Previous  




-

سبحان الله والحمد لله ولا اله الا الله والله اكبر
 

Cali Bin Abii Daalib rc Q-5aad

SANADKII 39AAD

Sanadkan dhexdiisa ayuu Mucaawiyah diyaariyey ciidama culus, oo uu u kala diray cirifyada macaamilada dhulka uu Cali maamulo. Si ay halkaasi howlgallo uga soo fuliyaan. Sababihii dhaliyay howlagalladaasina waxaa kamid ahaa in Mucaawiyah markii uu Camr bin Al Caas masuuliyadda u dhiibay uu is tusiyey inuu isagu yahay amiirka Muminiinta iyo Khaliifkii Muslimiinta. Sidaa darteed buu darafyada Ciraaq u diray ciidama badan, si asaga ay ugu hoggaansamaan oo dhulalkaasi oo idil uu u tamkiiniyo.

Sidaa daraadeed howlagalladii uu dirayay sanadkan waxaa kamid ahaa

Diriddii Nucmaan Bin Bashiir

Sanadkan dhexdiisa ayuu Mucaawiyah diray Nucmaan bin Bashiir oo hoggaaminaya 2000 oo fardooley ah, wuxuuna u diray dhanka Caynu Tamar. Waxaana halkaasi masuul ka ahaa Maalik bin Kacab, oo ka socday dhanka Cali, oo ay markaasi la joogeen 1000 fardooley ah. Markii ay ciidamadii Maalik maqleen soo galootiga reer Shaam, bay kala firxadeen oo ay kala carareen. Waxaana kusoo haray Maalik agtiisa wax dhan 100 nin. Markaa iyada ahi buu Maalik bin Kacab warqad u qoray dhankii Cali bin Abii Daalib isagoo xaallada la socodsiinaya, kana dalbanaya gurmad. Markiina Cali ay u tagtay warqaddii wuxuu ka dhex istaagay raggiisii, oo u khudbeeyey kuna booriyey jihaadka iyo in loo gurmado Maalik bin Kacab iyo raggiisa 100 ahi, balse cidi dheg jalaq uma siin, manay qaadan amaradii amiirka Muminiinta.

Nucmaan bin Bashiir wuxuu galay Cayn Tamar, waxayna is heleen Maalik bin Kacab oo diriri dhex martay, sidaa oo ay tahayna ciidamada Maalik waxay ahayeen 100 nin oo qura, oo weliba seefahoodu ay jajabanyahiin. Waxyar kadib waxaa yimid rag ka socda dhanka Miqnaf bin Sulaym oo dhan 50 fardooley ah, oo uu hoggaaminaya wiil uu dhalay Miqnaf bin Sulaym. Saa markii ay reer Shaam arkeen baa waxay moodeen ciidama gurmad culus ah, oo ka yimid dhanka Cali, markaasay kala carareen oo dhankii Shaam u jiheysteen. Maalik kama uusan harine wuu sii eryaday oo firxadkoodii ka laayay saddex nin oo kamid ah. Intii kalena Shaam bay oran ku galeen, iyagoonay u suuro gelin hadafkoogii iyo ula jeeddadii ay u yimideen.

Sidoo kale howlgalladii uu Mucaawiyah fuliyey sanadkan waxaa kamid ahaa:

Diriddii Sufyaan Bin Cowf

Wuxuu u diray isagoo hoggaaminaya 6000 fardooley ah inuu tago Hayt, oo uu dooxateeyo, kadibna uu uga gudbo Anbaar iyo Madaain. Markaas buu dhaqaaqay Ibnu Cowf jeer uu gaaray Hayt. Cidina kalama uu kulmin la dagaasho halkaas, wuxuuna uga sii gudbay Anbaar oo ay kusugnaayeen 500 oo kamid ah ciidamadii Cali. Markii ay raggaasi maqleen soo galootiga Shaamiyiinta, bay kala firxadeen oo waxaa kaliya oo kusoo haray magaalladii 100 nin. Waxaa labada qolo dhex maray dagaal, iyadoo ay qolada Cali tira yari aad u daran kusuganyahiin. Sidaa oo ay tahay waa ay sabreen oo dirireen dirir daran, jeer la dilay 30 kamid ah oo uu ku jiray amiirkooda oo la oran jiray Ashras bin Xassaan Al Balawi. Dabadeed ciidamadii reer Shaam ee uu hoggaaminayay Ibnu Cowf, waxay aruursadeen wixii hanti ahaa oo yiillay beytul maalka Anbaar, iyo hub, kadibna waxay u boqaaleen dhankii Shaam oo ay dib ugu laabteen.

