Previous  




-

سبحان الله والحمد لله ولا اله الا الله والله اكبر
 

Cali Bin Abii Daalib rc Q-4aad

Ka Bixiddii Khawaarijta ee Kuufa

Markii Cali uu Abii Muusal Ashcari iyo raggiisii uu udiray Duumatul Jandal si ay heshiiska ugu soo guntaan, baa mowqifkii Khawaarijtu ay Cali ka taagnaayeen uu sii adkaaday, taasuna waxay dhashay in inbadanoo kamid ah raggaasi ay amiirkii Muminiinta ee Cali bin Abii Daalib kutilmaamaan gaallima. Sidaa ay tahayna dhulka guudkiisa ma uuna saarneen maalintaa qof ka fadli badan Cali bin Abii Daalib.

Laba nin oo kamid ah Khawaarijta baa Cali utimid, waxaana labadaasi nin lakala oran jiray Zurcah bin Al Baraj Al Dhaayi iyo Xurquus bin Zuheyr Al Sacdi, waxayna ku yiraahdeen:- Majira xukun aanan xukunka Alle ahayn.

Cali wuxuu ugu jawaabay: Nacam! ma jira xukun aanan ahayn xukunka Alle.

Xurquus baa hadlay oo wuxuu yiri:- Kasoo noqo gefkaaga oo inoo wad xagga cadawgayaga reer Shaam, aanu la dagaallanna si aanu Rabbigayo ula kulanno?

Wuxuu Cali yiri:- Taa waan idinla doonay, waadna diiddeen, annaga iyo qoomkuna waxaan kala qorannay warqad iyo ballan, Illaahayna kor ahaaye wuxuu yiri:- Oofiya ballanka Alle, marka aad ballameysaan. Suuratu Naxal 99.

Wuxuu yiri Xurquus:- Kaasi waa dembi ay tahay inaad kasoo noqoto oo aad ka toobad keento.

Wuxuu yiri Cali:- Ma ahan dembi, balse waa cajas ka ahaaday rayi.

Zurcah baa hadlay oo yiri:- Ammaa Illaahay baan ku dhaartaye Caliyoow! haddii aadan ka tegin xukuntamka aad labadda nin u xukuntameysa kitaabka Alle dhexdiisa, waan kula dagaallamayaa, anigoo taasi ku raadinaya, naxariista Alle iyo raalli ahaanshahiisa.

Dabeeta way ka tegeen, waxaana dhacday in qisadii taxkiimka labada nin Abii Muusa iyo Camr bin Al Caas ay dadkii kudhex faaftay iyadoo nimankii Khawaarijtuna arrinkoodii uu darnaaday oo ay rag badan kasbadeen. Dabeedana waxaa dhacday inay Cali cay iyo aflagaadda isugu daraan mararka ay khudbeynayaan.

Waxaa dhacday maalin Jumca ah baa Cali raggiisii ka dhex istaagay oo u khudbeyay, wuxuuna xusay arrinka Khawaarijta iyo xaalkooda, saa waxaa istaagay koox kamid raggii Khawaarijta, waxayna waxayna kuwada qayliyeen:- Ma jira xukun aanan ahayn xukunka Alle. Calina wuxuu guda galay in gacmahiisa uu marba dhinac u jeediya isagoo lahaa:- Xukunka Allaanu idinla sugeynaa. Misna wuxuu yiri:- Dushayada waxaa ahaaday oo aad nagu leedahiin, inaynaan idiin diidin masaajiddayada, oo aynaan idiin diidin wixii nasiib ah oo aad ku yeelataan xoolaha faygan intii gacmahiinu ay la socdaan gacmaheenna, iyo inaynaan idinla dagaallamin jeeraad nala dagaallantaan.

Dabeeta way baxeen khawaarijtii oo waxay ku shireen gurigii C/llaahi bin Wahab Al Raasubi, halkaasoo uu ugu khudbeeyey khudbo aad u xeeldheer oo uu ku amraya inay adduunyada isaga saahidaan iyo in ay amraan wanaagga, xumahana reebaan. Wuxuu kaloo amray inay ka baxaan magaallada Kuufa oo uu isagu ku tilmaamay magaalla dadkeedu daalimiinyahiin, wuxuuna raggiisa usheegay inay aadaan buuraha ama dhanka Madaain, oo ay halkaas ka aruursadaan wixii ku feker ah. Xurquus oo kamid ahaa raggii shirkaas ka qeyb galay baa hadlay oo inta Alle mahadiyay oo amaanay kadib, raggiisii amray in adduunyadu ay tahay waxyaroo mataac ah oo laga fogaada. Dabeeta waxaa hadlay Xamzah bin Sinaan Al Asdi oo isaguna ka tirsanaa madaxdii shirka, waxaana hadalladiisii kamid ahaa:- Tolkayoow! Rayigu waa sida aad aragteen, xaquna waa sida aad tiraahdeen, ee u wakiisha arrinkiina nin idinka mid ah madax ahaan.

Waxay u cid direen Zayd bin Xisin Al Dhaay oo kamid ahaa madaxdooda oo ay masuuliyadda u bandhigeen, saa wuu diiday, misna waxay u bandhigeen Xurquus bin Zuheyr oo isagiina diiday, dabeedana waxay u bandhigeen Xamzah bin Sinaan saa isagiina wuu diiday, ugu dambeynna waxay u bandhigeen C/llaahi bin Wahab oo ka yeelay. Mar kale ayay ku kulmeen guriga Zayd bin Xisin Al Dhayi. Ninka kan wuxuu ka dhashay banii Dhayi wuxuuna kasii ahaa banii Sanbus. Wuxuu amray wanaagga oo uu ka reebay xumaha isagoo faray inay sidaa falaan oo dadka wanaagga amraan xumahana ka reebaan, sidoo kale wuxuu kudul akhriyay aayada kamida Quraanka kariimka. Dabeeta nin iyagii kamid ah oo la oran jiray Cabdullaahi bin Sakhbarah Al Sulami baa inta istaagay si daran u ooyay oo iyagii khudba gaaban ujeeday, taasoo uu ku amraya, ka fogaanshaha adduunyada iyo dhaldhalalkeeda iyo ka bixidda magaallada Kuufa, iyo weliba in ay la dagaallamaan Cali iyo asxaabtiisa.

