Previous  




-

سبحان الله والحمد لله ولا اله الا الله والله اكبر
 

Cumar Bin Alkhaddaab rc Q4aad

Nahar-Sheer Bahuraasiir

Mucjamul Bildanka waxaa kusugan magaca ah Buhuraasiir sidaa si lamid ahna Taariikh Ad Dabaqaat waxaa ku qoran Bahurasiir, qaar kalena waxay yiraahdaan sida kusugan Al Bidaaya wan Nihaaya: Nahar-Sheer.

Magaalladan Bahurasiir ama Nahar-Sheer waxay ahayd mid kamid ah magaallooyinkii la isku oran Jiray Al Madaain.

Sababta dhacdadani waxay ahayd Sacad baa wuxuu diray Zuhrah bin Xawiyah hortiisa isagoo u diray dhanka Bahuraasiir ama Nahar-sheer. Markaa bay ku kulmeen Shayrizaad goobta Saabaadh, halkaasoo uu kula heshiiyay inay bixiyaan Jizyo. Kadib buu Zuhrah u diray dhanka Sacad heshiiskii iyo jisyadii uu ka guntay Shayrizaad. Markaa buu Sacad ciidamadiisii soo dhaqaajiyey illaa uu soo gaaray meel la yiraahdo Mudlem Saabaadh, halkaasina waxaa kusugnaa jamac Faarisiin ah, waxaayna dariiqa Muslimiinta dhigeen libaax weyn oo uu lahaa boqorkii Kisraa, waxaana libaaxaasi la oran jiray Muqarridh. Markaa buu Sacad dhankii libaaxa u diray wiilkii walaalkiis, Haashim bin Cutbah ibnu Abii Waqaas oo dilay libaaxii dadkii oo eegayo, maalintaa baana seyftiisii loogu magac daray Seyful Matiin, markaa buuna Sacad dhunkaday madaxa Haashim, Haashimna waxuu dhunkaday lugaha Sacad.

Kadib Haashim baa weerar ku qaaday Faarisiintii illaa uu durkiyey isagoo akhrinayo qowlka Alle Sarreeye: Oo maweydaan ahayn kuwii horey ku dhaartay inayan idiin sugnaan wax tegid ah. Suuradda Ibraahiim aayadda 44aad.

Markii habeenkii la gaaray bay Muslimiintii rarteen oo ay dul degeen Bahuraasiir Nahar-Sheer, markastooy guuto kamid ah ciidamada Muslimiinta gaaraan halkaas way takbiirsanayeen, illaa markii dambe uu yimid ciidankii weynaa ee Sacad, halkii bayna dul degeen oo ay godoomin ku qabteen.

Sanadkan waxaa dadka xajiyey Cumar bin Al Khaddaab, masuuliyiinta goballaduna waxay ahaayeen: Shaam Abaa Cubeydah, Ciraaqna Sacad bin Abii Waqaas, Dhaaif waxaa masuul uga ahaa Yaclaa bin Umayah, Baxreen iyo Yamaama-na waxaa masuul uga ahaa Cuthmaan bin Abil Caas Al Thaqafi, Cummaanna waxaa masuul uga ahaa Xudeyfah bin Muxsin. Sidaa waxaa qabo Ibnu Jariir.

SANADKII 16AAD

Bilashadii sanadkan howlahii sidii hore waa ay ka fududaadeen, Sacad-na waxuu dul degnaa Buhurasiir oo kamid ahayd magaallooyinkii laysku oran jiray Madaain, waxay magaalladani daanta galbeed ka xigtay webiga Furaat. Waqtiguu Sacad halkaa tegay waxay ahayd bishii Dil Xijjah ee sanadkii 15aad, oo sanadkan howshii way u fududaatay iyadii ayuuna dul daganaa.

Sacad intuu halkaa joogay waxuu diray fardooley wardoon ah, hase ahaatee cidi maysan soo helin aan ka ahayn inay soo qabqabteen 100 000 oo qotidii reer Furus. Markaa buuna Sacad warqad u diray amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Al Khaddaab, taasoo uu kala tashanayo siduu ka yeeli lahaa. Markaa buu Cumar soo amray in haddaysan la dagaallamin uu iska sii daayo, oo uu u bandhigo marka hore inay islaamka qaataan. Sacad Islaamkii buu ubandhigay oo xagga Alle buu ugu yeeray, wayse ka diideen waxayna doorteen inay bixiyaan jizyo, kadibna wuu iska sii daayey.

Majirin beeraley kunooleed dhul kamid ah wixii galbeedka ka jiray webiga Dajlah ee xigay dhulka Carabta illaa waxay hoos imanayeen dowladdii Islaamka iyo inay bixiayan jizyo. Magaalladii Bahurasiir waxay diidday Sacad diidis tii ugu darneed inuu haweysto. Markaa buu u diray Salmaan Al Faarisi si uu xagga Alle ugu yeero, suu xagga Alle ugu yeeray, ama jizyo ama dagaal. Hase ahaatee way diideen wixii uu ugu yeeray oo aan ka ka ahayn dagaal iyo caasin. Markaa bay xireen manjaaniiq iyo dabaabaat. Markaa buuna Sacad amray ciidamadii Muslimiinta in la sameeyo manjaaniiq, waxaana la sameeyay 20 manjaaniiq oo lagu dul xiray magaalladii Bahurasiir, godoomintiina way ku adkeeyeen. Reer Buhurasiir Nahar-Sheer waxay ahaayeen kuwa mararka qaar soo baxa oo dagaallamo, waxayna ku dhaaranayeen inaysan carareynin abad, hase ahaatee Alle baa beeniyey dhaartoodii kadib markii uu jebiyey Zuhrah bin Xawiyah oo uu ka laayey tiro aad u badan oo Faarisiin ah, markaa bay hortiisii carareen oo magaalladii galeen.

