Previous  




-

سبحان الله والحمد لله ولا اله الا الله والله اكبر
 

Abuu Bakar Siddiiq rc Q1aad

Haddii iimaanka Abuu Bakar miisaan la saaro oo misna iimaanka ummadayda miisan la saaro, waxaa cuslaan lahaa iimaanka Abuu Bakar.

Sidaa waxaa yiri Rasuulka Alle SCW.

Shaki kuma jira inuu ahaa kii ugu fadliga badnaa uguna iimaan badnaa umadda Nebi Muxammed SCW kadib dhimashadiisii, taana waxaa kusoo arooray axaadiith badan oo muujineysa fadligiisa.

Asagu saxaabigani waa mid kamid 10-kii Jannada loogu bishaareyey, waana Khaliifkii Rasuulka SCW, wuxuu ahaa saxaabi kamid saxaabadii Nebiga SCW misna saaxiibkiisii godka, aabahiis waa saxaabi, hooyadii Ummul Kheyr waa saxaabiyad, carruurtiisa oo dhami waa saxaabo, wuxuu dhalay afadii Rasuulka SCW ee Caaisha Siddiiqah bint Abuu Bakar Siddiiq.

Nasabkiisa & Dhalashadiisa

Wuxuu Abuu Bakar ka dhashay Qureesh gaar ahaanna lafta banii Taym bin Murrah, inaayadiisuna waa sida tan: Abuu Bakar magaciisu waa C/llaahi bin Abii Quxaafah - aabahiis Abii Quxaafah magaciisu waxuu ahaa Cuthmaan bin Caamir bin Camr bin Kacab bin Sacad bin Taym bin Murrah bin Kacab bin Luay bin Qaalib bin Fihir bin Maalik Al Qurashi At Taymi. Hooyadiis waxaa la oran jiray Salmaa bint Sakhar bin Caamir bin Kacab bin Sacad bin Taym bin Murrah Al Qurashiyah At Taymiyah, waxay ilma adeer la ahayd Abuu Quxaafa- oo ah aabaha dhalay Abuu Bakar, waxaana uu laqabkeedu ahaa Ummul Kheyr oo ay caan ku ahayd.

Wuxuu Abuu Bakar ku dhashay magaalada Makka sanadkii 573 Ciise kadib, oo ku beegan laba sano iyo bar ka dib dhacdadii Maroodiga, wuxuu ka yaraa Rasuulka SCW kudhawaad saddex sano, waxayna Rasuulka SCW iyo isaga ahaayeen saaxiibo yaraantoodii isla soo koray. Waxaa loo yaqiinnay markii hore amaba uu magaciisu ahaa Cabdi Kacab, Rasuulkaase SCW ka baddelay oo u bixiyey C/llaahi, waxaana uu laqabkiisu ahaa Al Catiiq, sidoo kale waxaa loo yaqiinay As Siddiiq. Sababta Catiiq loogu baxshay waxay ahayd waji samidiisii iyo qoor xoreyntiisii badneyd, waxaa kaloo lasheegaa in aysan hooyadii horey u dhalin wiil isaga ka hor, dabeeta ay kacbada tagtay oo ay Alle ka bariday inuu siiyo wiil, kadibna markii uu siiyey Alle wiil bay u bixisay Catiiq, waxaa kaloo iyana la yiraahdaa sida werin kusoo aroortay oo Caisha laga soo weriyey ina Abuu Bakar Siddiiq Allaha ka raalli noqde uu maalin u soo galay Rasuulka SCW oo uu salaamay. Markaasuu Rasuulka SCW yiri:-Adigu waxaad tahay mid naarta laga xoreyay.

Waxaa kaloo la yiraahdaa: Rasuulka SCW ayaa maalin waxuu yiri: Qofkii ay farxad gelineysa inuu arko qof nool oo naarta laga xoreyay ha eego kan Abuu Bakar Siddiiq Waxaa wariyey Tirmidi. Caisha waxay kaloo tiri: Aabahay baa ii soo galay maalin, markaa baan ku iri: Bishaareyso! inaad kamid tahay kuwa naarta laga xoreyay, Waxayna usheegtay inay maqashay Rasuulka SCW oo sidaa leh.

