Previous  




-

سبحان الله والحمد لله ولا اله الا الله والله اكبر
 

Cumar Bin Alkhaddaab rc Q5aad

SANADKII 17AAD

Sanadkan Billaawgiisii bishii Muxarram ayuu Sacad bin Abii Waqaas ka wareegay magaalladii Madaain isagoo uguuray Kuufa. Waxaanse ku xusi doonnaa sadarrada dambe marka aynu ka hadlayno dhacdooyinkii dhulka Furus ee sanadkan hadduu Alle idmo.

Immikuna aan u weecanno...

Dhacdooyinkii Dhulka Shaam Ee Sanadkan

Sanadkan dhexdiisa dhacdooyin dhowr ah ayaa dhulka Shaam ka dhacay, waxaana ka mid ahaa

Godoomintay Ruumaanku Ku Sameeyeen Ximsa

Sababtu waxay ahayd in jamac Ruumaan ah ay goosteen inay weerar ku qaadaan Ximsa oo ay ku godoomiyaan Abuu Cubaydah. Markaa bayna ka ciidan dalbadeen Ruumaanku dadkii jaziiradda iyo khalqigii agagaarkaas daganaa oo ay dabeetana soo aadeen dhankii Abuu Cubaydah. Markaa buu Abuu Cubaydah u cid diray Khaalid bin Waliid oo kusugnaa Qinnasriin si uu uyimaado, saa isagiina wuu yimid.

Intaa kadib waxuu Abuu Cubaydah warqad u qoray amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Khaddaab isagoo xaallada kula socodsiinayo. Abuu Cubeydah markaas buu ciidamadii Muslimiinta kala tashaday in uu cadawga u baxo oo uu debadda kula dagaal galo, mise inuu magaallada dhufeys ka galo jeer uu uga yimaado amarka Cumar. Markaasay dhammaan ciidankii u tilmaameen inuu magaallada dhufeys ka galo, Khaalid mooyaan oo isagu u tilmaamay in cadawga loo baxo oo banaanka magaallada lagula dagaal galo. Abuu Cubaydah wuu isaga tegay rayigii Khaalid, waxuuna qaatay rayigii Muslimiinta kale oo magaalladii ayuu dhufeys ka galay. Ruumaankii way yimideen markaasay godoomin ku qabteen magaalladii Ximsa. Qolo kastoo kamid ah ciidamadii Muslimiinta ee kusugneyd dhulka Shaamna dhankeeda ayay u mashquulsaneed, oo haddii ay kasoo tagi lahaayeen si ay walaaladood reer Ximsa godoominta uga qaadaan, waxaa meesha ka bixi lahaa nidaamkaa iyo dantii laga lahaa in lawada furto dhulka Shaam oo idil oo halkooda ayaa loo daba mari lahaa.

Sidaa darteed buu Cumar warqad ugu diray amiirkii ciidamada Muslimiinta ee dhulka Ciraaq - Sacad bin Abii Waqaas, isagoo ka dalbanayo in isla maalinta ay utegto warqaddaas uu dadka ku booriyo dagaalka, oo uu Al qacqaac bin Camr ku daro ciidamo kuwajahan dhanka Ximsa, si ay Abuu Cubaydah godoominta uga saaraan. Waxuu kaloo Cumar uqoray Sacad in uu ciidan kale diyaariyo oo uu madaxa uga dhigo Cayaad bin Qanam, dabeetana uu u diro dhanka Jaziiradda kuwii iyagu usoo gurmaday Ruumaanka. Markaa bayna labadaasi ciidamo ka baxeen magaalladii Kuufa. Al qacqaac bin Camr oo hoggaaminayo 4 000 oo ciidanna waxuu abbaaray dhankii Ximsa, halka uu Cayaadna aaday dhankii Jaziiradda. Cumar bin Khaddaab qudhiisu magaalladii Madiina ayuu ka soo baxay si uu ugu gargaaro Abuu Cubaydah, waxuuna soo gaaray Jaabiyah, waxaa kaloo la sheegaa inuu gaaray Sarghi. Sidaa waxaa yiri Ibnu Isxaaq, wallaahu aclam.

Markii uu gaaray dadkii Jaziiradda ee Ruumaanka la socday in dhulkoodii ciidamo u daba mareen, bay dib ulaabteen oo ay Ruumaankii ka hareen. Dhanka kale Ruumaankiina waxay maqleen in Cumar bin Khaddaab uu soo galooti yahay oo uu uyimid inuu u gargaaro masuulkiisa Abuu Cubaydah. Waxaa kalooy maqleen in ciidamo gurmad ahna ay ka soo socdaan dhanka Ciraaq, markaa bay daciifeen oo itaal darri kudhacday. Markaa buu Khaalid u tilmaamay Abuu Cubaydah inuu weerar ku qaado, maadama ay daciifeen, saa weerar buu ku qaaday oo uu yeelay siduu Khaalid u ishaaray. Markaa buu Alle u furay Muslimiintii oo guul iyo lib halkaa kusiiyay, Ruumaankiina way jabeen jab aad u weyn.

Markaasi waxuu ahaa goor aysan ciidamadii gurmadka ee Kuufa ka soo baxay soo gaarin kahor saddex casho, Markaa buu Abuu warqad u qoray Cumar oo Jaabiyah ama Sarghi kusugan isagoo suaalayo inay ciidamadii gurmadka kuyimid la wadaagaan wixii hanti ahaa ee cadawga laga ritay qaniimada . Cumarna waxuu soo amray in lala wadaajiyo, waayo cadawgu waxuu ku jabay markay maqleen gurmadka soo galootigiisa. intaa kadib Cumar waxuu amaanay reer Kuufa isagoo kheyrna ugu duceeyay. Isagiina waxuu kulaabtay magaalladii Madiina.

Furashadii Jaziiradda

Sidaynu soo xusnay waata Jaziiradda loo diray Cayaad bin Qanam markii Al qacqaac loo dirayey dhanka Ximsa.

Sidaa darteed Cayaad bin Qanam iyo ciidamadiisii ayaa waxay ku dhaqaaqeen dhankii Jaziiradda isagoo ay la socdaan Abuu Muusa Al Ashcari, Cumar bin Sacad bin Abii Waqaas oo inan dhalinyaro oo aan howsha waxba kulahayn ah, iyo Cuthmaan bin Abul Caas. Markaa buu Cayaad dhaqaaqay oo uu sii maray Al Ruhaa, isagoo halkaa kula heshiiyey dadkii daganaa inay bixiyaan jizyo. Sidoo kale reer Xaraanna sidaa si lamid ayuu kula heshiiyey. Markaa buu Abuu Muusal Ashcari u diray dhanka Nusaybiin, Cumar bin Sacadna waxuu u diray dhanka Rasul Cayn, isagiina Cayaad waxuu aaday dhanka Daaraa, markaa baa dhulalkaasi oo idil lafurtay. Waxuu markaa diray Cuthmaan bin Abul Caas oo uu udiray dhanka Armeeniya, halkaasoo uu ka dhacay dagaal uu kugeeriyooday Safwaan bin Mucaddal isagoo shahiid ah. Kadib buu Cuthmaan halkaa kula heshiiyey dadkii daganaa inay bixiyaan jizyo ahlu beyd kastaaba inuu bixiyo hal Diinaar.

Sanadkan dhexdiisa ayaa Khaalid bin Waliid laga casilay magaallada Qinnasriin, kadib markii uu Ashcat bin Qeys kusiiyey 10 000 oo Dirham gabay uu utiriyey darteed.

Waxaa maxkamad lagu saaray masjidka iyadoo ay dadkii buuxaan, waxaana casiliddiisa u geeyay Bilaal bin Rabaax oo membarka masjidka Ximsa dadkii ugu khudbeeyay. Markaa buu Khaalid cududaartay, kadibna waxuu aaday magaalladii Qinnasriin oo uu uu dadkii daganaa u khudbeeyay oo sagootiyey. Markaasuu ehelkiisii la aaday dhanka Ximsa, oo uu dadkii daganaa u khudbeeyay kuna sagootiyey. Kadibna waxuu aaday magaalladii Madiina oo uu degay.