Muslimiintii godoomintii ayay ku qabteen oo weliba kusii adkeeyeen, heer dadkii baladka qaajo daran qabatay oo ay bahallada cuneen. Nin iyagii kamid ah baa Muslimiinta uyimid oo ku yiri:- Boqorku waxuu idin leeyahay Ma dooneysaan inaad inalagu heshiisaan inaan yeelanno waxiiwebiga Dajlah xagga buurtayada ka xigo, oo aad idinna yeelataan waxii webiga Dajla xagga buurtiina ka xigo? Oo ma ku dheregteen, Alle calooshiinnu ma dherjiyee? Markaa baa waxaa dadkii kasoo dhex booday nin la oran jiray Abaa Muqarrin ama Abuu Mufarriz Al Aswad bin Qudhbah oo Alle baa ka hadashiiyey isagoon ogeyn waxuu ku hadaaqay. Ninkii Faarisiga ahaa wuu laabtay, markaa bay Muslimiintii arkeen Faarisiintii oo ka guureyso magaalladii Bahurasiir una guureyso Madaaintii weyneed. Markaa bay dadkii Abuu Mufarriz ku yiraahdeen:- Oo maxaad ku tiri waa iyaga guuraye? Markaasuu ku yiri:- Kan Muxammed SCW xaqa kusoo diray baan ku dhaartaye garan maayo waxii aan ku iri, kaliya waxaan ogahay inay sakiinad igu soo degtay, waxaana rajeyn inuu noqdo waxii aan ku hadaaqay waxa ugu wanaagsan. Dadkii baa waxay gudo galeen inay arrintaa wax ka weydiiyaan, waxaana kamid ahaa dadkii suaalayey Sacad bin Abii Waqaas oo isagu halkuu degnaa ugu tegay markaasuu ku yiri: Maxaad ku tiri? Illaah baan ku dhaartaye waa iyaga cararay.

Markaa buu Abaa Mufarriz ugu dhaartay inuusan garaneynin waxii uu yiri.

Sacad bin Abii Waqaas dadkii buu ka dhex dhawaaqay isagoo ku amrayo in manjaaniiqa lagu gano magaallada. Dabeeto nin baa ka dhex qayliyey kamid ah dadkii baladka oo dalbanayo magangalyo, markaa bay magan geliyeen. Waxuu ninkii yiri: Illaah baan ku dhaartaye cidi kuma sugno baladkan.

Muslimiintii markii ay soo galeen waxay yimideen magaalladiii oo cidlo ah oo aysan qofna kula kulmin, idil waxay u carareen Madaaintii weyneed.

Waqtigaas waxuu ahaa bishii Safar ee sanadkan. Muslimiintii markii ay soo galeen magaalladii Bahurasiir waxay doon dooneen qasrigii caddaa ee Madaain. Waa qasrigii boqorka ee uu horey u xusay Rasuulka SCW inay furan doonaan umaddiisa.

Markaasi waxay ahayd goor waa bari ah, waxaana u hor arkay Diraar bin Khaddaab markaasuu yiri: Allaahu akbar Qasrigii caddaa ee Kisraa, waxa kani waa waxii ay inoo yabooheen Allaah iyo Rasuulkiisa SCW. Markaa bay Muslimiintii dhankiisii wada eegeen, dabeetana ay takbiir kuwada qaabilleen illaa uu ooggu ka baryay.

Furashadii Madaain

Markii uu Sacad furtay Bahurasiir oo uu dajiyey, sifadii uu markaa ku galayna waxay ahayd iyadoo cidlo ah waxbana uusan ka helin, bal ee gedigood Faarisiintii waxay u wareegeen Madaaintii weyneed iyagoo webiga Dajlah ku gooshay doonyo, wixii hanti ahaana rarteen. Sacad bin Abii Waqaas ma uusan haysan wax doonyo ah oo uu ciidamadiisa ku raro si uu uga daba tego cadawga. Webigii Dajla wuu kacay oo mowjadaha hirka waxay ahaayeen kuwa aad u waaweyn. Markaa baa waxaa soo gaaray Sacad war ah in boqorkii Kisraa ee Yazdajrid uu doonayo inuu ka guuro magaallada Madaain oo uu u wareego Xulwaan, isagoo waxii hanti uu lahaa oo idilba aruursaday, haddiisanna uu Sacad ka gaarin muddo saddex casho gudahooda ah inuu ka tegi doono oo uusan gaariyenin bay usoo tabiyeen wardoonnada. Markaa bay arrini Sacad ku caddaatay, dabeetana ciidamadii buu ka dhex kacay oo Alle mahadiyey oo amaanay kadib buu u khudbeeyay isagoo usheegay in cadawgu uu ka maciinsaday baddan Webiga Dajlah oo kacay, waxuuna Sacad isoo webiga dul taagan usheegay ciidamadiisii inay isagu ka goantahay inuu galo webiga oo uu dhex goosha illaa uu dhanke kale tego oo uu markaana cadawga la kulmo. Ciidamadii oo idil waa ay ku raaceen inay iyaguna la galaan biyaha, waxayna yiraahdeen: Alle baa innaga iyo adigaba inoo gooyay falka kiisa toosan.

Sacad waxuu ciidamadii ka soo dhex saaray kudhawaad 600 si ay iyagu marka hore u galaan oo ay utamkiiniyaan dhanka kalee webiga, waxuuna madax uga dhigay Caasim bin Camr.

Caasim baa ciidamadii lixda boqol ahaa ka kaxaystay 60 fardooleydii geesiyaasha ee farakutiriska kamid ahayd si ay marka hore iyagu u galaan. Markaa bay 60-kii fardooleyda ahayd wada galeen biyahii, waxayna ukala qeybsameen labo qeybood, qeyb kuwii fardaha labka sitay iyo qeybta kaloo ahayd kuwii fardaha dheddiga sitay. Faarisiintii markii ay arkeen iyagoo dul socda biyaha bay yiraahdeen: Diiwana! Diiwaana! oo ay ula jeedaan Majaaniin! Majaaniin! oo lamacno ah waa kuwo waalan.

Waxay yiraahdeen: Ma la dagaallameysaan dad bal ee waxaad la dagaallameysaan jinni. Kadib waxay Faarisiintii soo direen fardooley iyaga kamid ah si ay Muslimiinta ugu diidaan inay biyaha kasoo baxaan, markaa buuna Caasim asxaabtiisii amray inay ay gammuunka iyo waramada lasoo baxaan oo ay indhaha ka tuuraan. Markiina ay usoo dhawaadeen birrigii bay waramada kaga shaqeeyeen oo ay fardahoodii indhaha ka tuureen, kadibna Faarisiintii dib bay ulaabteen iyagoo awoodi kari waayey inay Muslimiintu hor istaagaan ilaa ay markii dambe ka baxeen biyahii. Markaa buu Caasim raacdeystay illaa uu ka eryay dhankii kale.

