Previous  




-

سبحان الله والحمد لله ولا اله الا الله والله اكبر
 

Cali Bin Abii Daalib rc Q-1aad

Hooy ina Abii Daaliboow! miyaadan kuraalli ahayn inaad ii joogta booskuu Haaruun u joogay Muuse CS oo kale, oo aanan ka ahayn inuuna Nebi iga dambeyn?

Sidaa waxaa yiri Nabiga SCW.

Cali bin Abuu Daalib Cabdumunaf bin Cabdulmudalib Sheyba bin Haashim Camr bin Cabdumunaaf Muqiirah bin Qusay Zeyd bin Kilaab bin Murrah bin Kacab bin Luay bin Qaalib bin Fihir bin Maalik bin Nadar bin Kinaanah bin Khuzeymah bin Mudrikah bin Ilyaas bin Mudar bin Nizaar bin Macad bin Cadnaan Al Qurashi Al Haashimi.

Waxaa loogu kunyoon jiray Abul Xasan, sidoo kale Abuu Turaab. Hooyadiis waa Faadimah bint Asad bin Haashim bin Cabdulmunaf bin Qusey Bin kilaab. Waxay ku kulmaan hooyadiis iyo aabahiis xagga nasab ahaanta odayga Cabdulmunaaf, waana banii Haashimkii ugu horeyay ee is guursada yacni Abuu Daalib iyo Faadimah bint Asad. Wuxuu Cali kudhashay magaalada Makkah 13-kii Rajab 23 sano kahor hijrada oo kubeegan 17-kii Maarso 599 Miilaadiyada, sida ay qaar kamid ah muarrakhiintu sheegaan. Waa mid kamid ah tobankii saxaabi ee Jannada loogu bishaareyey iyagoo nool. Sidoo kale waa ina adeerkii Nabiga SCW iyo khaliifkii afaraad ee khulafaauraashidiinka Illaahay haka raalli noqdee.

Aabahiis waa oday kamid ahaa saadaaddii Quresheed iyo adeerradii Nabiga SCW. Wuxuu Abuu Daalib ahaa kii soo barbaariyey oo kafaala qaaday Rasuulka SCW kadib dhimashadii Cabdulmudallib. Waxuu ahaa Abuu Daalib kan ugu naxariis badan adeerada Nebiga SCW. Inkastoo uu kudhintay diintii jaahiliyada haddana waxuu yaqiinsanaa Abuu Daalib inay diin xaqa tahay diinta uu layimid wiilkuu adeerka u yahay ee Muxammed SCW.

Wuxuu Cali ku Islaamay Makka horaantii Nabinimada, wuxuna ahaa qofkii kowaad ama labaad ee Islaama, waana qofkii ugu horeyay ee ka Islaama xagga carruurta, waayo wauuu markaasi jiray 8 ama 10 sanadood .

Islaamiddiisii

Imaam Mujaahid waxuu yiri:- Qofkii ugu horeeyay xagga Saxaabada ee tukaday waxuu ahaa Cali bin Abuu Daalib.

Cabduraxmaan bin Zaraarah waxuu yiri:- Cali Markuu Islamayay waxuu jiray 9 sano.

Waxuu yiri Xasan bin Zeyd:- Cali bin Abii Daalib waligiis sanamyada ma uusan taaban umuuna dhawaan.

Cabdullaahi bin Cabbaas waxuu yiri:- Qofkii ugu horreeyay ee Islama Khadiija kadib waxuu ahaa Cali bin Abuu Daalib.

Waxuu yiri Maxamed bin Camr:- Dadka waxaa ugu hor Islaamay Khadiija, kadib agtayada waxan isku khilaafnaa saddex qofood koodii ugu horeyay ee Islamay Khadiija kadib, Waana Abuu Bakar, Cali bin Abii Daalib iyo Zeyd bin Xaaritha.

Markii Rasuulka SCW lasoo diray buu u yimid Cali oo kuray yar ah, markaas buu ku yiri:- Caliyoow! Ilaahay xagiisaan kuugu yeeri ee diintaan soo gal. Wuuna u sharxay, saa kadib Cali waxuu yiri: Abaa Daalib baan soo weydiin, waayo kama careysiin karoe.

Markaas buu Nabigu SCW yiri:- Mayee haddaadan qaadaneyn cidina ha usheegin oo afkaada iska qabso. Kadibna Cali wuu iska amusay oo habeenkii buu iska seexday isagoo arrinkii ka fekeraya kadib baa quluubtiisa Illaahay u wasiciyey islaannimada, wuuna kusoo kallahay xaggii Nabiga SCW, waxuuna ku yiri:- Ibar diintaadan. Halkaas buuna ku islaamay Cali. Waxaa ka sugnaatay Cali xagiisa inuu yiri:- Waxaan ahaa qofkii ugu horeyay ee tukado xagga saxaabada.

