Previous  




-

سبحان الله والحمد لله ولا اله الا الله والله اكبر
 

Cumar Bin Alkhaddaab rc Q-7aad

Furashadii Quumus

Markay bishaaradii guusha iyo khumuska qaniimadii ee Rayi ay gaareen amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Khaddaab Illaahay haka raalli noqdee, buu warqad u qorey Nucaym bin Muqarrin, taasoo uu ku amrayo in uu diro walaalkiis Suweyd bin Muqarrin oo uu u diro dhanka Quumus. Markaa buu Suweyd ku dhaqaaqay dhanka Quumus oo uu si nabad galyo ah ku furtay isagoo aysan wax dhib ahi ka hor iman, halkaa ayuuna ciidamadiisii dejiyey. Waxuuna dadkii halkaa deganaa u qoray warqad magangalyo iyo heshiis ah.

Furashadii Jurjaan

Markii uu Suweyd ciidamadiisii dejiyey Quumus, baa dadkii agagaarkaasi deganaa oo ay kamid ahaayeen reer Jurjaan, Dhabaristaan iyo kuwa kaloo qeyrkooda ah ay usoo cid dirsadeen iyagoo ka dalbanayo inuu kula heshiiyo inay bixiyaan jizyo oo uu magangalyo iyo hishiis u qoro. Markaasuu dhammaan u qoray warqad magan galyo iyo heshiis ah oo uu sidaa kula heshiiyey inay jizyo bixiyaan.

Waxuu Xusay Madaaini in Jurjaan la furtay sanadkii 30aad ee hijriyada, waqtigii Cusmaan bin Caffaan. Wallaahu aclam.

Furashadii Aderbijaan

Markii uu Nucaym furtay Hamdaan, baa intuusan Rayi u dhaqaaqin waxuu diray Bukeyr bin Cabdillaahi Al Leythi oo uu ka diray Hamdaan, waxuuna u diray dhanka Aderbiijaan. Waxuu kadaba diray Simmaak bin Kharash.

Waxay Bukeyr iyo asxaabtiisii la kulmeen Isfandiyaad ibnu Farakhzaad oo ahaa ninkii madaxda ka ahaa Aderbiijaan ka hor intuusan soo gaarin Simmaak. Markaasaa waxaa dhex maray dagaal uu Alle ku jebiyey Mushrikiintii, Bukeyrna uu kusoo qafaashay Isfandiyaad.

Markaasuu ku yiri: Ma waxaad jeceshay heshiis ama dagaal?

Waxuu yiri: Balee heshiis.

Markaasuu ku yiri: Haddaba iga gunnud. Markaasuu ka guntay. Markaa buu Bukeyr guda galay inuu dhulkaasi qeyb qeyb u furto, Cutbah bin Farqad qudhiisu dhanka kale ayuu qeyb qeyb uga soo furanayey dhulalkaas oo uu dhul furashadu ka waday. Kadib waxaa timid warqaddii Cumar. Taasoo uu ku amrayo in Bukeyr uu aado dhanka Baab, booskiisuna uu ku sii dhaafo Simmaak si uu masuul uga sii ahaado Cutbah oo dhulka Aderbiijaan oo idil uu markaa Cumar madax uga soo dhigay. Markaa buu Bukayr Isfandiyaad u dhiibay Cutbah, suu isagiina kudhaqaaqay dhanka Baab siduuba soo amray amiirkii Muminiinta.

Markay u taam noqotay furashadii dhulka Aderbiijaan bay Cutbah iyo Bukeyr, bishaaradii guusha iyo khumuskii u direen dhankii amiirka Muminiinta, dadkii dhulkaa deganaana ay warqad magangalyo iyo heshiis ah u qoreen.

Furashadii Baab

Sanadkan dhexdiisa buu Cumar warqad u qoray Suraaqa bin Camr oo lagu laqibo Din Nuur, si uu ugu duulo dhanka Baab, waxuuna soo amray in ciidankiisa hore uu madax uga dhigo C/Raxmaan bin Rabiicah oo isaguna laqabkiisu yahay Din Nuur, waxaa kaloo la yiraahdaa Din Nuun. Labada dhinac ee ciidankaasi mid kamid ah waxuu soo amray in madax looga dhigo Xudeyfah bin Usayd, halka dhinaca kalena uu soo amray in madax looga dhigo Bukeyr bin C/laahi Al leythi oo isagu meesha kusii horeeyay. Qeybinta qaniimada waxaa loo xilsaaray Salmaan bin Rabiicah.

Markaa bay dhaqaaqeen siduuba soo amray amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Khaddaab. Markii ciidamadii hore ee uu hoggaaminayey C/Raxmaan bin Rabiica ay gaareen boqorkii halkaa oo la oran jiray Shaharbaraaz boqorkii Armeeniya, baa C/Raxmaan warqad usoo qorey, waxuuna ka dalbaday magan galyo, markaasuu siiyey magan. Markaa buu boqorkii u yimid C/Raxmaan oo uu ka codsaday inuu la heshiiyo oo heshiis uu uga gunto Muslimiinta. Markaasuu C/Raxmaan ku yiri: Waxaa jiro nin aniga iga sarreeyo ee uteg. Markaasuu u tegay Suraaqa bin Camr oo uu weydiistay magan galyo iyo heshiis. Markaasuu Suraaqana ka yeelay oo siiyey magan iyo heshiis. Kadib buu arrintaasi u qorey amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Khaddaab, Cumarna wuu kaga raalli noqday wixii magan iyo heshiis ah ee uu la galay. Kadib waxuu Suraaqa diray Bukeyr bin C/llaahi, Xabiib bin Maslam, Xudeyfah bin Usayd iyo Salmaan bin Rabiicah, oo uu u diray dadkii deganaa buuraha ku hareereysan Armeeniya, buuraha kala ah Al- Laan, Tafliis iyo Mowqaan. Bukeyr waxuu furtay Mowqaan, waxuuna u qorey warqad magan galyo ah dadkii halkaasi deganaa. Amiirkii ciidamada Muslimiinta ee Suraaqa bin Camr-na goobtaas ayuu ku geeriyooday, waxaana dabadii xilkiisii qabtay C/Raxmaan bin Rabiicah. Cumar bin Al Khaddaab markay gaartay geerida Suraaqa wuu ka murugooday wuuna u duceeyay, una raxmad dalbay. Markii uu maqlay in dabadii uu xilkii qabtay C/Raxmaan bin Rabiica buu kaga raalli noqday, waxuuna amray inuu ku duulo dhulka Turkiga.

Duullaaankii Ugu Horreeyay Ee Turkiga

Markay C/Raxmaan u timid warqaddii amiirka Muminiinta ee Cumar bin Khaddaab, taasoo uu ku amrayey inuu ku duullo Turkiga buu ku dhaqaaqay dhankii Turkiga jeer uu gooyey Baab isagoo fulinayo amarkii amiirka Muminiinta ee Cumar bin Al Khaddaab. Dabeeto waxaa la kulmay Shaharbaraaz oo ku yiri: Xaggee baad ku jeeddaa?