Warkaasi markii Cali uu gaaray, naf ahaantiisii baa ka dhaqaaqay magaalladii Kuufa oo aaday dhankii Shaamiyiinta, wuxuuna degay Nukheylah. Markaasay raggiisii ku yiraahdeen:- Amiirkii Muminiintoow! innagaa kaaga filnaaneyna?

Wuxuu ugu jawaabay:- Iigama filnaaneysaan, nafihiinana ugama filnaaneysaan.

Dabeeta Sacad bin Qeys, baa daba galay raadkii Shaamiyiinta, oo daba eryaday jeer uu gaaray Hayt, balse muuna haleelin oo hortiis ayay Shaam galeen, kadibna wuu soo laabtay.

Diriddii Cabdullaahi Bin Mascadah Al Fazaari

Sidoo kale sanadkan buu Mucaawiyah diray C/llaahi bin Mascadah Al Fazaari oo hoggaaminaya 1700 fardooley ah, wuxuuna u diray dhanka Taymaa, oo amray inuu saddaqada kasoo aruuriya dadka reer miyiga ah, ciddii diidana wuxuu amray inuu la dagaallo. Dabeetana uu u gudba oo galo Makka iyo Madiina, oo guud ahaan Xijaas oo idilna uu soo maro.

Markaas buu dhaqaaqay C/llaahi bin Mascadah oo uu galay Taymaa. Halkaasoo ay ugu kulmeen dad aad u badan. Arrintaasi markii uu Cali ka war helay baa wuxuu ku diray Al Musayb bin Nujaybah Al Fazaari oo hoggaaminaya 2000 oo dagaalyahanno ah, suu dagaal ku dhex maray Taymaa, oo ay dirireen jeer cadceeddu suushay.

Ibnu Mascadah iyo qaar kamid ah tolkiisa, baa waxay galeen qalcad halkaasi ku tiillay oo ay dhufeys ka dhigteen. Intii kalee ciidamadii reer Shaam ahaydna way kala firxadeen oo Shaam bay u gaddoomeen. Markaas buu Al Musayb godoomin ku qabtay qalcaddii uu Ibn Mascadah ku jiray oo ku hayay illaa saddex casho. Dabadeed xaabo ayuu soo aruriyey oo ku guray qalcadda, kadibna dab ku shiday si uu u gubo. Markaas buu ibnu Mascadah riximka iyo wada dhalashada ku tawasulay oo ku calaacalay. Markaas buu Al Musayb dabkii demiyey . Saa markii la gaaray habeenkii buu albaabkii qalcadda furay oo iyana intay kasoo baxeen u carareen dhankii Shaam.

C/Raxmaan bin Shabiib oo kamid ahaa ciidamadii Al Musayb baa ku yiri Musayb:- Maad ka daba tagto oo aad layda?

Wuxuuse Al Musayb ku jawaabay:- May

Diriddii Daxaak Bin Qeys Al Fihri

Sidoo kale sanadkan buu Mucaawiyah diray 3000 oo uu hoggaaminaya Daxaak bin Qeys Al Fihri. Wuxuuna amray inuu dooxateeyo ciidamada kusugan daafaha dhulka uu maamulo Cali. Sidaa daraadeed buu Cali markuu ka war helay arrintaasi diyaariyey Al Xujur bin Caddiyi iyo ciidama 4000 ah oo uu hoggaaminaya. Saa mid kastoo kamidi ciidamadaasi wuxuu siiyey 50 Dirham. Markaa bay labadii qolo isku heleen goobta Tadammur, oo diriri dhex martay.

Xujr bin Caddiyi baa ka laayay ciidamadii Shaamiyiinta ahaa 19 kamid ah, isagiina raggiisa waxaa laga dilay laba nin oo qura. Habeenkii baa kala dhex galay labada qolo, markaasay kala weecdeen. Saa Daxaak iyo raggiisiina ay orad ku galeen Shaam.

Sidoo kale sanadkan dhexdiisa ayuu Mucaawiyah naf ahaantiisa dhaqaaqay isagoo hoggaaminaya ciidamada aad u culus, jeer uu gaaray webiga Dajlah. Dabadeedna waa uu laabtay, oo Shaam buu galay isagoonan wax dagaal ah falin.

