Previous  




-

سبحان الله والحمد لله ولا اله الا الله والله اكبر
 

Cumar Bin Alkhaddaab rc Q-3aad

Dagaalkii Qaadisiyah

Kadib Sacad wuu dhaqaaqay waxuuna degay Qaadisiyah oo uu diray siriyaad iyo wardoonna, waxuuna halkaas ku sugnaa bil uusanna cidi la kulmin kamid ah Faarisiinta, markaa buu Sacad warqad u diray amiirkii Muminiinta Cumar bin Khaddaab taasoo uu ku ogeysiinayo xaaladda. Reer miyigii iyo ari raacyadii Furus dhulkoodii bay u yaabeen markay arkeen wardoonnadan galab iyo subax dul heebaabayo deegaannadii ay xoolahooda ku raacan jireen, markaa bay u tegeen boqorkii Yazdajrid oo ay ku yiraahdeen: Haddaydaan naga kaafinin kuwan Muslimiinta oo aydan inooga fillaanin waxaan u dhiibeynaa waxa gacmahayaga ku jiroo idil, qalcadahana waan ugacan gelineynaa.

Kadib Faarisiintii shir bay u fadhiisteen, waxayna isku raaceen in la diro Rustum iyo ciidan uu hoggaaminayo, markaa buu boqorkii Yazdajrid u cid diray Rustum si uu ugu yimaado, markiina uu u yimid waxuu amray inuu ciidanka hoggaamiyo oo Muslimiinta uu ka hor tego hase ahaatee Rustum waa uu ka cududaartay arrintaas mana ahayn rayigiisa rayi dagaal waxuuna yiri : Arrinkaan aad waddaan maaha rayi dagaal, in Carabta ciidama la iskaga daba diraayi waxaa uga adag in hal mar loo diro ciidan culus oo mar qura jebiyo. Boqor Yazdajrid wuu diiday waxaan ka ahayn rayigiisii ahaa in uu ciidankaasi hoggaamiyo Rustum, markaa buu Rustum isku diyaariyey bixid iyo inuu aado dhankii Muslimiinta. Sacadna waxuu diray wardoonno uu u diray magaallada Xiirah, wardoonnadii waxay usoo tebiyeen in boqorkii Furus ee Yazdajrid uu amray ciidan culus si ay hal mar u jebiyaan Muslimiinta iyo inuu weliba ciidankaas madax uga dhigay Rustum bin Farakhzaad Al Armani oo uu misna u diyaariyey ciidama kale oo gurmad ah. Markaa buu Sacad warqad u diray amiirkii muminiinta ee Cumar bin Khaddaab uu ku ogeysiinayo arrintaas, markaa buu Cumarna soo diray warqad kale oo uu leeyahay: Yaaysan ku kurbo iyo cabsi gelin waxa kaaga imanayo xaggooda cadawga ee Alle kaalmo weydiiso oo isaga talo saaro, una dir xaggiisa Rustum nin ciidamada Muslimiinta kamid ah oo indheer garad ah oo rayi u saaxiib ah, si uu xagga Alle ugu yeero, Alle baana yeelaya yeeriddiina aad u yeereysaan mid itaal darri ku riddo iyaga Furus oo dufeyso, maalin walibana iisoo qor warqad.

Rustum wuu soo dhawaaday waxuuna ciidankiisii dejiyey goob la yiraahdo Saabaadh, markaa buu Sacad warqad u diray amiirkii muminiinta Cumar bin Khaddaab uu ku leeyahay: Rustum waxuu soo degay Saabaadh isagoo la yimid fardo iyo maroodiyaal uu nagu gilgilayo, waxbase xaggayaga oo aan u aragno majirto, aan ka ahayn inaan jeclaaday inaan mar waliba kula socdsiiyo xaaladda.

Rustum waxuu dhisay ciidamadiisii isagoo ciidankiisa hore oo 40 000 ah madax uga dhigay Jaalinuus, ciidanka midigtana waxuu madax uga dhigay Hurmuzaan, ciidanka bidixdana Mihraan bin Bahraan waxayna ahaayeen 60 000, ciidanka dambena waxuu madax uga dhigay Bandaraan waxayna ahaayeen 20 000. Seyf bin Cumar waxuu leeyahay: Ciidamadiisoo idilba waxay ahaayeen 80 000.

Werin kalena waxaa kusugan inuu Rustum la yimid maalintaa 120 000 ciidan ah oo ay raacsanaayeen 80 000 gurmad ah waa sida ay culimada muarrakhiintu badidoodu rajaxeen oo uu sitay 33 maroodiyaal ah, waxaa kamid ahaa maroodiyaashaasi mid cad oo uu lahaa Saabuur, waxuu ahaa maroodigii ugu weynaa maroodiyaasha oo hor kacayey ama hoggaaminayey.

Kadib Sacad waxuu diray jamaaco kamid ah saadaaddii Muslimiinta oo ay kamid ahaayeen: An Nucmaan bin Muqarrin , Furaat bin Xayaan, Xandhalah bin Rabiic At Tamiimi, Cudhaarid bin Xaajib, Al Ashcat bin Qeys Al Kindi, Muqiirah bin Shucbah Ath Thaqafi, iyo Camr bin Macdiyakrib Az Zubeydi. Raggani waxay ahaayeen rag karmeedyadii ciidankaa Muslimiinta, waxaa loo diray si ay Rustum ugu yeeraan xagga Allaah Sarreeyo iyo Islaamka.

Markay utageen Rustum baa waxuu ku yiri: Oo maxaa idin keenay? Waxay yiraahdeen: Waxaanu u nimmid ballantii uu Allaah inooga kiin qaaday ee ah qaadashada dhulkiinna, iyo inaan qafaallano dumarkiina iyo carruurtiinaba oo aan weliba qaadanno maalkiina, arrintaasina innagu si dhab ah baanu u hubnaa. markaas ka hor buuna Rustum riyo arkay , taasoo ahayd : Malag Samada kasoo degay oo aruurshay hubkii Furus oo u wada dhiibay Muxammed SCW oo Muxammadna uu ku wareejiyey Cumar bin Khadaab.

Sida uu xusay Seyf bin Cumar, Rustum wuu ka warwareegayay inuu la kulma Sacad bin Abuu Waqaas iyo Ciidanka muslimiinta , waxayna noqotay markii uu Rustum kasoo baxay caasimadiisii Al Madaain illaa iyo intii ay isku heleen muslimiinta goobta Qaadisiya muddo afar bilood ah.

intaasna wuu diidanaa dagaal uu la galo muslimiinta, habeen walibana intii muddadaas lagu jiray, marna wuu u goodin muslimiinta, marna wuu sasabi oo waxuu lahaa wax baan idin siin waan idin arrad tiri, midkiin walibaana daraahiim lacag baan siini sanadka markii la gaarana intaas in la mid inoogu imaada , iyo eraya kaloo lamid ah isagoo raba inay ka laabtaan dhulka Furus.

Markii ciidanka isku soo dhawaaday ayuu Sacad diray nin kamid ah ciidamada fardooleyda ee muslimiinta si uu akhbaar uga keeno nimanka majuusta ah , waxuuna ahaa ninkaas uu diray Dhuleyxa bin Khuweylid Al Asdi, kaasoo ahaa ninkii Nebinimada sheegtay hadana toobad keenay oo wanaagsanaaday. Waxuuna Dhuleyxa raad weyn ku lahaa furashooyinkii Dhulalka Furus. Dhuleyxa waxuu soo qabtay nin kamid ah majuusta oo uu u keenay Sacad ninkii markuu arkay geesinimada Dhuleyxa iyo ciidankii uu kasoo dhex qabtay intuu dhamaa, ayuu islaamay markii dambe .

waxuu ninkaas markii suaal la weydiiyaba ku mashquulsanaa oo uu ka sheekeynayay geesinimadii Dhuleyxa bin Khuweylid iyo tirada ciidanka uu kasoo dhex qabtay intuu la ekaa. Markaasuu Sacad ku yiri: War inaga daa taase inooga warran Rustum a, markaasuu yiri: Waxuu sitaa 120 000 in lamid ah oo gurmadna waa u diyaar,

Intaas kadib ayuu Rustum soo cid dirsaday isagoo ku leh Sacad: ii soo dir nin caqli leh oo wax yaqaan, si uu ula naqaasho yacni uu la dooda, markaa bay ahayd markuu Sacad u diray Muqiirah bin Shucbah. Markii uu Muqiirah u tegay, ayaa waxuu Rustum guda galay inuu yiraahdo: Waxaad tahiin deriskayaga waana idin wanaajin jirnay oo wax xumaan ah idima soo gaarsiin jirin ee haddaba ku laabto dhulkiinnii, una diidi mahayno tijaaradiinna inay dhulka yaga timaaddo. Waxuu Muqiirah ugu jawaabay: Ma nihin inagu kuwa raadinayo adduun, kaliya hammiga nagu iyo dalabkeennu waa aakhiro, Illaah baa waxuu inoo soo diray Rasuul uu ku yiri: Waxaan kooxdan Muslimiinta ahi ku salliday cid kastoon diinteydan diin ka dhiganin, iyaga ayaana uga cad goosanaya, guul ayaanna dushooda yeeli doonaa intay kusugan yahiin Muslimiinta diintan. Waa diinta xaqa ah oo aysan jirin cid ka leexato illaa Alle wuu dulleeyaa, ciddii qabsataana Alle wuu cizeeya.

Markaa buu Rustum yiri: Oo maxay tahay diintu?

Waxuu Muqiirah yiri: Amaa tiirka aysan ka ansaxmeyn la aantiisu waa qiridda inuusan jirin Alle la caabbudo oo aan ka ahayn Alle kaliya, Muxammedna SCW uu yahay Rasuulkii Alle SCW, iyo in lagu qanco waxii uu xag Alle kala yimid. Waxuu yiri Rustum: Oo maxaa ka wanaag badan? Oo maxaa kaloo xiga hadana? Waxuu yiri: Iyo in laga saaro is addoonsiga ay addoomadu is addoonsadaan oo addoonnimadu ay u ahaato Alle oo kaliya macnaha isaga oo kali addooma loo noqda oo la caabbudo . Waxuu yiri: Oo tanna waa wax wanaagsan, maxaa xigga haddana? Waxuu yiri: Dadku waa ilmo Aadam iyo Xawaa, waana walaalo dhanka aabaha iyo hooyaduba. Waxuu yiri: Tanna waa mid wanaagsan.

Kadib waxuu Rustum yiri: Bal ka warrama haddii aan diintiina soo galno maka laabaneysaan dhulkayaga? Waxuu Muqiirah yiri: Haa Wallaahi, una iman mayno wax aan ganacsi ama dan kale ka ahayn dhulkiinna. Waxuu yiri Rustum: Tanina waa mid wanaagsan.

