Previous  




-

سبحان الله والحمد لله ولا اله الا الله والله اكبر
 

Cali Bin Abii Daalib rc Q-3aad

Wilaayadii Qeys Bin Sacad ee Masar

Sanadkan 36aad buu Cali si dhan u dhiibay masuuliyadda Masar Qeys bin Sacad bin Cubaada Al Ansaari, halkaasoo waqtigii Cuthmaan uu madax ka ahaa C/llaahi bin Sacad bin Abii Sarax oo loo dhiibay kadib markii horey looga casilay Camr bin Al Caas. Markaa waata fidna wadayaasha kasoo baxeen Masar oo ay aadeen Cuthmaan xaggiisa si ay u dilaan, iyadoo labadii nin ee diyaarisayna ay ahaayeen C/llaahi ibnu Saba oo Yahuudi Yeman ka yimid ahaa kuna caan ahaa Ibnu Sowdaa iyo Muxammed bin Abii Xudayfa bin Cutbah. Muxammadkaa isaga ahi wuxuu aabahiis Abuu Xudayfa bin Cutbah ku shahiiday dagaalkii Yamaama lagu qaaday sanadkii 12aad ee Hijriga waqtigii Abuu Bakar Sidiiq, markaa iyada ahna Muxammed wuxuu ahaa kuray yar, Sidaa darteed buu Cuthmaan kafaala qaaday oo gurigiisa kusoo barbaariyey barbaarin wanaagsan, wuxuuna u ahaa mid u dhimriyo oo u wanaagsan.

Intaa dabadeed Muxammed wuxuu u tegay Cuthmaan markii xilka khilaafada uu qabtay oo ka dalbaday inuu masuuliyad udhiibo, Cuthmaanna kamuu yeelin, markaa buu carooday Muxammed wuxuuna ka dalbaday inuu u diro furunta jihaadka, markaasuu Cuthmaan u diray Masar. Duullaankii Daatu Suwaar ee dhacay waqtigii Cuthmaan bin Cafaan buu Muxammed kala qayb qaatay amiirkii ciidamadaasi hoggaaminayay oo ahaa C/llaahi bin Sacad bin Abii Sarax, markaa iyada ah markii laga faaruqay dagaalkaas buuna billaabay Muxammed inuu Cuthmaan eedeymo dusha uga tuuro, taasoo ay kamid ahayd inuu C/llaahi ibnu Sacad masuul uga dhigay Masar iyo waqooyiga Afrika, isagoo ninkaas C/llaahi bin Sacadna uu intuu Islaamay misna riddoobay xayaatadii Rasuulka SCW oo misna Islaamay furashadii Maka. Waa sidaase waxaa Muxammed bin Abuu Xudeyfa ku garab istaagay arrinkaas rafiiqiisii Muxammed bin Abii Bakar oo isaguna ciidamadaasi lasocday.

Markii ay fidna wadayaashii Masar ka baxday aadeen Madiina si ay amiirka Muminiinta ee Cuthmaan bin Cafaan usoo dilaan, Muxammed bin Abuu Xudayfa ma uu raacin ee Masar buu ku haray, C/llaahi ibnu Sacad bin Abii Saraxna wuxuu ku mashquulay oo u batay waqooyiga Afrika. Sidaa darteed bay Masar noqotay masuul laaan oo Muxammed bin Abuu Xudayfa gacanta ugu dhigay oo awood ku yeeshay. C/llaahi bin Sacad bin Abii Sarax waxaa gaadhay geeridii amiirkii Muminiinta ee Cuthmaan bin Cafaan iyo in Cali bin Abii Daalib uu Masar usoo dirsaday Qeys bin Sacad masuul ahaan, markaa buu C/llaahi bin Sacad aaday Shaam oo u tegay Mucaawiyah bin Abii Sufyaan.

Qeys bin Sacad wuxuu galay Masar iyadoo Muxammed bin Abii Xudayfa la dilay oo markaa inta mimbarkii masjidka koray dadkii ku dul akhriyay warqaddii Cali bin Abii Daalib, baycadiina kaga qaaday oo sidaa kula mubaayacoodeen reer Masar in yar mooyaane oo aanan la mubaayacoon, kuwaasoo aanan cidi waxba yeeleyn, waxayna ku andacoonayeen kuwaasi in xadka laga oofiyo raggii dilay Cuthmaan bin Cafaan.

Guud ahaan Masar oo idil baa la mubaayacootay Qeys oo uu Cali baycada uga qaaday, marka laga reebo qaryo la oran jiray Kharbataa oo ay ku sugnaayeen rag u olalaynayey dhiiggii Cuthmaan bin Cafaan waxayna ahaayeen odayaashii reer Masar iyo howradeennadii dadkaas. Waxayna wateen ciidan dhan 10 000 oo Cuthmaaniyiin ah yacni Cuthmaan bin Cafaan kuwii u olaleynayay inay u aar gudaan. Waxaana madax u ahaa nin la oran jiray Yaziid bin Al Xaarith Al Mudlaji.

Qeys warqad buu u qoray si ay iyana raggaasi ula mubaayacoodaan Cali bin Abii Daalib, hase ahaatee markuu ku daallay oo jawaab ka layahay buu isaga aamusay. Mucaawiyah bin Abii Sufyaanna markaa iyada ah waxaa xukunkiisa hoos imanayay Guud ahaan Shaam illaa daanta shisha ee dhulka Ruum, sidoo kale waxaa hoos imanayay qaar kamid ah Jaziiradda oo ay kamid yahiin Ruhaa, Qiisaariyah, iyo Xaaraan iyo qeyrkooda.

Ashtar An Nukhaci oo dhanka Cali kasocday baa damcay inuu dhulalkaa ka qaado gacanta masuuliyiinta Mucaawiyah bin Abii Sufyaan u joogta halkaas. Markaa buu Mucaawiya markuu arrintaa ka war helay u diray C/raxmaan bin Khaalid bin Waliid, markaasuu Ashtarna dib ugu laabtay dhulkiisii. Markii dhulalkaas oo idil Mucaawiya hoos yimaadeen oo xukunkiisii intaa gaaray buu warqad u diray Qeys bin Sacad isagoo ka dalbanaya inuu u istaaga raadinta dhiiggii Cuthmaan bin Cafaan, wuxuu sidoo kale u sheegay haddii uu Qeys arrintaa yeelo inuu u dhiibi doono masuuliyadda Ciraaq oo idil oo uu masuul uga noqon doono. Qeys bin Sacad oo runtii ahaa nin ad adag oo misna leh goaan adag baa markii warkaa Mucaawiya uu soo gaaray udiray warqad kale oo jawaab ah oo maqashiiyey wax uu kahdo.

Cali bin Abii Daalib markuu gaaray warka ah in Qeys iyo Mucaawiyah is dhaafsanayaan warqado baa wuxuu Qeys u diray warqad uu ku amrayo inuu ku duulo kuwa Masar kusugan ee diiday baycada, markaasuu Qeys ka cududaartay arrintaa sabab darteed uuna haysan ciidan culus iyo iyadoo ragga kasoo horjeeda ay ahaayeen wajuuhdii reer Masar iyo rag karmeedyadii dhulkaas.

Markaa baala sheegaa inuu Cali ka casilay Masar oo u dhiibay Ashtar An Nukhaci, waxaa kaloo la sheegaa oo ah sida saxda ah in Cali uu udhiibay masuuliyadda Masar markii uu Qeys ka casilay Muxamed bin Abii Bakar oo wiil dhalinyaro ahaa, Qeysna wuxuu aaday markaa Madiina, oo markii uu Madiina tegay baa waxay is raaceen Sahal bin Xaniif oo ay aadeen dhankii Cali iyo Kuufa. Waxayna kala qayb qaateen dagaalkii Safiin sida inoo iman doonto oo ay goob joog ahaayeen isaga iyo Sahalba. Muxammed bin Abii Bakarna Masar buu tegay oo xukunkii qabtay oo halkaa buu masuul ka ahaa jeer uu dhacay dagaalkii Safiin

Dagaalkii Safiin

Al imaam Axmad wuxuu Maxamed bin Siiriin kasoo weriyey inuu yiri:- Fidnadu waxay dhacday iyadoo saxaabadii Rasuulku SCW ay yahiin 10 000, qayaastii, mana xaadirin wax dhan boqol bal ee xitaa 30 ma ay xaadirin. Wallaahu aclam.

Markii uu amiirkii Muminiinta ee Cali bin Abii Daalib uu ka faaruqay dhacdadii Jamal oo uu galay magaalladii Basra dabadeedna hooyadii Muminiinta ee Caaisha uu u diray Makka, baa wuxuu goaansaday inuu Basra ka dhaqaaqo oo aado magaallada Kuufa.

C/Raxmaan bin Cubayd wuxuu yiri:- Wuxuu galay magaallada Kuufa maalin Isniin ah 12-kii bisha Rajab ee sanadkan yacnii sanadkii 36aad ee Hijriga. Wuxuu galay jaamacii Kuufa oo dadkii ku tujiyey laba rakcadood oo dabeeta u khudbeeyay kuna booriyey kheyrka iyo sama falka iyo ka fogaanshaha xumaha. Kadibna wuxuu u cid diray Jariir bin C/llaahi Al Bujali oo masuul ka ahaa Hamdaan waqtigii Cuthmaan bin Cafaan iyo Ashcath bin Qeys oo isaguna Cuthmaan masuul uga ahaa Aderbijaan si dadka halkaa kusugan baycada uga soo qaadaan.

Markaasuu Cali damcay inuu Mucaawiya cid baycada uga sooqaaddo u diro, saa Jariir bin C/llaahi Al Bujali baa ku yiri:- Aniga ii dir anigaa aadayo xaggiisa amiirkii Muminiintoow! waayo aniga iyo isaga waxaa ina dhex taal gacaltooyo oo aniga ayaa kaaga soo qaadayo baycada? Ashtar An Nukhaci baa markaa yiri:- Ha u dirin amiirkii Muminiintoow! waayo aniga waxaan ka cabsi qabaa in hawadiisu ay raacda isaga Mucaawiya.