Culamaayi salaf waxay raggaasi khawaarijta ahi ku tilmaameen kuwa ay ka hadlayaan aayadaha 103- 105 ee suuradda Al Kahf.

Ula jeeddadu waxay tahay, kuwa kan ee juhalada ahi ee baadiyeysani, waxay goaan iyo qorsha qaateen in ay Muslimiinta ka dhex baxaan, oo ay aadaan dhanka Madaain, si ay halkaas uga raadistaan cid mad-habtooda qaadata oo iyaga lasafata iyo wixii la fikir noqdaba. Waxay kaloo ku ballameen inay warqada u dirsadaan reer Basra si ay halkaasina uga helaan dad la fikir iyo rayi ah. Si ay quwad iyo awood ugu helaan Cali iyo raggiisa.

Zayd bin Xisin baa kula taliyey raggiisa inaanay aadin Madaain, waayo wuxuu kusheegay in halkaasi ay joogaan ciidama aad u tira badan oo taabacsan Cali bin Abii Daalib, umana suura galeysa Khawaarijtu haddii ay halkaa tegaan inay kusii dhex noolaadaan. Sidaa darteed waxay aadeen dhanka Nahrawaan. Waxay kaloo warqad u dirsadeen reer Basra guud ahaan wixii raacsan mad-habtooda iyagoo ka dalbanaya inay ugu soo wafdiyaan Nahrawaan.

Magaallada Kuufa waxay kaga baxeen si keli keli ah, si aanay dadka xaalladoodu u ogaan, waxay kaloo faleen inay ka tegaan reerahoodii, aabayaashooda, walaaladooda, wiilasha, hooyooyinka iyo xaasaskuba. Wayna dhaqaaqeen oo ay aadeen Nahrawaan.

Iyagu ma ogo falka ay kusocdaan inuu yahay mid kamid ah dambiyada culculus, waayo waxay ka hoos baxayaan xukunkii ay ku hoos jireen ee ahaa khilaafadii Muslimiinta, iyo weliba cayda iyo aflagaadeynta ay aflagaadeynayaan Cali bin Abii Daalib oo waaga dhulka guudkiisu uuna saarneyn cid ka fadli badan, kagana horreysay Islaamka. Arrimahaasina waxaa u qurxiyey sheydaan oo uga dhigay camal fiican, waana wixii ay ku baadiyoobeen oo adduun iyo aakhiraba ay ku lumeen.

Dagaalkii Nahrawaan & Layntii Khawaarijta

Markii Abii Muusa Al Ashcari uu kasoo gaddoomay xukuntamkii, si toos ah wuxuu aaday Makka isagoo ka xishooday in uu Cali hor tega. Markaa iyada ahi ee Camr bin Al Caas iyo wafdigiisii ay khilaafadii ula laabteen Mucaawiya, Khawaarijtiina ay fashay wixii ay faleen oo ay ka baxeen magaalladii Cali ee Kuufa, Basra iyo Madaainna ay u cid dirsadeen baa Cali wuxuu warqad u qoray Khawaarijtii, taasoo uu ugu sheegaya in arrinkii xukuntamka uu ka laabtay, wuxuuna usheegay inuu siday rabeen uu yeelaya oo uu Shaam ku duulaya. Markaas bay usoo jawaabeen iyagoo ku oranaya:- Adigu ma aanad cara gelinin Rabbigaaga, kaliya waxaad cara gelisay naftaada, haddiina aad ku qirtay naftaada gaallima, oo aad toobad usoolaabatay, waanu eegeynaa wixii dhexdayada ahaaday.

Cali markii uu akhriyey warqaddii jawaabtooda wuu ka xumaaday, wuxuuna goaansaday inuu aada dhanka Shaam si uu ugu duulo kuwa teer iyo markii la doortay ee uu khilaafada qabtay khilaafsan. Magaalladii Kuufa ayuu ka dhaqaaqay oo aaday dhanka Nukheylah isagoo wata ciidan aad u culus oo tiradoodu ahayd 65 000 oo dagaalyahanno ah. Cabdullaahi bin Cabbaas oo magaallada Basra masuul ka ahaana wuxuu usoo diray 3200 fardooley ah. 1500 kamid ah ciidamadaas waxaa hoggaaminayay Jaariyah bin Qudaamah, halka 1700 ka kalena uu hoggaaminayay Abul Aswad Ad- Duali. Sidaa darteed ciidamadii uu Cali ugu tala galay inuu reer Shaam ku edbiya waxay noqdeen 68 200 oo dagaalyahanno ah. Markaas buu Cali raggiisii la dardaarmay oo ku booriyey jihaadka, amrayna inay sugnaadaan marka ay cadawga la kulmaan. Iyadoo arrintu sidaa ay tahay oo Calina uu goaansaday inuu Shaam ku duulo, baa waxaa u yimid war sheegaya in Khawaarijtii dhulka ay fasaadiyeen, oo ay dhiig badan oo Muslimiinta kamid ahina daadiyeen, jidkiina gooyeen, maxaarimtiina xalaashadeen.

Waxyaabahii ay raggaasi Khawaarijta ahi faleen waxaa kamid ahaa inay dileen C/llaahi bin Khabaab bin Arat. C/llaahi wuxuu dhashay noolashii Nebiga SCW, wuxuuna noqday saxaabi Jaliil ah. Waxay qafaasheen isaga iyo xaaskiisa oo xaamila ahayd, markaasay weydiiyeen:- Kuma ayaad tahay?

Wuxuu ku yiri:- Waxaan ahay C/llaahi bin Khabaab saaxibkii Rasuulka Alle SCW.

Waxay ku yiraahdeen:- Inoo sheeg wax aad aabahaa ka maqashay?

Wuxuu yiri:- Waxaan aabahay ka maqlay isagoo leh: Waxaan maqlay Rasuulka Alle SCW oo oranaya:- Waxaa ahaan doonto fidna kan fadhiya uu ka kheyr badan yahay kan u taagan, kan u taaganna uu ka kheyr badan yahay kan u socda, kan usocdana uu ka kheyr badan yahay kan u ordaya.

Gacanta inay qabteen bay horey usii kaxaysteen, asagoo ay xaaskiisiina la socota. Goor uu la socday baa waxaa dhacday in koox kamid ahi raggaasi ay arkeen doofaar ay leeyahiin qaar kamid ah dadkii gaalada ee ahlu dimmaha ahaa ee ku hoos noolaa xukunka Islaamka. Markaas bay seef ku dhufteen oo ay haragga dulooliyeen. Qaarkood baa yiraahdeen:- Maxaad sidaa u fasheen adinkoo og inuu yahay mid ay leeyahiin ahlu dimmaha?