Markii uu Khaalid tegay Madiina, Cumar bin Khaddaab wuu soo dhaweeyay waxuuna ku yiri: Illaah baan kudhaartaye agteyda waxaad ka tahay mid sharaf leh, oo waxaad agteyda ka tahay mid laga jecelyahay, hase ahaatee maanta dabadeed howl iima qabaneysid. Goballadiina waxuu udiray warqad isagoo ku oranayo: Ugamaanan casilin Khaalid xukunka khiyaano uu sameeyay iyo howl gaabin darteed tooni, hase ahaate waxaan ka yaabay inay dadku ku fidnoobaan, waxaana jecleystay inay dadku ogaadaan inuu Alle yahay ka isagu sidaa sameynayo yacni guulaha badan waa Allaah kan sababay. Khaalid magaalladii Madiina ayuu degay jeer uu 20kii hijriyada firaashkiisii ku geeriyooday. Waxaa kaloo lasheegaa inuu kugeeriyooday magaallada Ximsa, wallaahu aclam.

Dhacdooyinkii Dhulka Furus ee Sanadkan

Horraantii sanadkan bishiisii Muxarram ayuu Sacad bin Abii Waqaas ka guurey magaalladii Madaain isagoo uguuray Kuufa oo iyadu sanadkan la aas-aasay. Sababtuna waxay ahayd saxaabadii baa ku xanuunsadeen Madaain oo midibadoodi ku baddalmeen oo jirkoodiina kudaciifay dhulkeeda oo dixsi iyo boor badnaa darteed. Markaa buu Sacad warqad u qoray amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Al Khaddaab isagoo xaalladaasi kula socodsiinayo. Cumarna waxuu soo amray in Muslimiinta loo sahmiyo dhul ay dagaan oo ka wanaagsan cimillada Madaain. Markaasuu Sacad diray Xudayfah iyo Salmaan bin Yaziid si ay Muslimiinta ugu sahmiyaan dhul ay dagaan. Markaasay dhaqaaqeen oo ay soo mareen dhulka Kuufa oo ahaa meel carro cas oo aad usoo jiidatay, jawigeeduna uu yahay mid aad uwanaagsan. Halkaasi waxay ka heleen saddex deyr oo kala ahaa Dayr Xarqah bint An Nucmaan, Dayr Ummu Camr iyo Dayr Salsalah. Waxaana dhexdooda ahaa guryo yar yar oo cush iyo qoryo kasameysnaa. Halkii midba dhan uduceystay isagoo Alle ka baryayo kheyrka dhulkaas iyo kheyrka uu yeelan doono iyo isagoo ka nabad galayo sharta dhulkaas iyo sharta uu yeelan doono. Kadib way laabteen oo khabarkii bay Sacad ugeeyeen. Markaa bay soo guuray horraantii Sanadkan isaga iyo Muslimiintii halkaa joogtayba. Markii Sacad yimid Kuufa waxii ugu horreeyay ee uu dhiso waxuu ahaa Masjidka, kadibna waxuu mixraabka agtiisa kadhisay daar laga maamulo imaaradda iyo beytul maalka. Dabeeto waxuu uyeeray nin kudheereeyo gannida gamuunka oo uu ka dalbaday in afarta jiho ee masjidka uu gamuunkiisa u gamo. Halka uu kudhaco ayuuna amray inay dadku ka dhistaan guryahooda. Markii ugu horreysay waxay guryaha kadhisteen qasab iyo geedo. Markaa bay magaalladii gubatay sanadkan dhexiida, kadibna waxay kadhisteen lebin iyo dhagax kadib markuu Cumar sidaa soo amray. Intaa kadib Kuufa waxay noqotay Xaruntii laga xukumayey dhulka Furus oo idil oo uu daganaa amiirkii ciidamada Muslimiinta ee dhulka Ciraaq, sidayba Ximsa xaruntii iyana laga xukumay dhulka Shaam oo idil oo saldhig u ahayd amiirkii ciidamada Muslimiinta ee dhulka Shaam oo idil.

Furashadii Ahwaas, Manaadir iyo Nahruteer

Hurmuzaan oo kamid ahaa Faarisiintii kasoo jabtay maalintii dagaalka Qaadisiyah ayaa gobalka Ahwaas iyo magaalooyinka hoos yimaado oo idilba ku yeeshay awood aad uweyn. Markaa baa laga soodiray labo ciidamo oo Muslimiin ah magaallooyinka Basra iyo Kuufa. Markaasay dhulkiisii ku ciriiriyeen isaga, oo ay ka qabsadeen Dajlah iyo Dujeyl inta udhaxayso, oo ay hanti badan ka qaniimeysteen, intii ay doonaan oo ciidamadiisii kamid ahna laayeen, wixii ay doonaan oo ay awood uyeeshaanna ay kafurteen kadib markay ka dileen cadad badan oo Majuus ah Falillaahil xamdu walmannaa.

Kadib Hurmuzaan ciidamadii Muslimiinta wuxuu ka dalbaday in inta ka hartay dhulkiisa ay kula heshiiyaan, markaasay Muslimiintii warqad u qoreen dhanka Cutbah bin Qazwaan oo isagu markii hore ciidamada Muslimiinta soo diray. Markaasuu Cutbah ka aqbalay oo la heshiiyey oo khumuskii qaniimada iyo bishaaradii guushana u diray dhankii Madiina iyo Cumar bin Al Khaddaab isagoo horey ugu siidhiibay Axnaf bin Qeys. Markii Axnaf uu khumuskii u geeyay Cumar, buu Cumar kartidiisa iyo caqligiisa, markaasuu warqad u diray Cutbah bin Qazwaan isagoo ku amrayo inuu Axnaf bin Qeys kaashado oo uu talo ka qaato oo rayigiisuna uu qiimeeyo.

Kadib Hurmuzaan mar kale buu ballantii buriyey oo heshiiskiina jebiyey. Waxuuna soo kaalmeystay koox Kurdi ah oo naftiisii kedisay, sheydaanna camalkiisaasi foosha xun buu uqurxiyey. Markaas bay Muslimiintii kubaxeen xaggiisa oo ay ka guuleysteen mar kale oo ay ka laayeey khalqi tiro badan. Waxayna ka qabsadeen dhulal aad ubadan, kadibna way sii raacdeysteen jeer uu galay magaalladii Tastur oo uu dhufeys ka galay. Markaasay Muslimiintii arrintaa warqad ugu direen Cumar iyagoo la socodsiinayo sida uu Hurmuzaan falay.

Furashadii Koowaad Ee Tustar Heshiis Ahaan

Markii la furtay suuqii weynaa ee gobalka Ahwaas oo uu furtay Xurquus bin Zuhayr buu Hurmuzaan cararay, markaasuu Xurquusna ka daba diray Jaza bin Mucaawiyah, amarkaasina amiirkii Muminiinta baa horey usoo amray. Markaa buu Jaza bin Mucaawiyah sii bursaday firxadkii Hurmuzaan jeer uu dul degay Raamhurmuz, halkaasoo uu Hurmuzaan dhulkeeda dhufeys ka galay. Markii uu Jaza ku noogay daba oradkiisa ayuu u weecday goballadii kale ee dhulkaasi oo uu wada furtay kuna waajibiyey inay bixiyaan jizyo. Markii uu Hurmuzaan arkay ciriiriga dhulkiisa lagu hayo iyo rafaadka uu kujiro iyo in goballadiisii oo idil ay Islaamka hoostageen buu mar kale ka dalbaday heshiis. Markaa buu Jaza bin Mucaawiyah arrintaasi warqad ugu qorey Xurquus bin Zuhayr. Xurquusna Cutbah bin Qazwaan ayuu warqad ugu siiqoray, oo Cutbana Cumar ayuu warqad usii qoray. Kadibna waxaa timid jawaabtii Cumar oo uu kula heshiinayo magaallooyinka Raamahurmuz, Tastur, Jundiisaabuur iyo magaallooyin kale. Waxuuna heshiiskaasi udhacay sidii uu amiirkii Muminiinta soo amray.

