Previous  




-

سبحان الله والحمد لله ولا اله الا الله والله اكبر
 

Cumar Bin Alkhaddaab rc Q-1aad

Dadkii idinka horreeyey waxaa kamid ahaa dad la ilhaamiyo, haddiina uu umaddeyda ku jiro qof la ilhaamiya waa Cumar

Sidaa waxaa yiri Rasuulka Alle SCW.

Abuu Xafsah Cumar bin Al Khaddaab, waa mid kamid ah saxaabadii suubaneyd ee udgoon badane xabiibkeenii Muxammed SCW. Waxuu ahaa mid kamid ah raggii Rasuulka SCW ka ag dhawaa, waa mid kamid ah tobankii Jannada loogu bishaareeyay iyagoo dunida guudkeeda saaran, iyo weliba amiirkii ugu horeeyay ee Muminiinta oo idil amiir u noqdaa. Waxuu ahaa khaliifkii labaad ee khulufaau Rashidiinka, iyo qofkii ugu horeeyay ee salaadda taraawiixda jideeyo in halmeel lagu tukado, iyo qofkii ugu horeeyay ee amray taariikhda hijriyada in la qoro.

Inaayadiisu waxay ahayd sidan: Cumar bin Al Khaddaab bin Nufeyl bin Cabdulcuza bin Rayaax bin Cabdillaahi bin Quraddi bin Razaax bin Caddiyi bin Kacab bin Luay bin Qaalib bin Fihir Qureysh bin Maalik bin Nadar Al Qurashi Al Cadawi. Waxuu ka dhashay qoomyowga Qureeshta gaar ahaan jilibka banii Caddiyi bin Kacab oo Qureeshta u qaabilsanaa dhanka garsoorka iyo kala xukmidda dadka is qab qabsada. Aabahii waxuu ahaa mid kamid ahaa saadaaddii banii Cadiyi iyo odayaashii Qureeshta ugu caansanaa, isaguna Cumar waxuu kamid ahaaa raggii ugu muuqdat ashraafta Qureesheed, weliba kuwii ugu caansanaa ee geesinnimada lagu yaqiinay.

Hooyadii waxaa la oran jiray Xantamah bint Hishaam bin Muqiirah bin Cabdillaahi bin Camr bin Makhzuum Al Qurashiyah Al Makhzuumiyah. Waxay la dhalatay Abuu Jahal bin Hishaam, sidaa darteedna Abuu Jahal waxuu Cumar u ahaa abti. Cumar reer abtiyaashii waxay ahaayeen jilibkii Qureeshta u qaabilsanaa arrimaha dagaalka iyo hoggaamintiisa. Sidaa darteed waxuu Cumar ka dhashay laba jilib oo kamid ah kuwii ugu cad caddaa Qureeshta dhexdeeda oo ugu dhex muuqday. Waxuu Cumar ahaa waqtigii jaahiliyada mid wax waliba kusoo dhacsada xoogiisa iyo karti uu Illaah siiyey, waxuuna ahaa mid dabci adag oo aan waxbo laga duudsan karin laguna dhici kareyn. Waxuu ahaa geesi aan gambasho aqoon oo Makka iyo hareeraheeduba caan ka ahaa. Oo waxuuna ahaa mid aan Islaamka iyo waqtigii Jaahiligaba aanan laga adkaan.

Cumar bin Al Khaddaab waxuu caan ku ahaa xoog iyo geesinnimo, waxuuna u ahaa Qureeshta safiir ay u dirsan jireen arrimaha ay ku dhici waayaan. Mathalan markii ay isku dhacaan Qureeshta iyo qola kale oo ay ku haggaagi waayaan inay ergay u dirsadaan iyagoo ka cabsi qabo in ergeygaasi laga dilo, bay diri jireen Cumar bin Khaddaab oo Carab idil ay ka haybeysan jirtay.

Waxuu dhashay Cumar kadib dhacdadii Caamul Fiil Sanadkii maroodiga muddo laga jooga 13 sanadood, oo ku beegan afartan 40 sano kahor taariikhda hijriga kuna beegan markay taariikhda miilaadigu ahayd 584. Markii Rasuulka SCW lasoo dirayey waxuu Cumar jiray 26 ama 27 sano. Waxuuna islaamka la colleytamayey muddo lix sanadood ah, waxuuna Muslimay isagoo 32 ama 33 jir iyo dhowr bilood ah. Waxuu Cumar ku dhashay magaalada Makka oo uu ku barbaaray, waxuuna kamid ahaa raggii ugu ad adkaanta badnaa oo ka hor yimid dacwada diinta Islaamka. Waxuu Cumar bin Al Khaddaab aad ugu dhegnaa diintii aabayaashiis oo uu aaminsanaa inay iyadu tahay tan ugu tubta toosan ee degtay qalbigiisa, saaqdayna luddiisa iyo laftiisa, waxuuna Rasuulka SCW iyo asxaabtiisii qiimaha badneyd u muujiyey cadaawad aad u fog markii lasoo diray, oo waxuu caddibi jiray qaar kamid ah dadkii Mustadcafiinta ahaa ee iyagu Islaamka goor hore galay. Waxuu Cumar si daran u ciqaabi jiray gabadh la oran jiray Samiirah oo markii dambe xitaa indha beeshay siduu u ciqaabi jiray darteed si ay uga noqota diintan samawiga ah ee ay qaadatay.