Way sii socdeen, goor ay socdaan oo C/llaahina uu lasocda ayna dhex marayaan meel beer timireed ah baa haddana mid kamid ah wuxuu dhulka ka qaaday mir timir ah oo soo dhacday, markaasuu afka gashtay. Mid kale baa ku yiri:- Oo ma idin laaan iyo lacag la aan baad afka iska gishaneysaa ?

Markaasuu iska tufay oo muuna laqin. Sidaa oo ay tahay raggani ay ku weyneyd dilidda doofaarka gaallada iyo cunnida xabbad timir ah oo geed kasoo dhacday haddana waxay wateen C/llaahi bin Khabaab oo ay markaa kurka ka jareen, dabeetana waxay keeneen xaaskiisii oo leh:- Anigu waxaan ahay haweeney xaamilo ah ee ma waydaan Alle ka cabsaneyn? Saa way gowraceen iyana oo dabeeta dooxeen oo kasoo rideen ilmihii ay caloosha ku sidday. Fa innaa lillaah wa innaa illeyhi raajicuun.

Arrintaas iyada ahi markii ay gaartay Cali iyo raggiisii, iyagoo markaa goaankoodu ahaa inay Shaam ku duulaan, baa waxay ka cabsadeen haddii ay Shaam aadaan in kuwaasi makasta ahi ay reerahooda usoo daba maraan oo ay ku falaan sidii ay C/llaahi bin Khabaab iyo xaaskiisii yeeleen oo kale. Dabeeta waxaa la goaansaday in dhanka Khawaarijta marka hore la aada oo xaalladoodu dhan loo tuuro, kadib markii laga aamin noqdana la aado dhanka Shaam. Rayigaas baala qaatay. Markaas buuna Cali udiray dhankooda Al Xaarith bin Murrah Al Cabadiyu. Wuxuuna ku yiri:- Iiga soo warran warkooda iina soo ogoow! xaalkooda. Markii ninkaasi uu u tegay, way dileen oo umaanay kaadinin. Markaas buuna Cali goaan kama dambeys ah qaatay inuu marka hore ku duulo ayaga ka hor intuusan reer Shaam ku duulin.

Dabeeta Cali wuu dhaqaaqay isagoo maraya dhanka Ambaar, wuxuu dhexda kula kulmay nin faalliye ah, oo ku amray inuuna socon waqti cayiman oo uu isaga usheegay mooyaane, wuxuuna u sheegay haddii uu socda waqti aanan waqtiga uu usheegay ahayn inay dhacaysa in laga guuleysa ama uu guuleysan waayo. Calise uma hoggaansamin arrintaas iyo taladii uu ninka faalliyaha siiyey, wuuna khilaafay, wuuna soconayay markii uu socod u baahda, wuuna degayay markii uu degid damca, waqtigana muu u kala soocanayn.

Wuxuu yiri Cali isagoo ka warramaya sababta uu sidaa u falay:- Waxaan jecleystay inaan dadka u caddeeyo gafkiisa faalliyaha, waxaana ka cabsaday in qofka jaahilku uu yiraahda hadhowta: Wuxuu ku guuleystay Cali haleeliddii iyo sidii uu uwaafaqay faalliyaha.

Wuxuu Cali hortiisa diray Qeys bin Sacad oo uu u diray dhanka Madaain si uu ciidama uga keeno halkaas, magaallada Madaainna waxaa xilligaasi masuul ka ahaa Sacad bin Mascuud oo la dhashay Abuu Cubeydah bin Mascuud Ath- Thaqafi amiirkii ciidamadii Muslimiinta ee dagaalkii Jassar. Kadib Cali wuxuu u cid diray Khawaarijta isagoo ku oranaya:- Inoosoo gacan geliya dadkii dilay walaaladayada, si aan u dilo, dabeetana waan idinka tegayaa oo waxaan aadayaa Carabta reer Shaam. Waxay iyana u soo direen Cali jawaab ahaan inay yiraahdeen:- Annagoo idil baa dilnay walaaladiin, waana inoo xalaal dhiiggooda iyo dhiiggiinuba.

Dabeeta Cali bin Abii Daalib horey buu ugu socday xaggooda oo waaniyey, oo cabsi geliyey una digay. Intuu utegay buu la hadlay oo waaniyey, balse uma aanay jawaabin, waayo horey bay ku heshiiyeen inaanay Cali la doodin ama la hadlin. Kaliyana hadalkoodu ama weedha ay ku hadaaqayaan mararkaasi oo kale waxay ahayd:- Al ruux Al ruux ilal Jannah.

Kadib Cali waa uu ka laabtay oo ciidankiisii u tegay, saa iyana waxay dhiseen ciidamadoodii, iyagoo midigta udhiibay Zayd bin Xisin, bidixdana waxay udhiibeen Shureyx bin Owfaa, fardooleyduna waxay madax uga dhigeen Xamza bin Sinaan Al Asdi, ciidamada lugtana waxay madax uga dhigeen Xurquus bin Zuheyr Al Sacdi. Waxayna usoo istaageen la dagaallanka Cali iyo ciidamadiisa.

Cali bin Abii Daalibna wuxuu dhisay ciidamadiisii, isagoo midigta madax uga dhigay Xujri bin Cadiyi, ciidamada bidixdana wuxuu udhiibay Shabbath bin Ribciyi iyo Macqal bin Qeys, ciidamada fardooleyda wuxuu madax uga dhigay Abuu Ayuub Al Ansaari, ciidamada lugtana wuxuu madax uga dhigay Abuu Qataadah Al Ansaari, reer Madiina oo markaasi tiradoodu 700 ahaydna wuxuu madax uga dhigay Qeys bin Sacad bin Cubaadah.

Wuxuu kaloo Cali sameeyay calan magan galya ah, wuxuuna u dhiibay Abuu Ayuub Al Ansaari, wuxuuna ku yiri dadka:- Qofkii calankaasi hoostaga waa aamin, qofkii aada Kuufa iyo Madaainna waa aamin, mana jirta wax dan ah oo aanu idinka leennahay kuwii walaaladayada dilay mooyaane.

