Previous  




-

سبحان الله والحمد لله ولا اله الا الله والله اكبر
 

Cali Bin Abii Daalib rc Q-2aad

Cali oo La Shaqeynaya Dowladdii Cumar

Cali wuxuu ahaa ninkii Abuu Bakar kula talinayay sida gaarka ah in xilka khilaafada uu u dardaarmo Cumar, sidaa daraaddeed isagoo Abuu Bakar la hadlaya ayaa hadalladiisii waxaa kamid ahaa:- Khaliifkii Rasuulka Alloow!! kuma raalli noqon cidaanan ahayn Cumar.

Haddaba markii uu geeriyooday Abii Bakar Siddiiq, oo khilaafadiina uu qabtay Cumar, wuxuu Cali ahaa mid kamid ah dadkii ugu horreeyay ee la mubaayacooday Cumar. Sidoo kale wuxuu Cali ahaa lataliyahii Cumar iyo mid kamid ah lixdii nin ee ahlu shuuraha ahaa ee uu latashan jiray Cumar bin Khadaab, sidoo kale waxuu ahaa ninkii uu Cumar ugu tegi jiray masuuliyadda magaallada Madiina, markuu Cumar u baxaaya arrimo magaallada dibaddeeda ah. Waxuu oran jiray Cumar:- Ragga waxaa ugu xukun iyo qaddo wanaagsan Cali bin Abii Daalib. Markii la dhaawacay Cumar ee uu hayay xanuunkii geerida, waxuu necbeystay inuu xilka uga tego qof kamid ah Muslimiinta oo markaas khalad yar intuu ka dhaco isaga loo qabsada dharaarta Qayaamaha. Sidaa daraaddeed waxuu door biday inuusan amiir usamaynin Muslimiinta. Waxuuna oran jiray:- Haddii aan amiir sameeyo waxaa sameyay aniga hortey mid aniga iga kheyr badan yacni Abuu Bakar oo isaga amiir ahaan u doortay, haddiisa aan sameynin amiir waxaa aniga hortey aanan sameynin amiir mid aniga iga kheyr badan yacni Nebiga SCW. Cabdullaahi bin cumar waxuu yiri:- Goortaas baan garowsaday inuusan Cumar cidna kudoorsaneyn Nabiga SCW oo uunan magacabeynin amiir. Kadib Cumar waxuu soo saaray lix ahlu shuura ah oo ka mid ah tobankii jannada loogu bishaareyay intii ka nooleyd marka laga reebo Saciid bin Zeyd bin Camr bin Nufeyl Al Cadawi oo Cumar qaraabadiisa ahaa, waayo Cumar waxuu oran jiray:- Reer Cumar arrimaha Muslimiinta halaga weydiiya maalinta Qiyaama nin qura yacni aniga Cumar ah kaligey hala iga weydiiya arrimahii Musliiminta oo madoonaya in qof ehelkeyga uu xil ka qabta. Sidaas darteed Cali wuxuu kamid ahaa lixdii nin ee ehlu shuuraha ahaa. Kuwaasoo kala ahaa

1. Cabduraxmaan bin Cowf Az- Zuhri

2. Zubeyr bin Al Cawaam Al Asdi

3. Cali bin Abu Daalib Al Haashimi

4. Sacad bin Abuu Waqaas Az- Zuhri,

5. Dhalxa bin Cubeydillaah At Taymi iyo

6. Cuthman bin Cafwaan Al Umawi.

Si ay nin dhexdooda isaga dhex doortaan muddo saddex cisho ah kadib dhimashada Cumar. Ugu dambeyn Cumar waxuu u yeeray Abu Dalxa Al Ansaari oo uu amray in uu gurigiisa ku kulmiyo nimankaas oo uu lasocda Cabdullaah bin Cumar oo isagu goob joog kaliya ahaanaya oo aan talada waxba kulaheen.waxuu Cumar amray Abuu Dalxa Al Ansaari iyo Al Miqdaad inay soo kaxeystaan 50 nin oo ay waardiyo ka qabtaan lixdaas nin oo haddii ay muddo 3 casha gudahood nin kudooran waayaan uu lixdaba kurka ka jaro. Muddo kadib waxaa la doortay Cuthmaan. Waxuuse yiri Cumar:- Markay ka baxayeen Allaylahe! haddi ay doortaan Cali Jidka toosan ayuu ku hanuunin. Saa waxa la joogay wiilkiisii Cabdullaahi oo yiri:- Oo amiirkii Muminintow! maxaa kuu diidaya inaad Cali magacawdo? Waxuu yiri Cumar:- Waxaan diidayaa in masuuliyadaas ay dusheyda ahaato markaan dhinto kadib.

Cali oo La Shaqeynaya Dowladdii Cuthmaan

Markii ladoortay Cuthman bin Cafaan, Cali waxuu kamid ahaa dadkii ugu horeyay ee la mubaayacooday waxuuna kamid ahaa dadkii uu Cuthman la tashan jiray oo uu kala tashan jiray arrimaha dagaalka iyo howlaha kalee dowladda. Waxaa uu Cali had iyo goor usoo jeeday garab istaaga amiirka Muminiinta oo uu mar walba ag fadhin jiray lana waday howlaha, in uu dan ama howla gaar kumaqan yahay mooyaan. Markii ladilayay Cuthman waxuu Cali kamid ahaa dadkii ugu dambeyay ee usoo galayay intii xisaarka lagu hayay, bal e waxuuba ahaa ninkii ugu dambeyay ee biyo uu caba u keenay Cuthmaan markii xisaarka ay ku sameeyeen kuwii soo weeraray. Waliba Cali goortaasi waxuu u soo diray difaacidda amiirka Muminiinta wiilashiisii oo uu kusoo daray 700 oo kamid ah dhalanyartii saxaabada. Waxaa wiilashaasi kamid ahaa Xasan iyo Xuseen, Maxamed bin Dalxa bin Cubeydillaah, Cabdullaah bin Cumar bin Al Khaddaab iyo Cabdullaahi bin Zubayr iyo kuwa kale. Wuxuu Cali usoo diray wiilashaasi si ay u ilaaliyan Cuthmaan oo uga difaacaan nimanka fidna wadayaasha. waxana hogaaminayay dhalinyartaas Cabdullaahi bin Zubayr. Sannaddaas waxuu Cuthman amaray inuu Cabdullaahi bin Cabaas dadka xajka u kaxeeyo, wuuse ka cududaartay Cabdullaahi bin Cabbaas, wuxuuna ka dalbaday inuu ka qeyb qaato difaacidda amiirka Muminiinta, balse Cuthman baa ku adkeyay inuu baxo. Markii Cuthman la dilay Cali wuu ka fogaaday inuu qabta xilkan, balse waxaa ku qasbay Muslimiintii reer Madiina, markaasuu sidaas kuqabtay.

Khilaafadii Cali Bin Abii Daalib

Shan ama afar casho ayay magaalladii Madiina masuul ka ahaayeen fidna wadayaashii dilay Cuthmaan, oo uu madax u ahaa Qaafiqi bin Xarbi kadib dilkii Cuthmaan, asaga ayaana salaadda tujinayay, in kastoo mararka qaar ay haddana Cali hor marin jireen, oo ay ka dalbanayeen inuu tujiyo. Intaasi raggii fidna wadayaasha ahaa waxay raadinayeen ciday u dhiibaan xilka. Fidna wadayaashii ka yimid Masar, waxay doonayeen in xilka ay u dhiibaan Cali, kuwii Kuufa ka yimidna waxay doonayeen in xilka khilaafada loo dhiiba Zubayr bin Al Cawaam, halka kuwa Basra ka yimidna ay rabeen in loo dhiibo Dhalxa bin Cubeydullaah. Kuwii Masar ka yimid baa markaa waxay u tegeen Cali, saa wuu ku gacan seyray. Kuwii Basra kayimidayna waxay dooneen Dhalxa, saa wuu diiday, kuwii Kuufiyiintuna Zubeyr bay raadiyeen oo way soo waayeen. Markaas bay yiraahdeen:- Saddexdani midna uma dhiibeyno. Dabadeed waxay aadeen Sacad bin Abii Waqaas oo ay ka dalbadeen inuu xilka qabto, ayagoo ku oranaya:- Waxaad kamid tahay ahlu shuuraha. Balse iasaguna wuu ka diiday, oo ku gacan seyray. Dabeeto, waxay u tegeen C/llaahi bin Cumar bin Khaddaab oo ay u bandhigeen inuu qabto, saa kamuuna yeelin. Arrintii waxay kunoqotay afkii baa juuqda gabay, yaab iyo amakaag badanna waa ay ku reebtay, waayo haddii ay dileen Cuthmaan oo ay goballadii ku laabtaan iyagoonan wax khaliif ah sameynin, xaalladu waxay noqon doontaa dhib iyo qalalaaso, hadafkoogii horena sidaa inuu ahaa ayunbaa loo wada arki doonaa, markaasina ayaga uun baa la ugaarsan doonaa. Talo baa ku caddaatay nimankii fidna wadayaasha ahaa. Waxay falaanna way garan waayeen. Markaasi bay ku gooddiyeen inay layn doonaan dhammaan nimankii ahlu shuurada ahaa haddii aanay aqbalin arrinkan, sidoo kale reer Madiinana inay layn doonaan ayay ku goodiyeen. Markaas baa reer Madiina ay Cali ka dalbadeen inuu xilka qabto. Dabadeed raggii fidna wadayaasha ahaa waxay aadeen dhankii Cali, oo markaa ka hor ka galay beer kutiillay magaallada Madiina. Kadibna Ashtar An- Nukhaci ayaa gacantiisa qaaday oo la mubaayacooday dadkiina la mubaayacoodeen. Reer Kuufa waxay sheegan jireen in qofkii ugu horreeyay ee Cali lamubaayacooda uu ahaa Ashtar An- Nukhaci. Ammintu waxay ahayd sida uu Sayf bin Cumar xusay maalin Khamiis ah 24-kii bisha Dul Xajjah ee sanadkii 35aad ee Hijriga. Markii Jumcahii la gaaray oo ahaa maalintii xigtay maalinta Cali uu Ashtar la mubaayacooday buu mimbarka fuulay, oo dhammaan dadkii la mubaayacoodeen. Waxaa ugu horreeyay ee la mubaayacooday Dhalxa bin Cubeydillaah, dabeetana Zubayr baa yimid oo la mubaayacooday. Dabeeta reer Madiina oo idil baa la mubaayacooday.

