Previous  




-

سبحان الله والحمد لله ولا اله الا الله والله اكبر
 

Cumar Bin Alkhaddaab rc Q-6aad

SANADKII 19AAD

Al-Waaqidi iyo rag kaloo eynigiisa ah waxay yiraahdeen:- Sanadkan baala furtay Madaain, Jolowlaa iyo Xulwaan. Hase ahaatee sida rajaxsan horey ayaanu usoo xusnay in waqtigaan ka hor la furtay, falillaahil Xamdu.

Muxammed bin Isxaaq wuxuu yiri:- Furashadii Jaziiradda iyo Ruha, Xowraan, Rasu Caynul wardah iyo Nusaybiin waxay ahayd sanadkan. Hase ahaatee jamaaca badan baa ku khilaaftay sidaasi, waxaanna soo xusnay in Jaziiradda la furtay sanadkan waqti ka horeeyay oo sidaas ayaana rajaxsan. Wallaahu Aclam.

Abuu Macshar, Khaliifah iyo Ibnu Kalbi waxay yiraahdeen:- Furashadii Qeysaariyah waxay ahayd sanadkan, waxaana amiir ka ahaa Mucaawiyah. Waxaa kaloo la sheegaa inuu amiir ka ahaa Yaziid, hase ahaatee horey ayaan usoo xusnay inuu Mucaawiyah furtay sanadkan ka hor labo sano. Wallaahu aclam.

Majirto dhacdo aan sanadkan soo qaadan karno aan ka ahayn aqwaasha culimada siirada sida ay ka yiraahdeen, waayo dhacdooyinkii aan sanadkan kusoo qaadan lahayn sida ay culimadaasi qaarkood kusheegeen ayaa aan dhammaantood horey usoo xusnay inagoo raacnay sida rajaxsan. Waxaa jira dhacdooyin badan oo ay culimadaasi qaarkood kusheegeen in sanadkan ay dhaceen hase ahaatee aan soo xusnay, waxaana kamid ah, Madaain, Jolowlaa, Xulwaan, Qeysaariyah, Jaziiradda, Rasul Ceyn, Nuseybiin iyo kuwa kaloo lamid ah. Sidaa darteed maadaama aan raacnay qowl kamid ah aqwaasha culimadaasi weliba kuwoodii rajaxsanaa ayaan door bideynaa inaanan soo celinin oo aanan sanadkanna ku xusin, waayo waan soo xusnay oo sidaas ayaan uga gudbeynaa idinka Alle.

SANADKII 20AAD

Ibnu Isxaaq waxuu xusay in sanadkan la furtay Masar, Al Waaqidina waxuu ku raacay in lafurtay sanadkan, waxuu kaloo yiri Aleskandariyana waxaa la furtay sanadkan. Abuu Macshar-se waxuu yiri:- Masar waxaa la furtay sanadkii 20aad, Alaskandariyana waxaa la furtay sanadkii 25aad..

Seyf bin Cumar waxuu yiri:- Masar waxaa la furtay sanadkii 16aad bishii Rabiicul- awal. Sidaasi waxaa rajaxay Abul Xasan ibnu Athiir oo ku xusay kitaabka Al Kaamil Fit- taariikh, markii uu ka hadlayey awrtii Camr bin Al Caas uu Masar kasoo diray sanadka abaartii Caamu Rammaadah. Waana mid u dhaw oo suuro gal ah siduu rajaxay Allaha u naxariistoe. Wallaahu Aclam.

Maadama aanan horey usoo xusin furashadii Masar baa innagoo raaceyna qowlka Ibnu Isxaaq, Al Waaqidi iyo Abuu Macshar ayaan sanadkan soo qaadan doonnaa furashadii Masar iyo siday udhacday hadduu Alle idmo.

Waana tan

Furashadii Masar

Markii Cumar bin Al Khaddaab ay u taam noqotay furashii dhulka Shaam buu Camr bin Al Caas u diray Masar, waxuuna Seyf bin Cumar xusay in Camr la diray kadib markii la furtay Beytul Maqdis.

Waxuu Cumar kasoo daba diray Zubayr bin Al Cawwaam oo ay la socdaan Busr bin Ardhaah, Khaarijah bin Xudaafa iyo Cumeyr bin Wahab Al jumaxi. Waxay kula kulmeen Camr bin Al Caas albaabkii Masar. Halkaasina waxay ugu tegeen laba nin oo uu soo diray Moqowqas boqorkii Askandariya si ay Muslimiinta uga hor istaagaan inay dhulkiisa soo galaan. Labadaasi nin waxaa la kala oran jiray Abuu Maryam Jaathaliiq iyo Asqaf Abuu Miryaam, waxayna ahaayeen reer Thaabaat. Markaa buu Camr bin Al Caas asxaabtiisii ku yiri:- Ha ku deg degina jeer aan cududaar siinno si ay inoogu soo baxaan Abuu Maryam Jaathaliiq iyo Asqaf Abuu Miryaam oo ah culimadii dhulkaan. Markaasay u yimaadeen.

Markaa buu Camr bin Al Caas ku yiri labadii nin:- Waxaad tihiin labadiinnu culimadii dhulkan ee dhageysto. Alle baa Muxammed SCW la soo diray xaq, oo uu amray. Markaasuu Muxammedna SCW innaga na amray wixii la amray, wuuna inoo gudey wixii la amray kadibna wuu tegay. Waxuuna inooga tegay arrin cad. Waxyaabahii uu ina amrayna waxaa kamid ah inaan dadka cududaar siinno. Haddaba inagu waxaan idiinkugu yeereynaa Islaamka. Kii naga yeelo innaga ayuu nala mid yahay, kii aanan naga yeelinna waxaan u bandhigeynaa jizyo, waxaana taasu idinkugu badalaynaa inaan idin ilaalinno. Waxuu inoo sheegay Rasuulkayaga SCW inaanu idin furan doonno, waxuuna inoo kiin dardaarmay inaan idinku dhowrno riximka. Haddii aad taasu naga yeeshaan waanu idin magan gelineynaa. Waxyaabahii uu amiirkayaga nagula ballamayna waxaa kamid ah inuu yiri :- U dardaarmo Qidbiyiinta wanaagga, waayo waxay leeyahiin rixim iyo magane.

Markii ay labadii nin dhageysteen hadalkii Camr bin Al Caas baa waxay yiraahdeen:- Taasi waa qaraabo fog oo aysan xiriirinin cidaanan ahayn anbiyada layaqaan ee sharafta badan. Waxay ahayd Haajar gabadhii boqorkayaga, waxayna kasoo jeedday reer Manf, oo boqortooyaduna dhexdooda ayay ahayd. Reer Caynu Shams baa markaasi ka adkaatay oo laayey, boqortooyadoodiina ka qaatey. Sidaa darteed bayna ku noqotay afadii Ibrahiim CS. Soo dhawaado adinkoo ehel ah. Inoo qabo muddo jeer aan kuusoo laabanno.

Waxuu yiri Camr bin Al Caas:- Anigoo kale lama khiyaano, hase ahaatee waxaan idiin qaban muddo saddex casho ah si aad u eegtaan oo qoomkiinuna ay u eegaan arrinka. Haddayan dhicin sidaa waanu idin soo weerarin.