Cali bin Abii Daalib wuxuu Ashtar ka dalbaday inuu iska daayo, markaasuu u diray Jariir dhankii Mucaawiyah isagoo horayna ugu sii dhiibay warqad uu ku ogeysiinayo in Muhaajiriin iyo Ansaarba ay la mubaayacoodeen iyo weliba uu ku ogeysiinayo wixii dhacay maalintii dhacdada Jamal. Markaasuu Jariir dhaqaaqay oo u tegay Mucaawiyah oo warqaddii udhiibay. Markiina warqaddii uu Mucaawiya qaaday buu u yeeray Camr bin Al Caas iyo madaxdii Shaam oo idil si uu ugala tashado arrinkaas. Markaas baa Camr ibnu Al Caas iyo raggii madaxda Shaam ahaa ay ku taliyeen in uusan Cali lamubaayacoon jeer uu marka hore laayo fidna wadayaashii dilay Cuthmaan bin Cafaan, goaankaas buuna Mucaawiya qaatay.

Markaa buu jariirna aaday dhankii Cali oo inta u tegay uga warramay wixii uu kala soo kulmay. Ashtar An Nukhaci baa markaa yiri:- Amiirkii Muminiintoow! mawaanan kaa reebin inaad Jariir dirta? Haddii aad aniga ii diri lahayd albaab kastoo uu Mucaawiya furo waan xiri lahaa. Markaas baa hadal dhex maray Jariir iyo Ashtar dabeetana Jariir wuu isaga tegay oo aaday Qirqiisiyaa oo degay, kadibna Mucaawiya buu warqad u diray oo wixii dhex maray isaga iyo Ashtar uga warramay markaasuu Mucaawiyana u diray warqad uu kaga dalbanayo inuu u tego oo Shaam la dego.

Amiirkii Muminiinta ee Cali bin Abii Daalib markaa buu goaansaday inuu Shaam aado oo ka dhaqaaqay Kuufa, wuxuuna ciidamadiisii dejiyey Nukheylah, magaaladii Kuufana wuxuu ku dhaafay Abuu Mascuud Cuqbah bin Camir Al Badriyu. Mucaawiyana waxaa gaartay in Cali uu naf ahaantiisa iyo ciidan culus oo uu hoggaaminaya ay kasoo baxeen Ciraaq, markaa buu raggiisii la tashaday oo iyana u tilmaameen inuu naf ahaantiisa dhaqaaqo oo ciidan culus kaxaysto. markaa bayna reer Shaam diyaar garoobeen. Camr bin Al Caas buu ahaa ninkii reer Shaam ku boorinayay bixidda iyo diyaar garowga. Markaa bay is diyaariyeen oo soo dhaqaaqeen oo abbaareen halkii ciidamada hore ee Cali oo ah dhanka webiga Furaat naaxiyada Safiin. Cali iyo ciidamadiisiina Nukheyla bay kasoo dhaqaaqeen oo soo aadeen dhanka Shaam.

Wuxuu Cali hortiisa ku diray wardoon uu hoggaaminayo Ziyaad bin Nadar Al Xaarithi, waxayna ahaayeen wardoonkaasi 8 000, misna wuxuu kaloo kadaba diray Shureyx bin Hannaayi oo isaguna hoggaaminaya 4 000 . Waxay qaadeen jidka Cali hortiisa oonan ahayn jidka uu kusocday, markay gaareen Dajlah bay labo muqaddama noqdeen.

Markaas baa waxaa soo gaaray in Mucaawiyah uu kusoo baxay xaggooda, say ka cabsadeen inay is helaan ciidanka Mucaawiya iyagoo tira ahaan aanan u dhigmeyn, markaasay jidkii badasheen oo ka goosheen Hayt oo Cali oo dhaafay ka daba tageen. Markuu Cali arrintaa arkay wuxuu yiri:- Ma muqaddamadeydii yacnii ciidankeygii hore miyaa gadaashayda ka yimid? Markaasay u cududaarteen oo uga sheekeeyeen wixii qabsaday, suu isaguna u cududaaray, kadibna hor mariyey oo ka dhigtay muqaddamadisiii waana ay socdeen. Markii ay gooyeen webiga Furaat, baa waxay la kulmeen muqaddamadii Mucaawiyah bin Abii Sufyaan oo uu hoggaaminayo Abul Acwar Camr bin Sufyaan Al Sulami. Markaasuu Ziyaad bin Nadar oo hoggaaminayay muqaddamada Cali ugu yeeray Abul Acwar iyo raggiisa inay la mubaayacoodaan Cali, hase ahaatee way diideen, markaa buu Ziyaad bin Nadar arrintaa u qoray Cali bin Abii Daalib oo soo daba socday. Markaasuu Calina soo diray Ashtar An Nukhaci si uu ciidamada Ziyaad madaxa ugu noqdo, ciidamadaasi kuwooda midigtana, wuxuu soo amray inuu Ziyaad bin Nadar madax u ahaado, halka kuwa bidixdana uu soo amray in uu madax unoqdo Shureyx bin Hannaayi. Wuxuu soo amray Cali inaanay ku billaabin ciidamadiisa wax dagaal ah ciidamada Shaam jeer ay ayaga marka hore ku billaabaan oo ka dalbaday inay u sabraan inta uu uga imanayo isagoo ku raadjoogo socodkooda. Muqaddamadii Shaam iyo kuwii Ciraaq markaa iyada way is hor fariisteen oo cidi cid kale kuma aanay duulin, jeer markii dambe uu Abul Acwar weerar ku qaaday ciidamadii muqaddamada ee Ashtar uu sitay. Ashtar-se isagu wuxuu ku amarqaatay amaradii uu amiirka Muminiinta soo siiyey oo kusugnaaday isagoonan wax weerar qaadin. Muddo bay haddana is hor fadhiyeen, markaa bay reer Shaam dib u gaddoomeen markii gabbalku dhici rabo.

Markii uu waagii xigay baryay bay misna mar kale isa soo hor degeen labbadii muqaddama oo is hor fariisteen, in muddo ah bayna is hor fadhiyeen, markaa buu Ashtar weerar fudud ku qaaday ciidamadii Abul Acwar oo ka dilay C/llaahi bin Al Mundir At- Tanuukhi oo kamid ahaa fardooleyda reer Shaam, waxaana dilay nin katirsanaa ciidamada Ashtar oo la oran jiray Dibyaan bin Cammaarah At- Tamiimi. Markaa iyada ah bayna Abul Acwar As- Sulami iyo raggiisii weerar culus soo qaadeen, markaasuu Ashtar ka dalbaday Abul Acwar inuu mubaariso ahaan usoo ban baxo, hase ahaatee Abul Acwar arrinkaa ma uu yeelin. Waxaa kala dhex galay labada qolo gudcurkii habeenka oo way kala hoydeen iyadoonay wax buuran oo dagaal ah dhex marin. Markii la gaaray subaxii saddexaad baa waxaa yimid Cali bin Abii Daalib iyo ciidamadiisii guud, sidoo kale waxaa yimidi Mucaawiyah iyo ciidamadiisii guud.

Waxay labada qolo isku heleen goob la yiraahdo Safiin, ammintuna waxay ahayd horraantii bishii Dil Xajjah ee sanadkan. Ciidamadii Mucaawiyah ayaa kusoo hormaray goobta oo ay usuuro gashay inay qabsadaan goobtii biyaha oo meel istaraatiiji ah ku tiillay. Cali iyo ciidamadiisii markay yimideen waxay degeen meel ka durugsan biyaha, sidaa darteed baa ciidamadii Cali oon darani qabtay oo damceen inay kasoo cabbaan goobta biyaha. Mucaawiyana wuxuu uwakiishay biyaha Abul Acwar As- Sulami, wuxuuna Abul Acwar watay xayn fardooley ah. Markiina ay damceen Ciraaqiyiintii inay biyaha soo cabbaan baa waxaa udiiday ciidamadii Shaam, markaasay Cali u tegeen iyagoo oon daran kaga andacoonaya. Markaa buu Cali dhankii Mucaawiyah u diray Sacsacata bin Sowxaan si uu Mucaawiya ugu ogallaada ciidamada Cali inay biyaha cabbaan. Sacsacata bin Sowxaan wuxuu u tegay Mucaawiya oo uu garab fadhiyo Camr bin Al Caas una sheegay wixii uu Cali usoo faray, markaasuu Mucaawiya u yeeray raggiisii oo la tashaday. Camr bin Al Caas wuxuu tilmaamay in biyaha lawada cabbo oo la wadaago. Al Waliid bin Cuqbah bin Abii Mucayd isagu wuxuu tilmaamay in loo diido biyaha oo aanan la siin, sidii fidnawadayaasha ciidamada Cali kujiro ay Cuthmaan ugu diideen biyaha, si buu yiri ay u dhandhamiyaan wixii oon ahaa ee ay Cufhmaan dhandhansiiyeen. C/llaahi ibnu Sacad bin Abii Sarax wuxuu soo jeediyey in biyaha loo diido ciidamada Cali illaa maalintaa uu gabbalku ka dhacayo oo habeenka laga gaarayo, sababtuna wuxuu yiri:- Waxay udhawdahay inay dhulalkoodii ku laabtaan. Markaa buu Mucaawiyah aamusay isagoonan wax jawaab bixinin goaanna aanan qaadan. Markaa buu Sacsacah bin Sowxaan weydiiyey:- Waa maxay jawaabtaada? Wuxuuna yiri:- Rayigeygu wuu idiin iman doonaa arrinkan kadib.