Markii uu Muqiirah tegay buu Rustum uga sheekeeyay dadkii madaxda tolkiisa wanaagga Islaamka uu leeyahay iyo waxii dood isaga iyo Muqiirah dhex martay, hase ahaatee waxay ku qaabileen diidmo daran inay qaataan Islaamka. Kadib Rustum waxuu dalbaday in nin kale loosoo dira

Markaa buu Sacad waxuu soo diray nin kale si uu ula soo dooda Rustum, waxuuna ahaa ninkaasi halyeygii weynaa ee Ribciy bin Caamir bin Khaalid bin Camr oo kamid ahaa halyeeyadii Muslimiinta. Cumar bin Khaddaab baa gurmad ahaan ugu soo diray Muthanna bin Xaarith markuu dhulka Ciraaq masuulka ka ahaa .

Goobtii uu Rustum fadhiisan jirey waxa lagu qurxiyey xariir, diibaaj, iyo murjaan iyo waxyaaba kaloo lamid ah, isagiina waxay u dhigeen sariir dahab ah oo ay ku qurxiyeen wiqyado iyo noocya badan oo kamid ah alaabaha quruxda, Rustumna waxuu ku fadhiistay sariirtii dahabka si uu u qaabilo waftiga kaga imanayo dhanka Muslimiinta. Ribciyi waxuu ku lebbisan yahay dhar suuf ah oo aan qurxaneyn, waa dharkii reer Xijaas lagu yaqiinnay, waxuu kaloo wataa seyf iyo waran iyo faraskiisa oo kaliya faras gaaban . kamuunan suulin inuu faraskiisa saarnaa jeer uu yimid daraf kamid ah gogashii weyneed ee jidkiisa loogu goglay, ula jeedaduna waxay ahayd in Muslimiinta la indho sarcaadiyo markay dhaldhalaalkaas arkaan oo inta wax yar la siiyo ay sidaa dhulkoodii ugu laabtaan, maxaase dhacay? Ribciyi wuu ka degay faraskii oo waxyaabahii la goglay mid kamid ah ayuuba faraskiisii ku xirtay, kadibna hubkiisii warankii iyo seeftii buu lasoo galay isagoo ku jeex jeexayo katiifadihii xariirta ee ay wareen reer Furus. Faarisiintii baa ka dalbatay inuu dhigo hubka, waxuuse ugu jawaabay: Anigu idiinma iman oo idinma soo raadsanin ee waxaan imid markaad ii yeerateen, haddaba igu daayo sideydaan anigoo hubkeyga sita ama aan iska laabto. Rustum baa markaa yiri: Daayo ha ii yimaadee. Markaa buu soo galay isagoo warankii ku mud mudayo xariirtii la goglay, illaa uu kasoo gaaray golahii uu Rustum fadhiyey.

Rustum baa hadalkii billaabay oo waxuu yiri: Maxaa idin keenay ? Waxuu Ribciyi ku jawaabay: Waxaan u nimid inaan ka saarno ciddii doonta is addoonsiga ay addoomadu is addoonsanayaan oo aan addoonnimada u saarno Alle xaggiisa, iyo inaan ciriiriga dunida ka saarno oo aan u saarno ballarkeeda, iyo inaan ka saarno diimanka farada badan oo aan u saarno cadaaladda Islaamka, Ruuxii taa naga yeelo waan ka yeeleynaa oo waanna ka laabaneynaa, ruuxiise diida waanu la dagaallameynaa jeer ay ka fusho ballantii Alle naga qaaday? Waxuu yiri Rustum: Oo waa maxay ballanta Alle? Waxuu yiri: Waa inuu galayo Janno ruuxii ku dhinta dagaalka lala galay kuwa diiday diinta Islaamka ee ka hor yimid, iyo guul kuwii haray. Waxuu yiri Rustum: Runtii hadalkiinnu waan dhageystay ee dib manoogu dhigeysaan arrinkaan jeer aan eegno xaalku oo aad idinkuna eegtaan? Waxuu yiri Ribciy: Haah! immisa ayaad dooneysaa inaan dib kuugu dhigo si aad uga soo fiirsataan maalin ama labo maalin? Waxuu yiri: Mayee!! illaa aan u cid dirsanno dadkayagii rayiga u saaxiibka ahaa iyo madaxdii tolkayaga. Waxuu yiri Ribciyi: Nooma jideynin Rasuulkii Alle SCW inaan u sugno cadawgayaga kadib markaan la kulunno wax ka badan saddex casho, ee fiiri arrinkaaga iyo arrinka qowmkaaga, oo kala dooro mid kamid ah saddexdii Jizyo, Islaannimada ama dagaal markay kuu dhammaado muddada saddexda casho ah. Waxuu yiri Rustum: Oo ma seydkoodii Muslimiinta baad tahay? Waxuu yiri: Maya, laakiin Muslimiintu waa sida jir qura kooda ugu hooseeya ayaana magan gelin kara kooda ugu sarreeyo. Rustum hareeradiisa waxaa markaa isugu yimid madaxdii reer Furus ee lasocotay, markaasuu ku yiri: Oo waligiin ma aragteen qof ka hadal qurxoon oo ka cizi iyo sharaf badan ninkan Ribciyi ? Waxay ku yiraahdeen: Alleynu ka magan galnay inaad u iilato waxa kan aad u jeeddo oo aad diintaada uga tegto, oo ma waadan arkeynin dharka uu sito? Markaasuu Rustum yiri: Hoog idinku dhacyee ha eegina dharkiisa ee fiiriyo rayigiisa, hadalkiisa iyo hab dhaqankiisa, sideeduna Carabtu maba daneeyaan dhar iyo cunto toona.

Maalintii labaad ayuu Rustum soo cid dirsaday si nin kale loogu soo diro, markaa buu Sacad u diray Xudeyfah bin Muxsin oo sidii Ribciyi oo kale ula soo hadlay. Maalintii saddexaadna waxaa loo diray Muqiirah bin Shucbah oo siduu ula hadlayey ku xeel dheeraaday hadalka waqti dheer bayna wada hadlayeen oo ay wada doodayeen, waxaana kamid ahaa hadalladii dhex maray sidan:

Rustum ayaa Muqiirah ku yiri: Miithaalka loosoo qaadan kara soo gallida aad dhulkayaga soo gasheen waa sida duqsi arkay malab oo yiri: Yaa i gaarsiiya malabkaas oo markaa heli doono 2 Dirham? Markii uu ku dhex dhacay oo uu ku maanshoobay ayuu damcay inuu ka baxo, markaasuu awoodi waayey oo misna yiri: Yaa iga saaro oo heli doona 4 Dirham? Sidoo kale miithaalkiinnu waa sida dawaco itaal daran oo ku jirta god ku yaal beer, markii uu arkay ninkii beerta lahaa itaal darrideeda buu u naxariistay oo iskaga tegay. Markii ay cayishay bay wax badan ka fasaadisay xoolo iyo beerta iwm bay ka cuntay Markaa buu la yimid ciidankiisii oo soo kaxaystay wiilashiisii si uu uga saaro, hase yeeshee way awoodi waysay cayil dartii markaa buu dilay, haddaba sidaa oo kale ayaad uga bixi doontaan dhulkayaga. Kadibna caro darteed buu Rustum la sii jeestay oo cadceeddii intuu ku dhaartay buu yiri: Berritoole baanu idin layn doonnaa.

Waxuu Muqiirah yiri: Waad ogaan doontaa.

Markaasuu Rustum yiri: Waxaan amray in la idin arrat tiro oo dhar la idiin siiyo, amiirkiinuna sidoo kale ayaan amray iyo in lasiiyo 1000 Diinnaar iyo dhar iyo gaadiid, ee innaga noqdo. Markaasuu Muqiirah yiri: Oo ma kadib markii aan itaal darreysiinnay boqortooyadiinnii baa oo aan weliba daciifinnay awooddiinnii? Muddo ayaanu joogi doonnaa dhulkiinna oo aan idinka qaadi doonnaa jizyo idinkoo dulleysan, waxaadna inoo noqon doontaan addooomo. Markaa buu misna Rustum markale caro darteen la sii jeestay.

Taa ka hor intuusan dagaalku dhicin waxuu Sacad diray rag kamid ah ciidankii Muslimiinta, kuwaasoo uu u diray dhanka boqorkii Furus boqor Yazdajrid si ay xagga Alle iyo diinta Islaamka ugu yeeraan. Markay u tegeen boqorkii bay ka idin dalbadeen inay u galaan, markaasuu isagiina u idmay inay soo galaan. Boqorku waxuu ahaa mid aan akhlaaq suubban lahayn, edabtiisu aad bay yareed, tiiyooy udheereed dhallinyarannimo. Waxuu wax ka weydiiyey dharkooda kan ee ay sitaan magaciisa, kabahooda iwm ee ay siteen. Kol Alliyooy uga jawaabaan buu ku jees jeesayey oo uu wax ka sheegayey. Dadkii Madaain deganaa waa ay soo baxeen si ay u eegaan dadka ay boqortooyadii Furus ka fadhin weyday. Waxay arkeen rag dhar suuf ah kulebbisan iyo kabo aan indhuhu soo jiidaneyn, waxay arkeen diifta ka muuqata misna waxay eegeen waxay gaadiid ahaan u siteen oo fardo iyo awr weyti ah, waxayna is weydiinayeen suaalo dhowr ah oo ay kamid tahay: Sidey dadka sidan uyaal ay dhulka Furus ula wareegeen oo ay boqortooyadeenna dusheedda u soo degeen?

Markii dambe boqor Yazdajrid waxuu suaalay raggii: Maxaa halkan idin keenay? Ma waxaad u maleyseen markii aan dhexdayada isku mashquulnay inaad naga faaideysan kartaan? Nucmaan bin Muqarrin baa u jawaabay oo hadalka si fiican u dhigay, waxaana kamid ahaa kalmadahiisii sidan: Alle baa inoo naxariistay oo inoo soo diray Rasuul na tusiyo wanaagga oo na amaro inaan falno, oo na baro sharta iyo asbaabteeda nagana reebay, waxuuna nalagu ballamay ajiibidda kheyrku inuu yahay wanaag adduun iyo mid aakhiro.

Kadib markuu ka sheekeeyey Nucmaan marxaladihii ay diinta Islaamka soo martay iyo halka ay cizi iyo sharaf maanta ka joogto, ayuu u bandhigay boqorkii inuu soo galo diinta Islaamka ama jizyo ama dagaal, waxuu ku yiri: Waxuu Rasuulkayaga SCW na amray inaan ka billawno umadaha noosoo xiga oo aan ugu yeerno inay nala soo saftaan. Annagu waxaan idinkugu yeereynaa diintayada, waana diinta Islaamka, waxay wanaajisaa kii wanaagsan oo ay wanaag iyo sharaf u siyaadisaa, waxayna dulleysaa midkastoo dulli ah. Haddii aad diiddaan, arrin tan ugu sharbadan oo ka fudud tan ugu dambeeyso dagaalka ee ugu sharta badan waa jizyo, haddii aad diiddaanna waa dagaal. Haddii aad yeeshaan diintayada, waxaan idiin reebeynaa kitaabka Allaah oo aan idiinku qumineynaa inaad isku xukuntaad axkaamtiisa, idinka howlahiinna iyo dhulkiinnuba waanu idinka laabaneynaa. Haddii aad na siisaan jizyo, waanu idinka guddoomeynaa waana idin illaalineynaa, haddiisa aad diiddaan waa dagaal.