Waxay yiraahdeen:- Inoogu dar? Markaasuu maalin kale ugu daray. Misna waxay yiraahdeen:- Inoogu dar? Markaasuu maalin kale ugu daray. Markaas bay laabteen oo ay u tegeen Moqowqas oo uu markaasi la joogay Ardhaabuun. Markii ay boqorkii u sheegeen arrintii, baa Ardhaabuun oo la fadhiyey boqorka ayaa wuxuu u tilmaamay in la iska celiyo ciidamada Muslimiinta oo lala dagaallaamo. Sidaas ayuuna boqorkii ku raacay oo taladaasi ayay qaateen. Labadii nin madaxdoodii ayay taasi ku raaceen waxayna yiraahdeen: Innaguna waanu idinka difaaceynaa oo kulaaban meyno. Rag kamid ah madaxyaweyntoodii baa waxay yiraahdeen:- Oo sideed ula dagaallameysaan qoom dilay Kisraa iyo Qeysar oo dhulalkoodiina kaga adkaaday? Qab weynahii Ardhaabuun ayaa taasi ku gacan seyray madaxdii oo ku qasbay in Muslimiinta weerar lagu qaado intaysan dhammaan muddadii ay usoo qabteen labada nin. Sidii bay sameeyeen oo ay Muslimiintii weerar ku qaadeen hase ahaatee kumaysan guuleysan oo jab iyo hoog ayey ka dheefeen iyadoo laga laayey tiro aad u badan oo uu kujiray Ardhaabuun qudhiisa.

Zubayr bin Al Cawwaam waxuu maalintaasi kasoo dul booday deyrka weyn oo uu baladkii soo dhex galay isagoo laynayey wixii uu helo. Markii ay taasi ka war heleen bay albaabkii Camr bin Al Caas u ordeen oo ay ka dalbadeen in uu la heshiiyo. Zubayrna dhankiisa seyf ayuu kusoo maray jeer uu yimid albaabkii Camr bin Al Caas, halkaasoo lagu qoray heshiiskii uu Camr u qoray Qidbiyiinta.

Waxuu Camr bin Al Caas u qoray reer Masar warqad magan galyo ah isagoo u qoray in nafahooda, diintooda, maalkooda kaniisadahooda iyo saliibkooda baddooda iyo berrigooduba u ballan qaaday inaanan lagu xad gudbin. Waxuuna taasi baddalkeeda kula heshiiyey inay bixiyaan jizyo. Sidoo kale dadkii Nuubiyiinta iyo Ruumaanka ee Masar wax ka deganaa waxuu u qoray heshiis lamid ah kan reer Masar. Intaasi kadib fardooleydii Muslimiinta iyo Camr ibnu Al Caas ayaa waxay degeen goobtaa iyada ah ee uu heshiiska ka dhacay, markaasuu Camr ka dhistay teendhadiisii halkaas, ciidankii oo idilna hareerahiisa ayay ka dhisteen. Waana halka maanta ah caasimadda Masar ee Al Qaahira. Camr bin Al Caas waxuu halkaasi kadhisay jaamic weyn oo lagu tukado, kaasoo markii dambe isaga loogu magac daray. Waana jaamica weyn ee kuyaal magaallada Al Qaahira ee loo yaqaan Masjid Camr bin Al Caas.

Markii Camr bin Al Caas uu halkaa degay ayaa waxaa u yimideen labadii nin oo ay kala hadleen in loosii daayo dumarkii iyo carruurtii lagaga qafaashay macrikada. Markaasuu Camarna ka diiday inuu uceliyo waxuuna amray in la eryo oo hortiisa laga kaxeeyo labadaasi nin. Arrintaasi markay gaartay Cumar bin Al Khaddaab buu soo amray in loosii daayo wixii lagaga qafaashay muddadii shanta maalmood ee uu u qabtay, iyo kuwii aanan la dagaalin. Kuwii la dagaallamayse waxuu soo amray inuusan sii deynin oo uusan u celinin. Waxaa la yiraahdaa Cumar bin Al Khaddaab waxuu kaloo soo amray in lakala dooransiiyo wixii qafaal ah ee gacantiisa Camr bin Al Caas kujiro Islaamka iyo in loo celiyo dadkooda. Qofkii doorto Islaamka, waxuu soo amray inaanan la celinin, kii doortase in ehelladiisii loo celiyo waxuu amray in laga qaado jizyo. Markaasay qaarkood doorteen Islaamka qaar kalena ay ehalladoodii ku laabteen oo ay bixiyeen jizyo.

Kadib Camr bin Al Caas ciidamo ayuu u diray dhanka Aleskandariya oo uu madax ka ahaa Moqowqas. Moqowqas waxuu dhulkaasi masuul uga ahaa boqortooyadii Ruumaanka ee la boqno gooyey. Markiina uu Camr bin Al Caas gaaray halkaas buu Moqowqas ka war helay warkaas. Markaasuu isu soo aruuriyey waxgaradkiisii oo ku yiri: Carabtani waxay ka adkaadeen Kisra iyo Qeysar oo ay suuliyeen boqortooyadoodii. Tabarna uma hayno ee rayiga agteyda ahi waxuu yahay inaan siinno jizyo. Markaa buu Moqowqas u qoray warqad Camr bin Al Caas isagoo ku oranayo: Waxaan jizyo siin jiray dad aan adinku idinka necbahay Ruum iyo Furus. Kadibna waxuu kula heshiiyey inuu bixiyo jizyo, waxaana la sheegaa in uu 12 000 Dirham kula heshiiyey. Camr bin Al Caas waa uu ka guddoomay heshiiskii oo warqad magan gelyo ahina uqoray. Intaa kadib Camr guushii furashada iyo khumuskii qaniimada ayuu u diray dhankii amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Al Khaddaab iyo magaalladii Madiina.

Waxaa la sheegaa in intaas kadib Camr bin Al Caas iyo Zubayr ay aadeen Caynu Shams oo ay godoomin ku qabteen. Markaasuu Camr bin Al Caas u diray Abraha bin Sibaax dhanka Al Farmaa. Waxaa la sheegaa Aleskanderiya inuu u diray Cowf bin Maalik, oo markaasi furtay. Wallaahu aclam.

Intaasi kadib ciidamadii Muslimiinta waxay kusii duuleen dhulka Nuubah, halkaasoo ay kala kulmeen dhaawacyo aad u badan oo ay kuwaayeen indho badan, Nuubiyiinta oo si aad ah ugu dheereesey ganida gamuunka darteeda.

Waxaa la isku khilaafaa Masar ma waxaa lagu furtay heshiis ama xoog?

Waxaa la yiraahdaa: Waxaa lagu furtay heshiis, waana qowlka Yaziid bin Abii Xabiib. Waxaa kaloo layiraahdaa: Waxaa lagu furtay xoog. Waana qowlka Ibnu Cumar iyo jamaaco kale oo qeyrkiisa ah. Wallaahu aclam.

Qisadii Webiga Niil

Markii la furtay Masar ayay reer Masar u yimaadeen Camr bin Al Caas kadib markii la gaaray bil kamid ah bilihii ay tirsan jireen Cajamta. Waxayna ku yiraahdeen: Amiiryahow! waxaan lahayn caado sanadkan haddii aanan sameynin uusan webiga soconeynin.

Waxuu ku yiri: Oo maxay ahayd?

Waxay yiraahdeen: Markay labo iyo toban casho ka tegto bishan baan gabar qurux badan oo bikro ah kasoo kaxayn jirnay waalidkeeda oo aan waalidkuna siin jirnay wax ay ku raalli noqdaan. Markaasan dusheeda saari jirnay yacni u xiri jirnay xulliyad iyo dhar aad u qurux badan oo ah wax la xirto waxa ugu wanaagsan, saan webiga ku tuuri jirnay.

Waxuu yiri Camr bin Al Caas:- Tani waa mid aanan ku habbooneyn diinta Islaamka ah. Waayo Islaamku waxuu tiraa wixii ka horeeyay. Markaa bay iska laabteen, webigiinna sidii ay sugayeen ma iman oo waxyar iyo wax badanba midna ma dhaqaaqin. Markii ay xaaladdii ku darraatay buu Camr bin Al Caas warqad u qoray amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Al Khaddaab isagoo kula socodsiinayo arrintaasi. Markaasuu Cumar warqad usoo diray dhankii Camr bin Al Caas isagoo ku oranayo:- Waad asiibtay sidaad sameysay, waxaana kuusoo diray warqad ay kudhex jirto warqad kale ee ku dhex tuur webiga. Markii ay warqaddii soo gaartay Camr bin Al Caas oo uu furay si uu u akhriyo waxuu ka akhriyey sida tan:

Ka socoto Addoonkii Alle

Cumar Amiirkii Muminiinta.