Wilaayadii Ziyaad Bin Abiih ee Dhulka Furus

Sanadkan dhexdiisa ayuu Cali bin Abii Daalib u wakiishay masuuliyadda dhulka Furus Ziyaad bin Abiih. Sababtuna waxay ahayd, markii Jaariyah bin Qudaamah uu Basra ku laayay Ibnu Xadrami iyo raggiisii, baa arrintaasi waxaa ka xumaaday dad badan oo kamid ah kuwii Islaamka ku hoos noolaa ee jisyada dhiibayay iyo khalqi kaloo kamid ah Muslimiintii halkaasi deganaa. Markaas bay diideen inay bixiyaan jisyo iyo inay ku hoos noolaadaan Islaamka. Wayna u caroodeen Cali oo ay ka hoos baxeen daacadiisa.

Markaas buu Cali raggiisii igu yeeray si uu kala tashto ciddii uu u diri lahaa dhulka Furus masuul ahaan. Saa C/llaahi bin Cabbaas iyo Jaariyah bin Qudaamah baa waxay soo jeediyeen in loo dira Ziyaad bin Abiih, waayo wuxuu ahaa nin rayi iyo goaan adag leh, oo arrimaha bulshada iyo siyaasadduna si wacan ugu xeel dheeraa.

Markaas buu Cali u wakiishay Ziyaad dhulkaas Furus iyo Karmaan oo uu weliba ugu daray inuu masuul ka noqdo. Wuxuuna u diyaariyey ciidama culus oo tiro ahaan ah 4000. Saa sanadkan buu dhaqaaqay oo galay Furus, kadibna wuu la dagaallamay jeer ka adkaaday, oo ay kusoo noqdeen daacaddii iyo midnimadii oo ay kusoo laabteen wixii ay horey uga baxeen.

Taa ka hor Furus markaas, waxay ahayd masuul laaan, waayo horey waxaa masuul uga ahaa Sahal bin Xaniif illaahay haka raalli noqdee. Markiina ay reer Furus ku inkireen daacadda iyo midnimada amiirkii Muminiinta ee Cali bin Abii Daalib, bay iska soo eryeen masuulkii halkaasi Cali u joogay oo ahaa Sahal bin Xaniif sanadkii 38aad ee Hijriga. Markaas buu Sahal tegay Kuufa oo uga warramay arrintaasi Cali. Dabadeedna waxyar kadib isla sanadkaas ayuu Sahal ku geeriyooday magaalladii Kuufa, sidaynu soo xusnayba.

Al Waaqidi wuxuu xusay in sanadkan uu Cali mawaasimta xajka u diray C/llaahi bin Cabbas si uu dadka u xajisiiyo. Mucaawiyana wuxuu soo diray Yaziid bin Sakhbarah Al Ruhaawiyu, si uu dadka u xajisiiyo. Markii ay labadani masuul ku kulmeen magaalladii Makka, baa mid waliba wuxuu diiday in masuuliyaddii loo soo wakiishay uu kan kale u daayo. Saa waxay isula tegeen Sheybah bin Cuthmaan bin Abii Dalxa Al Cabdidaari oo dadkii sanadkaasi xajisiiyey.

Abul Xassan Al Madaaini wuxuu xusay in C/llaahi bin Cabbaas uuna mawaasimta xajka tegin, intii Cali la doortay jeer la dilay. Wuxuuna xusay inuu ahaa Quthum bin Cabbaas kii ay mawaasimta kudoodeen Yaziid bin Sakhbarah.

Wuxuu Ibnu Jariirna yiri:- Sida uu Abul Xassan yiri ayuu Abuu Muscabna yiri.

Wuxuu kaloo xusay in madaxdii goballadu ay ahaayeen sidii sanadkii hore, marka laga reebo Basra oo C/llaahi bin Cabbaas uu ka tegay oo uu ka aaday Kuufa iyo Furus iyo Karmaan oo uu madax ka noqday Ziyaad bin Abiih.

SANADKII 40AAD

Sida caanka ahi, sanadkan waa sanadkii la dilay amiirkii Muminiinta ee Cali bin Abii Daalib Illaahay ha ka raalli noqdee. Waana xusi doonnaa hadduu Alle idmo sifadii dilkiisa. Balse aynu marka hore ku hor marno dhacdooyinkii sanadkan 40aad ee Hijriga dhacay.