Waxuu yiri: Waxaan doonayaa boqorka Turkiga ee kusugan Balanjar. Markaasuu Shaharbaraaz usheegay inaysan jirin wax dhanka Baab ka dambeeyo. Hase ahaatee C/Raxmaan ayaa ugu jawaabay: Illaahay baa xaggayaga usoo diray Rasuul, waxuuna nalagu ballamay carrabkiisa guul iyo gacansarreyn, innaguna kamaanan suulin inaanu ahaanno kuwa guuleysto. Markaa buu dhulkii Turkiga ku duullay oo uu gaaray dhulka Balanjar. Intaa kadib waxay dhacdooyinkii waa weynaa ee Turkigu dhaceen waqtigii Cuthmaan bin Caffaan Allaha ka raalli noqdee.

Qisadii Yazdajrid Bin Shahrayaar

Markii uu Sacad kala wareegay wixii gacantiisa ku jiray iyo magaalladii boqortooyadiisa, iyo saldhiggii saldanadiisa, waatuu Xulwaan u cararay, kadibna ay Muslimiintii kadaba yimideen, markaasuu Xulwaan uga sii wareegay Rayi. Markaa waxaa dhacday in Xulwaanna ay kala wareegeen ciidamadii Muslimiinta. Dabeeta waxaa looga daba tegay Rayi, markaasuu u wareegay Asbahaan, oo Rayi-na ay la wareegeen Muslimiinta. Kadib waxay uga daba tegeen Asbahaan, markaasuu usii cararay Karmaan. Dabeeto Muslimiintii baa ka daba tegtay oo Asbahaan iyo Karmaanba ka furteen. Markaasuu u guuray dhulka Khuraazaan oo uu degay, Sidooy tahay dabkii uu caabbudi jiray kamuusan harin oo wuu la socday, meel ama goob iyo waa uu degaba waa ay u hurinayeen oo uu caabbudayey. Waxuu saarnaa awr loo dul dhigay howdaj uu dhex jiifanayey. Waxaa dhacday goor uu dhex jiifo howdajkiisa bay toosiyeen, markaasuu aad uga carooday oo uu caayey. Waxuuna ku yiri: Waxaad ii diiddeen inaan ogaado muddada u hartay kuwan ee ay ku sugnaanayaan dhulkan iyo dhulalka kalee qeyrkiis ah. Waxaan riyo ku arkay Muxammed SCW oo kan ah oo jooga agta Rabbigiisa, markaasuu Rabbi ku yiri: Boqortooyaddiinnu waa 100 sano.

Waxuu yiri: Iigu dar.

Markaasuu ugu daray oo uu ku yiri: Waa 110 sano.

Markaasuu yiri: Iigu dar.

Markaasuu ugu daray oo uu ku yiri: Waa 120 sano.

Waxuu yiri: Iigu dar.

Markaasuu ku yiri: Adigaa leh.

Waxuu yiri Yazdajrid isagoo sii hadlayo: Markaas baad i toosideen, haddii aad iska kaydeyn lahaydeenna waxaan ogaan lahaa muddada umaddan.

Waqtigii khilaafadii Cuthmaan ayaa la dilay boqorkii, oo khaatuma xumo ayuu ku dhintay. ayadoo nin reer miyi ah uu kurka ka jaray.

Duullaankii Khuraazaan

Taasu waxay ahayd in Axnaf bin Qeys uu u ishaaray Cumar in Muslimiintu ay isku waasiciyaan dhulalka oo ay furtaan dhulalka Cajamta, oo ay ciriiri geliyaan Yazdajrid. Waaba tii uu markaa Yazdajrid gudo galay inuu dadkiisa ku booriyo la dagaallanka Muslimiinta sidaynu soo xusnay.

Markaa buu Cumar u ogolaaday inay ciidamada Muslimiinta isku waasiciyaan arlada, waxuuna amray in Axnaf bin Qeys uu ku duulo dhulka Khuraazaan oo uu kula dagaallamo Yazdajrid. Markaa buu Axnaf galay Khuraazaan oo uu ka furtay Harraah isagoo ku furtay xoog, waxuuna ku dhaafay Suxaar bin Filaan Al Cabdiyu, dabeetana waxuu aaday dhanka Marwi Shahjaan oo uu markaa kusugnaa Yazdajrid. Waxuu markaa Axnaf diray hortiisa Madhrif bin C/llaahi bin Shukheyr oo uu udiray dhanka Naysaabuur, Xaarith bin Xasaanna waxuu u diray dhanka Sarkhas.

Markii uu Axnaf u dhawaaday Marwi Shahjaan buu Yazdajrid ka guuray oo uu u wareegay dhanka Marwi Ruud, markaasuu Axnaf furtay Marwi Shahjaan oo uu degay.

Markii uu Yazdajrid degay Marwi Ruud oo ahayd caasimaddii Khuraazaan buu warqad u dirsaday boqorkii Turkiga ee Khaakhaan isagoo gurmad weydiisanayo. Sidoo kale waxuu warqad u dirsaday boqorkii Safad isagoo ka dalbanayo inuu gurmad usoo diro. Waxuu kaloo warqad u dirsaday boqorkii Shiinaha isagoo ka kaalmo ka dalbanayo. Markaa buu Axnaf bin Qeys-na ku dhaqaaqay dhanka Marwi Ruud, oo Marwi Shahjaanna waxuu kusii dhaafay Xaaritha bin Nucmaan. Markaa iyada ahi waxaa Axnaf uga yimid magaallooyinka Kuufa iyo Basra ciidama gurmad oo ah afar qeyb. Markii ciidamadii bidaxda ee Axnaf ay gaareen Yazdajrid buu u guuray Balakh, markaasay isku heleen goobta Balakh, halkaasoo uu Alle ku jebiyey cadawga iyo ciidamadii Yasdajrid. Markaasay carareen isaga iyo intii la baxsatay oo kamid ah asxaabtiisii, waxayna gooyeen webigii oo ay galeen dhulka Turkiga.

Intaa kadib dhulkii Khuraazaan oo idil waxuu hoos yimid Axnaf bin Qeys, markaasuu magaallo kasto u sameeyay masuul gaar ah, markaa buu isagiina ku laabtay Marwi Ruud oo uu caga dhigtay, xarunna uu ka yeeshay. Kadib buu Axnaf bin Qeys dhankii Cumar u qorey warqad uu kula socodsiinayo qaabkii iyo dhulalkii uu ka furtay Khuraazaan guud ahaan. Kadib Cumar waxuu warqad u qorey Axnaf bin Qeys, taasoo uu ku amrayo inuusan gudbin webiga oo uu kusugnaado inta gacantiisa kujirto oo dhul ah.

Kadib Yazdajrid iyo Khaakhaan Al Akbar boqorkii Turkiga iyo Junuud aad u tiro badan ayaa dib usoo laabtay oo webiga soo gooyey, waxuuna Yazdajrid lasoo laabtay ciidamo aad u tiro badan, waxayna soo gaareen Balakh, markaasay masuuliyiintii Axnaf bin Qeys u wada carareen magaalladii uu Axnaf kusugnaa ee Marwi Ruud. Yazdajrid iyo Turkidiina waxay kasoo dhaqaaqeen Balakh oo ay dul degeen Marwi Ruud oo uu markaa kusugnaa Axnaf bin Qeys. Markaasuu Axnaf bin Qeys lasoo dhaqaaqay ciidamadiisii Kuufiyiinta iyo Basriyiinta dhammaan oo markaa ay tiradoodu ahayd 20 000.