Intii kalee ka hartay asxaabtii Caasim ee lixda boqol ayaa iyana soo galeen, waxayna utageen asxaabtoodii kale ee dhanka kale joogtay oo ay lajirkooda la dagaal galeen illamaa ay dhankaas ka eryeen Faarisiintii oo ay tamkiiniyeen.

Guutada hore ee ciidamadaas waxaa lagu magacaabi jiray Katiibatu Al Ahwaal, waxaana madax u ahaa Caasim bin Camr sidaynu soo xusnayba. Guutada labaadna waxaa la oran jiray Katiibatu Al Kharsaa waxaana madax u ahaa Al qacqaac bin Camr. Sidaa ayada ah guud ahaan ciidamadii kale ee Sacad waxay daawanayeen sida ay fardooleyda Muslimiinta ugalayaan majuusta Faarisiinta, Sacadna waxuu taagnaa webiga jinkiisa.

Ciidamadii kale ee haray ayaa iyaguna dhammaantood soo galeen, waxayna markaa ahayd markii ay arkeen in fardooleydii Muslimiinta ay haggaajiyeen dhankii kale oo ay Faarisiintii ka eryeen. Waxuu Sacad amray markii ciidamadu Muslimiinta ay galayeen biyaha inay yiraahdaan: Nastaciinu Billaah, wanatawakalu caleyhi, Xasbunallaah wanicmal wakiil, walaa xowla walaa quwati illaa Billaahil Caliyul caziim. Kadib faraskiisii buu la galay, Muslimiintii oo idilna way lasoo galeen oo cidi kamaysan harin. Markaa bay biyahii ku dul socdeen sida ay dhulka ugu socdaan oo kale, waxayna buuxiyeen labadii dhinac ee webiga. Biyaha ayay ku dul sheekeysanayeen sida ay dhulka ugu sheekeystaan oo kale, mana jirin wax biyo ah oo soo gaarayey alaabtooda iyo heeryada fardaha toona. Taasi waxay timid kadib markii ay dejisay xasilooni oo kalsooni dhammeys ah ay qaateen iyagoo ku rajo weynaa yabooha iyo gargaarka Alle, tiiyoo uu ciidamadaasi amiir u ahaa Sacad bin Abii Waqaas oo kamid ahaa 10kii jannada loogu bishaareeyay uuna Rasuulka SCW geeriyooday isagoo ka raalli ah oo weliba u duceeyay isagoo leh: Alloow!! ajiib ducadiisa oo ganiddiisuna sug.

Ulajeeddadu waxay tahay Sacad wuxuu ahaa amiirkii ciidamadaasi Muslimiinta ee maalintaa iyada ah, uuna ciidamada u duceeyey isagoo Rabbiga Sarreeye ka baryey guul iyo badbaado. Gamuun buu Sacad ku ganay hirkii biyaha, markaa buuna Alle u adkeeyay oo ku nabad yeelay, mana jirin cid Muslimiinta kaga hafatay biyaha ama ay wax kusoo gaareen, marka laga reebo nin isago faraskiisa ka sibiqaday durbana waxaa qabtay Al qacqaac bin Camr oo kamid ahaa geesiyaashii Muslimiinta. Markaa buu ku toosiyey reeryadii faraska illaa uu si saani ah ugu fadhiisiyey. Ninkaa isaga ah waxaa la oran jiray Qurqadah Al Baaruqiyu. Waxuu yiri: Haweeni way ka caajistay inay dhasho Al qacqaac bin Camr oo kale.

Sidoo kale majirin hanti kaga fakatay Muslimiinta biyahaas, marka laga reebo weel ka sameysnaa geed oo uu lahaa nin la oran jiray Maalik bin Caamir, isagiina Alle ayaa usoo celiyey kadib markii uu ka baryay inuu usoo celiyo weelkiisii. Mowjadahii hirka baa soo celiyey oo keenay dhankii ciidamadu Muslimiintu ay marayeen, markaa bay inta soo qabteen u dhiibeen ninkii lahaa. Maalintaa iyada ah waxay ahayd maalin weyn oo mucjiso weyn ay dhacday, waxayna ahayd mucjiso kamid ah mucjisooyinkii uu Rabbi SW usoo dejiyey addoomadiiisa. Tanoo kale ayaanan horey uga dhicin dhulka Furus iyo dhulalkii kaleba, marka laga reebo qadiyaddii Al-Calaa bin Xadramiy ee ka dhacday dhulka Baxreyn, hase ahaatee tan ayaa ahayd mid ka weyn kana mucjiso ballaaran, waayo ciidamadani way ka badnaayeen ciidamadii Al Calaa oo wayba ku dhowr jibbaarmayeen.

Wuxuu Sacad maalintaa yiri: Kan nagu filan waa Allaah, isaga ayaana unicmo badan wax la talo saarto. Illaah baan ku dhaartaye wuu u gargaari doonaa Alle weligiisa, wuuna dahirin doonaa diintiisa oo wuuna jibin doonaa cadowgiisa, hadduusan ciidanku kujirin mid baqyi ah ama aysan jirin dunuub ka adkaan karto xasaanaadka.

Salmaan Al Faarisi oo Sacad la socday ayaa isaguna waxuu yiri: Islaamku waa jadiid, oo Illaah baan ku dhaartaye Alle baa u jeexay badda siduuba ugu jeexay berriga yacni dariiq buu uga sameeyay. Kan Allaaha ay nafta Salmaan gacantiisa awooddiisa kujirto baan ku dhaartaye waxay Muslimiintu uga bixi doonaan biyaha koox koox siday markii horeba kusoo galeen koox koox.

Markii ay Muslimiintii ka baxeen biyahii bay galeen magaalladii Madaain oo ay horey Faarisiintii uga baxeen, cidina kulmaysan kulmin Muslimiintu magaallada, oo boqor Yazdajridna wixii uu hantidiisa ka qaadan karayey iyo ehelkiisii ayuu ka qaatay oo uu aaday dhanka Jolowlaa. Wuxuu Yazdajrid ka tegay hanti badan oo tabar uu ku qaado u waayey, sabab la xiriirta isagoo naftiisa la cararayey darteed, waxaana la sheegaa keydkii Kisra inay maalintaa kujirtay 1000 000 000 000 Diinaar, intay awoodi kareen ayayna ka qaateen intii kalena waa ay ka tegeen, waxaana lagu qayaasaa hantiday ka tegeen nus kamid ah keydkii Kisraa oo aan runtii lasoo koobi karin tira badnida uu qabay.