Duullaankii Dhulka Furus ee Dhanka Badda

Taasu waxay ahayd Calaa bin Al Xadramiyu ayaa waxuu masuul ka ahaa dhulka Baxreen waqtigii khaliifadii Rasuulka SCW ee Siddiiq Allaha ka raalli noqdee. Cumar bin Al Khaddaab baa ka casilay oo masuul uga dhigay Qudaamah bin Madcuun Al Jumaxi. Dabeeto Qudaama buu ka casilay oo markale uu ku celiyey Calaa bin Al Xadramiyu mar kale.

Haddaba markii uu Sacad furtay Qaadisiyah oo jab weynna uu Faarisiinta soo gaarsiiyey buu Calaana jecleystay inuu Faarisiinta uga duulo dhanka badda oo uu kusameeyo siduu Sacad kusameeyay oo kale. Markaa buu dadkii ku booriyey ladagaallanka reer Furus, saa dadkii baladka oo idil wada ajiibeen. Ciidamadiisii ayuu dhisay isagoo dhowr qeybood uqeybiyey. Qeyb waxuu u dhiibay Jaaruud bin Mucallaa si uu madax ugu noqdo, qeybna waxuu udhiibay Al Suwwaar bin Hammaam, qeybta kalena waxuu udhiibay Khuliid bin Mundir bin Saawi, dhammaanna ciidamadaasi oo idil waxuu madax guud uga dhigay Khuliid. Markaa bay ciidamadii Muslimiinta dhaqaaqeen oo baddii abbaareen iyagoo doonaya inay uga gooshaan dhanka Furus. Taasina wax idan ah oo ay amiirkii Muminiinta kaga haysteen ma aanay jirin. Dhanka Cumarna aad buu u karhayey arrintaas ah in badda lagu duulo, sidoo kale in ciidamo idin laaan ay dhaqaaqaan buu iyana aad u dhibsan jiray, waayo Rasuulkii Alle SCW iyo Sidiiqba ma aysan sameynin falkaas iyo in ciidamada Muslimiintu ay badda kuduulaan.

Ciidamadan iyaga ahi waxay kagudbeen Baxreen oo ay ugudbeen dhulka Furus, waxayna ka baxeen magaallada Isdhaqar agteeda. Faarisiintii baa markaa daba martay oo kale dhex gashay iyaga iyo doomahoodii. Markaasuu Khuliid ka dhex istaagay ciidamadii Muslimiinta oo uu dagaalka ku booriyey kana codsaday inay Alle kaalmo weydiistaan oo ay dirirta ka run sheegaan, waxuuna usheegay in doomaha iyo dhulkuba ay yeelan doonaan ciddii adkaato. Waxuuna u dardaarmay sabirka iyo salaadda inay kaalmeystaan, waayo waa labo shey oo kuweyn dadka markalaga reebo kuwa khushuuca. Dhammaan ciidamadii Muslimiinta waxay kuqaabileen waanooyinkii amiirkooda maqal iyo adeecid iyo dhega nuglaan. Markaa buu Khuliid ciidamadii tujiyey salaaddii Duhur. Kadibna waxaa billaawday dagaalkii oo ku dhexmaray goob layiraahdo Dhaawuus. Waxaa halkaasi kudhex maray dagaal aad ukulul, markaasuu Khuliid ciidamadiisii amray inay u jilba dhigaan oo ay dagaallamaan oo ay adkeystaan. Kadibna Alle baa guul ka siiyey cadawgoodii oo waxay ka laayeen tiro aad u badan oo aysan mid lamida horey uga dilin. Markaa bay ciidamadii Muslimiinta damceen inay aaddaan dhanka Basra, hase ahaatee cadawgii ayaa doomahii ka kharraabiyey, jid ay badda umaraanna way garan waayeen. Taa waxaa ka darneyd markii reer Isdhaqar ay dariiqii ka xireen oo ay dhanwalibana ciidamo isaga keeneen oo ay Muslimiintii godoomin xun galeen. Markii ay arrintaasi gaartay amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Al Khaddaab, aad buu uga carooday, waxuuna u cid diray Calaa oo uu ku yiri: U tag Sacad bin Abii Waqaas. Markaa buu Cumar warqad u qoray Cutbah bin Qazwaan isagoo la socodsiinayo xaalladaasi qallafsan iyo in ciidamo Muslimiin ahi oo Baxreen kayimid ay dagaallo galeen, misna ay godoomin darani ku jiraan, waxuuna ka codsaday in uu dadka kubooriyo dagaalka oo uu xaggooda ciidan udiro. Markaasuu Cutbah ka dul istaagay dadkii oo ku dul akhriyey warqaddii amiirka Muminiinta. Markaasay iska daba kaceen qaar kamid ah halyeeyadii Muslimiinta oo ay kamid ahaayeen Haashim bin Cutbah bin Abii Waqaas, Caasim bin Camr Al qacqaac walaalkiis, Curfajah bin Harthamah, Hudayfah bin Muxsin iyo Axnaf bin Qeys iyo rag kaloo aynigooda ah. Waxuu ciidankani ahaa 12 000, dhammaanna waxaa madax looga dhigay Abuu Sabrah bin Abii Raham oo ay dhashay Nebigu SCW eeddadiis. Markaa bay ciidamadani dhaqaaqeen iyagoo wata baqlo aad utiro badan, si ay dhaqso u tagaan ama u gaaraan halka ay u socdaan. Waxayna qaadeen jidka xeebta, iyagoo ciddii ay lakulmaanba laaynayey oo jebineyey jeer ay markii dambe gaareen goobtii uu dagaalku kudhex maray labada qolo, iyadoo Khuliid iyo ciidamadii Muslimiintu ay godoomin darani kujiraan, cadawgiina dhan waliba isaga yimid oo ummadihii dhulalkaas oo idil ay ugu habar wacdeen. Gurmadkii cadawga wuu soo taam noqda markaa iyada ahi oo wax aan dagaal ahayni ma uusan dhinneyn. Kadib ciidamadii Abuu Sabrah iyo Faarisiintii baa is helay oo waxaa dhex maray dagaal aad u kulul oo lagu jebiyey Faarisiinta, lagagana dilay khalqi aad ufara badan, oo lagaga qaniimeystay hanti aad u culus mahadda Alle.

Kadib Abuu Sabrah iyo ciidamadiisii waxay u laabteen dhankii Cutbah bin Qazwaan. Markii ay Cutbah u taam noqotay dhul furashooyinkii hareerahaasi, buu ka dalbaday amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Khaddaab inuu xajka soo guto, markaasuu Cumarna u idmay. Saa Cutbah xajkii buu aaday oo uu mawaasimta kula kulmay Cumar. Waxuuna ka dalbday inuu ka casilo howsha. Hase ahaatee Cumar waa uu diiday. Markii Cutbah ka laabanayey xajka buu Alle baryay oo ka dalbaday inuu usoo dedejiyo la kulankiisa. Markii uu xajka kasoo guddoomay baa asagoo u socda magaalladiisii si uu u guto howshiisii ayuu ku geeriyooday bartama Nakhlah kadib markii uu kasoo laabtay xajka isagoo kusii jeedo dhulka Ciraaq. Markii Cumar ay gaartay geeridii Cutbah buu aad uga murugooday, oo uu kheyr badanna ku amaanay. Kadib waxuu xilkii Basra udhiibay Al Muqiirah bin Shucbah, oo isaguna muddo yar kadib laga casilay sida inoo iman doonto. Muqiirah dabadiina waxuu Cumar Basra masuul uga dhigay Abuu Muusal Ashcari.