Waxuu yiri boqorkii: Yazdajrid ha idin laayo.. Waxaanan garaneynin dhul ay umadi ku sugantahay oo ka xun kana daran weji xumi oo weliba ka tiro yar idinka. Waxaanu idiin wakiilan jirnay qaryooyinka Dawaxiga Carabtii tabaca u ahayd oo iyaga ayaa inooga kiin filnaa, mana aydan damaacin jirin inaad kusoo duushaan dhulka Furus. Waxuu kula hadlay erayo kul kulul, markaa bay raggii wada aamuseen. Muqiirah bin Shucbah baa istaagay oo hadlay, waxuuna yiri: Boqoryahoow! kuwa kani waa madaxdii Carabta iyo kuwii hor kacayey, waa ashraaf wayna ka xishoodaan dadka ashraafta ah, kuwa sharafta leh ayunbaana sharfo kuwa kalee sharafta leh, xaquuqda kuwa sharafta lehna waxaa yaqaan oo kaliya kuwa iyagu sharafta leh. Ammaa xaaladda xun ee aad nagu sheegtay, maba jirin cid naga xaalad xumeed, ammaa gaajadayaduna waxaanba cuni jirnay waxyaaba aan cunno ahayn bahallada, caleemaha dhirta iwm waxaanna u arki jirnay inay tahay cunto, ammaa deegaankayaguna waa uun iska dhulka guudkiisa, dharkayaguna waxuu ahaa waxa aan ka sameysanno dhogorta geela iyo ariga. Diintayadu waxay ahayd inuu barkayo barka kale laayo oo darkeen darka kale ku xadgudbo, waxaaba dhici jirtay inuu midkayo gabadhiisu noolasha ku aaso isagoo nacayo inay raashiinkiisa wax ka cunto. Xaalkayagu waxuu ahaa kahor sida aan maantadan ku sugannahay sida aan kuu sheegay, markaa buu Alle inoo soo diray nin macruuf ah oo aan garaneyno nasabkiisa, wajigiisa iyo dhalashadiisa, dhulkiisu waa kan ugu kheyr badan dhulkayaga, xasabkiisu waa kan ugu kheyr badan axsaabtayada, aqalkiisuna waa kan ugu kheyr badan aqallayada, tolkiisu waa kan ugu kheyr badan tolkayaga, isaguna naf ahaan waa kaayaga inoogu kheyr badan. Waxuu inoogu yeeray arrinka diinta markaasay cidina ajiibin. Qofkii ugu horreeyay ee raaco waxuu ahaa khaliifadii isaga ka dambeeyey Abuu Bakar. Waxaanu niri been baad sheegtay, suu yiri run baad sheegtay, saan wax ka naaqusinnay markaasuu isaguna u siyaadiyey. Markaa buu Alle markii dambe quluubtayada ku tuuray rumeynta iyo raaciddiisa, markaa buu dhex qaaday annaga iyo Rabbiga uunka dhexdeenna, wax waliboo uu nagu yiraahdo, waa qowlka Allaah, amarkastoo uu na amrana waa amarka Allaah. Waxuu inagu yiri Nebigu SCW: Rabbigiin waxuu idin leeyahay: Anigu waxaan ahay keli, mana jiraan wax la ila wadaajiyo, waxaan jiray goor aysan waxbo jirin, shey kastaana wuu hallaagsami doonaa marka laga reebo wejigeyga. Aniga ayaa abuuray shey walibo, oo xaggeyga ayay u ahaan doonaa wax walibo, raxmaddeydu way idin haleeshay, waxaana idiin soo diray ninka kan Muxammed SCW si uu idiin tusiyo jidkii aan idinkaga badbaadin lahaa geeri dabadeed cadaabteyda oo aan idinkugu xalaaleeyo daarteyda Daarus- Salaam.

Haddaba waxaanu qireynaa inuu Muxammed SCW la yimid xaq uuna kala yimid xaq agtiis, waxuuna yiri: Ruuxii idinku raaco arrinkan diinta Islaamka waxuu leeyahay waxii aad idinku leedihiin, waxaana dushiisa ahaaday waxa dushiina ah, kiise diida u bandhigo jizyo , hadduu yeelana ka ilaaliyo waxa aad nafahiina ka ilaalisaan, hadday diidaan la dagaallama waa aniga kan dhexdiina xakamka ka ah ee kala xukmin, kiinnii idinka mid ah ee la dilo waxaan gelin doonaa Jannadeyda, kiinnii haraana waxaan ka yeeli doonaa ciribtiisa guul.

Waxuu yiri Muqiirah isagoo boqorka dhankiisa markaa hadalka u tuurayo: Haddaba dooro jizyo adigoo dulleysan, ama haddii aad doonto seef ama Islaam oo bad baadi naftaada?

Waxuu yiri Yazdajrid: War ma waxaan oo kale baad iila imanaysaa? Waxuu yiri Muqiirah: Ma ahan wax aan ula tegay qof aan ila hadlin, haddii uu qof kale oo aan adiga ahayn ila hadli lahaana waan ula tegi lahaa. Markaa buu Yazdajrid yiri: Haddaysan dembi ahaan lahayn in ergada la dilo, waan idin layn lahaa, wax agteyda idiin yaalla majirto.

Waxuu markaa Yazdajrid la hadlay dadkiisii oo uu ka codsaday inay u keenaan juuni weyn si uu carro ugu buuxiyo oo uu qoorta u saaro shariifka kuwan muslimiinta ah.

Markii loo keenay carradii buu yiri: Waa kuma shariifkiinna? Markaa bay qowmkii wada aamuseen. Caasim bin Camr baa markaa yiri isagoo doonayo inuu qowmka furto oo uu isagu carrada qaado: Waa aniga shariifkooda, aniga ayaa ah ugaaska kuwan ee ii saari carrada. Waxuu yiri Yazdajrid: Oo masidaa baa? Waxay yiraahdeen: Haah!.

Markaa buu Yazdajrid dusha u saariyey dabeetana uu amray inuu la dhaqaaqo. Caasim raggiisii kale waalaga hor diray oo intuu carradii qaaday buu la socday isagoo dhex qaadaya deyrarkii Madaain jeer uu u tegay rakuubkiisii markaa buuna dul saartay oo uu dhaqaaqay.

Asxaabtiisii kale iyana way soo dhaqaaqeen, Caasim ayaana kaga hor maray amiirka ciidanka. Markii uu Caasim marayey meesha la yiraahdo Baabu Qudeys oo ah dacal kamid ah Qaadisiyah buu yiri: Ugu bishaareeyo amiirka lib iyo guul, waanu ka guuleysan doonnaa Inshaa-Allaah. Kadib wuu sii socday waxuuna galay qolkiisii oo uu carradii dhigtay, markaasuu soo laabtay oo uu utegay Sacad oo uu arrintii uga warramay.

Saxaabadu aad bay ugu farxeen arrintaas waxayna u fasirteen inay tahay qaadashada dhulka Furus oo dhan, maalinba maalinta ka dambeysaana sharaf iyo kor ahaansho iyo cissi ayaa u sii siyaadaysay, halka Majuustu dulli iyo dib udhac iyo dar xumo hor leh iyo wahni iyo dhaciifnimo ay la kulmayeen.

Rustum waa uu dhaqaaqay waxuuna aaday boqorkii si uu usoo weydiiyo waxii uu kala kulmay Muslimiinta iyo weliba rayigoodii, markaa buu Yazdajridna si cad ugu bayaaniyey xadrigii jawaabahoodii iyo hadalladoodii faseexadda iyo caqligoodii saafiga ahaa. Waxuu misna u sheegay inay aaminsanyahiin guul goor iyo goob welibo. Guud ahaan Yazdajrid waxuu Rustum u dul maray waxii isaga iyo raggii Muslimiinta ee ergada ahaa dhex maray oo hadal iyo dood ahaa, waxuuna xusay falkiisii doqonnimada ahaa ee uu carrada madaxa u saaray Caasim bin Camr, taasoo uu isagu u arkayey inuu wax haggaajiyey hase ahaatee ku noqotay: maxaa iigeeyey? Rustum markii uu dhageystay hadalkii Yazdajrid iyo carradii uu Caasim madaxa u saariyey buu yiri: Ninku Caasim ma uusan ahayn axmaq mana ahayd shariifkooda, waxuu doonayey oo kaliya inuu qowmkiisa furto oo uu isagu carradu qaado, hase ahaatee Illaah baan ku dhaartaye waxay la tegeen furayaashii dhulkayaga. Rustum waxuu ahaa Munjim yacni mid xiddigaha wax ka sheego sidaynu soo xusnayba. Markaa buu diray nin kamid ah Majuusta si uu uga daba tego haddii uu gaarana uu kasoo celiyo carrada haddii uu gaari waayo oo carradu ay utegto amiirka ciidanka Muslimiinta ee Sacad bin Abii Waqaas taa waxay lamid tahay buu yiri inay dhulkayaga nooga adkaadeen. Ninkii wuu daba galay isagoo doonayo inuu carradu soo celiyo hase ahaatee waa goorma? Waa goor ay carradii u tegtay Sacad bin Abii Waqaas Muslimiintiina ay ku farxeen, Faarisiintiina aad bay uga xumaadeen arrintaas oo waxay caroodeen caro kulul, rayigii boqorkuna waxay ku tilmaameen mid iska waalan.

Aanu u weecanno dagaalkii iyo siduu ku billawday.