Axnaf bin Qeys waxuu ahaa nin ku xeel dheer arrimaha militerinnimada oo waxuu ahaa mid kamid ah ragga qorshahaasi looga dambeeyo, waxuu diyaariyey ciidamadiisii oo uu tiro yaridii kamuuqatay uu ku kaabay isagoo ciidanka si qurux badan udhisay, kadib ciidamadii buu ka dhex istaagay oo uu u khudbeeyay waxuuna ku yiri: Waad yartihiin, cadawgiinnuna waa ay badan yahiin. Waxuu markaa akhriyey qowlka Alle kor ahaaye:Immiso ayay koox yari ka adkaatay koox badan Alle idinkiisa, Illaahayna wuxuu la jiraaa kuwa sabra Al Baqrah aayadda 249aad.

Turkidu waa ay soo baxayeen maalinta oo ay dagaallamayeen, muusanna garaneynin Al axnaf bin Qeys halka ay habeenkii qabtaan ee ay ku xaroodaan.

Goor habeen ah bay isaga iyo xayn kamid ah ciidamadiisii geesiyaasha ay isasoo raaceen oo ay raadiyeen halka ay galaan Khaakhaan iyo ciidamadiisa, waxayna goor subax ah oo waa beri ah arkeen rugtii Turkida. Markaasuu arkay Axnaf nin meel kasoo baxayo, suu xaggiisii u dhaqaaqay oo dilay, dabeeto mid kale baa soo baxay, markaasuu kiina dilay, misna waxyar kadib mid saddexaad baa soo baxay suu isagiina dilay. Markaasuu Axnaf si dhaqsi ah ugu laabtay goobtiisii. Markii ay ciidankii weynaa ee Turkida soo baxeen, waxay arkeen saddexdoodii nin oo mayd ah, wayna baaseeysteen arrinkaas. Turkida waxaa caado u ahayd inaysan soo bixin aroorta hore jeer ay marka hore soo diraan saddex nin oo akhyaartooda kamid ah. Markay tani ku dhacday way ka xumaadeen, wayna baaseeysteen. Markaasuu boqorkoodii Khaakhaan ku yiri: In badan baynu halkaan joognay, waxayna kuwani inagu asiibeen goob aanan horey naloogu asiibin. Wax faaiido ah oo aanu ka heleyno majirto la dagaallanka qoomka kan ee inaga celiya.

Markaa bay dhulkoodii u laabteen. Muslimiintu maalintaa way sugayeen inay usoo baxaan oo ay is helaan, hase ahaatee wax usoo baxo maysan arag. Illeen waa dad dhanka kale ka dusay oo dhulkoodii ku laabtaye.

Kisraa isagu doqonnimadiisii iyo darxumadiisii iyo daciifnimadii caqligiisa ayuu la laabtay isagoo khasaaray oo dulloobay oo aanan helin wax faaiido ah haba yaraatee. Cidduu Alle lumiyo ma u heleysid jid. Suuratu An Nissaa aayadda 88aad.

Arrintii waxay ku noqotay Maxaad sameysaa? iyo halkee baad ciirsataa? Qaar kamid ah dadkiisii oo kamid ahaa kuwii caqliga u saaxiibka ahaa ee kamidka ahaa garaadyadii garashada fogaa baa markuu ku yiri: Waxaan goostay inaan aado dhulka Shiinaha ama aan iska ag fadhiyo boqor Khaakhaan. Waxay ku yiraahdeen Waxaanu aragnaa inaanu la heshiinno qoomkan, waayo waa dad diin ay ulaabtaan leh, oo aan degno bar kamid ah dhulkan, oo aan la derisno, iyaga ayaa inooga kheyr badan kuwa kalee?

Kisraa Yazdajrid wuu ka diiday fikraddaasi quruxda badan ee saliimka ahi, ee indheergaradyadii tolkiisa ay usoo jeediyeen, wuxuuna ka doortay gunnimo iyo khaatumo xumo, wax aanan indho laaantiisii ahaynna ma uusan aqbalin.

Kadib waxuu u cid dirsaday boqorkii Shiinaha, isagoo ka gurmad iyo kaalmo dalbanayo, markaasuu boqorkii Shiinaha weydiiyay ergaygii Yazdajrid sifada qoomkan Muslimiinta ah iyo sidey ku furteen dhulkan oo ay kaga adkaadeen? Markaasuu ergaygii uga warramay sifadooda iyo sida ay faradaha iyo awrta u fuulaan iyo waxa ay sameeyaan iyo sida ay u tukadaan dhammaanba.

Markii uu boqorkii Shiinaha dhageystay dhammaan sifooyinkii looga sheegay Muslimiinta buu warqad u qoray Yazdajrid isagoo ku leh: Ma jirto arrin ii diideyso inaan kuusoo diro ciidan horraantiisu ay tahay Marwa aakhirkiisuna ay tahay dhulka Shiinaha. Hase ahaatee qoomkan uu ii sifeeyay ergaygaadu sifadooda, hadday buuruhu damcaan waa ay duminayaan, haddii aan kuu imaado si aan kuugu gargaarana waa ay i baabainayaan inta ay kusuganyahiin waxa uu iiga sifeeyay ergaygaadu ee kula heshii dhulka.

Yazdajrid isagu waa looga adkaaday dhulkiisii isaga iyo ehelkiisiiba, muddo yar kadib geeridii Cumar ayuu khaatumo xumi ku dhintay isagoo nin reer miyi ah uu bireeyay.

Markii Cumar bin Khaddaab ay gaartay bishaaradii guusha ee dhulka Khuraazaan buu Muslimiintii u khudbeeyay oo uu ku booriyey cabsida Allaah iyo sugaanan iyo toosnaan iyo Alle ka cabsi. waxuu xasuusiyey in uu Alle dhaxalsiiyey boqortooyadii Kisraa ee iyadu adduunka boqollaalka sanadood ka talin jirtay iyo guryahoodii iyo hantidoodii iyo carruurtoodii si uu Alle u eego waxa ay falaan.

Iimaam Dahabi wuxuu leeyahay:- Sanadkan ayaa la furtay Aderbiijaan, waxaana furtay Muqiirah bin Shucbah. Waxaa la sheegaa inuu kula heshiiyey 800 000 oo Dirham. Wallaahu aclam. Waxaa kaloo la sheegaa inuu furtay Xabiib bin Maslama oo wata ciidamada badan oo Shaam ka yimid, sidoo kalena ay la socdeen qaar kamid ah ciidamadii Kuufa, waxaana la socday oo kamid ahaa Xudeyfa bin Yamaan. Waxaa la sheegaa inuu xoog ku furtay Xabiib, wallaahu aclam.

Sidoo kale sanadkan ayuu Xudeyfa bin Yamaan Maahsandaan ku furtay xoog, kadib markii ay buriyeen heshiis ay horey ula galeen Sacad bin Abii Waqaas. Waxaana Xudayfa la socday ciidama badan oo ka yimid Basra waxaa kaloo u tegay ciidama ka socday magaallada Kuufa, markaasay labada qolo isku khilaafeen qaniimada, dabeeto Xudayfa wuxuu warqad u qoray amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Khaddaab, asagoo ogeysiinaya xaallada ay isku qabsadeen ee ah qaniimada. Cumarna wuxuu soo amray inuu siiyo dadkii ka qeyb qaatay dagaalka oo kaliya.