Markii ugu horeeysay waxaa galay magaallada guutadii la oran jiray Katiibatu Al-Ahwaal, kadibna waxaa galay guutadii labaad ee iyana la oran jiray Katiibatu Al-Kharsaa.

Sacad bin Abii Waqaas iyo ciidamadiisii ayaa misna soo galeen magaalladii, waxuuna arkhinayey Sacad markuu soo galayey qowlka Alle Sarreeye: Oo immisay ka tageen beero iyo dur durro, iyo tallaalo iyo meelo sharaf leh, iyo nicmooyin ay ku raaxeysan jireen? Xaalku waa sidaas, oo waxaanu dhaxalsiinnay qowm kale oo Muslimiin ah. Suuratu Dukhaan aayadaha 25aad illaa 28aad.

Waxuuna Sacad tukaday markuu soo galay 8 rakcadood oo ah salaadda furasha. Seyf bin Cumar siduu xusay waxuu leeyahay: Sacad waxuu tukaday siddeeda rakcadood isagoo mar qura salaamo noqdsaday. Kadib waxuu ciidamadii Muslimiinta tujiyey salaaddii jumcaha ee ugu horeysay, taasoo ahayd tii ugu horeysay ee dhulka Ciraaq lagu tukado, sababtuna waxay ahayd inuu Sacad niyooday inuu kusii naqaado Madaain.

Kadib wuxuu diray Sacad sirriyaad uu ku diray raadkii kuwii jabay iyo Yazdajrid. Waxay sirriyadaasi is heleen koox Faarisiin ah oo ay diriri dhex martay, dabeetana ay jebiyeen kana soo furteen hanti badan oo kamid ah wixii ay Madaain kala carareen oo u badnaa dhar, gaar ahaan lebbiskii boqor Yazdajrid, taajkiisii iyo xulliyad badan oo la isku qurxiyo. Sacad bin Abii Waqaas waxuu amray in la isku soo aruuriyo hantidii laga soo furtay kuwii jabay iyo tii weliba laga qaniimeystay Madaain.

Markuu Sacad furtay magaalladii Madaain oo uu degay qasrigii caddaa ayuu arkay sanamyo dhowr ah oo midi uu gacanta ku ishaarayo meel, halkii buu markaa Sacad amray in la qodo. Dabeeto waala qoday waxaana laga soo saaray hanti aad u tiro badan oo ah keydkii boqorradii hora ee Kisraa. Muslimiintii waxay halkaa ka qaniimeysteen hanti aysan cidi horey ugu arag dunida wax ka cajiibsan, waxaana kamid ahaa hantidaas taajkii weynaa ee Kisraa, kaasoo ka sameysnaa jowharad indhuhu soo jiidanayso. Waxaa kaloo kamid ahaa seyftii boqorka iyo hanti kaloo badan oo u badneyd dahab, lulu, fiddo iyo jowhar faro badan. Waxaa kalooy ka heleen maab fidsan oo aad weyn oo ka sameysnaa dahab iyo jowharad, waxaana ku sawirnaa dhammaan goballada dhulka Furus iyo weliba inta dhul hoos timaaddo boqortooyada Faaris. Boqorka ayaa ka eegan jiray dhulalka uu utaliyo, iyo webiyadiisa iyo dhulbeereedka dhulka hoos yimaado isaga.

Taajku wuxuu ahaa mid weyn, oo markuu boqorku ku fadhiisto kursiga boqortooyada ayaa kor looga keenayey taajka oo ay ku xiranyahiin silsilado waaweyn oo ka sameysan dahab, kuwaasoo kor u celinayo, waayo taajka ayaa waxuu ahaa mid culus oo uusan boqorku awoodin inuu madaxa ku haayo, sidaa darteed isaga madax ayunbuu la galayey oo silsiladaha dahabka ah ayaa kor uga haaynayey. Markuu fadhiisto oo xijaabka laga qaado bay madaxdiisa iyo dadkiisa sujuud ula dhici jireen. Kadib markuu isku soo aruuriyey Sacad xoolahii Aqbaadhka qaniimadii inta aan la qeybinin buu u madax uga dhigay Camr bin Camr bin Muqarrin, hantidii ugu horeeysay ee uu isku soo aruuriyana waxay ahayd tii uu ka helay qasrigii caddaa.

Runtii waxay ahayd hanti aanan lasoo koobi karin tiro badni awgeed iyo kala nooc nooc ay qabtay darteed, wuxuuna intaa dabadeed Sacad u xil saaray qaybinta qaniimada Salmaan Al Faarisi kadib markuu ka saaray khumuskii, markaa buu qofkii faras watay helay 12 000. Ciidankoo idilna waxay ahaayeen fardooleey.

maabkii qariidada iyo dharkii Yazdajrid wuxuu Sacad kudaray khumuskii qaniimada, waxuuna udiray dhankii Cumar iyo Muslimiintii Madiina si ay u eegaan oo ay ula yaabaan. Wuxuuna u dhiibay Bashiir bin Khasaasiyah. Bishaaradii guushana waxuu u dhiibay Xuleys bin Filaan Al Asadi. Markii uu Cumar arkay hantidaas waxuu: Qowmka keenay hantidan waa aaminiin. Markaa buu Cali yiri: Adiga ayaa dhowrsanaatay, markaa bayna raciyadaadii dhowrsanaatay, saa haddii aad daaqi lahayd iyana way daaqi lahaayeen. Dabadeed Cumar hantidii buu dadkii u qeybiyey Calina waxuu saami u helay gobal kamid ah maabkii qariidada, markaasuu ku iibiyey 20 000.