Markii ay Khawaarijtii arrinkaasi aragtay bay kala firxadeen oo kala tegeen, waxaana kusoo haray meesha 1000 nin oo uu hoggaaminaya C/llaahi bin Wahab, markii horena tiro ahaan waxay ahaayeen 4000.

Dabeeta si kama dambeys ah buu Cali ciidamadiisii u dhisay, wuxuuna hor mariyey fardooleydiisii, wuxuuna siiyey dardaarankii ugu dambeeyey oo uu ku yiri:- Ka laabta gacmahiina jeer ay idinku billaabaan. Kadib Khawaarijtii baa timid iyagoo leh:- Ma jiro xukun aanan ahayn xukunka Alle, ar-ruux ar-ruux! ilal Jannah. Dabeetana weerar ayay ku qaadeen fardooleydii horee Cali. Markaa baa gamuunnadii iyo waramadii laysku shiishtay, ciidamadii Calina ay difaac adag galeen oo ay laayeen layn daran. Waxaa la dilay dhammaan madaxdoodii oo uu kamid ahaa C/llaahi bin Wahab, sidoo kalena ay kamid ahaayeen Xurquus bin Zuheyr, Shureyx bin Owfaa iyo C/llaahi bin Sakhbarah As- Sulami, Illaahay ha dulleeyoe.

Abuu Ayuub Al Ansaari Illaahay ha ka raalli noqdee isagoo inooga warramaya dagaalkii maalintaas wuxuu yiri:- Nin kamid ah Khawaarijta baan ka dusiyey dhabarkiisa waran, markaasaan ku iri:- Ku bishaareyso Naarta cadawgii Alloow!.

Markaasuu yiri:- Waad ogaan doontaa keennii mudnaada gelideeda Naarta.

Waxaa la sheegaa in asxaabtii Cali laga dilay 7 qofood oo kaliya. Markaas buu Cali dhex maray ciidamadii kadib markii uu ka guuleystay Khawaarijta oo uu laayey. Wuxuu dhex qaaday meydkii isagoo leh:- Hoog idiin gal, dhab ahaan wuu idin dhibay ka idin kediyey.

Asxaabtiisii baa ku tiri:- Oo waakuma amiirkii Muminiintoow! kan kadiyey?

Wuxuu yiri:- Waa Shaydaan iyo nafta amarta xumaha, wuxuu ku kediyey yididiilo, oo uu u qurxiyey macaasida.

Dabeeta Cali wuxuu amray in la isu keeno dhaawacyadooda, waxayna noqdeen 400, saa wuxuu u dhiibay ehelladooda, hubkiina wuu qeybiyey.

Al Heytham bin Cadiyi wuxuu ku xusay kitaabka Khawaarijta:- In Cali uusan qeybin wixii uu ka helay Khawaarijta maalintii Nahrawaan, balse wuxuu u celiyey ehelladooda. Wallaahu aclam.

Dabadeed Cali oo ay la socdaan laba nin oo kala ah Abuu Xarrah Suleymaan bin Thumaamah Al Xanafi iyo Rayaan bin Sabrah bin Huudah Al Xanafi baa waxay dhex qaadeen meydkii iyagoo ka dhex raadinaya Duth- Thadyi oo ah nin labada garab dhexdooda ku lahaa buro lamoodo sidii naaska fiiddiisa oo kale, oo leh timo mad madow, waxaa kaloo la sheegaa timo cad cad. Ninkan wuxuu ahaa astaan muujineysay ficilka Khawaarijta, Rasuulka SCW ayaana sii sheegay calaamooyinkiisa. Goor ay Cali iyo labadii nin ee la socotay ay meydka ka dhex raadinayaan ninkaasi, baa waxaa helay Rayaan bin Sabrah.

Cali bin Abii Daalib markii uu arkay ninkii garabka kulahaa burada, sujuud dheer buu la dhacay, isagoo Alle uga mahadnaqaya ficilkii uu sameeyey ee uu ku laayay nimanka Khawaarijta. Rasuulku SCW isagoo tilmaan ka bixinayay nimanka Khawaarijta ahi, wuxuu tilmaamay xilliga ay soo bixi doonaan, iyo meesha ay kasoo bixi doonaan iyo cidda la dagaallami doonto iyo weliba tilmaanta ninkan lagu dilay Nahrawaan. Dhammaan asbaabahaasi oo idil markii la gartay waxaa sii yaqiinisay in kuwa kani ay ahayeen Khawaarij dilkii Duth- Thadyi.

Maxay ahaayeen Khawaarijtu?

Cali bin Abii Daalib ayaa la weydiiyey sida uu xusay Al Haytham bin Caddiyi arrinka Khawaarijta inay yahiin gaalo?

Wuxuu ku jawaabay:- Gaallimay ka cararayaan.

Waxaa la weydiiyey:- Ma Munaafiqiin baa?

Wuxuu ku jawaabay:- Munaafiqiintu ma xusaan Alle, inyar mooyaane.

Waxaa la weydiiyey:- Haddaba maxay yahiin amiirkii Muminiintoow!?

Wuxuu ku jawaabay:- Waa walaaladayada oo inagu xad-gudbay, markaasaanu kula dagaallannay xad-gudubkay nagu xad-gudbeen.

Ninka madaxda u ahaa Khawaarijta ee C/llaahi bin Wahab wuxuu ahaa mid sujuuddiisu, sujuudda ay madoobeysay, wuxuu ahaa mid salaad badan oo ku xeel dheeraada sujuudda. Sidaa daraadeed baana loogu laqibay Dul bayinaat. Ayadoy sidaa tahay haddana waxay noqdeen kuwii uu Alle sheegay ee adduun iyo aakhiraba khasaaray oo misna is moodaya inay iyagu camallada hagaajinayaan. Illaahay baa kor ahaaday ee isagu abuurkiisa u sameeyo siduu doono.

Raggani waxay gaalleysiinayeen Cali oo Islaannimo iyo fadliba kaga hormaray agta Alle. Sidoo kale saxaaba badan bay gaaleysiinayeen, Rasuulkuna SCW axaadiis badan buu kaga warramay sifaalahooda, marka arrimahaasi oo idil haddaynu kasoo tegno, axaadiistaasi waxaa laga daalacan karaa kutubta ka hadashay arrinkaasi. Sida ka Haytham bin Caddiyi ee si weyn uga hadla arrinka Khawaarijta iyo asbaabahooda. Wabillaahil Mustacaan.