Sababta kalee iyana loogu magacaabay Siddiiq ayaa waxay ahayd isagoo runloow ahaa oo tolkiisa markii uu wax u sheega aysan waligood ka beensan jirin, horeyna uguma aysan baran wax been ah. Habbeenkii Rasuulka la dheelmiyey ee Israa Wal Micraaj baa subaxeedii waxay Qureeshtii u tegeen Abuu Bakar oo ay ku yiraahdeen Abuu Bakaroow! ma waadan maqal waxa uu saaxiibkaa sheegayo, ee ah in xalay Beytul maqdis la geeyay misna sammada loo qaaday oo uu Alle la kulmay? Waxuu ku jawaabay Abii Bakar Sadaqa Run buu sheegay, Illaah baan ku dhaartaye anigu waan rumeyn , kadibna intuu Rasuulka SCW raacay buu xayntii Quresheed ee uu uga warramo qisadii xalay ayuu Abuu Bakarna lahaa Sadaqta waa runtaa. Sidoo kale maalintaas ayaa loo baxshay laqabka Sidiiqna waa la yiraahdaa.

Islaamka ka hor waxuu iska xarrimay cabbida khamriga iyo inuu cuno wax sanam loo qalay,sidaa si lamid ahna waxaa cabbida khamriga horey isaga xarrimay Cuthmaan bin Cafaan iyo Cuthmaan bin Madhcuun, waxuu yiri Abuu Bakar:- Waligey cabbi mahayo wax miirkeyga tagsiin oo ay dadku igu qosli. Maalin maalmaha kamid ah baa waxaa kaxeeyay aabahiis Abuu Quxaafa oo u geeyay sanam kamid sanamyadii Kacbadda yiilley ee ay tolkiis caabbudi jireen, waxuu ku yiri Abuu Quxaafa: Wiilkeygoow!! waa kuwan illaahyadii ee iyaga weydiiso waxa aad doonta. Markaa buu Abuu Bakar u dhawaaday sanamkii oo uu ku yiri:- Sanamyahow! waan baahanahay ee quud isii? Saa umuusan jawaabin. Wuxuu haddana markale yiri:- Sanamyahow! waan arradanahaye i arrad tir. Misna umuusan jawaabin. Intuu u dhawaaday buu dhagax ku dhuftay misna umuusan jawaabin, kadibna wuu isaga tegay, markaa buuna ka fogaaday wax sanam ah iyo diintii ay tolkiisa haysteen oo idil, waxuuna noqday nin ganacsada ah oo maalqabeennadii Quresheed kamid ah, dadkuna waxay u haayeen xushmad iyo jacayl, maadaama uu ahaa nin Qureeshta iyo Carabta kaloo idil caan ka dhex ahaa. Waxuu si wacan u yaqiinnay jilibyada Carbeed iyo isirradooda, waxuuna ahaa nasab aqoon ay bulshada reer Makka oo idil jecelyahiin. Wuxuu kaloo lahaa gola fadhi oo dhalinyarta iyo odayaasha Qureesheedba ay ku kulmi jireen, aad bayna u xiiseyn jireen Qureeshtu qolahii Abuu Bakar.

Islaamiddiisii

Maadaama uu ahaa nin caqli badan oo garasho fogna leh, laguna tiriyo raggii ugu garaadka fiicnaa geyiga Makka, bugtii hora ee Islaamkuba horey ayuu ka Islaamay. Taasi waxaa u saamaxday saaxiibtinimadii Nebi Muxammed SCW uu saaxiibka la ahaa tiiyoo meesha laga saareyn jeceylkii uu Alle Sarreeye jeclaa, waayo Alle cidduu jeclaado oo kaliya ayuu fursaddaas dahabiga ah iyo ajarkeeda weyniga badan haleeshiiyaa.

Waxuu yiri Abuu Bakar Siddiiq:- Waxaan fadhiyey daaha Kacbada iyadoo Zayd bin Camr bin Nufeyl-na uu fadhiyey, markaa baa waxaa soo maray Umayah bin Abii Salat, waxuuna ku yiri:- Sideed ku waa bariisatay kheyr doonoow!!? Markaa buu Zayd ku jawaabay:- Kheyr baan ku waabariistay.Waxuu yiri:- Oo miyaad heshay yacni diin wanaagsan?.

Zayd horey ayaa waxuu uga tegay diinta tolkiis oo waxuu kamid noqday Xunafaadii wixii diintii Nebi Ibraahiim CS ka haray ku dhaqmaysay.

