Previous  




-

سبحان الله والحمد لله ولا اله الا الله والله اكبر
 

Cumar Bin Alkhaddaab rc Q2aad

Nolashiisii Madiina

Cumar bin Al Khaddaab markii la yimid Madiina, waxuu laasimay la joogidda iyo ka ag dhawaanshaha Rasuulka SCW. Waxuu kala qeyb qaatay duullaamadii uu qaaday oo idil, Bader, Uxud, Khandaq, iwm. Waxuu sidoo kale hoggaamiyey qaar kamid ah wardoonno ama sirriyaad. Maalinti Bader waxuu dilay abtigiis Al Caas bin Hishaam. Maalintii Uxud waxuu kamid ahaa raggii ugu horeeyay ee durbo soo laabtay kadib markay Muslimiintii jabeen, waxuuna kamid ahaa raggii difaacayey Rasuulka SCW. Waxaynu xasuusannaa inuu ahaa Cumar ninkii ujawaabayey maalintaa Uxud Abuu Sufyaan, markii uu lahaa: Muxammed ma idinku jiraa?, Looma jawaabin, Ina Abii Quxaafah yacnii Abuu Bakar ma idinku jiraa? Cumar ibnu Khaddaab ma idinku jiraa? Markii loo jawaabi waayey ayuu yiri: Waala idinka kaafiyey kuwas. Xaqiiqdii Abuu Sufyaan waxuu ogaa inay saddexduba Rasuulka SCW , Abuu Bakar iyo Cumar ay ahaayeen horwadeennadii Islaamka, waxuuna yaqiinsanaa inay taasi hadday dhacdo oo saddexdooduba la dili lahaa ay jab weyn ku noqon lahayd Islaamka iyo Muslimiintuba. Haddaba markaas ayuu Rasuulka SCW amray inuu Cumar ujawaab celiyo, markaasuu ujawaab celiyey oo usheegay inay saddexdooduba nool yahiin.

Cumar ibnul Khaddaab mar waliba waxuu taagnaa dhinaca Rasuulka SCW, oo dhammaan dhaqdhaqaayadii oo idil waa uu ka qayb qaatay. Markii uu Rasuulka SCW geeriyooday Cumar waa uu ku qanciyey waayey taas, miirkiisii ayaana tegay, oo waxuu yiri: Ruuxii yiraahdo Rasuulka SCW wuu dhintay unuunka ayaan udheereyn. Waxuu ku andacoonayey Cumar inuusan Rasuulka SCW dhiban, bal ee uu iman doono oo gacmo badan oo munaafiqiintana uu goyn doona.

Cumar waxuu raad weyn ku lahaa doorashadii Abuu Bakar, waxuuna aaminsanaa inaysan jirin cid ka hor mari karto Abuu Bakar Sidiiq. Markii uu Abuu Bakar Ansaarta la hadlayey si khilaafada ay u qabato cid Qureeshta ka dhalatay, waata uu yiri: Labadan nin midkii aad ka raalli tahiin doorto yacnii Cumar iyo Abaa Cubeyda bin Al jarraax. Cumar waxuu oran jiray: In dembi laaan kurka la iga jaro ayaan ka jeclaa inaan madax u noqda dad uu Abuu Bakar kujiro. Sidaa darteed marka ma uusan jeclaan in uu qabto khilaafada ka hor Abii Bakar Siddiiq. Waxuu Cumar ahaa qofkii ugu horeeyay ee gacanta Abuu Bakar qaada oo la baayactamo, markaasay dadkii meesha joogayna la mubaayacoodeen.

Cumar Ibnul Khaddaab waxuu la shaqeynayey khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Sidiiq, isagoo markaana garab buuxo u ahaa oo howlaha la kala waday. Ka ag dhawaanshahii Cumar uu ka ag dhawaa Abuu Bakar iyo sidii uu welibo howlaha ula waday, waxay gaartay heer Dhalxa bin Cubeydillaah uu u tegay Abuu Bakar oo uu ku yiri: Abuu Bakaroow! ma adigaa madax noo ah ama Cumar? Runtii Cumar waxuu ahaa nin karmeed aad iyo aad loo qadariyo, oo misna goaan adag leh, waxuuna ahaa mid aan ka ag faaruqi jirin muddadii adkeyd ee xaaladdu qaraarka ahayd.

Dooorashadii Cumar & Dhul Furashooyinkiisii

Markii uu geeriyooday Abuu Bakar, khilaafadii waxuu uga tegay Cumar oo lala mubaayacooday maalintii labaad ee geerida Abuu Bakar, 22 Jamaadul Aakhir 13 Hijriyada oo ku beegneyd Augosta 632 miilaadiga, kadib markuu Abuu Bakar kala tashaday saxaabadii Rasuulka SCW oo dhammaantoodi ay isku raaceen in uu Cumar uga tego khilaafa Dhalxa mooyaan oo isagu ka sheeganayey ad adkaantii Cumar. Haddaba markii uu Cumar khilaafada qabtay oo lala mubaayacooday waxuu halkii kasii waday howshii uu Abuu Bakar ka tegay. Aynu ka billawna sanadkuu xilka khilaafada qabtay.

SANADKII 13AAD

Sanadkan runtii wuxuu ahaa sanadkii ugu horeeyay ee uu Cumar khilaafada qabtay, waxaana usoo qaadan doonnaa khilaafadiisii sanad sanad, innagoo tixraaceyna nidaamka iyo dhacdooyinkii dhacay waqtigiisa oo isugu jiro dhul furashooyin iyo dhacdooyin kale oo lama huraan ah in iyaguna la sheego. Dhulalka Ciraaq iyo Shaam waxaa ka socday dagaallo waqtigii Cumar, waxaana soo qaadan doonnaa sanad waliba dagaalladii ka socoday labada dhinac innagoo marba qaadaa dhigi doonna dhinac kamid ah labada dhinac, intuu Rabbi inoo sahlo.

Imminkuna waxaan soo qaadan doonnaa

Howshii ugu Horreysay ee Cumar

Tani waxay ahayd howshii ugu horreysay ee uu Cumar ku dhaqaaqo, markii uu khilaafada qabtay kadib.

Waxaanu horey u ogeyn ama aan soo xusnay in Muthana bin Xaaritha uu yimid Madiina isagoo gurmad ka dalbanayey Abuu Bakar, Siddiiq markaasina waxay ahayd goor uu Abuu Bakar hayey xanuunkii uu dunida kaga faaruqay. Markii uu Abuu Bakar arkay Muthana oo dul taagan ayuu Cumar ku yiri: Markaan dhinto yaadan galabeysan jeer aad dagaalka Ciraaq ku boorido dadka, oo Muthanna aad ciidan ku darto, haddii uu Alle idiin furo Shaamna, ciidankii Khaalid ku celi Ciraaq. Markii uu Abuu Bakar geeriyooday, ayuu Cumar warqad u diray dhanka Shaam iyo ciidamadii ka dagaallamayey Yarmuuk, warqaddaasina waxay ahayd tii caddeyneysay casiliddii Khaalid, iyo geeridii ku timid Khaliifadii Rasuulka Alle SCW ee Abuu Bakar Siddiiq, waxaana warqaddaasi siday Manjimah bin Zaniim, goor lagu jiray dagaalkii Yarmuuk ayayna gaadhay, markaasuu Khaalid Muslimiintii ka qariyey geerida ku timid, Khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar si aysan u niyad jabin ciidanku.