Khaliifah bin Khayaad wuxuu xusay in sanadkan uu Camr bin Al Caas furtay Daraabulis.

SANADKII 23AAD

Sayf bin Cumar wuxuu xusay in sanadkan la furtay Towj oo uu furtay Majaashac bin Mascuud ka gadaala markii uu Faarisiinta kaga laayay dagaal maqtala aad u badan, kana qaniimeystay qaniima aad u badan. Markaas buu ku waajibiyey inay jizyo bixiyaan dadkii halkaa deganaa.

Sidoo kale Cuthmaan bin Abul Caas Al Thaqafi ayaa isaguna furtay Jowr dagaal daran ka dib. Dabeeto mar kale ayay furteen Isdhakhar, ka gadaal markii ay buriyeen ballantii uu Calaa bin Al Xadrami horey ula galay. Kadib Shahrak ayaa ballantii uu horey Muslimiinta ula galay buriyey, oo Faarisiintiina kiciyey si ay Muslimiinta ula dagaallamaan. Arrintaasi markuu Cuthmaan ka war helay wuxuu udiray walaalkii Xakam bin Abul Caas. Markaas bay is heleen labadii qolo oo dagaal dhex maray, dabeetana Xakam wuxuu dilay Shahrak iyo wiilkiisii. Sidaa ayayna kaga guuleysteen.

Furashadii Fasaa iyo Daar-Abjarad

Sanadkan ayuu Jaariyah bin Zaniim aaday dhanka Fasaa iyo Daar- Abjarad, halkaasi waxaa ugu aruuray jamac Faarisiin ah iyo Kurdi oo weliba aad u badan. Markaas ayuu Cumar habeen seexday oo arkay riyo muujineyso dagaalkaasi, wuxuu arkay Muslimiintii iyo cadawga oo is helay iyagoo isku helay goob saxara ah iyo buur weyn oo daanta dambe ee Muslimiinta tiillay, oo haddii ay Muslimiintu gabbaad ka dhigtaan aanan dhinac kale looga iman karin. Subaxii ayuu Cumar amray in Muslimiintu masjidka isugu yimaadaan salaadda jamaacada, markiina la gaaray waqtigii uu riyada ku arkay ayuu mimbarkii fuulay oo u khudbeeyey oo uga warramay wixii uu arkay, asagoo khudbaddii wado, ayuu mar qura yiri:- Saariyoow!! buurta buurta!!. Waxay ahayd xilli ay ciidamada halkaasi ka dagaallamaya ku jireen halis xun oo cadawgu dhabar jebin darani la maagganaa. Sidaa daraaddeed Saariyah wuxuu maqlay dhawaqii Cumar, inkastoo uu joogay meel aad uga fog magaallada Madiina ee uu xilligaasi Cumar kusugnaa. Markii uu maqlay Saariyah dhawaqaasi, wuxuu owday halkii halista, oo dabeetana cadawgii ka guuleystay. Halkaasi Muslimiintii waxaa ay ka qaniimeysteen maal badan, waxaana kamid ahaa maalkaasi sanduuq jawharad ah. Sanduuqii iyo khumuskii qaniimada iyo bishaaradii guusha ayuu u diray Saariyah dhankii amiirka Muminiinta ee Cumar bin Khaddaab.

Duullaankii Kurdida

Kadib ciidama badan oo Kurdi ah ayaa waxay isu aruursadeen inay Muslimiinta la dagaallamaan, dabeetana Abii Muusa Al Ashcari ayay isku heleen Nahru Tayr. Kadibna Abii Muusa Al Ashcari wuu ka leexday oo wuxuu aaday dhanka Asbahaan, iyagiina wuxuu kusii dhaafay ciidama culus oo uu hoggaaminaya Al Rabiic bin Ziyaad, ka gadaal markii la dilay walaalkiis Muhaajir bin Ziyaad. Kadib Al Rabiic bin Ziyaad iyo Mushrikiintii waxaa dhex maray dagaal aad u daran oo uu durba ku jebiyey cadawga kagana adkaaday. Waa ayna jabeen, oo firxadkoodii baa kala fiigay. Wuxuuna halkaasi ka qaniimeystay qaniimo aad u badan. Kadibna khumuskii qaniimada iyo bishaaradii guusha ayuu u diray dhankii Cumar bin Khaddaab Illaahay haka raalli noqdee.

Isla sanadkaas ayuu Dibbah bin Muxsin Al Canasi u tegey Cumar bin Khaddaab isagoo kaga eed sheeganaya Abii Muusa Al Ashcari, dabeeta Cumar wuxuu u yeeray Abii Muusa Al Ashcari, isagiina waxyaaba badan ayuu ka cududaartay, Cumarna wuu u cududaaray, sidoo kale Dibbana wuu u cududaaray, dabeeta Abii Muusa Al Ashcari, wuu laabtay wuxuuna aaday magaalladii Basra, oo uu salaad tujinta madax ka ahaa.

Qaar Kamid Ah Wax Qabadkii Cumar

Ma aynu wada xusi karno wax qabadkii Cumar, waxaase laga dhugan karaa siiradiisii iyo dhulfurashooyinkiisii. Cumar bin Khaddaab wuxuu ahaa khaliifadii labaad ee Khulufaau Raashidiinka, wuxuuna ahaa afarta Khaliif kii ugu dhul furasha badnaa. Wuxuu furtay buurahii Furus iyo beeraheedii iyo qalcadahoodii, sidoo kale wuxuu furtay guud ahaan dhulka Shaam, Jaziiradda, Muusal, Armiiniya, Masar iyo Aleskandariya. Wuxuu geeriyooday askartiisii oo joogta Bilaadu Rayi, wuxuuna Shaam ka furtay, Busra, Dimishiq, Yarmuuk, Urdun, Bayzaan, Dabariyah, Jaabiyah, Falastin, Ramallah, Iiliyaa, Casqalaan, Ghaza, Xeebaha, Qudus, , Baclabak, Ximsa, Qinnasriin, Qeysaariyah, Xalab iyo Andaakiyah iyo qeyrkooda. Masar wuxuu ka furtay Aleskandariya, Darabulis Al Qarb iyo Barqa iyo kuwa kale. Dhanka Furus wuxuu ka furtay Qaadisiyah, Xiirah, NaharShiir, Saabaadh, Madaain, Xulwaan, Dajla iyo Furaat, Ablah, Basra, Ahwaas, Hamdaan, Nahaawunda, Baabil, Quumas, Dhulka Khuraazaan, Isdhakhar, Asbahaan, Suus, Marwi, Naysaabuur, Maasabadaan, Maah, Jurjaan iyo Aderbijaan iyo qeyrkooda. Askartiisu markaasi waxay goosheen webiga la yiraahda Nahru Maraar, ayagoo horey usii socdo.