Diriddii Busur Bin Abii Ardhaah

Ninkan Busur bin Abii Ardhaah, wuxuu ahaa mid kadhashay banii Caamir bin Luayi oo Qurashi ah. Mucaawiyah ayaa sanadkan u diray dhanka Xijaas isagoo hoggaaminaya 3000 oo dagaalyahanno ah. Markaas buu ka dhaqaaqay Shaam jeer uu tegay magaalladii Madiina, oo markaas uu Abuu Ayuub Al Ansaari madax uga ahaa dhanka Cali. Abuu Ayuub wuu cararay oo Kuufa ayuu Cali ugu tegay. Busurna magaalladii Madiina ayuu galay isagoonan cidi la dagaallamin, oo koray mimbarkii una khudbeyey dadkii. Wuxuu ka dalbaday in loo keeno Jaabir bin C/llaahi Al Ansaari.

Wuxuu yiri Busur isagoo mimbarka dul saaran:-Reer Madiinoow! Illaahay baan ku dhaartaye, haddii uuna Mucaawiyah ila ballami lahayn, magaallada Madiina kuma daayeen qof qaan gaaray, illaa waan dili lahaa.

Dabeeta dadkii reer Madiina ayuu la mubaayacooday. Kadib intuu ku jeestay xaggooda ayuu ku yiri:- Illaahay baan ku dhaartaye kuma lihidiin agteyda wax magangalyo ah iyo mubaayaco tooni, jeer aad ii keentaan Jaabir bin C/llaahi Al Ansaari Macnaha si uu ula mubaayacooda .

Jaabir wuxuu u tegay hooyadii Muminiinta ee Ummu Salama, wuxuuna ku yiri:- Maxaad rayi haysaa? Anigu waxaan ka cabsan in la idilo, tanina waa bayco baadi ah.

Waxay ugu jawaabtay:- Waxaan qabaa inaad la mubaayacoota, waayo anigu waxaan amray wiilkeyga Cumar, iyo wiilka aan soddohda u ahay ee Cabdullaahi bin Samcah ah inay la mubaayacoodaan.

Cabdullaahi bin Zamcah wuxuu qabay gabadhii Ummu Salama oo la oran jiray Saynab bint Abii Salama. Markaas buu Jaabir dhaqaaqay oo u tegay Busur, deedna la mubaayacooday.

Dabeeta Busur waa uu dhaqaaqay oo wuxuu aaday dhankii Makka. Abii Muusa Al Ashcari oo halkaas kusugan baa isaguna naftiisa u cabsaday markuu Busur Makka, yimid, wuxuuna ka cabsaday inuu dilo. Markaasuu Busur yiri:- Ma ahi mid ku falo sidaas saaxiibkii Rasuulka Alle SCW.

Wuuna iska daayay. Taas ka hor Abii Muusa Al Ashcari wuxuu warqad u qoray reer Yeman, isagoo ogeysiinaya in ciidama ka yimid dhanka Mucaawiyah ay kusoo jiheysanyahiin xaggooda. Dabadeed Busur wuu dhaqaaqay oo wuxuu aaday dhankii Yeman. Goortaa iyada ahi, waxaa Yeman masuul ka ahaa Cubeydullaah bin Cabbaas bin Cabdimudallib oo dhanka Cali ka socday. Cubeydullaah markii uu arrintaasi ka war helay waa uu cararay oo Kuufa ugu tegay Cali. Yemanna wuxuu ku dhaafay Cabdullaahi bin Cabdullaahi bin Al Maddaan Al Xaarithi.

Busur markii uu galay Yeman wuxuu dilay masuulkii halkaas, iyo wiil uu dhalay. Sidoo kale wuxuu dilay laba wiil oo yaryar oo uu dhalay Cubeydullaah bin Cabbaas. Kuwaasoo lakala oran jiray C/Raxmaan iyo Quthum. Waxaa la yiraahdaa Busur, wuxuu laayay khalqi badan oo kamid ah dadkii taabacsanaa Cali bin Abii Daalib ee uu dhexda kula kulmaba, iyo weliba kuwii uu Yeman kula kulmay.

Cali markii uu warkaasi gaaray wuxuu soo diray Jaariyah bin Qudaamah oo hoggaaminaya 2000 oo dagaalyahanno ah, iyo Wahab bin Mascuud oo isaguna hoggaaminaya 2000 oo dagaalyahanno ah. Saa Jaariyah wuu dhaqaaqay jeer uu tegay Najraan oo gubay, dilayna dad badan oo kamid ah ciidamadii Busur iyo wixii taabacsanaa. Busurna wuu cararay asaga iyo asxaabtiisii oo waxay galeen Makka. Markaasuu Jaariyah ka daba tegay oo ku yiri:- Dhiiba baycada?