Noolashahiisii & Waqtigii Nebiga SCW

Cali bin Abii Daalib intii magaallada Makka uu joogay, wuxuu ku noola gurigii Rasuulka SCW, waayo, Rasuulka SCW ayaaba soo koriyey oo taasi kafaala qaaday. Sababtuna waxay ahayd Abii Daalib wuxuu ahaa oday da ah oo misna aanan hanti buuran lahayn. Sidoo kale wuxuu lahaa carruur badan. Saa waxaa dhacday abaar daran oo dadkii diif iyo macluul darani qabatay. Markaas buu Nebigu SCW u tegay adeerkiis Al Cabbaas, oo ka dalbaday in ay israacaan oo u tagaan Abii Daalib oo ka caawiyaan korinta carruurta. Waxay u tegeen Abii Daalib, markiina ay arrintii u sheegeen, baa wuxuu Abuu Daalib yiri:- Caqiil mooyaane, inta kale kaad doontaan kaxaysta.

Markaas buu Rasuulku SCW Cali kaxaystay, Al Cabbaasna wuxuu kaxaystay Jacfar oo ay sidaa ku kafaalo qaadeen. Wax badan kama soo wareegin markii uu Jacfar qaan gaaray oo uu guursaday, goonina u degay. Calise isagu wuxuu ahaa mid ka yar Jacfar da ahaan 10 sanadood, wuxuuna sidaa daraadeed kusii nagaaday gurigii Rasuulka SCW oo uu ka qaatay barbaarin iyo abaabin wanaagsan.

Habeenkii Hijrada Rasuulka SCW

Maalintuu damcay inuu xabiibkeenna Muxammed SCW u soo haajiro magaalada Yathrib Madiina baa waxaa tashtey odayaashii iyo wax garadkii Quresheed si ay arrintaas isku hor istaajiyaan. Waxayna shir aan kala go laheyn kuyeesheen Daaru Nadwaa Golahoodii Fadhiga. Waxayna goaan soo saareen inay dilaanba Nabiga SCW, oo waxay isku raaceen in qola waliba oo Qureesh kamid ah laga soo dhex saaro wiil shaab ah oo seef wata, kadiba albaabka in loo fadhiista oo markuu damca Nebigu SCW inuusoo baxa halmar lagu wada dhufta seefaha sida darba hamar uu nin ku dhuftay oo kale ah. Markaas kadib haddii ay banuu Haashim waa tolka Nabiga uu kadhashaye ay kudoodaan sababta loo dilay waxaa lasiin doonaa diyo. Haddii ay diyadu diidaana dee iskama celin karaan Qureesh dhan waayo Qureesh dhan baa halmar ku dhufatay seefaha. Arrinkaas bay isku waafaqeen Qureesh waxana fikradaas xun lahaa oo keenay Abuu Jahal Camr bin Hishaam. Kadib waxaa yimid Malakol Jibriil CS oo markaas uga warramay Nebiga SCW waxa ay Qureesh ku tashatay iyo inay doonayaan inay dilaan, saa kadib Nebiga SCW wuxuu latashtay Cali bin Abuu Daalib oo uu runtii aad u jeclaa, wuxuuna ku yiri:- Caliyow! Qureesh sidaas bay ku tashatay. Kadib wuxuu amray inuu firaashkiisa seexdo caawo oo Nebigu isku furto. Kadibna wuxuu amray in howlaha uu Rasuulku SCW Muslimiinta iyo dadka u hayay oo amaano ah uu usoo kala gudo dadka dadkii lahaa.

Cali waxuu yiri:- Rasuul Alloow!! haddii aan caawo firaashkaaga seexdo naftaadu miyay badbaadeysa oo cadawyada Quresheed miyaad ka bad baadeysaa? Saa waxuu yiri Rasuulka SCW:- Haa oo nafteydu way bad baadeysaa inshaa Allaah.

Markaas buu Cali sujuud la dhacay oo uu isagu isku furtay oo uu sidaas ku seexday firaashkii Nabiga SCW.Nabigu SCW habeenkii buu gurigiisa kasoo baxay iyagoo Qureeshtu ay dhooban yahiin albaabka aqalkiisa, lakiinse ma aysan arkin oo Illaahay baa ka indha saabay dhammaantood. Saa markaa iyada ah waxuu Nabiga akhrinayey aayad kujirta suuradda Yaasiin oo ah qowlka Alle kor ahaaye

Waxaan ka yeelnay hortooda gidaar gadaashooduna gidaar oo waan indho daboolnay mana arkayaan waxbo. Suuratu Yassiin, aayadda 9aad.