Cumar wuxuu ahaa mid ay cabsidiisu darantahay, oo Alle ka cabsi badan, aqriyo Quraanka in badan. Indhihiisu waxaa madoobeyey ilmada siduu u oynayay Alle dartii. Hurdadiisu waa ay yareyd, cunnadiisuna sidoo kale, wuxuu ahaa mid raaca oo ogaada xaallada raciyadiisa. Habeenkii waa uu wareegi jiray si uu u ogaada xaallada ay raciyaddiisu ku sugantahay. Ma uuna lahayn wax waardiya ah, masjidka ayuu iska seexan jiray asagoonan waxba ka cabsi qabin. Qofkii ka yimaada goballada oo aanan horey Cumar u arag kama uuna dhex garan karayn dadka, waayo wuxuu fali jiray inuu lamid noqdo bulshadiissa. Asagoo ay awooddiisu gaadhay Furus iyo Shaam iyo Khuraazaan, ayuu haddana ceeshkiisu ahaa muufo qalalan iyo milix iyo saliid. Sidaa oo ay tahay ma uuna badsan jiray fawaakihda iyo macmacaanka adduunka. Wuxuu ahaa mid ka saahiday dunida iyo dhalanteedkeeda. Dhanka kale wuxuu ahaa mid ku ad adag amarka Alle. Wuxuu ahaa mid ku ad adag masuuliyiintiisa goballada oo daba gal kusameeyo, wuxuuna ka codsan jiray qofkii uu masuul ka dhigaya, inuuna dhisan guri weyn oo qurux badan iyo inuuna badsan cunooyinka dufanta leh sida hilibka iyo inuuna sidoo kale badsan macmacaanka adduunka. Wuxuu kaloo amri jiray in albaabadoodu ay iska furnaadaan. Haddii arrimahaasi mid kamid ah ay kudhacaan, wuxuu oran jiray:- Waxaa idinku waajibeyso ciqaabteyda. Khaatimka uu wato waxaa ku naqshadeysnaa kafaa bil mowt waacidan yaa Cumar!!.

Wuxuu ku seexan jiray firaash ka sameysan liif, wuxuuna gaadiid ahaan u isticmaali jiray dameer gaaban, iskama uu weyneyn jirin dadka, inta badan masjidka ayuu kusugnaan jiray. Qosalkiisu aad buu u yaraa, aayadaha Quraanka ayuu ku tadaburi jiray, wuuna ooyi jiray markuu maqla qowlka Alle. Wejigiisu waxaa ku yiillay laba xariiq oo madow ah oo ay ilmadu sameysay.

Wuxuu aad ugu wanaagsanaa caddaaladda, waxaana caddaaladdiisu ay gaartay xitaa inaanan la dulmin gaalladii ku hoos nooleyd Islaamka. Taariikhdiisii ayaynu ka bogan karnaa heerkii ay gaadhay caddaaladdiisii.

Arrimahaasi oo idil waa kuwa u suuro geliyey inuu noqdo amiir la jecelyahay oo geygigoo idil laga heybeysto, wanaaggii iyo waxyaabahii uu Islaamka u qabtayna waa midaanan lasoo koobi kareyn, waa halka ay saxaabadu ka yiraahdaan:- Islaammiddiisu waxay ahayd guul, imaaraddiisiina xukunkiisii waxay ahayd dhul furasho.

Caddaaladdiisii & Alle ka Cabsigiisii

Caddaaladdii Cumar waa midaanan la soo koobi karin, waxayna noqotay mid taniyo maanta tusaale loosoo qaato. Wuxuu ahaa masuul umaddiisa u caddaalad fali jiray, kuna caan baxay caddaaladda, oo ay geyigii oo idil camirtay cadligiisii. Haddaba waxaanu soo qaadaan doonnaa dhowr qiso oo ina tusinaya caddaaladdii Cumar Illaahay haka raalli noqdee.

1. Cabdiraxmaan bin Cumar bin Khaddaab iyo Abuu Surcah Cuqbah bin Al Xaarith ayaa waxay maalin cabbeen khamri jeer ay sakraameen, ayagoo markaasi kusugnaa dhulka Masar. Markaas buu C/Raxmaan u tegey amiirkii dhulkaas oo ahaa Camr bin Al Caas, oo ka dalbaday inuu xadka ka oofiyo bacdamaa uu sakraamay. Saa C/llaahi bin Cumar oo asaguna dhulka Masar markaasi kusugnaa ayaa walaalkiis madaxa ka xiiray, kadibna Camr bin Al Caas baa jeedalay oo ka oofiyey xadkii. Arrintaasi waxay gaadhay amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Khaddaab, markaasuu warqad usoo diray dhanka Camr bin Al Caas asagoo ku oranaya:- Iisoo dir C/Raxmaan bin Cumar, adiguna Alle u toobad keen. Markaasi buu Camr bin Al Caas sidii falay oo u diray dhankii Cumar. Markii C/Raxmaan uu u tegey aabahiis, ayuu jeedalay oo ciqaabay ciqaad ka weyn middii loogu tala galay xadka cabbidda khamriga. Dabeetana wuu xabbisay. Markaas buu wilkii xanuunsaday, kadibna wuu geeriyooday. Al Faaruuq uma kala soocneen dadka, kan xad ku dhaco ha noqdo mid uu dhalay ama uu jecelyahay, ama ha noqdo mid kamid ah bulshada, wuxuu marsiin jiray mudnaantiisa. Siiba ehelladiisa wuu u labanlaabi jiray ciqaabta.

C/llaahi bin Cumar wuxuu yiri:- Haddii uu Cumar bulshada arrin ka reebo, wuxuu kulmin jiray ehelkiisa, oo ku oran jiray:- Waxaas iyo waxaas ayaan dadka ka reebay, dadkuna adinka ayay idin fiirsanayaan sida shimbirtu ay hilibka u fiirsato oo kale. Haddii aad ku dhacdaan, iyana way ku dhacayaan. Haddiina aad ka dhowrsataan, iyana way ka dhowrsanayaan. Illaahay baan kudhaartaye, ninkii idinka mid ah ee ku dhaca wax aan reebay, waan u laban laabi doonaa ciqaabta, halka uu iga joogo darteeda maxabbada aan u hayo darteed, si ay dadka u arkaan inaan qof kasto ku ciqaabi doono arrinkaasi. Haddaba qofkii doono ha ka gaabsada kii doonana ha falo.

2. Al Muwaddaa Imaam Maalik waxaa ku sugan oo laga soo weriyey Saciid bin Musayb in Cumar ay u tegeen laba nin oo doodeyso oo wax isku haysto, oo midi Muslim yahay ka kalena uu Yahuudi yahay. Markaas baa waxaa Cumar u caddaatay in xaqu uu leeyahay ninka Yahuudiga, suu u guday xaqiisii. Markaas buu Yahuudigii yiri:- Dhab ahaan Illaahay baan ku dhaartaye, si xaq ah baad ku xukuntaa. Markaasuu Cumar weydiiyey:- Maxaad ku ogaatay? Markaasuu Yahuudigii ku yiri:- Waxaan kutubtayada ka heleynaa inuuna jirin qaaddi wax ku xukminaya si xaq ah, illaa waxaa labadiisa dhinac ka xiga labo malag midig iyo bidix. Kuwaasoo ku toosinaya xaqa inuu falo mar waliboo uu xaqa lasocdo. Markii uu ka tego xaqa, bay labadaasi malagna ka tagayaan.

3. Dhalxa bin Cubaydillaah wuxuu yiri:- Cumar baa habeen mugdiga kusoo baxay wuxuuna galay guri. Markii aan waabariistay ayaan gurigaasi aaday, oo waxaaba kudhex sugan haweeney duq ah oo indho la. Markaasaan ku dhahay:- Waa maxay ninkaan kuu yimaada xaalkiisa? Markaasay tiri:- Wuxuu ii imanayay taniyo muddada sidaa iyo sidaas ah, wuu ii yimaadaa oo howsha ii qabtaa, oo guriga ii haggaajiyaa.