Cumar bin Khaddaab markii loo keenay waxyaabahii uu Kisraa isku qurxin jiray ee xulliyaadka ahaa ayuu jinjimahii Kisraa ee dahabka ahaa u dhiibay Suraaqa bin Maalik bin Jucshum. Suraaqa horey buu Rasuulka SCW ugu ballan qaaday inuu heli doono jinjimaha Kisraa. Markiina uu Cumar u gelinayey Suraaqa jinjimaha ayuu ku yiri: Dheh Allaahu akbar. Markaasuu yiri: Allaahu akbar. Waxuu yiri Cumar: Dheh mahad waxaa iska leh Allahii kasoo qaaday Kisraa bin Hurmuz ee u geliyey Suraaqa bin Maalik acraabigii reer banii Mudlaj. Markaa buu Suraaqana sidaa yiri, markaasuu Cumarna yiri kadib markuu arkay jinjamahii oo kujiro gacantii Suraaqa: Mahad waxaa iska leh Allahii kasoo qaaday Kisraa oo u geliyey Suraaqa bin Maalik acraabigii reer banii Mudlaj.

Kadib Cumar waxuu yiri: Alloow! adiga ayaa u diidday hantidan Rasuulkaadii iyo Nebigaadii SCW, waxuuna ahaa mid aad iga jeceshahay oo agtaadana iiga sharaf badan. waxaadna u diidday Abuu Bakar oo ahaa mid aad iga jeceshay, agtaaduna iiga sharaf badan. Markaa baad aniga isiisay, waxaan kaa magan galayaa inay noqoto siismo aad igu dhagreyso. Kadibna si aad buu u ooyey. Kadib C/Raxmaan bin Cowf ayaa u tilmaamay inuu qeybiyo, sidii buuna Cumar sameeyey oo sidii hantidii iyo qaniimadii Qaadisiya oo kale ayuu u qeybiyey.

Cumar bin Khaddaab markii loo keenay waxyaabahii uu Kisraa isku qurxin jiray ee xulliyaadka ahaa ayuu jinjimahii Kisraa ee dahabka ahaa u dhiibay Suraaqa bin Maalik bin Jucshum. Suraaqa horey buu Rasuulka SCW ugu ballan qaaday inuu heli doono jinjimaha Kisraa ee dahabka ahi. Markiina uu Cumar u gelinayey Suraaqa jinjimaha ayuu ku yiri: Dheh Allaahu akbar.

Markaasuu yiri: Allaahu akbar.

Waxuu yiri Cumar: Dheh mahad waxaa iska leh Allahii kasoo qaaday Kisraa bin Hurmuz ee u geliyey Suraaqa bin Maalik acraabigii reer banii Mudlaj. Markaa buu Suraaqana sidaa yiri, markaasuu Cumarna yiri kadib markuu arkay jinjamahii oo kujiro gacantii Suraaqa: Mahad waxaa iska leh Allahii kasoo qaaday Kisraa oo u geliyey Suraaqa bin Maalik acraabigii reer banii Mudlaj.

Kadib Cumar waxuu yiri: Allow! adiga ayaa u diiday hantidan Rasuulkaadii iyo nebigaadii SCW, waxuuna ahaa mid aad iga jeceshahay oo agtaadana iiga sharaf badan. waxaadna u diidday Abuu Bakar oo ahaa mid aad iga jeceshay, agtaaduna iiga sharaf badan. Markaa baad aniga isiisay, waxaan kaa magan galayaa inay noqoto siismo aad igu dhagreyso. Kadibna si aad buu u ooyey. Kadiba C/Raxmaan bin Cowf ayaa u tilmaamay inuu qeybiyo, sidii buuna Cumar sameeyey oo sidii hantidii Qaadisiya oo kale ayuu u qeybiyey.

Dhacdadii Jalowlaa

Markuu ka dhaqaaqay Kisraa Yazdajrid bin Shahryaar magaalladii Madaain isagoo u cararayo Jalowlaa buu dhexda sii dhigay ciidamo cawaantii reer Furus ah oo tiro badan, waxuuna madax uga dhigay amiir la oran jiray Mihraan isagiina Kisraa waxuu usii gudbay Xulwaan. Ciidamadii uu u diyaariyey inay isaga iyo Muslimiinta kala dhex galaanna waxuu uga tegay Jalowlaa, iyadoo ay ka qoteen god aad u weyn hareeraheeda, halkaasoo ay la yimideen cudud iyo cadad iyo qalab tiro badan.

Markaa buu Sacad warqad u diray amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Khaddaab isagoo kula socod siinayo xaaladdu siday tahay.

Cumar ibnu Al-Khaddaab waxuu soo qoray in uu Sacad dego magaallada Madaain oo uu xurun ka dhigto, iyo in uu madax uga dhigo wiilkii walaalkiis ee Haashim bin Cutbah ciidamo uu kudirayo raadkii Kisraa Yazdajrid, iyo in ciidanka hore ee ciidamadaas madax looga dhigo Al qacqaac bin Camr, midigtana masuul looga Sacad bin Maalik, iyo in dhanka bidixdana loo dhiibo walaalkiis Cumar bin Maalik, halka uu soo amray in ciidamada dambena madax looga dhigo Camr bin Murrah Al Juhani. Sacad bin Abuu Waqaas sidii uu amiirkii Muminiinta soo amray ayuu sameeyay waxuuna diray wiilkii walaalkiis Haashim Cutbah bin Abii Waqaas iyo ciidamo culus oo uu hoggaaminayo oo kudhaw 12 000, waxaana kujiray ciidankaas saadaaddii Muslimiinta iyo horwadeennaddii Muhaajiriin iyo Ansaar iyo madaxdii Carabta. Markaasina waxay ahayd bishii Safar ee sanaddan dhexdeeda goor laga faaruqay howshii Madaain. Ciidamadii Muslimiinta waa ay dhaqaaqeen oo way socdeen jeer ay dul degeen majuustii oo god ka qodatay Jalowlaa, markaa buuna Haashim godoomin ku qabtay, waxaana dhacaysay inay dhowr jeer soo baxeen Majuusta oo ay dagaallameen dagaallo aan horey looga baran lana maqal. Boqorkii Kisraa ee Yazdajrid waxuu gudo galay inuu gurmad iska soo dabo diro, sidaa si lamid ahna Sacad bin Abii Waqaas wiilkii walaalkiis buu isaguna gurmad usoo dirayey marba marka ka dambeyso. Waxaa kululaaday dagaalkii iyadoo gurmadkuna uu labada dhinac iska soo daba dhacayo, oo intaa ka gadaal waxaa huray dabkii dagaalka, markaas buu Haashim bin Cutbah ciidanka ka dhex kacay oo u khudbeyay oo dadka ku booriyay dagaalka, oo uu Alle-na tala saartay. Faarisiintii waxay isku dhaarsadeen oo ay kuballameen iyagoo kudhaaranayo dabka inaysan dib dambe cararin jeer ay Muslimiinta tiiriyaan.

