badan xalaasha iyo xaaraantuna waa Mucaad bin jabal, kooda ugu aqrinta badan kitaabka Allaahna waa Ubaya bin Kacab, oo kooda ugu aqoonta badan cilmiga dhaxalkuna waa Zeyd bin Thaabit, ummad kastaana waxay leedahay amiin, amiinka umaddeydanna waa Abuu Cubeydah. Waxaa soo weriyay Bukhaari oo kasoo weriyey Anas bin Maalik.

Caisha marwadii Rasuulka Alle SCW waxay tiri:- Goor uu Rasuulka SCW dangiigsanyahay gurigiisa oo jilbuhuna ay marada uga banaantahay ama gomadaha ay u banaanyahiin baa waxaa markaa ka idin dalbaday Abuu Bakar Sidiiq oo uu asaguna u idmay isagoo xaaladdiisii ku sugan, misna waxaa ka idin dalbaday Cumar oo isaguna uu u idmay isagoo sidaa ah, wayna sheekeysteen, misna waxaa idin dalbaday Cuthmaan bin Cafaan, markaa buu Rasuulka SCW fadhiistay oo marada hagaagsaday.

Muxammed bin Xarmalah wuxuu yiri:- Oran mahayo arrimahan waxay dhaceen maalin qura.

Waxay tiri Caisha iyadoo sii wadda hadalka:- Markaa buu soo galay oo ay wada sheekeysteen, markii uu baxay baa waxay Caisha tiri:- Abuu Bakar baa kuusoo galay oo maadan dhaqaaqin mana aadan is baddelin, misna Cumar baa kuusoo galay sidaa si lamid ah, misna Cuthmaan baa kuusoo galay, markaa baad fadhiisatay oo aad maradana hagaajisatay sidee bay ku dhacday? Waxuu yiri Rasuulka SCW:- Oo miyaanan ka xishooneyn qof ay Malaaigtu ka xishooto? Waxaa wariyey Muslim, waxuuna ku yaal kitaabka Muslim baabka Fadliga Cuthmaan bin Cafaan.

Tirmidi waxuu kasoo weriyay C/Raxmaan bin Khabaab inuu yiri:- Waxaan goob joog ahaa Rasuulka SCW oo ku boorinaya dadka diyaarinta ciidankii cuslaa, markaa baa waxaa kacay Cuthmaan bin Cafaan oo yiri:- Waxaan jidka Allaah kula bixi 100 awr oo rarkooda u dhan yahay. Misna Rasuulka SCW baa dadkii ku booriyey, markaa baa waxaa kacay Cuthmaan oo yiri:- 300 oo awr oo rarkoodu u dhan yahay ayaan jidka Alle kula bixi.

Waxuu C/Raxmaan yiri:- Waxaan arkay Rasuulka SCW oo mimbarka dul saaran oo leh:- Waxba ka tari mayso waxa uu Cuthmaan la baxo maanta kadib, waxba ka tari mayso waxa uu Cuthmaan la baxo maanta kadib.

Maalintaa iyada ah maalintii Tabuuk buu Rasuulka SCW yiri:- Ruuxii diyaariya ciidanka culus waxaa u sugnaatay Jannah. Markaa buu Cuthmaan bin Cafaan diyaariyey.

Rasuulka SCW baa maalin Dhalxa iyo Cuthmaan isagoo ay la socdaan ku yiri Dhalxa:- Dhalxoow! ma jiro Nebi aan saxaabadiisa mid kamid ah ka yeelaneyn Jannada dhexdeeda rafiiiq, rafiiqeyga Jannaduna waa kan Cuthmaan.

Sida werin ay soo weriyeen Nisaai iyo Tirmidi ay tilmaameyso, waxuu Rasuulka SCW markuu yimid Madiina ku yiri asxaabtiisa:- Oo kiinee baa ceelka Ruumah inoo iibiyo, oo halkii darka ee biyaha ah oo uu qof Muslim ahi ka darsada uu Alle uga yeeli doona baddalkiisa dar ka kheyr badan Jannada dhexdeeda? Markaa buu Cuthmaan iibiyey.