Markaas buu Rasuulku SCW cantooba carro ah qaaday oo xagooda ku tuuray manaysan arag dhammaan. In qadar ah markuu ka maqanyahay baa sheydaan u yimid oo uu ku yiri Hoogiinee Muxamed soo kan baxay? Markaas bay halmar wada kaceen oo hambar hambar u dideen, deedatana ay soo wada laabteen, saa waxay arkeen firaashkiisii oo meesha goglan iyo Cali oo dul hurda. Markaas bay umaleyeen Nabiga SCW oo wali jiifa, waxayna sugaayeen ilaa uu kasoo kacaya, saa waa berigii baa waxaa meeshii kasoo kacay Cali bin Abuu Daalib. Markaas baa intay kusoo rooreen kudhegen oo ay yiraahdeen:- Maxamed meeyay? Saa waxuu yiri:- Mooji oo garan mahayo anigu. Kadib way isaga tegeen. Saa waxay yiraahdeen Qureeshtii: Qofkii keena Muxammed iyo saaxiibkiis Abu Bakar Siddiiq nolal ama geeri waxuu yeelan doonaa abaal marin 100 halaad oo geel ah. Saddex maalin oo uu god kujiray kadibna Nebiga SCW waxuu soo abbaaray safarkii dheeraa ee Makka iyo Madiina dhexdooda isaga iyo saaxiibkiisa Abuu Bakar Siddiiq. Markuu Nebiga SCW yimid Magaallada Madiina isagoon weli ka dhaqaaqin deegankii banii Camr bin Cowf buu Cali kadaba yimid isagoo soo gutay howshii looga soo tegay .Waxuuna soo socday muddo gaaban marka loo eego masaafada iyo inta loo socon karo, waxuuna socday habeenkii maalintiina wuu dhakan jiray si aan loo arkin amaba loo dareemin isagoo markaa iyada ah geli jiray geedaha hoostooda. Waxuuna kusoo degay Cali gurigii Kalthuum bin Hadam Al Ansaari. Cali waxuu ahaa halyeey wayn oo nafsadiisa ku furtay nafta Nabiga SCW. Waana Qofkii ugu horeyay ee uu Nabiga nafsadiisa ku furta.

Nolashiisii Madiina

Markii uu Cali ka daba tegay Rasuulka SCW magaalladii Madiina isagoo bad qaba, soona guday howlahii uu Rasuulka SCW uga soo tegay, markaas buu Rasuulku SCW aad ugu farxay oo soo dhaweeyay. Markiina Rasuulku SCW Muhaajiriin iyo Ansaar uu walaaleynayay, waxaa la sheegaa in Sahal bin Xaniif iyo Cali uu walaaleeyay. Werinnada qaar waxay xusaan in Nebigu SCW uu walaaleyay nafsaddiisa iyo Cali. Balse waalaga culusyahay qowlkaas. Waayo Nebigu SCW iyo Cali si bay walaalo u ahaayeen. Sababtoo ah waxay ahaayeen ilma adeer. Waxaa suurto gal ah marka in uu Nebigu SCW ula dan lahaa in asaga iyo Cali ay walaalo yahiin. Balse markaasi aanay ahayn xilligii la walaaleynayay Muhaajiriin iyo Ansaar. Qowlka ugu culus wuxuu yahay in Sahal bin Xaniif lala walaaleeyay Cali Allaha ka raalli noqdee markii la walaaleynayay Ansaarta iyo Muhaajiriinta.

Cali wuxuu laasimay ka agdhawaanshaha iyo la joogidda Rasuulka SCW. Maalintii Dul Cusheyrah waxuu la socday ciidamadii Rasuulka SCW, waxaanay isku awr fuuleen Cammaar bin Yaasir Illaahay haka raalli noqdee oo ay duullaankaasi labo rafiiq oo gaar ah wada ahaayeen.

Dagaalkii weynaa ee Bader ayuu sidoo kale Cali ka qeyb qaatay. Nebigu SCW asagoo Cumar la hadlaya wuxuu ku yiri:- Maxaad mooddaa Cumaroow!, waxaa laga yaabaa inuu Illaahay reer Bader daallacday oo uu ku yiri:- Fala wixii aad doontaan waan idiin dambi dhaafaye.

Gacan cad ayuu Cali Allaha ka raalli noqdee ku lahaa maalintaa iyada ahi, iyo meeqaam la mahadsho, wuxuu siday calanka Muhaajiriinta oo la oran jiray Al Caqaab. Ansaartuna waxaa calanka u waday Sacad bin Mucaad. Calanka guudna waxaa loo dhiibay Muscab bin Cumeyr. Cali wuxuu ahaa mid kamid ah raggii maalintaasi mubaarasada ka soo baxay dhanka Muslimiinta. Wuxuuna ahaa kii ugu yaraa saddexdii nin ee dhanka Muslimiinta kasoo baxday. Waxayna saddexdaasi kala ahaayeen Cali iyo adeerkiis Xamsa, iyo ina adeerkiis Cubeydah bin Xaarith. Waxay ahaayeen saddexduba hal qoys oo weliba ahlu beydka Rasuulka SCW ah. Waxay u baxeen saddex kale oo iyana hal qoys ah. Waxayna kala ahaayeen Sheyba bin Rabiica, Cutbah bin Rabiica iyo Waliid bin Cutbah bin Rabiica.