Maalintii dambe ee ugu darneyn, waa maalintii loo yaqaannay Yowmul Furqaan ama sidoo kale loo yaqannay Yowmul Fasli, waxay isku waafaqen inaysan cararin majuusta , waana maaalintii ugu darreyd dagaalka. Waxaana muslimiintii lagu gaaray salaaddi duhurka oo ay tukadeen. Dabeeto buu Al qacqaac dadkii ka dhex kacay oo guubaabiyey kheyr iyo guulona uu ugu bishaareyay.

Intaas kadib buu intuu Al qacqaac kaxaystay koox kamid ah halyeeyadii Muslimiinta oo geesiyaal ah ayuu habeenkii markii la gaaray ku dhuuntay mugdiga oo uu abbaaray dhankii ciidanka Faarisiinta oo uu dabadeedna uu socday ilaa uu ka gaaray albaabkii khandaqa godka . Lama dareemin oo lama ogaan Al Qacqaac illaa uu isagu ku qeyliyey Muslimiintiiyeey waa kan amiirkiinni oo taagan albaabkooda. Markaas bay Faarisiintii isku dhex yaaceen, Muslimiintiina waxay usoo dhaqaaqeen dhankii Al Qacqaac. Markaas bay Faarisiintiina kala firxadeen intooda ordi kareysay oo Muslimiintiina jiha waliba ka dooxateeyeen, oo dhufeys walbana u galeen. Halkaasna waxaa looga dilay 100 kun oo meydkoodii baa meel waliba daadsanaa.

Markaas bay muslimiintii qaniimeysteen maal badan , hub, dahab, iyo fida, maalkaas oo kudhaw maalkii iyo qaniimadii laga helay Madaain.

Markii ay Majuustii jabeen buu Haashim bin Cutbah firxadkoodii kadaba diray Al qacqaac bin Camr. Markaasuu Al qac qaac bursaday firxadka kuwii jabay oo uu sii laaynayey, waxuuna dilay Mihraan. Feyruzaanna waxuu daaimay inuu jabka kuwii cararay uu dhexda ka galo. Waxuu Al qac qaac ka furtay dumar iyo carruur iyo hanti tiro badan, iyo daabbadooyin aad u badan, dhammaanna waxuu u diray Haashim bin Cutbah. Haashimna waxuu u sii diray Sacad, markaasuu intuu khumuskii ka bixiyey u wada qeybiyey ciidankii Muslimiinta oo idil.

Qaniimada Jalowlaa waxay ahayd 30 000 000 sida uu xusay Shicbi, khumuskii kaliya ayaa waxuu noqday 6 000 000. Qof kastoo faras watay maalinta ciidamada Muslimiinta waxuu helay saami lamid ah intii uu ka helay Madaain oo lamid ah 12 000 iyo 9 daabadood. Waxaa loo xilsaaray qeybinta qaniimadaas Salmaan Al Faarisi. Kadib khumuskii qaniimada iyo daabadahii baa loo dhiibay Ziyaad bin Abii Sufyaan iyo Qudaaci bin Camr iyo Abuu Maqrin Al Aswad si ay magaalladii Madiina u geeyaan. Markii Cumar loo geeyay dhammaan hantidii qaniimada iyo daabadihii buu weydiiyey sida dagaalladaasi ay u dhaceen, markaasuu Ziyaad bin Abii Sufyaan si cad ugu sheegay dhacdooyinkii iyo siday udhaceenba. Cumar markuu maqlay faseexada Ziyaad buu ka codsaday inuu mimbarka ka khudbeeyo oo uu ka sheego dhacdooyinkii iyo siday u dhaceen isagoo ay dadku wada maqlayaan. Markaa buu Ziyaad mimbarka fuulay oo si cad u waadixiyey siday dhacdadu u dhacday iyo inta Muslimiinta kaga shahiidday iyo intay gaallada ka dileen iyo inta hanti ee ay qaniimeysteen.

Dhacdadii Xulwaan

Markii uu Haashim bin Cutbah ka faaruqay Jolowlaa buu ku degay amarkii amiirka Muminiinta ee Cumar bin Khaddaab isagoo xarun ka dhiganayo, waxuuna Xulwaan u diray Al qac qaac bin Camr oo uu iyana kudiray amarkii amiirka muminiinta. Taasoo uu horey warqad ugu soo qoray markii uu Sacad kala hadlayey qaddiyadii Yazdajrid, waxuuna amray inuu Sacad dego Madaain, oo uu diro Jolowlaa Haashim bin Cutbah, markiina Haashim uu furtay Jolowlaa buu Cumar amray inuu dego Jolowlaa oo uu Xulwaan udiro Al qacqaac bin Camr.

Waa sidaase Al qac qaac bin Camr waxuu daba kacay firxadkii kuwii jabay isagoo layenayey waxii uu helo, waxuuna dilay oo kamid Mihraan oo ahaa amiirkii dhacdada Jolowlaa hoggaaminayey Faarisiinta. Fayruzaan isagu waxuu dhexda ka galay jabkii majuusta illaa ay ka dul dhaceen boqorkoodii Yazdajrid oo kusugnaa Xulwaan, waxayna u sheegeen waxii Jolowlaa ku qabsaday oo jab ahaa iyo inta qof ee laga dilay iyo weliba in amiirkoodii laga daba yimid oo qudha laga jaray, oo weli taa looga harine firxadkoodii la daba joogo. Markaa buu Yazdajrid kasii cararay Xulwaan oo uu u wareegay magaallada Rayi. Xulwaanna waxuu kusii dhaafay ciidan uu madax uga dhigay nin la oran jiray Khushru washanuum. Markii uu Al qac qaac gaaray magaalladii Xulwaan ayaa waxaa kusoo baxay Khushru washanuum oo ay ku kulmeen meel ka soo baxsan magaallada, halkaasoo ay ku dhex martay dirir aad u kulul oo Alle durtaba ku jebiyey cadawgii, Muslimiintiina lib iyo guul kusiiyey. Markaa buuna Al qac qaac galay magaalladii Xulwaan oo aysan jirin cidi ka hor taagan, Muslimiintiina way soo galeen oo ay qaniimeysteen, dumar iyo carruur badanna qafaasheen. Waxayna ku dhaqeen islaamka. Dadkii deganaa hareerahaas iyo goballada ka dhaw dhawna jisyo buu Al qac qaac ku waajibiyey iyo inay Islaamka hoos yimaadaan kadib markii uu u bandigay Islaamka oo ay diideen waxaanan ka ahayn inay bixiyaan jisyo.