Markii uu Cali ka faaruqay arrinkii Khawaarijta, buu ciidamadiisii ka dhex istaagay oo u khudbeeyey kuna booriyey inay Shaam aadaan oo ay arrinka Mucaawiya dhan usoo tiiriyaan, sidiiba markii hore horey loogu ballamay. Markaas bay ku andacoodeen in gamuunadii ka dhammaadeen, seefahiina ay ka af beeleen, waxay ka dalbadeen inuu goballadoodii u celiyo oo ay marka hore degaan. Arrimahaasi waxaa Cali kula hadlay Ashcath bin Qeys Al Kindi, markaasay dadkiina isku wada raaceen. Dabeeta waala soo dhaqaaqay jeer la degay Nukheylah. Cali wuxuu amray inay halkaasi ku nastaan oo muddo degnaadaan, ehelladuna soo booqdaan, kadibna ay isu diyaariyaan duullaanka dhanka Shaam. Muddo kadib waxaa dhacday inay ka kala tegeen oo goballadoodii ay aadeen illamaa ay kusoo hareen Cali madaxdii ciidamadiisa oo iyo ciidama yar oo qura.

Cali Khudba aad u xeel dheer buu ujeediyey, oo uu ku boorinaya jihaadka isagoo ku dul akhrinaya aayadaha jihaadka ee ku kala jira suuradaha Quraanka, balse cidi dheg jalaq uma aanay siin, waxayna ukala baxeen dhinacyada oo ay goballadoodii iyo guryahoodii aadeen raggiisii. Sababtuna waxaa la sheegaa inay kaga caroodeen raggii uu Cali kulaayay Nahrawaan ee Khawaarijta ahaa dartooda, waayo waxay kuwaasi ahaayeen qaraabadooda iyo ehelladooda oo ay ayagu u arkayeen inay ahaayeen kuwoodii ugu cilmiga iyo Alle ka cabsiga badnaa. Markaas buu Cali baxay oo uu galay magaalladiisii Kuufa.

Markii uu Cali kasoo laabtay Nahrawaan baa waxaa Basra uga yimid nin la oran jiray Al Xaarith bin Raashid Al Naajiyu. Wuxuu la yimid qowm reer Basra ah, markaasuu Cali u tegay oo uu ku yiri:- Adigu waxaad la dagaallantay reer Nahrawaan, qisadii taxkiimka oo ay kugu diideen darteeda. waxaadna sheeganeysaa in aad reer Shaamna siisay cahdi iyo ballan, iyo inaadan jebineyn ballantaas. Waa kuwa ay labada xaakimba kaa xukun baxeen, dabeetana ay isku khilaafeen in Mucaawiya xukunka loo dhiiba, markaasuu Camr bin Al Caas u dhiibay. Abuu Muusa Al Ashcarina wuu ku diiday arrinkaas. Haddaba adigu waxaad tahay mid ay labaduba ka xukun baxeen siday isku raaceen, aniguna waan kaa hoos xukun baxay, sidoo kale Mucaawiyana waan ka hoos xukun baxay.

Dabeeta ninkan Xaarith waxaa raacay bashar badan oo kamid ah tolkiisa banii Naajiyah iyo dad kale oo badan. Markaasuu Cali u diray Macqal bin Qeys Al Ramaaxi oo wato ciidama culus, saa wuu la dagaallamay oo laayey, in badan oo kalena uu kasoo qafaashay. 500 oo reer banii Naajiya ah ayuu kasoo qafaashay, saa waxaa ka hor yimid nin la oran jiray Abuu Maqles Masqalah bin Hubeyrah oo ahaa mid kamid ah masuuliyiintii Cali ee goballada . Markaasay banii Naajiya uga ash-katoodeen xaallada ay kusuganyahiin Abuu Maqles oo ay ka dalbadeen inuu u gargaaro, saa wuu iibiyey oo uu uballan qaaday inuu Macqal siinayo 500 000 Dirham. Ninkii isagoonan wax lacag ah bixinin buu cararay oo galay Basra. Markaasuu Macqal warqad uqoray C/llaahi bin Cabbaas isagoo usheegaya waxa uu Abuu Maqles falay. C/llaahi bin Cabbaas markii uu weydiiyey, wuxuu Abuu Maqles yiri:- Waxaan u imid inaan lacagtooda kuugu dhiibo. Dabeeta wuu cararay ninkaas oo wuxuu galay Kuufa isagoo u tegay Cali. Markaas bay C/llaahi bin Cabbaas iyo Macqal si wada jir ah warqad ugu direen Cali iyagoo ku ogeysiinaya waxii uu Abuu Maqles falay. Cali markii uu weydiiyey lacagta buu bixiyey 200 000, dabeetana wuu sii cararay oo uu u baxsaday dhanka Shaam, isagoo u tegay Mucaawiyah. Cali wuxuu amray in la xoreeyo banii Naajiyah, wuxuuna sidoo kale amray in la dumiya daartii uu Abuu Maqles ku lahaa Kuufa.

SANADKII 38AAD

Sanadkan dhexdiisa buu Mucaawiya u diray dhanka Masar Camr bin Al Caas, si uu uga qaado gacanta Maxamed bin Abuu Bakar oo masuul uga ahaa dhanka Cali bin Abii Daalib. Sababtu waxay ahayd, markii uu Cali masuuliyadda Masar ka qaaday Qeys bin Sacad baa wuxuu u dhiibay Maxamed bin Abii Bakar, Qeysna wuxuu aaday dhankii Cali oo uu kala qeyb qaatay dagaalkii Safiin iyo kii Nahrawaanba. Cali bin Abii Daalib aad buu uga shallaayay sababtii uu uga casilay Qeys imaaraddii Masar, waayo wuxuu Qeys ahaa mid udhigmay Mucaawiya iyo Camr bin Al Caasba. Taas casilidda Qeys waxaa ku farxay Mucaawiya iyo Camr bin Al Caas iyo raggiisii, balse waxaa uga sii darnaatay markii ay Safiin ku arkeen Qeys oo la safan Cali bin Abii Daalib.

Wuxuu Mucaawiya oran jiray:- Illaahay baan ku dhaartaye Qeys ibnu Sacad la joogidda uu Cali la jooga, waxay iiga caro badantahay isagoo ay la joogaan 100 000 oo dagaalyahanno ah.