Cumar bin Al Khaddaab waxuu ahaa mid kamid ah fardooleydii iyo raggii ugu akhyaarsanaa Qureesh iyo Carabta dhexdeeda waqtigii Jaahiliga, oo waxuu ahaa mid laga wada cabsado.

Islaamiddiisii & Mowqifkiisii Hore

Xilli Muslimiintii ciriiri iyo dulmi lagu hayo, oo xaaladdu ay darantahay ayuu Illaahay nuur usoo saaray Muslimiintii oo waxaa Islaamay Cumar bin Khadaab. Rasuulka SCW ayaana taa Rabbigiis ka baryey. Cabdullaahi ibnu Mascuud waxaa laga soo weriyey inuu Rasuulka SCW yiri: Alloow Islaamka ku adkeey labo nin midkood, Cumar bin Khaddaab ama Abuu Jahal. Ducadaasi iyada ahina Alle waa uu aqbalay oo waxuu ku sharfay Cumar bin Khaddaab kadib markii uu muddo 6 sanadood la colleytamayey Islaamka iyo ehelkiisa, waxuuna taa ka hor Cumar taagnaa mowqifka abtigiis Abuu jahal, oo maysan jirin cid is lahayd ama ku fakereysay Cumar wuu Islaami doonaa, laakiin cidduu Alle hanuuniya cidi hor istaagi kari meyso, iyada ayunbaana noqon ta hanuunsan, oo Alle wax waliba isagu wuu awoodaa waana qaadir fal san.

Cumar bin Al Khaddaab waxuu ahaa mid qalbigiisu adag yahay, oo dabeecad kulul iyo awood badanna leh, Muslimiintuna in badan bay dhibaatooyin kala kulmi jireen. Waxuu Cumar ku fekeri jiray arrimo is khilaafsan oo mar waxaa ku weyneed diintii aabayaashiis, marna hawadiisii iyo macmaansigii nolasha dhalin yarannimada ee uu markaa dhex dabaalanayey, waxuuna ahaa nin cabbo khamriga, jecelna cayaaraha iwm ee ay markaasi bulshadii jaahiliga ku dhex jirtay, dhanka kalena waxuu la yaabayey oo fajaciso ku ahayd ad adkaanta Muslimiinta iyo siday ugu dul qaadanayaan dhib waliba oo ku yimaado oo aysan marna uga laabaten nuurka iimaanka ee qalbiyadooda degay. Tanina waxay ku reebtay qalbigii Cumar raad lama illaawaan ah.

Iyadooy sidaa tahay haddana Cumar waxuu ka fuqi waayey mowqifkii uu abtigiis Abuu Jahal mataanka kala ahaa ee ahaa sanam caabudka iyo la dagaallanka Islaamka. In badan kama soo wareegin markay qaar kamid ah Muslimiintii u alaab xir xirteen inay dhulka Alle u qaxaan oo meel ay dagaan oo Rabbigooda ku caabbudaan ka raadsadaan, kadib markii lagu jarribay baladkoodii oo ay sokeeyahoodii iyo xulufadoodii saareen, Cumarna waxuu kamid ahaa dadkii usababta ahaa qaxaasi iyo qaharkaas ku yimid Muslimiinta ee ay u hijroodeen dhul aysan aqoon dadkiisa, dabcigiisa iyo nolashiisa, dhankaa iyo dhulka Xabashida.

Umu Cabdillaahi Leyla bint Abii Xathmata iyo Seygeeda Caamir bin Rabiica waxay xufulo la ahaayeen reer banii Cadiyi bin Kacab gaar ahaanna qoyska reer Khaddaab bin Nufeyl Al Cadawi ee uu ka dhashay Cumar bin Khaddaab.Waxay kamid ahaayeen dadkii ugu horeeyay ee islaamay, waxayna Cumar kala kulmi jireen ad adkaan iyo kadeed badan iyo ciqaab si uu uga hor istaago diinta Islaamka. Maalin maalmaha kamid ayuu Cumar jidka kula kulmay Umu Cabdillaahi bint Abii Xathmah iyagoo u haajirayo dhulka Xabashida waqtigii hijradii Abasiinya. Markaa buu Cumar suaalay Umu Cabdillaahi halka ay u socdaan goor uu ninkeedii Caamir bin Rabiica uu howla gaar ahaa ugu maqnaa, waxayna ku tiri: Dhulka Illaahay ayaanu meel ka raadsaneynaa, waad na dhibteen oo aad na jarribteen.. Markaasuu Cumar si murugo leh u eegay oo sagootiyey oo iskaaga laabtay. Markii uu Caamir yimid ayay Leyla u sheegtay arrintii dhex martay iyada iyo Cumar, oo misna waxay usheegtay dabacsanaantiisii iyo hadalkiisii dhimrisanaa ee aysan horey uga baran ee ay maanta ka aragtay kana maqashay, iyo weliba inuu aad uga murugeysnaa bixiddooda. Markaa buu Caamir suaalay xaaskiisii Umu Cabdillaahi Leyla bint Abii Xathmata: Ma waxaad damacsantahay inuu Cumar Islaamo? Markaasay tiri: Haah! Markaasuu yiri: Islaami mahayo, kii Cumarkii aan arkay, jeer ay Islaamaan dameeraha Khaddaab. Halkan waxaanu ka fahameynaa in aysan jirin cid ku fakereysay inuu Cumar islaamo ad adkaantii looga bartay iyo la colleytankii uu diinta Islaamka la colleytamayey darteed.