Furashadii Tustar Mar Kale iyo Raamhurmuz

Sababtu waxay ahayd Yazdajrid baa mar waliba ku boorinayey reer Furus inay Muslimiinta hor istaagaan oo ay la galaan dagaallo culculus. Markaasuu warqad u qoray reer Ahwaaz iyo reer Furus isagoo ku boorinayo la dagaallanka Muslimiinta. Markaa bay dhaqdhaqaaq sameeyeen oo ay iskula ballameen oo ay isku dhaarsadeen la dagaallanka Muslimiinta iyo inay marka hore aadaan Basra. Arrinta warkaas baa markaa gaartay Cumar bin Al Khaddaab, markaasuu warqad u qoray Sacad bin Abii Waqaas isagoo ku amrayo inuu gobalka Ahwaaz u diro ciidamo uu madax uyahay Nucmaan bin Muqarrin si dhaqso ah si loosoo qabto Hurmuzaan. Waxuu kaloo Cumar soo magacaabay qaar kamid ah halyeeyadii Muslimiinta ee ciidankaasi kamidka ahayd oo ay kamid ahaayeen: Jariir bin C/laahi Al Bujali, Jariir bin C/laahi Al Ximyari, Suweyd bin Muqarrin iyo C/laahi bin Diis-Sahmeyn. Ragganu waxay ahaayeen madaxdii ciidankan ee Cumar uu soo magacaabay, dhammaantooduna waxaa madax u ahaa Nucmaan bin Muqarrin.

Waxuu kaloo markaa Cumar warqad u qoray Abii Muusa Al Ashcari oo Basra masuul ka ahaa isagoo ku amrayo inuu Ahwaaz u diro ciidamo culus oo uu madax uga dhigo Suheyl bin Cadiyi, iyo in ay ciidamadaasi kamid noqdaan halyeeyada kale ah A Baraa bin Maalik, Caasim bin Camr, Majthata bin Thowr, Kacab bin Thowr, Curfajah bin Harthama, Xudeyfah bin Muxsin, C/raxmaan bin Sahal iyo Al Xusayn bin Macbad. Waxuu kaloo soo amray in ciidamada Kuufa kayimid ee uu Nucmaan hoggaaminaya iyo kuwa Basra ka imanaya ee Suhayl bin Cadiyi uu wato markay isu tegaan iyo wixii gurmad oo u yimaadaba uu madax u noqdo Abuu Sabrah bin Abii Raham. Markaa bay ciidamadii Kuufiyiinta ka ambabaxeen magaalladii Kuufa iyagoo kuwii Basriyiinta ahaa uga hor maray magaalladii Raamahurmuz oo uu markaa Hurmuzaan joogay. Markaa buu Hurmuzaan kusoo saaray ciidamadiisii isagoo mar kale jebiyey ballantii uu Musliimnta horey ula galay, waxuuna keenay ciidamo aad u tiro badan. Markaasuu lasoo dhaqaaqay isagoo damacsan in Muslimiinta uu kujebiyo ka hor intaysan soo gaarin ciidamada reer Basra. Isagii iyo Nucmaan baa markaasi kulmeen oo dagaal aad kulul dhex maray, dabeena wuu jabay Hurmuzaan kadib markii laga dilay khalqi aad utiro badan, waxuuna u gudbay magaalladii Tustar isagoo ka cararay Raamahurmuz. Waxay Raamahurmuz usoo gacan gashay Nucmaan bin Muqarrin, kaasoo ahaa amiirkii hoggaaminayay ciidamada Kuufiyiinta, markaasi buuna aruurshay wixii uu ka helay oo hanti iyo hubbo ah.

Markii uu gaaray ciidamadii reer Basra warkaas iyo wixii ay Kuufiyiinta kusameeyeen Hurmuzaan iyo inuu u cararay magaallada Tustar bay iyagiina si toos ah u aadeen dhanka Tustar oo ay ka daba tegeen ciidamadii Kuufiyiinta ee iyagu raacdeysanayey Majuustii Hurmuzaan uu watay ee firxatay. Markii ay tageenna godoomin bay kuwada qabteen, dhammaantooduna waxaa madax u noqday Abuu Sabrah bin Abii Raham siduuba amiirkii Muminiinta horey usoo amray. Waxay magaalladii gaareen Hurmuzaan oo ciidamo aad u faro badan soo aruuriyey, markaasuu Abuu Sabrah warqad u qoray amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Al Khaddaab isagoo gurmad ka dalbanayo. Markaasuu Cumar warqad u qoray Abuu Muusa Al Ashcari isagoo ku amrayo inuu naf ahaantiisa aado Tustar, suu xaggeedii aaday waxuuna madax u noqday dhammaan ciidamadii ka yimid Basra ee ahaa kuwii uu horey u watay Suhayl bin Cadiyi iyo kuwa uu isagu gurmad ahaan u layimid, guud ahaanna ciidankoo dhami Abuu Sahbrah baa kor madax uga ahaa siduuba horey usoo amray Cumar. Godoomin aad u adag ayay ku sameeyeen ciidamadii Muslimiinta magaalladaasi Tustar. Dhowr mar ayayna isu soo baxeen oo dagaallo aad u kululi ay dhex mareen.

Al Baraa bin Maalik dagaalkani wuxuu ku dilay 100 nin mubaarizo ah, sidoo kale waxaa dagaalkan 100 nin mubaarizo ku dilay Kacab bin Thowr, Majthaata bin Thowr iyo Abuu Yamaamah iyo rag kaloo lamid ah oo ka tirsan ciidamadii Basriyiinta ee Basra kayimid.

Sidoo kale waxaa dagaalladan iyana wacdaro muujiyey oo min boqol nin kudilay mubaarizo qaar kamid ah ciidamdii Kuufiyiinta ee Kuufa ka yimid sida Xabiib bin Qirrah, Ribciyu Ibnu Caamir iyo Caamir bin Cabdul-Aswad. Markii ay xaaladdii darraatay oo Muslimiintiina waqtigu ku dheeraaday bay utageen Al Baraa bin Maalik oo saxaabi Jaliil ah oo ducadiisu la aqbalo ahaa, waxayna ku yiraahdeen: Baraaoow! inoo bari Rabbigaa si uu cadawgu inoogu jebiyo.

Markaasuu Al Baraa yiri: Alloow!! jebi cadawga, oo aniguna shahaado igu sii.

Halkii bay Muslimiintii cadawgii ku jebiyeen Al Baraana uu ku shahiiday. Markii Muslimiintii ay jebiyeen Mushrikiinta bay orad ku galeen qalcadahoodii iyo dhufeysyadoodii, markaasay iyana ka daba tegeen oo ay ku laayeen. Markaa bay Mushrikiintii ku ciriiri noqotay magaalladii oo meel ay nafta la aadaan garan waayeen. Dabeeta nin kamid ah dadkii baladka baa Abuu Muusal Ashcari ka dalbaday magan galyo oo u yimid, suu isagiina magan galiyey. Ninkii waxuu ka codsaday Abuu Muusa Al Ashcari inuu ku daro rag aad uyaqaanno dabaasho oo maskax fiicanna leh si uu u tusiyo jid ay uga gudbaan derbiga Tustar si ay magaallada ugalaan. Markaasuu Abuu Muusal Ashcari ku daray rag karmeedyo halyeeyo ah oo uu kamid ahaa Majthata bin Thowr. Ninkii inta kaxeeyay raggii ayuu mariyey waddo hoos marto dhulka oo tog biyo leh ah. Waqtiguna waxuu ahaa goor habeen ah, markaasay raggii Muslimiinta ahaa sidii ku goosheen biyahii iyagoo dabaal ku gudbayo, markaasay magaalladii galeen. Waxaa la yiraahdaa qofkii ugu horeeyay ee galo magaallada waxuu ahaa C/laahi bin Muqaffal dhanka Muslimiinta. Waxay yimideen albaabadii kadib markay toggii soo gudbeen, oo ay arkeen waardiyaashii oo ay laayeen, markaasay albaabadii fureen iyagoo takbiirsanayo yacni leh:- ALLAAHU AKBAR. Oo ay soo galeen. Ammintaasi iyada ah ee ay magaalladu galeen waxay ahayd goor salaaddii fajar ah, mana aysan tukan salaaddii fajar jeer ay cadceeddii kasoo baxday sida uu xusay iimaam Al Bukhaari oo uu kasoo weriyay Anas bin Maalik oo yiri: Waxaan goob joog ahaa furashadii Tustar, waxayna ahayd goor salaaddii fajar ah. Markaasay dadkii ku mashquuleen furashada oo maysan tukan jeer ay cadceeddii kasoo baxday, mana ka jecli salaaddaas inay ii ahaadaan baddalkeeda geela kiisa cas cas.