Kusocoto webiga Niil ee reer Masar.

Intaa dabadeed: Haddii aad ahayd mid kusocda amarkiisa iyo rabitaankiisa haddaba ha socon kuumana baahinine. Haddiise aad ahayd mid kusocday amarka Allaha kaliga ah ee awoodda badan isaga ayaa kusocodsiin doono. Waxaana Alle Sarreeye weydiisaneynaa inuu kusocodsiiyo.

Markii uu Camr bin Al Caas warqaddii akhriyey buu inta qaaday kutuurey webigii Niil. Markaasay reer Masar waabariisteen aroor Sabti ah webigii oo socdo oo biyuhu qulqulayaan. Halkaas bay ku dabar goday caadadii foosha xumeyd ee ay reer Masar haysteen, illaa maantadanna wuu socdaa webigii Niil oo muusan istaagin. Falillaahil Xamdu..

Waxuu yiri Ibnu Jariir: Sanadkan ayuu ku duulay Abuu Baxriyah C/llaahi bin Qeys Al Cabadiyu dhulkii Ruum. Waxuuna ahaa qofkii ugu horeeyay ee ku duulo. Wuxuu soo laabtay isagoo bad qabo soona qaniimeystay. Waxaa kaloo la sheegaa inuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee galo dhulka Ruum Maysarah bin Masruuq Al Cabasiy. Wallaahu aclam.

Al Waaqidi wuxuu xusay in sanadkan uu Cumar bin Al Khaddaab madax uga dhigay Yamaamah iyo Baxreyn Abuu Hureyrah Ad-Dowsi Allaha ka raalli noqdee.

Sanadkan dhexdiisa buu Cumar bin Al Khaddaab u diray Xabashi soo weerartay Jiddah Calqamah bin Al Mujazir Al Mudjali. Waxuuna amray inuu uga duulo dhanka badda, hase ahaatee muusan soo laaban oo halkaas ayaa lagu asiibay. Fa innaa lillaah wa innaa illeyhi raajicuun. Arrintaasi Cumar aad buu uga murugooday oo uu u dhibsaday. Sidaa darteed buuna dhaar kumaray inuusan ciidama Muslimiin ah dib dambe ugu dirin badda.

Waxuu Cumar sanadkan guursaday Faadimah bint Al Waliid bin Muqiirah, taasoo uu horey kaga geeriyooday Al Xaarith bin Hishaam Allaha ka raalli noqdee. Sanadkan waxaa dadka xajiyey amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Al Khaddaab, masuuliyiintiisii goballaduna waxay ahaayeen sidoodii marka laga reebo Abuu Hureyrah oo uu sanadkan masuul uga dhigay Yamaama iyo Baxreen.

SANADKII 21AAD

Waa sanadkii ay dhacday dhacdadii

Nahaawunda

Dagaalkan Nahaawunda wuxuu ahaa dagaal weyn oo dhex maray ciidamadii Muslimiinta iyo majuustii Furus, waxuuna lahaa shani weyn iyo war cajiib ah, waxayna Muslimiinta ugu magac dareen Fatxul fatuux Furashadii furashooyinka.

Waxay yiraahdeen Ibnu Isxaaq iyo Al Waaqidi: Waxuu dhacay dagaalkii Nahaawunda sanadkii 21aad ee Hijriyada.

Sayf bin Cumarse wuxuu yiri: Waxuu dhacay sanadkii 17aad ee Hijriyada. Waxaa kaloo la sheegaa inuu dhacay 19-kii Hijriyada, sida rajaxsanse waa inuu dhacay sanadkan. Wallaahu aclam.

Sababtu waxay ahayd goor ciidamadii Muslimiinta ay wada furteen gobalkii Ahwaas iyo magaalooyin kale oo waaweyn ee kamidka ahaa magaalooyinkii Majuusta ayaa amiirkii Muminiinta Cumar bin Khadaab wuxuu amray asxaabtiisa inaanay ciidamada Muslimiinta kusii fogaanin dhulalka Furus ee fog fog, is gaarsiintii oo fogaatay awgeed iyo dhulkii uu Islamka ka talinaayey oo noqday dhul aad u ballaaran, waxuuna markaas Cumar is tusaayey inaysan u wada talin karin dhulalkaas fog fog. Hase ahaate waxaa arrintan kaga hor yimid Cumar koox saadaaddii Muslimiinta kamid ah oo uu kamid ahaa Axnaf bin Qays .

Waxuu Axnaf bin Qeys ku yiri Cumar: Amiirkii Muminiintoow! laba qolo dhul kama wada talin karaan, kana joogi mahayaan Majuusta inay nagu soo weeraraan goobahayaga ee inoo ogolaaw inaan ka saarna majuusta dhulka Furus oo dhan. Markaas buu Cumar ku qancay in la wada furta dhulka Furus.

Goor ay doodahaasi socdeen ayaa waxaa Cumar bin Khadaab u timid warqad kasocotay dhanka amiirkii ciidamadii Muslimiinta ee ka dagaallamayey Ciraaq Sacad bin Abii Waqaas, waxayna warqadaasi tilmaameysay in Faarisiinta ay soo uruuriyeen ciidan aysan horey mid lamid ah usoo uruurin, oo ay soo degeen goobta Nahaawunda ayna weerar kusoo yahiin dhanka Muslimiinta.

Markaa buu Cumar garwaaqsaday hadalladii uu Axnaf bin Qeys horey kula taliyey, Sacadna mar waliba waa uu la socodsiinayey xaalada halka ay mareysa oo warqado ayuu u diri jiray.

Markii dambe ayaa waxaa Sacad kasoo eed sheegtay koox kamid ahaa ciidamadii Musliinta waxayna u tegeen Cumar oo ay uga dacwoodeen Sacad, waxaana kamid ahaa waxyaabahii ay kaga soo dacwoodeen inuusanba Sacad hagaajin karin xitaa salaadda iyo inuusan si caddaalad ah wax ugu qeybinin oo uusan u xukminin.

Nin la oran jiray Al Jarraax bin Sinaan Al Usdi ayuu ahaa ninkii u hadlaayey kooxdaas arrimahaas kusoo eedeeysay Sacad, waxuuse Cumar ku yiri Al Jarraax iyo qolooyinkiisii: Waxaa u daliil ah waxa aad sheegeysaan inay been iyo shar yahiin xaaladda imminka lagu jira iyo iyadoo uu Sacad isku diyaariyey inuu la dagaallama acdaada Allaah, mase jirta arrin diideysa inaan dhex galo arrinkiina oo aan baaro wixii ka run ah.

Intaas kadib buu Cumar soo diray Maxamed bin Maslama oo aallaaba isaga arrimahaas dacwada iyo is qab qabsiga loo diri jiray, markii uu Maxamed magaaladii Kuufa yimidna waxuu masjidkii isugu soo kulmiyey dadkii oo uu weydiiyey inay jirta cid dacwa ka qabta Sacad bin Abii Waqaas? Balse lama uusan kulmin waxaanan kheyr ahayn cid ka sheegta Sacad bin Abii Waqaas, marka laga reebo kooxdii Al Jarraax bin Sinaan oo iyagu iska aamusay.

Dabeeto waxaa kacay nin la oran jiray Abuu Sacdah Usaama bin Qataadah oo yiri Haddii aad Maxammadow!! ina dhaarisay, Sacad si isla eg oo caddaalad ah wax uma qeybiya, raciyaduna uma caddaalad falo mana raaco sirriyada. Markaa buu Sacad Allaah baryey oo habaaray ninkaasi isagoo leh: Allahayoow! haddii uu u yiri kalmaddaas istus tus iyo been iyo halagu maqla, Allahayoow! indhaha tir oo kayeel faqiir, carruurtiisana badi, kuna imtixaan fidno.