Ceelkaan markiisii hore waxaa lahaa nin Yahuudi ah oo Muslimiinta ku dhibi jiray, markaa buu Rasuulka SCW jecleystay in uu noqda mid Muslimiinta lagu dhibin oo ay ka cabbaan, markaa buu Cuthmaan ka iibsaday Yahuudigii, waxaa la sheegaa inay ku heshiiyeen, qiima 8000 Dirham ah, dabeetana maalin ay Muslimiinta ka cabbaan maalinta kalana uu ninka Yahuudiga ah leeyahay oo qof muslim uma soo dhawaan karo. Cuthmaan bin Cafaan waxuu Muslimiintii ku yiri:- Maalinteyda weelashiina ka buuxsada biyaha oo si fiican u dhaansada si maalinta kale aydan ugu baahan ceelka wax biyo ah. Markii in muddo Muslimiintii sidaa ahaayeen buu markii dambe Cuthmaan Yahuudigii u tegay oo uu usheegay inuu 4000 Dirham ugu daraaya beecii hore, isaguna waa in markaa uu furaha ceelka gacanta u geliyo. Markiina uu Yahuudigii arrintaa ku qancay buu Cuthmaan furahii ka qaatay lacagtiina siiyey, waxuuna furahii u geeyay Rasuulka SCW oo uu gacanta ka saaray. Rasuulka SCW intuu si aad ugu farxay buu u duceyay Cuthmaan, sidaa darteed Cuthmaan waxuu ahaa siduuba Rasuulka SCW sheegay maalintii la diyaarinayey ciidankii cuslaa ee Tabuuk, maalintaasoo uu Cuthmaan bixiyey hanti fara badan, werinnada qaarkoodna ay ku tilmaamaan kun Diinaar iyo dhowr boqol oo awr oo reeryadooda u dhantahay. Maalintaa buuna Rasuulka SCW sheegay in aysan Cuthmaan wax damba oo uu la baxa aysan dhibeyn. Waa sidaase waxuu ahaa mid gacan furan sidaynu horey usoo xusnayba oo deeqsi ah, sideedaba hadduu qofku ahaa waqtigii jaahiliga mid akhlaaq suubban lahaa islaamka hadduu yimidna waxuu noqday mid kasii dara oo hadduu deeqsi ahaa waa kan deeqsinnimadiisii heerkaa sii gaartay waqtigan Islamka.

Masjidkii Rasuulka SCW baa ciriiri ku noqday bulshadii islaamka, markaa buu Rasuulka SCW yiri:- Oo yaa inoo iibiyo tiirarka reer hebal oo inoogu siyaadiyo masjidka oo uu Alle ugu baddeli doonaa wax ka kheyr badan Jannada dhexdeeda? Markaa buu Cuthmaan istaagay oo uu soo iibiyey, waxaa la sheega inuu lacag culus oo dhowr boqol oo Dirham ah kasoo bixiyey.

Maxammed bin Siiriin waxuu yiri sida uu uga warramay Ibnu Cown:- Cuthmaan bin Cafaan waxuu ahaa saxaabiga ugu aqoonta badan acmaasha xajka saxaabada dhexdooda, waxaana ku xiga isaga kadib C/llaahi Ibnu Cumar.

Waxuu kamid ahaa fuqahaadii saxaabada iyo kuwoodii ugu waa weynaa oo ugu akhyaarsanaa, uguna dhawaansha ogaa agta Rasuulka Alle SCW, waxuu kamid ahaa kuwa saxaabada ugu cilmiga badan, waxuuna cilmiga ka qaatay madarasadii Rasuulka SCW. Waxuu laasimay Rasuulka SCW agtiisa markii lasoo diray jeer uu ka aaday rafiiqa sare Rafiiqul Aclaa oo uu ka geeriyooday. Waxuu kaloo laasimay lajoogidda labadiisii saaxiib ee Abuu Bakar iyo Cumar isagoo kamid ahaa dadkii ay sida gaarka ula tashan jireen, waxuuna ahaa saxaabi aad loo qadariyo.