Al Waaqidi wuxuu xusay in Ansaartii Madiina oo idil ay la mubaayacoodeen Cali, in yaroo inta Cali lala mubaayacoon Shaam u baxsatay mooyaane. Werinnada qaar waxay sheegaan, in raggani Ansaarta ahi aanay Cali lamubaayacoon Xassaan bin Thaabit, Kacab bin Maalik, Maslama bin Mukhlid, Abuu Saciid Al Khudri, Maxamed bin Maslama, Nucmaan bin Bashiir, Zayd bin Thaabit, Raafic bin Khadiij, Fudaalah bin Cubayd iyo Kacab bin Cujrah, wallaahu aclam.

Markii uu Cuthmaan geeriyooday, masuuliyiintiisii goballadu waxay ahaayeen sidan:

1. Kuufa waxaa salaad tujinta u xil saarnaa Abii Muusal Ashcari, dhanka howlaha dagaalkana Al qacqaac bin Camr.

2. Basra waxaa masuul ka ahaa Cabdullaahi bin Caamir.

3. Masar waxaa masuul ka ahaa Cabdullaahi bin Sacad bin Abii Sarax, balse Maxamed bin Abii Xudeyfa ayaa kaga adkaaday gacan kuheynteeda.

4. Guud ahaan Shaam waxaa masuul ka ahaa Mucaawiyah bin Abii Sufyaan.

5. Ximis waxaa masuul ka ahaa C/Raxmaan bin Khaalid bin Waliid.

7, Qinnasriin waxaa masuul ka ahaa Xabiib bin Maslamah

8. Urdun waxaa masuul ka ahaa Abul Acwar Al Sulami.

9. Falastin waxaa masuul ka ahaa Xakiim bin Calqamah.

10. Aderbiijaan waxaa masuul ka ahaa Ashcath bin Qeys Al Kindi.

11. Qirqiisiyaa waxaa masuul ka ahaa Jariir bin Cabdillaahi Al Bujali.

12. Xulwaan waxaa masuul ka ahaa Cutaybah bin Nihaas .

13. Qeysaariyah waxaa masuul ka ahaa Maalik bin Xabiib.

14. Hamdaan waxaa masuul ka ahaa Xubaysh bin Nasiir.

15. Yeman waxaa masuul ka ahaa Yaclaa bin Umayah.

Qaadiga magaallada Madiina wuxuu ahaa Zayd bin Thaabit, beytul maalkeedana waxaa masuul ka ahaa Cuqbah bin Camr- Abii Mascuud.

Markii Cuthmaan la dilay, Nucmaan bin Bashiir baa wuxuu qaaday khamiiskii Cuthmaan lagu dilay oo ay ku dhegan yahiin farahii xaaska Cuthmaan ee Naailah bint Faraafizah, wuxuuna la galay Shaam. Markii khamiiska Mucaawiyah loo geeyey wuxuu dul suray mimbarka si ay dadka oo dhami u arkaan, dadkiina wuxuu ku booriyey in la raadiyo dhiigga Cuthmaan oo la laayo wixii ka dambeeyey dilkiisa. Reer Dimashiq hareerahii mimbarka ayay ku dul ooynayeen iyagoo marna khamiiska kor uqaadaya marna hoos u dhigaya, waxayna isku dhaarsadeen inay laayaan wixii ka dambeeyey dilkii amiirkii Muminiinta ee Cuthmaan bin Cafaan. Muddo sanad ah ayay ku hoos barooranayeen khamiiska oo ay isku boorinayeen inaanan loo fadhiisan ee la raadiyo dhiigga Cuthmaan. Wuxuuna reer Shaam iyo guud ahaan Muslimiintii oo idilba sanadkani u ahaa sanad madow, rag badan baana ka fogaaday haweenkooda oo u murugeysnaa dilkii Cuthmaan.

Qaar kamid ah saxaabadii qiimaha badneyd ee ku sugnayd Shaam, ayaa ugu cadcaddaa dadkii ku boorinayay reer Shaam in dhiigga Cuthmaan la raadiyo, waxayna raggaasi saxaabada ahi kala ahaayeen Cubaadah bin Saamit, Abuu Dardaa Al Ansaari, Abuu Umaamah, Camr bin Canbasah, iyo qeyrkooda. Sidoo kale rag aanan saxaaba ahayn oo raggii suusuubbanaa ee taabicinta ahaa kamid ah baa iyana kamid ahaa dadkii sida aadka ugu boorinayay reer Shaam in la raadiyo dhiiggii Cuthmaan, waxaana raggaasi ka mid ahaa Shariik bin Xabbaasha, Abuu Muslim Al Khowlaani iyo C/Raxmaan bin Qanam iyo qeyrkooda.

Dhanka kale markii Cali lala mubaayacooday, oo baycadii Madiina dhammaatay, bay madaxdii saxaabada sida Zubayr iyo Dhalxa u soo galeen Cali oo ka dalbadeen in nimankii dilay Cali ee fidna wadayaasha ahaa uu xadka ka oofiyo. Saa Calina wuu ka cududaartay, wuxuuna u sheegay in waqti xaadirkani aanay arrintaasi suuro gal ahayn, waayo dowladdiisii baanan si qummaati ah u istaagin, goballadiina si saani ah umaanay wada hoggaansamin, raggan fidna wadayaasha ahina, waxay haysteen gurmadyo ku kala sugan goballada oo ayaga la fikrad ahaa. Sidaa daraaddeed buu Cali u sheegay Dhalxa iyo Zubayr inaanay immikadaasi habbooneyn suuro galna ahayn in xadka laga oofiya raggii fidna wadayaasha ahaa.

Markaas buu Zubayr ka dalbaday Cali inuu u dhiibo masuuliyadda Kuufa, si uu ciidama culus ugu soo diro, sidoo kale Dhalxana, wuxuu ka dalbaday in asagana uu u dhiibo masuuliyadda Basra si uu ciidamo culus ugu soo diro, dabeetana la boqno jaro fidna wadayaashii dilay Cuthmaan iyo wixii ka dambeeyay dilkiisuba. Calina wuxuu ka dalbaday inay u ogolaadaan inuu ka soo fiirsada arrinkaasi. Waxaa kaloo la sheegaa inuu ka diiday oo uu ka codsaday inay asaga la joogaan si ay howlaha ula wadaan. Sidoo kale waxaa la sheegaa in Cali uu daliishaday xadiis uu Rasuulku SCW ku tilmaamayay in qofkii xukum ama masuuliyad weydiista inaanan la siin. Isku soo duubo Cali umuuna dhiibin labadaasi saxaabi goballadii ay ka dalbadeen. Dabeeto Dhalxa iyo Zubayrba waxay Cali ka dalbadeen inuu u idmo inay aadaan Makka, saa wuu u idmay.

Muqiirah bin Shucbah baa u soo galay Cali oo ku yiri:- Waxaan arkaa inaadan masuuliyiintaada goballada aadan baddalin, markii ay kuu wada hoggaansamaan baddal kaad doonto oo daa markaasi midka aad rabto.

Cali wuxuu ahaa nin goaan adag leh, wuxuuna isagu markaasi damacsanaa in masuuliyiinta goballada oo idil uu baddelo si uu dowlad cusub u aasaaso. Fikirkiisii ayuuna laasimay oo uu ku adkeystay. Maalintii xigtay ayuu Muqiirah mar kale usoo galay Cali oo ku yiri:- Waxaan arkaa inaad casisho dhammaan masuuliyiinta goballada si aad u ogaato midka ku adeecaya iyo kan ku caasiyaya.

Cali wuxuu arrintaasi uga warramay Cabdullaahi bin Cabbaas, saa wuxuu C/llaahi ku jawaabay:- Shalay wuu kuu naseexeeyay, maantana wuu ku qashqashay.

Markuu Muqiirah maqlay tawiilkii Ibnu Cabbaas, baa wuxuu yiri:- Haaheey! waan u naseexeeyay oo markiina uu iga yeeli waayay, baan qashqashay. Dabadeed Muqiirah wuu baxay oo wuxuu aaday magaalladii Makka, halkaasoo uu kula kulmay Dhalxa iyo Zubayr iyo jamaaco kale. Dabadeed Cabdullaahi bin Cabbaas ayaa Cali kula taliyey in masuuliyiinta goballada uuna baddalin oo uu sidooda ku daayo, haddii uu baddalayana, wuxuu ka dalbaday in Mucaawiyah uuna baddalin. Cali wuxuu usheegay inuuna asagu fikirkaasi qabin, wuxuuna ku yiri:- Orodoo aad Shaam, adigaan kuu wakiishaye. C/llaahi bin Cabbaas arrintaasi wuu ka cududaartay, wuxuuna ku adkeeyey inuuna Cali casilin masuuliyiinta goballada, balse Cali fikir aanan kaas ahayn buu qabay.

Sanadkaasi 35aad ee Hijriga, ayuu boqor Qusdandiin iyo ciidama culus oo uu wato soo weeraray dhulkii Muslimiinta ee galbeedka Shaam, wuxuuna watay 1000 markab oo ciidamo ah. Illaahay baa inta dabbeyl duufaan ah usoo diray halligay dhamman ciidamadiisii, waxaana ka badbaaday boqorkii iyo in yaroo fara ku tiris ah.

SANADKII 36AAD

Muddo yar ka dib baycadii Cali waxa la galay sanadkii 36aad ee Hijriga. Wuxuuna Cali sanadkan casilay qaar kamid ah masuuliyiintii goballada, una magacaabay masuuliyiin cusub. Yeman wuxuu madaxa uga dhigay Cabdullaahi bin Cabbaas, Basra wuxuu madaxa uga dhigay Samurah bin Jundub ama Cuthmaan bin Xaniifa, Kuufana wuxuu u dhiibay Cammaarah bin Shihaab, Masarna wuxuu madaxa uga dhigay Qeys bin Sacad. Shaam oo idilna wuxuu madax uga dhigay saxaabigii Jaliilka ahaa ee Sahal bin Xaniifah, asagoo kubaddalaya Mucaawiyah oo muddo halkaasi masuul ka ahaa, reer Shaamna ay aad u barteen.

Sahal wuxuu aaday dhankii Shaam si uu xilkiisa u guto, markiina uu maraya Tabuuk ayay ka hor yimideen ciidama dhanka Mucaawiyah kasocda oo dib usoo celiyey. Saa magaalladii Madiina ayuu dib ugu laabtay.