Habeen habeennada kamid ah ayuu Cumar kudhaxay meel aan aqalkiisu ahayn golo ay ku sheekeysan jireen oo ay lahaayeen reer abtiyaashiis banii Makhzuum, dabeetana waxuu yimid kacbaddii goor mugdi ah, durtaba waxuu arkay Nebiga SCW oo salaad u taagan, markaasuu daaha ku dhakaday oo damcay bal inuu dhageysto waxa uu Rasuulka SCW akhrinayo. Wuxuu markaasi Nebigu SCW akhrinayey suuradda Al Xaaqah Saa Cumar wuxuu is yiri:- Malaha kani waa sidii ay Qureeshtu sheegeysay oo waa gabyaa?

Faadimah bint Khaddaab iyo seygeeda Saciid ibnu Zeyd, waxay Islaameen caaraddii hore ee Islaamku, waxayna Islaannimadooda ka qarinayeen Cumar si uusan ciqaab xanuun badan u marsiinin, sidaa si lamid ahna waxaa Islaamay Nucaym bin Cabdillaahi Al Cadawi Al Naxaam oo kamid ahaa rag karmeedyadii Qureeshta gaar ahaan banii Cadiyi, isaguna Islaamiiisu waa uu ka qarinjiray Cumar, .

Ad adkaantii Cumar waxay gaartay heer uu maalintii dambe seefta u siibta inuu soo dilo Rasuulkii Alle SCW, dabeeta waxaa la kulmay Nucaym bin Cabdillaahi oo weydiiyey halka uu kusocdo? Waxuuna ku jawaabay: Waxaan doonayaa inaan soo dilo Muxammed SCW, kan kala geeyay arrinkii Qureeshta oo duray ra yigoodii, oo wax ka sheegay diintayadii ee caayay Ilaahyadannada.

Waxuu yiri: Haddaba sideed uga nabad heli doontaa banii Haashim iyo banii Zuhrah Waa labada reer ee uu Nebigu SCW kadhashay, haddii aad disho Muxammed? Markaasuu Cumar yiri: Malaha adiguna sidaan kaa arko diintaadii ayaad ka baxday? Waxuu yiri: Ma ku tusiyaa Cumaroow! arrin taa ka daran? Walaashaa Faadimah iyo seedigaa Saciid way ka baxeen diinta aad adigu haysatid.

Markaa buu Cumar xaggoodii aaday si bal uu marka hore iyagu meel u saaro oo wax uga qabto, waxaana markaa qoyskaasi la joogay Khabaab bin Arat oo Quraanka bari jirey, markay maqleen shanqadha Cumar ayuu Khabaab dhuuntay. Faadimana waxay qarisay warqaddii Quraanka ku qornaa, markaasuu yiri: Waa maxay gunugunida aan maqlayey? Markaa bay ku yiraahdeen: Waxbo ma jiro. Markaasuu yiri: Haaheey! waan maqlay inaad diinta Muxammed raacdeen, dabeetana seedigii Saciid ayuu ka dul dhacay oo si daran ugu istaagay. Faadimah ayaa damacday inay ka qabato iyadoo qaylineyso, saa iyadiina waa uu kala tuuray oo dakhar buu gaarsiiyey. Markaasay iyadoo careysan oo dhiiguna madaxeedu ka daayo tiri: Waxaan qirayaa Inuusan jirin Alle la caabbudo oo aan Allaah ka ahayn Muxammedna SCW uu yahay Rasuulkii Alle. Markaa buu Cumar u diir naxay walaashii markii uu arkay dhiigga ka hoorayo madaxeeda oo ka kacay seedigii, dabeetana waxuu weydiiyey inay u dhiibto waxii ay akhrinayeen bal si uu u eego, hase ahaatee waxay walaashii ku tiri: Adigu waxaad tahay fadaro najaas ah, mana taabato Quraankan cidaan daahir ahayn ee kacoo soo maydho, markaasuu kacay oo soo mayrtay, dabeetana warqaddii ayuu ka qaaday oo inta kala bixiyey akhriyey waxii ku qornaa.Cumar waxuu ahaa mid wax qora waxna akhriya, taas ayaa ka haqab tirtay in loo akhriyo, isagii ayaana akhristay, waxaana ku qornaa awaailka suuradda Daha, waxuuna akhriyey Suuraddii illaa uu ka gaaray aayaddan: Anigu waxaan ahay Allaah, Illaah kalena majiro, oo aan anigu ka ahayn ee i caabbudo aniga oo kaliya, salaadduna u ooga xusiddeyda.