Kadib maalintii labaad ee laga soo wareegay geeridii Abuu Bakar buu Cumar ka dhex istaagay masjidkii oo dadkii u khudbeyay kuna booriyey dagaallada Ciraaq kasocda, hase ahaatee cidi umaysan kicin, ogaansho ay dadku ogaayeen darteed in la dagaallanka reer Furus uu yahay mid lagu hoogga oo ka daran kana kulul kan lShaam ka socoda. Misna maalintii labaad oo ah maalintii 3aad ee laga soo wareega geeridii Abuu Bakar ayuu Cumar kacay oo dadkii u khubeyay oo ku booriyey jihaadka iyo dagaallada ka socona dhulka Ciraaq, waxuuna ugu bishaareyey waxa sawaab iyo ajar uu Illaahay meeshaas oo kale dhex yeelay, hase ahaatee cidi umaysan kicin sidii maalintii hore, misna maalintii saddexaad ayuu sidii si lamid ah falay. Kadib waxaa kacay Muthana bin Xaarith Ash Sheybaani oo dadka xasuusiyey wixii guulo iyo nasri ee uu illaahay ku siiyey gacanta Khaalid markuu halkaasi Ciraaq joogay, hase ahaatee sidii si lamid ah cidi maysan kicin, mana ajiibin dhawaqa jihaadka. Kadib maalintii afraad ayuu Cumar sidii si lamid ah dadkii u khudbeeyay oo ku booriyey jihaadka, markaa baa waxaa kacay Abuu Cubeydah bin Mascuud Ath-Thaqafi, oo nin dhalin yaro ah, dabeetana dadkii baa iska daba kac kacay jeer la helay ciidan, markaasuu Cumarna masuul uga dhigay Abaa Cubeydah bin Mascuud, oo markaa aan ahayn saxaabi, raggii saxaabada baa Cumar weydiiyeen: Oo maad u magacawda ciidanka nin saxaabadii Rasuulka SCW kamid ah? Markaasuu Cumar yiri: Waxaan uun magacaawi kii ugu horeeyay ee ajiibay dhawaqa jihaadka, adinkuna waxaad tahiin kuwa ku hor maray gargaarka diinta Islaamka yacni gelideedda. Kadib Cumar waxuu u dardaarmay ciidankii guud ahaan , gaar ahaanna Abuu Cubeydah bin Mascuud cabsida Allaah iyo inuu la tashado ragga saxaabada Rasuulka SCW ee la socda isaga, gaar ahaanna waxuu amray inuu la tashado Suliidh bin Qeys Al Ansaari, waxuuna Cumar yiri: Waa nin aad arrimaha dagaalka u yaqaanno. Kadib ciidamadii Muslimiinta way dhaqaaqeen oo waxay abbaareen dhankii Ciraaq iyagoo tiradoodu ay markaasi tahay 7 000. Markaa buu Cumarna warqad u diray dhanka Shaam iyo masuulkii halkaasi ku sugnaa ee Abuu Cubeydah bin Al jarraax, taasoo uu kaga dalbanayo in ciidamadii Khaalid bin Waliid ee kasoo dagaallamay dhulka Ciraaq uu dib ugu celiyo, bacdamaa Yarmuuk lagu guuleystay. Dabeeto Abuu Cubeydah bin Al Jarraax waxuu diyaariyey ciidan culus oo uu u diro dhanka Ciraaq isagoo fulinayo amarka amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Al Khaddaab, waxuuna diyaariyey 10 000 oo ciidan ah oo uu madax uga dhigay Haashim bin Cutbah bin Abii Waqaas Az Zuhri. Cumar ibnu Al Khaddaabna waxuu soo diray ciidan kaloo gurmad ah oo u badan reer Bujeylah oo uu hoggaaminayo Jariir bin Cabdillaahi Al Bujali.

Ciidamadii Abuu Cubeydah bin Mascuud markay gaareen dhulka Ciraaq, waxay la kulmeen iyadoo Faarisiintii ay xaaladi ka dhex aloolsantahay oo ay ku xad gudbeen boqorkoodii ayna dileen, waxayna ka fursan waayeen inay madax ka dhigtaan gabar la oran jiray Buuraan bint Kisraa Barwiiz/ Abarwiiz, kadib markay dileen mid iyada ka horreysay oo la oran jiray Aazarmiidakhat bint Abarwiiz. Buuraan waxay heshiis la gashay nin la oran jiray Rustum bin Farakhzaad si haddii uu is hor taago dagaallada iyo weerarada ay Muslimiinta dhulka Furus kusoo qaadeen uu markaa qabanayo xilka boqornimada muddo 10 sanadood ah, kadibna uu usoo celin doona reer Kisraa, arrintaasina waa uu ku qancay Rustum. Waxuu Rustum ahaa mid xiddigaha wax ka sheeg sheego oo waxuu ahaa Saaxibun Najam, isagoo hadal hayo in ay muddada 10 kaasi sano u buuxsami doonin ayay dadkiisii weydiiyeey: Maxaa haddaba kugu xambaarayo inaad sidaa fasho? Yacni waxay ula jeedaan in aad heshiis noocaas gasho adigoo aaminsan inaysanba kuu buuxsameyn oo aadanna hor istaagi karin ciidamadan Muslimiinta? Markaasuu yiri: Waa uun iga damac iyo sadano doon yacni sharaf doon.

Dhacdadii Numaariq

Markaa buu Rustum soo diray ciidan uu hoggaaminayo amiir la oran jiray Jaabaan, ciidankiisu labada dhinacna waxaa kala hoggaaminayey labo nin oo midi la oran jiray Jashnash Maah, kan kalena waxaa la oran jiray Mardaan Shaah. Waxay is heleen ciidankii Abaa Cubeydah bin Mascuud oo ay isku heleen goob la yiraahdo Numaariq oo u dhaxayso Xiirah iyo Qaadisiyah. Fardooleyda Muslimiintuna waxaa hoggaaminayey Muthanna bin Xaarith, ciidanka bidixdana waxaa hoggaaminayey Camr bin Al Heytham. Kadib waxaa halkaa ku dhex maray dagaal aad iyo aad u daran oo lagu jebiyey Faarisiintii, laguna soo qafaashay Mardaan Shaah iyo Jaabaan. Ammaa Jaabaan waxaa dilay ninkii soo qafaashay, Mardaan Shaahse isagu waxuu qayaamay ninkii soo qafaashay markaasuu iska sii daayey, haddana mar kale waxaa soo qabtay ciidankii Muslimiinta, waxayna ula yimideen amiirkii ciidanka ee Abuu Cubeydah bin Mascuud waxayna ku yiraahdeen: Waa amiirkii ciidanka Furuse ee dil. Isagiina Abuu Cubeydah waxuu yiri: Haddii uuba amiirkii ciidanka yahay anigaa dilaya. Unuunka ayuuna u dheereeyay. Waxaa kaloo la sheegaa in uu nin Muslimiinta kamid ah magan geliyey. Dabeeta Abuu Cubeydah waxuu daba kacay raadka kuwii jabay oo uu wax badan ka laayey, maal badanna ka ritay, siduu u eryanayey ayayna ka dul dhaceen magaallada Kaskar oo uu madax ka ahaa wiil uu dhalay boqorkii hore ee Kisraa abtigiis, kaasoo la oran jiray Narsii. Kadib Narsii waxuu soo saaray reer Furus isagoo ku boorinayo la dagaallanka ciidanka Abuu Cubeydah bin Mascuud, waxaana dhex maray dagaal uu Alle ku jebiyey cadawgii Muslimiinta ee reer Furus, waxayna halkaas Muslimiintii ka qaniimeysteen qaniimo tiro badan, falillaahil Xamdu.

Khumuskii qaniimada iyo hantidii halkaa laga helay ayuu Abuu Cubeydah u diray dhankii amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Al Khaddaab.

Kadib waxay isku heleen ciidamadii Muslimiinta iyo kuwii Narsii meel u dhaxayso Kaskar iyo Safaadhiyah, iyadoo ciidamada midigta iyo bidixda ee Narsii ay kala hoggaaminayaan labo nin oo uu dhalay abtigiis oo la kala oran jiray Bandaweyhi bin Nadhaam ama bin Nasdhaam iyo walaalkiis Beyraweyhi bin Nadhaam. Rustumna wuxuu diyaariyey ciidan kale oo uu madax uga dhigay nin la oran jiray Jaalinuus, si uu dhanka Narsii ugu soo diro gurmad ahaan. Haddaba markii uu Abuu Cubeydah arrintaa ka war helay ayuu ku deg degay inuu weerar culus ku qaado Narsii ka hor intuusan soo gaarin ciidanka Jaalinuus. Markaasuu weeraray, waxaana dhex maray dagaal culus oo lagu jebiyey ciidankii Narsi, kadibna Abuu Cubeydah iyo Jaalinuus baa waxay isku heleen goob la yiraahdo Baaruusimaa, waxaana ku dhex maray dagaal durtaba lagu jebiyey Jaalinuus iyo ciidamadiisii oo uu weliba la socday Narsii, markaasay orad ku galeen magaalladoodii Madaain.