Dhacdadan Qaadisiyah waxay ahayd dhacdo tii ugu weyneyd ee ka dhacdo dhulka Ciraaq, waxayna ahayd mid aad iyo aad u cajiib badan. Markiina ay labadii qolo is wajaheen, waxay ahayd goor uu Sacad xanuunsanaa oo ay ku dhacday xanuun la yiraahdo Carqun-Nassaa, waxuuna awoodi waayey fuulidda gaadiidka rakuubka ama faraska, markaa baa loo dhisay qasri oo loo goglay labada dhinacna loo geliyey barkimo si uu halkaa kala socda dagaalka. Dagaal gelinta ciidanka waxuu u xilsaaray Khaalid bin Curfudhah, ciidanka midigta waxuu madax uga dhigay Jariir bin C/llaahi Al Bujali, ciidanka bidixdana waxuu u dhiibay Qeys bin Makshuux. Qeys bin Makshuux, Muqiirah bin Shucbah, Al qacqaac bin Camr iyo Haashim bin Cutbah iyo rag kaloo halyeeyo ah waxay ahaayeen raggii ku yimid gurmadka ee uu soo diray Abuu Cubeydah bin Al Jarraax kadib markuu dhacay dagaalkii Yarmuuk. Ciidanka Muslimiintu waxaa lagu sheegaa inay ahaayeen 30 000 ama 32 000 ama 36 000, sidaa si aan ahayna waala sheegaa, calanka ciidanka waxaa dalbaday inuu qaado Cabdullaahi bin Ummu Maktuum, kadib markii laga fursan wayey ayaa loo dhiibay. Sacad dadkii buu tujiyey salaaddii duhur oo uu waaniyey oo ku booriyey dagaalka waxuuna akhriyey qowlka Alle Sarreeye: Dhab ahaan baanu ugu qornay Zabuur kadib sheegid horey loogu sheegay looxul maxfuudka in dhulku ay dhaxli doonaan addoomayda suubban. Suuratul Ambiyaa, aayadda 105aad. Raggii qurraada ahaa ee ciidanka la socdayna waxay akhrinayeen aayadahii jihaadka. Kadib Sacad wuu takbiirsaday 4 jeer , takbiirtii afraad kadib bay ahayd markii ay weerarka kulul qaadeen ciidamadii Muslimiinta, markaana waxaa dhex maray dagaal kulul oo soconayey illaa habeenkii, meydka labada dhinacna waxuu ahaa mid aad u batay. markaa bay kala hoydeen, subixii dambana way isku soo jarmaadeen oo dagaalkii ayaa weji cusub ku bilawday sidii lamid ah buuna usocday meytida labada dhinacna waxay ahayd sidii hore oo kale, markii ay subixii saddexaad isku soo jarmaadeen buu dagaalkii halkiisii kasii socday weji kii hore lamid ah buuna ku socday jeer gabbalkii dhacay markaa bayna kala hoydeen, habeenkaasina waxuu ahaa habeenkii loogu magac daray Leylatu Al Hariir. Markii la waabariistay subaxii afraad, waxay ahayd markii ugu darneyd ee uu sida kulul u dhacay dagaalka. Majuustu waxay maalintaas lasoo dagaal tegeen maroodiyaal sidaynu soo xusnay ay ku argagax gelinayeen fardaha Muslimiinta, oo mar waliba laf dhuun gashay bay ku ahaayeen, waana taas tii u diidday weerarro badan oo ay ku qaadeen fardooleydii Muslimiinta si ay si munaasib ah u dhex galaan ciidanka Faarisiinta. Qaar kamid ah halyeeyadii Muslimiinta baa markaa laysay maroodiyaashii iyo waxii saarnaaba iyagoo markii hore indhaha gamuunno uga riday. Rag kamid ah Jamaacadii Muslimiinta baa maalintaas dhigay wacdaro aad loola yaabay, waxaana raggaasi kamid ahaa Dhuleyxah bin Khuweylid, Al qacqaac bin Camr, Camr bin Macdiyakrib, Jariir bin C/llaahi Al Bujali, Diraar bin Al Khaddaab iyo Khaalid bin Carfudhah iyo qeyrkood. Markii la gaaray bartamahii maalintan afraad waa maalinta loo yaqaan Yowmu Qaadisiyah oo ahayd maalin Isniin ah bishii Muxarram ee sanadkan yacni 14kii Hijriyada sida uu xusay Iimam Seyf bin Cumar baa waxaa kacday dabayl qaadday teendhooyinkii Furus oo tuurtay sariirtii Rustum, markaa buu Rustum cararay oo uu fuulay bakhashiisii dabeetana jaanta rogtay Muslimiintii baa inta ka daba tegay dishay, waxaa dilay Rustum nin kamid ah Muslimiinta oo la oran jiray Hilaal bin Calqamah, waran buu intuu ku tuuray lugta kala helay, markaasuu utegay oo uu madaxa ka gooyey. Waxaa kaloo la sheegaa markuu dhawaacu soo gaaray buu dalbaday in loogu yeero nin halyeeyada Muslimiinta kamid ah si uu u dilo intuu nin ciidanka kamid ah dili lahaa, waxuuna taas u fisirtay inay isagu sharaf utahay, markaa baa loogu yeeray Al qacqaac bin Camr oo kurka ka jaray. Jaalinuus isaguu wuu cararay oo firxadkii buu dhexda ka galay. Jabkii kuwii cararay bay Muslimiintu raacdeysanayeen oo ay laynayeen jeer ay cadawgii degeen meel oo ay cabbeen khamri markaa bay seexdeen kadib markay sakraameen. Muslimiintii baa goor aysan ka filaneynin soo kadiyeen oo wada laayeen, Jaalinuusna waala dilay waxaana dilay Zuhrah bin Xawiyah At Tamiimi. Markay jabeen oo ay Muslimiintii ka daba tegeen , waxay ka laayeen 30 000, macrikada dhexdeedana waxay uga laayeen 10 000, maalmahii ka horeyeyna intaas in kudhaw bay ka laayeen. Dhanka Muslimiintuna waxaa ka shahiiday maalintaas iyo maalmahii ka horreeyayba 2500 Raximahumul-Laah.

Taa ka hor dagaalka intuu socday waa qolka Sacad kula jiray nin maxbuus ahaa oo Muslimiinta kamid ah, ninkaasi waxuu ahaa Abuu Mixjan At-Thaqafi Camr ama Maalik bin Xabiib bin Cumeyr bin Cowf oo markaa khamri cabbay, markaa baa la xabbisay laguna xiray qasrigii Sacad, markaa ka horna 7 jeer baa laga oofiyey xadka cabbida khamriga. Abuu Mixjan waxuu kamid ahaa raggii caanka ahaa ee kamidka ahaa geesiyaashii Muslimiinta.

Markii uu dagaalku kululaaday baa waxuu Abuu Mijxan arkay fardooleydii cadawga oo ku gaaf wareegayo halka qasrigii uu ku sugnaa amiirkii ciidanka ee Sacad bin Abii Waqaas, markaa buu is ciil baday Abaa Mijxan bal haddii uusan xirnaan lahyn fiicnaan lahaydaa. Halkaas waxuu ka tiriyey tixgabay uu ku tilmaamayo halka uu reerkiisii iyo hantidiisii uga soo tegay isagoo jecel inuu jidka Alle ku jihaado iyo weliba isagoo muujinayo inay murug ugu filantahay maanta isagoo arkayo fardahii cadawga oo gaaf wareegayo qasrigii amiirka ciidamada Muslimiinta iyo isagii oo taa oo idil ka xiran oo aanan waxba ka awoodi karin.

Waxuu Abuu Mixjan la hadlay Zubraa oo ahayd Ummu walad u joogtay Sacad bin Abii Waqaas, waxuu ka dalbaday in ay sii deyso oo ay xarigga ka furto oo ayna u keento faraskii Sacad si uu ugu dagaal galo, waa haddii uu gelinka dambe isagoo bed qabo kasoo laabtee waxuu ballan kula galay oo uu ugu dhaartay inuu halkiisa kusoo laaban doono oo markaa ay xiri doonto. Zubraa way deysay markaa buu faraskii fuulay oo uu dagaallamay dagaal daran, Sacadna wuxuu arkayey faraskiisa iyo nin dul saaran, waxuu ninka dul saarani ula muuqanayay inuu yahay Abuu Mixjan Al Thaqafi, haddana waxaa taas ka shaki tireysay inuu qasriga ku xirnaa oo uu maxbuus ahaa.

Goortaa iyada ah ee uu dagaalku kululi dhacayey bay haweeneydii Sacad Salmaa bint Khasfa tii uu horey kaga geeriyooday Muthanna bin Xaaritha ay aragtay fardahii cadawga oo qasriga kusoo dhawaaday Sacadna uu markaa xanuunsanaa oo uusan dagaalku kujirin. Markaa bay Salmaa afka furay kadib markay aragtay qaar kamid ah fardooleydii Muslimiintu oo cararay oo ay ku dhawaaqday: Waa Muthanniyaaah!! Muthanna beelay maantuye!. Sacad bin Abii Waqaas baa markaa inta ka carooday dharbaaxo wejiga ku dhuftay, Salma bint Khasfa waxay runtii dhibsatay Sacad oo qasriga fadhiyo oo aan dagaalku ku jirin xilli Muslimiinta ay dhowr goor sibibaxdeen, waxay Muthanna ugu barooratay in ay maseyr geliso Sacad oo uu markaa kaco oo uu dagaalku galo, waxayna xasuusineysay geesinnimadii Muthanna iyo inuusan ahayn nin u seexan jirey cadawga, hase ahaate dar kale Sacad waxuu ahaa geesi aan gorada laalaadinin, oo ganidda gamuunka tab heer sare ah u yaqiinay, sidaa si lamid ahina waxuuba lahaa cududdaar oo waa usuuroobi weyday inuu dagaallamo, hase ahaatee goobjoog buu ahaa dagaalka xaaladdiisa oo idilna wuu lasocday, waxaana u diiday inuu ka qaybqaato xanuunkii markaa hayey oo uu la fuuli waayey faraska ama gaadiidka.

Markii uu Abuu Mixjan kasoo laabtay dagaalka gelinka dambe buu halkiisii kusoo laabtay oo ballantii oofiyey, markaa bay haweeneydii Sacadna halkii ku xirtay. Markii uu dagaalku dhammaaday baa Sacad loo sheegay arrintii Abaa Mixjan markaa buu isagiina iska sii daayey oo wuu cafiyey. Wuxuuna u ballan qaaday inuu mar dambe jeedali doonin. Asaguna Abuu Muxjin wuxuu ballan ku galay inuusan dib dambe u cabbin khamri.

Sacad bin Abii Waqaas ciidankii ayuu usoo baxay kadib markuu dagaalka dhammaaday oo u cududdaartay iyana way u cududdaareen.

Muslimiintii waxay Qaadisiyah ka qaniimeysteen maal tiro badan iyo hub aan lasoo koobi karin kadib markay ka guuleysteen cadawgoodii, waxuu ahaa maal aysan horey mid lamid ah u helin ciidamadii Muslimiinta ee geyigaas ku sungaa ama guud ahaan kuwii xitaa dhanka Shaam joogay. Kadib markii qaniimadii laga saaray khumuskii buu Sacad u qeybiyey Muslimiinta, khumuskiina u diray dhankii amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Khaddaab.

Halkaas bay ku jabeen cadawgii Islaamka ee majuustii Furus, waana halkii lagu boqno gooyey boqortooyadiidii boqolleyda ahayd oo muddo dunida ka talin jirtay. Waxaa guuleystay xisbigii Raxmaanka iyo ciidamaddii Allaah.