Qeys bin Sacad wuxuu asaguna aaday Masar, markiina uu galay, wuxuu kala wareegay Maxamed bin Abii Xudeyfa, saa intii badneyd dadkii Masar, waa ay la mubaayacoodeen in yar mooyaane oo diidday in ay lamubaayacoodaan, in marka hore xadka laga oofiyo raggii Cuthmaan dilay mooyaane. Kuwaasuna cidi waxba uma aanay dhimeyn. Sidaa buu Qeys ku istiqraariyey dhulkii Masar oo Calina baycadii uga soo qaaday.

Ammaa Cammaarah bin Shihaab, wuxuu aaday dhankii Kuufa oo ah halkii loo diray, markiina uu ku dhawyahay ayaa waxaa ka hor yimid Dhalxa bin Khuweylid oo dib usoo celiyey. Abuu Muusa Al Ashcari ayaa reer Kuufa inta u khudbeyey ka dalbaday inay u hoggaansamaan Cali oo ay la mubaayacoodaan, saa way la mubaayacoodeen oo u hoggaansameen, in yar mooyaane. Markaas buu Abuu Muusa reer Kuufa ka qaaday baycadii oo warqad u diray dhankii Cali asagoo ogeysiinaya inay u hoggaansameen daacadda oo ay la mubaayacoodeen.

Amiirkii Muminiinta ee Cali bin Abii Daalib, warqado ayuu si joogta ah isaga daba dirayay oo uu u dirayay dhanka Mucaawiyah, balse wax kajawaab ah kamuuna helin. Teer iyo markii la doortay illaa bishii saddexaad ee sanadkan ayuu warqado u dirayay oo uu wax war ah iyo jawaabna tooni ka laaa.

Goballadii oo idil ayaa u hoggaansamay Cali marka laga reebo Shaam oo Mucaawiya uu diiday inuu masuulkii uu Cali soo magacaabay kuwareejiyo masuuliyadda Shaam, sidoo kalena diiday inuu la mubaayacooda, intaasina waxaa laga laaa wax jawaab ah warqadihii uu qorayay amiirkii Muminiinta. Teeda kale waxaynu soo xusnay murugadii fuushay sanadkii tegay Muslimiinta, kadib markii la dilay Cuthmaan bin Cafaan, waxaana soo xusnay in reer Shaam ay har iyo habeenba ay ku hoos barooranayeen mimbarka uu dul surnaa khamiiskii Cuthmaan bin Cafaan.

Cali markuu wax jawaab ah ka layahay buu goaansaday in Shaamna uu kusoo dabbakha daacadda iyo midnimada, wuxuu goaansaday inuu aado dhanka Shaam isagoo wato ciidama culus. Wuxuu warqad u diray Qeys bin Sacad oo ahaa masuulkii Masar, asagoo ka dalbanaya inuu ciidama usoo diro. Sidoo kale Abii Muusa Al Ashcari oo uu Kuufa kaga raalli noqday kadib markii ay reer Kuufa dalbadeen inaanan laga baddalin ayuu asagana warqad u qortay asagoo ka dalbanaya inuu ciidamo usoo diro.

Cali bin Abii Daalib wuxuu sameeyey diyaar garowgii ugu dambeeyey asagoo doonaya inuu Shaam aado oo la dagaallama ciddii ku caasida, dabeeta wuxuu ka dhaqaaqay magaalladii Madiina, asagoo magaalladiina ku dhaafay Quthum bin Al Cabbaas masuul ahaan. Kadib waxaa la kulmay wiilkiisii Xassan oo ka dalbaday aabahiis inuuna bixin oo uusan aadin dhanka Shaam, balse Cali muuna yeelin taladaasi, wuxuuna goaansaday inuu soo edbiyo reer Shaam oo muddo uu ka laaa wax jawaab ah, xaalkooduna dhan usoo tuuro. Wuxuu dhisay ciidamadiisii, asagoo calanka u dhiibay wiilkiisa Maxamed Ibnu Xanafiyah, C/llaahi bin Cabbaasna wuxuu madax uga dhigay ciidamada midigta, Cumar bin Abii Salamana wuxuu u dhiibay kuwa bidixda, waxaa kaloo la yiraahdaa:- Ciidamada bidixda wuxuu madax uga dhigay Camr, bin Sufyaan bin Cabdil-asad, ciidamada hore wuxuu madax uga dhigay Abii Leylaa bin Camr bin Cabdillaahi bin Jarraax oo uu dhalay Abuu Cubeydah Caamir bin C/llaahi bin Jarraax walaalkiis. Dabeetana wuu dhaqaaqay oo uu ka baxay magaalladii Madiina, asagoo ku jiheysan dhanka Shaam. C/llaahi bin Salaam ayaa daabbadii uu fuulay Cali hoggaankeeda qabtay oo kula taliyay inuusan bixin, wuxuuna usheegay haddii uu Madiina ka baxa inay khilaafa dambe dib ugu soo laabaneyn. Cali wuxuu ku adkeystay rayigiisii ahaa inuu baxo oo aado dhanka Shaam, si uu xaalkooda dhan ugu tuuro, oo ay u hoggaansamaan. Dabeetana wuu sagootiyey wuuna ka haray C/llaahi bin Salaam Illaahay haka raalli noqdee. Sidaa ayuu Cali ku abbaaray dhankii Shaam.

Dhacdadii Jamal

Tani waxay ahayd xaallad Rabbaani ah oo Ilaahay qaddaray. Sababtuna waxay ahayd, markii uu dhacay dilkii Cuthmaan baa dad badan oo kamid ah reer Madiina ay u baxeen Makka. Sanadkaasi asaga ahi hooyooyinkii Muminiinta waa dumarkii Rasuulkee SCW waxay u baxeen Xajka ayagoo ka cararaya fitantii ka dhacday magaallada Madiina. Markii ay howlahoodii Xajka ahaa guteenna waxay ku sii nagaadeen Makka, ayagoo waaga ka war dhowraya, oo fiirinaya waxa ay dadku falaan. Markii Cali lala mubaayacooday, baa qaar kamid ah sanaaddiidii saxaabadu ay ku taliyeen in uu xadkii ka oofiyo raggii ka qeyb qaatay dilkii Cuthmaan iyo kuwii ka dambeyeyba, Calise wuxuu ku cududaartay in xaaladda lagu jira darteeda aysan munaasib ahayn in xilligaasi uu xadkii ka oofiyo, wuxuuna cuskaday in raggaasi ay gurmad iyo ciidama leeyahiin, oo ayba ka feejagan yahiin in ummadda Muslimiintu dhan isu raacdo. Cali wuxuu doonayay in marka hore goballadu hoggaansamaan, dowladdiisuna si saani ah uga caga dhigato oo ay shaqeyso, intaa dabadeedna uu markaa xadka ka oofiyo wixii dilay Cuthmaan iyo kuwii ka dambeeyayba. Sidaa daraaddeed bay dad badan oo reer Madiinah ah aadeen dhanka magaallada Makka ayagoo rayigaasi Cali kaga soo horjeeda.

Cali markii uu goaansaday inuu aado Shaam sidaynu soo xusnay, baa wuxuu la hadlay reer Madiina, oo uu ka dalbaday inay raacaan, iyana badankoodii ma aanay yeelin. Dabeeto wuxuu u tegay Cabdillaahi bin Cumar oo uu ka dalbaday inuu raaco. Cabdullaahise wuxuu ku jawaabay:- Anigu waxaan ahayn nin kamid ah reer Madiina, haddii ay ku raacaan, aniguna waan ku raaci, anigoo ku maqlaya oo ku adeecsan. Balse sanadkani ma doonaya inaan dagaal u baxo waayo waa xilli fitan.

Dabeeto Cabdillaahi bin Cumar, wuu diyaar garoobay, wuxuuna aaday magaalladii Makka, halkaasi sanadkaas waxaa isugu tegay wujuuhdii Muslimiinta iyo sanaaddiidii saxaabada oo ay kamid ahaayeen, Dhalxa bin Cubeydillaah, Zubayr bin Al Cawaam, C/llaahi bin Cumar, C/llaahi bin Zubeyr, Caaisha, iyo hooyooyinkii Muminiinta, iyo qaar kaloo badan. Sidoo kale waxaa Makka markaasi tegay Yaclaa bin Umayah, oo ahaa masuulkii Cuthmaan u joogay Yeman, wuxuuna watay 600 oo awr iyo 600 000 oo Dirham. Sidoo kale waxaa yimid C/llaahi bin Caamir oo isaguna ahaa masuulkii Cuthmaan u joogay Basra oo uu Cali ka casilay.

Ayadoy xaalladu sidaasi tahay bay hooyadii Muminiinta ee Caaisha dadkii ka dhex istaagay oo ku booriday in la raadiyo dhiiggii Cuthmaan, oo la laayo wixii dilay iyo kuwii ka dambeeyayba, waayo waxay ku dileen dhulkii xurmeysnaa, iyagoo dilay bil kamid ah bilahii xurmeysnaa. Bulshadii reer Makka aad bay ugu riyaaqeen hadalkii Caaisha, waayo maskaxdoodii ayay waxyeello ku reebtay dilkii Cuthmaan. Wax kale maanay dooneyn hooyadii Muminiinta aanan ka ahayn wanaag iyo sama katalis Illaahay haka raalli noqdee. Waa afadii Rasuulka Alle SCW ee if iyo aakhiro. Waxaa laga wada hadlay halkii marka hore laga billaabi lahaa oo laqaban lahaa. Qaar baa waxay ku taliyeen in la aado Shaam, haddana waxay yiraahdeen:- Mucaawiyah baa nooga filan. Qaar kale waxay soo jeediyeen in la aado Madiina oo Cali la weydiisto inuu usoo gacan geliyo wixii Madiina kusugan ee ka qeyb qaatay dilkii Cuthmaan dabeetana ay laayaan. Fikraddaasi waxaa qabay Cabdillaahi bin Cumar oo isagu soo jeediyey in xaalladu aanay noqon fowda iyo dhib, wuxuuna amray in la aado dhanka Cali. Qaar kale waxay soo jeediyeen in la aado Basra, oo halkaasi lagu laayo wixii laga helo kuwii ka dambeeyay dilkii Cuthmaan dabeetana Kuufa iyo Shaam looga sii gudbo. Fikirkaasi dambe ayay qaateen oo la isku raacay. Dabeetana waxaa la diyaariyey ciidamadii. Waxaa si mug weyn uga qayb qaatay diyaarinta ciidamadaasi Yaclaa bin Umayah oo isagu ku bixiyey 600 oo awr iyo 600 000 Dirham. Sidoo kale Cabdullaahi bin Caamir ayaa isaguna ka qeyb qaatay diyaarinta ciidankaasi, oo bixiyey maal aad u tiro badan. Markii goaankaasi dambe la isku raacay baa dhammaan hooyooyinkii Muminiinta waxay isku raaceen inay iyagu ka haraan safarkaasi, Caaisha mooyaane, waxayna iyagu qabeen fikirkii Ibnu Cumar mid lamid ah, waxayna yiraahdeen:- Aadi mahayno meelaanan Madiina ahayn. Xafsa bint Cumar oo kamid ahayd hooyooyinkii Muminiinta ayaa damacday inay baxdo, waxayna ku waafaqday rayigii Caaisha, balse walaalkeed Cabdillaahi bin Cumar ayaa taa ka reebay, oo ka celiyey.