Markaa buu Sacsacah laabtay oo amiirkii Muminiinta ee Cali Ibnu Abii Daalib uga warramay wixii uu kala soo kulmay Mucaawiya iyo raggiisa. Markaa iyada ahina Mucaawiya wuxuu meeshii biyaha geeyay ciidama uu hoggaaminaya Abul Acwar As Sulami. Dabeeto Cali wuxuu biyaha u diray Ashcat bin Qeys Al Kindi iyo jamaaca uu hoggaaminayo, hase ahaatee waxaa is hor dadbay ciidamadii Abul Acwar oo u diiday inay biyaha dhaansadaan ama cabbaan. Cali bin Abii Daalib wuxuu raggiisii amray inay adkeystaan oo ragga biyaha ka durkiyaan. Markaa buu Ashcat weerar celin sameeyay oo labada qolo is heleen oo gamuunnada la isku hoobiyey, oo waramada laysku shiishay oo seefaha laysku daqray. Kadibna waxaa yimid Ashtar An Nukhaci oo gurmad dhanka Cali kasocda ahaa iyo Camr ibnu Al Caas oo isaguna gurmad dhanka Mucaawiya kayimid ahaa, waxaana dhacay dagaal socday jeer ciidamadii Mucaawiya laga qaaday gacan ku hayntii goobta biyaha. Markaa buu Cali raggiisii amray in biyaha aanan cidi loo diidin oo aanan lagu dhibin, wuxuuna amray in lawada wadaago oo lawada cabbo labada dhinacba. Intaa kadib Cali laba maalmood buu meeshaa kusugnaa isagoonan wax warqad ah Mucaawiya u qorin, sidoo kalena Mucaawiya majirin warqad uu Cali muddadaas usoo qoray mana jirin ergo ay is dhaafsadeen muddadaas labada casho ah, kadib buu Cali u yeeray Bashiir bin Camr Al Ansaari, Saciid bin Qeys Al Hamdaani iyo Shabbath bin Ribciyi As Sahmi oo u diray dhankii Mucaawiya si ay ugu yeeraan daacada iyo midnimadda, wuxuuna ka dalbaday inay usoo dhageystaan waxa uu oranaya. Markay ergadan u galeen Mucaawiya baa waxaa hadalka billaabay Bashiir bin Camr oo ku yiri:- Mucaawiyoow! adduunyadu waad ka tegeysaa, waxaadna u noqoneysaa aakhiro, Illaahayna wuu xisaabin doonaa camalkaaga, wuuna kaa abaal marin waxa aad hormarsatay. Illaahay baan kugu dhaarin Mucaawiyoow! inaadan ummadan midnimadooda kala geynin oo aadan dhiiggoodu daadin dhexdooda.

Markaa buu Mucaawiya yiri:- Oo maxaad saaxiibkiin sidaa ugu dardaarmi weydeen?

Wuxuu yiri:- Saaxiibkey Cali arrinkan wuu kaa mudanyahay fadligiisa dartii iyo diintiisa iyo ku horreyntii gelidda diinta iyo qaraabannimadiisa uu qaraabada la yahay Rasuulka SCW, wuxuuna kuugu yeeri inaad la mubaayacooto, taas baa adduunyadaadu kuu wanaagsan oo aakhiradaaduna kuu kheyr badane. Kadib Mucaawiya wuxuu ku adkeystay raadinta dhiiggii Cuthmaan bin Cafaan, markaasuna waxaa damcay inuu hadlo Saciid bin Qeys Al Hamdaani, hase ahaatee waxaa uga hor maray Shabbath bin Ribciyi oo hadallo uu Mucaawiya ka carooday ku hadlay, markaasay kala tegeen oo raggii ergada ahayd Cali ku laabteen oo uga warrameen wixii ay Mucaawiya kala kulmeen iyo kudhegnaashahiisii ahaa raadinta dhiiggii Cuthmaan bin Cafaan Allaha ka raalli noqdee. Markaa iyada ah buu Cali diyaariyey ciidamadiisii oo dhisay, markaa baa waxaa billawday dagaalkii oo soconayay bishii Dul Xijjah oo idil, Wuxuu Cali maalin weliba ciidamadiisa u sameynayay masuul cusub, sidaa oo kale ayuuna Mucaawiya ciidamadiisa u sameynayay maalin waliba masuul cusub, waxaana kamid ahaa madaxdii Cali ciidamadiisa Ashtar An Nukhaci oo waaga oday weyn ahaa oo dagaalyahan ah, Xujri bin Cadiyi Shabbath bin Ribciyi, Khaalid bin Al Muctamar, Ziyaad bin Nadar, Ziyaad bin Xafasah, Saciid bin Qeys, Macqal bin Qeys iyo Qeys bin Sacad bin Cubaada.

Madaxdii ciidamada Mucaawiyana waxaa kamid ahaa C/Raxmaan bin Khaalid bin Al Waliid, Abul Acwar As Sulami, Xabiib bin Maslama Al Fihri, Dil Kulaac Al Ximyari, Cubeydullaah bin Cumar bin Khaddaab, Shuraxbiil bin Samadh iyo Xamzah bin Maalik Al Hamdaani. Waxaa dhici jirtay in labada qolo maalmahaasi dagaalka ay kulmaan maalintii labo goor.

Sanadkan isaga ahi waxaa dadka xajiyey C/llaahi ibnu Cabbaas bin C/Mudalleb oo amarkii amiirka Muminiinta ku xajisiiyey.

SANADKII 37AAD

Bilawgii sanadkan amiirkii Muminiinta Cali bin Abii Daalib iyo Mucaawiya waxay isla deganaayeen goobta Safiin oo dhacda daanta galbeed ee webiga Furaat iyo bariga Shaam, iyadoo mid waliba uu wato ciidamo culus, waxay diriri dhex mareysay bishii Dul Xaj oo idil, waxaana dheceysay in maalmaha qaarkood ay labo mar dagaallamaan sidaynuba soo xusnay.

Kadib Cali wuxuu diray qaar kamid ah raggiisii, kuwaasoo kala ah Cadiyi bin Xaatim, Yaziid bin Qeys Al Arxabi, Shabbath bin Ribciyi iyo Ziyaad bin Xafasah oo uu u diray dhanka Mucaawiyah erga ahaan. Waxay u tageen Mucaawiya oo uu garab fadhiyo Camr bin Al Caas, saa waxaa hadalkii billaabay Cadiyi bin Xaatim oo inta Alle mahadiyey kuna amaanay waxa uu u ehel yahay yiri:- Intaa dabadeed, Mucaawiyoow! Annagu waxaanu kuugu nimid inaan kuugu yeerno arrin uu Alle ku kulminayo kalmadeenna, oo dhiigguna ku badbaado, dadka dhexdooduna haggaajisa. Ina adeerkaa Cali waa seydkii Muslimiinta oo ah koodii ugu fadli badnaa uguna horreeyay Islaamka, waana ninka ugu raad wanaagsan Islaamka dhexdiisa. Dadkii oo idil isaga ayay raaceen oo Alle ku hanuuniyay wixii ay arkeen, mana harin cid aanan adiga iyo kuwa kula socdo ka ahayn. Mucaawiyoow! yaanay idin ku dhicin adiga iyo asxaabtaada wixii dhacay maalintii Jamal.

Mucaawiya baa markaa hadlay oo yiri:- Waxaad mooddaa inaad u timid handadaad oo aadan u iman maslaxa. Mucaawiya wuxuu ku dhagay mowqifkiisii ahaa raadinta dhiiggii Cuthmaan bin Cafaan, waxaanan taas ahaynna wuu diiday.

Kadib waxaa hadlay Shabbath bin Ribciyi iyo Ziyaad bin Xafasah oo xusay fadliga Cali iyo wanaaggiisa waxaana hadalladoodii kamid ahaa sidan:- Alle ka cabso Mucaawiyoow! oo ha khilaafin, Innagu Illaah baan ku dhaarannaye inaynaan arag horey qof kaga camal badan taqwadda Alle oo kaga zaahidnimo og adduunyada oo kaga kulansasho badan khasladaha kheyrka oo idil isaga Cali. Kadib Mucaawiya baa hadlay oo inta Alle mahadiyey ku amaanay waxa uu ehel uyahay kadibna yiri:- Intaa dabadeed, idinku waxaad iigu yeereysaan midnimada iyo adeecid, ammaa jamaacadu waa macna gaar ah, ammaa adeecidduna oo sidee baan ku adeecaa nin ku gargaaray dilkii Cuthmaan iyadoo uu weliba sheeganayo inuusan isagu dilin? Innaguna u celin meyno arrinkaa isaga oo ku tuhmi meyno, hase yeeshee wuxuu soo dhaweyey raggii dilay. Marka ha inoosoo dhiibo aanu dilno raggii dilay Cuthmaan kadibna waan idinka ajiibeynaa daacadda iyo jamaacaduba.

Markaa bay ergadii laabteen oo u tegeen Cali oo uga warrameen wixii dhex maray Mucaawiya iyo iyaga. Mucaawiyana wuxuu soo diray Xabiib bin Maslama, Shuraaxbiil bin Samadh iyo Macni bin Yaziid bin Al Akhnas, wuxuuna u diray dhankii Cali ergo ahaan. Markay u tegeen Cali baa waxaa dhex maray doodo aad u dhaadheer oo xusiddeedu ay nagu dheeraaneyso, waxaana ergada Mucaawiya ay Cali ku eedeynayeen inuu soo dhaweeyay raggii dilay Cuthmaan, mararka qaar isaga qudhiisa bay ku eedeynayeen inuu ka dambeeyay iyadoo uu beri ka ahaa Allaaha ka raalli noqdee.

Abuu Dardaa Al Ansaari iyo Abuu Umaamah oo ciidamadii Shaam ka tirsanaa baa waxay u tegeen Mucaawiya oo ay ku yiraahdeen:- Mucaawiyoow! maxaad kula dagaalleysaa ninkan? Illaah baan ku dhaarannaye isaga baa idinkaga horreeyay adiga iyo aabahaaba Islaamka oo kaaga dhawaan og Rasuulka Alle SCW oo kaana mudan arrinkan.

Markaasuu Mucaawiya yiri:- Waxaan kula dagaallamayaa dhiiggii Cuthmaan, waayo wuxuu soo dhaweeyay raggii dilay Cuthmaan marka u tag oo ku dhaha:- Inoosoo gacan geli raggii dilay Cuthmaan, dabeetana aniga ayaa noqon doono qofkii ugu horreeyo reer Shaam ee lamubaayacooda.

Markaasay is raaceen oo u tegeen Cali oo ku yiraahdeen sidii uu Mucaawiya soo amray, saa waxaa kusoo baxay khalqi tiro badan oo ku yiraahdeen:- Innagoo dhan baa dilnay Cuthmaan ee ciddii doonto haynoo soo baxdo. Kadib Abuu Dardaa iyo Abuu Umaamah way laabteen oo dagaalka isaga baxeen, mana ay xaadirin dib dambe.