Al qacqaac bin Camr halkaa ayuu ku sugnaa illaa uu Sacad bin Abuu Waqaas markii dambe ka wareegay magaalladii Madaain isagoo u guuray Kuufa, markaa buuna Alqac qaac dhankii Sacad aaday oo uu Kuufa degay sida inoo iman doonto hadduu Alle idmo.

Furashadaii Takriid & Muusal

Markii uu Sacad furtay Madaain baa waxaa soo gaartay in reer Muusal ay isugu tegeen Takriid oo ay madax ka dhigteen nin gaal ahaa oo la oran jiray Al Andhaaq. Markaa bayna ahayd markii uu Sacad warqadda u qorayey dhanka amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Khaddaab, warqaddaasoo ka hadleysay qaddiyadii Jolowlaa. Horey wuxuu usoo amray Cumar in Jolowlaa loo diro Haashim bin Cutbah, waxaana dhacay waxii dhacay ee aan soo xusnay oo ah dhacdooyinkii Jolowlaa iyo Xulwaan. Sidoo kale warqaddaasi waxay markaasi ka hadleysay oo ku xusnaa qaddiyadii reer Muusal. Isla warqaddii uu Cumar jawaab ahaanta ugu diray dhanka Sacad ayaa waxuu sidoo kale kaga soo hadlay qaddiyadda reer Muusal, waxuuna soo amray Sacad inuu u diyaariyo ciidan la dagaallankooda reer Muusal iyo in ciidamadaas uu madax uga dhigo C/llaahi bin Al Mactam iyo in ciidankiisa hore uu madax uga dhigo Ribciy bin Al Afkal Al Canazi. Ciidamada midigta waxuu soo amray in madax looga dhigo Al Xaarith bin Xassaan Al Duhali. Ciidamada bidixdana waxuu soo amray in madax looga dhigo Furaat bin Xayaan Al Cajali, ciidamada dambe waxuu u dhiibay Hannaay bin Qeys, kuwa fardooleyduna waxuu u xil saaray Curfajah bin Harthamah.

Markaa buu C/llaahi bin Mactam kala dhaqaaqay 5000 oo ciidan ah magaalladii Madaain isagoo kusii jeedo dhanka Takriit iyo gaalkii Al Andhaaq. Waxuu socday afar casho dabeetana waxuu dul degay Takriit. Al Andhaaq waxuu isu soo aruuriyey jamac Ruumaan ah iyo Carabtii Nasaareyda ee halkaas daganayd oo ay kamid ahaayeen banii Taqlab, Iyaad iyo Nimar, iyagoo hareeraha magaallada ka qotay god weyn oo dhufeys ah. Markii uu C/llaahi bin Mactam soo gaaray buu godoomin ku qabtay, waxuuna ku haayey 40 casho oo labaatan iyo afar kamid ahi ay gaaladu usoo baxeen si ay Muslimiinta ula dagaallamaan, iyadoo mar waliba laga adkaanayey 24kaas casho oo mar waliba waalaga guuleysanayey, jamacooduna wuu jabayey oo wax aanan daciifnimo iyo itaal darri ahaynna kamaysan qaadeyn. Markaa bay Ruumaankii damceen inay doomankooda kula baxsadaan waxii hanti ay lahaayeen iyo nafahooda. Markaa buu Cabdullaahi bin Mactam u cid diray Carabtii Nasaareyda ee halkaa kusugneyd isagoo ugu yeerayo inay ka qayb qaataan difaaca iyo guusha dhulka. Markaa bay iyagiina ka yeeleen oo ay usoo cid direen. Misna mar kale buu u cid diray isagoo ku oranayo: Hadday taasi run idinka tahay, qira inuusan jirin Alle la caabbudo oo aan ka ahayn Allah, iyo inuu Muxammedna SCW yahay Rasuulkii Alle, oo kuna raalli noqda waxa uu Alle agtiisa kalayimid. Markaa bay iyana taasi usoo cid direen iyagoo wada Islaamay. Dabeeta mar kale buu u cid diray isagoo ku oranayo: Hadday taasi run idinka tahay marka aanu takbiirsanno oo aan caawo weerarka ku qaadno inoo qabto albaabada doomaha. Markaa bay C/llaahi bin Muctam iyo asxaabtiisi soo dhaqaaqeen oo ay takbiirsadeen sida takbiir nin qura uu mar takbiirsado, saa ay weerar culus qaadeen. Carabtiina dhanka kale ayay ka takbiirsadeen mar qura. Markaa bay Ruumaankii u carareen dhanka albaabadii webiga si ay doomanka ugu baxsadaan, hase ahaatee banii Iyaad, Taqlab iyo Nimar baa si daran u gummaadeen oo laayeen layn aad u daran. C/llaahi bin Muctam iyo ciidamadiisii dhanka kale ayay ka soo galeen oo ay laynayeen waxii ay arkaanba, cid ka badbaaddayna ma jirin marka laga reebo banii Iyaad, Taqlab iyo Nimar oo iyagu Muslimay. Intaa kadib Muslimiintii ayaa furteen Takriid, kadib markay jabeen cadawgii. Cumar bin Khaddaab waxuu horey warqaddiisa ugu soo amray in haddii la furto Takriid, loo diro Ribciyi bin Afkal dhanka Xasaneyn oo kamid ah Muusal. Markaasuu xaggeeda kudhaqaaqay siduu amiirkii Muminiinta soo amray, isagoo hoggaaminayo sirriyad ay la socdaan halyeeyadii ciidankii Muslimiinta ee Takriid furtay. Markiina uu dul degay Al Xasaneyn bay dadkeedii ka dalbadeen heshiis, markaasuu isaguna ku waajibiyey inay bixiyaan jizyo iyagoo dulleeysan. Intaa dabadeed waxaa la qeybiyey maalkii iyo qaniimadii laga helay Takriid kadib markii khumuskii laga saaray, waxuuna ninkii faras watay helay 3000, halka kii lugtana uu ka helay 1000.