Saa waxay yiraahdeen:- Oo yaan la mubaayacoonnaa iyadoo uu dhintay amiirkii Muminiinta?

Wuxuu yiri:- Waxaad la mubaayacootaan qofkii ay asxaabtii Cali la mubaayacoodeen.

Dabeeto way ku cuslaatay, kadibna waa ay la mubaayacoodeen si cabsi ah. Intaa dabadeed Jaariyah waa uu dhaqaaqay oo galay magaalladii Madiina, oo markaasi uu salaadda dadka tujinayay Abuu Hureyrah. Saa Abuu Hureyrah wuu cabsaday oo cararay. Dabadeed Jaariyah wuxuu amray dadkii reer Madiina inay Xassan la mubaayacoodaan, saa way la mubaayacoodeen oo isagii baa baycda uga qaaday. Kadibna hal maalin ayuu la joogay, oo intaa dabadeed u boqaallay dhankii Kuufa. Abuu Hureyrana tujintii salaadda ayuu dib ugu laabtay, oo isaga ayaa sii tujin jiray.

Sanadkan dhexdiisa baa Cali iyo Mucaawiyah ay ku heshiiyeen in qof waliba uu gobalkiisa ku ekaado oo uu istiqraariyo, la iskana daayo weerarrada iyo dagaallada joogtada ahi. Sidaa ayayna kuwada raalli noqdeen.

Dilkii Amiirka Muminiinta ee Cali Bin Abii Daalib

In Cali la dili doono oo uu shahiid yahay Rasuulka SCW ayaa horey usii sheegay. Waxaynu xasuusannaa in Cali uu ahaa Khaliifkii u dambeeyey khulafadii Islamka ee fadhigoodu ahaa magaallada Madiina.

Rasuulkeenna suubban SCW isagoo inooga warramaya in Cali la dili doono, baa wuxuu yiri:- Dad waxaa ugu shaqisan, ninkii boqno gooyey hashii Nebi Saalix CS iyo kan ku dili doono Caliyoow!.

Waxuu dunida ka hoyday oo uu Rabbiga xagiisa aaday kadib markuu xukunkii hayay muddo 5 sano oo dhiman saddex bilood, macnuhu waa 4 sano iyo 9 bilood iyo 6 casho ama 3 casho.waxana dilay Nin khawaarijta kamid ah oo la oran jiray Cabduraxmaan bin Camr oo loo yaqan Cabduraxman bin Muljim Al Kindi Al Xumeyri. oo xaliif la ahaa banuu Xaniifaha dega Masar, waxuuna ahaa nin midib maariin ah oo tima jilacsan oo wejigiisuna ay kamuuqato raadkii sujuudda salaad darteed. Waxa jiray laba kaloo khawaarijta kamid ah oo ay wada tashteen Cabduraxman bin Muljim oo kala ahaa Al Baraak bin Cabdullaahi Al Tamiimi iyo Camr bin Bakar Al Tamimi. Waxay saddexdani goaansadeen inay dilaan Camr bin Al Caas, Cali bin Abii Daalib, iyo Mucawiyah bin Abii Sufyaan. Markaas buu ibnu Muljim yiri ::-Aniga waxaan idinkaga filnaan Cali oo aniga ayaa soo dilayaa, markaas buu Al Baraak bin Cabdullaahi yiri:-Aniguna Mucaawiya baan soo dili. Halka Camr bin Bakarna uu yiri:-Anigana waxan ku filnaan doonaa Camr bin Al Caas oo aan soodili. Waxayna isku dhaarsadeen inuusan ninna soo laaban inuu soodila ninkii loodiray ama uu isaga dhinta mooyaan, wayna kala tegen, oo waxayna kuballameen in habeenka 17 ay tahay bisha Ramadan uu mid waliba qaarajiyo ninkiisi mowcid layaqaan. Ibnu Muljim wuu baxay waxuuna aaday Kuufa, wuuna qarsaday arrinkiisi oo cidna umuusan sheegin. Maalin isagoo lafadhiyo khawarijtiisii gole fadhi oo ay lahayeen Banuu Taym Ar-Rabbaab, oo ay ka sheekeysanayeen khawaarijtii uu Cali kulaayay Nahrawaan ayaa waxa u timid haweeney la oran jiray Qidaam bint Shajnah taasoo Cali uu kudilay aabaheed iyo walalked Nahrawaan. Waxayna ahayd haweeney qurux Illaah u dhameyay oo aad iyo aad u qurxan, dhexdooduna caan bay ka ahayd. Markiina uu arkay haweeneydaasi Ibnu Muljim caqligisi dhan bay la tegtay oo arrintuu uscoday dhan inuu Cali soo dilo wuu ilaaway. Markaas buu doontay si uu uguursada waxayna ku xirtay shuruud ah inuu soo dilo Cali, waayo aabahed iyo walaalkeed oo Khawaarij buu dilay oo uu kudilay Nahrawaan. Markaas buu yiri Ibnu Muljim:- Oo ma intaas baa? walaahi inaanan dhulkaan u imaanin wax kale arrinkaas mooyaan.wuuna baxay kadib isagoo wajahaya sidu ku dili laha Cali .Waxayna kudartay nin banuu Rabaaab ah si uu arrinkaas ugu booriyo, ninkaasoa la oran jiray Wardaan Al Rabaabi. Kadib waxuu Ibnu Muljim utegay ninkaloo la oran jiray Shabiib bin Najad Al ashjaci.