Markaa buu ninkii indha beelay waxuuna mar dambe dhalay 10 gabdhood, mar waliboo uu maqla cod haweeneyna xaggeeda ayuu ku ordi jiray, markii la weydiiyana waxuu oran jiray Waxaa igu dhacday inkaartii ninkii barakeysnaa ee Sacad.

Waxaa kaloo uu Sacad habaaray Al jarraax bin Sinaan oo jirkii googoay maalkiina masiiba uga dhacday, sidaa si lamidna waxuu wada inkaaray dhammaan intii falkaas iyo dacwada beenta ah ka dambeysay. Illaahayna wuu ku wada riday wixii uu Sacad ku inkaaray, waayo Sacad waxuu ahaa nin Mustajaabu duca ah, Rasuulka SCW ayaana sidaa ugu duceyay.

Dabeeta waxay Sacad, Maxamed bin Maslama, Al Jarraax bin Sinaan iyo kooxdiisii tegeen magaaladii Madiina, markii ay la kulmeen Cumarna waxuu weydiiyey sida ay kusoo eedeeyeen Sacad ee uu salaadda u tukada? Waxayna yiraahdeen: Waxuu dheereeyaa labada rakaco ee hora halka kuwa dambana uu gaabiya.

Waxuu yiri Sacad Dhab ahaantii anigu waxaan ahaa qofkii saddexaad ee Islaama,waxaana ahaa ninkii ugu horeeyay ee gamuun u ganay dar Alle, waxuuna Rasuulkii Alle SCW igu kulmiyey aabahiis iyo hooyadiis isagoo igu furtay maalintii Uxud asagoo leh:- Tuur Sacadoow! kugu furtay aabahay iyo hooyadeyba , horeyna ugumuusan kulmin Rasuulka SCW hooyadiis iyo aabahiis oo kumuusan furan axad aniga iga horeeyay, markaas bay banii Asad yiraahdeen Sacad salaadda ma haggaajin karo.

Waxuu yiri Cumar: Yaad uga soo tegtay Kuufa?

Waxuuna ku jawaabay: C/llaahi bin C/llaahi bin Citbaan.

Markaa buu Cumar u daayey C/llaahi bin C/llaahi bin Citbaan masuul ahaan magaaladii Kuufa, waxuuna ahaa Ibnu C/llaahi bin Citbaan nin oday ah oo kamid ahaa akhyaartii saxaabada waxuuna xulufa la ahaa banii Xabliy oo Ansaarta kamid ahayd.

Sacad isaga waalaga casilay imaaradda dambi la aan isagoo beri ka noqday waxyaabahii ay kusoo eedeeyeen wax makastii banii Asad. Dhanka Faarisiintii iyagu meel waliboo fog bay isaga yimaadeen oo ciidama tira badan oo uu hoggaaminayo Feyruzaan oo dhan 150 000 bay isu keeneen. Waxaa kaloo la sheegaa inuu hoggaaminayey Bandaraan ama Dul Xaajib, waxaase xaqiiqda udhaw inuu hoggaaminayey ciidamadaas Feyruzaan.

Iyagoo isdhaarsanayo Majuusta ayaa waxay isku yiraahdeen: Maxammed kii Carab u yimid ma uusan soo haweysan boqortooyadeenna, Abuu Bakarkii ku xigayna lamid, markaa baa markii Cumarkan waqtigiisii uu dheeraaday ayuu kusoo duulay boqortooyadeennii oo uu banneystay xurmadayadii, oo uu qaatay maalkayagii, intaana kumuusan ekaane waxuu inoogu yimid oo uu inagu soo weeraray guryahayagii oo uu qaatay hantidii aqalka boqortooyadeenna, kuna joogsan mahayo intaas jeer uu idinka wada saara dhulkiina.

Waxay isku dhaarsadeen Majuusta inaysan cararin oo waxay ku ballameen in lagu duullo Kuufa iyo Basra, Cumarna lagu mashquuliya dhulkiisa, waxayna isku dhaaranshahaas iyo ballantaas ay ku qoreen warqad si ay u adkeeyaan.

Sacad bin Abii Waqaas markii uu tegay magaaladii Madiina ayuu uga warramay amiirkii Muminiinta arrimihii markaas jiray oo si fiican uga shaafiyey xaalkii Majuusta iyo inay weerar culus soo wadaan .

Dhanka kale waxaa Cumar warqad usoo diray amiirkii cusbaa ee Kuufa C/laahi bin C/llaahi bin Citbaan waxuuna warqadaas usoo dhiibay Qariib bin Dhafar Al Cabadiyu,wuxuuna uga warramay halka uu xaalku maraya iyo in ciidama tira badan oo majuus ah ay isku urursadeen la dagaalanka Muslimiinta iyo inay weerar kusoo qaadaan oo ay baabiiyaan Islaamka iyo ehelkiisa, waxuuna C/llaahi ibnu C/llaahi bin Citbaan ka dalbaday amiirka Muminiinta inuu u ogalaado inay ku deg degaan oo ay ka hortegaan Majuusta.

Waxuu Cumar suaalay ergaygii warqadda siday: Magacaa?

Waxuu yiri: Qariib.

Waxuu yiri: Ina ayo?

Waxuu yiri: Ina Dhafar. Markaa buu Cumar isagoo macneysanaya magacaasi yiri: Dhafrun Qariib. Oo la macna ah guul baa soo dhaw, intuu labadii magac isdaba mariyey. Markaa buu Cumar amray in la naadiyo dadka oo reer Madiina oo idil ay masjidka isugu wada yimaadaan.

Markaas buu Muslimiintii oo idil kusoo kulmiyey masjidka. Waxaa la yiraahdaa qofkii ugu horeeyay ee masjidka maalintaa soo gala waxuu ahaa Sacad bin Abii Waqaas. Markaa buu Cumar dadkii u khudbeeyay isagoo usheegay halka ay arrintu mareysa iyo in loo baahanyahay ciidan, waxuuna wada tashi la qaatay saadaaddii saxaabada oo ay ka mid ahaayeen Sacad bin Abii Waqaas, C/raxmaan bin Cowf, Cuthmaan bin Cafaan, Cali bin Abii Dhaalib, Dhalxa bin Cubeydillaah iyo rag kale oo ahlu rayiga kamid ahaa. Dhammaan waxay isla garteen inuusan amiirka Muminiinta bixin, Madiinana aan ciidan laga dirin, hase ahaatee waxay isla fahmeen oo ay hal rayi kanoqdeen in la diro ciidamo gurmad ah oo ka baxa goballada.

Cuthmaan bin Cafaan baa isagu wuxuu keenay fikrad ah in ciidama laga dira Shaam iyo Yeman loona dira Ciraaq, hase ahaatee Cali bin Abii Dhaalib baa isagana fikrad kale oo Cumar qancisay keenay, waxuuna tilmaamay in ciidama aanan laga dirin Yeman iyadoo looga baqaya in ay Xabashida soo weerarta Yeman, dhanka Shaamna aanan ciidan laga dirin, waayo waxaa macquul ah buu yiri inay ciidamada Roomaniska soo weeraraan Shaam, sidaa darteed waxuu ishaaray in Kuufa iyo Basra laga kala dira ciidama gurmad ah si ay uga hor tegaan Majuustaas isasoo bahaysatay.

Cumar bin Khaddaab waxaa cajab geliyey rayigii Cali oo uu qaatay, waxuuna Cumar la tashan jiray mar waliba oo uu arrin goosta Al Cabbaas bin Cabdmudallib, markaa buu Al Cabbaas utegay oo uu usheegay arrinta uu goostay isagana wuu ku taageeray.

Markii uu goostay arrintaas Cumar ayaa waxuu yiri Ii tilmaama yaan u doortaa ciidamadaas oo aan masuul uga dhigaa?