Khumuskii qaniimada ayaa waxaa loo dhiibay Furaat bin Xayaan, bishaaradii guushana waxaa loo dhiibay Al Xaarith bin Xassaan si ay magaallada Madiina u geeyaan, imaaraddii dhulka Muusalna waxay hoostimid Ribciyi bin Afkal iyo Curfajata bin Harthama.

Furashadii Maasabadaan

Maasabadaan waxay ahayd magaallo weyn oo kamid ahayd magaallooyinkii dhulka Furus. Markii hore magaceedu waxuu ahaa ama la oran jiray Maah Sabadaan.

Markii uu Haashim bin Cutbah kasoo laabtay Jolowlaa, baa waxaa Sacad soo gaartay in Adhiin bin Hurmuzaan uu aruuriyey ciidamo Faarisiin ah si uu Muslimiinta ula dagaallamo. Markaa buu Sacad warqad u qoray Cumar bin Khaddaab isagoo arrintaas la socodsiinayo. Suu Cumar soo amray in loo diro ciidan uu madax uyahay Diraar bin Khaddaab. Markaas buu Diraar magaalladii Madaain ka dhaqaaqay isaga iyo ciidankiisii oo qeybtiisa hore uu madax uyahay Ibnu Huzayl Al Uzdi.

Ibnu Huzayl baa ka hor dhaqaaqay ciidamada guud, Saa waxay kulmeen ciidankii Adhiin bin Hurmuzaan ka hor intaysan soo gaarin ciidamadii Diraar, waxaana dhex maray dagaal culus oo durbo lagu jebiyey Adhiin iyo ciidamadiisii, isagiina lagu soo qabtay qafaal ahaan. Markaa buu Ibnu Huzayl amray in hortiisa unuunka loogu dheereeyo, saa kurka laga jaray. Kadib Diraar bin Khaddaab iyo ciidamadiisii waxay sii raacdeysteen firxadka kuwii jabay illaa ay magaalladii Maasabadaan oo ahayd magaalo wayn ay galeen oo ay xoog ku furteen, dadkeediina buuraha iyo keymaha ayay ku kala rooreen. Markaa buu Diraar u yeeray oo ay soo laabteen, suu jizyo kuwaajibiyey kuwoodii aanan Islaamin, isagiina halkii buu masuul ka noqday oo uu kusii sugnaa jeer uu Sacad ka wareegay magaallada Madaain oo uu uguuray Kuufa sida inoo iman doonto idanka Alle.

Furashadii Qirqiisiyah iyo Hayt

Markii uu iyana Haashim bin Cutbah kasoo faaruqay Jolowlaa, baa waxay dadkii Jaziiradda u gurmadeen reer Ximsa si ay ula dagaallamaan Abuu Cubeydah iyo Khaalid, markaasina boqorkooda Hiriqal waxuu kusugnaa magaallada Qinnasriin ama Andaakiyah.

Waa sidaase markaa bay dadkii Jaziiradda isugu tegeen magaallada Hayt. Markaa buu Sacad warqad u qoray amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Khaddaab asagoo xaalladaasi la socodsiinayo. Markaa buu Cumarna waxuu soo amray in loo diro ciidan uu madax uyahay Cumar bin Maalik bin Cutbah bin Nowfal bin C/manaaf Al Qurashi. Markaa buu Cumar bin Maalik la dhaqaaqay ciidamadiisii oo uu abbaaray dhanka Hayt, waxuuna tegay iyadoo ay cadawga dhufeys ka qoteen magaalladaasi, markaasuu godoomin ku sameeyay. Mana uusan furan ee waxuu kaxaystay qayb kamid ah ciidankiisii oo dhaqaaqay. Godoomintii Hayt-na waxuu kusii dhaafay Al Xaarith bin Yaziid, Asagiina Cumar bin Maalik waxuu aaday dhanka Qarqiisiyaa oo uu xoog ku furtay, waxayna ka dalbadeen inay bixiyaan jizyo. Markaa buu ka aqbalay. Dabeeto buu warqad u qoray masuulkiisii magaallada Hayt, isagoo ku amrayo in haddii aysan la heshiinin uu godkooda ka dul qodo god kale oo uu albaabo ugu yeelo dhankooda. Markay taasi gaartay reer Hayt bay dalbadeen heshiis iyo inay bixiyaan jizyo. Sidii ayaana lagu furtay halkaas.

Sanadkan dhexdiisa buu Cumar jideeyay in la qoro taariikhda Hijriyda oo laga billaabo hijradii Rasuulka SCW. Masuuliyiintiisii goballaduna waxay ahaayeen sidan: Shaam oo idil waxaa masuul uga ahaa Abuu Cubeydah bin Jarraax, Ciraaq oo dhammina waxaa masuul uga ahaa Sacad bin Abuu Waqaas, Dhaaifna waxaa masuul uga ahaa Cuthmaan bin Abul Caas, Yemanna waxaa masuul uga ahaa Yaclaa bin Umayah, Yamaamah iyo Baxreynna Al Calaa bin Xadramiyu, Cumaanna waxaa masuul uga ahaa Xudeyfah bin Muxsin, Basrana waxaa masuul uga ahaa Muqiirah bin Shucbah, Muusalna waxaa masuul uga ahaa Ribciyi bin Afkal, halka Jaziiradduna uu masuul uga ahaa Cayaad bin Qanam.

Sanadkan waxaa dadka xajiyey Cumar bin Khaddaab magaalladii Madiinana waxuu kusii dhaafay Zayd bin Thaabit.






Ra'yi lama dhiiban



Name:
Email:
Code: esl5
Text:
 

  • Home
  • Duruus
  • Quraan
  • Video
  • S&J
  • Muxaadao
  • Contacts



  • sisawc ka baro diintaada © 2012 privacy policy terms of use