Waa goor warka Qaadisiyah Muslimiintu meel kasta oy joogaanba ay dhowrayaan, Cumar bin Al Khaddaab laftiisu waqti harsiimo ah oo hanfi kulul dhacaya buu maalmahaas caadeystay inuu khabarka Qaadisiyah doon doono oo uu waddada Ciraaq afka saari jirey bal si uu ula kulmo qof ka yimid dhanka Ciraaq oo uu wax ka weydiiyo Qaadisiyah. Goor uu Cumar waddada Ciraaq hayo isagoo doon doonayo warka Qaadisiyah baa waxuu arkay qof meel fog kasoo muuqanayo, markaa buu ka hor tegay oo wax ka weydiiyey. Ninkii waxuu u sheegay in Qaadisiya la furtay oo ay Muslimiintii ku guuleysteen ayna ka qaniimeysteen maal iyo hub tiro badan, oo Majuustiina ay ku jabeen. Cumar bin Khaddaab ninkii buu la sheekeysanayey iyadoo ninku uu saarnaa daabaddiisa awrka ama faraska uu sitay halka Cumarna uu lugeynayey. Markii magaalladii Madiina ay soo galeen baa ninkii waxuu arkay dadkii oo Cumar kala hadlayo arrimahii dowladda arrimahii bulshada, markaa buu ninku gartay qofka uu lasocday inuu yahay amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Khaddaab, markaa buu ku yiri: Oo maxaad iigu sheegi weyday amiirkii Muminiintow!! inaad tahayd Cumar? Waxuu Cumar yiri: Wax dhiba malaha walaalkayow.

Sacad bin Abii Waqaas waxuu warqad u diray dhankii Madiina iyo amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Khaddaab, waxayna warqaddaasi caddeyneysay guushii Muslimiinta iyo tiradii ka shahiiday iyo weliba inta cadawga laga laayey. Waxuu Sacad warqaddaasi u dhiibay Cumeylah Al Fazaariyu. Cumar bin Al Khaddaab warqaddii guusha iyo bishaarada buu ka dul akhriyey mimbarka dushiisa, waxuuna saxaabadii u sheegay dadkii caanka ahaa ee kaga shahiiday Qaadisiyah oo uu u horeeyay Sacad bin Cubeyd Al Qaari. Khumuskii qaniimadana waxuu gaaray magaalladii Madiina.

Dhacdooyin Kale

Sanadkan dhexdiisa buu Cumar ku kulmiyey dadkii reer Madiina in la tukado salaadda Taraawixda bisha Ramadaan, isagoo amray inuu dadka tujiyo Ubay bin Kacab, waxayna ahayd markaa bishii Ramadaan ee sanadkan, goballadiina warqado ayuu u diray isagoo amrayo in la oogo salaadda Taraawiixda bisha Ramadaan laguna tukado jamaaco.

Isla sanadkan buu diray Cumar bin Khaddaab Cutbah bin Qazwaan isagoo masuul uga dhigayo magaallada Basrah isagoo amray inuu dego halkaas oo ciidamada Muslimiintuna ay la dagaan xarunna uu kadhigto.

Seyf bin Cumar waxuu qabaa inay markaa ahayd sanadkii 16aad ee hijriyada Cutbana uu ka baxay magaallada Madaain oo uu ka aaday Basrah kadib markii la furtay Madaain waqtigaa iyada ahina ay ahayd bishii Rabiicul Awal ama Rabiicuth-Thaani ee sanadkii 16aad ee Hijriyada. Qaar kalena waxay qabaan in ay ahayd sanadkan markii uu Cumar diray Cutbah bin Qazwaan. Wallaahu aclam.

Abuu Mikhnaf waxuu soo weriyey in Cutbah bin Qazwaan loo diray Basra isagoo wato 300 iyo dhowr ciidan ah, markaa buu xaggeedii ku dhaqaaqay isagoo sii maraya acraabtii dhexda deganeyd illaa ay ciidamadiisii noqdeen 500, waxay markaa amintu ahayd buu yiri bishii Rabiicul Awal ee sanadkan, waxaana markaa dhulka Basra loo yaqaanay Ardul Hindi. Waxay ahayd dhul leh dhagaxyo cad cad. Markii uu tegay Cutbah halkaa baa waxaa kusoo baxay Saaxibu Furaat ninkii halkaasi masuulka ka ahaa oo hoggaaminaya 4000 oo ciidan ah, markaa bay is heleen, durtaba wuu ka adkaaday ninkii ciidamadaa sitayna wuu soo qafaashay, markaa buu Cutbah kadhex istaagay dadkii isagoo u khudbeeyay xasuusiyeyna fadaaisha iyo wanaagga islaamka iyo in lagu dhego.

Waxa lasoo wariyaa in uu Cumar warqad u qoray Cutbah bin Qazwaan markuu u dirayey Basra, waxuuna ku yiri: Cutboow! waxaan kuu wakiishay dhulka Ardul Hindi Basra , waana xawma kamid ah xowmoyinka cadawga, waxaana rajeynayaa inuu Alle kaaga fillaado waxa hareeraheeda ah oo uu kaaga gargaaro dusheeda. Waxaan warqad u qoray Al Calaa bin Xadrami si uu kuugu soo gurmado Curfajah bin Harthama. Markuu kuu yimaado soo dhaweey oo la tasho, uguna yeer cadawga xagga Alle, kii kaa yeelana ka yeel kii diidana ka qaad jizyo, hadday taa dhicinna waa seyf yacni la dagaallan. Ugu Cabso Allaah wixii laguu wakiishay, waxaana kaaga digayaa inay naftaadu kuu saarto isla weyni oo markaa aakhiradaadu ay kaa fasahaadiso. Waxaad runtii la saaxiibtay Rasuulkii Alle SCW markaa baad cizoowday dullinnimo dabadeed, oo aad quwad yeelatay itaal darri dabadeed jeer aad markii dambe noqotay amiir musallad ah iyo boqor la adeeco. Wax baad oran, markaa baalagu dhageysan, amar baadna bixin markaa baa la yeeli oo lagu adeeci. Way dheereed warqaddii dardaaranka iyo wilaayada ee uu Cumar u diray Cutbah Illaahay haka raalli noqdee, balse intaasi waxay ahayd nas kamid ah.

Cutbah waxuu tegay Basra oo uu degay. Bishii Rajab ama Shacbaan ee sanadkan ayuuna furtay Ublah. Markii uu geeriyooday Cutbah, waxuu Cumar masuul uga dhigay magaalladii Basra Al Muqiirah bin Shucbah.

Sanadkan dhexdiisa ayuu Cumar bin Al Khaddaab jeedalay wiilkiisii Cubeydillaah iyo jameeca kale oo uu ka oofinayey xadka cabbidda khamriga. Abuu Mixjan Al Thaqafi iyo Rabiica bin Umayah bin Khalaf ayaa kamid ahaa iyana dadkii xadka cabbidda khamriga laga oofiyey sanadkan. Waxaa kaloo la sheegaa in sanadkii hore laga oofiyey Abuu Mixjan ee aanan sanadkan laga oofin.

Dhanka kale xajka waxaa dadka xajiyey sanadkan Cumar bin Al Khaddaab. Masuuliyiintiisii goballada waxay ahaayeen sidan:

Shaam waxaa masuul uga ahaa Abuu Cubeydah, Ciraaqna Sacad bin Abii Waqaas, Baxreen waxaa masuul uga ahaa Cuthmaan bin Abil Caas ama Al Calaa bin Xadrami, Cummaanna waxaa masuul uga ahaa Xudeyfah bin Muxsin.

SANADKII 15AAD

Maadama aanan sanadkii hore ku xusin wax dhacdooyin ah oo ka dhacay dhulka Shaam, baan door bidnay inaan hadda ku hor marno dhanka Shaam. Waana in ay culimo badan badi ku sheegeen dhacdooyinkan aan immika soo min guurineyno ama aan xusayno inay dhaceen sanadkan 15aad ee Hijriyada, waana sida aan inaguna ku raacnay maadama ay jamhuurkoodu qabaan inay dhaceen sanadkii 15aad.

Dhacdadii Maraj Al Ruum

Sanadkan bay dhacday dhacdadani sida uu Ibnu jariir xusay. Waxay sababteedu ahayd kadib markii ay Abuu Cubeydah iyo Khaalid kasoo laabteen Fixil bay u qasdeen dhanka Ximsa iyagoo fulinayo amarkii amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Khaddaab, waqtigaasina waxuu ahaa waqti qabooba ah, markaa baa Abaa Cubeyda waxaa u muuqatay inuu aado Maraj Ar-Ruum. Boqor Hiriqal baa waxuu soo diray ciidama Ruumaan ah oo uu madax uga soo dhigay Towdar. Waxuu Towdar ciidamadiisii dejiyey galbeedka Dimishiq, markaana waxay ahayd waqti qabooba ah, waana markii Abuu Cubeyda ay u muuqatay in uu aado Maraj Ar-Ruum. Misna waxaa kaloo uu Hiriqal soo diray ciidan kale oo culus oo uu madax uga soo dhigay nin la oran jiray Shannas. Ciidamadii Shannas waxay dul degeen Abuu Cubeydah oo ay kala dhex galeen isaga iyo ciidamadii Towdar, markaa buuna Towdar u dhaqaaqay dhanka Dimishiq si uu uga saaro Yaziid bin Abii Sufyaan. Khaalid bin Waliid baa daba kacay raadkii Towdar, Yaziidna markuu ka war helay inuu Towdar xaggiisa kusoo wajahanyahay buu magaalladii kasoo baxay isaga iyo ciidankiisii, waxayna is heleen Towdar, halkaa waxaa ku dhex maray dagaal labadii qolo ciidankii Yaziid iyo kuwii Towdar. Dagaalku wuu socday waxuuna ahaa dagaal kulul, Yaziidna horey ayuu ka dagaallamayey goor uu dagaalkii socday buuna Khaalid yimid isagoo gadaal ka laynayey ciidamadii Towdar ee uu markii horeba ku raad joogay. Halkaa buu Khaalid ku dilay Towdar ciidamadiisi si daran u laayey, waxaana yaraa intii ka bad baadday. Muslimiintii waxay halkaa kaga qaniimeysteen Ruumaankii maal tiro badan, kadib markii la qeybiyey buuna Yaziid magaalladiisii Dimishiq ku laabtay, Khaalidna dhankii Abii Cubeydah buu u boqaallay.

Waxuu Khaalid u tegay goor Abuu Cubeydah iyo Shannas uu dagaal kulul dhex maray, halkaasoo goobta Maraj Ar- Ruum uu Abuu Cubeydah ku dilay Shannas kana laayey maqtala badan ciidamaduu watay, heer maydkoodii uu dhulka camiray. Firxadkii kuwii jabay buu Abuu Cubeydah eryanayey illaa ay galeen magaalladii Ximsa. Markaa buu godoomin ku qabtay.