Waxaana loogu jawaabay: Adigaa u aqoon badan amiirkii Muminiintoow!!.

Markaa buu yiri Waxaan u magacaabi doonaa Nucmaan bin Muqarrin.

Waxuu Nucmaan markaasi ku sugnaa Kaskar oo uu masuul ka ahaa.

Dabeeta waxuu Cumar warqad u diray amiirkii Kuufa C/llaahi bin C/llaahi bin Citbaan taasoo uu ku amrayey in uu dira ciidan uu madax uyahay Xudeyfah bin Yamaan, Basrana waxuu amray inay kasoo baxaan ciidan uu wata Abii Muusa Al ashcari, kadibana dhammaan ciidamadaas iyo ciidama uu watay Nucmaan bin Muqarrin oo iyagu Kaskar kasoo bixi doona ayuu amray Cumar inay ku kulmaan Maah oo uu ciidankaas dhami madax u noqda Nucmaan bin Muqarrin, haddii Nucmaan la dilana waxuu amray inuu amiir noqda Xudeyfah bin Yamaan, haddii Xudeyfa la dilana waxuu amray inuu amiir unoqodo Jariir bin C/llaahi Al Bujali, haddii Jariir la dilana wuxuu soo amray inuu amiir noqdo Qeys bin Makshuux, haddii Qeys la dilana waxa amiir ah hebal, iyo hebal jeer uu magacaabay 7 nin oo isaga kala dambeyneeyso haddii mid la dila si uu midkale u qabta, waxaana kamid ahaa raggaas toddobada ahi Muqiirah bin Shucbah. Waxuu Cumar qeybinta qaniimada usoo xilsaaray As-Saaib bin Al aqrac.

Markaa buu Xudeyfah ka dhaqaaqay magaalladii Kuufa isaga iyo ciidama uu hoggaaminayo si ay ugu biiraan ciidamada Nucmaan bin Muqarrin oo ay markaa kuballameen inay ku kulmaan goobta Maah. Markii uu Xudeyfah u tegay Nucmaan buu u dhiibay warqaddii amiirka Muminiinta ee Cumar bin Al Khddaab, taasoo caddeyneysay qaabkii ciidankan loo dhisi lahaa.

Markii ay isu tegeen ciidamadaas is aruursaday ee Muslimiinta waxay tiradoodu noqotay 30 000 sida uu weriyey Sayf bin Cumar oo isagu kasoo weriyey Shicbi, waxaana ku jiray saadaaddii saxaabada iyo akhyaartii Carbeed. Waxaa kamid ahaa ciidamadaas C/llaahi bin Cumar bin Khadaab, Jariir bin C/laahi Al Bujali, Xudeyfah bin Yamaan, Muqiirah bin Shucbah, Nucmaan bin Muqarrin amiirkii ciidankaas, Camr bin Macdiyakrib, Dhuleyxa bin Khuweylid Al Usdi, Suweyd bin Muqarrin, Nucaym bin Muqarrin, Qeys bin Makshuux Al Muraadi, Abii Muusa Al Ashcari, Camr bin Abii Salama iyo halyeeygii Al qacqaac bin Camr At Tamiimi oo maalintaa kamid ahaa hoggaamiyaasha ciidanka Muslimiinta.

Intaa kadib ciidamadii Muslimiinta waa ay dhaqaaqeen waxayna abbaareen dhankii Nahaawunda, waxuuna Nucmaan hortiisa diray saddex nin oo wardoonno ah. Kuwaasoo kala ahaa Dhuleyxa bin Khuweylid, Camr bin Macdiyakrib iyo Camr bin Thubayi, oo loo yaqiinnay Camr bin Abii Salama, si ay usoo ogaadaan warka qoomka iyo waxa ay ku suganyahiin. Camr bin Abii Salama iyo Camr bin Macdiyakrib way soolaabteen, hase ahaatee Dhuleyxa wuxuu tegay Nahaawunda oo uu qoomka dhex galay oo wax kasoo dhageystay, dabeetana Nucmaan buu usoo laabtay oo uu usheegay arrinta. Waxuuna usheegay in Nahaawunda iyo isaga aysan dhexdoodu ahayn wax uu dhibsado.

Waxuu Nucmaan diyaariyey ciidankiisii waxuuna ciidanka hore madax uga dhigay walaalkiis Nucaym bin Muqarrin, labada dhinacna bidax iyo midig waxuu u kala dhiibay Xudayfah bin Al Yamaan iyo Suweyd bin Muqarrin, ciidanka lugtana waxuu madax uga dhigay halyeygii Al qacqaac bin Camr, halka gaadada damba ee ciidankana uu u dhiibay Majaashac bin Mascuud.

Dabeeta ciidamadii Muslimiinta way dhaqaaqeen jeer ay markii dambe ka hor tegeen ciidamadii Furus oo uu hoggaaminayey nin la oran jiray Fayruzaan, waxayna ahaayeen ciidan aad u tira badan oo 150 000 ah. Kadib wuxuu Nucmaan ciidankii amray inay culeyska iska fududeeyaan oo ay teendhooyinkooda ka dhistaan Nahaawunda dusheeda, isagiina waxaa loo dhisay teendho aad uweyn oo ay u dhiseen 14 nin oo kamid ah rag karmeedyadii ciidanka, waxayna raggaasi kala ahaayeen Xudeyfah bin Al Yamaan, Cutbah bin Camr, Muqiirah bin Shucbah, Bashiir bin Khasaasiyah, Xandhalah Al Kaatib bin Al Huwbar, Ribciyi bin Caamir, Caamir bin Mudar, Jariir bin C/llaahi Al Ximyari, Jariir bin C/llaahi Al Bujali, Al Aqrac bin C/llaahi Al Ximyari, Al Ashcat bin Qeys Al Kindi, Saciid bin Qeys Al Hamdaani iyo Waail bin Xijir. Ma jirin teendho ka weyn markaa carrigaasi Ciraaq teendhadaas iyada ah.

Markii ay labada qolo isasoo hor fadhiisteen, waxaa huray dagaalkii, markaasuu Nucmaanna ciidamadiisii amray inay weerar ku qaadaan. Waxayna ahayd maalin Arbaco ah, oo maalintaas iyo tii ku xigtay buu dagaalku socday. Markii lagaaray maalintii Jumcada bay kufaartii qalcadahoodii ku carareen. Markaasay Muslimiintiina godoomin ku qabteen. Markay rabaan bay soo baxayeen Majuusta oo misna ay si deg deg ah qalcadahooda ugu cararayeen.

Taa kahor markii ay isasoo hor degeen labadii ciidan oo ay indhaha isku dhufteen, ayuu Nucmaan amiirkii ciidamada Muslimiinta takbiirsaday saddex goor, markaa baa majuustii dab caabbudka ahayd dhulka la gil gishay oo rucbi iyo argagax darran qalbiga Illaahay kaga tuuray, kadibna ciidamadii Muslimiinta way kor degeen oo xisaar isweer ayay ka qabteen. Amiirkii ciidamada Majuusta ayaa waxuu Muslimiinta ka dalbaday in loo diro nin kamid ah Muslimiinta si uu ula hadlo. Markaasaa loodiray Muqiirah bin Shucbah oo lasoo dooday. Markii uu kasoo tegay buu Feyruzaan dadkiisii ku yiri: Illaah baan ku dhaartaye acwarku wixii naftiisa kujiray buu idinka runsheegay. Markiina in muddo ah la kor daganaa oo iyagiina ay dhufeysyo waaweyn ka qoteen hareerahooda xaaladdiina ay ku darraatay Muslimiinta, waxay ahayd waqti qabooba ah, markaa ayay Nucmaan bin Muqarrin iyo madaxdii kalee ciidanka qabteen shir looga tashanaya sidii lagu wajihi lahaa xaaladdan, maadaama Majuusta ay ka caajiseen oo ay ka gaabiyeen inay Muslimiinta dagaal la galaan weliba goob barxad ah.