Markaasuu yiri: Oo maxaa ka wanaag badan oo ka sharaf badan hadalkan? Bal Muxammed itusiya. Dabeeto Khabaab oo dacal aqalka kamid ah isku qarinayey ayaa soo booday oo banaanka yimid, waxuuna yiri: Abshir Cumaroow! waxaan ku rajo weynahay inuu Allaah aqbalay ducadii Rasuulkiisa SCW, waxaan maqlay isagoo oranaya: Alloow! diinta ku adkeey Cumar bin Khaddaab ama Abuu jahal. Kadib Cumar waxuu soo aaday dhankii daarta Arqam bin Abul Arqam oo ay usoo tilmaameen inuu Rasuulka SCW jooga, si uu ula kulmo. Saxaabadii qaar kamid ah ayaa ka arkay doc yar isagoo seeftiisa sito oo usoo socda dhanka daarta, markaasay Rasuulka SCW usheegeen, waxaana daarta joogay rag ay kamid ahaayeen Xamzah oo isagu maalintaa ka hor saddex casho soo islaamay, Cali bin Abii Dhaalib, Abuu Bakar Sidiiq iyo rag kaloo kamid ah kuwii aysan usuuroobin inay u qaxaaan dhulka xabashida, Xamzah ayaa yiri markaa: Bal ka leexdo oo albaabka ka furo, haddii uu wanaag rabo waanu siineynaaye, hadduuse shar u yimidna seeftiisaanu ku dili doonnaa. Cumar waxuu soo hor fadhiistay Rasuulka SCW , markasuu Nebiguna SCW weydiiyey waxa xilligan keenay, markaasuu yiri : Waxaa i keenay inaan Alle iyo Rasuulkiisa iyo waxa uu xagga Rabbigiis ka keenay rumeeyo, waxaana qirayaa inuusan Alle kale jirin illaah mooyaan, adiguna aad tahay Rasuulkii Alle, sidaa buuna u islaamay. Cumar markuu islaamay Ilaahay wuxuu Muslimiintii siiyey Cissi iyo xoog, xaaladdii Makkana way is baddeshay. Cumar isla markiiba wuxuu qaadey tallaabooyin, wuxuu yiri: Waxaan is weydiiyey ninka dadka ugu necbaan og Islaamka markaasaan xasuustay inuu Abuu jahal yahay, saan gurigiisii ugu tegey oo aan irrida ku garaacay, markasuu iga furay oo i soo dhoweeyey iguna yiri Maxaa dan oo aad u timid? waxaan ku iri: Waxaan kuugu imid inaan ku ogeysiiyo inaan islaamay oo aan rumeeyey Alle iyo Rasuulkiisa SCW, waxii aan haysan jirneyna oo sanam caabbud ahaana aan beeniyey Abaa jahal intuu aad u argagaxay buu yiri waxaad la timid baa baas lahaaday. Oo gurigii ayuu dalaq yiri oo ku cararay.

Dhanka kale waxuu yiri Waxaan is weydiiyey yaa ugu warqaad badan reer Makka oo dadka oo dhan hadalka gaarsiin kara? Saa waxaan xasuustay inuu yahay Suneym ibnu Camar al- Jumuxi, markaas baan u tegay oo ku iri: Waan islaamay. Suu qeyliyey isagoo oranaya: Cumar bin Khadaab waa iishay. Cumar-na wuu ka daba hadlayey isagoo leh:- Ma iilan ee waan Islaamay. Waxaa kale oo Cumar uu sameeyey markuu Islaamay ayuu Rasuulka SCW ku yiri: Rasuulkii allow! sow inagu xaq kuma taagnin? Haddaba aynu baxna oo dhammaanteen aan kacbada ku soo tukanno. Rasuulkuna SCW inkastoo uu u ogaa in Muslimiintu ay yaryahiin hadana kama uusan diidin Cumar in ay Kacbadda kusoo tukadaan, waayo waxuu ogaa Rasuulku SCW in Islaamku iyo Muslimiintuba ay gunnimo ka baxeen mar haddii uu Islaamay Cumar ibnu Khadaab, oo sidaa darteed wuu ka yeelay hintisihiisii. Markaa baa waxaa soo baxay asxaabtii oo laba saf ah, oo safi Cumar ku jiro safka kalena uu Xamsa kujiro. Qureysh talo ayaa ku caddaatay waxayna ka caroodeen waxyaalaha uu Cumar sameeyey, waxay markaa ku tashadeen ineyba dilaan hase yeeshee waxaa arrintaa is hor taagay Al Caas bin Waail As Sahmi oo magan geliyey, waxayna ahaayeen xulufo isaga iyo reer Khaddaab. Markii ay Qureeshti damacday inay dilaan Cumar buu isaguna intuu Cutbah bin Rabiica qabtay hoosta gishtay oo jukeeyay, waxuu yiri : Dayn maayo jeer aad ideysaan.

Markii uu Cumar Islaamay dadkii sartaa kujiray oo idil baa farxad darteed mar qura la wada takbiirsaday takbiir laga maqlay Kacbada Allaahu Akbar,

Rasuulku SCW aad ayuu ugu farxay Islaamiddii Cumar.

Cabdullaahi Ibnu Mascuud waxuu yiri: Kacbadda agteeda horey ugumaan tukan illaa uu Cumar Islaamay.

Suheib bin Sinaan waxuu yiri: Markuu Cumar Islaamay diintii Islaamku way adkaatay oo si cad baa loo faafiyey, oo kacbadda agteedaanu fadhiisannay, oo ku dawaafnay, ciddii wax na yeeshana aan iska dhicinnay oo aan ka aargudannay.