4. Aslam Mowlaa Cumar waxaa uu yiri:- Habeen baan u la baxay Cumar duleedka magaallada Madiina, markaasaanu aragnay iftiin bidhaamaya oo aanu aadnay xaggiisii. Markaan u tegnay waaba haweeney fooli hayso oo ooyeyso. Markaasuu Cumar weydiiyey xaaladdeeda? Say ku tiri:- Waxaan ahay haweeney Carab reer miyi ah, wax aan haystana ma jirta. Markaas buu Cumar ooyey, oo soo dhaqaaqay asagoo deg degaya oo galay gurigiisa, markaasuu xaaskiisii Ummu Kalthuum bint Cali bin Abii Daalib ku yiri:- Ma dooneysaa ajar uu Alle ku haleeshiiyo? Wuxuuna uga warramay qisadii. Markaasay tiri:- Haaheey!! oo ay soo raacday. Wuxuu Cumar dhabarka kusoo qaaday daqiiq iyo shaxmad, Ummu Kalthuumna waxay soo qaadatay qalab dhalmada fududeynaya. Markaasay u tegeen, saa Ummu Kalthuum ay u gashay haweeneydii. Cumarna waxaa uu la fadhiistay ninkeedii isagoo ninku uuna aqoon inuu Cumar yahay amiirkii Muminiinta oo way sheekeysaneyee. Haweeneydii waa ay dhashay oo waxay dhashay wiil. Markaas bay Ummu Kalthuum inta Cumar u timid ku tiri:- Amiirkii Muminiintoow!! ugu bishaareey ninkeeda in wiil loo dhalay.

Ninkii markuu maqlay hadalka Ummu Kalthuum ee ah amiirkii Muminiintoow!!, waa ay la weynaatay arrintaasi, wuuna ka cududaartay inuu aqoonsan waayay amiirkii Muminiinta. Cumarna wuu u cududaaray, wuxuuna yiri:- Wax dhiba malahan. Dabeetana wuxuu siiyey daqiiqdii iyo raashiinkii oo idil, wuuna ka ka tegey.

5. Aslam baa mar kale sheekeeyey oo wuxuu yiri:- Habeen baa aniga iyo Cumar aanu u baxnay Xarrah waaqim. Markii aanu marayna Suraar baa waxaan aragnay dab. Markaasuu Cumar igu yiri:- Aslamoow!!halkaasi, waxaa joogto rukuubleey uu habeenku kusoo gaabtay, ee inoo kaxeey xaggooda. Markaasaanu u tegnay oo waaba haweeney ay ag joogaan ilmo yaryar iyo dheri dabka saaran. iyadoo carruurtuna ay markaasi ooynayaan. Markaas buu Cumar yiri:- Asalaamu caleykum asxaabta iftiimeysaay?

Markaasay haweeneydii tiri:- Wacaleykuma salaam.

Wuxuu yiri:- Miyaan soo dhawaadaa?

Waxay tiri:- Soo dhawaaw.

Wuxuu weydiiyey:- Maxaa idin helay?

Waxay tiri:- Habeenkii baa nasoo gaabiyey iyo qaboow.

Wuxuu weydiiyey:- Maxaa helay ilmaha yar ee ooynaya?

Waxay tiri:- Baahi bay la ooynayaan.

Wuxuu weydiiyey:- Waa maxay waxa dabka saaran?

Waxay tiri:- Waa biyo aan ku sasabaya jeer ay ka seexdaan, Alle ayaana dhexdayada ahaaday annaga iyo Cumar.

Markaasi haweeneydani ma dareensana inuu ninkani yahay Cumar, waxayse ogtahay in amiirka Muminiinta la yiraahdo Cumar.

Markaas buu Cumar ooyey, oo laabtay asagoo degdegaya, wuxuuna galay baqaasiinkii oo kasoo saaray daqiiq iyo saliid, markaasuu Aslam ku yiri:- Aslamoow!! ii saari dhabarka.

Wuxuu yiri Aslam:- Anigaa kaa qaadaya.

Wuxuu yiri Cumar:- Oo ma adigaa iga qaadeysid dembigeyga maalinta Qiyaama? Dabadeed daqiiqdii iyo saliiddii ayuu dhabarka kusoo qaaday oo u geeyey haweeneydii. Markaas buu daqiiqdii dhabarkiisa ka dejiyey oo inta in xoogaa ah kasoo qaaday ku shubay dherigi, saliiddiina uu ku daray, oo dabadeed dabkii afuufay muddo, ayadoo qiiquna uu buuxiyey gadhkiisa. Kadib waa uu kasoo dejiyey. Dabadeed wuxuu dalbaday weel, oo ugu riday, suu hor dhigay ilmahii yaraa, oo ka hoos leexday, wuxuuna ku yiri:- Cunaya!!. Markaasay cuneen jeer ay dhargeen. Haweeneydiina way u duceyneysay ayadoonan ogeyn inuu yahay amiirkii Muminiinta. Cumar kamuuna tegin jeer ay carruurtii seexdeen. Markaas buu raashiinkii u reebay oo ka tegey. Markaas buu inta xaggeyga usoo jeestay buu igu yiri:- Aslamoow!! waxa soo jeediyey ee ka oohinayay waa baahida.

6. Cali bin Abii Daalib ayaa Cumar kula kulmay duleedka magaallada Madiina xilli uu hanfi kululi dhacaya. Markaasuu weydiiyey:- Halkee baad kusocotaa amiirkii Muminiintoow!!?

Wuxuu yiri:- Awr kamid ah geelii saddaqada oo lumay ayaan raadinayaa, oo aan dalabkiisa kujiraa.

Markaasuu Cali yiri:- Dhab ahaan, waa aad daalisay khaliifada kaa dambeyso.

Caddaaladdiisii waxay ahayd mid aanan la soo koobin karin xusiddeeda, wuxuuna ahaa mid ay mashriq iyo maqrib gaadhay caddaaladiisii Illaahay haka raalli noqdee. Sidoo kale wuxuu ahaa mid ay Alle ka cabsigu ku weyntahay.

Alla ka cabsigiisii wuxuu gaaray heer aanan la miithaali karin. Anas bin Maalik, wuxuu sheegay in Cumar markii uu salaadda Cisha dadka tujiyo kadib uu aadi jiray gurigiisa oo uu ilaa fajarka salaad u taagnaan jiray.

Siduu usoomi jiray baa midibkiisii doorsoomay oo uu noqday madow weyti ah. Markii ay dhacday abaartii Rammaadah, wuxuu iska xarrimay oo ka fogaaday cunidda wax dufan leh, asagoo markii horeba ku noolaa kibis iyo milix iyo saliid, taasoo uu weli ka dhergi jirin. Taasuna waxay gaarsiiyey in midibkiisii uu doorsoomay oo si aad ah u dhuubtay, awooddiisuna daciiftay. Wuxuu gaaray heer ay Muslimiintii u naxeen naftiisa. Wuxuuna asagu oran jiray:- Waali masuul baas baan ahay haddii aan dhergo Muslimiintoo baahan.