Cali wuxuu maalintaasi dilay ninkii ku soo haggaagay mubaarasada, kaasoo ahaa Waliid bin Cutbah. Sidoo kale waxay asaga iyo adeerkiis Xamsa is raaciyeen oo ay dileen Cutbah oo dhaawac ah kadib markay raggoodii ka soo faaruqeen, Cubeyda oo dhaawacna horey bay usoo qaateen.

Cali wuxuu dagaalkaasi Bader ku laayay in badan oo kamid ah gaalladii Qureesheed, waxaana kamid ahaa dadkii uu meeshaasi ku laayay:

1. Waliid bin Cutbah oo uu ku dilay mubaariso.

2. Cutbah bin Rabiica bin Cabdishams asaga iyo adeerkiis Xamsa ayaa isla dilay, taa kahorna Cubeydah ayaa dhaawacay.

3. Al Caas bin Saciid bin Al Caas bin Umayah wuxuu ninkani la dhashay saxaabiga Jaliilka ee Khaalid bin Saciid, sidoo kale Cuthmaan bin Cafaan bay ilma adeer ahaayeen

4. Cuqbah bin Abii Mucayd goobta Cirqud Dabiyah ayuu ku dilay kadib markii lasoo qafaashay. Rasuulka SCW ayaana amray.

5. Nadar bin Xaarith Sidoo kale dhexda ayuu ku dilay amaraka Rasuulka SCW - goobta Safraa.

6. Ducaymah bin Caddiyi asaga- Cali iyo adeerkiis Xamsa ayaa isla dileen.

7. Caqiil bin Al Aswad bin Muddallib Cali iyo Xamsa ayaa isla dilay.

8. Nowfal bin Khuweylid.

9. Mascuud bin Abii Umayah bin Muqiirah Al Makhzuumi.

10. Abul Qeys bin Faakiha bin Muqiirah Al Makhzuumi Cali ama Cammaar bin Yaasir midkood ayaa dilay.

11. C/llaahi bin Mundir bin Abii Rafaacah.

12. Xaajib bin As- Saaib bin Cuweymir Al Makhzuumi.

13. Al Caas bin Munbih bin Xajjaaj Al Sahmi.

14. Abul Caas bin Qeys bin Caddiyi bin Sacad.

15. Aws bin Mucayr bin Lowdaan Al Jumaxi.

Iyo kuwa kale oo aanan la ogeyn. Intani waa sida ay qoreen culimada siirada, waxaase suurto gal ah in intani ay ka badnaayeen raggii uu Cali maalintii Bader laayey.

Nebigu SCW sanadkii labaad ee hijriga ayuu gabadhiisa Faadimah u guuriyey Cali. Sanadkii 3aad ee Hijriga, wuxuu Cali ka qeyb qaatay dagaalkii weynaa ee Uxud, wuxuuna hoggaaminayay ciidamada midigta, calanka ciidankana asaga ayaa siday, kadib markii la dilay Muscab bin Cumeyr oo asaga horey u waday calanka dagaalka ayaa loo dhiibay Cali. Ciidamada bidixda waxaa maalintaasi madax u ahaa Mundir bin Camr, kuwa lugtanada Zubeyr bin Al Cawaam, waxaa kaloo la sheegaa Al Miqdaad bin Camr. Cali wuxuu kamid ahaa maalintaasi raggii durba soo laabtay kadib markii ay Muslimiinta jabeen, waayo hammigiisu wuxuu ahaa uun Nebiga SCW. Wuxuu ka ag dagaallamayay Nebiga SCW oo difaacay difaac wayn, wuxuuna maalintaa muujiyey wacdaro xadka ka baxsan. Cali wuxuu ahaa ninkii Nebiga SCW ka dhaqay dhiiggii wejiga markii uu dhaawaca culusi iyo waxyeellada baani ay kusoo gaadhay dagaalkaasi Uxud. Nebigu SCW aad buu u jeclaa Cali. Taasi Cali qudhiisa ayaa marqaati ka ahaa, waayo waxay asaga iyo Faadimah ku doodi jireen:- Rasuulku SCW aniguu iga kaa jecelyahay. Dagaalkii Uxud markuu dhammaaday, wuxuu Rasuulka SCW amray Cali inuu baacsada Mushrikiinta Qureesheed oo hubiyo inay toos u abbaareen Makka iyo inay doonayaan inay aadaan dhankii Madiina. Cali wuu dhaqaaqay oo markii uu arkay inay Makka abbaareen oo awrta fuuleen, farduhuna kaxaysteen buu kasoo laabtay oo Nebiga SCW uga warramay xaalkooda.