Waxuu yiri:- May. Markaa buu Umayah bin Abii Salat tix gabay ah tiriyey dabeetana yiri:- Nebigan la sugi xaggayaguu ka iman doonaa reer Thaqiif, mise idinka reer Makka, ama reer Falastiin. Waxuu yiri Abuu Bakar Sidiiq:- Ma aanan maqal markaa ka hor in Nebi la sugayo ama la soo diri doona, saa waan baxay oo waxaan aaday dhankii Warqah bin Nowfal. Markaan u tegey ayaan uga warramay qisadii. Waxuuna yiri:- Haa. wiilkii walaalkayoow!!. Nebiga kan ee la sugayo waa mid laga soo saari doona Carab bartankeeda xagga nasab ahaanta, qoomkaaguna waa bartama Carabta nasab ahaan. Waxuu yiri:- Saa waxaan ku dhahay:- Adeer!! Oo muxuu oran Nebigu? Waxuu yiri:- Waxuu oran wixii lagu yiri yacni waxyiga loo waxyooday. Markii Nebiga SCW lasoo dirayna waa aan rumeeyay oo aan raacay.

Markii la soo diray Rasuulka SCW qofkii ugu horeeyay ee uu u sheega oo uu dacwada u bandhiga waxuu ahaa Abuu Bakar Siddiiq. Markaa buu isagana kama uusan laba labayne waa uu ku deg degay oo goor horeba Islaamay. Waxaa la isku khilaafaa qofkii isaga iyo Khadiija afadii Rasuulka SCW Illaahay haka raalli noqdee hor Islaamay, sidoo kalena isaga iyo Cali ayaa la isku khilaafaa koodii hor Islaamay, hase ahaatee culimada Muarrakhiinta ah waxay ku xukmiyaan inuu Abuu Bakar ahaa qofkii xagga ragga ugu hor Islaamay, Khadiijana ay ahayd qofkii xagga dumarka ugu hor Islaamay halka Calina ay ku xukmiyeen inuu carruurta xaggooda ugu hor Islaamay. Markii Rasuulka SCW lasoo diraayey waxuu Abuu Bakar jiray 37 sano. Markii uu islaamay waxuu durba guda galay inuu dacwada diinta Islaamka fidiyo oo doorkiisa ka qaato, waxaana gacantiisa ku Muslimay durbadiiba shan kamid ah 10-kii Jannada loogu bishaareyay kuwaasoo kala ahaa Cuthmaan bin Cafaan, Zubeyr bin Cawaam, Dhalxa bin Cubeydillaah, C/Raxmaan bin Cowf iyo Sacad bin Abii Waqaas. Raggan iyaga ahi waxay ahaayeen halyeeyadii Islaamka iyo cullimadii ugu sarreysay, waxayna kuwada Muslimeen gacanta Abuu Bakar Siddiiq Allaha ka raalli noqee. Sidaa si lamid ahna waxaa ku Muslimay dacwadiisa khalqi badan oo uu kamid ahaa saxaabiga jaliilka ah ee Khaalid bin Saciid bin Al Caas Al Umawi.

Rasuulka SCW isagoo inooga warramaya Islaamiddii Abuu Bakar Siddiiq waxuu yiri:- Axadna ugumaanan yeerin Islaannimada, illaa wuu dib dhacay oo wax eeg eegay, marka laga reebo Abuu Bakar mooyaan, isagu markaan ugu warramay kama uusan laba labayn mana uusan ka dib dhicin.

Culimada qaarkood baa waxay yiraahdeen:- Haddii uu mid wax dhaho uu yiraahdo saxaabadoo dhan marka laga reebo Abuu Bakar uma sugnaan wax saaxiibtinimo ah yacni saxaaabi la saaxiibay Nebi Muxammed SCW maahan ma uusan gaaloobin qofkaasi sidaa yiri, hase ahaatee haddii uu yiraahdo Abuu Bakar ma uusan ahayn Nebi Muxammed SCW saaxiibkiis waa uu gaaloobay qofkaasi. Tani waxay ina tusineysaa heerkii saxaabinnimo ee uu Abuu Bakar Siddiiq ka joogay Rasuulka SCW agtiisa intuu dhamaa, iyo miisaan halkuu joogay, waxayna taasi inoo caddeyneysaa in saaxiibnimadii Abuu Bakar Siddiiq ay ka weyntahay saaxiibnimadii saxaabada kale oo dhan marka laysu geeyo. Waa halka uu ku gaalloobaya qofkii yiraahdo:- Abuu Bakar ma ahayn saxaabi. Balse qofkaasi hadduu yiraahdo:- Saxaabada kale ma ahayn saxaabo. Ma ku gaaloobaya, balse waxaa loo qori dembiga beenta iyo inta gefkaasi uu dembi dhanyahay.