Waxuuna ku yiri:- Shabiboow ma dooneysa in kheyrka dunida dhan lagugu sheego oo lagugu xasuusta? Waxuu yiri:- Oo waa maxay arrinkas?

Waxuu yiri:- Waa dilka Cali.

Waxuu yiri Shabiib:- Hooyada kuweydaye Ibnu Muljimoow! arrin baad la timid, oo sidee baad ku awooddaa inaad sidaa fasho?

Waxuu yiri:- Waad iraacee oo salaaada mugdiga ah Cisho ama subax baan masjidka ugu dhakaneynaa oo aan seefta ka dul rideynaa, kadib haddii uusan dhiman waan carareyna oo nafaheenan la fakaneyna waxaana abbaareynaa dadkeenii Khawaarijta ahaa, haddii aan dilnana waxaa Alle agtiisa yaal baa inooga kheyr badan dunida dhan.

Waxuu yiri Shabiib:- Hoogaagee hadduusan Cali ahayn qofka aad sidaas kusameyneso way fududaan laheyd, war waxaan ogahay Islaannimada uu kaaga horeyay iyo qaraabanimadiisa xagga nabiga SCW. Arrinka aad wado Ibnu Muljimoow! laabteyda boos ugama banaano.

Waxuu yiri Ibnu Muljim:- Oo miyaadan ogeyn siduu u laayay dadkii Nahrawaan?

Markaas buu yiri Shabiib:- Haaheey oo waan ogahay taasi.

Markaas buu Ibnu Muljimna yiri:- Haddee Aynu dilno hadaba waxaan udilaneynaa walalaheennii uu dilay.

Shabiib wuu ka aqbalay intaas dabadeed. waxaana la galay bishii Ramadaan oo waxaa lagaaray habeen Jimca ah oo 17 bisha Ramadaan ay tahay. Saa waxuu yiri Ibnu Muljim:- Tani habeenka kan waa habeenkii aanu kuballannay asxaabteydii.

Dabadeed way isasoo raaceen saddexdan nin ee kala ah Ibnu Muljim Shabiib iyo Wardaan si ay u dilaan Cali. Markuu Cali soo galay masjidkii goor salaad subax ah baa waxaa ku dhuftay seef Shabiib kadib baa waxaa isa raaciyey Ibnu Muljim, oo si daran ula helay, isagoo ku oranaya:- Caliyoow! majiro xukun aan xukunka Allaah ahayn. waxba kuumaysan tarin waxaad dhoodhobeysay iyo saaxiibadaaba. Waxuuna akhrinayay markaas qowlka Alle ee ah:

Dadka Waxa kamid kuwa ku gato raali ahaanshaha Allaah darteed naftiisa,Allane waa mid uturid badan addoomadiisa.Albaqara: 207d.

Kadib bay carareen oo Wardaan waxaa helay nin Xadrumowti ah oo dilay, Shabiibna wuu fakaday oo lama helin, halka Ibnu Muljimna lasoo qabtay.Waxuu markaas Cali amray Jacda bin Hubeyrah bin Abu Wahab si uu salada subax dadka u tujiyo. .Kadib waxaa loo qaaday Cali gurigiisi uu ku lahaa magaallada Kuufa, waana lala waday Ibnu Muljim Allaha duleeyoe oo waxaa la hor geeyay imaam Cali hortiisa, saa waxuu yiri Cali:- War hooy! cadawgii Alloow soomaanan ku wanaajinin?