Markii uu Cali ka faaruqay dhacdadii Safiin, baa waxaa soo gaadhay war ah in showkaddii Muxammed bin Abii Bakar ay daciiftay, isagii wiil dhalinyaro ahaa darteed, waayo Muxamed wuxuu markaasi jiray da ahaan 26 sano ama kudhaw. Sidaa daraaddeed bay reer Masar ka dalbadeen Cali inuu masuul weyn usoo magacaaba Masar. Dabeeto Cali wuxuu damcay inuu Qeys kuceliyo, ma uuna yeeline wuxuu u cid diray Ashtar An- Nukhaci oo markaas shurdada madaxa u ahaa, masuulna ka ahaa Muusal iyo Nuseybiin, markii uu u yimidna wuxuu u diray Masar si uu halkaasi masuul uga noqdo.

Arrintaasi markay gaadhay Mucaawiyah iyo Camr bin Al Caas aad bay uga xumaadeen, waayo horey bay u damaaciyeen inay la wareegaan gacan kuheynta Masar oo ay ka maroojistaan Maxamed bin Abii Bakar. Ninka kan ee Ashtar An Nukhacina wuxuu ahaa nin dagaalyahan ah oo ku xeel dheeraa dagaallada iyo arrimaha militeriga. Sidaa daraaddeed wuxuu mugdi geliyey damacii Mucaawiyah iyo Camr bin Al Caas. Ashtar wuxuu aaday dhankii Masar, nasiib xumase ma uusan gaarin oo dhexda ayuu ku geeriyooday. Arrintaasi markay gaartay Mucaawiya iyo reer Shaam, aad bay ugu farxeen. Markaas buu Cali si dhaqsiya ah warqad ugu qoray Maxamed bin Abii Bakar isagoo kaga raalli noqonaya inuu masuuliyadda Masar sii haya. Markaas iyada ahi ciidamadii Maxamed bin Abii Bakar way daciifeen, waayo waxay loolan ka dhaxayeen kuwii u olaleynayay raadinta dhiiggii Cuthmaan ee Masar kusugnaa, kuwaasoo kusugnaa goobta Kharbataa, oo aanan horeyna Cali ula mubaayacoonin, awooddooduna marba marka ka dambeyso way sii kordheysay.

Arrimahii awooddii reer Kharbataa sii korodhiyey, waxaa kamid ahaa, markii uu dhacay dagaalkii Safiin, kadibna arrintii taxkiimka loo baxay, oo Camr bin Al Caas iyo Abii Muusa Al Ashcari ay ku kulmeen Duumatul Jandal, labada xaakimna ay isku raaceen in laga xukun baxa Cali, kadibna ay isku khilaafeen in Mucaawiya xilka loo dhiibo, dabeetana uu Camr bin Al Caas xilkii udhiibay Mucaawiyah, reer Shaamna markii ay Shaam ku laabteen ay Mucaawiya kusalaameen salaantii khilaafada, intaa kadibna waxaa dhacday oo aan soo xusnay dagaalkii Nahrawaan iyo khilaafkii ay Cali khilaafeen ciidamadiisii. Markaas bay reer Kharbataa awooddoodii adkaatay, oo ay dhaqdhaqaaqyo billaabeen. Taas cagsigeedu ciidamadii Maxamed bin Abii Bakar baa waxaa ku yimid hoos udhac iyo daciifnimo, tiiyoo ay jirtay in Maxamed uu ahaa nin dhalin yaro ah, oo aan maskax iyo cududba ku haggaagi karin Mucaawiyah iyo Camr bin Al Caas, oo laba nin oo maskax badan ahaa.

Markaa iyada ah buu Mucaawiya kulmiyey madaxdiisii, Camr bin Al Caas Al Sahmi, Shuraxbiil bin Samadh, C/Raxman bin Khaalid bin Waliid Al Makhzuumi, Daxaak bin Qeys Al Fihri, Busur bin Abii Ardhaah Al Caamiri, Abul Acwar Al Sulami iyo Xamza bin Sinaan Al Hamdaani iyo qeyrkooda.

Wuxuu Mucaawiya raggaasi kala tashaday inay wajahaan Masar oo ay gacanta ku dhigaan, iyagiina fikirkaas way u riyaaqeen kuna raaceen. Waxayna ku yiraahdeen:- Aad halka aad doonto inaguna waan kula jirnaaye. Markaas buu Mucaawiya masuuliyaddaasi u wakiishay Camr bin Al Caas haddii Masar la furtana wuxuu amray inuu asaga masuul ka noqdo.

Dabeeta Mucaawiya wuxuu warqad u qoray Maslama bin Mukhlid Al Ansaari iyo Mucaawiyah bin Khadiij Al Sakuuni, oo iyagu madax u ahaa ciidamadii ku sugnaa Kharbataa, ee kasoo horjeeday Cali. Kuwaasoo u olaleynayay raadinta dhiigga Cuthmaan bin Cafaan, tiradooduna waxay ahayd 10 000 ama ku dhawaad. Wuxuu Mucaawiyah ku war gelinayay in uu ciidama soo diray, wuxuuna ka dalbaday inay u gargaaraan oo ay soo dhaweeyaan ciidamadaasi. Wuxuu Mucaawiyah warqaddaasi u dhiibay mowla ama adeega u joogay oo la oran jiray Sabiic. Markiina ay warqaddii gaartay Maslama iyo Mucaawiya bin Khadiij, aad bay ugu farxeen, waxayna si dhaqso ah ugu direen warqad jawaab ah oo ay kusoo dhaweynayaan arrinkaas iyagoo u ballan qaaday inay hiil iyo hooba ku taageeri doonaan.