Hurmuzaan markii laga furtay dhulkiisa waxuu orad ku galay qalcaddiisii, markaasay sii raacdeysteen qaar kamid ah jamaacaddii iyo halyeeyadii geesiyaasha ee Muslimiinta. Markiina ay dul tegeen oo ay hor istaageen qalcaddiisii oo aysan u harin wax aanan ka ahayn in la is daro, buu Hurmuzaan yiri kadib markii uu dilay Al Baraa bin Maalik iyo Majthaata bin Thowr: Waxaan haystaa jacbad ay ku jiraan boqol gamuun, mana jiro axad idinka mid ah oo xaggeyga usoo dhaqaaqi karo illaa hadday dhacdo waxaan ku gamayaa gamuun oo aan ku dilayaa. Mana iga dhacayo gammuun illaa waxuu ku dhacayaa qof idinkamid ah. Haddaba maxay markaa idiin tareysaa inaad i qafaalataan bacdamaa aan idinka dilay 100 nin? Waxay yiraahdeen: Haddaba maxaad dooneysaa?

Waxuu yiri: Waa inaad i magan gelisaan jeer aan gacanteyda idiin soo dhiibo, dabeetana waxaad ii direysaan Cumar bin Al Khaddaab si uu isaga iigu xukmiyo wixii uu doono.

Markaa bay saxaabadii ka yeeleen oo uu isagiina iska dhigay gamuunkii iyo qaansadii oo ay qabteen qafaal ahaan. Dabeetana horey ayay usii kaxaysteen.

Waxay Muslimiintii dhulkani ka heleen hanti tiro badan iyo hub aad u culus. Markii khumuskii laga saaray kadib ayaana Muslimiintii loo qeybiyey.

Qofkii faras watay waxuu helay 3 000, halka kii lugtana uu helay 1000.

Furashadii Suus & Jundiisaabuur

Kadib buu Abuu Sabrah bin Abii Raham kaxaystay qaar kamid ah ciidankii oo ay lasocdaan Abuu Muusal Ashcari iyo Nucmaan bin Muqarrin iyo qaar kamid ah madaxdii ciidanka. Hurmuzaanna horey ayay usii kaxaysteen waxayna daba galeen raadka Faarisiintii jabtay oo ay eryanayeen jeer ay dul dageen Suus oo ahayd magaallo ku taallay dhulka Khowzistaan oo ay isweer ku sameeyeen. Markaa buu Abuu Sabrah warqad udiray dhankii Cumar asagoo la socodsiinaya arrinka, dabeetana waxaa timid jawaabtii Cumar uu ku amraya in Zir bin C/llaahi bin Kuleyb Al Fuqeyhiyu waxaa kaloo la yiraahdaa Al Caqiimiy oo saxaabi jaliil ahaa loo diro dhanka Jundiisaabuur. Kadib Abuu Sabrah waxuu diray khumuskii qaniimada iyo Hurmuzaan oo uu usii dhiibay Anas bin Maalik iyo Axnaf bin Qeys.

Markay u dhawaadeen magaalladii Madiina bay dajiyeen oo ay u xireen dharkiisii hore ee uu xiran jiray oo ka sameysnaa jowharad, diibaaj, yaaquut iyo dahab. Markaa bay galeen magaalladii oo ay ku hor mareen gurigii amiirka Muminiinta oo ay ahlu beydkiisa weydiiyeen. Waxaana loo sheegay inuu aaday masjidka sabab la xiriirta inuu ku qaabilo wafdi uga imanaya magaallada Kuufa. Markaasay aadeen Masjidkii hase aheetee cidna kamaysan helin. Dabeetana way soo laabteen, misna waxay arkeen carruur yaryar oo ku cayaareyso masjidka debeddiisa oo ay waydiiyeen Cumar. Waxay carruurtii usheegeen in Cumar uu jiifo masjidka isagoo huwan goiisa. Markii ay masjidka soo galeen waxay arkeen isagoo jiifo oo huwan goiisa. Hurmuzaan markii uu arkay ayuu dadkii suaalay: Oo meeyay Cumar?

Waxay ku yiraahdeen: Waakan

Dadkii baa markaa waxay gudo galeen inay codkooda hoos u dhigaan si aysan amiirka Muminiinta u toosinin.

Markaasuu Hurmuzaanna gudo galay inuu yiraahdo: Oo aaway ilaaladiisii? Aaway waardiyaashiisi?

Waxay yiraahdeen: Malahan wax ilaaliyaal ah iyo waardiyo toona, mana lahan wax kaatib iyo diiwaan ah toona.

Waxuu yiri: Way usuurowdaa inuu noqda Nebi.

Waxay yiraahdeen: Bal ee waxuu falaa camal Nebi.

Dadkii baa iska soo daba batay markaasuu Cumar toosay, oo uu si saani ah fadhiga u haggaagsaday, dabeetana eegay dhanka Hurmuzaan. Markaasuu yiri: Oo ma Hurmuzaan baa?

Waxay yiraahdeen: Haa.

Markaasuu indhaha ka buuxsaday isaga iyo wixii dhar uu sitay, markaasuu yiri: Acuudu billaah.. Allaanu kamagan galayaa naar, oo Alle ayaan kaalmo weydiisanayaa.

Kadib waxuu yiri: Mahad idilkeed waxaa iska leh Allihii Islaamka ku dulleeyay kan iyo wixii aynigiisa ah. Kulanka Muslimiintoow! qabsada diintan oo ka hanuun dalba hanuunkii Nebigiinna, oo yaysan idinla tegin adduunyo waa kadoe.

Wafdigii baa markaa waxay Cumar ku yiraahden: Kani waa Hurmuzaan boqorkii Ahwaaz ee la hadal.

Waxuu yiri: Mayo, jeer uu soo dhigo waxa xulliyad dhar qurxan iyo dhaldhalal ah ee dushiisa saaran.

Markaa bay kaxeeyeen oo ay kasoo dhigeen, waxayna usoo xireen dhar suuf ah. Markaasuu Cumar yiri: Sidee baad u aragtaa ballan ka bixii iyo ciribta amarka Alle?

Waxuu yiri: Cumaroow! berigii jaahilliyada Alle baa dhaxdayada isku keenna deyn jiray, markaasanu idinka adkaan jirnay markii uusan miciinna iyo maceennu toona ahayn. Markuu uu maciinna noqday baad naga adkaateen.

Waxuu Cumar yiri: Waxaad nooga adkaan jirteen isu teggyadiinnii iyo kala tegsanaantayadii. Misna waxuu yiri: Maxaad u haysataa oo cududdaar ah ballankabaxaadii mar iyo mar kadib ahaa?

Waxuu yiri: Waxaan ka cabsanayaa inaad idisho ka hor intaanan kuu warramin.

Waxuu yiri: Haka cabsan taasi.

Markaasuu dalbaday in biyo loo keeno, saa waxaa loogu keenay weel godan. Markaasuu yiri: Haddii aan oon udhimanayana ma awoodo inaan kan wax ku cabbo. Misna weel kale oo uu ka raalli yahay ayaa loogu keenay. Markii uu biyihii qaatay bay gacmihii jareeyeen, waxuuna yiri: Waxaan ka cabsi qabaa in la idilo anigoo biyaha cabbayo.

Waxuu Cumar yiri: Waxbo dhiba dushaadu maanay ahaanin jeer aad ka cabto.

Waxuu kaloo Cumar yiri: Ugu soo celiyo biyaha oo ha isugu darina dil iyo oone.

Waxuu yiri: Wax dan oo aan biyo ka leeyahay majirto, kaliya waxaan doonayey inaan magan galo.

Waxuu yiri: Waan ku dili.

Waxuu yiri: Waad imagan gelisay.