Maalintaa iyada ahi ee uu Cumar Islaamay, Muslimiintiina uu u sababay inay galaan Kacbadda oo ku tukadaan, ayaa loo baxshay Al Faaruuq Kii xaqa iyo baadilka kala geeyay . Sowda bint Samcah waxay jirtay dhulka Xabashida oo ay u hijrootay, markay maqashay Islaamidda Cumar ayay timid magaallada Makka.

Cumar markii uu Muslimay waxuu Islaamkii Alle u siyaadiyey cizi iyo quwad oo, ducfigii iyo gunnimadii ayuu ka saaray, markaa ayayna Qureeshtu garowsadeen inay diintani sare mari doonta oo ay awood buuxda yeelan doonta.. Cumar waxuu ku sugnaa magaalada Makka tan waqtigii Hijriyada, waxuuna ahaa nin laga wada cabsado, oo Islaamkuna tiir adag u ahaa, cid ku dhici jirtay ama haweeysan jirtay oo wax ka sheegi kartayna ma aysan jirin, intaa dabadeedna waxuu u hijrooday magaaladii Madiina, isagoo safarkiisii hijrada kula rafiiqay Cayaash bin Abii Rabiica iyo Hishaam bin Al Caas. Hishaam isagu waalaga war helay oo waala xabbisay. Cumar iyo Cayaashna waa ay is raaceen, hase ahaatee Cayaash isaguna waala soo celiyey kadib markay qayaameen Abuu Jahal iyo Al Xaarith bin Hishaam oo hadal been ah usheegay inay hooyadii nidar ku gashay ineysan timaha shanlaysan oo aysan qorraxda ka harsan jeer ay aragto.

Al Muhiim: Taasi waa qiso dheer uu u baahan in laga akhristo kutubta siirada Nebiga SCW, Cumarna isagu waa uu hijrooday, Cayaashna waa la celiyey . Markiina uu tegay Cumar magaaladii Madiina waxuu Rasuulka SCW la walaaleeyay Citbaan bin Maalik.

Qaar Kamid Ah Fadliga Cumar

Cumar bin Khaddaab waxuu lahaa fadli aad u tiro badan, oo aan runtii lasoo koobi karin, waxuuna ahaa saxaabiga labaad ee ku xigay Abuu Bakar Sidiiq Allaha ka raalli noqdee, Cumar bin Khadaab, waxaan ku xasuusannaa inuu ahaa mid kamid ah 10-kii jannada loogu bishaareeyay iyagoo dunidan guudkeeda saaran, Alla maxaa ka nasiib badan qof isagoo dunida saaran loogu bishaareeyay oo lagu yiri Janno ayaad galeysaa?May wallaahi ma jirto fadli ka weyn iyo bishaaro ka qiimo badan.

Waxuu Cumar ahaa mid kamid ah saxaabadii waa weyneed iyo culimadii caabidiinta ahayd ee ka saahidday dunida iyo dhaldhalaalkeeda kuna beddashay raalli ahaanshaha Allaah Sarreeye. Waxuu ku lahaa mawaaqif dhowr ah kitaabka Allaah SW, iyo rayi kasoo fulay Cumar oo Alle ku caddeeyay Quraanka, waana halka uu imaam Cali ka leeyahay: Waxaanu u arkay Quraanka inay kujiraan kalmado kamid ah kalmada Cumar kasoo fulay ama rayi kamid ah rayigii Cumar.Waana sida uu Cabdullaahi ibnu Cumar ka yiri: Ma kusoo degin dadka arrin ay si uyiraahdeen, oo Cumarna si kale u yiri, illaa Alle waxuu soo dajiyey Quraan uu ku waafaqaya maqaallada Cumar ibnu Khaddaab. Taasina waxaa marag ma doonta u ah, dhacdadii Bader markay dhacday waata keentay in maxaabiis badan oo Qureeshta kamid ah lasoo qafaashay, oo dabadeedna raggii saxaabada ay shir u fadhiisteen, shirkaasoo uu guddoominayey Rasuulka SCW, nin walibana sidii laga yeeli lahaa maxaabiistaas ayuu sheegay oo siduu rayi ahaan u arkayay ayuu ka dhawaajiyey. Maalintaa iyada ahi Abuu Bakar waxuu soo jeediyey in madax furasho laga qaato oo la iska sii daayo, Cumarna waxuu rayi ahaan soo jeediyey in qof waliba xigtadiisa loo dhiibo oo uu kurka ka jaro, waxuuna dalbaday mid isaga tolkiisa ahaa oo ku jiray maxaabiista in gacanta loosoo geliyo oo uu unuunka u dheereeyo, Calina loo dhiibo walaalkiis Caqiil, Xamzana loo dhiibo walaalkiis Al Cabbaas, waxuuna soo jeediyey in ninba ninka xigo uu kurka kajaro si aysan meeshu dakano u soo galin, oo Allena u ogaado buu yiri: inaysan wax gacaltooya innaga iyo kuwaasi na dhex oolin. Haddaba Rasuulku SCW waxuu doorbiday rayigii Abuu oo isagii ayuu dadkii ku xukmiyey. Isla habeenkaasina waxuu Alle toddobada samo dushooda kasoo dejiyey aayado u muuqday canaan iyo inay yahiin kuwa sabab u noqon lahaa inay ciqaab iyo carro Alle soo degto, haddaysan jiri lahayd qowl horey Rabbi uga dhacay oo ahaa : Intaa kadib u falo axsaan ama ka qaato madax furasho. Suuratu Muxammed aayadda 4aad. Aayadii kusoo dagay shirkaas isaga ah ee Cumar rayigiisa ayidayey waxay ahaayeen kuwan:

Ma habbooneyn in ay Nebi u ahaato maxaabiis illaa uu kaga jilciyo dhulka, waxaad idinku doonaneysaan bilicda dhaldhallaalka adduunka oo Allane waxuu dooni aakhiro, Allana waa adkaade fal suubban. Haddii uusan jiri lahayn qoraal horeeyay oo xag Alle ka ahaaday, waxaa idin qaban lahaa waxaad qaadateen oo madax furasho ah darteed cadaab daran.Suuratul-Anfaal aayadda 46aad illaa 47aad.

Qoraalka aayaddani lagu xusay ee aan horey u xusnay isagu waxuu caddeynayaa inay banaantahay madax furashada oo aad sii dayn karto maxbuuska intaad madax furasho ka qaadato, laakiin sida kamuuqato aayadda waa in ay habbooneyd in la edbiyo gaalada oo aan laga qaadan wax madax furasho ah , waxayna ayideysaa qowlkii iyo rayigii Cumar.

Ad- adkaantii uu diinta Islaamka Cumar ku ad adkaa heer waxay gaadhay inuu maalintii Bader markuu arkay Suhayl bin Camr oo ku jiro maxaabiista oo afhayeenna u ahaa Qureeshata ayuu yiri: Rasuulkii Alloow! dhoolasha ka siib hasoo dhaco carrabkuye si uusan mar dambe khudbo kaasoo hor jeeddo meel uga soo jeedinin. Rasuulku SCW waxuu u tilmaamay inuu iska daayo, waxuuna u sheegay in laga yaabo in Suheyl uu maalin uun ka istaago meel la mahadsho Islaamka, oo taasina way dhacday markii uu Rasuulka SCW geeriyooday oo ay reer Makka damceen inay riddoobaan ayuu Suheyl u khudbeeyay oo ku yiri: Ma adinkoo dadka ugu Islaannimo dambeeyay baad iminka uga hor baxaysaan? Islaamkii ayayna ku sugnaadeen.

Abuu Hureerah waxuu yiri: Rasuulka SCW waxuu yiri: Ummadihii idinka horeeyay waxaa ku jiri jiray qof la ilhaamiyo, oo wax loo sheego aanan Nebina ahayn haddii uu ummadeydan ku jirana waa Cumar.

Abuu Dar Al Qafaari waxaa laga soo weriyey inuu yiri: Waxaan maqlay Rasuulka Alle SCW oo leh: Alle waxuu xaqu yeelay carrabka Cumar. Abuu Hureerana waxuu yiri: Rasuulkii Alle SCW waxuu yiri: Alle waxuu xaqu yeelay carrabka iyo qalbiga Cumar.

Cabdullahi ibnu Mascuud waxuu yiri: Cizzi kamaanan suulin taniyo markuu Islaamay Cumar.

Ibnu Isxaaq waxuu Ibrahiim bin Muhaajir kasoo weriyey isaguna uu Mujaahid kasoo weriyey inuu yiri: Haddii uu Cumar rayi keeno, Quraan baa soo degi jirey.

Ibnu Mascuud waxuu yiri: Islaannimadii Cumar waxay ahayd guul iyo nasri, imaaradiisina yacni xukunkiisii waxuu ahaa dhul furasho.

Mucaad bin Jabal waxuu yiri: Cumar waxuu geli jannada, oo Rasuulka Alle SCW waxuu yiri: Goor aan Jannadu dhex joogo ayaan arkay daar ku dhex taallo, markaasan ku iri: Oo yaa leh daartaan? Saa la igu yiri: Cumar.

Sidaa si lamid ahina waxaa soo weriyey Anas oo yiri: Nebigu SCW waxuu yiri: Jannada ayaan dhex galay, markaasaa waxaan is arkay anigoo ku sugan qasri dahab ka sameysan, saa waxaan iri: Oo yaa iska leh? Markaasaa la igu yiri: Waxaa leh Shaab yacni nin dhalinyaro ah oo Qureesheed ah, markaasaan aniga isku maleeyay, markaasan ku iri: Oo waayo? Markaasay igu yiraahdeen: Waa Cumar.

Abaa Hureerana waxaa laga soo weriyey oo uu isaguna kasoo weriyey in Nebigu SCW yiri: Jannada ayaan dhex galay, markaasaan kula kulmay qasri dahab ah, oo i cajab geliyey quruxdiisa, markaasaan suaalay: Oo yaa iska leh? Markaasaa laygu yiri: Cumar. Iima aysan diidin inaan galo, ogaanshaha aan ogaa maseyrkaada mooyaan Abaa Xafsoow!. Markaasuu Cumar ooyey oo yiri: Ma adigaan kaa maseyri Rasuulkii Alloow? Sidaa si lamid ahina waxaa soo weriyey Jaabir. Werin kalena waxaa ku sugneed in daarta ama qasrigu ay ag joogeen labo dumar ah, oo markay Rasuulka SCW u sheegeen in uu Cumar gurigaasi leeyahay uu ka tegay ogaansho uu ogaa maseyrka Cumar darteed, markaasuu Cumar ooyey oo yiri: Ma adigaan kaa maseyri Rasuulkii Alloow?