Caaisha waxay saarneed awr la oran jiray Caskar oo huudaj loogu dul sameeyay. Waxaana awrkaasi soo iibiyey Yaclaa bin Umaya, oo ka soo siiyey nin reer Cureyni ah 200 oo Diinaar, waxaa kaloo la la sheegaa inuu kasoo siistay 800 oo Diinaar.

Ciidamadaasi waxay noqdeen 1000 fardooley ah ama 900 fardooley ah. Waxay ka baxeen magaalladii Makka, hooyooyinkii Muminiintuna waa ay raaceen si ay u sagootiyaan Caaisha. Markii ay gaareen Daatu Cirqin ayay isasagootiyeen, oo isku ooyeen, saa dadkii oo idil wada ooyeen. Waxaana maalintaasi loo bixiyey- Yowmu Naxiib. Intaa dabadeed waxay hooyooyinkii Muminiinta oo idil marka laga reebo Caaisha aadeen dhankii Madiina. Sidoo kale Ibnu Cumarna wuxuu aaday Madiina.

Ciidamadii way dhaqaaqeen, waxayna aadeen dhankii Basra. Intii ay dhexda sii socdeen ayay noqdeen 3000, salaaddana waxaa tujinyay C/llaahi bin Zubayr oo ay dhashay Caaisha walaasheed Asmaa bint Abii Bakar, Caaisha ayaana amartay, aadaanka waqtiyada salaadduna waxaa addimyay Marwaan bin Xakam. Goor habeen ah oo ay marayaan meel biyo ah oo la yiraahda Xawab ayay eydii meeshaasi joogtay ku ciyday. Markaasay Caaisha weydiisay:- Magaceed meeshani? Waxaa lagu yiri:- Waa Xawab. Markaasay gacanteeda gacanta kale ku dul dhufatay oo tiri:- Innaa lillaah wa innaa ileyhi raajicuun. ma u maleynayo waxaanan ahayn inaan laabto. Waxaa la weydiiyey:- Oo sabab? Waxay ku jawaabtay:- Waxaan maqlay Rasuulka Alle SCW oo dumarkiisa ku oranaya:- Shallaytadeydee waa tuma middiina ay eyda Xawab ku ciyi doonto? Kadib awkii bay fadhiisisay, oo ay tiri:- I celiya!! celiya!! waa aniga wallaahay midda ay ku ciyday eyda Xawab.

Cabdullaahi bin Zubayr ayaa ku yiri:- Qofkii kugu yiri:- Meeshani waa Xawab been buu kuu sheegay. Dabeeto waxaa la maqlay dhawaqa dad oranaya:- Bad baado bad baado!!, waa kuwan Cali iyo ciidamadiisa. Dabeeta ciidamadii Caaisha ay hor kacaysay waxay u weecdeen dhankii Basra. Markii ay magaalladii Basra u dhawaadeen ayay Caaisha warqad u qortay Axnaf bin Qeys iyo madaxdii magaalladaasi kusugnayd iyadoo ku war gelineyso inay timid.

Cuthmaan bin Xaniifah oo markaasi oday saxaabi ahaa oo masuul ka ahaa magaalladaasi, ayaa wuxuu soo diray Cimraan bin Xuseen iyo Abul Aswad Al Duali, si bal ay usoo ogaadaan waxa ay u yimideen Caaisha iyo Dhalxa iyo Zubayr. Markaasay u tegeen hooyadii Muminiinta ee Caaisha oo ay marka hore salaameen, dabeetana weydiiyeen waxa ay u timid. Saa waxay usheegtay, wixii ay u timid oo ah raadinta iyo u istaagidda dhiiggii Cuthmaan, oo la dilay asagoo la dulmiyey, ladilayna bishii xurmeysneed iyadoo lagu dilay baladkii xurmeysnaa. Waxay akhriday qowlka Alle kor ahaaye

Kheyr malahan in badanoo faqooda ah, marka laga reebo qof amraya saddaqo, ama wanaag ama wanaajin dadka dhexdooda, qofkii sidaa u fala doonid raalli ahaanshaha Alle, waxaanu siin doonnaa ajar weyn Suuradda Al Nisaa aayadda 114.

Markaasay ka ag dhaqaaqeen labadii nin oo waxay u tegeen Dhalxa,, oo ay weydiiyeen waxa uu u yimid? Wuxuuna usheegay, inuu u yimid raadinta dhiigga Cuthmaan. Waxay weydiiyeen:- Ma waadan la mubaayacoon Cali? Wuxuu ku jawaabay:- Haa oo seef baa qoorta ii saarneed macnaha qasab bay igu ahayd. Markaasay ka tegeen oo u tegeen Zubayr bin Al Cawaam oo ay weydiiyeen wixii ay Dhalxa weydiiyeen oo kale, asagiina sidii Dhalxa oo kale ayuu ugu jawaabay.

Dabeeta labadii ergo way laabteen oo u tegeen Cuthmaan bin Xaniifa, oo uga warrameen wixii ay kala soo kulmeen Caaisha iyo Dhalxa iyo Zubayr. Markaas buu Cuthmaan yiri :- Innaa lillaah wa innaa ileyhi raajicuun, way wareegtay rixadii Islamka Rabbiga Kacabadaan ku dhaartaye.

Wuxuu dabeeto Cuthmaan la hadlay Cimraan bin Xuseen oo uu ka dalbaday inuu la taliyo. Wuxuuna Cimraan ku yiri:- Isaga fogoow fidnadan oo gurigaaga fadhiiso aniguna gurigeyga ayaan fadhiisane. Cuthmaan wuxuu yiri:- Mayee waan ka celin magaallada jeer uu yimaada amiirkii Muminiinta. Dabeetana dadkii magaallada ayuu amray inay hubkooda soo xidhaan, oo masjidka heegan ku noqdaan. Iyagiina sidii bay faleen. Markaas buu Cuthmaan inta mimbarka fuulay u khudbeeyay. Asagoo khudbeynayo ayuu nin kamid ah reer Basra istaagay, waxaana ninkaasi la oran jiray Qeys bin Caqadiyah Al Xumeysi, wuxuuna yiri:- Haddii ay qowmkani u yimideen cabsi darteeda, dhab ahaan waxay ka yimaadeen dhul ay shimbiruhu ku nabad helaan. Haddiina ay u yimideen inay doonayaan dhiiggii Cuthmaan haddee annagu maynaan dilin, ee i adeeca oo ku celiya halkii ay ka yimideen.

Kadib waxaa istaagay Al Aswad bin Sariic As- Sacdi, oo yiri:- Waxay u yimideen inaanu ugu gargaarno kuwii dilay Cuthmaan ee inaga midka ahi iyo kuwaan naga mid ahaynba. Markaa bay koox dhan u jawaabeen oo meeshii buuq iyo sawaxan ka dhacay. Markaas buu ogaaday Cuthmaan bin Xaniifa in raggii Curhmaan dilay ay Basra wax ka joogaan kuna leeyahiin gargaar, markaa buu arrintaasi karhay oo iska aamusay.

Hooyadii Muminiinta iyo ciidamadeedii horey bay u soo dhaqaaqeen oo waxay soo degeen Marbad. Reer Basra wixii doonayay inay u tagaan oo maceeda noqdaanna way u tegeen. Cuthmaan bin Xaniifana magaalladii Basra ayuu ka soo baxay asaga iyo ciidamadiisii, waxayna labada qola ku kulmeen Marbad. Markaas buu Dhalxa oo hoggaaminayay ciidamada midigta ee Caaisha hadlay oo dadkiisii ku booriyey in la raadiyo dhiiggii Cuthmaan. Dabeetana Zubayr baa ka daba istaagay oo sidii oo kale ku booriyey dadka in loo istaaga raadintii dhiigga Cuthmaan bin Cafaan, saa waxaa u jawaabay qaar kamid ah ciidamadii Cuthmaan bin Xaniifa, oo hadallo kulul kula hadlay, dabeetana way is dhagaxyeeyeen labada qolo, oo markii dambana kala leexdeen. Koox kamid ah ciidamadii Cuthmaan bin Xaniifa ayaa ku biiray ciidamadii Caaisha, markaasay iyana bateen. Xaaritha bin Qudaamah As Sacdi ayaa inta u tegay hooyadii Muminiinta ee Caaisha ku yiri:- Hooyadii Muminiintaay!! Illaahay baan ku dhaartaye dilka Cuthmaan baa ka fudud inaad gurigaaga kaga soo baxdo awrkan, haddii aad inoo timid adigoo ah mid ina adeeceyso, ku laabbo halkii aad ka timid iyo gurigaaggii.