Bishaa Muxarram oo idil wax dagaal majirin oo ergada iyo warqadaha ayay is dhaafsanayeen labada dhinac, markiina laga baxay bishii Muxarram buu Cali diray goor gabbal dhac ah Yaziid bin Al Xaarith Al Jushmi si uu reer Shaam uga dhex yeero oo ogeysiiyo in Cali uu weerarayo bacdamaa uu ku hungoobay ergadii iyo warqadahii badnaa ee ay isdhaafsanayeen muddadii bisha ahayd.. Shaamiyiinta aad bay dhawaqaas ula yaabeen, oo uga naxeen, markaa bayna Mucaawiya iyo Camr bin Al Caas ciidamadoodii si huleel ah udhiseen oo meymanadii iyo meysaradii diyaariyeen. Calina isla habeenkaas buu ciidamadiisii dhisay oo fardooleyda reer Kuufa wuxuu u dhiibay Ashtar An Nukhaci, ciidamada lugta ee Kuufiyiintuna wuxuu madaxa uga dhigay Cammaar bin Yaasir. Ciidamada fardooleyda ee reer Basra wuxuu u dhiibay Sahal bin Xaniif Al Ansaari, kuwooda lugtana wuxuu madax uga kala dhigay Qeys bin Sacad Al Ansaari iyo Haashim bin Cutbah bin Abii Waqaas. Guud ahaan ciidamadiisa qaarigooda wuxuu u doortay Sacad bin Fadaki At Tamiimi.

Markaa buu Cali ciidamadiisii kusoo baxay oo dardaaranno fiican siiyey oo amray inaanay ciidamadiisi weerarka billaabin iyo in aanan dhaawac la isa sii raacin iyo in aanan la eryan mid cararay sidoo kale wuxuu amray inaanan la caayin madaxda Shaamiyiinta.

Habeenkaa isaga ah subaxiisii buu Mucaawiya soo dhaqaaqay isagoo ciidamadiisa midigta udhiibay Dil Kulaac Al Ximyari, ciidamada bidaxdana wuxuu u dhiibay Xabiib bin Maslama Al Fihri, ciidamadiisa horena wuxuu madax uga dhigay Abul Acwar As- Sulami, ciidamada fardooleyda reer Dimishiqna wuxuu u dhiibay Camr bin Al Caas halka ciidamada lugta ee reer Dimishiqna uu madax uga dhigay Daxaak bin Qeys Al Fihri, ciidamada reer Falastiin wuxuu u dhiibay Maslama bin Mukhlid, calanka guud ee ciidanka wuxuu u dhiibay C/Raxmaan bin Khaalid bin Al Waliid, ciidamada dambana wuxuu madax uga dhigay Busur bin Abii Ardhaah Al Caamiri.

150 000 ayaa lagu sheegaa ciidamadii Cali inay maalintaa ahaayeen, halka lagu sheega ciidamada Mucaawiya inay ahaayeen 130 000. Koox reer Shaam baa markaa waxay isku dhaarsadeen inaanay cararin oo kuballameen sugnaan iyo sabar. Waxay ahaayeen Shan safood kuwaa iyaga ahi ee ku ballamay sugnaanta iyo adkeysiga, waxaa kaloo daba tiillay 6 safood oo kale. Ciidamada reer Ciraaqna sidaa oo kale waxay sameysteen 11 saf oo hore. Markaa bay labada qole kulmeen maalintii kowaad ee bisha Safar oo ahayd maalin Arbaca ah ee sanadkan, amiirka dagaal gelinta ciidamada Ciraaqiyiintuna wuxuu maalintaasi ahaa Al Ashtar An-Nukhaci, halka ciidamada Shaamna uu dagaal gelinayay dhiggiisa Xabiib bin Maslama Al Fihri, saa waxaa dhex maray dagaal daran oo kulul oo socday illaa galabkii. Gelinkii dambe ee maalintaa bay kala hoydeen oo dagaalkii qaboobay iyadoo qolaba qolada kale ay u adkeysanayso. Dabadeed subaxii labaad oo ahaa subax Khamiis ah bay isu soo jarmaadeen oo sidii oo kale dirir daran dhex martay, iyadoo ciidamada Ciraaqiyiinta uu maalintaa dagaal gelinayay Haashim bin Cutbah bin Abii Waqaas, halka ciidamada Shaamna uu dagaal gelinayay Abul Acwar As- Sulami. Way dirirayeen labada qolo jeer la gaaray gelinkii dambe ee maalintaas oo ay markaa kala hoydeen iyadoo qola waliba ay kooxda kale u adkeysanayso. Subaxii saddexaad oo ahaa aroor Jumcaad bay isku soo kallaheen iyadoo dhanka Ciraaqiyiintu uu dagaal gelinayay Cammaar bin Yaasir halka Shaamiyiintu uu maalinkaa dagaal gelinayay Camr bin Al Caas. Waxaa maalintaan labada dhinac dhex maray dagaal daran. Cammaar bin Yaasir baa weerar culus ku qaaday ciidamadii Camr bin Al Caas oo meeshoodii ka durkiyey. Saa waxaa mubaaraso soo baxay Ziyaad bin Al Nadar oo kamid ahaa hoggaamiyaashii fardooleyda Cali, waxaana usoo baxay nin dhanka Shaamiyiinta ah. Markii labada nin kulmeen bay is garteen, oo waaba labo ka wada dhalatay xagga hooyada, markaasuu midba midka kale ka leexday oo kooxdiisii u laabtay. Fiidkii markii la gaaray buu dagaalkii istaagay oo ay labadii qolo kala hoydeen. Subaxii afraad oo ahaa subax Sabti ah bay isu soo kallaheen. Waxaa subaxaas soo baxay Muxammed bin Cali bin Abii Daalib oo loo yaqaannay Muxammed bin Xanafiyah oo hoggaaminayay ciidamada Ciraaqiyiinta, wuxuuna dagaal gelinayay ciidamo aad u culus. Ciidamada dhiggiisa ah ee Shaamiyiintuna waxaa maalintaa dagaal gelinayay Cubeydullaah bin Cumar bin Khaddaab, saa waxaa labada dhinac dhex maray dagaal daran. Cubeydullaah bin Cumar baa mubaariso soo baxay isagoo ka dalbanaya Muxammed bin Cali inuu usoo baxo mubaariso. Muxammedna wuu yeelay oo u soo baxay, markii ay inyar isu jiraan oo isu dhawaadeen, buu Cali yiri:- Waayo labada qof ee mubaarisada isu baxaysa? Waxaa lagu yiri:- Waa wiilkaagii Muxammed iyo Cubeydullaah. Waxaa la yiraahdaa markaa buu Cali dhaqaajiyey daabaddiisii oo amray wiilkiisii inuu istaago. Markii uu Cali yimid, buu ka dalbaday Cubeydullaahi inuu isaga usoo baxa Mubaariso ahaan, hase ahaatee Cubeydullaah wuu diiday. Mar kale ayuu Cali ka dalbaday hase ahaatee sidii oo kale ayuu u diiday, dabeetana Cali dib buu isaga laabtay. Labadii qolana way kala hoydeen. Maalintii shanaad bay isu soo baxeen oo ahayd maalin Axad ah iyadoo ciidamada Ciraaqiyiinta uu hoggaaminayay Cabdullaahi bin Cabbaas halka ciidamada Shaamiyiintuna uu hoggaaminayay ama dagaal gelinayay Al Waliid bin Cuqbah bin Abii Mucayd. Waxaa la sheegaa in Cabdullaahi bin Cabbaas uu maalintan si daran u dagaallamay. Kadib way kala hoydeen oo waxay isu soo jarmaadeen subaxii lixaad oo ahaa subax Isniin ah, iyadoo ciidamada Ciraaqiyiinta uu dagaal gelinayo Qeys bin Sacad bin Cubaada, halka ciidamada reer Shaamna uu dagaal gelinayay Dil kulaac Al Ximyari. Waxaa dhexmaray labada dhinac dagaal kulul sidii hore oo kale iyadoo labada qolaba ay isu sabrayaan oo sugnaan iyo adkeysi ay mid waliba latimid goobta, kadibna way kala hoydeen.

Ashtar An- Nukhaci baa maalintii toddobaad oo ahayd maalin Talaado ah soo baxay isagoo dagaal gelinaya ciidamada Ciraaqiyiinta, saa waxaa kusoo baxay dhiggiisii Xabiib bin Maslamah Al Fihri oo isaguna maalintaa dagaal gelinayay ciidamadii Shaamiyiinta. Waxaana dhex maray labada dhinac dagaal kulul oo aad u daran oo socday illaa galabkii, iyadoo maalmahaasi oo idil dagaallada dhacayay aanay jirin cid ka adkaaneyso cid kale.

Maalintii xigtay oo ahayd Arbaco ayuu Cali ciidankiisii ka dhex istaagay salaaddii Casir kadib oo amray inay dagaal culus isu diyaariyaan oo ka dalbaday sabir iyo sugnaan iyo ka run sheegid goobta dagaalka, Wuxuu Cali ciidamadiisa xasuusiyey in berritoole ay la kulmi doonaan reer Shaam, wuxuuna ka codsaday inay habeenkaa isaga ahi ay salaadda dheereeyaan oo akhrinta Quraankuna ay badiyaan, iyo weliba ka run sheegid goobta macrikada. Markaa bay ciidankii billaabeen inay seefihii afeystaan oo waramadu haggaajistaan oo howl culus ay galeen. Markii ooggu baryay, Cali wuxuu la waa bariistay ciidamadiisii oo sidii uu doonay u diyaariyey, sidoo kale Mucaawiyana wuxuu la waa bariistay ciidamadiisii oo isaguna uu habbeenkaasi siduu doono usoo dhisay. Waxaa lala yimid labada dhinacba cudud iyo cadad iyo hub aad u culus. Wa billaahil Mustacaan.

Cali bin Abii Daalib wuxuu amray ciidamadiisii in qola waliba oo kamid ah qabaailka ciidankiisa ay ku hagaagto qoladeeda kale ee ku jirta ciidamada Shaam. Cali bin Abii Daalib horey ayuu usoo dhaqaaqay isagoo hoggaaminaya ciidamada dhexda ah oo ahaa reer Madiina, ciidamadiisa midigtana waxaa hoggaaminayay Cabdullaahi bin Budeyl bin Warqaa Al Khuzaaci, kuwa bidixduna waxaa hoggaaminayay Cabdullaahi bin Cabbaas, qurraaduna waxaa hoggaaminayay Cammaar bin Yaasir iyo Qeys bin Sacad bin Cubaadah, halka qabiilooyinkuna ay calama qaas ah wateen.