Furashadii Koowaad ee Ximis

Markii uu Abuu Cubeydah gaaray magaalladii Ximsa siduu u eryanayey kuwii jabay buu dul degay oo uu godoomin ku qabtay, Khaalidna wuu ka daba yimid oo godoomintii buu wax ka qabtay. Waxay ku qabteen xisaar aad u daran, waqtigaana waxuu ahaa waqti qabooba ah, dadkii baladkuna way sabreen iyagoo ku rajo weynaa inay Muslimiintu ka laaban doonaan waqtiga uu qaboowgu darraado. Saxaabadii oo iyagu ka sabar iyo adkeysi badnaa dadka baladka ayaa waxay muujiyeen sabar aad u sarreyo, halka Ruumaanku gommaduhu daldallaciyey qaboowgii jiray iyagoo weliba sitay quf lugaha ay qabowga kaga asturtaan, haddana dhanka kale saxaabadu iyagu waxay wateen oo qura kabahooda oo wax kale kumaysan sidan lugaha, sidooy tahayna wax daldallaac ama wax lamid ah makasoo gaarin qaboowgii jirey, waxayna muujiyeen adkeysi badan. Markii uu waqtigii qaboobaha dhammaaday bay Muslimiintii sii adkeeyeen godoomintii ay Ximsa ku hayeen, markaa bay odayaashii reer Ximsa u bandhigeen dadkoodii inay la heshiiyaan Muslimiinta hase ahaatee way diideen, waxayna yiraahdeen: Ma waxaan la heshiinnaa iyadoo boqortooyadii ay inoo dhow dahay? Waxaa la yiraahdaa Muslimiintii baa maalin maalmaha kamid ah takbiirsadeen mar qura takbiir ay magaalladii la gilgilatay oo qaar kamid ah derbiyadiina ay daldallaaceen, markaa bay misna markale takbiirsadeen takbiir ay guryaha qaar kamid ah la dumeen. Markaa bay caamaddoodii u tegeen culimadoodii iyo madaxdooda oo ay ku yiraahdeen: Ma waydaan u jeedin waxa inagu dul degay iyo waxa aan ku sugannahay, ma waydaan qowmku heshiis nooga gunteynin? Markaa bay Muslimiintii kula heshiiyeen heshiis lamid ah kii ay la galeen reer Dimishiq, waxuuna Abuu Cubeydah ku waajibiyey inay bixiyaan jizyo qoor kasto hodan iyo faqiirba oo ay ku hoos noolaadaan dowladda Islaamka. Intaa kadibna khumuskii qaniimada iyo bishaaradii ayuu Abuu Cubeydah u diray dhankii amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Khaddaab isagoo horey ugu sii dhiibay C/llaahi bin Mascuud Al Hudali, isagiina Abuu Cubeydah waxuu degay magaalladii Ximsa oo uu markii hore dhankeeda kusoo wajahnaa. Waxaa markaa lasocday ciidan culus oo ay ku jireen rag halyeeyadii Islaamka ah oo ay kamid ahaayeen Bilaal bin Rabaax iyo Al Miqdaad bin Camr. Kadib Abuu Cubeydah waxuu warqad u qoray amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Khaddaab taasoo uu ku ogeysiinayo in Hiriqal uu gooyey biyahii Jaziiradda oo uu marna soo baxo marna uu dhakado. Waxaa timid warqaddii jawaabta ee Cumar bin Khaddaab, taasoo uu ku amrayo inuu Abuu Cubeydah dego magaallada Ximsa oo uu xarun ka dhigta.

Dhacdadii Qinnasriin

Markii uu furtay Abuu Cubeydah magaalladii Ximsa ayuu Khaalid bin Waliid u diray dhankii Qinnasriin. Markii uu Khaalid yimid Qinnasriin baa waxaa kusoo baxay dadkeedii Ruumaankii iyo Carabtii Nasaareyda, waxaana dhex maray iyaga iyo Khaalid dagaal aad u daran, waxuuna ka laayey khalqi badan.

Ammaa Ruumaankii halkaa ahaa wuu laayey, amiirkoodii Meytaas-na wuu dilay. Carabtii Nasaareyduna iyagu way cududdaarteen in dagaalkan uusan markii hore ahayn rayigooda, markaa buu Khaalid ka yeelay oo iska daayey, kadib waxuu galay baladkii oo markaa ay dadkeedi ku aruureen qalcadaha, markaa buu u yeeray inay usoo dagaan, kadibna wuu furtay Khaalid dhulkaas

Cumar bin Khaddaab markay gaartay sancadii Khaalid bin Waliid ee dhacdadan buu yiri: Allaha u naxariisto Abuu Bakar waxuu ahaa mid ragga iiga ogaal badan, Illaah baan ku dhaartaye ugamaanan cazilin Khaalid raayadda masuuliyadda Shaam waxaan ka ahayn in aan ka yaabay inay isagu dadka tala saartaan.

Guuriddii Boqorkii Ruumaaanka Ee Hiraqal

Sanadkan dhexdiisa ayaa boqorkii Hiriqal looga adkaaday dhulkii Shaam oo uu guud ahaan ka guuray, isagoo u guuray dhulka Ruum. Sidaa waxaa xusay Ibnu Jariir, Maxamed bin Isxaaq iyo culimo kale, Seyf bin Cumarse waxuu yiri: Waxay ahayd markaa sanadkii 16aad ee Hijriyada.

Annagoo tixraaceyna qowlka Jamhuurka oo ay badi qabaan Culamaayi Siirah ayaan raaceynaa qowlka Ibnu jariir iyo Ibnu Isxaaq.

Waxay ahayd in Boqorkii Ruum ee Hiriqal mar waliboo uu xaj ahaan u yimaado dhulka Beytul Maqdis uu ku oran jiray markuu ka tegayo: Sallaamun Caleyka Suuriyaay!! salaan sagootin, waaan kuusoo laaban doonaa.

Markii uu sanadkan goostay safarka iyo inuu ka baxo dhulka Shaam oo uu marka hore u gaaray goob la yiraahdo Ruhaa buu ehelkiisii ka dalbaday inay safarkiisa dhulka Ruum ay kula rafiiqaan, hase ahaatee waxay u sheegeen inay doonayaan inay ku haraan dhulka Shaam, markaa buuna isaga tegay.

Markii uu gaaray Shamshaan buu istaagay oo jalleecay dhanka Beytul Maqdis, markaasuu yiri: Nabadi ha ahaato dushaado Suuriyaay! nabad gelyo iyo sagootin oo aan soo noqod lahayn illaa aan Islaamo, dib dambena kuugu soo laaban maayo qof Ruumi ah isagoo cabsanayo mooyaan, hoogeygee!! Maxaan u dhashay? Kadib wuu sii socday Hiriqal illaa uu ka gaaray magaalladii Qusdhandhiin, halkaasoo uu boqortooyadiisii dejiyey. Waxuu wax ka weydiiyey nin markaa ka hor ay Muslimiinti horey u qafaasheen, waxuu ku yiri: Waxaad iiga warrantaa qowmka kan ee Muslimiinta ah. Waxuu ninkii yiri: Waxaan kaaga warramayaa sida adigoo u jeeddid, waxay maalintii fuushan yahiin fardo, habeenkiina salaad bay u taaganyahiin, ma galaan guryaha salaaan laaan. Hiriqal waxuu si wacan u dhageystay dhowr sifooyin oo uu ninkii ka bixyey Muslimiinta markaa buuna Hiriqal yiri: Haddii aad iiga run sheegtay xaggooda waxay mulkin doonaan halkatan ee ay gomadahaygu saaran yahiin.

Xadiith Saxiixeynka ku sugan oo laga soo weriyey Abuu Hureyrah ayaa waxuu yiri: Rasuulka Alle SCW waxuu yiri: Hadii uu halaagsamo yacni dhinta Kisraa boqorkii Furus ma jiri doono Kisraa kaloo ka dambeyn doono, haddii uu halaagsamo Qeysar boqorka Ruum ma jiri doono Qeysar kaloo ka dambeyn doono. kan ay nafteydu awooddiisa ku jirta yacni Allaah baan ku dhaartaye waxaad kunuuztooda yacni keydadkooda u isticmaali doontaan jidka Alle. Runtii run buu sheegay xabiibkeenna udgoon badane SCW, markii uu yiri jiri maayo Qeysar dambe ama Kisra dambe oo markaa ka dambeyn doono kuwii xilligaa jiray, kuwaasoo dhulalka Shaam iyo Furus si guud u maamuli doono. Siduu Rasuulka SCW sheegay muddo gaaban bay ahayd markii ay Saxaabadii kaga takhalluseen boqortooyadoodii. Dib dambeysanna uguma soo laabanin tan dahrigan aakhirkiisa.

Wax waliboo uu Rasuulkeenna SCW sii sheegayna waa wax dhacay ama dhici doono idinka Alle.

Dhacdadii Qeysaariyah

Sanadkan dhexdiisa ayuu amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Khaddaab amray Mucaawiyah bin Abii Sufyaan inuu aado dhanka Qeysaariyah, warqad ayuuna usoo qoray isagoo ku leh: Waxaan kuusoo wakiishay Qeysaariyah ee aad xaggeeda Allana uga gargaar dalbo dushooda, oo badi qowlka Laa xowla walaa quwati Illaah bilaahil-caliyul cadiim. Mucaawiyah xaggii Qeysaariyah buu aaday oo uu godoomin ku qabtay, markaa bay dadkeedii kusoo baxeen dhowr mar, markii ugu dambeysayna waa markuu dhacay dagaalkii ugu darnaa oo uu Mucaawiya cadawgu kaga laayey tiro aad u badan oo dad ah, dagaalka ayuu Mucaawiya ku xeel dheeraaday illaa uu furtay, furashaduna maysan iman jeer uu marka hore ka laayey 80 000, boqolkii kunna waxuu ku buuxiyey firxadkii ka cararay macrikada ee ay sii laynayeen ciidamadii Muslimiinta. Bishaaradii guusha iyo khumuskii qaniimada ayuu Mucaawiyah u diray amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Khaddaab.