Markaa iyada ah bay ahayd markii uu Mucaawiya u diyaariyey Camr bin Al Caas 4 000 ama 6 000 oo dagaalyahanno ah. Dabeetana wuu la baxay isagoo sagootinaya. Wuxuuna u dardaarmayay cabsida Alle iyo sugnaan iyo amridda wanaagga iyo reebidda xumaha. Sidoo kale wuxuu amray inuu la dagaallama ciddii la dagaalanta, kana haro oo cafiya ciddii ka cararta, iyo inuu dadka ugu yeero heshiis iyo midnimo. Markii uu Camr galay Masar, waxaa ku biiray ciidamadii Kharbataa kusugnaa ee u olaleynayay dhiigga Cuthmaan. Halkaas ayuuna hoggaanka ugu wada qabtay dhammaan ciidamadii oo idil. Dabeetana wuxuu warqad u diray Maxamed bin Abii Bakar isagoo ka dalbanaya inuu masuuliyadda si degan kusoo wareejiya, oo uu isdhiiba. Mucaawiyah bin Khadiijna sidoo kale warqad buu uqoray Maxamed, taasoo uu ugu goodinaya. Markaas buu Maxamed labaduba u qoray jawaab ay kahdaan. Calina uu u diray warqad uu ugu sheegaya xaaladda taagan, iyo in dhanka Mucaawiya ay ciidama culus ka yimideen. Kuwaasoo doonaya inay Masar la wareegaan. Wuxuuna Maxamed ka dalbaday Cali in haddii uu Masar dan ka leeyahay uu cid masuul uga noqota iyo ciidanba uu soo dirsada.

Cali warqad jawaab ah ayuu si deg deg ah ugu qoray Maxamed bin Abii Bakar, isagoo ku war gelinaya inuu sabra oo sugnaada, wuxuuna u sheegay inuu ciidan iyo maalba usoo diri doono. Markaas buu Maxamed ka dhex istaagay ciidamadiisii oo u khudbeeyey kuna booriyay jihaadka iyo sugnaan iyo sabir iyo in lala dagaallamo reer Shaam. Camr bin Al Caas horay ayuu gudaha ugu sii socday Masar, isaga iyo ciidamadiisiiba iyo kuwii kusoo biiray ee horey Masar ugu sugnaa, waxaana lagu sheegay in tiradoodu noqotay 16 000 ama 17 000. Maxamed bin Abuu Bakarna wuxuu la soo dhaqaaqay ciidamadiisii, oo tiro ahaan markaasi ahaa 2 000 oo fardooley ah. Ciidamadiisii horena wuxuu madax uga dhigay Kinaanah bin Bishir. Markaasuu Kinaanah weerar qaaday, wixii uu arkaaba oo reer Shaam ahba laayay illaa uu gaaray Camr bin Al Caas. Dabeeta Camr wuxuu soo diray Mucaawiyah bin Khadiij oo inta gadaal kaga yimid asaga iyo ciidamadiisiiba isweer kusameeyay. Dabeetana intuu jilba dhigtay buu akhriyey qowlka Alle kor ahaaye:

Nafina uma ay ahaan inay dhimata, idinka Alle mooyaane, waana kitaab la gooreeyay.Suuratu Aali Cimraan: 145d.

Dabeetana wuu dagaallamay jeer la dilay. Ciidamadii Maxamedna way kala firxadeen. Markaas buu Camr galay magaalladii. Mucaawiya bin Khadiijna wuxuu daba galay raadkii Maxamed. Qof kastoo uu arka ayuu Mucaawiya weydiinayay:- Ma aragteen qof aad garan weydeen? Iyana maya ayay ku oranayeen. Illaa markii dambe uu la kulmay nin oday ah oo uu weydiiyey, markaasuu ninkii ku jawaabay:- Waxaan arkay nin fadhiya khirbaddaasi dhex fadhiya.

Markaas buu Mucaawiya yiri:- Waa isaga! waa isaga! Rabbiga kacabadda ayaan kudhaartaye.

Way ugu galeen oo ay ka soo saareen. Wuxuuna markaasi kudhawaa inuu oon darani la dhinta. C/Raxmaan bin Abii Bakar oo kamid ahaa raggii Camr kala yimid Shaam, baa wuxuu u galay Camr isagoo ushafeec qaadaya walaalkiis Maxamed. Wuxuuna ku yiri:- Ma walaalkey baa la dilayaa? Markaas buu Camr bin Al Caas u cid diray Mucaawiyah bin Khadiij isagoo ka dalbanaya inuu u keeno Maxamed bin Abii Bakar. Markaasuu Mucaawiyah bin Khadiij yiri:- Maye wallaahi, ma waxay dilayaan Kinaanah bin Bishir, oo aan markaas daayaa Maxamed bin Abii Bakar, iyadoo uu kamid ahaa dadkii dilay Cuthmaan?

Istifhaamku waxaa weeye, macnuhu waxay ku noqotay Mucaawiyah bin Khadiij inuu Maxamed nolal ugu geeyo Camr bin Al Caas arrin dhib ah.

Wuxuu Maxamed dalbaday biyo uu cabbo, saa waxaan xusnay in markii godka laga soo saarayayba uu oon darani hayay oo xitaa uu ku sigtay inuu u dhinto. Markiina uu dalbaday biyaha bay u diideen, wuxuuna Mucaawiyah yiri:- Illaahay ima waraabsho, haddii aan dhibic biyo ah ku waraabiyo abad, saa maxaa yeelay, Cuthmaan baad u diiddeen biyaha inuu cabbo, jeer aad disheen, isagoo sooman. Markaasuu Illaahay la kulmiyey miidda aaburan.

Sida uu xusay ibnu Jariir dabeeto Mucaawiyah bin Khadiij waa uu dilay Maxamed, kadibna wuu gubay. Arrintaasi markay gaadhay Caaisha bint Abii Bakar aad bay uga jiriracootay oo ay uga xanuunsatay, wayna ka murugootay, waxayna kafaalla qaadday carruurtiisii oo uu ku jiray Al Qaasim. Wallaahu aclam.

Al Waaqidi wuxuu xusay in ninkii sheegay halka uu Maxamed ku dhuuntay uu ahaa nin la oran jiray Jablah bin Masruuq. Wallaahu aclam.Sidoo kale wuxuu Waaqidi kusheegay waqtigaasi inay ahayd bishii Safar ee sanadkan.

Bishii Shacbaan ee sanadkan ayuu Camr bin Al Caas warqad u diray dhankii Mucaawiyah bin Abii Sufyaan isagoo kula socodsiinaya, wixii dhacay iyo in Illaahay u furay Masar, oo ayna u soo laabteen daacadda iyo maqal iyo adeecidba, wuxuuna usheegay in ay hoggaansameen oo ay qaabileen midnimada.