Waxuu yiri: Been baad sheegtay.

Markaasuu Anas hadlay oo yiri: Run buu sheegay amiirkii Muminiintoow!.

Waxuu yiri Cumar: Hooge! Anasoow! ma anigaa magan gelinayo qof dilay Al Baraa iyo Majthaata? Waxaad ii keeni doontaa jid looga baxo arrinkaas yacni xujo cad waxa aad tiri ama waan ku ciqaabi doonaa.

Waxuu yiri Anas: Waxaad ku tiri: Wax dhiba dushaadu maanay ahaan jeer aad iiga warranto. Waxaad kaloo tiri: Wax dhiba dushaadu maanay ahaan jeer aad kacabto.

Markaa bay dadkii meesha joogayna sidaa si lamid ah ku yiraahdeen.

Markaa buu Cumar dhankii Hurmuzaan u jeestay oo uu ku yiri: Waad i qayaantay, igamana fakaneysid jeer aad Islaamtid. Markaasuu Islaamay, waxuuna Cumar u qoray 2 000 oo lacag ah, waxuuna dejiyey magaalladii Madiina.

Waxaa la yiraahdaa: Turjumaankii u kala turjumayey Cumar iyo Hurmuzaan waxuu ahaa Muqiirah bin Shucbah. Mar kalase waxaa u kala turjumay Zayd bin Thaabit Allaha ka raalli noqdee.

Intaa kadib Cumar bin Al Khaddaab waxuu aad u necbaa ama uu kasoo hor jeeday inay Muslimiintu kusii fogaadaan dhulalka cajamta ah ee aysan awoodin inay wado maamulaan. Hase ahaatee Axnaf bin Qeys baa u tilmaamay in boqortooyadii Furus ay jirto oo aysan ka suuleynin inay weerarro iyo dagaallo kusoo qaaddo Muslimiinta oo ay damaacida dhulalka ay Muslimiinta haystaan. Markaa bay arrintaasi Cumar aad ugu qurxanaatay oo uu u riyaaqay, waxuuna goaansaday in dhulalka Furus oo idil lawada furto.

Aanu u laabanno furashadii Suus iyo Jundiisaabuur..

Abuu Sabrah bin Abuu Raham iyo ciidamadiisii markii ay ka faaruqeen Tustar waxay aadeen dhanka Suus sidaynu horeyba usoo xusnay, waxayna dul dageen Suus oo ay isweer ku qabteen. Kadib waxaa dhex maray dhowr dagaal oo labada dhinacba looga dilay dad aad utiro badan waqtigiina wuu ku dheeraaday. Markaasay ashraaftii baladkaasi la hadleen Muslimiintii oo ay ku yiraahdeen: Kulanka Muslimiintoow! ha sii raacina inaad isweer kusii haysaan dhulkaan, waayo waxaanu raad haynaa sida aan ka soo werinnay dadkayagii hore ee dhulkan in dhulkani aysan furan doonin cid aanan ahayn Dijaal ama ciidan uu Dijaal la socdo.

Waxay Culamaayi siirah isku waafaqeen in ciidamadaasi Muslimiinta ah uu la socday Saaf bin Sayaad. Markaasuu Abii Muusal Ashcari kusoo daray dadkii xisaarka ku hayey meeshan, markaasuu Saaf inta yimid albaabkii baladka ayuu lugta ku gargaraacay, dabeetana qufulladii baa jajabeen oo silsiladihiina way daateen. Markaasay Muslimiintii galeen baladkii oo ay laayeen wixii ay helaanba jeer ay dadkii meesha deganaa ku dhawaaqeen magangalyo, oo ay dalbadeen heshiis oo ay Muslimiintiina markaa ka yeeleen. Suus waxaa masuul ka ahaa Shahrayaar oo la dhashay Hurmuzaan. Waxuuna dhulkaasi ahaa dhul aad u taariikh fog. Waxaaba la sheegaa inuu ahaa baladkii ugu horreeyay ee arlada la dhigo, wallaahu aclam.

Sida uu Ibnu Jariir xusay waxaa meeshaasi laga helay qabrigii Daanyeel. Markii uu Abuu Muusa iyo Abuu Sabrah yimideen Suus, buu Abuu Sabrah usii gudbay Jundisaabuur, Suusna waxuu kusii dhaafay Abuu Muusal Ashcari, markaasay ka heleen qabrigii Daanyeel CS. Waxaa la sheegaa qofkii ugu horeeyay ee arko qabrigaasi inuu ahaa Xurquus, markaa buuna Abii Muusa warqad u qoray Cumar bin Khaddaab isagoo xaallada la socodsiinayo. Cumarna waxuu soo amray in la qodo dhowr iyo toban qabri oo mid kamid ah goor habeen ah lagu aaso si aysan dadka u ogaanin halka lagu aasay. Sidii ayuuna Abii Muusal Ashcari sameeyay oo lagu aasay Daanyeel CS.

Daanyeel waxuu ahaa Nebi kamid ahaa Nebiyadii reer banii Israaiil. Waxuuna Rabbi ka baryey inay aasto ummadda umadaha ugu kheyr badan waa ummadda Nebi Muxammede SCW. Taariikhdiisa oo kaamil ah waxaa laga akhrisan karaa kutubbada Qisooyinka Nebiyada, sida kitaabka Ibnu Kathiir ee qisooyinkii Nebiyada.

Magaalladii Jundisaabuurna waala furtay waxaana furtay Zir bin C/llaahi bin Kuleyb, dhulkaasi oo idilna waxuu hoos yimid Islaamka iyo ehelkiisa. Iyadoo Yazdajridna uu kujiro carar iyo fiig oo magaalooyinka dhulka Furus uu midbo mid kaga sii gudbayo illaa uu aakhirkii tegay magaallada Asbahaan oo uu salka dhigtay.

Qaar kamid ah ashraaftii dadkiisa oo lasocday ayaa kasoo laabteen kadib markii ay arkeen in la furtay Tustar, waxaana ay dhamaayeen 3000 oo uu madax u ahaa nin la oran jiray Siyaah. Ragani waxay ku jireen fiig iyo carar iyagoo la socday boqorkoodii Yazdajrid jeer markii dambe Muslimiintii ay furteen magaalooyinka Isdhakhar iyo Tustar. Markaas buu Islaamku galay qalbiga Siyaah oo uu asxaabtiisa u ishaaray inaysan jirin cid hor istaagi karto nimankan Muslimiinta ah, waxa ay kusocdaanna uu yahay wax xaq ah oo aanan baadil ahayn. Markaasay raggiisii oo idil ku ayideen fikirkiisa. Dabeeta waxaa loo diray Camaar bin Yaasir si uu xagga Alle ugu yeero kadib markay Muslimiintu maqleen arrinkooda, dhammaantooduna way Islaameen. Kadib Abii Muusal Ashcari ayay warqad u direen, taasoo ay Islaamnimadooda kula socodsiinayaan, markaasuu Abuu Muusana warqad u qoray Cumar isagoo u sheegayo Islaamnimadooda. Kadib waxuu Cumar soo amray in loo qoro min 2000 oo Dirham. Lix iyaga kamid ahina waxuu uqoray 2500 Dirham in la siiyo.

Waxaa sanadkan dadka xajiyey amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Khaddaab Allaha ka raalli noqdee, madaxdii goballaduna waxay ahaayeen sidii sanadkii hore marka laga reebo Basra oo Abii Muusal Ashcari uu sanadkan Masuul ka ahaa kadib markii laga casilay Muqiirah bin Shucbah.

SANADKII 18AAD

Waxaa jira aqwaal aad u faro badan oo ay culimadu qaarkood ka yiraahdeen dhacdooyinka sanadkan.