Cabdullaahi ibnu Bureydah waxuu aabahiis ka soo weriyey inuu Rasuulku SCW yiri: Waxaan xisaaban inuu sheydaanku ka leexdo Cumar.

Muxammed ibnu Sacad waxuu aabahiis kasoo weriyey inuu Rasuulka Alle SCW yiri: Illaah baan ku dhaartaye waddo maad martid, illaa sheydaanku waxuu maraa waddo kale Wuxuu la hadlayey Cumar.

Cumar ayaa Rasuulka SCW idin weydiistay inuu usoo galo, goor ay dumar Qureesheed agjoogeen oo ay codkooduna sare ugu qaadayeen Rasuulka SCW. Markii ay maqleen idin dalbashada Cumar ayay wada aamuseen oo ay is wada qariyeen. Markii uu Cumar soo galay ayuu arkay Rasuulka SCW oo qoslahayo, markaasuu Cumar yiri: Dhooshaadu Allaaha ka qosliyo Rasuulkii Alloow!. Markaasuu Nebigu SCW yiri: Waxaan la yaabay dumarka kan ee markay codkaadu maqleen xijaabka kuwada orday. Waxuu yiri Cumar: Adigaa mudan Rasuulkii Alloow! inay iga kaa haybeystaan. Markaasuu dhankoodii u jeestay oo uu ku yiri: Kuwii nafahooda cadawga u ahaayoow, ma anigaad iga haybaysaneysaan oo Rasuulkii Allana ma haybeysaneysaan? Markaasay yiraahdeen: Haah! maxaa yeelay adigu waad ka ad adagtahay oo aad ka qallafsantahay Rasuulka Alle SCW. Markaasuu Nebigu SCW yiri : Ina Khaddaaboow! Sheydaan kugulama kulmo jid illaa waxuu qaaddaa dhabo kale oo aan taada ahayn.

Rasuulka SCW waxuu yiri: Waxaan leeyahay labo waziir oo samada ah iyo labo waziir oo dhulka ah. Labada samada ahi waa Jabriil iyo Miikaaiil, labada dhulka ahina waa Abuu Bakar iyo Cumar.

Waxaanu horey usoo xusnay qisadii Abuu Bakar markaynu ka hadleynay xadiiskii beerta ee uu Abuu Muusal Ashcariyu soo werinayey, kaasoo uu Rasuulka SCW janno ugu bishaareynayey raggii u yimid oo uu ku jiray Cumar, markuu lahaa ka fur uguna bishaaree Janno.

Cumar Ibnu Khaddaab waxuu ahaa shaqsi aan fadligiisa lasoo koobi karin , waxii uu Rasuulka SCW ka yiri iyo waxii ay saxaabada iyo aimmada saalixiintu ka yiraahdeen, waana runtii mid aad u badan oo aynu soo koobi kareyn. Waxaana xusid mudan in waqtigiisii la furtay dhul aad ubadan, uuna noqday khaliifkii ugu fatuuxaadka badnaa Khulafaau Raashidiinka, sadarrada dambe ayaanna ku falaqeyn doonnaa hadduu Alle Sarreeyo idmo intaa ayaana uga baxayna fadligii Cumar.

Dumarkiisii & Carruurtiisii

Cumar waxuu dhalay Cabdullaahi, Xafsah iyo Cabdiraxmaan, waxaana u dhashay Zeynabah bint Madcuun bin Xabiib bin Wahab bin Xudaaf bin Jumux Al Qurashiyah Al Jumuxiyah. Waxaa carruurtiisaasi abtiyaal u ahaa saxaabada kala ah Cuthman bin Madcuun, Qudaamah bin Madcuun iyo Cabdillaahi ibnu Madcuun.

Waxuu kaloo dhalay Zeyd Al Akbar iyo Ruqayah, waxaana u dhashay Umu Kalthuum bint Cali ibnu Abii Dhaalib, waxaana Zeyd iyo Ruqayah ayeeyo u ahayd Fadimah az-Zahraa bint Xabiibullaah Muxammed SCW.

Waxuu kaloo dhalay Zeyd Al Asqar iyo Cubeydullaah Cubeydullaah waxaa lagu diley dagaalkii Safiin asagoo la safan dhanka Mucaawiyah Waxaa labadi udhashay Umu Kalthuum bint Jarwal bin Maalik bin Al Musayd bin Rabiicah bin Al Asram bin Dhubeys bin Xaraam bin Xabshiyah bin Salool bin Kacab bin Camr oo ka dhalatay Khuzaaciyiinta. Markii uu Islaamka yimid ayuu furay Cumar Umu Kalthuum bint Jarwal oo Islaamka ayaa kala geeyay.