Sanadkasi ay dhacday abaartii loo yaqaanay Rammaadah, xaaladdu markay darraatay, oo umaddii baahi daray aafeysay, baa Cubaydillaah bin Cumar wuxuu qashay neef ri ah oo u joogtay, wuxuuna amray xaaskiisii inay u sameyso si ay u quutaan maadaama aanay muddo dhadhamin quud dufan leh. Cumar bin Khaddaab baa markii uu arrintaasi ogaaday yimid gurigii Cubeydilalah oo inta aad u carooday ku canaantay falka uu sameyey xilli ay Muslimiintu baahanyahiin oo abaar darani ku habsatay. Markaas buu Cumar amray in markii hilibka iyo kibista la diyaariyo asaga loo keeno. Wuxuuna amray oo loo yeeray saxaabadii waa weyneed ee Muhaajiriin iyo Ansaar. Ayagii ayuuna amray inay cunaan hilibkii iyo kibistii.

Wejiga Cumar waxaa ku yiillay labo xariiq oo madmadow ah, kuwaasoo ay sameysay ilmadii ka quban jirtay siduu Alle u caabbudi jiray darteeda oo u ooyi jiray markii uu akhrinaya Quraanka. Wuxuuna ahaa mid cabsida Alle darteed la ooyo. Mararka qaar wuu miyir beeli jiray marka uu akhriyo Quraanka kariimka, oo marar dambe soo miyirsan jiray. Taasu waxay sababi jirtay in maalmo gurigiisa lagu soo booqdo isagoo aanay jirin wax cudur ah oo haya marka laga reebo cabsida Alle oo uu la sakaraadi jiray.

Asagoo khaliifa ah, oo xukunkiisa uu gaaray bari iyo galbeed, ayaa wuxuu ku lebisan jiray maro suuf ah oo dhammaad ah, oo aanan ishu qabaneyn. Lagama dhex garanayn Muslimiinta. Qofkii aanan horey u aqoon Cumar, haddii uu masjidka soo galo ayadoo Cumar uu asxaabtiisa la fadhiyo, waxaa qofkaasi dhib ku noqoneysay inuu ogaado qofka Cumar ah. Ma uusan lahayn waardiyo, masjidka ayuuna iska seexan jiray intuu goiisa huwado, ayadoo carruurta yaryari ay ku cayaarayaan, dushiisa ayuu iska gami jiray.

Mar la geeyey Hurmuzaan magaalladii Madiina, oo masjidkii la geeyey si uu Cumar halkaasi kula kulmo, wuxuu arkay Cumar oo go yar huwan oo masjidka dhex jiifa, iyadoonay jirin cid waardiyeyneyso. Waxay Hurmuzaan taasi ku noqotay fajaciso, waayo wuxuu qaadan waayay ninka boqortooyada Furus iyo ta Ruum ay ka fadhin waayeen ee la wareegay, adduunkii xilligaasi jirayna intiisa badan ay asaga hoos timaaddo inuu meel cidlo ah oo misna dhulka masjidka iska jiifo waxay kunoqotay wax maskaxdiisa ka weyn. Sidaa darteed buu Hurmuzaan ku celceliyey:- Meeyey waardiyaashiisii?

Dharkiisa ayuu meydhan jiray, maradiisuna waxaa laga heli jiray dhowr karan oo uu asagu gacantiisa ku tolan jiray, kabahiisuna sidoo kale.

Anas bin Maalik wuxuu yiri:- Waxaan la joogay Cumar. Markaasuu galay beer, waxaana inoo dhaxeeyey deyrka beerta, suu yiri asagoo isla hadlaya:- Cumar bin Khaddaab, amiirkii Muminiinta. Bakh!! bakh!!. Illaahay baan ku dhaartaye, waad Alle ka cabsataa ina Khaddaaboow!! ama lagu cadaabyay. Markaasaa la weydiiyey arrinkaas. Suu yiri:- Nafteyda baa i cajabisay. Markaasaan damcay inaan liido.

Khaatumkiisa fargashigiisa waxaa ku naqshadeysnaa weedhan Kafaa bil Mowti Wacidan Yaa Cumar! Oo la macno ah, geerida ayaa waano kuugu filan Cumaroow!

Dilkii Amiirka Muminiinta ee Cumar bin Al Khaddaab

Markii uu ka faaruqay sanadkii 23aad Xajka wuxuu degay Al Abdhax, halkaasoo uu Alle ku baryay, asagoo uga ashkatoonaya in cimrigiisii weynaaday, raciyadiisuna badatay, dhulalkiina uu kusii fogaaday oo meelo badan uu furtay, quwaddiisiina ay daciiftay. Wuxuu markaasi Illaahay ka baryay inuu oofsado oo kumanneysto shahaado, kuna oofsado magaalladii Nebiga SCW ee Madiinah.

Labadaasi arrimood ee ah shahaadada iyo inuu ku dhinto baladkii Rasuulka Alle SCW, Illaahay wuu u qadaray, wuuna ka aqbalay addoonkiisii ducada, waxaana dilay gaal Majuusi ah oo la oran jiray Abuu Luluah Fayruuz bin Rustum Al Majuusi. Kaasoo dilay goor salaad subax ah, asagoo dadka tujinaya oo istaagay mixraabka, subax Arbaco ah dhammaadkii bishii Dil Xajjah, wuxuuna la helay qinjir middi labo afood leh, oo uu ku dhuftay saddex dhufasho, waxaa kaloo la sheegaa inuu ku dhuftay lix darbo oo halis ah. Markaas buu Cumar dhacay oo inta gacanta qabtay C/Raxmaan bin Cowf amray inuu dadka salaadda ka bixiya. Ninkii Majuusiga ahaa wuxuu mindidii khinjirka ahayd lasii maray wixii uu arko, wuxuuna sidaa ku dhaawacay 13 ruux, oo lix kamidi ay dhinteen. Dabeetana C/llaahi bin Cowf ayaa goiisii ku qabtay. Markiina uu arkay inuu gacan galay ayuu is dilay gaalkii Majuusiga ahaa, lacnadi dushiisu ha ahaatee. Markaas baa Cumar gurigiisii loo qaaday. Marna wuu miyirbeelayay, marna wuu soo miyirsanayay. Markuu soo miyirsaday wuxuu dadkii weydiiyey in salaaddii la tukaday? Markaasay usheegeen in la tukaday, markaasuu yiri:- Nasiib malahan qofkii ay ka taga. Dabeetana wuxuu dalbaday weysa oo tukaday. Waqtigaasina wuxuu ahaa ka hor intaanay qorraxdu soo bixin. Dabadeed wuxuu weydiiyey qofka dilay? Waxaa lagu yiri:- Abuu Luluah adeegahii Muqiirah bin Shucbah. Markaasi buu Cumar farxay oo Alle mahadiyey inuu dilkiisa ku sababay qof aanan weligiis Alle u sujuudin. Misna wuxuu yiri:- Illaahay ha dulleeyoee waxaanu amarnay wanaag.