Qaarkood waxay xuseen dhacdooyin aan kusoo xusnay sanadkii hore inay dhaceen sanadkan, qaar kalena dhacdooyin inoogu iman doono sanadka 19aad ee hijiriga ayay sheegeen inay iyaguna dhaceen sanadkan. Aqwaashaasi oo idil waxaan doorbidnay sida rajaxsan inaynu ka qaadanno hadduu Alle idmo. Sidaa darteed baanan markaa usoo qaadan doonin dhacdooyin ama dagaallo ka dhacay dhulalka Furus iyo Shaam sanadkan, maadaama aan badi soo sheegnay inay dhaceen sanadkii 17aad ee kan ka horeeyay sidoo kalena aan sheegi doonno sanadka 19aad ee kan ka dambeeyo inagoo tixraaceyno aqwaasha rajaxsan hadduu Alle idmo.

Waa sidaase waxaa sanadkan dhulka Xijaas ka dhacay abaartii loo yaqiinnay. .

Abaartii Rammaadah

Waxay ahayd abaar aad iyo aad u saameysay carrigii Xijaas, waxayna ka jirtay muddo 9 bilood ah oo ay samadii noqotay qiiq madoow oo laga waayey wax roob ah. Sababta magacan Rammaadah loogu magac daray ayaa ah sidaa darteeda yacni in samadii ay madoobaato oo ay noqoto sida qiiq oo kale.

Qabaailkii deganaa hareeraha magaallada Madiina dhammaantood waxay soo wada galeen magaallada oo ay naf kasoo dooneen, markaasuu Cumarna u qeybiyey wixii hanti ahaa ee beytul maalka yaallay illaa uu beytul maalkii dhammaaday. Naf ahaantiisu Cumar wuxuu iska xarrimay inuu cuno wax dufan leh jeer uu Alle ka qaado Muslimiinta abaartaas. Horey waxuu cuni jiray kibis iyo saliid, hase ahaatee markii la gaaray abaartan Rammaadah waxuu goaansaday inuusanba cunin wax dufan leh, waxuuna cuni jiray oo quud u ahayd kibis angagan iyo milix isagoon weliba ka dhargi jirin. Waxuuna gaaray heer midibkiisii uu madoobaaday oo jirkiisii baddelmay illaa looga yaabay itaal darri.

Heerkii ay abaartu gaadhay darteed waxuushtii baa soo muhatay dadkii magaallada deganaa. Waxaa dhacaday iyadoo abaartan lagu jiro in nin uu qashay neef ari ah oo u joogay, hase ahaatee waxaa fajaciso kunoqotay markii uu neefkii ka waayeey wax dhiig iyo dhecaan toona ah. Waxuuna arkay neefkii oo lafo gaduudan oo kaliya ah.

Habeen habeennada kamid ah iyadoo lagu jiro abaartan Rammaada buu Cumar ku wareegay magaalladii Madiina sidii horeyba caadada ugu ahayd si uu u ogaado raciyadiisa iyo xaaladda ay kusuganyahiin. Waxuu arki waayey qof qosalaya iyo dad kusheekeysanayo guryahooda sidii caadada u ahaan jirtay. Ma uusanna arag qof qof kale wax suaalayo, ama labo isla hadleysa. Markaasuu dadka wax ka weydiiyey arrintaasi. Waxaana lagu yiri: Ammiirkii Muminiintoow! Suaashu way waydiiyeen, markaasay dadka waxba helin, say iska daayeen suaasha, dadkuna waxay kusuganyahiin hammi iyo ciriiri oo ma awoodi karayaan inay sheekeystaan oo ay qoslaan.

Intaa kadib Bilaal bin Al Xaarith Al Muzani baa Cumar u yimid oo ka idin dalbaday dabeetana waxuu usheegay inuu yahay ergaygii Rasuulka Alle SCW, waxuuna ku yiri: Rasuulku SCW waxuu ku leeyahay: Waxaan kugula ballamay kiis, maadanna gaarin arrintaas ee maxaa ku helay?

Waxuu yiri Cumar: Oo goormaad aragtay Rasuulku SCW?

Waxuu yiri: Xalay riyo ahaan

Markaa buu Cumar dadkii u khudbeeyay oo arrintii usheegay. Kadibna waxuu warqad u qoray Abii Muusa Al Ashcari oo Basra masuul ka ahaa isagoo ku amraya in ummadda Nebi Muxammed SCW la badbaadiyo. Sidoo kale sidaasi si lamid ah ayuu Camr bin Al Caasna warqad u qoray. Markaasay labaduba soo direen raashiin aad u tiro badan.

Hantidii iyo safarkii uu Camr bin Al Caas soo diray waxay kasoo gudubtay badda oo ay kasoo degtay Jiddah, dabeetana waxay ugudubtay Makka oo misna Madiina ay uga sii gudubtay. Tanna waa aathaar sixadeedu iyo senedkeedub aad usuganyahay.

Culimadi badankoodi waxay qabaan in Masar la furtay sanadkii 20aad ee Hijriyada. Caamu Ramaadana waxay dhacday baala yiraahdaa 18kii hijiriyada. Marka sidee la isku waafajinayaa Caamu Ramaadah oo dhacday sanadkii 18aad iyo Masar oo la furtay sanadkii 20aad ee Hijriyada inuu Camr bin Al Caas kasoo diro raashin iyo awr?

Abuu Macshar, Waaqidiyu iyo Ibnu Isxaaq waxay xuseen in Masar la furtay 20kii Hijriyada. Seyf bin Cumarna waxuu yiri: Masar iyo Alaskandariya waxaa la furtay sanadkii 16aad ee Hijriyada bishii Rabiicul Awal. Sidaasi waxaa rajaxay Abul Xasan ibnu Athiir oo ku xusay kitaabka Al Kaamil. Waxuuna ku rajaxay qisadan oo uu usoo qaatay. Wallaahu aclam. Gadaal ayaanse ka xusi doonnaa furashii Masar hadduu Alle idmo.

Kadib waxaa magaalladii Madiina yimid Abuu Cubeydah bin Jarraax oo sida 4000 oo rakuub oo raashiin ah, markaasuu Cumar amray in la dajiyo oo loo qeybiyo qabaailka dego Madiina iyo hareeraheeda. Kadib buu Cumar amray in Abuu Cubeydah beytul maalka laga siiyo 4000 oo Dirham, hase ahaatee wuu diiday inuu qaato, dabeetana Cumar ayaa ku qasbay jeer uu markii dambe aqblay.

Intaa kadib Cumar waxuu kaxeeyay dadkii oo dhan oo uu roob doonay isagoo kutawasulayo Nebiga SCW adeerkiis Cabbaas. Kadibna samadii baa roobeysay oo raxmad Alle baa soo degtay abaartii Rammaadana sidaa ayaa looga baxay kadib markii lagu jiray muddo sagaal bilood ah. Falillaahil xamdu wal manna.

Daacuunkii Camwaas

Daacuunkani lamagac baxay Camwaas waa daacuun ka dhacay dhulka Shaam oo ay kugeeriyoodeen khalqi aad u tiro badan oo lagu sheegay 25 000 oo qofood. Waxaa daacuunkan loogu magac daray qaryo yar oo la oran jiray Camwaas oo ku tiillay dhulka Shaam oo u dhaxayso Qudus iyo Ramallah, waana halkii ugu horeysay ee uu ka dallaaco.

Sida uu Seyf bin Cumar kasoo weriyey Shuyuukhdiisa: Daacuunkan Camwaas waxuu dhacay labo jeer oo uu u dhacay si aanan weligeed horey loo arag, wuuna raagay oo uu laayey khalqi aad u tiro badan. Markaasay cadawgii soo damaaciyeen inay Muslimiinta kusoo duulaan, quluubtii Muslimiintuna taasi waxay kureebtay cabsi aad u daran.

Sanadkii 17aad dhammadkiisa ayuu daacuunkani ka qarxay Shaam, hase ahaatee isla sanadkas dhammadkiisiiba wuu dhammaaday sida ay qaar kamid ah Muarrikhiinta siirada xusaan. Sidaa darteed buu Cumar gabagabadii daacuunkan u aaday Shaam isagoo ay la socdaan rag karmeedyadii saxaabada Nebiga SCW, si uu ugu qeybiyo dhaxalka dadkii ay ehelladooda ka dhinteen, oo madaxduna uu ulasoo kulmo oo ciidamada Muslimiintuna quluubta ugu soo dhiso cadawguna rucbi iyo ar gagax ugu dhaco..