Misna waxaa kaloo uu dhalay, Caasim oo ay udhashay Jamiilah bint Thaabit bin Abii Aqlac Magaca Aqlac-na ama waxaa kaloo lagu sheegaa Aflax- ee waa Qays bin Cismata bin Maalik bin Ammah ibnu Dhubeycah bin Zeyd, oo kasoo jeeddo Ansaarta reer Madiina gaar ahaan Aws.

Waxaa kaloo uu dhalay Cabduraxmaan Al Awsadh oo ku caan ahaa Abul Mujbar, waxaana u dhashay Luheycah oo Umu Walad ah.

Waxaa kaloo uu dhalay Cabduraxmaan Al Asqar, waxaana udhashay haweeney Umu Walad ah.

Waxuu kaloo dhalay Faadimah oo ay udhashay, Umu Xakiim bint Al Xaarith bin Hishaam bin Muqiirah, waxaa Umu Xakiim dhalay Cumar abtigiis.

Waxuu kaloo dhalay Zeynaba oo carruurtiisa ugu yar, waxaana udhashay Fukeyha oo Umu walad ahayd.

Waxuu kaloo dhalay Cayaad oo ay udhashay, Caatikah bint Zeyd bin Camr ibnu Nufeyl Al Cadawiyah. Waxay Caatikah la dhalatay Saciid ibnu Camr bin Nufeyl oo kamid ahaa tobankii Jannada loogu bishaareeyay.

Qaabkuu dumarka u guursaday waxay ahayd sidan:

Cumar wuxuu guursaday Islaamka ka hor Qureybah bint Abii Umayah oo dhanka aabaha walaal kala ahayd hooyadii Muminiinta ee Umu Salamah bint Abii Umayah. Wuxuu Cumar uga soo tegay magaalada Makka markii uu haajirayey, waxayna sababtu ahayd iyadoo ku baaqi noqotay diintii tolkeeda ee sanam caabbudka ahayd, markiina uu Alle soo dajiyey aayadahii uu ku xarrimayey calaaqaadka Muslimiinta iyo kufaarta, kadib heshiiskii Xudeybiyah ayuu Cumar furay, waxaana markaa guursaday Mucaawiyah ibnu Abii Sufyaan oo isagu markaa lamid ahaa iyada oo mushrik ahaa. Kadib waxay Islaamtay furashadii Makka waxaana guursaday Cabdiraxmaan bin Abii Bakar kadib markuu furay Mucaawiyah, waxayna udhashay Cabdullaahi, Umu Xakiim iyo Xafsah. Cumar-na waxbo uma aysan dhalin.

Waxuu misna guursaday Umu Kaltuum, Culimadu qaarkoodna waxay sheegaan in magaceeda saxda ahi uu ahaa Muleykah bint Jarwal Al Khuzaaciyah, waxuu guursaday waqtigii Jaahiliyada, waxuuna furay Xudeybiyah kadib iyadoo gaalo ah, waxaana guursaday markii uu furay Abii Jaham bin Xudeyfah oo qowmkeeda ka mid ah, oo markaa iyadoo kale ahaa mushrik.

Waxuu misna guursaday Zeynabah bint Madcuun Al Jumuxiyah, waxay ahayd afadii saddexaad ee Cumar, waxuu ku guursaday magaallada Makka waqtigii Jaahiliga. Markii lasoo diray Rasuulkuna SCW waa ay rumeysay oo ay la Islaamtay zowjkeeda Cumar, waxayna u hijrootay magaalladii Madiina ayada iyo carruurteeda, waxay Zeynaba bint Madcuun ahayd sodahdii Rasuulka SCW illeen waxuu Nebigu SCW qabay gabadheeda Xafsa.

Kadib waxuu guursaday sanadkii 7aad ee hijriyada Jamiilah bint Thaabit oo u dhashay Caasim, kadibna wuu furay waxaana guursaday Zeyd bin Xaarith oo ay udhashay Cabduraxmaan bin Zeyd.

Kadib waxuu guursaday Caatikah bint Zeyd, waxay ahayd mid qurux iyo akhlaaq ku sifoowday, waxuu guursaday sanadkii 12aad ee hijriyada.

Kadib waxuu guursaday dumarkii aynu soo xusnay. Waxuuna dhalay dhowr carruur ah oo iskugu jiray wiilal iyo gabdho, wiilashiisu waxay kala ahaayeen: C/llaahi, Cabdiraxmaan Al Akbar, Cabdiraxmaan Al Awsadh, Cabdiraxmaan Al Asqar, Zeyd Al Akbar, Zeyd Al Asqar, Cubeydullaah, Caasim iyo Cayaad. Gabdhahiisuna waxay kala ahaayeen Xafsah, Faadimah Ruqayah iyo Zeynaba.






( Sat, 15 Dec 2012, 23:14 )
siirada oo dhan

---

( Sat, 15 Dec 2012, 23:14 )
siirada oo dhan

---

( Sat, 15 Dec 2012, 23:05 )


---

axmad cabdulahi geedi ( Sat, 15 Dec 2012, 22:31 )


---




Name:
Email:
Code: moke
Text:
 

  • Home
  • Duruus
  • Quraan
  • Video
  • S&J
  • Muxaadao
  • Contacts



  • sisawc ka baro diintaada © 2012 privacy policy terms of use