Maalintii uu Islaamayay Abuu Bakar Siddiiq wuxuu hanti lahaa 40 000 Dirham, waxuuna ku gar gaaray Islaamka isagoo addoomada ku xoreynayey masaakiintana ku quudinayey.

Qaar Kamid Ah Fadliga Abuu Bakar Siddiiq

Waxuu Abuu Bakar Siddiiq Illaahay haka raalli noqdee lahaa fadli aanan lagu soo koobi karin qoraal, haddii aynu damacno inaan wada qornana kaligii fadligiisa kaliya baa malaha buug iyo buuggaag badan buuxin lahaa. Macnahu waxaa weeya waa wax aanan la soo koobi kareyn fadligii Abuu Bakar Siddiiq. Wuxuu ahaa mid aad u fadli badan, oo darajadiisa saxaabi gaari karo uuna kujirin saxaabadii Nebi Muxammed SCW. Sidaa darteed baa waxaan kasoo qaadan doonnaa qaar kamid ah oo muhiim ah hadduu Alle idmo.

Rasuulku SCW waxuu yiri:- Haddii iimaanka Abuu Bakar miisaan la saaro oo misna iimaanka ummadayda miisan la saaro, waxaa cuslaan lahaa iimaanka Abuu Bakar. Tani waxay ku tusin heerka uu iimaanka Abuu Bakar joogay iyo inuu ahaa mid aad u sarreeyo oo aysan jirin cid iimaankiisa gaari karto Rasuulka SCW ka dib ummadan Nebi Muxammed SCW dhexdooda.

Waxuu ka dhex muuqday Qureeshta iyo Carabta kale oo dhan, taana waxaa u sabab ahaa sidaynu soo xusnayba weji samidiisii, wanaagiisii iyo isagoo kala yaqiinay jilibyada Carbeed iyo abtirkooda. Waxuuna Rasuulka SCW u qaabilsanaa dhanka tirikoobka iyo aqoonta dadka oo isaga ayaa la weydiin jiray saxaabi kamid ah saxaabada marka la garan waaya jilibkiisa ama lagu murmo, waxuu ahaa mid taas caan ku ahaa Islaamka ka hor iyo kadibba, mana aysan jirin cid kula tartami kareysay arrinkaasi, oo waxuu ahaa mid dhankaa looga dambeeyo. Waana saxaabiga kaliya ee qof kastoo Qureeshta kamid ah oo qaangaar ah marka uu kasoo hor baxo u abtirin jiray siduu nasabka u yaqiinnay darteed.

Abuu Muusa Al Ashacari baa maalin waxuu goaasaday inuu maalintiisa inta ka dhiman la jooga Rasuulka SCW, markaa buu goor hore weyseytay oo uu masjidkii aaday, misna wuu ka waayey Rasuulka. Kadib waa loo tilmaamay oo raadkiisii ayuu qaaday, waxuu ugu tegay goob uu ceel ku yaal oo beer ah isagoo markaa dul fadhiyey ceelka oo maradiisuna lugaha uga yara laabantahay sida qof ceelka biyo kasoo darsanaya. Markii uu Abuu Muusa u tegay Rasuulka SCW ayuu salaamay dabadeedna albaabkii buu u fadhiistay isagoo goaansaday inuu albaabka u ilaaliyo oo uu waardiya u noqda, markaa baa waxaa soo garaacay albaabka Abuu Bakar Siddiiq, markaa buu Abuu Muusa Al Ashacari suaalay:- Waa kuma? Wuxuu yiri:- Waa Abuu Bakar Siddiiq. Waxuu yiri:- U kaadi. Markaasuu u tegay Rasuulka SCW oo uu ku yiri:- Rasuulkii Alloow!! Abuu Bakar baa albaabka taagan oo ku idin dalban. Waxuu yiri:- U idin inuu soo galo, oo uguna bishaarey Jannada. Markiina uu u idmay oo uu u bishaareyey buu soo galay oo uu Allaah mahadiyey kadibna Rasuulka salaamay oo dhinaca midigta ka fadhiistay. Misna Cumar baa soo garaacay sidii si lamid buu Abuu Muusa Al Ashcari ku yiri. Rasuulkuna SCW sidii si lamid buu yiri:- U idin uguna bishaareey jannada. Markaa buu sidii Abuu Bakar oo kale falay oo uu dhinaca bidixda Rasuulka ka fadhiistay SCW, misna Cuthmaan bin Cafaan baa soo garaacay oo isagiina sidii camal uu Rasuulka SCW yiri:- U idin uguna bishaareey janno iyo fidno asiibi doont. Markiina loogu bishaareyay jannada iyo fidnada asiibi doonta, buu Alle mahadiyey oo uu yiri:- Allaan la kaashan fidnadaas . Waxuuna fadhiistay Rasuulka SCW hortiisa maadama labada dhinac ay buuxday, waxayna culimadu ku fasiraan qabuurtooda oo Rasuulka SCW, Abuu Bakar iyo Cumar ay isku garba yaallaan goobta gurigii Caaisha iyo qabriga Cuthmaan oo ku yaal maqbarada Baqiic.