Wuxuu kaloo ka qeyb qaatay dhammaan dhaqdhaaqyadii uu Nebigu SCW hoggaaminayay. Maalintii Axzaab, wuxuu dilay mid kamid ah mashaahiirtii iyo geesiyaddii Carbeed. Wuxuu kaasi ahaa Camr bin Cabdiwuddi Al Caamiri, oo oday Qureeshta iyo Carabta kaleba dhaxdeeda caan ka ahaa. Ninkaan wuxuu ahaa nin fardo fuulka iyo dagaalka aad ugu xeel dheeraa, wuxuu ahaa geesi ka sheegan Carabtii waqtigaa jirtay. Hubka dhawaajiya aanan wadnuhu galaw oran ayuu ahaa. Dagaalkii Bader ayuu ka badbaaday inuu ku naf waayo, waxaase taas cagsigeeda soo gaaray dhaawacyo culus, oo u diiday in sanadkii saddexaad ee hijriga uu ka qeyb qaato dagaalkii waynaa ee Uxud. Sanadkii shanaad ee hijriyada, dagaalkii Axsaab buu soo baxay asagoo sidii hore ka roon. Wuxuu soo baxay Mubaariso. Asxaabtu aad bay uwada garanayeen, dib bayna u hakadeen. Cali oo waaga nin dhalin yaro ah baa soo baxay. Nebigu SCW wuu u duceynayay, asxaabta oo idilna way u naxsanaayeen. Markaa iyada ahi Camr bin Cabduwuddi, wuxuu fuushanaa faraskiisa. Markii uu Cali arkay ayuu ka dalbaday inuu iska laabto, wuxuuna u sheegay inuusan dooneyn inuu Cali dilo. Calise wuxuu u sheegay inuu asaga doonaya inuu dilo. Markaas buu inta Camr carooday faraskiisii boqna jaray oo inta lugta seefta uga hoos qaaday, buu soo dhaqaaqay, markay is heleen asaga iyo Cali, baa si dhaqso leh looga tallaabsaday meydkiisa oo laga takhallusay. Halkaas ayuu Cali ku dilay gaalkii Camr bin Cabduwuddi ahaa, saa Rasuulka iyo saxaabaduba takbiir halmar ku wada dhufteen farxad darteeda iyo waynayn ay Alle wayneynayaan.

Maalintii Baycatu Ridwaan, ayuu Cali goobjoog ahaa. Raggii ka qeyb qaatay baycadaasi Illaahay wuu ka raalli noqday. Sidoo kale wuxuu ahaa ninkii qorayay heshiiskii Xudeybiya ee maalintaasi dhacay. Wuxuu kaloo ka qeyb qaatay Cumradii la qalleeyay Cumaratul qadaa, maalintaas ayuuna Rasuulku SCW Cali ku yiri:- Adigu iga mid baad tahay, aniguna kaa mid baan ahay. Sanadkii 7-aad ee Hijriga, wuxuu ka qeyb qaatay dagaalkii Kheybar. Rasuulku SCW wuxuu maalintaasi markii Kheybar la furi waayay yiri:- Waxaan u dhiibi doonaa calanka beritoole, nin jecel Alle iyo Rasuulkiisu, isaguna ay jecelyahiin Alle iyo Rasuulkiisuba.

Habeenkaasi dadkii waxay baryen ayagoo wada rajeynaya in qof waliba asaga loo dhiibo. Subaxii buu Rasuulka SCW Cali u yeeray. Waxaa loo sheegay inuu indhaha ka sheeganayay. Wuxuu dalbaday Nebiga SCW in loo keeno. Markii loo keenay buu indhahii kaga tufay, dib dambena uma aanay xanuunin. Cali calankii buu sidaa ku qaaday oo furtay. Wuxuu Cali dagaalkii Kheybar mubaariso ku dilay Marxab oo hub ka dhawaajiyahii Yahuudda ugu geesisanaa ahaa. Furashadii Makkana wuu ka qeyb qaatay, iyo sidoo kale dagaalladii Xuneen iyo Daaif. Dagaalkii Xuneen wuxuu kamid ahaa ahlu beydkii Nebiga SCW kusoo haray kadib markii ay saxaabadii jabeen. Wuxuu dagaallamay dagaal kulul oo difaacay Rasuulka SCW,

Jicraanah ayuu cumra ka xirtay asagoo la xirtay Nebiga SCW.

Ka Dib Noqoshadiisii Duullaanka Tabuuk

Ma wadaan ku raalli ahayn inaad ii joogto halkuu Haaruun CS u joogay Muuse CS, oo aanan ka ahayn inuuna Nebi iga dambeyn?