Markas buu kujawaabay:- Haa wad iwanaajisay.

Wuxuu yiri:- Maxaa kugu xambaaray arrinkaan?

Markas buu yiri:- Waxan joogay oo aan soofeynayay yacni seeftiisa 40 subax, anigoo Alle ka baryay si aan ugu dilo kan ugu sharta badan.

Markaas buu Cali yiri:- Ma arko aniga waxaan ka ahayn in lagu dilo oo mana arka waxaan ka ahayn inaad tahay khalqi kan ugu shar badan.

Kadib wuxuu raaciyey intaas Cali haddii aan dhinta dila, haddii aan noolaadana oo aan fiyoobaada anigaa aqaan sidaan yeelaya. Markaas buu Jundub bin Cabdullaahi yiri:- Amiirkii Muminiintow! haddaad dhimato waxaan la mubaayaconeynaa Xassan. Waxuu yiri Cali:- Idinma amrayo oo inkana reebi mahayo ee sidaad aragtaan yeela.

Markuu mowtka kusoo dhawadayna waxuu guda galay inuu ku hadaaqa kalimada towxiidka LAA ILAAHA ILLA-ALLAAH. Waxana layiraahda eraygii ugu dambeyay ee laga maqlayay Cali waxuu ahaa ayadahan Suuratu Zalzalah:

Ruuxii waxyaroo kheyr ah falaa wuu arki doonaa, ruuxii waxyar oo shar ah falaana wuu arki doonaa.

Waxuu imaam Cali u dardaarmay wiilkiisa Xasan iyo wiilkisa Xuseyn taqwada Alle sidoo kale waxuu udardaarmay inankiisa Maxamed bin Xanafiyah taqwada Alle iyo inay dhamaan ka dhowrsadan caruurtiisa fidna dhan oo ay ka fogaadaan waxuuna uqoray warqad dardaaran ah.

Markii Cali la aasay baa xasan bin Cali waxuu dalbay in xabsiga laga soo saara Ibnu Muljim si loo dila waana lasoo saaray, saa waxay Xasan iyo Xuseyn ka tashteen sidii laga yeeli laha waxayna dhaheen aan gubna, waxaa iskugu yimideen si ay uga cad goostaan Xuseyn bin Cali, Maxamed bin Xanafiyah Cabdullaahi bin jacfar, iyo Xasan Bin Cali.

Maxamed bin Cali iyo Cabdullaahi bin Jacfar iyo Xuseyn bin Cali baa waxay yiraahdeen:- Inoo daaya ilaa aan ka gudano. Saa waxuu Cabdullahi bin jacfar ka jaray gacmaha iyo lugaha oo indhahana kasoo saaray kadibna intay qaadeen bay gubeen. Illaah ha duleeyo e Ibnu Muljim.

Waxuu yiri Camr bin Al Asam:- Waxaan usoo galay Xasan bin Cali oo aan usheegay in dadka qaarkiis ay sheegayan inuu Cali soo laaban doona ka hor Qiyaamada, Saa wuu qoslay Xasan oo waxuu yiri:- Subxanallaah, Hadday sidaas ahaan laheyd dumarkisa ma laguursadeen oo dhaxalkiisana lama qeybiyeen.

Waana bidca aqwaasha noocaasi ahi. Bale waa munkar. Wallaahu aclam.

Cali bin Abii Daalib wuxuu geeriyooday 19-kii Ramadaan sanadkii 40aad ee Hijriga, maalin Axad ah, isagoo 63 jir ah, waa sida ay muarrakhiinta rajaxeen, ama qowlka ugu badan. Waayo waxaa la dhaawacay 17-kii Ramadaan habeen Jumca ah, laba casho kadibna waa uu geeriyooday Illaahay haka raalli noqdee. Janaasadiisii Xassan bin Cali baa tujiyey, wuxuuna takbiirsaday 9 takbiir, wallaahu aclam.