Dabeeta waxaa yimid Xakiim bin Jablah oo hoggaaminayay fardooleyda Cuthmaan bin Xaniifa, wuxuuna weerarro ku qaaday dhankii ciidamada kale, sidaa oo ay tahayna ciidamadii Caaisha ma aanay dooneyn inay la dagaallamaan oo gacmahooda ayay laabanayeen. Markaas bay Caaisha amartay inay is difaacaan oo riixaan iskana caabiyaan weerarrada. Saa way riixeen jeer ay ka dul rideen maqbarada banii Maazin. Dabeeta waxaa kala dhex galay habeenkii oo qola waliba halkeedii bay u hoyatay. Subaxii labaad ayay isu soo kallaheen oo dirir darani dhex martay oo socotay illaa ay maalintii dhammatay. Waxaa in badan laga dilay ciidamadii Cuthmaan bin Xaniifa, dhaawacuna labada dhinac wuu ku batay. Markaas bay ku heshiiyeen in dagaalka la joojiyo oo Madiina qof loo diro si uu u soo weydiiyo dadka reer Madiina in Dhalxa iyo Zubayr ay la mubaayacoodeen Cali ayagoo raalli ah ama in ay qasab ku ahayd. Waxaa lagu heshiiyey haddii Dhalxa iyo Zubayr ay qasab ku ahayd baycadii Cali in Cuthman bin Xaniifa uu ka baxo magaallada Basra oo uu u daayo ayaga. Haddiina aysan qasab ku ahayn markii ay la mubaayacoonayeenna inay markaasi Dhalxa iyo Zubayr u daayaan magaallada masuulkeedii Cuthmaan bin Xaniif. Waxaa arrintaasi loo wakiishay Kacab bin Suur oo loo diray dhanka magaalladii Madiina. Wuxuu magaalladii galay maalin Jumca ah oo inta mimbarkii ka istaagay dadkii weydiiyey in Dhalxa iyo Zubayr ay si qasab ah kula mubaayacoodeen Cali iyo in kale. Markaasi bay dadkii oo idil wada aamuseen, Usaama bin Zayd mooyaane oo isagu yiri:- Waxay ku ahayd qasab.

Markaas bay rag badan oo reer Madiina kamid ahi ku canaanteen Usaama sababtii uu u hadlay oo waxay ku yiraahdeen:- Maxaad u aamusi weyday sidaanu u aamusnay oo kale. Wuxuuna kujawaabay:- May Illaahay baan ku dhaartaye, waxaan filayay in arrinku uuna intaa ku dhammaaneyn. Dadkii ku canaantay falkaasi waxaa kamid ahaa Suhayb bin Sinaan iyo Abuu Ayuub Al Ansaari. Cali warqad ayuu Cuthmaan horey ugu soo diray asagoo ku ogeysiinaya in Dhalxa iyo Zubayr ay horey ula mubaayacoodeen. Markii Kacab uu farriintii reer Madiina u geeyey Cuthmaan, baa haddana waxaa timid warqaddii Cali, markaasuu Cuthmaan yiri:- Tanina waa arrin kale oo aynaan ku tashaneyn. Dhalxa iyo Zubayr waxay usoo cid direen Cuthmaan bin Xaniifa ayagoo ka dalbanaya inuu magaallada u banneeyo, saa asagiina wuu diiday. Dabeeta waxay soo direen rag goor habeennimo ah, oo galeen masjidkii jaamaca ah, kuna tukadeen salaaddii Cishaha, Cuthmaanna habeenkaasi ma uuna soo bixin, wuxuuna u wakiishay tujinta salaadda Cabdiraxmaan bin Cataab bin Usayd. Dabeeto buuq iyo qalalaaso iyo rabshado ayaa ka dhacday masjidkii, waxaana halkaasi ku geeriyooday kudhawaad 40 qofood. Dabeeto qaar kamid ah wax ma kastii ayaa inta Cuthmaan bin Xaniifa soo qabteen ayay u geeyeen Dhalxa iyo Zubayr saa iyana waxay u geeyen Caaisha, markaasay amartay in lasii daayo.

Ciidamadii Caaisha magaalladii Basra ayay soo galeen, waxayna beytul maalka masuul uga dhigeen C/Raxmaan bin Abii Bakar. Dhalxa iyo Zubayrna dadkii ayay hantidii u qeybiyeen, waxayna u badiyeen kuwii adeecsanaa ee iyaga la socday. Dhalxa iyo Zubayr markii ay istaqraariyeen magaalladii Basra, ayaa waxaa yimid Xakiim bin Jablah oo wata 300 oo fardooley ah, wuxuuna ninkani dagaalladii hore hoggaaminayay fardooleydii Ibnu Xaniifa sidaynu soo xusnay, sidoo kalena wuxuu kamid ahaa raggii ku lug lahaa dilkii Cuthmaan bin Cafaan Illaahay haka raalli noqdee. Wuxuu ninkani weerar ku qaaday ciidamadii Dhalxa iyo Zubayr, dabeetana way ka adkaadeen oo isagiina waala dilay. Dabeeto waxay laayeen ku dhawaad 70 kamid ahaa dadkii ka dambeeyey dilka Cali, wixii ay ka heleen magaallada Basra.

Waqtigaasi wuxuu ahaa ayadoo shan casho ay ka dhimmantahay bishii Rabiicul Aakhir ee sanadkan. Caaisha waxay warqad u dirtay Zayd bin Sowxaan oo ay ka dalbatay inuu la safta ayada. Haddiina uu sidaa yeelin, waxay ka codsatay inuu gurigiisa iska fadhiista oo uuna la safan Cali. Markaas buu Zayd yiri:- Illaahay ha u naxariisto hooyadii Muminiinta, Illaahay baa wuxuu amray inay gurigeeda joogta, innaguna wuxuu ina amray inaanu dagaalka aadno, markaasay kasoo baxday gurigeedii, saa waxay ina amreysaa inaanu guryahayaga joogno, iyadoo naga mudnayd arrinkaas. Sidoo kale reer Kuufa iyo reer Yamaamah ayay Caaisha sidaa oo kale u qortay.

Haddaba aynu u weecanno dhankii Cali, oo aynu ogeyn inuu ku jiheysnaa dhanka Shaam asagoo kasoo kicitamay magaalladii Madiina. Waxaase uga soo hor martay inuu Shaam galo arrintii Dhalxa iyo Zubayr iyo Caaisha iyo xaalladdii magaallada Basra. Habkii uu ciidamadiisii horey ugu soo dhisay ayuu kusoo dhaqaaqay Cali, wuxuuse masuuliyaddii magaallada Madiina ka baddalay Quthum bin Cabbaas oo uu amray inuu Makka masuul ka noqdo, Madiinana wuxuu masuul uga dhigay Tamaam bin Al Cabbaas. Ciidamadiisu waxaa ku jiray Cammaar bin Yaasir, Abul Haytham bin Taymaan, Abu Qataadah Al Ansaari, iyo Ziyaad bin Xandala iyo rag kaloo saxaaba ah. Ciidamadiisu waxay ahaayeen 900 oo dagaalyahanno ah. Wuu soo dhaqaaqay, ammintuna waxay ahayd bishii Rabiicul Aakhir dhammaadkeedii. Wuxuu degay Rabdah, markiina uu soo gaaray wixii Basra ka dhacay buu Madiina u cid diray si wixii hub ahaa ee u yiillay loogu soo qaado. Dabeetana wuu dhaqaaqay. Dabeetana wuxuu Kuufa u diray Maxamed bin Abii Bakar iyo Maxamed bin Jacfar oo dhanka hooyada walaalo ka ahaa, si ay ciidama gurmad ah uga keenaan halkaasi.

Markii uu damcay Cali inuu Rabdah ka dhaqaaqo ayaa waxaa istaagay Ibnu Abii Rafaaca bin Raafic oo yiri:- Amiirkii Muminiintoow! maxaad dooneysaa? iyo halkee baad inoo waddaa?

Wuxuu yiri:- Waxa aanu dooneyno ee aanu niyooneyno waa islaax, haddii ay naga aqbalayaan oo ay naga yeellayaan.

Wuxuu yiri:- Haddii ayan yeelin islaaxuna?

Wuxuu yiri:- Waanu ka weecaneynaa inta ay naga tagayaan.

Wuxuu yiri:- Haddii ay na dayninna?

Wuxuu yiri: Waanu iska celineynaa.

Wuxuu markaasi Ibnu Abii Rafaaca yiri:- Haddaba waa sidaas.

Dabeeta Xajjaaj bin Qassiyah Al Ansaari baa istaagay oo yiri:- Waxaanu kuugu raalli gelin doonnaa ficil sidaanu hadal kuugu raalli gelinnay, Illaahay baana ku dhaartaye Illaahay wuu ii gargaari doonaa siduuba noogu magacaabay Ansaar gargaarayaal. Dabeeta waxaa u timid koox banii Dhayi ah oo ku biirtay, qaar kalena hub bay u keeneen, Calina wuu soo dhaweeyay. Markii uu ka dhaqaaqay Rabdah asagoo fuushan hal casaan ah, baa wuxuu misna mar kale dhexda kula sii kulmay koox banii Asad ah iyo koox kaloo banii Dhayi ah. Kadib waxaa ka hor yimid nin reer Kuufa ah oo la oran jiray Caamir bin Madar Al Sheybaani. Markaasuu Cali weydiiyey xaalladda Kuufa, saa wuu uga warramay, dabeetana wuxuu wax ka weydiiyey Abii Muusa Al Ashcari, wuxuuna ku jawaabay:- Haddii aad dooneyso heshiis Abii Muusa ehel ayuu u yahay, haddiina aad dooneyso dagaal Abii Muusa ehel uma ahan. Markaasuu Cali yiri:- Wallaahi baanan dooneyn waxaanan heshiis ka ahayn.

Markii uu u dhawaaday magaalladii Kuufa baa waxaa soo gaaray warkii u dambeeyey ee Basra oo ah in Cuthmaan bin Xaniifa laga saaray Basra oo ay Dhalxa iyo Zubayr qabsadeen. Markaas buu Cali arrintaasi aad uga xumaaday.

Markii Cali uu gaaray Dii Qaar baa waxaa u yimid Cuthmaan bin Xaniifa oo wax tin ah aanay wejigiisa ku oollin, markaasuu ku yiri:- Amiirkii Muminiintoow! waxaad Basra ii dirtay anigoo gadh leh, imminkana waxaan kuu imid anigoo hoolan. Taas ka hor makastii markii ay Cuthmaan bin Xaniifa soo qabteen bay timihii gadhka ka rifeen, oo dabeeta Caaisha markii loo geeyay ay iska daysay.

Cali wuxuu ugu jawaabay:- Waxaad asiibtay ajar iyo kheyr. Cali wuxuu degay goobta la yiraahda Dii Qaar asagoo jawaab ka sugaya dhanka Abii Muusa Al Ashcari oo horey uu ugu diray labo Maxammed,

Labo Maxamed markii ay u tegeen Abii Muusa Al Ashcari oo ay u bandhigeen, wixii ay ka rabeen ee Cali uu u soo diray oo ahayd inuu ciidamo ku daro, wuxuu u sheegay inaanay wax dagaal ah ka qeyb qaadaneyn, reer Kuufana wuxuu amray inaanay ka qayb qaadan arrinkaas, oo uu Abii Muusa ku macneeyey fidno qaraxday, wuxuuna reer Kuufa ka dalbaday inay noqdaan dadka kuwa ugu kheyr badan oo aanay waxba ka qayb qaadan fidnadaasi. Labo Maxamed aad bay ugu caroodeen Abii Muusa dabeetana waa ay baxeen oo Cali ugu tegeen goobtii Dii Qaar oo uga warrameen wixii ay Abii Muusa Al Ashcari kala soo kulmeen oo diidmo ahaa.