Kamuusan harin Cali duullaan ama dagaal uu kuqaaday Nebiga SCW acdaada Alle. Sida Badar, Uxud, khandaq, Kheybar, Fatxul Makkah, Xuneyn, Daaif iyo dhammaan duullaamadii uu qaaday Nabiga SCW aanan ka ahayn duullaankii Tabuuk, Kaasina sababta ka reebtay Cali inuu ka qeyb galo waxay aheyd Nabiga SCW baa masuul uga dhigay xagga ehelkiisa. Saa waxaa dhacday inay Munaafaqiintii ka faaideystan fursadaas ay Cali la heleen oo ah inuu duullaan ka baaqday, Markas bay dacaayad raqiisa ugeliyeen bulshadii dhexdeeda oo ay yiraahdeen:- Cali wuu cusleeyay Nabiga SCW oo sidaas buu isaga reebay markuu dhibsaday dabadeed.

Saa markuu warkaas Cali soo gaaray buu aad uga carooday oo uu hubkiisii soo qaatay oo uu abbaaray ciidankii Muslimiinta si uu u raaco isagoo dhibsaday lajoogida ehelka iyo caruurta oo doorbiday inuusan ka dib dhicin duullaan uu qaadaya Rasuulkii Alle SCW. Markii uu Nebiga SCW u tegay buu weydiyay waxa soo kaxeyay. Markaas buu Cali usheegay dhacdadii Munaafaqiinta iyo wixii ay lawareeganayeen oo been iyo shar ahaa. Waxuu yiri Nabiga SCW:- Ina Abuu Daaliboow! ma waadan ku raalli noqoneyn inaad ii joogta booskii uu Haaruun CS u joogay Muuse CS oo aanan ka ahayn Nabinimo, waayo anigu Nabi igama dambeeyoe?

Markaas buu Cali aad u farxay oo laabtay. Waxuu ka qeyb qaatay Cali dhammaan duulamadii Nabiga uu qaaday marka laga reebo Tabuuk oo uu ehelkisa uga tegay. Waxuu Cali kula ballamay Nabiga SCW maalintii Uxud dhimasho kadib markay dadkii carareen ,waxuuna muujiyey geesinimo xad dhaaf ah. Cali waxuu aha geesi halyay ah oo nin mubaarasa u soo baxa ma uusan sii noolaan. Waxuu Nabiga SCW u diray camal ahaan meelo badan oo ay kamid ahayeen sirriyaddii ama wardoonkii uu udiray banii Sacad ee Fadak isagoo wata 100 nin. Wuxuu kaloo Nabigu SCW madax uga dhigay wardoonkii uu udiray dhanka Al Falaas ee banuu Dhayyi. Waxaa kaloo uu u diray Nabiga SCW Yemen amiir ahaan, iyo si uu dadka diinta u baro. Sanadkii Xajjatul wadaaca, ayuu Nebigu SCW usoo wafdiyey oo kula kulmay magaalladii Makka. Kamuusanna harin duullaan uu Nabiga duulay SCW aanan ka aheyn Tabuuk sidaan horeba usoo xusnay

Sidaynu ognahay Cali, wuxuu ahaa mid kamid ah raggii Nebiga SCW aaskiisa ka qeyb qaatay.Rasuulkuna SCW wuxuu geeriyooday isagoo Cali ka raalli ah. Wuxuu Cali kamid ahaa dadkii ugu dambeeyay ee Nebiga intuuna dhiman la kulmay. Sidoo kale wuxuu ka qeyb qaatay dhaqiddii Nebiga SCW. Sidoo kalena wuxuu ahaa mid kamid ah raggii qabriga dhigay.

Carruurtiisii & Dumarkiisii

Waxuu Cali dhalay carruur badan, waxuu guursaday gabadhii Nabiga SCW uu dhalay ee Faadimah oo u dhashay Xasan, Xuseyn, Muxsin, Zeynaba Al Kubraa iyo Ummu Kalthuum. Intuu Faadimah qabay Cali ma uusan guursan haweeney kala. Wuxuu Faadimah guursaday sanadkii 2aad ee Hijriga. Waxayna ka dhimatay sanadkii 11aad ee Hijriyada.

Waxaa kaloo uu guursaday Khowlah bint Jacfar bin Qeys bin Maslamah bin Thaclabah bin Yarbuuc bin Thaclabah bin Al Dowl bin Xaniifah bin Lujeyn bin Sacab bin Cali bin Bakar bin Waail oo ka dhalatay nasab ahaan reer Xaniifah. Waa qoladii uu Museylamah Al Kaddaab kadhashay, kaasoo ahaa ninkii Nabinnibada sheegtay. Markii weerarka lagu qaaday Museylamah oo lajebiyey baa lasoo qafashay dumarkii iyo carruurtii reer Xaniifah. Saa waxa kamid aheyd dumarkaas khowlah bin Jacfar oo reer Xaniifah kamid aheyd. Markii loo keenay Abuu Bakar buu siiyey Cali bin Abii Daalib, kadibna waxay u dhashay Maxamed bin Cali oo loo yaqiinay Maxamed ibnu Xanafiyah.