Waxaa kacay markii hore Camr bin Abii Salama oo ciidamada halkaa kusugnaa oo idil waaga u da weynaa, oo hadalkii dhigay si wacanna u suubiyey. Misna waxaa kacay Camr bin Macdiyakrib oo isaguna meel wacan taabtay. Kadib waxaa hadlay Dhuleyxah bin Khuweylid Al Asdi, waxuuna yiri: Waxaan qabaa in la diro sirriyad ciidan yar oo dul dego godkooda kuna huriya dagaal. Markay usoo baxaanna haka soo cararaan oo xaggeenna ha usoo rooraan. Markay iyana soo raacdeystaan oo ay innagu ina soo gaaraan, markaa waa inaan innaguna cararnaa dhammaanteen sidoo kale. Markaa iyada ahi kama ay shakinayaan jabka oo dhammaantoodba way kasoo baxayaan qalcadahooda. Markii ay kasoo wada baxaan qalcadahooda baan ku laabaneynaa oo aan la dirireynaa jeer uu Alle ka xukmiyo dhaxdeenna.

Dadkii oo idil rayiga Dhuleyxa baa aad ula qurxanaaday, isagii ayayna Muslimiintii qaateen, waxuu markaa Nucmaan bin Muqarrin amray ciidamadii Al qacqaac si ay u fuliyaan howshaas iyada ah. Markaa buu Al qacqaac ciidamadiisii la dhaqaaqay oo uu dul degay qalcadahoodii, dabeetana uu dagaal ku huriyey, kadibna way soo carareen markii ay kusoo baxeen. Majuustii markay arrintaas arkeen bay yiraahdeen: Waa iyadii waa iyadii.

Macnaha waxay dhowrayeen in loosoo sheego sanadkaas geerida Cumar bin Khaddaab, oo waxay sugayeen in xilligaas isaga ahi uu Abuu Luluah uu dilo Cumar. Sidaa darteed baa markay arkeen ciidamada Al qacqaac oo hal mar firxaday bay umaleeyeen in loosoo sheegay geerida Cumar oo ay Muslimiintu niyad jabeen, markaasay Majuustu yiraahdeen: Waa iyadii waa iyadii.

Kama aysan shakinin jabka iyo dib ugurashada Muslimiinta, waayo waxay dhowrayeen arrin kale. Siduu horey Dhulxeyah u sheegay ayayna noqotay oo way soo daba galeen. Ciidamadii Al qacqaac markay soo gaareen ciidankii weynaa ee Muslimiinta buu Nucmaanna ciidamadiisii la sii cararay, oo ay dib ugurasho sameeyeen. Majuustii indhaha laayd waa ay sii daba ordeen oo dhammaantood waa ay kasoo baxeen qalcadahoodii iyagoonan ku dhaafin wax dagaalyahanno ah oo albaabada u ilaaliyo. Waqtigu waxuu ahaa bartamaha maalinta oo cadceeddu ay kalabaraha samadu taagneed. Sidaa darteed buu Nucmaan jecleystay inuusan weerar ku qaadin jeer ay cadceeddu ka weecato oo nasriga Allena usoo dego siduuba sameyn jiray Rasuulka Alle SCW.

Marar badan bay Muslimiintu ku qasbeen Nucmaan inuu weerar ku qaado cadawga, hase ahaatee ma uusan falin, waayo waxuu Nucmaan ahaa nin sugnaan og. Kadib markay cadceeddu weecatay buu Nucmaan ciidankii tujiyey, dabeetana intuu raayad kasta hoos tegay buu u khudbeeyay ciidanka oo ku booriiyey sabar iyo sugnaan iyo inay ka run sheegaan goobta fara saarka. Waxuu Nucmaan usheegay Muslimiintu inuu takbiirsan doono takbiirta kowaad, waxuuna amray in markaa la noqdo diyaar, waxuu misna usheegay inuu takbiirsan doono takbiirta labaad, waxuuna amray inaysan jirin cid aanan diyaar ahayn. Waxuu usheegay in takbiirta saddexaadna ay noqon doonto weerarka ka run sheegidda. Kadib waxuu Nucmaan u laabtay goobtiisii oo uu saddex jeer takbiirsaday markaasuu bilawday dagaalku, oo seefuhuna ay is dhaafeen. Waxaana dhacay dagaal aanan horey loogu arag mid lamid ah mawaaqicdii hore oo aysan maqal kuwa wax maqlaayi mid lamida. Waxaa laga laayey Mushrikiinta teer iyo markay weecatay cadceedda illaa uu gabbalku ka dhacay oo laga gaaray gudcurka habeennaad maqtalo aad u tiro badan oo dhulkii dhan ka dhigtay dhiig lagu silqado. Heer ay daabaduhu ku silqanayeen oo waxay gaartay heer la yiri:- Amiirkii ciidanka baa faraskiisu dhiiggaasi kula silqaday oo markaasina uu kudhacay gamuun duulayo oo sidaa ku geeriyooday.

Ma jirin cid garatay geerida amiirkii ciidanka marka laga reebo walaalkiis Suweyd bin Muqarrin, waxaa kaloo la yiraahdaa walaalkiis Nuceym bin Muqarrin, markaasuu calankii u dhiibay ninkii ku xigay waa Xudeyfah bin Al Yamaane. Markaasuu Xudeyfana booskiisii ku wareejiyey walaalkiis Nuceym bin Muqarrin si uu u qariyo geerida walaalkii ku timid jeer uu arrinka dagaalka ka dhammaanayo iyo si aysanna Muslimiintu u niyad jebin.

Markii la gaaray gudcurkii habeenaad bay Mushrikiintii jaanta rogteen oo ay jabeen, Muslimiintiina waa ay sii eryadeen. Waxayna Mushrikiintu silsilado kusoo dabreen 30 000, hareerahooduna waxay ka qodeen godad. Markii ay jabeen bay godadkii iyo waaddiyadii halkaa ahaa ku daateen oo bashar badan oo kudhaw 100 000 ama in kabadan ay kaga halaagsameen marka laga reebo tirada kuwii macrikada looga laayey markay cadceeddu weecatay jeer laga gaaray gudcurkii habeenaad.

Feyruzaan oo ahaa amiirkii ciidamada Mushrikiintu isagu waxuu ka cararay goobtii macrikada oo uu dhexda ka galay jabkii kuwii la cararay. Markaa buu Nuceym daba kacay, waxuuna markii dambe hortiisa diray Alqacqaac bin Camr. Feyruzaan waxuu abbaaray dhanka Hamdaan, saa waxaa ka daba tegay Al qacqaac oo ku helay goobta Thaniyatul Hamdaan karinta Hamdaan. Waxuu Feyruzaan dhexda kula kulmay safar bakhlo iyo dameero tiro badan ku sido malab, wayna usuuroobi weyday inuu horey usii fuulo, markaasuu lugtiisa ciirsaday oo uu buuraha korey. Al qacqaac baa inta ka daba tegay ku qoor gooyey halkaas. Maalintaas ayayna Muslimiintii yiraahdeen: Alle waxuu leeyahay junuud malab ah. Waxay Muslimiintii qaniimeysteen malabkii ay bakhlahaasi iyo dameeruhu sideen. Waxaana meeshaa iyada ahi loo bixiyey Thaniyatul Casal Karintii Malabka. Intaa dabadeed Al qacqaac waxuu sii eryaday jabkii kuwii cararay jeer ay orad ku galeed Hamdaan, markaasuu dul degay oo uu godoomin kuqabtay. Dabeeto ninkii masuulka ka ahaa oo la oran jiray Khushrushanuum baa usoo degay oo ka dalbaday heshiis, halkaas ayuuna kula heshiiyey. Kadibna Al qacqaac bin Camr waxuu ulaabtay dhankii Xudeyfah bin Yamaan oo uu u tegay iyagoo galay Nahaawunda kadib dhacdada oo ay xoog ku furteen. Waxay ciidamadii Muslimiintu soo uruuriyeen hantidii halkaa laga helay hub iyo maalba, waxayna u dhiibeen ninkii masuulka ka ahaa qaniimada As- Saaib bin Al Aqrac. Markii ay reer Maah maqleen warka reer Hamdaan bay iyana usoo cid dirsadeen dhankii Xudeyfa bin Yamaan si ay ula heshiiyaan oo ay magan galyo uga qaataan.