Markaas buu Cali soo diray Ashtar An Nukhaci oo ay Abii Muusa Al Ashcari si wanaagsan isu yaqaanneen, iyo Cabdillaahi bin Cabbaas si ay ciidama gurmad ah uga soo qaadaan. Markii ay Abii Muusa u tegeen, sidiiyoo kale ayay iyana wixii ay rabeen ka waayeen. Dabeeta waa ay laabteen oo Cali uga warrameen wixii ay kala soo kulmeen. Markaas buu Calina soo diray mar saddexaad wiilkiisii Xasan iyo Cammaar bin Yaasir, saa waxay u tegeen Abii Muusa oo dood dheeri dhex martay. Dabeeto Zayd bin Sowxaan baa istaagay oo dadkii ku booriyey in ay u gargaaraan Cali bin Abii Daalib, misna waxaa kaloo istaagay Al qacqaac bin Camr oo sanaaddiidii Kuufa akhyaartii saxaabada kamid ahaa, wuxuuna ku booriyey in la raaco amiirka Muminiinta ee Cali, wuxuuna sidoo kale ka dhawaajiyey in ummaddu amiir laaan aanay ahaan karin, iyo in loo baahan yahay marjac howl waliba loo celin karo inuu jiro. Sidaa darteed buu Al qacqaac ku booriyey raacidda iyo u gargaaridda amiirka Mumiinta ee Cali bin Abii Daalib. Xujr bin Caddiyi oo akhyaartii Kuufa kamid ahaa baa isaguna istaagay oo dadkii ku booriyey in la aado amiirka Muminiinta oo loo gargaaro, wuxuuna akhriyey aayadda 41aad ee suuradda Towbah. Dood iyo hadallo dheer kadib baa wuxuu Abii Muusa ku soo daray Xassan iyo Cammaar 9000 oo dagaalyahanno ah. Waxaa kaloo la sheegaa in Cali uu Abii Muusa casilay oo uu Kuufa masuul uga dhigay Ashtar oo sidaa kusoo diray ciidamadaasi. Waxaa kaloo la sheegaa inuu usoo diray 12001 dagaalyahanno ah. Wallaahu aclam.

Waxaa kamid ahaa raggii mashaahiirta ahaa ee Cali kaga yimid Kuufa Al qacqaac bin Camr, Sacad bin Maalik, Hindi bin Camr, Al Haytham bin Shihaab, Zayd bin Sowxaan, Caddiyi bin Xaatim, Musayb bin Najbah, Yaziid bin Qeys iyo Xujr bin Caddiyi iyo rag kaloo qeyrkooda ah. Dabadeed Cali wuxuu ka dhaqaaqay Dii Qaar. Reer Cabdi Qeys ayaa iyana ayagoo kumanaan kun ah Basra iyo Dii Qaar dhexdooda ku sugayay Cali ibnu Abii Daalib, si ay ugu biiraan. Kadib Cali wuxuu diray Al qacqaac bin Camr oo uu udiray dhanka Dalxa iyo Zubayr iyo Caaisha si bal uu ula soo hadla una soo ogaada waxa ay u yimideen. Al qacqaac wuu dhaqaaqay, wuxuu ka billaabay oo marka hore uu u tegay hooyadii Muminiinta ee Caaisha, wuxuuna ku yiri:- Hooyooy! maxaa halkaan ku keenay? Waxay ugu jawaabtay:- Maandhoow! waxaan u imid islaax inaan dhigo dadka dhexdiisa. Wuxuu ka codsaday inay ugu yeedho Dhalxa iyo Zubayr si ay agteeda u yimaadaan, waa way u cid dirtay oo iyana yimideen. Markaasuu ku yiri:- Hooyadii Muminiinta ayaan weydiiyey, waxay u timid, saa waxay tiri:- Inaan dadka dhexdooda islaaxiyo. Markaasay Dhalxa iyo Zubayrna yiraahdeen:- Annaguna sidaa oo kale baanu u nimid.

Wuxuu ku yiri:- Waxaad iiga warrantaan islaaxanna, wejiga uu leeyahay, iyo waxa aad islaaxineysaan?

Waxay yiraahdeen:- Kuwii dilay Cuthmaan inaanu dilno haddaynu ka tegnana, waa ka tegidda Quraanka.

Wuxuu yiri:- Waxaad disheen wixii ka dambeeyey dilka Cuthmaan, kuwoodii aad ka hesheen magaallada Basra, maanta ka hor ayaad dadka agtooda soo dhaweyn iyo maqaamna ku lahaydeen, waxaad disheen 600 oo nin, waxaana u carooday daraadood 6000, oo idinka fogaaday, kana dhex baxay dhexdiinna. Waxaad raadiseen Xurquus bin Zuhayr, saa waxaa idinka hor istaagay 6000 oo haddii aad iska daysaanna, waxaad ku dhacdeen wixii aad lahaydeen. Haddii aad la dagaallantaanna waxaa idinku dhacaya wixii aad ka digeyseen. Sidee buu idinkaga fakaday Xurquus bin Zuhayr?

Wuxuu kaloo Al qacqaac u tibaaxay sida ay Dhalxa iyo Zubayr ugu suuroobi karin inay la dagaallamaan 6000 kun oo ciidan oo kasoo horjeeda, ay cududdaar ugu haystaan inuu Calina cududdaar ugu haysto inuu ka tego inuu xadka waqtigaas ka oofiyo. Wuxuu kaloo usheegay Dhalxa iyo Zubayr iyo Caaishaba in khalqi badan oo reer Rabiica iyo Mudar ah ay isu aruursadeen inay iyagu la dagaallamaan, iyagoo u careysan dadkii ay Basra ku laayeen.

Marka bay hooyadii Muminiinta ee Caaisha hadashay oo ku tiri Al qacqaac: Maxaad adigu ka leedahay? Wuxuuna Al qacqaac u tilmaamay in la doonaya arrinkani in la dejiyo, oo la midoobo, fidnaduna degto goballaduna hoggaansamaan, dabeeto si fudud hadhowta looga aargoosta fidnawadayaashii ka dambeeyey dilka Cuthmaan. Caaisha fikraddaasi way u riyaaqday, wayna soo dhaweyeen ayada iyo Dhalxa iyo Zubayrba, waxayna Al qacqaac ka codsatay in Cali uu sidaasi ka dhaadhiciyo. Dabeeto Al qacqaac wuu baxay oo u tegay Cali oo u sheegay wixii soo dhexmaray asaga iyo Caaisha iyo Dhalxa iyo Zubayr. Calina aad buu ugu farxay falkii uu Alqacqaac sameyey, wuuna u mahad celiyey. Caaisha farriin bay usoo fartay ayadoo ogeysiineyso inaanay u iman wax aanan ka ahayn islaax iyo wanaaag doon.

Dabeetana Cali ciidamadisii ayuu ka dhex istaagay oo u khudbeeyey, wuxuuna xusay jaahilliyadii iyo tafaraaruqii jiray iyo shaqaaqadeedii, sidoo kalena wuxuu xusay Islaamka iyo sacaadadiisa iyo in Alle uu soo diray Nebi Muxammed SCW oo umaddana ku kulmiyey bacdigiisa khaliifadiisii Abuu Bakar, dabeetana Cumar, misna ku kulmiyey Cuthmaan, markaasoo ay yimideen dad adduunyo jecel oo nimcooyinka Alle addoomadiisa u galay xasdaya oo kala geeyey jamaacaddii, keenayna fidno iyo tafaraaruq iyo kala tegsanaan. Dabeeta wuxuu yiri:- Hoydaay! anigu beritoole waan raran doonaa ee yuunan i raacin qof wax ka geystay dilkii Cuthmaan.

Markaas bay isu tegeen qaar kamid ah madaxdii fidna wadayaashii ka dambeeyey dilkii Cuthmaan sida Ashtar An Nukhaci, Shureyx bin Owfaa, C/llaahi bin Sabaa Ibnu Sowdaa, Saalim bin Thaclabah, Calbaa ama Qilaab bin Al Haytham iyo rag kaloo qeyrkooda ah, waxayna tiradoodu ahayd 2500 ku dhex jirtay ciidamada Cali. Waxay ka tashanayeen sidii arrini ay yeeli lahaayeen. Waxay isku yiraahdeen:- War rayigani muxuu ahaa? Wallaahay Cali baa uga ogaal badan kitaabka Alle kuwa dalbaya dhiigga Cuthmaan. Wuxuu yiri wixii aad maqasheen, berri ayayna dadku idiin kulmi doonaan, cidda ay qowmku oo idil rabaanna waa adinka, ee sidee baad ku tahiin adinkoo tiro yar, marka loo eego tira badnidooda?

Ashtar baa hadlay oo yiri: Dhab ahaan, waanu ogaannay rayiga Dhalxa iyo Zubayr sida uu dhexdayada ka yahay. Rayiga Cali-se ma aynan ogaan teer iyo maanta. Haddii ay xaaladdu sidaa noqoto, Cali waxaynu ka daba geyneynaa Cuthmaan, markaana dadku waa ay inaga aamusayaan, oo iska kaayo dayn doonaan.

Ibnu Sowdaa ayaa hadlay oo yiri:- Waxaa baas lahaaday waxaad rayi moodday, haddii aynu dilno waa la ina layn, ee annaga kulanka kuwii dilay Cuthmaanoow! waxaynu nahay 2500, Dhalxa iyo Zubayr ciidamadooduna waa 5000 oo wax awood ahi uma haysaan, iyana adinka uun bay idin doonayaan.

Qilaab ama Culbaa bin Haytham baa isaguna hadlay oo wuxuu tilmaamay inay goballada aadaan oo dagaalladan oo idil isaga baxaan, kuna dhuuntaan halkaasi, si ay ku nabad helaan.

Saa C/llaahi bin Saba Ibnu Sowdaa baa hadlay oo yiri:- Waxaa baas lahaaday waxa aad tiri, haddayba markaasi dhacaysaa in dadku ina kala dafaan.