Sanadkan dhexdiisa buu Cumar warqad u qoray Camr bin Al Caas, taasoo uu ku amrayo inuu aado Iiliyaa. Camr bin Al Caas wuu dhaqaaqay dariiqa intuu hayey bay ciidama Ruuman ah kusoo baxeen Ramalla agteeda, waxayna ahayd:

Dhacdadii Ajnaadeen

Markaasina waxay ahayd inuu Camr bin Al Caas ku dhaqaaqay halkaas iyadoo ciidamadiisa midigtu uu madax uga dhigay wiilkiisa C/llaahi bin Camr bin Al Caas kuwa bidixdana Junaadah bin Tamiim Al Maaliki oo ka dhashay banii Maalik bin Kinaanah waxaana la socday Shuraxbiil bin Xasana, Urdunna waxuu ku dhaafay Abul Acwar As- Sulami. Markii uu Camr bin Al Caas gaaray magaalladii Ramallah halkaa waxuu kula kulmay jamac Ruumaan ah oo uu madax uyahay Ardhaabuun oo isagu ahaa kii ugu caqliga badnaa Ruum uguna shirqool iyo sir badnaa. Ardhaabuun waxuu magaallada Ramallah dhigay ciidan culus, sidaa si lamid ahna magaalladii Iiliyaa waxuu dhigay ciidan kale oo culus, markaa buu Camr bin Al Caas warqad u qoray amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Khaddaab isagoo ku war gelinayo arrintaas. Markii ay warqaddii Camr gaartay Cumar bin Khaddaab buu Cumar yiri: Waxaan isku dhufannay Ardhaabuunkii Ruum iyo Ardhaabuunkii Carabta. Kadib Camr bin Al Caas waxuu diray Calqamah bin Xakiim Al Fazaari iyo Masruuq bin Bilaal Al Caki oo uu diray la dagaallanka reer Iiliyaa, misna waxuu kaloo diray Abuu Ayuub Al Maaliki oo uu u diray Ramallah oo uu markaa madax ka ahaa Tadaariq. Sababta ugu weyn ee labadaa ciidan uu u diray Camr bin Al Caas waxay ahayd inay ka mashquuliyaan labadaa magaallo inay ciidamo gurmad ah uga yimaadaann Ardhaabuun ama si aysan kaga imaan ciidamo dhabar jab kusameeyo Muslimiinta. Markastoo uu Camar bin Al Caas gurmad uu uga yimaado dhanka Cumar, waxuu u kala diraayey gurmadkaas labadii jiho yacnii Iiliyaa iyo Ramallah, isagiina waxuu dul degay Ajnaadeyn oo ay Ardhaabuun isku hor fadhiyeen. In badan oo uu ergo dirsaday Camr bin Al Caas kuwaasoo uu u diray dhanka Ardhaabuun si ay xagga Alle ugu yeeraan una gaarsiiyaan waxa uu rabo bay war shaafiyo kaga keeni waayeen, taasina waxay dhashay inuu isagu laf ahaantiisa aado isagoo lamoodo inuu yahay ergay waana siduu isagu laf ahaantiisa muujisanayey, waxuu u galay Ardhaabuun oo uu la hadlay gaarsiiyeyna dantiisii, markiina uu Ardhaabuun dhageystay hadalladii Camr bin Al Caas fahmayna ulajeeddadiisa buu dareemay inuu ninka la hadlayo yahay Camr, waxuu Ardhaabuun oo isla hadlayo is yiri: Illaah baan ku dhaartaye kani waa Camr ama waa midkii uu Cumar qaadan lahaa rayigiisa, mana jirto arrin kaloo aan qowmka Muslimiinta ah ku asiibi karo oo aan ka ahayn inaan isagu dilo Markaa buu Ardhaabuun u yeeray nin kamid ah ilaaladiisii oo uu arrin ku sirreeystay isagoo ku yiri: Orodoo isaag meesha sidaa iyo sidaa oo markuu kusoo maro dil. Camr bin Al Caas oo runtii ahaa nin digtoonidiisu ay aad u nooleyd baa dareemay inuu Ardhaabuun ninka kula faqay shirqool, markaasuu ku yiri: Amiiryahow! Waan dhageeystay hadalkaadii adiguna waad dhageysatay hadalkeygii, aniguna waxaan ahay 10 nin midkoodii, kuwaasoo uu Cumar u soo diray dhulkan si ay masuul uga ahaadaan, waxaan jecleystay inaan kuu keeno dhammaantood si ay u dhageeystaan hadalkaada oo ay arkaan waxii aan arkay. Ardhaabuun oo runtii arrintaa aad ugu farxay waxuu is yiri malaha 10 isagoo kalaa kuu iman doonto saa waad dili doontaa idilkooda. Waxuu yiri: Haaheey! orodoo ii keen idil.

Kadib waxuu u yeeray nin kale oo uu ku sirreystay isagoo ku amrayo inuu ninkii hore soo celiyo ayaa waxuu ku yiri: Orodoo aad hebal oo soo celi Markaa buu kacay Camr bin Al Caas oo uu ciidankiisii aaday, markiina uu Ardhaabuun yaqiinsaday inuu ninku ahaa Camr bin Al Caas buu yiri: Ninku wuu i qayaanay, Illaah baan ku dhaartaye kani waa kii Carab ugu caqliga badnaa.

Warkaa isaga ah baa gaaray Cumar bin Al Khaddaab markaasuu yiri: Allaha dhowro Camr.

Kadib Camr bin Al Caas ciidamadiisii ayuu dhisay oo dagaal daran baa ku dhex maray isaga iyo Ardhaabuun goobtii Ajnaadeyn, dagaalkaasoo ahaa mid kulul oo lamid ahaa kii Yarmuuk illaa ay meytidii labada dhinac badatay, Kadib bay ciidamadii kale u yimideen Camr bin Al Caas kadib markii ay kunoogeen reer Iiliyaa oo markaa qalcaddo adag kaga jiray. Ciidamadii Camr bin Al Caas markaa bay bateen oo dagaalkii ayaa sii socday, markaa buu Ardhaabuun warqad usoo qoray Camr bin Al Caas uu ku leeyahay: Adigu waxaad tahay saaxiibkey iyo mid iidhigmo, qowmkaaga dhexdooda waxaad ku tahay sida aan anigu qowmkeeyga dhexdooda ku ahay. Illaah baan ku dhaartaye dhulka Falastiin ka furan meysaan wax dambe oo aan ka ahayn Ajnaadeyn ee isaga laabto oo yaydaan ku kadsoomin dabeeto ay idinku dhacdo waxii ku dhacay kuwii idinka horreeyay oo jab ah.

Camr bin Al Caas waxuu u yeeray nin ku hadlo luuqadda Ruumiyada waxuuna u diray dhankii Ardhaabuun isagoo ku yiri uteg oo soo dhageyso waxa uu leeyahay kadiba iisoo laabo oo iiwarran. Horey ayuu Camr bin Al Caas warqad ugu dhiibay ninkaa isaga ah si uu ugu geeyo Ardhaabuun, warqaddaasi hadalladii ku qornaa waxaa kamid ah sida tan: Waxaad ogtahay anigu inaan ahay ninkii furan lahaa dhulka kan, ku dul akhri warqaddeydan intaad soo kulmiso asxaabtaada iyo waziiradaada. Markii ay warqaddii gaartay Ardhaabuun buu isu soo aruuriyey asxaabtiisii iyo waziiradiisii oo ku dul akhriyey warqaddii, markaa bay waziiradiisii ku yiraahdeen : Oo xaggee baad ka ogaatay inuusan ahayn ninkii furan lahaa dhulkan? Waxuu yiri: Ninkii furan lahaa dhulkan waa nin uu magaciisu ka koobanyahay saddex xaraf. Ergeygii wuu soo laabtay oo Camr bin Al Caas ayuu uga warramay waxii dhex maray Ardhaabuun iyo waziiradiisii.

Kadib buu Camr bin Al Caas warqad u qoray amiirkii Muminiinta isagoo ka dalbanayo inuu gurmad usoo diro, waqtigaasina waxay ahayd markii uu Cumar isku diyaarinayey inuu galo dhulka Shaam magaallada Beytul Maqdis si uu u furto.

Kadib Ajnaadeyn waala furtay oo Illaahay Muslimiintii ayuu guul iyo lib ku siiyey, halka cadawgiina ay kujabeen. Muslimiinta waxaa dagaalkan kaga shahiiday khalqi badan oo ay kamid yahiin saxaabadii Rasuulka SCW, waxaa kamid ahaa saxaabadii ku shahiidday C/llaahi bin Zubeyr bin C/Mudalib oo ay Nebigu SCW ilmo adeer ahaayeen, Hubbaar bin Al Aswad, Dhuleyb bin Cumeyr bin Wahab bin Kathiir bin Hind Cabdi bin Qusay Al Qurashi Al Cabadiyu oo ay dhashay Nebiga SCW eeddadiis Arwaa bint C/Mudalib, Diraar bin Al Azwar Al Asdi, Salama bin Hishaam bin Muqiirah oo la dhashay Abuu Jahal bin Hishaam, Nuceym bin Cabdillaahi Al Cadawiyu Al Naxaam, waxaa kaloo la sheegaa inuu Nucaym ku shahiiday dagaalkii Yarmuuk. Abaan bin Saciid bin Al Caas Al Umawi sidoo kale waxaa la sheegaa inuu Abaanna ku shahiiday dagaalkii Yarmuuk, Hubbaar bin Sufyaan bin Cabdu Al Asad Al Makhzuumi, iyo saxaabo kaloo badan Illaahay haka raalli noqdee. Waxaa la sheegaa inuu Cikramah ku shahiiday dagaalkan Ajnaadeyn qaar kalena waxay yiraahdaan Yarmuuk Wallaahu Aclam.

Furashadii Beytul Maqdis

Cumar bin Al Khaddaab waxuu dhulka Shaam galay afar jeer sida uu Seyf bin Cumar kasoo wariyey shuyuukhdiisa.

Mar waxay ahayd inuu ku galay faras waana markii la furanayey Beytul Maqdis oo ahayd markii ugu horreysay ee uu galo Shaam isagoo amiir ah. Marka labaad waxay ahayd inuu galay isagoo saaran awr, marka saddexaadna waxay ahayd inuu galay oo uu gaaray Surac kadibna uu soo laabtay xanuunkii ka dhacay halkaas darteed, marka afraadna waa inuu galay isagoo saaran dameer, siduuba soo min guuriyey ibnu Jariir.

Sida uu soo min guuriyey Ibnu Jariir Ad-Dhabari, sanadkan baa la furtay Beytul Maqdis, sababtuna waxay ahayd markii uu Abuu Cubeydah ka faaruqay Dimashiq buu warqad u diray reer Iiliyaa isagoo ugu yeeraya xagga Allaah iyo Islaamka, haddii ay diidaanna u bandhigaya jizyo, hadday diidaanna dagaal. Way diideen reer Iiliyaa wixii uu ugu yeerayey Abuu Cubeyda oo aan ka ahayn dagaal, markaa buu ciidamaddiisii la dhaqaaqay. Dimashiqna waxuu ku dhaafay Saciid bin Zeyd bin Camr Al Cadawi, markaa buu Abuu Cubeydah Beytul Maqdis godoomin ku qabtay jeer ay dalbadeen heshiis hase ahaatee ay ku shardiyeen in uu u yimaado amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Khaddaab. Markaa buu Abaa Cubeydah warqad u qoray Cumar bin Khaddaab isagoo arrintaa ku ogeysiinay, Cumarna dadkii reer Madiina iyo saxaabaddii buu kala tashaday inuu baxo iyo inuu joogo. Cuthmaan bin Cafaan oo kamid ahaa dadkii uu la tashanayey isaguu waxuu soo jeediyey inuusan bixin oo isku mashquulin kuwaas isagoo markaa xaqirayey sheegayna inay yahiin kuwa aan habbooneyn inuu Amiirka Muminiinta isku mashquuliyo. Cali bin Abii Daalib oo isaguna kamid ahaa raggii ahlu shuurada waxuu keenay ama soojeediyey inuu Cumar baxo oo uu Muslimiinta howsha godoominta usoo dhib fududeeyo uuna soo booqdo si ay taasi niyad dhisugu noqoto. Runtii Cumar fikirkii Cali buu doorbiday oo uu qaatay. Markaa buu ciidamadiisii la dhaqaaqay isagoo magaalladii Madiinana ku dhaafay Cali bin Abuu Daalib, ciidamadiisa hore waxuu madax uga dhigay Al Cabbaas bin C/Mudhalib, waxuuna qaatay faras si uu u deg dego, waxuuna gaaray goobta Jaabiyah halkaasoo uu ciidamadiisii dejiyey kuna khudbeeyey khudbadiisii caanka ahayd ee uu ku waaninayey. Kadib waxuu la heshiiyey reer Jaabiyah, kadiba waxuu uguuray Beytul Maqdis, madaxdii goballaduna warqado ayuu uqoray si ay usoo wafdiyaan maalin heblo Jaabiyah oo uu ula kulmo, Markii ay ugu imanayeen halkii uu kula ballamay maalintuu laballamay, Yaziid bin Abii Sufyaan ayuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee madaxdaasi kamid ah ee uu Cumar lakulmay, kadibna Abuu Cubeydah ayuu la kulmay, kadibna waxuu arkay Khaalid oo fardooleydii Muslimiinta ku dhex jira.