Sidoo kale waxuu Cali dhalay Cubeydah, waxaa Cubeydah dilay Al Mukhtaar bin Abu Cubeyd Mukhtaar Al Kaddaab oo ku dilay Al Madaar. Wuxuu kaloo dhalay Abuu Bakar bin Cali oo lala dilay Xuseyn bin Cali goobta Karballaa sanadkii 61aad ee Hijriga, waxaana u dhashay Cubeyda iyo Abu Bakar haweeney la oran jiray Leylaa bint Mascood bin khaalid bin Thaabit bin Ribciy bin Balama bin Jundal bin Nahshal bin Daaram bin Maalik bin Zeyd bin Mannaah bin Tamiim.

Waxa kaloo uu dhalay Al Cabbaas Al Akbar, Cuthmaan, Jacfar Al Akbar iyo Cabdullaahi, dhammaan intan waxa lagu dilay goobta Karballaa iyagoo la socda walaalkood Xuseyn bin Cali, Hooyadooduna waa Umul Baniin bint Xazaam bin khaalid bin Jacfar bin Rabiicah bin Al Waxiid bin Caamir bin Kacab bin Kilaab

Waxaa kaloo uu dhalay Cali Maxamed Al Asqar, waxaana lala dilay Xuseyn, hooyadiisna waa umu Walad.

Sidoo kale waxuu Cali dhalay Yaxyaa iyo Cown hooyadooduna waa Asmaa bint Cumeys Al Khuthcumiyah.

Sidoo kale wuxuu dhalay Cumar Al Akbar iyo Ruqaya, hooyadoodna waa Ummu Xabiib Assahbaa bint Rabiicah bin Bujeer bin Cabdu bin Calqamah bin Al Xaaritha bin Cutbah bin Sacad bin Suheir bin Jusham bin Bakar bin Xabiib bin Camr Ibnu Qanam bin Taqlab bin Waail oo kamid ah banuu Taqlab, waxaana soo qafaashay Khaalid bin Waliid dagaalkii Ceynu Tamar, saa waxaa saami loo siiyey Cali oo guursaday.

Sidoo Kale waxuu dhalay Cali bin Abii Daalib Maxamed Al Awsadh oo ay u dhashay Umaamah bint Abul Caas Bin Rabiica bin Cabdulcuza bin Cabdshams bin Cabdumunaaf bin Qusay bin Kilaab. Gabadhani waxaa dhashay Zeynaba Bint Rasuulillaah. Waana gabadhii uu aadka u jeclaa Nebiga SCW, waxaa dhici jirtay jeceylkuu Rasuulka SCW jeclaa gabadhan Umaamah halkii uu gaarsiisanaa, heer isagoo salaadda kujira inuu kor uqaadi jiray, Waxaa Cali kula dar-daarantay inuu Umaamah guursado Faadimah bint Rasuulillaah SCW markay dhimata kadib.

Sidoo kale waxuu dhalay Cali bin Abii Daalib Umul Xasan iyo Ramlatul Kubraa, hooyadooduna waa Umu Saciid bint Curwah bin Mascood bin Muctab bin Maalik Ath- Thaqafiyu oo reer Thaqiifa kamid ah. Waxaa kaloo uu dhalay Umu Haani, Meymunah iyo Zeynabatu Suqraa, Ramlatu Suqraa, Umu Kaltuum Suqraa, Faadimah Umaamah, khadiijah, Umul Kiraam, Umu Salama, Umu jacfar, Jamaanah iyo Nafiisah. Dhammaan hablahan hooyooyinkoodi Muarakhiintu waxay yirahdeen:- Magacyadooda nalooma magacaabin. Isku soo duuboo awlaada Cali wiilashu waa 14, halka gabdhuhuna ay yahiin 19 gabdhood.

Qaar Kamid Ah Fadliga Cali

Waxaynu ogsoonnay amaba aanu ka dhadhansan karnaa taariikhda Cali inuu ahaa saxaabi aad iyo aad u fadli badan, waxaynaan soo koobi karin, heerka iyo halka uu gaarsiisnaa fadliga Cali, waayo wuxuu fadliga Cali ahaa mid inbadan dheer saxaaba badan oo jiray waqtigii Nebiga SCW. Waxaa dhab ah in ummadani uu ugu fadli badnaa Abii Bakar Sidiiq, marka laga soo tego Nebiga SCW, dabadiina Cumar, kadibna Cuthmaan, dabeetana Cali.

Haddaba waxaynaan soo koobi karin dhammaan fadaaisha Cali, balse intuu Rabbi inooga qaddaro ayaanu ka dhawaajin doonnaa hadduu Alle idmo. Waxaa kamid ah Nebigu SCW inuu yiri:- Alloow! wali ka dhigo qofkii wali ka yeesho Cali oo la colleytan qofkii la colleytama.