Kadib Abaa Cubeydah bin Mascuud wuxuu diray Muthanna bin Xaarith iyo sirriyaad wardoonno kale oo uu dhan waliba u diray. Xoog iyo heshiis ayayna ku kala furteen hareerahooda. Kadib khumuskii qaniimada ayuu Abuu Cubeydah u diray dhankii Madiina iyo amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Al Khaddaab.

Kadibna waxaa isla dhulka Furus ka dhacay..

Dhacdadii Jasar

Markii uu Jaalinuus ka dul dhacay boqortooyadoodii ayay Faarisiintii is dhaarsadeen oo ay soo direen ciidan culus oo uu hoggaaminayo Bahmas Jaadaweyhi, waxuuna Rustum usoo dhiibay calanka lagu magacaabo Darfash Kabyaan. Misna waxaa kaloo uu u dhiibay raayad yacni calan kale oo uu lahaa boqorkii hore ee Kisraa kana sameysneed maro xariir ah oo lagu qurxiyey yaaquut iyo murjaan, waxayna ahayd siddeed dhudhun dhererka iyo ballac. Waxay markaa kadib Faarisiintii udhaqaaqeen dhankii Muslimiinta iyo ciidamadii Abaa Cubeydah, waxaana labada qola kala dhex galay webiga Furaat, markaasay Faarisiintii soo cid dirsadeen iyagoo leh: Inoo soo gudba ama aanu idiin soo gudubna? Markaasay Muslimiintii amiirkoodii ku yiraahdeen: Amar ha inoosoo gudbaane. Waxuuse ugu jawaabay: Nagama jeclo geerida, innaga ayaana u gudbeyna.

Kadib way u gudbeen, waxayna isku heleen goob ciriiri ah, oo dagaal darani ku dhex maray, kaasoo horey aysan Muslimiinta isagoo kale ugu tashan una arag. Muslimiintu waxay maalintaa ahaayeen kudhawaad 10 000, gaaladuse way ka tira badnaayeen, waxayna wateen reer Furus maroodiyaan tiro badan oo ay ku argagax gelinayeen fardaha Muslimiinta. Mar alliyooy weerar qaadaan fardooleyda Muslimiinta dib bay u soo noqonayeen fardaha oo sina uma galeyn goobta dagaalka iyagoo ka argagaxaya maroodiyaasha ay maalintaa Faarisiinta lasoo dagaal tegeen. Faarisiintii waxay maalintaa Muslimiinta oodda uga qaadeen gamuun oo ay halkaas kaga laayeen tiro badan, markaasuu amiirkii ciidankaasi Muslimiinta ee Abuu Cubeydah amray in marka hore la laayo maroodiyaasha, markaasay laayeen isaga iyo halyeeyadii Muslimiinta, waxaana jirey maroodi weyn oo cad kaasoo hoggaaminayey maroodiyaasha, kii ayaana soo haray markaasuu Abuu Cubeydah dhankiisii u dhaqaaqay si uu maroodiganna u dilo, markaasuu kharduumka seyf ku dhuftay oo xanuunjiyey, markaasuu maroodigii xanuunsaday oo qayliyey, suu Abuu Cubeyda ku istaagay oo dilay, halkaas ayuuna ku shahiiday amiirkii ciidankaas Muslimiinta. Kadib waxaa hoggaankii ciidanka qabtay amiirkii uu horey Abuu Cubeydah ugu dar daarmay inuu qabto haddii isaga la dilo, kadib buu weeraray qaaday jeer isagiina la dilay, misna waxaa qaaday amiir labaad oo Abuu Cubeydah u dardaarmay, kiina waala dilay, mid kale ayaa qaaday isagiina la dil, jeer ay halkaas ku shahiideen 7 amiir oo iskaga kala dambeysay hoggaanka kuwaasoo uu Abuu Cubeydah horey usii magacaabay haddii midi la dilo inuu midka kale hoggaanka qabto. Kadib waxaa qabtay amiirkii siddeedaad ee uu Abuu Cubeydah u dardaarmay, waxuuna ahaa Muthanna bin Xaarith bin Salamata As Sheybaani.

Waxaa la sheegaa in ay Doomah haweeneydii Abuu Cubeydah bin Mascuud ay ku riyootay riyo ah in ay dhacdadu ku noqon doonta mid bar bar dhac ah, markay arrintaas Muslimiintii maqleen bay daciifeen oo itaal darreeyeen, waxayna ku rajo weynayeen markii hore guul furasho iyo inay si baan u layaan cadawga, hase ahaatee niyad jabkoodii waxuu dhalay inay in badan oo kamid ah jabaan, in kaloo badanna ay webigii ku hafteen , dar kalena uu cadawgii laayey. Waxaa la sheegaa in maalintaas ay webiga ku hafteen ku dhawaad 4000 oo Muslimiin ah. Fa innaa lillaahi Wa innaa illeyhi Raajicuun.

Waxaa la sheegaa qofkii ugu dambeeyay ee Muslimiinta maalintaa iyada ah laga dila ama ka shahiida inuu ahaa Suliidh bin Qeys bin Camr bin Cubeydullaah bin Maalik bin Cadiyi bin Caamir bin Qanam bin Najaar Al Najjaari. Waxaa abti u ahaa Ascad bin Zaraarah, hooyadiina waxaa la oran jiray Ragheybah bint Zaraarah bin Sacad bin Cubeydullaah.

Dhanka kale Muslimiintu maalintaa waxay iyaguna cadawgu ka dileen tiro badan oo waxay goobtaa dhigeen 6000. Markii uu jabka soo gaaray ciidamadii Muslimiinta bay buundadii isku cidhiidhiyeen, deetana ay jabtay, taasina waa tii dhashay inay in badan webigii ku hafteen. Kadib buu Muthanna daraf kamid ah buundadii istaagay oo cod aad u dheer ku qayliyey isagoo Muslimiintii la hadlayo, waxuuna amray inay tartiibsadaan jeer uu buundadu uga hagaajiyo, kadibana isaga iyo qaar kamid ah halyeeyadii Muslimiinta ayaa buundadii hagaajiyey oo dabeetana si fudud bay ku mareen.

Ciidamadii Muslimiinta intii sugnaatay maahe, kuwii kale waxay u qayb sameen kuwa iyagu jiha ay u socdaan garan waayey iyo kuwa toos u abbaaray dhankii Madiina iyo Amiirkii Muminiinta.

Warka dhacdadan waxaa magaallada Madiina geeyay oo ugu horeeyay Cabdullaahi bin Zeyd bin Caasim Al Maaziniyu oo isagu masjidka soo galay goor uu Cumar mimbarka fuushanyahay oo uu dadka u khudbeynayey. Waxuu yiri: Maxaa ku keenay Cabdullaahi ibnu Zeydoow!!? Waxuu yiri: Amiirkii Muminiintoow! waxaa kuu yimid war dhab ah. kadibna mimbarkii buu ugu korey oo si hoos ah warkii ugu sheegay.

Waxaa kaloo la yiraahdaa waxuu ahaa ninkii warka magaallada Madiina gaarsiiyey Cabdullaahi bin Yaziid bin Al Xuseyn Al Xadhmiyu, wallaahu Aclam.