Markii uu Abuu Cubeydah arkay Cumar buu usoo socday dhankiisa Cumarna uu usoo dhaqaaqay dhankii Abuu Cubeydah iyagoo midiba midka kale u hilloowsanyahay oo uu u xiiso qabo, markaa buu Abuu Cubeydah damcay inuu dhunkado gacmaha Cumar, Cumar baa markaa fahmay oo inta iska qabtay damcay inuu dhunkado lugaha Abuu Cubeydah, markaa buu Abuu Cubeydana fahmay oo uu iska qabtay. Taasi waxay muujineysaa sidii ay iskugu hillooween raggaa walaalada ah oo kala maqnaa muddo afar sano ah Radiyallaahu Canhumaa.

Madaxdii oo idil way kulmeen kadib markay soo boggeen howlahoodii marka laga reebo Camr bin Al Caas iyo Shuraxbiil bin Xasana, iyagu markaa waxay hortaagnaayeen Ardhaabuun oo waxay ahayd markii ay socotay carcartankii Ajnaadeen. Goor uu Cumar kula suganyahay madaxdii goobta Jaabiyah baa waxaa yimideen guuto Ruumaan ah oo wadato seefo galku ka baxsanyahay, markaa bay Muslimiintii oo hubkooda sita la aadeen dhankoodii markaa buu Cumar ku yiri: Kuwan waa dad dalbanayo magangalyo. Markaa bay dhankoodii aadeen oo waaba ciidama kayimid dhanka Beytul Maqdis kana dalbanayaan heshiis iyo magan galyo amiirkii Muminiinta kadib markay maqleen soo galootigiisa. Markaa buu Cumar kaga jawaabay wixii ay weydiiyeen una qoryay warqad heshiis ah iyo magan galyo, waxuuna kuwaajibiyey jizyo, isagoo kula sharatamay jizyo. Warqaddii uu Cumar u qoray waxaa goob joog ahaa rag kamid ah madaxdii ciidamada Muslimiinta oo uu kamid ahaa Khaalid bin Waliid, waxaa kaloo joogay C/Raxmaan bin Cowf oo isagu Cumar lasocday, Mucaawiya bin Abii Sufyaan oo isaguna kamid ahaa madaxdii gobalka Shaam, isaga ayaana warqadda qorayey.

Kadib reer Ludd buu warqad kale u qoray isagoo ku waajibiyey inay bixiyaan jizyo kulana heshiiyey mid lamid ah heshiiskii reer Iiliyaa.

Dhanka kale Ardhaabuun waalaga adkaaday waxuuna u cararay Masar oo halkaa ayuuna ku guuleystay Camr bin Al Caas sidaynu soo xusnay. Markiina uu la heshiiyey reer Ramallah iyo hareerahii dhulkaas buu soo aaday dhankii Cumar bin Al Khaddaab, isaga oo uu lasocda Shuraxbiil bin Xasana, waxayna ugu yimideen Jaabiyah. Waxay utegeen goor uu Cumar faraskiisa saaranyahay, markaa buu usoo degay, markuu arkay oo macaanaqeeyay yacni xabadka xabadka u saaray oo dhunkaday labaduba.

Kadib Cumar waxuu ka dhaqaaqay Jaabiyah isagoo ku jeedo Beytul Maqdis, kadibna wuu galay isagoo Ruumaankiina u qabtay muddo 3 casho ah. Kadib waxuu galay masjidkii isagoo ka galay albaabkii uu Rasuulka SCW ka galay habeenkii dheelmitaanka. Waxaa la sheegaa inuu salaamay masjidka markii uu galay oo uu tukaday labo rakcadood oo taxiyatul masjid ah isagoo ku tukaday Mixraabu-Daauud CS. Salaaddii subax ayuu Muslimiintii halkaa ku tujiyey isagoo akhriyey rakcada koowaad suuradda Saad kuna sujuuday sujuudda dhexdeeda ah, rakcaddii labaadna waxuu akhriyey suuradda banii israaiil israa .

Kadib markuu la heshiiyey kulana heshiiyey bixinta jizyo oo Beytul Maqdis, Lud iyo Jaabiyah uu furtay, oo uu madaxdii iyo ciidamadii Muslimiinta la kulmay, muddo dhowr casho ahina uu lajoogay ayuu magaalladiisii Madiina ku laabtay, isagoo Ruumaankii oo idil rucbi iyo argagax ku riday kadib markii ay maqleen soo galootiga uu dhulka Shaam soo galay.

Aan immika uweecanno dhankaa iyo dhacdooyinkii Furus ee sanadkan.

Baabil & Kowthi

Sida uu xusay Ibnu Jariir sanadkan 15aad dhexdiisa bay Muslimiintii iyo Faarisiintii dhex mareen dhacdooyin badan, in kastoo dhacdooyinkaas ay muarrakheenta sida Ibnu Isxaaq iyo Seyf bin Cumar iyo Al Waaqidi ay kusheegeen sanadkii 16aad ee Hijriyada. Sida mash-huurka ah oo Ibnu Jariir uu qabo ayaa waxay tahay in markii uu Sacad Qaadisiyah ka faaruqay buu Cumar warqad u qoray dhankii Sacad, taasoo uu ku amrayo inuu aado Madaain oo ahayd xaruntii boqortooyadii Furus, dumarka iyo carruurtana uu ka tego. Markaa buu Sacad ciidamadiisii diyaarsaday, markaa buuna hortiisa diray ciidamadiisii hore oo uu madax uga dhigay Zuhrah bin Xawiyah. Kadib madaxdii baa mid mid isaga daba baxday, dabeetana ciidamadii guud ee uu Sacad hoggaaminayey ayaa dhaaqaaqeen, iyadoo markaa ay ciidamadaasi siteen fardo iyo hub aad u tiro badan. Dagaalkii Qaadisiyah waxaa u xil saarnaa dagaal gelinta ciidanka Khaalid bin Curfadhah, halkii booskiisa buu Sacad ka qaaday oo uu u dhiibay wiilkii walaalkiis ee Haashim bin Cutbah bin Abii Waqaas, Khaalidna waxuu udhiibay ciidamadii dambe. Markaa buu Sacad dhaqaaqay isagoo wata hub iyo fardo tiro badan, markaana waxay ahayd iyadoo maalmo ay ka dhimantahay bishii Shawaal ee sanadkan. Waxay degeen ciidamadii halka ay maanta tahay magaallada Kuufa, markaa buu Zuhrah bin Xawiyah hortooda guuray isagoo ku sii jeedo magaalladii Madaain ee xaruntii boqortooyadii Furus. Waxuu Zuhrah dhaxda kula kulmay Busbuhri oo hoggaaminayo ciidamo Faarisiin ah kadibna wuu jebiyey. Jabkii Faarisiinta ee ka cararay Zuhrah baa waxay orad ku galeen Baabil, halkaana waxaa ku sugnaa kuwii kasoo jabay maalintii Qaadisiyah.Markaa bay madax ka dhigteen Feyruzaan.

Markaa buu Zuhrah warqad u diray dhankii Sacad bin Abii Waqaas, taasoo uu ku ogeysiinayo in Baabil ay isugu tegeen jamac kuwii Qaadisiya kasoo jabay iyo weliba kuwo uu isagu jebiyey, oo ay weliba madax kadhigteen Feyruzaan . Markaa buuna Sacad ciidamadiisii lasoo dhaqaaqay isagoo ku jeedo dhankii Baabil, halkaa ayayna Sacad iyo Feyruzaan isku heleen oo uu ku jebiyey. Jabkii kuwii cararay ee Majuusta baa waxay uqeybsameen labo qeybood, qeyb iyadu u carartay dhankii Madaain iyo qeyb kaloo u carartay dhanka Nahaawunda. Sacad maalmo ayuu kusii nagaa Baabil, kadib buuna ka dhaqaaqay isagoo u boqaallay dhankii Madaain. Dhexda ayuu kula kulmay koox kaloo Faarisiin ah, waxaana dhex maray dagaal aad u kulul. Markaa buu amiirkii ciidamadaas oo la oran jiray Shahryaar mubaarizo soo baxay, markaa baa waxaa u baxay nin kamid ah ciidamadii Muslimiinta oo la oran jiray Abuu Nabaatah Naail bin Jushcum Al Acraji muddo bay is laaclaaceen iyagoo fardahooda dul saaran, markaa bay markii dambe qoorta isla galeen, dabeetana ay dhulka Iskula dhaceen, Shahrayaar baa waxuu kudul dhacay xabadka Abuu Nabaatah dabeetana jeebta ayuu gacanta geliyey si uu ula soo baxo mindi qinjir ah oo uu doonayey inuu ku qalo, hase ahaatee Abuu Nabaatah Naail bin Jucshum baa waxuu afka la helay fartii Shahrayaar oo uu qaniinyo dhab siiyey illaa uu nafsaddiisii u mashquuliyey markaa buu kaga itaal roonaaday inuu qinjirkii ka qaado dabeeto buu darsiiyey oo uu ka tallaabsaday waxuuna ka furtay wixii hub iyo salab ahaa ee uu sitay iyo faraskiisii. Sacad bin Abii Waqaas waxuu u jideeyey inuu qaato wax alliyo wixii uu ka furtay oo hub iyo faras iyo hanti, waxuuna Sacad amray inuu Abuu Nabaatah ku dagaal galo faraskii uu kafurtay Shahrayaar, markaa buu isagiina Abuu Nabaatah fuulay faraskii oo uu ku dagaallamayey. Goobtu waxay ahayd Kowthi, markaa buu Sacad booqday halkii lagu xabbisay Nebiyullaahi Ibraahiim Al Khal






Ra'yi lama dhiiban



Name:
Email:
Code: sckc
Text:
 

  • Home
  • Duruus
  • Quraan
  • Video
  • S&J
  • Muxaadao
  • Contacts



  • sisawc ka baro diintaada © 2012 privacy policy terms of use