Cuthmaan bin Cafaan waxuu kamid ahaa saxaabadii fara kutiriska ahayd ee samaha iyo wanaagga iyo deeqsinnimada ku caan baxay Islaamka ka hor iyo kadibba. Waxuuna ahaa mid naxariis badan oo wax waliba cafis iyo saamaxaad ku qaabila, waxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee hal rakaco ku qatima Quraanka oo dhan.

Ma soo koobi karno fadligii Cuthmaan iyo goobahii uu ku muteystay inuu Rasuulka SCW Janno ugu bishaareeyo, sidaa darteed waxaan uga gudbi doonnaa intaa, Idinka Allaah.

Cuthmaan bin Cafaan waxuu ka qeyb qaatay dhacdooyinkii dhacay waqtigii Rasuulka SCW badankood, hase ahaatee kama uusan wada qeyb qaadan dhammaantood. Dagaalkii Bader Rasuulka SCW baa ku dhaafay inuu la jooga Ruqaya oo markaa xanuunsaneysay, waxuuna uga tegay isaga iyo Usaama bin Seyd si ay xaaladeedda ula socdaan, waxuuna Rasuulka SCW yimid iyadoo geeriyootay, waxayna ahayd waqtigaa waqtigii bishaaradii Bader ay Madiina soo gaartay, waqtigaa iyada ah bayna ahayd waqtigii uu Rasuulka SCW sida aadka ah uga murugooday geerida gabadhiisii Ruqaya iyo murugada ku timid seygeedii Cuthmaan, sanadkii saddexaad waxuu Rasuulka SCW ku daray Cuthmaan bin Cafaan oo u u guuriyey gabadhiisi kale ee Ummu kaltuum, taasoo iyana ka geeriyootay markii Tabuuk loo baxay. Waxuu kamid ahaa saxaabadii maalintii Uxud sida dhaqsiyaha badan kusoo gaddoontay kadib markii ay jabeen Muslimiinta, waxuuna kamid ahaa raggii isagu yimid hareeraha Rasuulka SCW si ay u difaacaan. Waxuu Rasuulka SCW uga tegay magaalada Madiina masuul ahaan maalintii uu u baxayey duullaankii Diiamar.

Maalintii Xudeybiyah Rasuulka SCW waxuu damcay inuu Qureeshta u diro saxaabiga Cumar bin Khadaab si uu ugu sheego inuu usoo baxay cumro iyo beydka Xaramka inuu dawaafo oo kaliya, hase ahaate Cumar waa uu ka cududaartay arrintaas waxuuna yiri:- Rasuulkii Allow! aniga tolkeyga waa ku yar yahay magaalada Makka mana jirta cid ii doodeyso hadhoow, Qureeshtuna waad ogtahay cadaawadda iyo carada ay ii qabto, marka waxad u dirtaa Cuthmaan bin Cafaan, isagaa laga jecelyahaye oo tolkiisuna ay meesha haystaane oo waxii aad fartana gaarsiinayee. Markaa buu Rasuulka SCW u diray Cuthmaan bin Cafaan isaguu ku yiri:- U sheeg Qureesh inaanan u iman wax dagaal ah oo usheeg inaan u nimid oo kaliya cumro Islaamkuna ugu yeer. Waxuu kaloo faray inuu u tego raggii iyo dumarkii Muminiinta ee Makka lagu dhibayey oo uu ugu bishaareeyo guul iyo furasho soo dhaw oo dhici doonta waqti aan sii fogeyn, gabbood falka foosha xun iyo diinta la qarsanna laga bixi doona oo Makka la furan doona idinka Alle.