Cumar bin Al Khaddaab ma uusan canaanan kuwii iyagu jabay ee ka dul dhacay Madiina, bal ee waxuuba ku qaabilay waji sami iyo soo dhaweyn isagoo yiri: Waa aniga kan aad xaggiisa soo ciirsateen, Majuustiina Alle arrinkoodii waa ka shuqliyey. Waxuu ula jeeday Furus oo ku xad gudubtay boqorkoodii Rustum oo misna mar kale soo celsheen oo ku lifaaqeen Al Feyruzaan, iyagiina ay u qabysameen labo qaybood. Kuwii ka jabay Jassar iyagu waxay u baxsadeen dhankii Al Madaain, markaasuu Muthanna sii raacdeystay, kadib baa waxaa usoo baxay labo amiir oo kamid ah Faarisiinta iyo ciidan ay siteen, kadibna waa lasoo qafaashay labadoodiiba iyo dad badan oo kamid kuwii ay wateen, dhammaantooduna kurka in laga ayuu Muthanna amray.

Kadib waxuu warqad u diray madaxdii Muslimiinta ee ku sugneed Ciraaq sida Bashiir bin Khassaasiyah iyo kuwa kale si ay gurmad ugu soo diraan, iyagiina way usoo direen, waxaa misna soo gaaray ciidankii uu Cumar bin Khaddaab horey ugu soo diray dhanka Abuu Cubeydah bin Mascuud oo uu hoggaaminayey Jariir bin Cabdullaahi Al Bujali oo ay la socdeen saadaaddii Muslimiinta iyo rag akhyaar ahaa.

halkaa ayuu ciidan aruursi ka waday Muthanna jeer uu markii dambe helay ciidan culus.

Seyf bin Cumar waxuu yiri: Dhacdadani waxay dhacday bishii Shacbaan, goor laga jooga dagaalkii Yarmuuk 40 casho, sanadkan dhexdiisa, yacni sanadka 13aad ee Hijriga.

Dhacdadii Buweyb

Madaxdii Furus ayaa waxay maqleen ciidan aruursiga Muthanna bin Xaarith markaasay soo direen ciidan uu hoggaaminayo amiir la oran jiray Mahraan, waxayna isku heleen labada ciidan goob la yiraahdo Buweyb una dhaw halka ay maanta tahay magaallada Kuufa, waxaana u dhaxeeyo kaliya webiga Furaat.

Kadib waxay yiraahdeen Faarisiintii: Ama inoosoo gudba ama aanu idiin soo gudubno? Muslimiintii oo dhegahoodu ay ka guuxayaan waxii ku qabsaday dhacdadii Jassar ayaa waxay ku yiraahdeen: Mayee idinku inoosoo gudbo, markaasay soo gudbeen.

Ammintu waxay ahayd bishii Ramadaan ee sanadkan, markaas buu Muthanna amray ciidamadii Muslimiinta inay affuraan si ay ugu ad adkaadaan cadawga. Waxuuna dhisay ciidankiisii oo raayad raayad u xidhay isagoo qolo waliba raayad qaas ah u dhiibay, kadibna inta uu dhex qaaday ayuu koox waliba u dar daarmay oo ku booriyey jihaadka iyo sabar iyo sugnaan iyo inay ku dadaalaan aamusnaanta. Qowmku waxaa ku jiray rag halyeeya ah oo ay kamid ahaayeen Jariir bin Cabdillaahi Al Bujali iyo saadaaddii Muslimiinta. Markaa buu Muthanna ciidankii la hadlay oo ku yiri: Anigu waxaan takbiirsan doonaa yacni oron doonaa Allahu Akbar! saddex goor ee diyaar garooba, marka afraad-na weerarka ku qaada. Muslimiintiina waxay hadalkii Muthanna ku qaabileen maqal iyo adeecid. Markii uu Muthanna takbiirsaday takbiirtii kowaad bay Faarisiintii weerar culus soo qaadeen, waxaana dhex maray dagaal aad u kulul, markiina uu arkay Muthanna safafkii Muslimiinta oo dabcaya ayuu soo diray nin cod dheer ku qaylinaya oo dadkii ku booriyey jihaadka. Markii ay muddadii dagaalku dheeraatay ayaa isaga Muthanna iyo asxaabtiisii waxay Alle ka baryeen inuu lib iyo guul ka siiyo cadawgooda oo uga gargaaro. Kadib wuxuu Muthanna kaxaystay rag kamid ah halyeeyadii Muslimiinta oo weerar darani ku qaaday dhankii Mahraan oo durkiyey ciidankii midigta ee Furus, waxaana Mahraan dilay wiil kamid ah Carabtii Nasaareyda kana dhashay banii Taqlab, oo faraskiisiina ka furtay. Sidaa waxaa xusay Seyf bin Cumar.

Ibnu Isxaaq waxuu isaguna leeyahay: Waxuu ahaa ninkii Mahraan dilay Al Mundir bin Xassaan bin Diraar Al Dhabyu, kaasoo waran la riday, kadibna Jariir bin Cabdullaahi Al Bujali baa madaxa ka gooyey, markaasay isku qabsadeen hubkiisii, waxaase markii dambe qaatay Jariir bin Cabdullaahi Al Bujali.

Majuustii waa ay jabeen, markaasay Muslimiintiina firxadkoodii raacdeysteen oo ay laayeen, Muthanna bin Xaarithana wuxuu uga hor maray buundadii si aysan u gudbin oo Muslimiintu u laayaan. Maalintaa iyada ah iyo habeenkeedii ayay Muslimiintu raacdeysanayeen fiigoodii oo waxay helaanba laynayeen. Waxaa la yiraahdaa: Dhacdadaasi wixii ay dileen Muslimiinta iyo kuwii webiga ku qarqaday isku dar waxay noqdeen 100 000 boqol kun Falillaahil Xamdu.. Halkan waxay Muslimiintii ka qaniimeysteen qaniimo aad u tiro badan oo aan la soo koobi karin, kadibna bishaaradii iyo khumuskii qaniimada ayaa waxaa loo diray dhanka amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Khaddaab.

Dhanka kale Muslimiinta waxaa looga dilay dhacdadaan tiro badan, waxayna dhacdadani ahayd mid loogu gogol xaarayo in laga takhalluso boqortooyadii Furus ee boqollaalka sano dunida ka talineysay. Muslimiintii waxay tamkiiniyeen dhul aad istaraatiiji u ah oo ah nawaaxiga labada webi ee Dajlah iyo Furaat. Dhacdadan Buweyb ee iyadu ka dhacday dhulka Ciraaq waxay u dhigmataa dhacdadii Yarmuuk ee ka dhacday dhulka Shaam.

Furus oo Boqortay Yazdajrid

Boqorkii hore ee Sheyriin ayaa reer Kisraa inta isku soo aruuriyey qol ku xiray dabeetana wada laayey raggoodii oo daayey dumarkoodii. Yazdajrid hooyadiis waxay kamid ahayd dadyowgaasi la soo qab qabtay ee iyagu la doonayey in wiilashooda iyo raggoodu la laayo, waxayna markaa wadatay wiilkeeda Yazdajrid oo markaasi kuray yar ahaa. Kadib bay si hoos ah abtiyaashii ugu yeeratay oo ka dalbatay inay wiilkeeda u qariyaan, iyagiina intay qaadeen bay deegaankooda la aadeen. Markii ay dhaceen wixii dhacay ee aanu soo tilmaannay sida dhacdooyinkii Jassar, Buweyb iyo dhacdooyinkii lamidka ahaa, la dilayna wixii la dilay ee madaxdii Furus kamidka ahaa, iyo in weliba firxadkoodii raacdo lagu hayo oo dhul badan oo istaraatiiji ahina laga qabsaday ayay arrintaasi baaseysteen reer Furus. Waxay garan waayeen halka ay cilidi ka jirto, goor ay sidaa yahiin ayay maqleen in uu Cumar soo diray Sacad bin Abii Waqaas iyo ciidama uu hoggaaminayo. Markaasay madaxdoodii shir u fadhiisteen, waxayna keeneen labadii ugu sarreysay hoggaanka Furus ee kala ahayd Rustum iyo Feyruzaan, kadibna waxay ku dul akhriyeen dar daaran iyo goodis isku dhafan, waxayna ku yiraahdeen: Haddaydaan u istaagin dagaalladani waanu idin dileynaa labadiinnuba. Kadib qeyb kamid ah madaxda ayaa waxay keenen rayi ah in dumarkii reer Kisraa meel waliba la isaga yeero oo la weydiiyo tii hayso wiil reer Kisraa ah. Mid waliboo kamid ah dumarkii reer kisraa marka la weydiiyo inay dhashay wiil, way inkireysay iyadoo u baqayso in laga dilo. Sidaasi kama aysan suulin jeer markii dambe ay keeneen Ummu Yazdajrid iyo wiilkeedii Yazdajrid, markaasay wiilkeedii Yazdajrid boqreen isagoo 21 jir ah, waana wiilkii uu dhalay boqorkii hore ee Kisraa boqor Shahrayaar, waxayna casileen Bowraan bint Kisraa, taasoo iyadu hoggaanka kula heshiisay markii hore Rustum. Reer Furus aad bay ugu farxeen boqridda Yazdajrid waxayna la hor istaageen hiil iyo hoo aan lala dhicin, waxayna madaxdii Furus warqado u dirsadeen goballadii dhulkooda si ay u maqlaan una adeecaan boqorka cusub, iyagiina raynrayn iyo riyaaqid ayay ku qaabileen. In badan oo dadkaasi kamid ah baana ballamahii ay horey Muslimiinta ula galeen ka baxay, iyagoo aaminsan inay awooddii Furus imminka soo laabatay, maadaama reer Kisraa dib loosoo celiyey. Tanina waxay noqotay mid ay ku kedsoomeen sidaynuba arki doonna hadduu Alle idmo.