Dabeeto Illaahay ha dulleeyoe Ibnu Sowdaa wuxuu raggiisii u tilmaamay fikir ay uwada riyaaqeen, wuxuuna u sheegay inay kala galaan labada ciidan, ciidamada Cali iyo kuwa Dhalxa iyo Zubayr oo markaasi ay weerar ku kala qaadaan labada dhinac si ay dagaal u huriyaan oo labada qolo aanay u heshiin, si markaasi ay iyaga u badbaadaan, iyo si dabeeto loo illaawo falkii ay geysteen ee ahaa dilkii Cuthmaana, waana ay u hirgashay hadafkii ay wateen fidna wadayaashaasi, markii ay rayigii Ibnu Sowdaa meel mariyeen. Illaahay ha dulleeyo, dhammaan wixii ka dambeeyey dilkii amiirka Muminiinta ee Cuthmaan bin Cafaan iyo wixii ka qeyb qaatayba.

Cali waa uu soo dhaqaaqay subaxii markii uu waagu baryay, wuxuunna soo abbaaray dhankii Kuufa asagoo doonaya inuu la kulmo Dhalxa iyo Zubayr iyo Caaisha. Dhexda wuxuu kusoo maray reer Cabdi Qeys oo iyagu sugayay dabeetana ku biiray ciidamadiisii. Marba marka ka dambeysana way sii kordhayeen ciidamadii amiirka Muminiinta. Cali wuxuu sii degay Zaawiyah, oo misna ka dhaqaaqay oo aaday dhankii Basra. Saa markii ay labadii qolo kulmeen, wuxuu Cali taa ka hor Dhalxa iyo Zubayr u diray in la is magan geliyo oo wax weerar iyo dagaal ah la fulinin, iyana sidoo kale aad bay arrintaasi u soo dhaweyeen. Labadii qolo way isasoo hor degeen, markaa bayna qaar kamid ah ciidamadii Dhalxa iyo Zubayr kula taliyeen in ay ka faaideystaan fursaddaasi oo ay laayaan raggii fidna wadayaasha ahaa ee ka dambeeyey dilkii Cuthmaan kuwooda ku jira ciidanka Cali. Dhalxa iyo Zubayrse waxay tilmaameen in aanay arrintaasi habbooneeyn, maadaama ay ayaga iyo Cali kuwada heshiiyeen in arrintu nabad iyo heshiis lagu dhammeeyo.

Ciidamada Muslimiinta qolaba qolada kale ayay u tagayeen oo ergaduna la is dhaafsanayeen, waxaana qola kasta ay ku faraxsaneed midnimada iyo walaaltinnimada Islaamka, iyo in wax waliba si midnimo iyo wada hadal lagu dhammeeyo. Waxay u ahayd arrin ay dhammaan labada dhinacba ku faraxsanaayeen, marka laga reebo raggii fidnada waday ee iyagu ka dambeeyey dilka Cuthmaan bin Cafaan Illaahay haka raalli noqdee. Cali wuxuu dhanka Dhalxa iyo Zubayr u diray C/llaahi bin Cabbaas, iyana waxay u soo direen Maxamed bin Dhalxa bin Cubeydullaahi oo loo yaqaanay Maxamed As- Saajid. Ergadu sidaas ayay isu dhaafsaneyeen oo ay isu dhex galayeen. Habeenkii subaxiisa la doonayay in wada kulmo, Cali iyo asxaabtiisa, waxay u ahayd habeen farxadeed oo kheyr lagu baryay, dhanka Dhalxa iyo Zubayrna sidoo kale, habeen ay farxad iyo kheyr ku baryeen ayuu ahaa. Kuwiise fidnada waday ee dilkii Cuthmaan ka dambeeyey, wuxuu habeenkaasi u ahaa habeen madow iyo murugo, mana ay seexan ee waxay ka fikirayeen sidii ay wax yeeli lahaayeen, ayagoo markii horeba qorshe diyaarsaday. Kaasoo ahaa inay ku kala biiraan labada qolo oo weerar ay isku qaadaan, dabeetana ay sidaasi dagaal ku huriyaan. Cali ibnu Abii Daalib ciidamadiisii wuu la hadlay asagoo amraya inay af iyo addinba ka laabtaan walaalahooda reer Basra, iyana way u hoggaansameen amarradii amiirka Muminiinta. Taas ka hor Axnaf bin Qeys baa Cali u yimid oo u keenay 10 000 oo seefood.

Markii uu bidhaamay kaahii arooryaad, ayay fidna wadayaashii labadii ciidan ku kala biireen, oo weerarro qaadeen, ciidamadii reer Basra arrintaasi markay ka war heleen oo ay weydiiyeen, waxaa loo sheegay in ciidamada Cali ay soo weerareen. Kuwii Calina markii ay buuqa iyo sawaxanka la yaabeen oo ay weydiiyeen, waxaa loo sheegay in ciidamadii Basra ay soo weerareen. Markaas baa labada dhinac hubkii loo kala orday oo seefta laysla dhacay, waramaduna layska dhex dusiyey, gamuunnaduna laysla helay, dagaalkiina wuu huray oo dirirtiina darnaatay labada qolo, ayadoo fidna wadayaashuna ay ka soo horjeedeen inuu inyarna istaago dagaalka, si aanan loo ogaan, iyaga ayaana hurinayay dagaalka labada dhinacba. Gacmo iyo lugo badan ayaa faniinay, mashaahiirtii geesiyada ahayd ayaa isu ban baxay oo seefaha is daray, garaangirtii dagaalkuna waa ay wareegatay. Majirin horeyna looma arag macrikadani macrika kaga gacan iyo lug faniin badan, waayo gacmo badan iyo lugo badan baa dharaartaasi goay. Taasina waxay ahayd arrin uu Allaha Qaadirka ahi qadaray oo uu horey u xukmiyey. Fa innaa lillaahi, wa innaa illeyhi raajicuun.

Cali bin Abii Daalib, wuu dhawaaqayay asagoo lahaa:- War hoydaay! joojiya, war hoydaay! joojiy. Cidse majirin dheg jalaq u siineysay hadalladiisa. Kacab bin Suur oo ahaa qaadigii magaallada Basra markii uu masuulka ka ahaa Cuthmaan bin Xaniifa ayaa u tegay hooyadii Muminiinta oo ka dalbaday inay umadda u soo baxdo, si ay ula hadasho oo Alle dagaalka sabab uga dhigo inuu joogsado. Markaas bay soo baxday oo howdajkeedii ay dhex gashay, dabeetana awrkeedii loo dul saaray. Markaas bay saaxadii dagaalka soo gashay, ayadoo marba dhinac istaageyso, meelahii uu dagaalka kasocday, oo dadka amreyso inay dagaalku joojiyaan, saa ma jirin cid dheg jalaq usiiso.

Qaar kamid ah mashaahiirtii caanka iyo geesiyaashii labada dhinac ayaa mubaaraso ku kulmay, waxaana kamid ahaa dadkii mubaarasada ku kulmay Zubayr oo halyey geesi ahaa iyo Cammaar bin Yaasir oo waaga 90 jir ahaa. Zubayr ma uuna jecleysan inuu Cammaar dilo, markaasuu arkay Cammaar oo seeftiisii ka wiligsiinaya una jeeda dhanka Zubayr. Markaasi buu Zubayr yiri:- Ma waxaad dooneysaa inaad i disho Abal Yaqdaanoow!? Wuxuu Camaar ku jawaabay:- Maya Abuu Cabdullaahiyoow!.

Zubayr wuxuu horey u maqlay Rasuulka Alle SCW oo Cammaar ku oranaya:- Waxaa ku dili doonto koox xad gudubtay. Sidaa daraaddeed buuna Zubayr jecleysan inuu Cammaar dilo, sidoo kalena asbaabahii dagaalka Zubayr ka saaray ayay arrintaasi xubin ka ahayd. Waayo Zubayr wuxuu ka cabsi qabay in dagaalkaasi lagu dilo Cammaar oo oday da ahaa, oo markaasina ay dhacda in qoladii Zubayr ay noqdaan koox xad gudubtay siduu Rasuulka SCW horey u sheegay.

Sidoo kale dagaalkii oo meel aad u kulul maraya, ayuu Cali Zubayr la hadlay oo weydiiyey:- Zubayroow! ma xasuustaa, maalintii uu Rasuulka SCW kugu lahaa ma jeceshahay Cali? ee aad tiri:- Maxaan u jeclaan waayay ina abtigeey iyo ina adeerkeey, oo misna ku sugan diintayda? Oo markaasi uu kugu yiri:- Waad la dagaallami doontaa adigoo ka gardaran?

Wuxuu Zubayr ku jawaabay:- Haa! Illaahay baan ku dhaartaye, waan illaaway markii aan Rasuulka SCW ka maqlayba, haddii aan xasuusan lahaana kulama aan dagaallameen.

Kadib Zubayr dagaalkii buu ka baxay, wuxuuna xoreeyay wiil adeega u ahaa oo la oran jiray Makxuush waxaa kaloo la sheegaa inuu xoreeyay adeegahiisii Jarsuus. Dabeetana wuu ka baxay dagaalka oo aaday waadi la yiraahda Waadi Subaac, oo halkaasi uu ku dilay asagoo jiifa ama tukanaya mid inkaar qabe ah oo il kheyr ma saare ah oo fidna wada ah oo la oran jiray Camr bin Jarmuus. Kaasoo Cali inta u tegay ugu warramay inuu Zubayr soo dilay, asagoo taasi ku filanayay inuu Cali agtiisa soo dhaweyn kaga heli doono, balse Cali wuu iska eryay wuxuuna ugu bishaareeyey Naarta, waayo Rasuulka SCW ayaa horey u yiri:- Ugu bishaaree Naarta ninkii dila ina Safiya Zubayr. Dhalxana gamuun habow ah baa haleelay oo dagaalka dhexdiisa ayuu ku shahiiday Illaahay haka raalli noqdee. Waxaana la sheegaa in gamuunkaasi uu ganay Marwaan bin Xakam. Wallaahu aclam.