Cuthmaan waxuu abbaaray dhankii Makka waxuuna Qureeshtii kusii maray meesha la yiraahda Baldax, markaa bay ku yiraahdeen:- Oo xaggee baad usocotaa? Waxuu ku jawaabay:- Rasuulkii Alle SCW baa sidaa iyo sidaa isoo faray. Markaa bay ku yiraahdeen:- Maqalnay warkaada ee howshaada wado. Markaa baa waxaa kacay Abaan bin Saciid bin Al Caas oo soo dhaweeyay dabeetana intuu faraskiisii ku qaaday buu Makka keenay oo uu magan galiyey. Kadib Cuthmaan waxuu farriintii Rasuulka SCW gaarsiiyey odayaashii Quresheed oo iyana intay si wacan u dhageysteen bay usoo jeediyeen inuu Kacbada dawaafo markuu xilkii gutay, hase ahaatee isagu waa uu ka diiday waxuuna yiri:- Rasuulkii Alle SCW oo aan dawaafin dawaafi mahayo. Qureeshtii markaa waa ay xabbiseen Cuthmaan iyadoo markaana ay ka tashanayeen arrinta, markaa baa waxaa Muslimiintii soo gaartay in Qureeshtii Cuthmaan dishay, markiina arrintaa uu Rasuulka SCW waxuu yiri:- Laaban maahayo illaa aan qoomkan cuuryaamiyo. Waxuuna axdi ka qaaday saxaabadii inaanay cararin , oo kula ballameen geeri. Cid axdigaa Rasuulka SCW la gashaana waxaa ugu horeeyay Abuu Sinaan bin Muxsin, iyadoo Salamata bin Camr Al Akwacna uu saddex jeer geeri kula ballamay Rasuulka SCW.

Nebigu SCW gacantiisii midigta kor u qaaday ayaa waxuu yiri:- Tani waxay ka wakiil tahay Cuthmaan , markaa buu gacantiisii bidixda ku dul dhuftay.Markii ay Qureeshtii maqashay arrintaas, baa waxay si deg deg ah kusoo direen Suheyl bin Camr si uu heshiis ula soo galo Muxammed SCW, markii dambana waxaa yimid Cuthmaan bin Cafaan oo nabad qaba.

Al Muhiim: Dhacdadan oo loogu magac daray Beycatu Ridwaan, beycadii uu Alle ka raalli noqday dhammaan dadkii ka qeyb galay, waxaa u sabab ahaa Cuthmaan bin Cafaan, waayo Cuthmaan bin Cafaan waxuu ahaa saxaabi la jecelyahay oo gaalada Quresheed iyo Muslimiintuba jeclaayeen, waana tan keentay inay saxaabada oo idil geeri kula mubaayacoodaan iyagoo dalbi dilkii Cuthmaan bin Cafaan inay u aar gutaan, kuwaasoo uu Alle ka wada raalli noqday mar uu aayado kamid suuratu Al Fatxi kusoo dejiyey arrinkaa waxuuna yiri Alle Sarreeye:

Dhabtii Alle Raalli buu ka noqday Muminiinta markii ay beycada Ballanka,axdiga iyo heshiiska kugula galayeen inay dhiigga Cuthmaan raadiyaan oo aynan dib u cararin iyagoo kugula ballamayey geeri kugula galayeen Muxammadoow SCW geedka hoostiisa.Suuradda Al Fatxi aayadda 18aad

Markii la furtay Khaybar waxay Cuthmaan ibnu Cafaan iyo Jubeyr bin Mudcim isku raaceen Rasuulka SCW oo waxay kala hadlayeen arrin la xiriirta khumuskii qaniimada kheybar oo uu Rasuulka SCW wax wadaajiyey banii Mudallib iyo banii Haashim, labada Cuthmaan iyo jubeyr waxay ka kala dhasheen banii C/Shams iyo Nowfal.

Banii C/Shams iyo banii Nowfalna waxay walaalo yahiin Muddalib iyo Haashim, sidaa darteed nasab ahaan Mudallib, C/Shams iyo Nowfal way u wada simanyahiin Rasuulka SCW, markaa bay labadan saxaabi istusiyeen inay u tegeen Rasuulka SCW oo ay wax ka weydiisteen iyagoo weliba caddeyay in banii Mudallib iyo iyagu u siman yahiin Rasuulka SCW, waxuuse Rasuulka SCW ugu jawaabay:- Ilmo Mudallib iyo Ilma Haashim shey waliba waa kamid, waayo naga aaysan faaruqin Islaamka iyo ka horba. Waxuu Rasuulka SCW sidaan u oran banii Nowfal iyo banii C/Shams waxay ahaayeen kuwa Rasuulka SCW colaadiyey badankooda yacni madaxdooda halka ay banii Mudallib gaalkooda iyo muslimkooduba garab taagnaayeen Rasuulka SCW.