Waxaa Xudeyfah u yimid nin la oran jiray Hirnad ama Hirbad oo Majuusta u qaabilsanaa dhanka dab hurinta maadaama ay ahaayeen kuwa dab caabbud ah. Waxuu ninkani keenay keyd aad ufara badan oo uu lahaa Kisraa, waxuuna ka dalbaday Xudeyfah inuu siiyo magan galyo oo uu la heshiiyo. Markaa buu Xudeyfah siiyey magangalyo iyo heshiis, markaasuu ninkii keenay sanduuq ay ka buuxdo jowharad aad u qaali ah oo tiro badan. Muslimiintii waxay isla garteen in loo diro dhanka Cumar bin Al Khaddaab si uu isagu u meel mariyo sanduuqaasi jowharadda ah. Waxaana loo dhiibay ninkii masuulka ka ahaa qaniimada. Taa kahor waxuu Xudeyfa diray Dhariif bin Saham oo uu u dhiibay bishaaradii guusha si uu ugaarsiiyo amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Al Khaddaab. Kadib Xudeyfah waxuu qeybiyey qaniimadii oo uu ciidankii oo idil u qeybiyey.

Ammaa amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Al Khaddaab isagu har iyo habeenba waxuu usoo jeeday duco iyo salaad isagoo u duceynayey ciidamada Muslimiinta inuu Illaahay ka siiyo guul cadawgooda oo uu uga hiiliyo. Waxaa sugnaaday in nin Muslimiinta kamid ah uu maalin ka baxay magaallada Madiina, markaasuu waxuu arkay nin raakib ah oo meel shisha kasoo bidhaamayo. Ninkii ayuu ka hor tegay oo uu weydiiyey: Xaggee baad ka timid?

Waxuu Raakibkii ku jawaabay: Waxaan ka imid Nahaawunda.

Waxuu ninkii yiri: Bal ka warran dadkii?

Waxuu yiri: Alle baa u furay, amiirkiina waala dilay, Muslimiintiina waxay qaniimeysteen qaniimo aad u farabadan oo kii faras watay uu helay 6000, ka lugtana uu helay 2000.

Kadib wuu iska tegay, kii reer Madiinana waxuu aaday magaalladiisii oo uu dadkii uga warramay arrinkaas. Warkii baa faafay jeer uu markii dambe gaaray amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Al Khaddaab. Markaasuu Cumar ninkii weydiiyey cidda uga warrantay warkaas?

Waxuu ninkii yiri: Nin raakib ah baa iiga warramay.

Waxuu yiri: Iimuusan iman, wax kale maahee ninkaasu waa jin, la yiraahdo Cutheym.

Kadib waxaa yimid Dhariif bin Saham oo layimid bishaaradii guusha, wax kale oo bishaarada guusha ahaynna ma uusan sidin. Markaasuu Cumar suaalay dadka Muslimiinta laga dilay. Hase ahaatee Dhariif arrintaasi wax ogaansho ah umuusan haynin. Kadib waxaa yimid kooxdii sidday khumuska qaniimada iyo dumarkii iyo carruurtii qafaalka ahayd, kuwaasoo uu hoggaaminayey Assaaib bin Al Aqrac. Markaa buu Cumar wax ka weydiiyey dadkii laga dilay ciidanka Muslimiinta. Markii loo sheegay geerida Nucmaan bin Muqarrin buu amiirkii Muminiinta ooyey. Waxuu weydiiyey cidda lala dilay Nucmaan, markaasuu Assaaib yiri: Waxaa lala dilay hebal iyo hebal iyo hebal. Isagoo magacaabada raggii caanka ahaa ee ka tirsanaa geesiyaasha Muslimiinta. Markii amiirkii Muminiinta loo sheego nin kamid ah dadkii ku shahiiday dagaalka Nahaawunda, kaasoo uusan garaneyn buu gudagaleyay inuu ooyo isagoo leh: Maxay ka tareysaa inuusan garaneyn amiirka Muminiinta? Hase ahaatee Alle baa garanayo oo ku sharfay shahaado. Maxay ku falayaan garashada Cumar? Kadib waxuu Cumar amray qaybinta khumuskii qaniimada sidiiba caadada u ahayd. Sanduuqii jowharadda ahaa waxaa loo qaaday gurigii Cumar. Ergadii siddayna way iska laabteen. Markii uu waabariistay Cumar oo uu sanduuqa arkay buu amray in loo yeero ergadii sidday. Hase ahaatee kal hore ayay baxeen. Markaa buu bariid ka daba diray si loo soo celiyo. Ergaygii bariidka siday muusan gaarin jeer ergadii ay ka galaan magaalladii Kuufa. Markii Assaaib uu arrumiyey awrkiisa magaalladii Kuufa buu ninkii bariidka siday ka daba tegey oo ku yiri: Amiirka Muminiinta baa kuu yeerayo.

Waxuu Assaaib yiri: Oo maxaa jira?

Waxuu yiri: Garan maayo. Markaa buu Assaaib iyo ninkiiba ay dib ugu laabteen magaalladii Madiina. Markii uu Assaaib utegay Cumar buu Cumar yiri: Oo maxaa ina kala haysto aniga iyo ina Umu Assaaib? Balee maxaa Ina Umu Assaaib iyo aniga na kala haysta?

Waxuu yiri: Assaaib: Oo waa maxay taasi amiirkii Muminiintoow!!?

Waxuu Cumar u sheegay in uu qaado sanduuqa oo uu iibiyo kadibna uu u qeybiyo Muslimiinta, isagoo weliba ku canaantay keenidda uu keenay guriga amiirka Muminiinta. Intaa dabadeed Assaaib sanduuqii buu qaaday waxuuna geeyay magaalladii Kuufa, markaasay tujaartii oo idil kusoo heenteen. Waxaana ka iibsaday Camr bin Al Xureyth Al Makhzuumi oo ka siistay 2 000 000. Kadibna Muslimiintii ayaa loo qeybiyey. Camr bin Al Xureyth intuu qaaday buu la aaday dhulalka Cajamta oo uu soo siistay 4 000 000. Reer Kuufa waxay markaa kadib noqdeen dadkii ugu hantida badnaa Muslimiintii goballada.

Waxaa la soo weriyaa Abuu Luluah Feyruuz oo adeega u ahaa Muqiirah bin Shucbah baa markii dumarkii iyo carruurtii laga soo qafaashay Nahaawunda la keenay magaallada Madiina oo uu Abuu Luluah la kulmo kuray yar oo kamid ah carruurta lasoo qafaashay buu inta madaxa u salaaxo oranayey: Cumar waxuu cunay beerkeygii.

Waxay cullimadda siirada yiraahdaan: Dhacdo dambe oo tan lamid ah kama aysan dhicin carrigii Majuusto, Cumarna waxuu amray in halyeeyadii Muslimiinta ee dagaalkan wacdarada kamuujiyey la siiyo min 2000 Dirham.

Furashadii Asbahaan

Sidoo kale sanadkan dhexdiisa bay Muslimiintii furteen markii ay Nahaawunda furteen ka gadaal kadib magaallada Jay oo ah magaallada Asbahaan kadib markii uu ka dhacay dagaal aad u daran iyo amuur aad udheer. Markaa bay Muslimiintu kula heshiiyeen magaallada. Markaasuu C/llaahi bin C/llaahi ibn Citbaan warqad magan galyo iyo heshiis ah u qoray. 30 kamid ah dadkii magaallada baa ka carareen Muslimiinta oo u carareen dhanka Karmaan, kuwaasoo aanan la heshiinin Muslimiinta.