Muslimiintii goobahaa kusugnayd baa dib loosoo riixay, markaasay iyagiina warqad u dirsadeen dhankii amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Khaddaab iyagoo ogeysiinayo xaaladda sida ay tahay. waqtigaasi wuxuu ahaa dhammadkii sanadkan yacnii 13-kii Hijriga Bishii Dul Qacdah, markaasoo uu Cumar soo amray inay ku sugnaadaan darfaha dhulka Furus.

Sida dhabta ahi ee ay badi culimaayi Siirah qabaan, waxay tahay inuu Cumar diray Sacad sanadkii 14aad ee hijriyada, sida aynu arki doonno Alle idinkii.

Imminkuna aanu u weecanno dhankaa iyo dhul furashadii Shaam, dhacdooyinkii sanadkan 13aad ee Hijriga.

Furashadii Dimashiq

Markii ay ciidamadii Muslimiinta furteen Yarmuuk, kadib buu Khaalid ku dul akhriyey ciidankii warqaddii ka timid Madiina iyo dhankii Cumar, taasoo caddeyneysay geeridii ku timid khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar iyo in uu khilaafadii qabtay Cumar bin Al Khaddaab iyo in weliba imaaradda Shaam masuul looga dhigay Abuu Cubeydah bin Al-Jarraax, Khaalid-na uu ku xigeyn u noqdo. Haddaba markaas bay dhaqaaqeen Abuu Cubeydah iyo Khaalid iyo ciidamadoodii oo ay Maraj Sufur aadeen iyagoo qorashahoodu ahaa in ay godoomin ku sameeyaan Dimishiq, Yarmuuk-na waxaa lagu dhaafay fardooley uu hoggaaminayo Busheyr bin Kacab, Goor ay ciidamadii Muslimiinta ku suganyahiin goobta Maraj Sufur ayaa waxaa u yimid khabar ah in uu cadawga gurmad uga yimid dhanka Ximsa iyo in koox tiro badan oo Ruumaan ahna ay iskugu tegeen Fixli oo ka mid ah dhulka Falastiin goobta Ardul Ghowr. Waxuu markaasi Abuu Cubeydah kala garan waayey tii uu ka billaabi lahaa Dimishiq ama Fixli. Markaas ayuu warqad u diray amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Khaddaab, taasoo uu kala tashanayo tii uu ku hor mari lahaa. Haddaba markaa ayaa waxaa timid jawaabtii Cumar oo uu soo amray in ay ka billaabaan Dimishiq, waayo waa xaruntii Ruumaanka iyo gurigii boqortooyadooda, waxuuna amray in uu Fixil u diro koox fardooley ah oo sii mashquuliso waxuuna yiri: Haddii uu Alle idiin furo Fixli kahor intaan Dimishiq la furan, waa sidaanu jecleyn, haddiise Dimishiq aad hor furataan, uga teg Dimishiq masuul oo adiga iyo ciidankaada ku dhaqaaqa dhanka Fixil. Haddii aad Fixil furataanna adiga iyp Khaalid aada dhanka Ximsa, Camr iyo Shuraxbiilna ku dhaaf Urdun.

Seyf bin Cumar waxuu leeyahay: Wuxuu Fixil u diray ciidan uu hoggaaminayo Camaarah bin Makhshiyi, waxuuna ka diray goobta Maraj Sufur, markaasay is heleen koox fardooley ah oo Ruumaan ah oo tiradoodu tahay 80000 siddeetan kun, dabeeto way furteen ka hor intaysan Dimishiq furan. Gadaal ayaanse ka xusi doonnaa dhacdadii Fixli iyo ciddii hoggaaminaysay sida ay Muarrakheenta qaarkood kayiraahdeen, hadduu Alle idmo.

Kadib Abuu Cubeydah waxuu diray ciidan uu madax uga dhigay Dil-Kulaac, waxuuna u diray inta u dhaxayso Dimishiq iyo Ximsa, si aysan wax gurmad ah u soo gaarin reer Dimishiq, misna waxuu diray ciidan kale oo uu u diray Falastiin iyo Dimishiq dhexdooda si ay iyana wax gurmad ah usoo gaarin reer Dimishiq. Dabadeedna waxuu ka dhaqaaqay Maraj As- Sufur isagoo kusii jeedo dhanka Dimishiq si uu godoomin adag ugu qabto, waxuuna dhisay ciidankiisii isagoo dhaxda madax uga dhigay Khaalid bin Waliid, Camar ibnul Caasna labada dhinac mid kamid ah ayuu u dhiibay. Ciidanka Farooleyda waxuu madax uga dhigay Cayaad bin Qanam Al Fihri, kuwa lugtana waxuu u dhiibay Shuraxbiil ibnu Xasana isaguna Abaa Cubeydah waxuu hoggaaminayey labada dhinac mid kamid ah. Kadib way dhaqaaqeen, oo dul degeen Dimishiq oo godoomin daran ay kuqabteen, waxaana markaa Dimishiq madax ka ahaa boqor la oran jiray Nasdhaas bin Nasdhuus. Ciidankii Khaalid waxay degeen dhanka bariga albaabka Keysaan, Abuu Cubeydana waxuu degay dhanka albaabka Jaabiyatul-Kabiir, Yaziid bin Abii Sufyaan iyo ciidan uu hoggaaminayeyna waxay degeen dhanka albaabka Jaabiyatus-Saqiir, Camr ibnu Al Caas iyo Shuraxbiil-na waxay degeen albaabadii kalee magaallada. Waxay Maalintaa ciidamada Muslimiinta xireen manjaniiq oo ay rideen dabaabaat, waxayna godoomiyeen godoomin tii u darneyd, waxaana lasheegaa inay godoomintaasi ku hayeen muddo 70 casho, waxaa kaloo la yiri muddo 4 bilood, mise 6 bilood ama waxaa kaloo la yiri 14 bilood, wallaahu aclam.

Reer Dimishiq way diideen inay soo baxaan, waxayna u gurmad dirsadeen boqorkoodii Hiriqal, si uu ugu soo gar gaaro ciidamo gurmad ah, hase ahaatee ciidamadii gurmadka ahaa ee uu soo diray ma aysan soo gaarin, oo waxay soo dhaafi waayeen kuwii uu Abuu Cubeydah dhexda dhigay ee Dil Kulaac. Markii ay reer Dimishiq yaqiinsadeen inuusan gurmad soo gaari karin, bay xaaladdu aad ugu darraatay, oo ay daciifeen, Muslimiintiina godoomintii bay sii adkeeyeen, waxana la galay waqtigii Jiilaalka oo qabow darani yimid, xaaladdiina ay Muslimiintii ku adkaatay, markaasuu Illaahay qadaray in wiil loo dhalo boqorkii magaalada, markaasuu xaflad heer sara ah sameeyay oo khamri la wada cabbay, markaasay wada daateen dadkii iyagoo wada sakraansan oo ay wada seexdeen.