Waxuu Cuthmaan ka qeyb qaatay Furashadii Makka, dagaalladii Xuneyn iyo Dhaaif, isagoo markaana la socday Rasuulka SCW, dagaalkii Tabuuk kama uusan qeyb qaaday sidaynu soo xusnayba hase ahaatee waxuu ahaa saxaabigii diyaariyey ciidankii cuslaa ee Tabuuk, waana maalintii hantida lama filaanka ah uu dar Alle Cuthmaan u bixiyey.

Intaa kadib waxuu laasimay Abuu Bakar Sidiiq agtiisa isagoo marka ahaa qorahiisii la shaqeynayey Abuu Bakar Sidiiq, waxaana xusid mudan inuu ahaa saxaabigii qoray warqaddii dar daaranka Abii Bakar Sidiiq. Goor uu warqadda Abuu Bakar yeerinayey Cuthmaanna uu qorayey ayuu mar qura miyir beelay Abuu Bakar, waayo markaa waxaa hayey xanuunkii uu dunida kaga hoyanayey,markaa iyada waxuu marayey weedha ah:- Waxaan idin kaga tegay gadaasheey.........., markaa buu miyir beelay, dabeeta Cuthman oo warqaddaasi qorayey baa waxuu ku buuxiyey Cumar meeshii uu Abuu Bakar kaga miyir beelay yeerintii warqadda, isagoo markaa Cuthmaan ka cabsaday in Abuu Bakar uu sidaa ku geeriyooda dabeetana ummadu ay is khilaafto. Sidaa darteed buuna Cumar ugu buuxiyey. Markii uu Abuu Bakar soo miyirsaday buu yiri:- Ii akhri wixii aad qortay, markiina uu marinaya waxaan idin kaga tegay.... buu Cuthmaan ku buuxiyey Cumar, markaa buu Abuu Bakar aad ugu farxay qadaha Cuthman iyo sida uu wax yeelay, waxuuna yiri:- Waxaa Cuthmaanoow! laga yaaba inaad ka yaabtay inaan geeriyooda oo dabadeed dadku is khilaafaan, sidaa darteedna aad Cumar ugu buuxisey halkii aan ku miyir beelay? Illaah baan ku dhaartaye haddii aad adigu isku qori lahayd ehel baad u ahaan lahayd. Waxuuna halkii kasii waday yeerintii warqadda jeer uu ka dhammeeyey, asaga ayaana dadkii Madiina ku dul akhrinayay warqaddaasi.

Cuthmaan bin Cafaan waa mid kamid ah dadkii kula taliyey Abuu Bakar in uu xilkan khilaafada uga tego Cumar, maadaama uusan jirin nin ka mudan oo kaga xaq leh, haddii ay ahaan lahayd xagga cilmiga iyo haddii ay ahaan lahad dhanka fadligaba, sidaa darteedna markii uu Cumar qabtay xilka khilaafada Cuthmaan waxuu kamid ahaa dadyoowgii sida gaarka ah ula shaqeynayey gaar ahaan lixdii ahlu shuurada ahayd ee arrimaha la kala wadday.

Waxuu si gaar ah kamid ahaa lixdii saxaabi ee ahlu shuurada ee uu Cumar uga tegay arrimaha Islaamka si ay isaga dhex doortaan amiir, waxuuna markaa Cumar yiri:- Umaleyn mahayo in ay dadku Cuthmaan iyo Cali qofna ku doorsanayaan, waayo waxay wax kaga qori jireen waxyiga Rasuulka SCW hortiisa isagoo markaa ah sidii uu Jibriil CS kusoo dejiyey Quraanka. Ciwaanka dambe ayaanna ku faafaahin doonnaa qaabkii ay doorashadii Cuthmaan ibnu Cafaan u dhacday, haddii uu Alle idmo.






Ra'yi lama dhiiban



Name:
Email:
Code: i192
Text:
 

  • Home
  • Duruus
  • Quraan
  • Video
  • S&J
  • Muxaadao
  • Contacts



  • sisawc ka baro diintaada © 2012 privacy policy terms of use