Waxaa la yiraahdaa ninkii furtay Asbahaan waxuu ahaa Nucmaan bin Muqarrin, ayada ayaana lagu dilay, amiirka majuustuna waxuu ahaa Dul Xaajib. Waxuu ka dhacay faraskiisa markaasay calooshu dallaacday, sidaa ayuuna ku geeriyooday, markaasay asxaabtiisii jabeen.

Sida saxda ah oo xaqiiqda u dhaw culamaayi siirana ay rajaxeen ayaa waxay tahay in ninkii Asbahaan furtay uu ahaa C/llaahi bin C/llaahi ibn Citbaan. Masuulkii magaallada Kuufa.

Sanadkan dhexdiisa buu Abuu Muusal Ashcari furtay Qum iyo Qaashaan. Suheyl bin Cadiyina uu furtay magaallada Karmaan.

Ibnu Jariir iyo Waaqidina waxay xuseen in Camr bin Al Caas iyo ciidama uu hoggaaminayo ay sanadkaan aadeen dhanka Dharaabulis, halkaasoo uu Camr ku furtay heshiis 13 000 Diinaar sanad waliba.

Sanadkan dhexdiisa buuna Camr bin Al Caas u diray Cuqbah bin Naafic dhanka Zuweylah oo uu heshiis ku furtay. Barqa iyo Zuweylah inta u dhaxeysana waxay noqotay dhul nabad gelyo ah oo Musliimta gacantooda kujira.

Sanadkan dhexdiisa buu Cumar masuul uga dhigay magaallada Kuufa Cammaar bin Yaasir kadib markuu ka casilay Ziyaad bin Xandhalah, kaasoo uu usii dhiibay C/llaahi bin C/llaahi ibnu Citbaan kadib markii laga casilay. Waxuuna Cumar qaadinnimada Kuufa u dhiibay C/llaahi ibn Mascuud. Markaa bay reer Kuufa kasoo eed sheegteey Cammaar, markaasuu isagiina Cammaar ka dalbaday Cumar inuu ka casilo howsha, saa laga casilay. Waxuuna Cumar udhiibay magaallada Kuufa Jubeyr bin Mudcin. Isla durba sanadkan dhexdiisa buu Jubeyr ka qaaday oo uu u dhiibay Muqiirah bin Shucbah oo masuul ka ahaa illaa uu Cumar ka geeriyooday. Waxaa sanadkan dadka xajiyey amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Khaddaab, magaallada Madiinana waxuu kusii dhaafay Zayd bin Thaabit. Madaxdiisii goballadu waxay ahaayeen sidii sanadkii hore marka laga reebo magaallada Kuufa.

SANADKII 22AAD

Waxaa dhacay fatuuxaad dhowr ah sanadkan dhexdiisa, waxaana kamid ah furashadii Hamdaan mar kale, furashadii Rayi iyo wixii ka dambeeyay iyo kadib furashadii Adarbiijaan.

Waaqidi iyo Abuu Macshar waxay yiraahdeen: Waxay ahayd Adarbiijaan xilligii la furtay sanadkii 22aad ee hijriyada.

Muslimiintii markii ay ka faaruqeen Nahaawunda oo ay dhaceen dagaalladii aynu soo xusnay, la furtayna Xulwaan iyo Hamdaan bay reer Hamdaan intaa dabadeed buriyeen ballantii ay heshiiska kula galeen Al qacqaac bin Camr. Markaa buu Cumar warqad u qorey Nuceym bin Muqarrin, taasoo uu ku amrayo inuu aado dhanka Hamdaan iyo in ciidamadiisa hore uu madax uga dhigo walaalkiis Suweyd bin Muqarrin, labada dhinacna uu ukala dhiibo Ribciyi bin Caamir Al Daaiyu iyo Muhallahal bin Zayd Al Tamiimi.

Markaa buu Nucaym dhaqaaqay jeer uu dul degay Thaniyatul Casal. Dabeeto waxuu godoomin ku qabtay dhulkii Hamdaan, markaasay dalbadeen heshiis oo uu la heshiiyey oo uu magaalladiina galay. Goor uu kusuganyahay baladka oo ay la joogaan 12 000 oo ciidankiisii ah bay Ruumaankii, Deylamiyiintii iyo reer Rayi iyo reer Adarbiijaan warqado isu qorteen, waxayna isku raaceen la dagaallanka Nucaym bin Muqarrin iyagoo aad u tiro badan. Daylam waxaa madax u ahaa boqorkooda oo la oran jiray Mowtaa, reer Rayi-na waxaa madax u ahaa Abuu Farrukhaan, reer Aderbiijaanna waxaa madax u ahaa Isfandiyaad oo la dhashay Rustum.

Markaa buu Nucaym markuu ka war helay kula dhaqaaqay xaggooda ciidamadii Muslimiinta, waxayna ku kulmeen goob la yiraahdo Waaj Al Ruud, waxaana ka dhacay meeshaasi dagaal aad iyo aad u daran oo kudhaw kii Nahaawunda. Waxaa Mushrikiinta maalintaa laga dilay jamac aad u tiro badan oo aanan lasoo koobi karin, boqorkii Daylam-na ee Mowtaa goobtaas baa isana lagu dilay. Markay bay cududdii cadawga jabtay oo ay kala fiigeen. Waxuu ahaa Nucaym bin Muqarrin qofkii ugu horreeyay ee asagoo hoggaaminaya Muslimiinta la dagaallamo Daylam.

Intaa dabadeed waxuu Nucaym diray khumuskii qaniimada oo uu udhiibay saddex kamid ah imaraadii ciidanka, kuwaasoo la sheegay inay kala ahaayeen Simmaak bin Kharash, Simmaak bin Cubayd iyo Simmaak bin Makhramah. Markii ay Cumar u tegeen ayuu suaalay magacooda? Markaasay iyana usheegeen. Suu Cumar yiri: Allaahuma amsik bihim Al Islaam, Yacni Alloow Islaamka ku adkee. Kadib buu Cumar warqad u qoray Nucaym isagoo ku amrayo in uu Hamdaan masuul ku dhaafo oo isaguna uu aado dhanka Rayi.

Furashadii Rayi

Waxuu Nucaym ku dhaafay Hamdaan Yaziid bin Qeys Al Hamdaani, isagiina waxuu aaday dhanka Rayi isagoo fulinayo amarkii amiirka Muminiinta Allaha ka raalli noqdee, waxuuna halkaa kula kulmay ciidama Mushrikiin ah oo aad u tiro badan. Waxaana ku dhexmaray dagaal daran goobta buurta Rayi adgeeda, halkaasoo ciidamadii Muslimiinta ay maalintaa muujiyeen adkeysi iyo sugnaan aad xad dhaaf u ah. Kadib waa ay jabeen cadawgii, waxuuna Nucaym ka laayey maqtalo aad utiro badan, isagoo ka furtay hanti farabadan qaniimo ahaan, taasoo kudhaw tii ay Muslimiintu ka heleen Madaain. Kadib buu Nucaym heshiis kula galay Rayi ninkii masuulka ka ahaa oo la oran jiray Abuu Farkhaan, waxuuna taasi ugu qoray warqad magan galyo ah. Kadibna Nucaym bishaaradii guusha iyo khumuskii buu udiray dhanka amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Al Khaddaab.






Ra'yi lama dhiiban



Name:
Email:
Code: etc5
Text:
 

  • Home
  • Duruus
  • Quraan
  • Video
  • S&J
  • Muxaadao
  • Contacts



  • sisawc ka baro diintaada © 2012 privacy policy terms of use