Markii Cali uu gaaray warka ah in la dilay Maxamed bin Abii Bakar, Masarna ay gacanta u gashay Camr bin Al Caas, buu arrintaasi ka xanuunsaday. Markaas buuna raggiisii ka dhex istaagay oo ku booriyey inay sabraan oo adkeystaan oo ay ku dhaqaaqaan dhanka reer Shaam, wuxuuna kula ballamay Al Jircah oo ah meel u dhaxaysa Kuufa iyo Xiira. Markii subaxii la gaaray buu Cali ka dhaqaaqay magaalladii Kuufa oo degay Jircah. Balse cidi uma aysan soo bixin kamid ah ciidamadii. Kaliya waxaa la socday dadkiisii iyo qaar kamid ah madaxdiisa. Markii la gaadhay habeenkii buu isugu yeeray madaxda. Waxay usoo galeen isagoo murugeysay. Markaasuu inta istaagay u khudbeeyay, khudbo ay ku dheehantahay murugo, oo aad u xanuun badan. Wuxuu Cali weydiiyey isagoo wax walba oo hanti ah siiyo, oo aanan waxba ka hagran, aaraadooduna qiimeeyo, waxa ay u maqli layahiin oo aysan u adeeceynin amaradiisa. Iyadoo Mucaawiya ay raggiisu adeecaan siismo laaan uuna waxbana siinin.

Maalik bin Kacab Al Awsi ayaa istaagay, oo dadkii ku booriyey jihaadka iyo maqlidda amiirka Muminiinta iyo inay adeecaan oo ay qaataan amarradiisa. Dabeeta waxaa isu soo kacday 2000. Markaasuu Cali madax uga dhigay raggaas Maalik bin Kacab, wuxuuna amray inuu aado dhanka Masar. Waxyar kadib waxaa yimid qaar kamid ah ciidamadii Maxamed bin Abii Bakar ee ku kala firxaday Masar qaar kamid ah, oo Cali uga waramay sidii ay wax u dhaceen iyo dilkii Maxamed bin Abii Bakar, iyo in masuuliyaddii Masar ay gacanta ugashay Camr bin Al Caas.

Maalik waa uu dhaqaaqay wuxuuna aaday dhankii Masar, balse dhaxda ayuu kasoo laabtay. Sababtuna waxay ahayd wuxuu ka cabsaday ciidamadii Shaam oo kusoo baxay ka hor intuuna gaarin Masar. Xaaladdii Ciraaqiyiintuna waxay noqotay inay Cali khilaafaan, haddii uu amra bixidna aanay bixin, amaraddiisuna aanay qaadan. Markaas buu Cali warqad u qoray C/llaahi bin Cabbaas oo masuul ka ahaa Basra, isagoo uga eed sheeganaya xaallada qallafsan ee lasoo deristay iyo dhibta haysata iyo diidmada iyo amar qaadasho laaanta uu raggiisii kala kulmo mar alliyoo uu amar siiyo. Markaas buu C/llaahi bin Cabbaas ka soodhaqaaqay magaalladii Basra oo aaday dhankii Cali iyo magaalladii Kuufa, si uu uga tacsiyeeyo dilkii Maxamed bin Abii Bakar, oo uu waaniyo, talooyin wax ku ool ahna uu u siiyo. Magaalladii Basra wuxuu kusii dhaafay Ziyaad bin Abiih.

Waqtigaas isaga ahi buu Mucaawiya bin Abii Sufyaan warqad u dhiibay C/llaahi bin Camr Al Xadrami si uu reer Basra ugu dul akhriyo oo uu ugu yeero inay ku istiqraaraan wixii uu xukmiyey Camr bin Al Caas oo ah in khilaafada uu qabta Mucaawiyah. Markii C/llaahi bin Camr Al Xadrami uu tegay magaalladii Basra wuxuu ku degay deegaanka banii Tamiim oo uu magan galyo weydiistay. Ziyaad baa inta ku kacay u diray Acyan bin Dubeycah iyo ciidama uu hoggaaminaya. Saa waxaa dhex maray dagaal lagu dilay Acyan. Markaas buuna Ziyaad warqad u qoray Cali, isagoo ogeysiinaya wixii Basra ka dhacay, kadib markuu ka baxay C/llaahi bin Cabbaas. Dabeeto Cali wuxuu soo diray Jaariyah bin Qudaamah Al Tamiimi oo hoggaaminaya 500 oo qoomkiisa banii Tamiim ah. Markaasuu Jaariya warqad u qoray tolkiisa banii Tamiim, wixii raacay C/llaahi bin Camr Al Xadrami, saa badankoodii way kasoo laabteen. Markaas buu Jaariyah dhaqaaqay oo dul tegay daartii ay ku jireen Ibnu Xadrami iyo raggiisii oo tiradoodu lagu sheegay 40 ama 70. Saa godoomin buu ku qabtay, markaasuu ku gubay kadib markii uu u cududaaray una digay oo ay ajiibi waayeen.

Ibnu Jariir wuxuu xusay masuuliyiintii goballada in sanadkan ay ahaayeen Quthum bin Cabbaas oo Cali masuul uga ahaa magaallada Makka, walaalkiis Cubeydullaah bin Cabbaas oo Cali Yeman masuul uga ahaa, iyo walaalkood C/llaahi bin Cabbaas oo Basra masuul uga ahaa, iyo walaalkood Tamaam bin Cabbaas oo Madiina masuul uga ahaa. Khuraazaan-na waxaa masuul uga ahaa Khaalid bin Qurrah Al Yarbuuci.

Masar waxay gacanta ugashay Mucaawiya, waxaana masuul uga ahaa Camr bin Al Caas. Shaam-na guud ahaan waxay hoos imaneysay Mucaawiyah bin Abii Sufyaan Illaahay haka raalli noqdee.

Sahal bin Xaniif Al Ansaari oo saxaabi Jaliil ahaa, kana ag dhawaa Cali, maqaam aad u sarreeyo iyo meel wanaagsanna u joogay baa sanadkan geeriyooday Illaahay haka raalli noqdee. Magaalladii Kuufa ayuu ku geeriyooday. Cali ayaana ku tukaday, isagoo janaasadiisii takbiirsaday shan, waxaa kaloo la yiri lix takbiir. Wallaahu aclam. Waxaa sanadkani dadka xajiyey sida uu Ibnu Jariir xusay Quthum bin Cabbaas oo magaallada Makka masuul ka ahaa.






Ra'yi lama dhiiban



Name:
Email:
Code: e627
Text:
 

  • Home
  • Duruus
  • Quraan
  • Video
  • S&J
  • Muxaadao
  • Contacts



  • sisawc ka baro diintaada © 2012 privacy policy terms of use