Rasuulka SCW baa mar qiimeeyay acmaasha oo tilmaamay in Jannooyinka qof loogu yeeri albaabka sallaadda, qofka sakada badanna albaabka sakada, qofna looga yeeri doono albaabka jihaadka, qofka soonka badanna albaabka soonka, markaa buu Abuu Bakar Rasuulka SCW suaalay:- Rasuul Alloow!! ma jiraa qof albaabadaasi oo idil loogu yeeri? Wuxuu yiri:- Haah!! waxaana rajeyn inaad kamid noqoto.

Waxuu ahaa Abuu Bakar Siddiiq ganacsada taajir ah oo hanti badan leh, wuxuuna u gar gaari jiray qof kastoo dhibban iyo mid waliboo wax si ka yahiin, waxuuna ku sifeysnaa akhlaaqda iyo hadalka dhimrisan, meelo badanna waxuu ka shabahi jiray Rasuulka SCW, waligii qof lama uusan dagaallamin ka hor Islaamka waqtigaasoo dadku dagaal iyo fitno ka dhaxeyn jirtay oo sida loo kala xoog weynyahay la isku dhici jiray. Waa saxaabiga kaliya ee hantidiisa oo dhan ku bixiyey jidka Allaah hal maalin.

Rasuulka SCW waxuu yiri:- Qofka iigu mannasha badan oo maalkiisa iyo saaxiibtinnimadiisa oo dhan gacanta la ii geliyey waa Abuu Bakar, haddii aanan anigu mid mutacalliq ahayn waayo waxaan anigu xiriir toos ah la leeyahay Allaah, Abuu Bakar oo kaliya baan ku xirnaan lahaa oo aan saaxiib ka yeelan lahaa, laakiin walaallimada islaaminada iyo kalgacaylkiisa qofka aan u haayo waa Abuu Bakar, albaabadaa masjidka oo dhami hala xiro, albaabka Abuu Bakar mooyaan.Waxaa Wariyey Bukhaari.