Mucaawiyana wuu soo dhaqaaqay subaxaas isagoo reer Shaam geeri kula mubaayacooday, markaasay labadii qolo isasoo hordageen. Cabdullaahi bin Budayl oo ciidamada midigta ee Cali hoggaaminayay baa weerar ku qaaday ciidamadii hortiisa ahaa ee Shaamiyiinta kuwii bidixda ee ciidamada reer Shaam kuwaasoo uu hoggaaminayay Xabiib bin Maslama Al Fihri, saa wuu durkiyey oo u geeyay kuwii dhexda oo uu markaa Mucaawiya naf ahaantiisa hoggaaminayay. Cabdullaahi bin Budayl-na ciidamadiisii buu inta dhex istaagay ku boorinayay dagaalka iyo inay horey ugu sii socdaan. Sidoo kale amiirkii Muminiinta ee Cali bin Abii Daalib isaguna markaa dagaalka buu raggiisa ku boorinayay oo ku dhiiragelinayay. Mucaawiyana dhankiisa sidaa oo kale buu u geesinnimo gelinayay raggiisa oo ugu boorinayay dagaalka. Markiina uu Mucaawiya arkay jabka soo gaaray ciidamadiisa bidixda iyo in Xabiib lasoo durkiyey buu raggiisii ku booriyey oo amray in weerar culus ay qaadaan oo u gargaaraan Xabiib. Raggii halyeeyada Shaam baa markaa si huleel ah ugu gurmadey dhankii bidixda ee Xabiib bin Maslama uu ka dagaallamayay, saa waxay soo qaadeen weerar culus oo ka run sheegid ah. Goobaha kale dagaalku si daran ayuu uga soconayay oo waramadu la isla helayay, seefuha la isku waray oo gamuunnaduna la isku shabiyey. Heer waxay gaareen markii seefaha, waramada iyo gamuunnada layskala daalay la lagdamay oo lays qaniinay oo lays feeray oo dulka la isla galay, oo lays shiiday yacni la is dhagaxyeeyay, waxaa dhacaysay in laba nin inta is qabsato isqaniiinaan misna legdamaan oo dhulka muddo ku raftaan haddana ay kala kacayeen oo haddana isku noqonayeen.

Culamaayi taariikh waxay xusaan in Cali maalmahii Safiin uu mubaaraso ku laayay dad dhan 500 . Qaabkii uu mubaarisadu dadka ugu laynayay waxaa kamid ahayd in Kureyb bin Sibaax oo kamid ahaa halyeeyadii ciidamada Shaam uu mubaariso ku dilay afar nin oo reer Ciraaq ah. Markaa buu Kurayb inta dhammaan meydkoodii lugtiisa hoosteeda dhigay buu yiri:- Yaa ii soo baxaya? Saa waxaa ubaxay Cali oo qudha ka saray oo meydkiisii inta ka tallaabsaday yiri:- Yaa iisoo baxaya? Saa waxaa u baxay Al Xaarith bin Waadicah Al Ximyari, saa isagiina wuu dilay. Mar kale ayuu Cali dalbaday in cidi usoo baxdo, markaa waxaa usoo baxay Rawaad bin Al Xaarith Al Kulaaci oo kamid ahaa halyeeyadii reer Shaam, saa isagiina waa uu dilay. Misna mar kale ayuu Cali dalbaday mubaariso, saa waxaa usoo baxay Al Mudaac bin Muddalib Al Qeysi, saa isagiina raggiisii buu ka daba geeyay oo qudha ka jaray. Markaa buu Cali Allaha ka raalli noqdee akhriyey qowlka Alle sarreeye

Xurmooyinkuna waa qisaas.Suuradda Al Baqrah aayadda 194d.

Intaa dabadeed Cali wuxuu u jeestay dhankii Mucaawiya oo ka dalbaday Mubaariso. Camr bin Al Caas oo markaa Mucaawiya ka ag dhawaa ayaa kula taliyey in Mucaawiya uu Cali u baxo mubaarizo ahaan, hase ahaatee Mucaawiya wuu diiday inuu Cali isku toosiyo mubaarizo ahaan, waayo wuxuu ogaa in aanan Cali weligii horey looga adkaan. Sidoo kale wuxuu xasuusnaa in Rasuulka Alle SCW uu maalintii Bader yiri:- Ma jirto seyf aanan ahayn Dilfaqaar, mana jira kuray aanan ahayn Cali.

Sidaa darteed Cali dib ayuu isaga laabtay. Waxaa la sheegaa in Camr bin Al Caas iyo Cali ay saaxada dagaalka ku kulmeen mar oo inta Cali gaashaankii ka tuuray Camr buu dhulka ku riday, saa waxaa faydmatay cawradii Camr, markaasuu xasuusiyey riximnimada oo ku cataabay wada dhalashada. Markaa buu Cali dib u laabtay. Raggiisii baa weydiiyey sababta uu uga soolaabtay ninka oo uu u dili waayay? Cali wuxuu ku yiri:- Ma garanaysan ninka? Waxay yiraahdeen:- May. Wuxuu yiri:- Waa Camr bin Al Caas oo iga horkeenay cawradiisii oo i xasuusiyey riximka, markaasaan kasoo laabtay.

Xabiib bin Maslama iyo halyeeyadii geesiyaasha ee reer Shaam, waxay soo qaadeen weerar culus oo ay ku wiiqeen awooddii ciidamadii midigta ee Cabdullaahi bin Budayl, markaasay kashifmeen raggii Cabdullaahi bin Budayl oo carareen, waxaana kusoo haray 300 oo qura. Ciidamadii reer Ciraaq way jabeen oo xitaa Cali agtiisa waxaa kusoo hartay in yar oo ah reer Madiina oo kaliya, kuwaasoo uu hoggaanka markaa u hayay Sahal bin Xaniif Al Ansaari. Rabiica iyagun way sugnaadeen oo maanay cararin, agta Cali bayna ka dagaallamayeen oo difaac culus ku jireen. Ciidamadii Shaamiyiintuna waa ay soo dhawaadeen jeer gamuunnadoodii ay soo gaareen Cali agtiisa. Adeega u joogay reer banii Umaya baa markaa raggiisii kasoo dhex baxay, saa waxaa u baxay adeega uu lahaa Cali. Markay is heleen waxaa la dilay adeegahii Cali, saa adeegihii reer banii Umayah horey buu usii socday jeer uu kudhawaaday Cali agtiisa isagoo doonaya inuu dila. Waxaa markaa iyada ahi Cali la joogay wiilashiisa, Xasan iyo Xuseen iyo Muxammed. Markii uu adeegahii ku dhawaaday Cali baa inta uu qabtay gacanta ayuu maroojiyey deedna dhulka ku ganay oo garabka ka jabay. Xuseen iyo Muxammed baa inta kusoo baxay seefahoodii qudha uga jaray oo dilay. Cali intuu wiilkiisii Xasan ku jeestay buu weydiiyey:- Maxaa kuu diiday inaad fasho siday walaaladaa faleen? Wuxuu Xasan ku jawaabay:- Way iiga fillaadeen amiirkii Muminiintoow!!.

Wuxuu Cali markaa amray Ashtar An- Nukhaci inuu ka daba tego dadkii jabay oo uu soo celiyo, saa Ashtar wuu dhaqaaqay oo inta kadaba tegay soo celiyey oo ku booriyey dagaalka amrayna inay sugnaadaan oo weerar culus ay ku qaadaan Shaamiyiinta. Markii uu Ashtar soo celiyey raggii jabay, waxay ciidamadii Cali noqdeen kuwa culus oo awooddii ka hor timaaddaba wiiqa oo kafisho weerarada reer Shaam oo idil, sidaa buu Ashtar usoo socday jeer uu soo gaaray ciidamadii midigta ee Cabdullaahi bin Budayl oo markii hore ay agtiisa ku hareen 300, kuwaasoo goobtoodii ku sugnaaday oo diriray dirir daran. Markii gurmadkan uu soo gaaray bay weydiiyeen amiirkii Muminiinta xaalkiisa? Iyana waxay usheegeen inuu bed qabo oo aanay balo helin. Goortu waxay ahayd salaaddii Casir kadib, Cabdullaahi bin Budayl markii uu gurmadku u yimid buu damcay in uu weerar culus qaado, hase ahaatee Ashtar An Nukhaci baa kula taliyey inuusan wax weerar ah qaadin isagoo usheegay inay isaga u roontahay inuu meeshiisa kusugnaado. Cabdullaahi bin Budayl wuu diiday arrinkaa, weerar ayuuna ku qaaday dhankii ciidamada reer Shaam, oo abbaaray dhankii Mucaawiya, markiina uu kudhawaaday wuxuu arkay isagoo Mucaawiya uu dhex taaganyahay asxaabtiisa oo hareerahiisuna ay dhoobanyahiin guutooyin ciidamo ah oo lamoodo buuro oo kale. Markaa baa qeybo kamid ah guutooyinkaas baa weerar kusoo qaadeen dhankii Cabdullaahi oo way dileen, isagoo mayd ayuuna dhulka ku dhacay. Halkaa ayuuna ku naf waayay amiirkii ciidamada midigta ee Ciraaqiyiinta ee ahaa Cabdullaahi bin Budayl bin Warqaa Al Khuzaaci, raggiisiina waa ay jabeen, jabkooduna waxaa u badnaa kuwa daawac la baxsaday. Wuxuu Mucaawiya amray asxaabtiisii inay soo eegaan cidda amiirka u ahayd ciidamadaas, markiina ay dul yimideen maydkii Cabdullaahi bin Budayl, way garan waayeen. Mucaawiya baa markaa yimid, oo markuu arkay waaba Cabdullaahi bin Budayl bin Warqaa oo uu si fiican uyaqiinay. Dabadeed Ashtar An Nukhaci baa wuxuu la laabtay kuwii soo jabay oo weerar culus qaaday, illaa uu dhex gooshay safafkii shanta ahaa ee ku ballamay geerida iyo inaysan cararin afar kamid ah. Wuxuu dul istaagay safkii ugu weynaa oo ku dadbanaa Mucaawiya hortiisa, markiina uu Ashtar arkay tira badnida safkaas buu ku sigtay inuu baxsada hase ahaatee wuxuu soo xasuustay tix gabay ah oo uu tiriyey Camr bin Idnaabah, taasoo dareensiisay in xilliyadaas oo kale aanay habbooneyn in la cararo. Markaa buu Ashtar weerarkii adkeeyay oo sugnaaday isaga iyo raggiisiiba oo diriray dirir daran. Mucaawiya markuu arkay weerarada Ashtar ee aanan loo babac dhigi karin buu ku sigtay inuu baxsada, saa wuxuu la hadlay Camr bin Al Caas oo dhinaciisii taagnaa oo uu ku yiri:- Maantu waa sabir, berrina waa faan. Camr bin Al Caas baa ugu jawaabay:- Run baad sheegtay.