Sidoo kale Nebigu SCW wuxuu yiri:- Cali aniguu iga mid yahay aniguna asagaan kamid ahay.

Sidoo kale wuxuu yiri:- Adigu waxaad tahay walaalkeyga if iyo aakhiro.

Sidoo kale wuxuu yiri:- Qofkii dhibo Cali aniguu i dhibay.

Waxaa kaloo uu Nebigu SCW yiri:- Waxaan berritoole u dhiibi doonaa raayadda qof ay Alle iyo Rasuulkiisu jecelyahiin, asaguna jecel Alle iyo Rasuulkiisa. Markaasuu u dhiibay Cali bin Abii Daalib maalintii Khaybar. Waxaa kaloo ka mid ah in Nebigu SCW janno ugu bishaareeyay asagoo dunida guudkeeda uu fuulo.

Wuxuu kaloo Nebigu SCW yiri:- Hooy! ina Abuu Daaliboow! ma waadan ku raalli noqon inaad ii joogto halkii uu Haaruun CS Muuse CS u joogay oo aanan ka ahayn inuuna Nebi iga dambeyn?

Sidoo kale wuxuu Nebi SCW yiri:- Ruuxii Cali jeclaada, aniguu i jeclaaday, Qofkii aniga i jeclaadana Alle buu jeclaaday. Qofkii Cali u caroodana aniguu ii carooday, qofkii aniga ii caroodana Alle buu u carooday.

Sidoo kale wuxuu yiri:- Umaddeydu waxaa ugu ogaal badan xagga qaddaha iyo xukunka Cali.

Fadaaisha Cali intani waa ay ka badan yahiin, laakiin waxaa jira aqwaal iska raqiis ah oo aan sal iyo raad toona lahayn oo ay Shiicada u sameeyaan ka badbadin, illaa ayba dembi iyo gafaf waa weyn ku dhaceen. Waana halka ay ku nacladaan qaar badan oo kamid ah asxaabtii suusuubanayn. Calina wuxuu qiray in uu ummadani kii ugu fadli badnaa uu ahaa khaliifadii Rasuulka Alle SCW ee Abuu Bakar, marka laga yimaada Nebiga SCW.

Cali Oo La Shaqeynaya Dowladdii Abuu Bakar

Ibnu Jariir siduu xusay Cali Waxuu la mubaayacooday Abuu Bakar Siddiiq laba goor, taasoo ah markii hore ee lala mubaayacoonayay Abuu Bakar oo uu xilka qabtay iyo markii ay dhimatay Faadimah bint Rasuulillaah kadib goor dhimashadii aabaheed Muxammed SCW laga jooga lix bilood. Waxuu Abuu Bakar siiyey Cali laba dumar ah oo kamid ah dumarkii lagusoo qafaashay duulamadii uu Khalid bin Waliid ku qaaday dadkii diinta ka riddoobay, sidaan horeba u soo xusnay. Waxaa wax kama jiraan ah qowl ay shiicada yiraahdaan oo ah Cali inuusan la mubaayacoon Abuu Bakar Siddiiq ,arrintaasi waa iska hadal raqiis ah oo aan miisaaniyad iyo sixa tooni lahayn, waayo waxaa soo aroortay in uu xuruubtii ugu horeeysay dagaalada ee uu Abuu Bakar ku qaaday murtaddiintii sida duullaamadii Dil xazaa iyo Dil Qassaa oo uu isla Abuu Bakar hoggaaminayay Cali ayaa ku dhegay daabbadii uu saarnaa Abuu Bakar oo yiri:- Khaliifkii Rasuulkoow! ha bixin ee meeshaada joog oo beddelkaada qof kala dir waayo, haddi lagu asiibo oo lagu dilo Muslimiintu way isku dhex yaacayaan.

Waxuu ahaa Cali saxaabiga ugu xukunka iyo qadaha aqoonsan saxaabada. Waxuu yiri Ibnu jariir:- Cali marka hore ee uu la mubaayacooday Abuu Bakar waa markii ladoortay marka labaadna waa markay dhimatay Faadimah kadib. waayo Cali waxuu ku mashqulsanaa xanuunkii Faadima haayay lixdii bilood ee ugu horeeyay Xukunkii Abuu Bakar Siddiiq. Markii uu geeriyooday Abuu Bakar Siddiiq, Cali baa inta usoo galay uduceyay oo misne yiri:- Illaah nagama xarrimo ajarkaada.






Ra'yi lama dhiiban



Name:
Email:
Code: xjqc
Text:
 

  • Home
  • Duruus
  • Quraan
  • Video
  • S&J
  • Muxaadao
  • Contacts



  • sisawc ka baro diintaada © 2012 privacy policy terms of use