Amiirka ciidamadii fadhiyey albaabka Keysaan ee Khaalid bin Al Waliid wuxuu ahaa mid aanan seexan oo aan la seexinin, waxuu ahaa halyeey habeennada dagaalka soo jeedo. Waxuu dareemay daganaashaha caawo ka muuqda dhanka cadawga iyo shanqadh la aanta xaggooda, markaasuu damcay inuu war jeefo, hase ahaatee waxaa u dhaxeeyay gidaar aad u weyn iyo god meesha ka qodnaa oo biyo ah. Khaalid waxuu soo kaxaystay qaar kamid ah sanaadiidii iyo halyeeyadii ciidanka oo ay kamid ahaayeen Al qacqaac bin Camr iyo Al Macduur bin Cadiyi iyo qeyrkooda, waxayna soo dhex jibaaxeen toggii oo ay dabaal kusoo gudbeen, markiina ay soo gaareen gidaarkii, ayaa waxay tuurteen xargo oo ay ku qabsadeen biro meesha gidaarka ku yaallay, markaasay ku koreen jeer ay dhinaca kale uga degeen. Markaasay laayeen waardiyaashii goobtaa joogay iyo wixii meesha ka dhawaa oo dad ah, dabeetana albaabkii bay fureen, markaasay ku dhawaaqeen takbiir Allaahu akbar dabeetana waxaa yimid ciidankii Khaalid ee albaabka Keysaan fadhiyey markii ay soo galeen bay laayeen, wixii ay arkaanba oo magaaladi dhan dhex qaadeen.

Dadkii magaallada markay maqleen takbiirtii Muslimiinta ayay iyagoon waxba garaneynin u kala ordeen albaabadii, koox kastoo albaabkii Keysaan xaggiisa u oradaana ma aysan sii noolaan, oo waxaa la dilay dil kii u darnaa, waxaana ka shaqeeyay ciidamadii Khaalid bin Waliid, kuwii kalena ee dadkaasi meeshaa deganaa waxay u carareen dhankii albaabadii kale, markaasay Abuu Cubeyda iyo amaraadi kale ka fureen oo ay heshiis ka dalbadeen, markaasay magaalladii heshiis kusoo galeen. Waxayna bartama magaallada ku kulmeen Khaalid oo dhankiisa xoog kusoo furtay, markaasay ku yiraahdeen: Raggu waanu la heshiinnay. Markaasuu isagiina yiri: Aniguna xoog ayaan kusoo furtay oo wax heshiis ahna ma ina dhex marin. Halkii ayuuna kur goyntii cadawga kasii waday.

Abuu Cubeydah ayaa la hadlay Khaalid oo u tilmaamay inuu dagaalka joojiyo maadama uu la heshiiyey dadka, Khaalidna waa uu maqlay oo adeecay. Madaxdii ciidamada Muslimiinta waxay ku kulmeen meel ay ku taallay kaniisad la oran jiray Al Maqsilaadh.

Magaallada Dimishiq culimadu way isku khilaafaan, ma heshiis baa lagu furtay ama xoog? Waxaysa badankoodu ku kulmiyaan in Dimishiq lagu furtay bar heshiis, barka kalena xoog, waana sida ay badi qabaan culimada taariikhda wax ka qorta. Waxaa lagu xukmiyaa in barka Khaalid bin Waliid lagu furtay xoog, barka kalee madaxdii kalena lagu furtay heshiis. Haddaba sidaa iyada ahi magaallada waxaa ku yaallay 15 kaniisadood, oo ay ugu weyneed kaniisad la oran jiray Yuuxannah, labo qaybood ayaana loo qeybiyey Kaniisaddaasi Yuuxannah oo bar kamid ah waxaa laga dhigay masjid, barka kalena kaniisadnimadeedii ayay ku baaqi noqotay. Sidii kaniisadda loo kala qaybiyey ayaana magaalladii loogu xukmay in barkeeda lagu furtay heshiis barka kalena xoog iyo seyf.

U Diriddii Khaalid ee Dhanka Al Buqaac

Kadib baa Abuu Cubeydah waxuu Al Buqaac u diray Khaalid, markaasuu seyf ku furtay. misna waxay goobta Ceynu Meysuun isku heleen ciidamo Ruumaan ah oo uu hoggaaminayo nin la oran jiray Sinaan oo waxaana dhex maray dagaal, halkaanna waxaa Muslimiinta uga shahiiday jamaaco badan, sidaa baana meeshaa mardambe loogu baxshay Caynush-Shuhadaa. Kadibana waa ay jabeen cadawgii Ruumaanka.

Waxuu Khaalid halkaa kula heshiiyey reer Baclabak..

Kadib Abuu Cubeydah waxuu magaalladii Dimashiq uga tegay Yaziid bin Abii Sufyaan, kaasoo isagu markii hore ku wajahnaa jihadeeda. Yaziid-na waxuu diray sirriyad ama wardoon uu hoggaaminayo Dixyah bin Khaliifah Al Kalbi oo uu u diray dhanka Tadammur si uu arrinkeeda dhan ugu tuuro, waxuu kaloo misna diray Abuu Zahraa Al Qusheyriyu oo uu udiray dhanka Bathaniyah iyo Xowraan, waxuuna ku furtay heshiis. Qaryooyinkii ku teedsanaa Dimishiq oo idil waxaa badi lagu furtay heshiis, gacanta Yaziid bin Abuu Sufyaan.

Khaliifah bin Khayaad wuxuu ka soo weriyey Cabdullaahi ibnu Muqiirah oo isaguna aabahiis kasoo weriyey inuu yiri: Dhulka Urdun Shuraxbiil baa xoog ku furtay marka laga reebo Dabariyah oo uu ehelkeedii kula heshiiyey.

Ibnu Isxaaq waxuu xusay in Baclabak iyo Ximsa la furtay sanadkii 14aad ee Hijriga bishii Dulqacda, laguna furtay gacanta Abuu Cubeydah bin Jarraax heshiis ahaan.

Dhacdadii Fixli

Culimo badan oo kamid ah Culamaayi Siirah waxay xuseen in Fixil la furtay ka hor Dimishiq sidaynu soo tilmaannay, waxaase qabo inay Fixil ka dambeysay Furushadii Dimishiq Al imaam Abuu jacfar Ibnu Jariir Ad Dhabari, sidaana waxaa ku raacay Seyf bin Cumar Al Tamiimi sida ku sugan siyaaqadiisa oo ay kasoo weriyeen Abii Cuthmaan Yaziid bin Useyd Al Ghasaani.

Waxay soo min guuriyeen in markii la furtay Dimishiq lagu dhaafay Yaziid bin Abii Sufyaan, ciidankii kalena ay aadeen dhanka Fixil, waxaana ciidankan Fixil u baxay hoggaaminayey Shuraxbiil bin Xasana, ciidanka hore waxaa madax looga dhigay oo hoggaaminayey Khaalid bin Waliid, kuwa midigtana waxaa hoggaaminayey Abuu Cubeydah bin Al Jarraax, dhanka bidixdana waxaa loo dhiibay Camr bin Al Caas, fardooleyduna Diraar bin Al Azwar waxaa kaloo la sheegaa inuu Diraar kushahiiday dagaalladi aynu soo xusnay midkood. Ciidamada lugta waxaa hoggaaminayey Cayaad bin Qanam Al Fihri, guud ahaan ciidankaas oo idilna waxaa madax u ahaa Shuraxbiil bin Xasanah. Way dhaqaaqeen ciidamadan, waxayna abbaareen dhanka Fixli.