Markii uu gaaray Shaam buu la kulmay qaar kamid ah madaxdii ciidamada Muslimiinta oo ay kamid ahaayeen Abuu Cubeydah iyo Yaziid iyo rag kale oo badan. Qaar kamid ah saxaabadii akhyaarta ahayd baa Cumar kula talisay inuusan dhulka daacuunka ka dallaacay ee Shaam uusan gelinin saxaabadii Nebiga SCW. Markaa buu Cumar amray in la laabto.

Markiina uu damcay Cumar inuu laabto ayuu Abuu Cubeydah ku yiri Cumar: Oo ma waxaad ka carareysaa qadarta Alle?

Waxuu yiri: Haah!, waxaan ka cararayaa qadarta Alle oo aan u cararayaa qadarta Alle. Bal ka warran haddii aad xoolahaadu keentid tog dhinacna ka angagan dhinacna leh naq iyo daaq wanaagsan, haddii aad dhanka daaqa wanaagsan daajiso waxaad ku daajiday qadarta Alle, haddii aad dhanka angagan daajisana waxaad ku daajiday qadarta Alle C/raxmaan bin Cowf oo meesha markaa howlo gaar ah kaga maqnaa ayaa yimid oo markii uu maqlay arrintaasi yiri: Arrintaasi agteyda waxaa ka yaal cilmi, waxaan maqlay Rasuulka Alle SCW oo leh: Haddii aad maqashaan dhul uu ka dhacay daacuunka ha gelina. Haddii uu ka dhaco dhul aad kusugantahiina ha ka bixina adinkoo ka cararaya. Markaa buu Cumar aad ugu farxay iswaafaqidda rayigiisii iyo hadalkii Rasuulka SCW.

Misna mar kale ayuu daacuunku isagoo aan si saani ah u dhamaanin sanadkan dhexdiisa si daran u dillaacay, waana markii ay ku geeriyoodeen Abuu Cubeydah bin Al Jarraax iyo rag kale oo badan oo kamid ah saadaaddii Muslimiinta.

Markii xanuunkani uu darnaaday oo arrintaasi ay gaartay Cumar bin Khaddab, buu warqad u qoray Abuu Cubeydah bin Al Jarraax isagoo doonayo inuu ka soo saaro meesha, waayo Abuu Cubeydah martabad aad u sarreyso ayuu Islaamka u joogay, waxuuna Cumar yiri: Nabadi ha ahaato dushaada, intaa dabadeed arrin baa igala soo kaa gudboonaatay oo danbaan kaa leeyahay. Waxaana doonayaa inaad iga shaafido oo aan kaala hadlo ee haddii ay warqaddeydan kuu timaaddo ha ka dhigin gacantaada jeer aad xaggeyga usoo boqaasho.

Markii ay Abuu Cubaydah warqaddaasi u tegtay waxuu gartay ulajeedada Cumar iyo inuu doonayo inuu ka dhex saaro xanuunka. Markaasuu yiri: Allaha u dembi dhaafo amiirka Muminiinta. Kadibna warqad ayuu u qoray isagoo ku oranayo: Amiirkii Muminiintoow! waan gartay danta aad iga leedahay, waxaana ku dhex jiraa ciidamadii Muslimiinta oo aanan ka tegi karin, mana doonayo inaan ka tego jeer uu Alle aniga iyo iyaguba arrinkiisa nagu xukmiyo ee iga daa goaankaada amiirkii Muminiintoow! oo ii daa ciidankeyga inaan dhex joogo. Markii ay warqaddii Abuu Cubeydah gaartay Cumar oo uu akhristay buu ooyey, markaasay dadkii ku yiraahdeen:- Amiirkii Muminiintoow! ma Abuu Cubeydah baa geeriyooday?

Waxuu ku yiri:- Mayee waxaad mooddaa inuu u dhawaaday.

Kadib warqad ayuu u qorey isagoo ku oranayo:- Nabadi ha ahaato dushaada. Intaa kadib, dadkii waxaad dejisay dhul aanan wanaagsaneen,ee u raadi dhul wanaagsan oo dhaama kaas.

Waxuu yiri Abuu Muusal Ashcari: Markii warqaddu u timid Abuu Cubeydah buu iiyeeray oo uu igu yiri:- Abuu Muusoow! waa tan warqaddii amiirka Muminiinta oo ii timid sida aad u jeeddo, ee orodoo u sahmi dadka dhul ay degaan si aan kuula raro. Markaasaan laabtay oo aan gurigeygii aaday, saa waxaan u tegay xaaskeygii oo geeriyootay. Markaasaan xaggiisii ku laabtay oo aan ku iri: Illaah ban ku dhaartaye reerkeygii bay arrini lasoo gudboonaatay.

Waxuu yiri: Waxay udhowdahay inay xaaskaadii geeriyootay?

Markaasaan ku dhahay: Haah!.

Markaasuu dalbaday in awrkiisa loo diyaariyo. Markii uu lugta dul saaray si uu u fuulo baa isagiina la asiibay. Markaasuu yiri: Illaah baan ku dhaartaye waala i asiibay.

Waxaa la yiraahdaa:- Markii uu xanuunkii ku darraaday buu Abuu Cubeydah dadkii ka dhex kacay oo u khudbeeyay waxuuna yiri: Dadoow! xanuunka kan waa raxmadda Rabbigiina iyo ducadii Nebigiina SCW iyo geeridii dadkii suubanaa ee idinka horreeyay, Abuu Cubeydana wuxuu weydiisanayaa Allaah in uu Abuu Cubeydah kasiiyo saamigiisa. Markaasuu xanuunkii duray oo uu dhintay Allaha u naxariistoe.

Masuuliyaddii Shaam wuxuu ku dhaafay Mucaad bin Jabal. Markaasuu Mucaadna dadkii ka dhex kacay oo uu ugu khudbeeyey sidii Abuu Cubeydah oo kale waxuuna yiri: Mucaadna waxuu Allaah weydiisanayaa inuu reer Mucaad ka siiyo saamigooda. Markaasaa la asiibay wiilkiisa C/raxmaan. Misna mar kale buu khudbeeyay oo uu yiri: Mucaadna waxuu Allaah weeydiisanayaa inuu saamigiisa kasiiyo. Markaasaa isagiina la asiibay oo uu geeriyooday. Masuuliyaddii Shaamna wuxuu Mucaad kusii dhaafay Camr bin Al Caas bin Waail.

Daacuunkani waxaa ku geeriyooday khalqi aad u tiro badan oo saadaaddii saxaabada kamid ah. Waxaa ku geeriyooday qaar kamid ah madaxdii goballada Shaam, sida Abuu Cubeydah oo ahaa amiirkii guud ee Shaam, Yaziid bin Abii Sufyaan oo Dimishiq masuul ka ahaa, Mucaad bin Jabal oo isaguna kamid ahaa madaxdii Shaam iyo Fadal bin Cabbaas iyo qaar kale.

Fa innaa lillaah wa innaa illeyhi raajicuun.

Markii ay Abuu Cubeydah iyo Yaziid geeriyoodeen buu Cumar booskii Yaziid masuul uga dhigay walaalkiis Mucaawiyah bin Abii Sufyaan oo isagu madax ka ahaa illaa waa dambe.

Sanadkan dhexdiisa buu sida uu Al Waaqidi xusay Cumar u dhiibay qaaddinnimadii Kuufa Shureyx Al Qaadi, Basrana waxuu u dhiibay Kacab bin Suur. Waxaana sanadkani dadka xajiyey Cumar bin Al Khaddaab, masuuliyiintiisii goballaduna waxay ahaayeen sidii sanadkii hore, marka laga reebo Dimashiq.






Ra'yi lama dhiiban



Name:
Email:
Code: 4ikl
Text:
 

  • Home
  • Duruus
  • Quraan
  • Video
  • S&J
  • Muxaadao
  • Contacts



  • sisawc ka baro diintaada © 2012 privacy policy terms of use