Wuxuu yiri Mucaawiyah:- Waxaan asiibay kheyrkii adduunyada, waxaana rajayn inaan asiibo kheyrka aakhiro.

Mucaawiya intii dagaalladaas lagu jiray buu mar warqad u qoray Khaalid bin Al Muctamar oo kamid ahaa hoggaamiyaashii fardooleyda Cai isagoo ka codsanaya in isaga iyo inta uu hoggaaminayaba ay isaga kusoo biiraan, wuxuuna taa badalkeeda u ballan qaaday inuu masuul uga dhigi doono dhulka Ciraaq oo idil.

Dagaalkii dhacay maalintan waxaa ku hoobtay rag badan oo kamid ah geesiyaashii labada dhinac iyo rag caan ahaa. Fa innaa lillaah wa innaa illeyhi raajicuun. Raggii caanka ahaa ee maalintaa ku geeriyooday dagaalkan waxaa kamid ahaa Cubeydullaah bin Cumar bin Al Khaddaab oo katirsanaa halyeeyadii ciidamada Shaam. Maalintaa iyada ah raggii amaraada ciidamada reer Shaam ayuu kamid ahaa, waxaana la socdeen labadiisii dumar oo lakala oran jiray Asmaa bint Cudhaarid bin Xaajib At- Tamiimiyah iyo Baxriyah bint Hannaay bin Qabiisah Ash Sheybaaniyah. Gadaashiisa ayay istaageen si ay u eegaan geesinnimadiisa iyo sida uu u dagaallamayo odaygooda. Mar qura baa waxaa weerar kusoo qaaday ciidamo Kuufiyiin ah oo reer Rabiica ah, kuwaasoo uu hoggaaminaya Ziyaad bin Xafasah At- Tamiimi, markaasay mar qura waramada iyo seyfaha ku adkeeyeen oo dileen, ka gadaal markii ay asxaabtiisii ka carareen. Sidoo kale waxaa la dilay maalintaa Dul Kulaac Al Ximyari oo kamid ahaa geesiyaashii reer Shaam.

Raggii akhyaarta ahaa ee ku naf waayay Safiin maalintaa iyada ahi waxaa kamid ahaa Cammaar bin Yaasir Al Canasi, kaasoo daliil u ah in kooxda Cali ay ahayd kuwa xaq ku taagan, halka kooxda Mucaawiyana ay ahaayeen kuwa xad gudbay. Rasuulkii Alle SCW wuxuu yiri:- Camaaroow! waxaa ku dili doonto kooxda xadgudubtay.

Sidoo kale wuxuu yiri:- Markay ummaddu is khilaafta, ina Sumayah Camaar wuxuu la jiri doonaa kuwa xaqa kutaagan.

Waxaa la sheegaa inuu ahaa ninkii Cammaar dilay Abul Qaadiyah Yassaar Al Muzanniyi ama Al Juhani, Waxay ina tusineysaa in dilka Cammaar uu ahaa, mid reer Ciraaq ay ahaayeen kuwa xaq ku socda halka, ciidamada Shaamiyiinta ay ahaayeen xad gudbay. Axaadiis dhowr ah ayuu Rasuulka Alle SCW ku tilmaamay in Cammaar ay dili doonaan koox xad gudubtay. Sidaa darteed Cammaar wuxuu lasocday Cali oo wuxuu daliil u yahay in Cali uu ahaa hoggaamiyaha koox xaq ku taagan halka, Mucaawiyana uu ahaa mid hoggaaminayay koox xad gudubtay.

Cabdullaahi bin Camr bin Al Caas ayaa aabahii ku yiri:- Aaboow! ma waadan maqal Rasuulka Alle SCW oo Camaar ku leh:- Hooge ina Sumayoow! waxaa ku dili doonto koox xadgudubta? Markaasuu Camr bin Al Caas ku yiri Mucaawiya:- Ma waadan maqlayn waxa uu Cabdullaahi-gan leeyahay? Markaa baa Mucaawiya intuu carooday yiri:- Ma innagaa dilnay? Waxaa dileen kuwii meesha keenay. Axaadiis dhowr ah ayaa muujineysa in Cammaar ay dili doonta koox xad gudubtay, sidoo kale waxaa cad in uu la socday Cali oo misna uu kamid ahaa raggii ugu cad caddaa masuuliyiintii Cali.

Cammaar bin Yaasir bin Caamir bin Maalik Al Mudxaji Al Canasi, halkaa ayuu ku shahiiday Allaha ka raalli noqdee. Sidoo kale waxaa kamid ahaa dadkii maalintaa ku shahiiday Haashim bin Cutbah bin Abii Waqaas Allaha ka raalli noqdee, wuxuu kamid ahaa saadaaddii saxaabada, wuxuuna ka tirsanaa masuuliyiintii Cali.

Markii la dilay Cammaar baa Cali wuxuu reer Rabiica iyo Hamdaan ku yiri:- Idinku waxaad tahiin diracayga cambuur bireedka dagaalka iyo warankayga. Markaasay xaggiisa u soo dideen 12 000 oo ay weerar culus qaadeen, saa saf kastoo ka hor yimaadama way kashifeen illaa markii dambe ay gaareen Mucaawiya agtiisa. Cali intaa wuu la socday oo guubaabinayay. Dabadeed wuxuu hor mariyey wiilkiisa Muxammed iyo koox culus oo uu hoggaaminaya, saa waxay dirireen dirir daran oo wuxuu misna kadaba diray koox kale, markaasay weeraro culus oo is daba joog ah qaadeen, garaangirtii dagaalkuna ay wareegatay, halkaasoo ay ku naf waayeen khalqi aad u tiro badan oo labada dhinac ah. Sidaa baa lagu gaaray salaaddii Cishaha, dagaalkuna ma uusan qaboobin ee wuu sii socday, habeenkaa isaga ahi wuxuu ahaa habeenkii ugu shar badnaa Muslimiinta dhexdooda, waana habeenkii loogu magac daray Leylatul Hariir. Waxay ahayd habeen Jumca ah, Calina wuxuu hoggaaminayay ciidamadiisa dhexda wuxuuna amrayay inay sugnaadaan oo aanay cararin sidoo kale wuxuu ku boorinayay dagaalka. Ciidamadiisa midigtuna waxaa hoggaaminayay Ashtar oo qabtay masuuliyaddaas kadib markii galabkii khamiista la dilay amiirkii ciidamadaas, kaasoo ahaa Cabdullaahi bin Budayl sidaynuba soo xusnay, kuwa bidixdana waxaa hoggaaminayay Cabdullaahi ibnu Cabbaas. Dagaalku habeenkaas dhan waliba wuxuu uga socday si daran oo aanan horey loo arag. Dagaalku wuu socday illaa la gaaray subaxii, say tukadeen, halkii buuna mar kale kasii billawday dagaalka oo uu socday jeer la gaaray barqadii maalintaa oo ahayd maalin Jumca ah, markaasoo Illaahay guushii u soo dedejiyey reer Ciraaq, oo ay ka sare mareen oo ka gacan sareyeen, kana awood bateen reer Shaam. Sababtuna waxay ahayd markii la dilay Cabdullaahi bin Budayl baa waxaa ciidamadii midigta masuul looga dhigay Ashtar An Nukhaci, wuxuuna Ashtar ahaa mid kamid ah halyeeyadii iyo geesiyaashii caanka ku ahaa dagaalka, wuxuu tab iyo xeelad sare u yaqiinay qaabka dagaalka, markaa buu weerarro is daba joog ah kuqaaday dhanka Shaamiyiinta. Dhanka kale reer Ciraaq markii ay arkeen in Camaar la dilay bay yaqiinsadeen inay xaq ku taaganyahiin iyo in reer Shaam ay yahiin koox xad gudubtay. Markaa bayna dagaalkii laba jibaareen oo si ka daran sidii hore u dagaallameen, Taasina waxay sababtay in maalintaa Jumcada ahi subaxeediii Illaahay nasri u keeno reer Ciraaq oo ay ka awood roonaadeen reer Shaam, markaasoo reer Shaam ay musxafka kor u qaadeen si ay isaga ugu xukuntamaan.

Reer Shaam oo Musxafka Kor u Qaaday

Sababtu waxay ahayd markii xaaladdii darnaatay oo dagaalkii kululaaday, reer Shaamna ay arkeen inay daciifeen, baa Camr bin Al Caas wuxuu jecleystay inuu xaalku qaboobo oo dagaalku istaago, markaasuu la hadlay Mucaawiya oo uu ku yiri:- Waxaan qabaa arrin aanan noo siyaadineyn waqtigan la joogo wax aanan midnimo ahayn, iyana reer Ciraaq aanan u siyaadineyn wax aanan kala tag iyo tafaraaruq ahayn, waxaan arkaa inaynu Musxafka kor u qaadno oo aanu ugu yeerno xaggiisa. Haddii ay naga wada yeelaan idilkood, waxaa istaagaya dagaalka waqtigan. Haddii ay dhexdooda isku khilaafaan, oo barkoodu yiraahdaan, waanu yeeleynaa, barkoodna yiraahdaan ma yeeleyno cududdoodii way kala tagaysaa oo way jabayaan. Markaa buu Mucaawiya arrintaa ku raalli noqday oo reer Shaam Musxafkii kor u qaadeen iyagoo ugu yeeraya Cali iyo reer Ciraaq in ay isaga Musxafka ku kala baxaan. Waxaa la sheegaa Ashcath bin Qeys inuu Cali kula taliyay inuu arrinkaasi ka yeelo, ciidamadii Calina badankoodu waxay isku raaceen in dagaalka la joojiyo oo kitaabka lagu heshiiyo. Cali taa baddalkeedu wuxuu qabay in dagaalku lasii wado, wuxuuna raggiisa u tilmaamay in reer Shaam ay kitaabka u qaateen qadca iyo dhagar. Dhanka kale Cali wuxuu ahaa mid ku xukuntama kitaabka Alle, sidaa darteed buu amray in Ashtar uu joojiyo dagaalka.