Markii ay Muslimiintii gaareen goobtaasi Fixli ee Ardul Qowr ayay Ruumaankii waxay isugu tegeen Beysaan, dabeetana waxay soo deeyeen biyahii dhulkaas oo iyagii iyo Muslimiintii kala dhex galay dhulkiina ka dhigay dhul dhiiqo badan oo cagtu qaban karin waxaaba la sheegaa in sababtaasi darteed dhulkaas loogu baxshay Ardul Qowr, magacaasoo dhulkaasi markii dambe loogu yeeri jiray. Sidaynu soo xusnay guud ahaan ciidamada Muslimiinta waxaa madax u ahaa Shuraxbiil bin Xasana, gaalada Ruumaankuna waxaa hoggaaminayey Saqlaab bin Makhraaq, markaa bay Muslimiintii degeen, waxay dhowraanna waa sidii ay arrini ku dambeyn lahayd oo Rabbi ayay talo saarteen. Amiirkii ciidamadaasi Muslimiintuna waxuu ahaa mid digtooni xad dhaaf ah qabay oo xitaa hurdadiisu ay yareeyd, sidaa si lamid ahina ciidamadii Muslimiintoo dhami iyaguna xadrigoodu taam buu ahaa. Haddaba goor habeen ah bay Ruumaankii u maleeyeen inay Muslimiintu wada hurdaan, waxayna damceen inay soo dooxateeyaan oo wada laayaan, hase ahaatee waxay Muslimiintii u wada boodeen mar qura sidii boodidda uu mar kaliya boodo nin. waxaana dhex maray dagaal aad u kulul oo ilaa subaxii socday, misna subaxaas illaa uu gabalkii ka dhacay ayuu sii socday, markiina uu dhulkii madoobaaday gudcurkii habeennaad dartii bay Ruumaankii jabeen oo amiirkoodii Saqlaabna laga dilay. Muslimiintiina firxadkoodii bay sii eryadeen oo sii laynayeen jeer ay ka dul dhaceen biyahii ay markii hore iyagu soo daayeen, oo ay in badan oo kamidi ku harqadeen, darkaloo badan oo lagu qayaasay 80 000 Siddeetan kunna Muslimiintii baa laysay, Waxaa kaloo la sheegaa markii horeba inay tiradoodu ahayd 80 000, waxaana yaraa intii ka bad baadday, halkaasina waxay Muslimiintii ka heleen qaniimo fara badan iyo maal cusul.

Abaa Cubeydah iyo Khaalid iyo intii la socotay baa markaa waxay u boqaalleen dhankii Ximsa siduuba amiirkii Muminiinta horey usoo amray, waxuuna Abuu Cubeydah Urdun masuul uga dhigay Shuraxbiil ibnu Xasana oo uu la socda Camr bin Al Caas. Kadib waxay godoomin ku qabteen Beysaan jeer ay markii dambe dadkii deganaa u soo baxeen, waxaana dhex maray dagaal aad u weyn oo durtaba ay markii dambe heshiis dalbadeen, markaasuu kula heshiiyey mid lamida heshiiskii reer Dimishiq. Sidaa si lamid ahina Abul Acwar Al Sulami ayaa reer Dhabariyah kula heshiiyey.

SANADKII 14AAD

Bilashadii sanadkani howlihii sidii hore waa ay ka fududaadeen, waxaanna soo qaadan doonnaa waxyaabahihii dhacay inagoo marba qaadaa dhigi doonno dagaalladii kasocday labada dhinac Furus iyo Ruum.

Si ay markaasi inoogu fududaato inaanu fahamno qaabkii dhacdooyinka, anagoo marka mid qaadan doonno ayaa waxaan hadda ku hor mari doonnaa dagaalladii iyo dhacdooyinkii ka socday dhanka Furus oo sanadkii hore inoogu joogay BOQRIDDII YAZDAJRID.

Billowgii sanadkan ayay ahayd markii uu amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Khaddaab uu dadka ka dhex istaagay isagoo ku boorinayo jihaadka iyo dagaallada ka soconaya dhulka Ciraaq. Taasina waxay ahayd ka gadaal markii laga soo guddoomay muwaasimtii xajka ee sanadkii 13aad iyo kadib markuu maqlay wixii ciidamadii Muslimiinta kusoo gaaray dagaalkii Jassar iyo dilkii amiirkii ciidamadaas ee Abuu Cubeydah bin Mascuud Illaahay ha u naxariistee, iyo in waliba madaxdii Ciraaq badidoodii laga soo saaray goobahii ay horey u qabsadeen, in badan oo kamid ah dadkii jizyada dhiibayay ee horey Muslimiinta heshiiska ula galayna ay ballamahii ka baxeen, iyagoo ku kadsoomay boqorkii cusubaa ee ay Furus caleema saaratay, sidii isagoo usoo celin doono saldanadoodii iyo awooddoodii hore, oo uu hor istaagi karo huganka iyo guuxa Islaamka iyo ehelkiisa.

Waasidaase waxay markaasi madaxdii Muslimiinta ee dhulkaasi ku sugneeyd warqad u dirsadeen dhanka amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Khaddaab sidaynuba soo xusnay, taasoo ay ku ogeysiinayeen xaalladu sida ay tahay iyo in dhulal badan laga soo saaray, waxayna ka dalbadeen inuu gurmad culus u soo diro. Sababihii dhaliyey inuu Cumar horaantii sanadkan dadka ku booriyo jihaadka dhulka Ciraaq ayaa waxay ahaayeen kuwaas aanu soo xusnay. Markaa iyada ah buuna la dhaqaaqay ciidan culus oo uu isla isagu naf ahaantiisu hoggaaminayo. Ammintu waxay ahayd maalintii kowaad ee bishii Muxarram ee isla sanadkan, waxuu magaalladii Madiina kala dhaqaaqay ciidan culus oo uu isagu hoggaanka u hayo, magaaladii Madiinana waxuu ku dhaafay Cali bin Abii Dhaalib, waxuuna la dhaqaaqay ciidankiisii jeer uu gaaray goob la yiraahdo Suraar oo ah meel biyo leh, halkaas ayuuna dejiyey ciidamadiisii. Waxaa la socday ciidankaas halyeeyadii iyo culimadii saxaabada oo ay kamid ahaayeen Cuthmaan bin Cafaan, Sacad bin Abii Waqaas, C/Raxmaan bin Cowf iyo kuwa kale. Cumar waxuu amray in la addimo salaadda oo jamaaco lagu tukado, kadib buuna dadkii ogeysiiyey shir loo wada dhan yahay oo uu kala tashanayo inuu baxo iyo in kale, magaalladii Madiinana waa uu u cid diray si Cali loogu yeero oo uu showrada uga qayb qaato. Markii uu Cali yimid showradiina la billaabay badi saxaabadii waxay ku taliyeen in la baxo oo amiirka Muminiintuna uu ciidanka hoggaamiyo, raggii rayigaasi sida weyn ugu dhegnaa waxaa kamid ahaa Cuthmaan ibnu Cafaan iyo qaar kamid ah odayaashii saxaabada, hase ahaatee C/Raxmaan bin Cowf baa isagu taa caksigeeda la yimid, waxuuna isagu rayi ahaan qabay in amiirka Muminiinta uusan bixin oo uu booskiisa cid kale diro, waxuuna yiri: Anigu waxaan arkaa amiirkii Muminiintoow! haddii lagu jebiyo, iney jab ku tahay oo ay taasi daciifin doonta Muslimiinta dunida oo idil, haddaba dir booskaada nin kale oo adigana iskaga laabo magaallada Madiina. Cumar bin Khaddaab rayigaas buu qaatay, markaa bay dadkii lideen rayigii C/Raxmaan bin Cowf oo ku tilmaameen mid sahiifnimo ah.

Waxuu yiri Cumar isagoo ibnu Cowf la hadlayo: Oo yaay kula tahay inaan dhulka Ciraaq u dirno?

Waxuu yiri: Waad heshay?

Waxuu yiri: Oo waayo?

Waxuu yiri: Asad fii Baraathinih Sacad bin Maalik Sacad bin Abii Waqaas.