Dagaalku marna wuu qaboobayay, marna wuu kacayay, markaas bay hooyadii Muminiinta ee Caaisha u dhiibtay Kacab bin Suur, musxafka oo ka codsaday inuu dadka ugu yeero, si ay dagaalka u joojiyaan. Markaas buu Kacab bin Suur la aaday musxafkii dhanka ciidamada muqaddamada ee Cali oo uu markaasi ku jiray C/llaahi bin Saba, saa gamuunna ayay ku hoobiyeen jeer ay ka tallaabsadeen oo ay dileen. Dagaalkiina sidii buu usii socday, gamuunnaduna way ku dhacayeen huudajkii hooyadii Muminiinta ay ku dhex jirtay. Waxay ku dhawaaqeysay:- Allaah Allaah! wiilasheydoow! xasuusta maalinta Qayaamaha. Markaas bay gacmaheedii sare u qaadday oo Alle bariday ayadoo habaareyso kuwii ka dambeeyey dilka Cuthmaan ee misna fitantani huriyey. Markii uu Cali maqlay inkaarta iyo habaarka Caaisha ayaa asaguna wuxuu yiri:- Allahayoow! lacnaddaada dul yeel, wixii dilay Cuthmaan. Dagaalkii markuu sii huraya, ayuu Cali wiilkiisii Maxamed bin Xanafiyah amray inuu calanka qaado oo horay ula socda, saa asaguna wuu ku dhici waayay, kadibna Cali baa ka qaaday calankii ciidamada.

Awrkii ay fuushaneed hooyadii Muminiinta ee Caaisha Illaahay haka raalli noqdee, waxaa hoggaankiisii ku naf waayay 70 qofood oo isaga kala dambeysay. Waxaa kaloo la sheegaa in 70 kalena ay ku gacmo waayeen. Waxaana la sheegaa in 70-ka ku gacma weyday ay ahaayeen banii Dibbah. Sidoo kale waxaa maalintaasi hoggaanka awrka qabtay banii Naajiyah oo ka ag dagaallamayay hooyada Muminiinta agteeda, iyo banii Caddiyi bin Cabdimanaaf.

Dadkii hoggaanka awrka qabtay waxaa kamid ahaa Maxamed bin Dhalxa bin Cubaydillaah, oo ku yiri hooyadii Muminiinta:- Hooyooy! i amar wixii aad i amreyso? Waxay ku tiri:- Wiilkeygoow! noqo sida midkii kheyr badnaa wiilashii Aadam sidii Haabil oo kale. Saa asagoo hoggaankii haya ayaa lagu dilay Illaahay ha u naxariistee.

C/llaahi bin Zubayrna wuxuu kamid ahaa raggii hoggaanka awrka qabtay, balse kuma uu dhiman dagaalkan, waxayna mubaaraso isku heleen, Ashtar An Nukhaci oo halyeey dagaalyahan ahaa, da ahaanna ka weynaa Ibnu Zubayr. Saa markii ay is heleen, baa C/llaahi dhaawac culusi madaxa lagu dhuftay, isaguna wuxuu Ashtar ku dhuftay dhaawac fudud. Dabeetana waa ay kala bad baadeen. C/llaahi bin Zubayr waxaa maalintaasi soo gaaray 37 dhaawac. Sidoo kale Marwaanna dhaawacyo badan ayaa asaguna soo gaaray.

Cammaar oo waaga 90 jir ahaa, wuxuu mubaariso ku dilay nin saddex nin oo ciidamadii Cali kamid ahaa mubaariso ku dilay, waxaana ninkaasi la oran jiray Camr ama Cumeer bin Yathribi. Sidoo kale waxaa kamid ahaa raggii hoggaanka awrka qabtay Camr bin Al Ashraf, saa ciddii kusoo dhawaataba uu seefta ku hoolaa, illaa markii dambe uu u soo baxay Al Xaarith bin Zuhayr Al Asdi, oo markaasi labaduba ay labada darba is dhaafsadeen, oo mid walbaba midka kale uu sidaa ku dilay.

Dabeeto awrkii ayaa la boqno jaray, waxaana ugu dambeeyey oo markaasi hoggaankiisa hayay Zifir bin Al Xaarith. Waxaa la sheegaa in asaga iyo Bujayr bin Daljah ay isku raaceen in awrka la boqno jaro, si dagaalku u qaboobo. Sidoo kale Al qacqaac bin Camr ayaa la sheegaa inuu arrinkaasi soo jeediyay, si hooyada Muminiinta oo markaasi huudajkeedu gamuunnada kudul dhacayeen aanay waxba u gaarin oo dagaalka loo joojiyo. Sidoo kale waxaa la sheegaa inuu Cali amray ama ishaaray arrinkaasi. Illaahana og. Markaasi buu dagaalkii istaagay, oo huudajkiina awrka laga soo dul dejiyey. Dabeeta Maxamed bin Abii Bakar ayaa u tegay Caaisha oo salaamay, dabeetana, weydiiyey inay wax dhiba ku dhaceen. Iyana waxay usheegtay inaanay waxba dhiba ku dhicin. Cammaar Ibnu Yaasir iyo rag kale oo badan ayaa iyana u tegey oo soo salaamay, Sidoo kale Cali ayaa u tegay oo soo salaamay, wuxuuna weydiiyey:- Sidee baad tahay hooyo!

Waxay ugu jawaabtay:- Waa kheyr.

Wuxuu ku yiri:- Ilaahay ha kuu dembi dhaafo.

Habeenkii markii la gaaray, hooyadii Muminiinta waxay gashay magaalladii Basra ayadoo uu la socda Maxamed bin Abii Bakar. Waxayna ku dul degtay daarta Cabdillaahi bin Khalaf Al Khuzaaci, waxayna daartaasi ahayd daarta ugu weyn Basra. Waxay ku dul degtay Safiyah bint Xaarith bin Abii Dhalxa bin Cabdilcuzza bin Cuthmaan bin Cabdi Daar oo loo yaqaannay Umu Dhalxa.

Dhaawacyadii dagaalkuna waala qaaday, oo waxaa la geeyay magaalladii Basra, wuxuuna Cali amray in hantidii dagaalka laga helay oo idil la isu soo aruuriyo dabeetana la geeyo masjidka, si ciddii garata alaab ay leedahay ama ay ehelladooda leeyahiin ay hadhowto ugu geeyaan ama u qaataan. Wuxuuna ka reebay oo kaliya hubkii uu meeshaasi ka helay. Qaar kamid ah ciidamadiisii ayaa Cali ku eedeeyey in uusan qafaalan wax dumar ah, iyo inuusan qaniima helin. Wuxuuna Cali raggaasi ku qanciyey suaal wada aamusiisay oo ku ridday afkii baa juuqda gabay. Wuxuu ku yiri:- Kiinnee baa raalli ku ah, inuu saami u helo hooyadii Muminiinta? Illaahay baan ku dhaartaye waa afadii Rasuulkiinna SCW ee adduun iyo aakhiraba.

Waxaa dagaalkani ku geeriyooday 10 000 oo labada dhinac ah, dhanka Cali waxaa laga dilay 5000, dhanka Caaishana 5000 Fa innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun.

Cali wuxuu kusugnaa goobtii dagaalka muddo saddex casho ah, markiina uu dagaalka istaagay wuxuu dhex qaadayay meydka oo markii uu arko qof uu garta dul istaagayay, oo u raxmad dalbayay. Dhammaanna wuu u raxmad dalbay oo inta isu soo aruuriyey ku tukaday salaaddii Janaasada. Asagoo dhex maraya meydka ayuu Cali arkay maydka Dhalxa bin Cubaydillaah, markaasuu ooyay oo si aad ah u murugooday, wuxuuna ku cataabay:- Shallaytadeydee Xassanoow! aabaha muxuu u dhimman waayay 20 sano ka hor maalintan? Sidoo kale Cali markii uu arkay Maxamed As- Saajid bin Dhalxa oo mayd ahina aad buu u murugooday oo ugu ooyay Illaahay haka raalli noqdo idilkooduba.

Waqtigaasi uu dagaalku dhacay wuxuu ahaa bartamihii Jamaadul Aakhir, markaas ayuu Cali galay magaalladii Basra maalin Isniin ah. oo uu la mubaayacooday dadkii magaallada. Dabeetana maal badan u qeybiyey asagoo ka nafaqeeyey beytul maalkii Muslimiinta. Wuxuu la kulmay Cabdiraxmaan bin Abii Bakrah- Nufeec bin Xaarith Al Thaqafi oo uu la mubaayacooday, dabeetana weydiiyey aabahiis Abii Bakrah? Saa wuxuu u sheegay inuu xanuunsanyahay. Markaasuu soo hor kacay, oo uu dul geeyey. Markaasuu Cali salaamay, saa wuu soo dhaweeyey una cududaartay inuu u iman waayay. Wuxuu Cali u bandhigay inuu udhiibo masuuliyadda magaallada Basra, balse wuu ka cududaartay arrinkaasi, wuxuuna u soo jeediyey inuu u dhiibo C/llaahi bin Cabbaas. Markaasuu Cali masuul uga dhigay C/llaahi magaalladii Basra. Wuxuuna ku dhaafay oo uu u xilsaaray baytul maalkana Ziyaad bin Abiihi oo aanan ka qayb qaadan dagaalkii dhacay.

Kadib Cali ayaa waxaa usoo galay nin, wuxuuna usheegay in albaabku ay joogaan laba nin oo wax ka sheegeysa Caaisha. Markaas buu Cali soo diray Al qacqaac bin Camr si uu u edbiyo nimankaasi oo amray inuu jeedaleeyo oo ku dhufto midkiiba 100 jeedal. Sidii buuna Al qacqaac kufalay raggaasi.

Cali waa uu booqan jiray hooyadii Muminiinta ee Caaisha intii ay joogtay Basra, asagoo ugu tegi jiray gurigii daarta C/llaahi bin Khalaf. Markii ay damacday inay baxdo oo ay aaddo Makka, wuxuu Cali u keenay, wax waliba oo ay safarkeeda ugu baahantahay, sida saad iyo hanti iyo gaadiidba. Wuxuuna ku daray walaalkeed Maxamed bin Abii Bakar. Asagiina wuu raacay oo dhowr mayl la sii socday oo sii sagootiyey, dabeetana ka soo laabtay.

Marwaan bin Xakam asagu waxaa magan geliyey Maalik bin Masmac oo uu daartiisa ku sugnaa, dabeetana Caaisha markay Makka aadday, buu asaguna Shaam aaday.






Ra'yi lama dhiiban



Name:
Email:
Code: qnkd
Text:
 

  • Home
  • Duruus
  • Quraan
  • Video
  • S&J
  • Muxaadao
  • Contacts



  • sisawc ka baro diintaada © 2012 privacy policy terms of use