Maalin baa waxay arrin ka dhex dhacday Abuu Bakar iyo Cumar, iyadoo markaana uu Abuu Bakar is qabtay oo uu Cumar gurigiisii ugu tegay oo ku yiri:- Cumaroow!! iga raalli noqo? Cumarna wuu ka yeeli waayey. Dabeeta waxuu Abuu Bakar aaday Rasuulka SCW xaggiisa. Markiina uu Rasuulka SCW kor ka arkay Abuu Bakar oo marada soo xaytay buu asxaabtiisii ku yiri:- Saaxiibkiin wuu soo dooday. Markiina uu u yimid buu yiri:- Rasuulkii Alloow!! aniga iyo ina Khaddaab bay arrin inaga dhex dhacday, markaa baan gurigii ugu tegay si uu ii saamaxo, hase ahaatee wuu iga diiday. Markaa buu Rasuulku SCW yiri:- Allaah baa kuu dambi dhaafi Abuu Bakarow! saddex jeer buu yiri isagoo codka kor ugu qaadi. Intaa kadib Cumar baa isaguna goor dambe is qabtay oo dabeeta aaday gurigii Abuu Bakar. Markiina uu ka waayey buu is yiri waxuu jiraa masjidkii, waxuuna soo abbaaray dhankii masjidka. Markii uu yimid buu Rasuulka SCW kasoo fadhiistay dhanka midig, markaasuu kasii jeestay, misna dhanka kale ayuu ka maray, misna markale ayuu ka jeestay. Waxuu markaa gartay Cumar inuu khaldamay oo markii uu walaalkii iga raalli noqo yiri uu ka qaadan waayey. Kadib Abuu Bakar wuxuu guda galay inuu ka furto oo yiri:- Rasuulkii Alloow!! anigaa ka gar darnaa. Wuuna ku celceliyey, wuxuuna markaasi yiri Rasuulka SCW isagoo careysan oo Cumar la hadli:- Inaan Abuu Bakar kaa raaco, wuu mudanyahay aniguna xaq baan u leeyahay , Illaah baa iisoo diray xaggiina, markaa baad i wada tiraahdeen:- Been baad sheegtay, Abuu Bakarna uu igu yiri:- Run baad sheegtay Rasuulkii Alloow!!. Waxuuna iigu gargaaray naftiisii iyo maalkiisiiba, ee miyaadan ii deyneyn saaxiibkey? Markale ayuu misna yiri:- Oo miyaadan ii deyneyn saaxiibkey? Maalintaasi kadib wax la murmay Abuu Bakar lama arag.

Wuxuu yiri Rasuulka SCW:- Ummadeyda qofka u dhimmirsan waa Abuu Bakar Siddiiq. Waxaa kaloo uu yiri:- Sidaad u aragtaan xiddigga iftiinka badan ee xiddigaha kale ku jira, waa sidaa oo kale Abuu Bakar iyo Cumar.

Wuxuu kaloo yiri:- Qof kastoo wax nagu lahaa waan u gudnay xaqiisii, Abuu Bakar mooyaan, isagu wuxuu nagu leeyahay wax aynan gudi karin illaa uu Allaah u gudo mooyaan.

Camr bin Al Caas baa mar uu Rasuulka SCW meel u dirayey ayuu Rasuulka SCW suaalay:- Rasuulkii Alloow! dad yaad u jeceshahay? Waxuu yiri:- Caaisha. Markaa buu yiri:- Ragga yaad ugu jeceshahay Rasuulkii Alloow!! SCW? Waxuu yiri:- Aabaheed.

Cumar bin Khadaab waxuu yiri:- Rasuulka SCW baa maalin ina amray in saddaqo la baxsado oo wax la keeno, markaa baan maalkii agteyda yaallay kala baray oo aan bar soo qaaday, waxaana is iri maantaad Abuu Bakar ka badin, horey ayay ahaayeen kuwa kheyrka ku tartama Abuu Bakar iyo Cumar. Markaa baan Rasuulka SCW ula tegay bar kamid maalkeygii, waxuuna igu yiri:- Oo maxaad reerkii uga soo tegtay? Waxaan ku dhahay::- In lamid intaan keenay in lamid ah, macnaha kala bar baan uga soo tegay. Abuu Bakarna waxuu keenay wixii agtiisa yiil oo maal ah, markaa buu Rasuulka SCW ku yiri:- Oo maxaad reerkii ugu soo tegtay? Markaasuu yiri:- Waxaan uga soo tegay Allaah iyo Rasuulkiisa. Maalintaas baan garowsaday inaan waligey Abuu Bakar gaareyn.

Abuu Hureyrana waxaa laga soo weriyey Allaha ka raalli noqdee inuu Rasuulka SCW yiri:- Horey maal iima uusan anfacin sida uu iigu afacay maalka Abii Bakar, kadib Abuu Bakar baa ooyay oo yiri:- Oo aniga iyo maaleygaba ma cidkalay usugnaadeen oo aan adiga ahayn Rasuulkii Alloow!!?

Cali bin Abuu Dhaalib waxuu yiri:- Rasuulka SCW baa wuxuu eegay Abuu Bakar iyo Cumar, markaa buu igu yiri:- Labadaasi Abuu Bakar iyo Cumar waxay hoggaan u noqon donaan dadka waaweyn dadka caanka ah ee meeqaamka iyo sharafta leh ee jannada, kuwii ugu horeyay iyo kuwii ugu dambeeyayba marka laga reebo Nabiyadii iyo Rusushii Alle ee lasoo diray,ee Caliyoow!! ha u sheegin. Rasuulka SCW waxaa u muuqatay in arrintaas iyo fadligaas inuu u ahaado mid u qarsoon labadaas saxaabi, sidaa darteed buuna Cali ku yiri:- Ha usheegin. Wallaahu aclam.