Kadib waxuu Cumar qaatay rayigii iyo fikirkii C/Raxmaan bin Cowf, ciidamadiina waxuu u dhiibay Sacad bin Abii Waqaas oo uu u dardaarmay. Waxaa kamid ahaa dardaarankiisii :

Sacad ibnu Uheyboow!! Uheyb bin Cabdimanaaf waa awoowga Sacad bin Abii Waqaas iyo adeerka Aamina bint Wahab bin Cabdimanaaf- Nebiga SCW hooyadiis yaysan ku kedin in lagu yiraahdo waa abtigii Rasuulka SCW iyo saaxiibkiis, Illaahayna xumo kuma tir tiro xumo kale, ee waxuu ku tir tiraa xumuhu wanaagga, Majirto qof isago iyo Alle Sarreeye uu ka dhaxeeyo wax xiriir ah, oo aan ka ahayd mid ku sugan daacadda Alle, dadka kooda shariifka iyo kooda daciifka ahba daatada Alle waa ay u siman yahiin, Allaah waa Rabbigooda, iyaguna waa addoomadiisa. Amarka eeg Sacadoow! kii aad ka aragtay Rasuulkii Alle SCW tan markii lasoo diray jeer uu naga faaruqay, oo laasim markaa amarku waa isagee, tani waa waanadeydii aan kuu dardaarmayey oo haddii aad ka weecato oo ka dacal dhacdo, markaa waxaa burayo camalkaadii oo waxaadna noqoneysaa mid khasaaray.

Markii uu damcay Sacad inuu dhaqaaqo ayuu misna Cumar yiri : Sacadoow! waxaad u tegi doontaa arrin kulul dagaal ee ku sabir oo hakugu kulanto cabsida Allaah. Ogoow cabsida Allaah waxay kulmisatay laba arrimood oo kala ah ku sugnaashaha daacaddiisa iyo ka fogaanshaha macsidiisa. Daacaddiisu waa in loo carooda yacni la naco adduunyada oo la jeclaado aakhiro. Caasinnimaduna waa in la jeclaado adduunyada oo loo carooda aakhiro, yacni la naco.

Sacad wuu dhaqaaqay waxuuna abbaaray dhankii Ciraaq isagoo ay la socdaan duulkiisii, markiina uu gaaray goobta Nahru Zaruud oo uu ku dhawyahay inuu la kulmo Al Muthanna bin Xaaritha oo midiba midka kale uu u xiisho qabo, buu Muthanna geeriyooday, waxuuna u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray dagaalkii Jassar ee uu ku geeriyooday Abuu Cubeydah bin Mascuud Al Thaqafi.

Waxuu Muthanna ciidamadii Ciraaq usii dardaarmay inuu masuul u noqda Bashiir bin Khasaasiyah. Markii ay Sacad gaadhay geerida Muthanna buu u raxmad dalbay oo u duceeyay, waxuuna guursaday haweeneydiisii uu ka tegay oo la oran jiray Salmaa.

Sacad markii uu tegay Ciraaq amiir kastoo kamid ah amiiradii ciidamada Muslimiinta ee dhulkaasi ku sugneyd waxay wada hoos yimaadeen xukunkii Sacad oo geyigaas Ciraaq oo idil isaga ayaa amiir ka noqday, siduuba Abaa Cubeydah bin Al Jarraax oo isaguna tobankii jannada loogu bishaareyay kamid ahaaba uu masuul uga ahaa Shaam oo idil. Intaa Dabadeed waxuu Cumar sacad u soo diray ciidamada gurmad ah, waxuuna markii dambe la kulmay ciidamadii Furus maalintii Qaadisiyah isagoo amiir u ah 30 000 ama 36 000 dagaalyahanno ah.

Cumar waxuu yiri: Illaah baan ku dhaartaye waxaan isku dhufan doonaa boqorrada Cajamta Furus iyo boqorrada Carabta. Kadibna waxuu Cumar soo amray Sacad qaabkii uu sacad u dhisi lahaa ciidanka weerari lahaa Faarisiinta, waxuuna amray in qabiilo waliba oo kamid ah ciidamada Muslimiinta laga xulo rag aqoon dheer u leh tolkooda oo markaas koox waliba la hubiyo tabtooda, kadibna la aado Qaadisiyah.

Sacad sidii buu yeelay waxuuna dhisay ciidamadiisii isagoo ku dhisay amarka amiirkii Muminiinta midig, bidax gaadada dambe, ciidamada lugta iyo kuwa fardooleyda iyo kowa horeba. Waxuu Cumar usoo doortay qaadinnimada ciidankaas Cabduraxmaan bin Rabiicah Al Baahili oo loo yaqiinnay Dun-Nuun, isaga ayaana loosoo xil saaray qaybinta qaniimada iyo fayga. Daaciga ciidanka iyo kii wacdinayey mar walibana waxaa loo xilsaaray Salmaan Al Faarisi. Qoridda ciidanka iyo qaniimooyinkana waxaa loo xilsaaray Ziyaad bin Abii Sufyaan.

Ciidankan waxaa ku jiray 300 iyo dhowr iyo toban saxaabi, 70 iyo dhowr kamid ahi waxay ahaayeen asxaabtii ka qayb gashay dagaalkii Bader, waxaa kaloona la socday 700 oo kamid ah dhashii saxaabada.

Kadib Cumar waxuu soo amray inuu Sacad ku dhaqaaqo Qaadisiya, waxuuna amray inuu qaado jidka oo wixii uu helaana uusan u gaban oo aysan cabsi gelin tira badni kastoo ay cadawgu ku suganyahiin. Misna waxuu usoo diray warqad kaloo uu ugu dardaarmayo ciidamada Muslimiinta iyo amiirkooda Sacad, waxuuna u tilmaamay inuu sabro sabar baliiq ah oo uu Alle hiil iyo gargaarba weydiisto iyo in uu badiyo qowlka laa xowla walaa quwati illaa Bil-laah. iyo in uu mar waliba warqad usoo diro isagoo ka codsaday inay warqaddaasi noqota mid u hadleyso sida isagoo Cumar uuba u jeedo ama ay muuqdaan ciidamada dhulka Ciraaq, waxuu Cumar ka codsaday Sacad inuu u sifeeyo halka ay Muslimiintu marayaan iyo halka ay dagayaan intuba oo maalin waliba iisoo dir warqad ayuu yiri. Markaa buu Sacad u diray amiirkii Muminiinta warqad uu uga warramayo halka ay kusuganyahiin isaga iyo ciidamadiisii iyo in ay is heli doonaan Rustum arrinkuna uu Alle ogaal badan yahay sida uu xaal ku dambeyn.

Cumar ibnu Al Khaddaab markay u tegtay warqaddii Sacad ee ka warrameysay xaaladdii Muslimiinta ayuu u duceeyay ciidanka si guud, gaar ahaanna Sacad buu u duceynayey har iyo habeenba isagoo Alle uga baryayey inuu nasri iyo guul ka siiyo cadawga. Sacad horey buu u socday isagoo ku jira dalabka Qaadisiya, markiina uu marayey meesha la yiraahdo Al Cudeyb baa Muslimiintii waxaa ku soo baxay jamac Faarisiin ah oo uu hoggaaminayo Sheyrizaad bin Ardaaweyh, halkaas bayna Muslimiintii ku jibiyeen cadawgii Majuusta oo ay ka qaniimeysteen qaniimo badan, kadibna qaniimadii buu Sacad intuu qeybiyey ayuu khumuskiina u diray amiirkii Muminiinta ee Cumar ibnu Al Khaddaab. Muslimiintii aad bay ugu farxeen guushaas ay gaareen, waxayna u noqotay rayn rayn iyo farxad iyo niyad dhis.

Kadib waxuu diray siriyad yacni wardoon uu madax uga dhigay Qaalib bin Cabdullaahi Al-Leythi.






Ra'yi lama dhiiban



Name:
Email:
Code: 34z
Text:
 

  • Home
  • Duruus
  • Quraan
  • Video
  • S&J
  • Muxaadao
  • Contacts



  • sisawc ka baro diintaada © 2012 privacy policy terms of use