Ninkan wuxuu adeega u ahaa Muqiirah bin Shucbah. Wuxuuna ahaa farsama yaqaan tumaal iyo fuundi ah, markaasuu Muqiirah u qoray malin waliba 2 Dirham. Dabeeta Cumar baa amray inuu u siyaadiyo maadaama uu yahay nin sanca yaqaan ah. Cumar ma uu ogolaan jirin in magaalladu ay soo gasho cidaanan laga aqoon, sidoo kalena ma ogoleyn in idin laaan laga baxa magaallada Madiina. Sifada uu ninkani kusoo galay magaalladu waxay ahayd, Muqiirah bin Shucbah baa gobalka warqad uga soo diray Cumar, asagoo ka codsanaya inuu usoo diro nin Majuusi ah oo farsama yaqaan ah, si uu reer Madiina uga caawiya dhanka farsamada gurya dhisidda iwm. Markaas buu Cumar ka yeelay oo kusoo dhaweeyey. Sidaa darteed baa wuxuu markii dambe Cumar amray Muqiirah inuu u kordhiyo intuu horey ugu tala galay mishahar ahaan.

Intaas dabadeed Markii Cumar la duray wuxuu dhibsaday inuu khaliif sameeyo, wuxuuna jecleystay inuu khaliif laaan ka tego umadda, oo haddii Alle kheyr waafajiyo uu asaga haleeshiiyo koodii ugu kheyr badan. Saxaabo badan iyo dadkii Muslimiinta ayaa arrintaasi ay u cuntami weyday, waxayna ku taliyeen inuu Cumar sameeyo khaliif asaga bacdigiisa ah. Qaar uu Muqiirah ku jiro ayaa waxay u tilmaameen inuu C/llaahi bin Cumar u dardaarmo khilaafada, balse arrintaasi Cumar aad buu uga xanaaqay, kuna canaantay dadkii fikraddaasi usoo jeediyey. Runtii C/llaahi wuxuu ahaa nin u qalmay booskaasi, oo taqwa iyo suhdi badan, balse Cumar wuxuu dhibsanayay in arrintu ay dhaxaltooyo u ekaato. Wuxuu markuu ka fursan waayay arrinkan masuliyadda ahi u dardaarmay lix nin oo kamid ah kuwii uu Rasuulka SCW ka geeriyooday asagoo ka raalli ah, kana mid ah tobankii jannada loogu bishaareeyey. Waxayna kala ahaayeen Cuthmaan bin Cafaan, Cali bin Abii Daalib, C/Raxmaan bin Cowf, Dalxa bin Cubaydillaah Zubayr bin Al Cawaam iyo Sacad bin Abii Waqaas. Wuxuu ka reebay Saciid bin Zayd oo kamid ahaa 10-kii Jannada loogu bishaareeyey. Sababtuna waxay ahayd inay qaraabo soke ahaayeen. Wuxuuna Cumar oran jiray:- Arrinkii Muslimiinta halaga weydiiyo reer Khaddaab nin qura yacni asaga Cumar oo kaliya halaga weydiiyo maalinta Qiyaama. Wuxuu sidoo kale dhibsaday Cumar inuu sameeyo khaliif, siduu u sameeyey Abuu Bakar oo kale. Dadkiina waa ay ku adkeeyeen arrinkaas, markaas buuna amray in lixdaasi nin ay mid iska doortaan. Wuxuuna ku daray C/llaahi bin Cumar si uu goob joog ula ahaado marka ay shirayaan oo uu u waaniyo. Wuxuuna amray inuusan C/llaahi arrinka waxba ku lahayn oo aanan la dooran kareyn. Dhanka kale wuxuu yiri:- Haddii ay Cali doortaan dhabbada toosan ayuu qaadsiin. Markaas buu wiilkiisa C/llaahi weydiiyey sababta uuna u magacaabeyn Cali. Wuxuuse markaasi sheegay inuu dhibsanaya in masuuliyadaasi ay sii saarnaato xitaa markuu dhinta ka dib. Misna mar kale wuxuu yiri:- Umaleyn mahayo in dadku ay ku doorsan doonaan Cuthmaan iyo Cali qof kale. Misna asagoo lixdii nin la hadlaya wuxuu amray hadday saddex iyo saddex noqdaan, in la raaco saddexda uu kujiro C/Raxmaan bin Cowf. Sidoo kale wuxuu yiri:- Haddii Sacad la doorto waa haggaag, haddiina la dooran, kiinnii la doorto hala tashado Sacad, waayo ugama aanan casilin magaallada Kuufo khayaano ama inuu kasoo bixi waayey. Dabeeta wuxuu u yeeray Abuu Dalxa Al Ansaari iyo Al Miqdaad bin Camr oo amray inay soo kaxaystaan 50 nin oo markaasi albaabka u fadhiistaan nimanka ahlu shuuraha ahi, oo dadka ka waardiyeeyaan. Wuxuuna amray haddii ay saddex casho gudahooda amiir ku dooran waayaan dhimashada Cumar kadib inuu lixda ninba unuunka u dheereeyo, yacni qoorta jaro. Wuxuu sidoo kale amray haddii amiir la doorto oo mid kale ka daba kaca in qoorta la jaro.

Dabeeta wuxuu Cumar diray wiilkiisii C/llaahi oo uu u diray dhanka Caaisha si uu uga soo idmo in lagu aaso labadiisii Rafiiq agtooda Rasuulka SCW iyo Abuu Bakar. Markaas bay Caaisha ayadoo ooyeysa u ogolaatay waxay ka murugeysneed dhimashada amiirka Muminiinta. Waxayna marki hore halkaasi ugu talo gashay in ayada naf ahaanteeda lagu aaso. Waxayna u sheegtay C/llaahi bin Cumar in amiirka uu kamudanyahay ayada, oo ay u hibeysay booskeedii. Sidaa darteed buu C/llaahi u laabtay Cumar oo u sheegay. Wuxuu intaasi kadib Cumar amray in markii uu dhinta loo qaado gurigii Caaisha oo mar kale laweydiiya oo haddii ay u ogolaato markaasi lagu aaso haddii aanay ogolaanna loo qaado qabuuraha Baqiic. Wuxuuna sheegay in laga yaabo inay ka xishootay markii uu weydiistay.

Wuxuu sii amray salaad tujinta muddada ay ahlu shuuraha shirayaan inuu tujiya Suheyb bin Sinaan Al Ruumi. Horraantii bishii Muxarram maalin Axad ah ayaana lagu ag aasay labadiisii rafiiq, goobta gurigii Caaisha.

Wiilkiisii Cubeydillaah bin Cumar ayaa wuxuu dilay Hurmuzaan, iyo nin Ruumaan ah oo la oran jiray Jufaynah Al Ruumi iyo gabar uu dhalay Abuu Luluah, si uu ugu aaro aabahiis. Nimankaasina waxaa la sheegaa inay ka dambeyeen dilkii Cumar. Markaas buu Cumar amray in la soo qabta Cubaydillaah oo markii ahlu shuuraha ay amiir iska dhex doortaan uu hadhowta amiirkaasi xukmiyo haddii xukun qisaas ah lagu fulin doona iyo haddii kaleba.

Illaahay ha u nuuriyo qabrigiisa amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Khaddaab. Aamiin Aaamiin Aamiin.






Ra'yi lama dhiiban



Name:
Email:
Code: bn59
Text:
 

  • Home
  • Duruus
  • Quraan
  • Video
  • S&J
  • Muxaadao
  • Contacts



  • sisawc ka baro diintaada © 2012 privacy policy terms of use