Waxuu kamid ahaa 10-kii saxaabi ee jannada loogu bishaareyay misna Khaliifkii Rasuulka SCW, Nebiga SCW baa maalin maalmaha kamid ah gacanta qabtay oo ku yiri:- Adigu waxaad tahay saaxiibkeyga ka cabbi doona darkeyga, waxaadna tahay saaxiibkeygii godka Thowr.

C/llaahi bin Cumar Allaha ka raalli noqdee ayaa isaga oo tilmaamaya sifadii Abuu Bakar Siddiiq wuxuu yiri:- Saddex nin oo ka soo jeedda qabiilka Qureeshta waxay noqdeen dadka kuwa ugu suubban dhanka akhlaaqda, iyo dhanka xishoodkubs, haddii ay kuu sheekeeyaan marna dhici mayso inay been kuu sheegaan, haddii aad u sheekeeysana kuma beensadaan, waxayna kala yihiin saddexdaas nin Abuu Bakar Siddiiq, Cuthmaan bin Cafaan iyo Abuu Cubeyda bin Al-Jarraax.

Haweeney baa mar u timid Rasuulka SCW oo wax weydiisaneysay markaa buu ku yiri:- Igu soo laabo. Waxay tiri:- Bal ka warran haddii aan ku heli waayo yacni haddii aan imaado adigoo geeriyooday ? Waxuu yiri:- U teg Abuu Bakar Siddiiq.

Maalin baa Rasuulka SCW oo ay la socdaan Abuu Bakar, Cumar iyo Cuthmaan waxay koreen buurta Uxud. Markaa bay la dhaqdhaqaaqday. Suu Nebigu SCW yiri:- Sugnoow Uxudeey!! waxaa dushaada saaran Rasuul, Siddiiq iyo laba Shahiide.

Meelo badan buu Abuu Bakar Siddiiq ka shabbihi jiray Rasuulka SCW xagga akhlaaqda iyo suubnaanta iyo hadalka dhimmirsan. Wuxuu ahaa saxaabi aan la soo koobi karin fadligiisii iyo wanaagiisii, waxuuna ahaa mid naxariis badan oo qoor xoreyn badan, waxaana xusid mudan dadkii Muslimiinta ee kufaarta Qureesheed caddibi jireen ee uu xoreyay kuwaasoo uu Allaah dartii u xoreeyay. Waxaa kamid ahaa dadkii uu xoreeyay Bilaal bin Rabaax, Caamir bin Abii Fuheyr, Abuu Fukeyh Al Aflax Mowlaa banii C/Daar, Zinniirah, Nahdiya- iyo gabadheeda Ummu Cubeys, iyo Jaariyad u joogtay banii Caddiyi gaar ahaan qoyska banii Muammal. Dhammaan dadkan waxuu u xoreyay Abuu Bakar Allaah dartii, oo wax ujuuro iyo weji kama uusan lahayn. Taana waxaa caddeynayso, aabahiis Abii Quxaafa baa maalin u yimid oo ku yiri:- Abuu Bakaroow!! maandhoow!! marba haddaad wax xoreynetsid, maad wax ku anfaco xoreysid oo hadhoow kuu shaqeeeyo? Waxuuse ku jawaabay Abii Bakar:- Waxaan Alle wajigiisa ahayn uma xoreynayo.

Alle Sarreeye baa markaasi ku amaanay Quraankiisa Kariimka isagoo tilmaamaya samaantiisii iyo qoorxoreyntiisii, iyo siduu ula jeeday Allaah dartii, waxuuna yiri Alle Sarreeye:

Waxaa ka fogaada geliddeeda, yacni Naarta qofkii Allaah ka dhowrsada, oo ah kan bixiyo xoolahaiis saddaqo ahaan iyo qoor xoreyn si uu u daahir noqdo, Qof wax ugu nicmeyayna oo uu u abaal gudina ma jiro, ee wuxuu uun u bixin Allaah Sarreeye dartii, wuuna raalli noqon doonaa. Dhammaadka suuratu Leyl.