Cabdullaahi bin Camr bin Al Caas ayuu ahaa ninkii Musxafka la dhex marayay ciidamada, isagoo xagga Alle ugu yeerayo iyo in lagu xukuntama kitaabka Alle. Taasuna waxaa amray Mucaawiya bin Abii Sufyaan Allaha ka raalli noqdee.

Labada dhinac waxay sameeyeen wacdaro aanan horey loo arag loona maqal iyo weliba sugnaan iyo sabir xeel dheer oo aanan mid lamid ah horey iyo dib loo arag. Ma jirin koox koox kale ka cararaysay bal ee way isu sabrayeen oo waramada lays darayay sidoo kalena seefaha laysla helayay gamuunnaduna la isku shabinayay. Way isu sabrayeen, jeer ay iska dileen labada dhinacba tiro 70 000 ah, oo 45 000 kamid ahi ay ahaayeen reer Shaam, halka 25 000 ay ahaayeen reer Ciraaq.

Muddadii ay dagaallamayeen ee ay labada qola kusugnaayeen goobta Safiin ayaa la isku khilaafaa. Seyf bin Cumar wuxuu yiri:- Waxay is haysteen 7 bilood ama 6 bilood.

Abul Xassan Al Baraa wuxuu yiri:- Waxay is haysteen 100 maalmood.

Sida uu Ibnu Kathiir rajaxay waxay tahay in ay kulmeen bilashadii bisha Dil Xaj ee sanadkii hore yacni sanadkii 36aad, oo ay is haysteen illaa 13-kii bisha Safar sanadkan yacni 37aad ee Hijriga maalin Jumca ah. Sidaasina waxay noqon 77 maalmood Wallaahu aclam.

Axaadiis dhowr ah ayaa jirta oo tilmaameysa dhacdadaan oo Rasuulku SCW sii sheegay, waxaana kamid ah xadiis laga soo weriyey Abuu Hureyra Allaha ka raalli noqdee in Nebigu SCW uu yiri:- Saacaddu Qayaama dhici mahayso, jeer ay diriraan labo kooxood oo waa weyn, kuwaasoo dhex dooda iska dili doono maqtalo aad u weyn, iyadoo dacwadooduna ay tahay mid qura.

Intaa ayaana kasoo qaadaneynaa axaadiista tilmaameyso dhacdadaan.

Imminkuna waa

Qisadii Xukuntamka

Kadib markii labada qolo ay isku raaceen in dagaalku la joojiyo oo la xukuntamo, ayaa waxaa la isla gartay in dhan waliba uu ka yimaado xaakim u matala xukuntamka. Waxaana la isla gartay in lagu raalli noqdo labadaa xaakim wixii ay maslaxa u arkaan oo ay isku raacaan oo ay u keenaan Muslimiinta, taasoo lagu bad baadinaya dhiigga Muslimiinta. Mucaawiya wuxuu u wakiishay dhankiisa, Camr bin Al Caas. Cali bin Abii Daalibna wuxuu damcay inuu u wakiisha Cabdullaahi bin Cabbaas, shallaytadiisee muuna falin, wuxuuse u wakiishay Abii Muusa Al Ashcari.

Ashcath bin Qeys baa inta Cali u yimid u tilmaamay inuu Abii Muusa Al Ashcari u wakiisha dhankiisa, dabeetana reer Yeman wixii ciidanka Cali lasocday oo idil baa ku raacay oo ayiday in Abuu Muusa Al Ashcari loo wakiisha. Cali wuxuu damcay inuu u wakiisha Ashtar, kadib markii taa ka hor ay quraaddii ciidamadiisa ka tirsanaa diideen inuu Cabdullaahi ibnu Cabbaas u wakiisha. Waxayna qurraadii yiraahdeen:- Oo ma waxaad sicirkii dagaalka iyo sicirkii dhulkuba isugu dareysaa Ashtar? Markaa buuna Cali goaansaday inuu u wakiisha cidda ay iyagu doonaan. Axnaf bin Qeys baa ka dalbaday Cali inuu asaga arrintaa udhiibo arrinkan una wakiisha, bacdamaa uu Axnaf ahaa nin aad u aftahansanaa, oo xilmi badnina u dhashay. Hase ahaatee amiirkii Muminiinta ee Cali bin Abii Daalib wuxuu usheegay in aanay qurraada ciidankiisu dooneyn cidaanan Abii Muusa Al Ashcari ahayn. Kadib waxaa lagu heshiiyey in lakala qorto warqaddii heshiiska. Saa markii la billaabay oo la qoray bisinka, ayaa wuxuu Cali oo yeerinayay warqadda ku yiri qorihii qorayay:- Qor tani waa wixii uu xukmiyey Cali bin Abii Daalib, amiirkii Muminiinta....

Halkaa marka la marinayo ayuu Camr bin Al Caas qorihii ku yiri:- Qor magaciisa Cali iyo magaca aabahiis Abii Daalib waayo innagu inooma ahan amiire.

Axnaf bin Qeys baa markaa qorihii ku yiri:- Ha qorin, waxaanan amiirkii Muminiinta ahayn. Cali bin Abii Daalib baa markaa yiri:- Tir amiirkii Muminiinta oo qor, tani waa wixii uu xukmiyey Cali bin Abii Daalib... illaa aakhirka warqadda.

Cali wuxuu markaa ka sheekeeyey qisadii Xudeybiyah, markii heshiiska ay kala qoranayeen Nebiga SCW iyo Qureesh, warqaddaasoo uu Cali laf ahaantiisa qorayay, markaasoo Qureeshtu ay yiraahdeen:- Tir Rasuulkii Alle, oo qor magaciisa Muxammed iyo magaca aabahiis Cabdullaahi, saa Cali uu diiday inuu tiro Rasuulkii Alle, dabeetana Nebiga SCW baa inta ka qaaday masaxay oo amray inuu qoro Muxammed bin Cabdillaahi.

Kadib waxaa warqaddii lagu qoray heshiiskii iyo axdigii ay labada qolo kala qorteen, iyadoo lagu heshiiyey in lagu raalli noqdo wixii ay labada xaakim u keenaan Muslimiinta oo maslaxa ah, waxaana lagu qoray in ay kulmaan bisha Ramadan oo ay ku kulmaan Duumatul Jundal, iyadoo labada dhinacba uu midkiiba soo kaxaysan doono 400 oo asxaabtiisa ah. Dabadeed warqaddii Ashcath bin Qeys baa qaaday oo dadka kula dhex dawaafay oo ku dul akhrinayay.

Tanina waa magacyadii Raggii goobjoogga ahaa warqaddii heshiiska, dhanka Cali waxaa ka socday 10 nin oo kala ahayd Cabdullaahi ibnu Cabbaas Al Qurashi Al Haashimi, Ashcath bin Qeys Al Kindi, Saciid bin Qeys Al Hamdaani, Cabdullaahi bin Dufeyl Al Mucaafiri, Xujr ibnu Yaziid Al Kindi, Warqaa bin Sumayyi Al Cijli, Cabdullaahi bin Bilaal Al Cijli, Cuqbah bin Ziyaad Al Ansaari, Yaziid bin Juxfah At Tamiimi iyo Maalik bin Kacab Al Hamdaani. Tobankan waxay ka socdeen dhanka Cali, waxaa kaloo la sheegaa inuu Axnaf bin Qeys ku jiray oo ay dhanka Cali sidaa ku noqonayaan 11 nin, Wallaahu aclam.

Dhanka Mucaawiyana raggii goobjoogga ahaa warqaddii heshiiska iyana waxay kala ahaayeen, Abul Acwar As- Sulami, Xabiib bin Maslama Al Fihri, Cabdiraxmaan bin Khaalid bin Waliid Al Qurashi Al Makhzuumi, Mukhaariq bin Al Xaarith Az- Zubeydi, Waail bin Calqamah Al Cadawi, Calqamah bin Yaziid Al Xadrami, Xamzah bin Maalik Al Hamdaani, Subayc bin Yaziid Al Xadrami, Cutbah bin Abii Sufyaan Al Qurashi Al Umawi Mucaawiya walaalkiis iyo Yaziid bin Al Xur Al Cabasi. Tobankaa ayay ahaayeen kuwii ka socday dhanka Mucaawiye.

Intaa dabadeed waxaa la amray in meydka la aaso, waxaana 50-kii qofba lagu aasayay god weyn, sida uu imaam Zuhri xusay. Markii la damcay in lakala guuro, baa Cali wuxuu soo daayay koox uu qafaashay intii uu dagaalka socday oo reer Shaam ah, saa Mucaawiyana kuwa intaa lamid ah ama kudhaw oo reer Ciraaq ah buu intii dagaalka socday uu qafaashay. Wuxuu Mucaawiye damcay inuu laayo bacdamaa uu u maleeyey in raggiisii uu Cali laayey. Markii uu Mucaawiyah arkay in raggiisii loosoo daayay buu isaguna iska sii daayay kuwii uu qafaashay.

Waxaa la sheegaa raggii uu Mucaawiya qafaashay inuu ku jiray nin la oran jiray Camr bin Aws oo ka dhashay Asdiga. Saa wuxuu damcay inuu dilo. Markaasuu ninkii yiri:- Igu manno sheego, waayo waxaad tahay abtigeey?

Wuxuu Mucaawiye yiri:- Hooge intee baan ku noqday abtigaa?

Wuxuu ninkii yiri:- Ummu Xabiibah afadii Rasuulka Alle SCW waa hooyadii Muminiinta, aniguna waxaan ahay wiilkeeda, adiguna waxaad tahay walaalkeed, sidaa darteed waxaad tahay abtigeey.

Aad buu Mucaawiya ula yaabay, markaasuu iska sii daayay. Kadibna waxay dadkii u kala laabteen dhulalkoodii, Mucaawiya wuxuu aaday Shaam isaga iyo raggiisii oo ay galeen magaaladii Dimishaq, Calina wuxuu aaday Kuufa.