Waxaa la isku khilaafaa halkii lagu aasay sayid Cali bin Abii Daalib. Qaar waxay yiraahdaan:- Madiina ayaa loo qaaday oo lagu aasay maqbarada Baqiic, xaaskiisa dhinaceeda. Qaar kale waxay xusaan in aanan la ogeyn oo meydkiisii inta awr lagu qaaday, marka deegaanka banii Dayi lamaraya, ay qabsadeen, awkii iyo sanduuqii, markiina ay arkeen in mayd yahay bay deegaankoodii ku aaseen maydkii iyo sanduuqiiba. Qaar kale waxay sheegaan in lagu aasay qasriga imaaraddii Kuufa. Qaar kale oo culumada taariikhda ahi, waxay xusaan jaamaca magaallada Kuufa hortiisa lagu aasay goor habeen ah iyadoo laga qarinaya Khawaarijta iyo dadka kale, si aanay u soo saarin qabrigiisa.

Isku soo duuboo qowlka ugu adag ama ugu rajaxsan ee badi culimaayi siirah ay qaban waxaa weeye in Cali uu ku aasan yahay magaallada Kuufa, haddii ay noqon lahayd qasrigii imaaradda, ama haddii ay noqon lahayd masjidka hortiisa ama dhinaciisa, ama meel kaleba.

Aqwaasha qaar waxay sheegaan in duleedka Kuufa goor habeen ah lagu aasay. Wallaahu aclam.

Cali bin Abii Daalib, wuxuu ahaa nin goaan adag, leh, wuxuuna aad u shabbahayay dhanka ad adkaanta amiirkii Muminiinta ee Cumar bin Khaddaab. Dhanka kale, wuxuu ahaa mid ku wanaagsan dhanka qaddaha iyo xukunka. Cumar bin Khaddaabna markii uu dhimanayay wuxuu yiri:- Haddii ay Cali doortaan wadada toosan ayuu marsiin.

Tani waxay ina tusineysaa inuu Cali ahaa nin kartiyeed aad iyo aad u qiima badan. Marxalad xun iyo fitan buu kusoo haggaagay, ay adkaan lahayd in khulafadii ka horeysay haddii ay iyaguna soo gaari lahayeen ay ku adkaan lahayd inay xal iyo maaro u helaan. Sidaa daraaddeed baa Cali intuu xukunka hayay oo idil ku mashquulsanaa istiqraarinta dowladdii islaamka, oo fitan aad u xoogan ay markaasi aafeeysay.

Majirin muddooyinkaasi dagaallo ama weerarro uu kuqaadayay quwadihii gaallada ahaa ee deriska, balse wuxuu awoodda saaray in Islaamka uu marka hore dhidibidda u aaso oo sidiisii hore kusoo celiyo.

Waxaa xilligii Cali bin Abii Daalib soo ifbaxay fidna wadayaashii Khawaarijta oo si loola macaamilo ay aad u adkeyd, waxayna runtii ahayd jirribaad iyo imtixaan aad u weyn Cali bin Abi Daalib la marshay. Wuxuu laayay in badan oo kamid ah Khawaarijtaasi, balse waxaa dhacday in ciidamadiisii oo idil ay ku caasiyaan una dhega nuglaan waayaan.

Markii uu amro ama tala keeno, ama uu hala baxa dagaal ku yiraahdo asxaabtiisa, baa waxay iyana ku qaabilayeen dhega adkaan iyo diidmo, waxayna uga careysnaayeen layntii uu laayey fidna wadayaashii Khawaarijta ahaa. Sidaa oo ay tahay, waaga dhulka guudkiisu ma uuna saarneyd axad ka fadli iyo karaama badnaa amiirkii Muminiinta. Dhibaatooyinkii iyo jarribaaddii baa ku darnaaday jeer hammi iyo murugo ay qalbigiisii fuushay. Ugu dambeynna Illaahay baa oofsaday shahiid ahaan.

Si wanaagsan ayuu uga gudbay marxaladdii adkeyd ee fidnada Rabbina wuu usaqiray Illaahay haka raalli noqdee hana u fududeeyoe. Wuxuu ahaa mid Allaah iyo Rasuulkiisa jecel, sidayba Alle iyo Rasuulkiisuna asaga u jeclaayeen, siduu noo sheegay Rasuulkeennii SCW.

Halkaa ayay kusoo afjarmatay qisadii iyo Cali bin Abii Daalib Illaahay haka raalli noqdee.






Ra'yi lama dhiiban



Name:
Email:
Code: imji
Text:
 

  • Home
  • Duruus
  • Quraan
  • Video
  • S&J
  • Muxaadao
  • Contacts



  • sisawc ka baro diintaada © 2012 privacy policy terms of use