Soo Bixiddii Khawaarijta

Sababtu waxay ahayd markii la kala qortay heshiiskii Safiin, baa warqaddii waxaa qaaday Ashcath bin Qeys oo dadka kula dhex dawaafay isagoo rac weliba kudul akhrinayay. Saa wuxuu dul tegay koox banii Tamiim ah oo uu ku dul akhriyey, dabeetana Curwah bin Adiinah Adiinah waa hooyadii, magaciisa Saxduna wuxuu ahaa Curwah bin Jariir oo ka dhashay banii Rabiica bin Xandala, kaasoo la dhashay Abii Bilaal Mirdaas bin Jariir baa usoo istaagay oo ku yiri:- Ma waxaad diintii Alle dhaxdeeda u xukuntameysaan laba nin? Kadibna seyftiisii buu la helay daabbadii faraskii ama awrkii ama baqashii Ashcath bin Qeys, saa Ashcath iyo raggiisiiba aad uga caroodeen arrintaas. Axnaf bin Qeys iyo madax kamid ah banii Tamiim baa inta Ashcath u soo istaagtay uga cududaartay arrinkaas.

Al Heytham bin Caddiyi wuxuu yiri:-Khawaarijtu waxay sheegtaan in qofkii ugu horreeyay ee xukma uu ahaa Cabdillaahi bin Wahab Ar- Raasubi.

Cali bin Abii Daalib wuxuu ka dhaqaaqay Safiin, markii warqadda heshiiska lakala qortay, wuxuuna abbaaray dhankii Kuufa isagoo sii maraya waddada Hayt. Markii uu ku dhawaaday inuu galo magaalladii Kuufa, ayaa waxaa ka ictisaalay koox kamid ah ciidankiisii oo lagu sheegay inay ahaayeen 12 000, waxayna noqdeen Khawaarij. Waxay ku inkireen waxyaabo badan amiirkii Muminiinta, oo waxayna diideen inay magaalladiisa la degaan, waxayna degeen meel la yiraahda Xaruuraa. Dabadeed amiirkii Muminiinta ee Cali bin Abii Daalib wuxuu u diray Cabdillaahi bin Cabbaas oo la soo dooday badankoodiina soo celiyey, intii hartayna Cali bin Abii Daalib baa weeraray oo Nahrawaan ku laayay sida inoo iman doonta haddii uu Alle idmo.

Kulankii Labada Xaakim ee Duumatul- Jundal

Taasu waxay ahayd bishii Ramadaan sidiiba horey loogu ballamay, markii labada qolo ay ku qoranayeen warqadda heshiiska goobtii Safiin. Markii la gaaray waqtigii ballanta baa wuxuu Cali diray 400 fardoolley ah oo uu hoggaaminayay Shureyx bin Haannaayi oo uu la socday Abuu Muusa Al Ashcari oo xaakim dhanka Cali ka socda ahaa iyo C/llaahi bin Cabbaas oo uu soo amray inuu ragga salaadda tujiyo.

Mucaawiyana wuxuu soo diray 400 fardooley ah oo uu hoggaaminaya Camr bin Caas isaga ayaana ahaa xaakimkii ka socday dhanka Mucaawiya, waxaana la socday C/llaahi bin Camr bin Al Caas oo uu Mucaawiya usoo dardaarmay inuu isaga salaadda tujiyo. Waxay labada erga ku kulmeen halkii ay horey ugu ballameen, taasoo ah goobta Duumatul Jandal oo dhacda waqooyiga Jaziiradda. Waxaa la sheegaa in madashaasi ay yimideen rag kamid ah wujuuhdii Muslimiinta, kuwii aanan ka qayb qaadan dhacdooyinkii dagaallada iyo fidnadii dhacday. Waxaana kamid ahaa oo goobtaasi yimid C/llaahi bin Cumar bin Khadaab Allaha ka raalli noqdee iyo C/llaahi bin Zubeyr bin Al Cawaam oo isagu Jamal kadib aanan wax dagaal ah ka qayb qaadan iyo Muqiirah bin Shucbah iyo C/Raxmaan bin Xaarith bin Hishaam Al Makhzuumi. Waxaa kaloo yimid C/Raxmaan bin C/Yaaquuth Az Zuhri iyo Abii Jaham bin Xudeyfah. Waxaa sidoo kale la sheegaa inuu Sacad bin Abii Waqaas ka qeyb qaatay, laakiin waxaa jirta riwaayada dhowr ah oo warkaasi mugdi gelinaya. Waayo Sacad wuu ka fogaaday imaarad iyo xukun iyo fidna intuba wuxuuna degay miyiga Madiina. Waxaa la sheegaa in wiilkiisa Cumar ama Caamir uu u keenay warka in wujuuhdii Muslimiinta iyo rag badan ay kushirayaan goobta Duumatul Jundal, saa isaguna dheg jalaq uma siin oo wuu ka gaabsaday, sida xaqiiqda ahna Sacad ma uusan ka qayb qaadan kulankii Duumatul Jundal.

Muhiimaddu waxay tahay, Labada dhinac markii ay kulmeen ergadii, waxay gedgediyeen aaraadoodii iyo fikradahooda iyagoo la kaashanaya Alle kor ahaayee iyo kitaabkiisa iyo sunnaha Nebigiisa suubban SCW. Waxay isla garteen in maslaxad loo sameeyo Muslimiinta si uusana dhiig dambe oo Muslimiinta dhexdooda ah u daadan, ugu dambeyna waxay isla garteen in Cali iyo Mucaawiyaba la casila. kadibna arrinka laga dhiga shuuro iyo wada tashi ay dadka ku dooranayaan qofka ay doonaan haddii ay Cali ku raalli noqonayaan iyo haddii ay Mucaawiya dooranayaan iyo haddii ay qof kale doortaanba intuba.

Camr bin Al Caas wuxuu tilmaamay in Cali la casila oo Abii Muusa Al Ashcari uu khilaafada udhiibo Mucaawiya kagana raalli noqda, hase ahaatee Abii Muusa Al Ashcari arrinkaas wuu diiday. Wuxuuna Abii Muusa Al Ashcari tilmaamay in masuuliyadda khilaafada loo dhiiba C/llaahi bin Cumar bin Khaddaab. Saa Camr bin Al Caas wuu diiday, wuxuuna tilmaamay In wiilkiisa C/llaahi bin Camr bin Al Caas uu yahay nin taqwa iyo cilmi badan, wuxuuna ka dalbaday Abii Muusa in uu wiilkiisa udhiibo, maadaama uu yahay nin saxaabi jaliil ah oo cilmi iyo kartiba u leh arrinkan. Hase ahaatee Abii Muuse Al Ashcari arrinkaas wuu diiday. Dabadeed waxay ku heshiiyeen oo isla garteen in ay labaduba ka xukun baxaan Cali iyo Mucaawiyaba. Saa way isa soo raaceen oo yimaadeen goobtii dadka joogeen si ay ugu sheegaan wixii ay ku heshiiyeen.

Camr bin Al Caas wuxuu ahaa mid mar waliba iska hormariya Abii Muusa Al Ashcari, haddii ay hadal ahaan lahayd iyo haddii ay socod noqon lahaydba, isagoo arrinkaa ku sharfaya kuna weyneynaya. Markaasuu ku yiri:- Abii Muusa Al Ashcariyoow! istaag oo dadka ogeysii waxii aan isku waafaqnay ee aan isku afgarannay. Markaasuu Abii Muusa Al Ashcari istaagay oo Alle mahadiyey oo amaanay, dabeetana ku salliyey Nebiga SCW, kadibna wuxuu u sheegay wixii ay kusoo heshiiyeen isaga iyo Camr bin Al Caas oo ah inay ka xukun baxeen Cali iyo Mucaawiya, si umaddu ay iyagu u doortaan qofkii ay ku raalli noqdaan, wuxuu yiri:- Haddaba anigu waa aan ka xukun baxay Cali iyo Mucaawiyaba.

Dabadeed Camr bin Al Caas baa kacay oo inta meeshii Abuu Muusa Al Ashcari istaagnaa istaagay buu Alle mahadiyey oo amaanay, dabeetana Nebiga SCW ku salliyey, kadibna wuxuu yiri:- Kani Abii Muusa Al Ashcari wuxuu yiri wixii aad maqasheen, wuuna ka xukun baxay saaxiibkiisii, aniguna waan ka xukun baxay sidiisa oo kale saaxiibkiis Cali, waxaana ku sugnaaday xukunka saaxiibkey Mucaawiya hoostiisa, waana gargaarahii Cuthmaan, wuxuuna doonayaa dhiiggiisii, isagaana dadka ugu mudnaan og booskiisii.

Waxaa la sheegaa in Camr bin Al Caas haddii uu isaguna ka xukun bixi lahaa Cali iyo Mucaawiya sidii uu falay Abii Muusa Al Ashcari oo uu ummaddu imaam laaan ka tegi lahaa inay fidna tii hore ka weyn dhici lahayd oo dhiig badan daadan lahaa, sidaa darteed buu ku hoos sugnaaday jaallahiisii Mucaawiya. Sidaa buuna rayi ahaan iyo fikir ahaan qaatay Camr bin Al Caas, Allaha ka raalli noqdee.

Dabadeed labadii qolo way kala tegeen oo koox waliba dhulkeedii ayay aadday. Camr bin Al Caas iyo raggiisii waxay aadeen dhanka Shaam oo markii ay Mucaawiya u galeen bay kusalaameen salaantii khilaafada Asalaama calleykum yaa amiirul Muminiin. Abii Muusa Al Ashcarina wuu ka xishooday inuu Cali u tego, saa wuxuu aaday Makka. C/llaahi ibnu Cabbaas iyo Shureyx bin Haannaayi iyo ergadiina waxay aadeen dhankii Kuufa, markaasay Cali uga warrameen wixii dhex maray Abii Muusa Al Ashcari iyo Camr bin Al Caas. Reer Kuufana rayigii Abii Muusa Al Ashcari, way daciifsadeen, waxayna garteen inaanay isu dhigmeyn isaga iyo Camr bin Al Caas.






Ra'yi lama dhiiban



Name:
Email:
Code: exgf
Text:
 

  • Home
  • Duruus
  • Quraan
  • Video
  • S&J
  • Muxaadao
  • Contacts



  • sisawc ka baro diintaada © 2012 privacy policy terms of use