Dumarkiisii & Carruurtiisii

Abuu Bakar Siddiiq wuxuu guursaday illaa 4 dumar ah, labo kamid ah waxuu guursaday Islaamka ka hor labada kalena waxuu guursaday Islaamka kadib.

Islaamka ka hor waxuu guursaday Quteylah bint Cabdul-Cuzza Al Caamiriyah iyo Umu Rowmaan Al Kinaaniyah. Haddaba waxaanu soo qaadaneynaa dumarkii uu guursaday iyo carruurtii ay udhaleen, waana sida tan:

1. Wuxuu guursaday Quteylah bint Cabdul-Cuzza bin Cabdu Ascad bin Nadar bin Maalik bin Xasal bin Caamir bin Luay Al Qurashiyah Al Caamiriyah, waxayna u dhashay Asmaa oo uu guursaday Zubeyr bin Al Cawaam, iyo Cabdullaahi oo isaguna guursaday Caatikah bint Zeyd bin Camr bin Nufeyl.

2. Wuxuu guursaday Umu Rowmaan bint Caamir bin Cuweymir bin Cabdishams bin Cataab bin Udeynah bin Sabiic bin Dahmaan bin Al Xaarith bin Qanam bin Maalik bin Kinaanah Al Kinaaniyah, waxayna u dhashay Cabduraxmaan iyo Caaisha. Caaisha waxay ahayd afadii Rasuulka SCW, Kahor intuusan Rasuulka SCW guursan Caaisha waxaa soo doontay Jubeyr bin Mudcim. Markii uu Rasuulka SCW aabaheed ka doonay ayay Abuu Bakar arrintaa ku cuslaatay, waayo horey ayuu usiiyey Jubeyr bin Mudcim. Kadib buu Abuu Bakar u tegay Mudcim bin Caddiyi oo uu ku yiri: Iga soo dhiso gabadha. Markaasay haweeneydii Mudcim ku tiri seygeeda:- Yuusan wiilka kaa fidneyn Abuu Bakar ee gabadhiisa faraha uga qaad. Markaa buu u fasaxay, sidaa buuna Rasuulka SCW ku guursaday sanadkii 1aad ee Hijriyada.

3. Kadib waxuu guursaday Asmaa bint Cumeys bin Macad bin Taym bin Al Xaarith bin Kacab bin Maalik bin Quxaafah bin Caamir bin Maalik bin Nasar bin Wahabullaah bin Shahraan bin Cafras bin Khalaf bin Aftal Aftal waxuu caan ku ahaa Khuthcum Al Khuthcumiyah, waxayna udhashay Maxammed bin Abuu Bakar, sanadkii sagaallaad ee Hijriyada ayayna udhashay. Ka hor waxaa soo guursaday Jacfar bin Abuu Dhaalib. Iyada ayuu Abuu Bakar u dar daarmay inay meydho meydkiisa markii uu xanuunsanaa,

4. Kadib wuxuu guursaday Xabiibah bint Khaarijah bin Zeyd bin Abii Zuheyr oo ka dhalatay banii Xaarith bin Al Khazraj, waxayna udhashay Umu Kalthuum bint Abii Bakar, markuu geeriyooday kadib, waayo iyadoo Ummu Xabiibah ay uur tahay buu ka dhintay.

Dhammaan carruurtiisii waa ay u hana qaadeen, Cabdullahi waxuu kudhaawacmay dagaalkii Xuneyn waxuuna geeriyooday sanadkii 11aad ee Hijriyada, Cabduraxmaan bin Abuu Bakar waxuu geeriyooday sanadkii 53aad ee Hijriyada ama 54aad. Waxuu ku geeriyooday goob la yiraahdo Al Xubshi oo 6 ama 12 mayl u jirta magaalada Makka, Caaisha iyadu waxay geeriyootay sanadkii 57aad ee Hijriyada. Asmaa bint Abuu Bakar waxay geeriyootay sanadkii 73aad ee Hijriyada kadib dilkii wiilkeeda C/llaahi bin Zubayr muddo laga joogo bil iyadoo cumrigeeda lagu sheegay 100 sano ilig-na kama dhicin , hase ahaate way indho beeshay aakhirkii cumrigeeda. Umu Kalthuum waxaa doonay Cumar bin Khadaab, hase ahaatee way diidday, kadibna waxaa guursaday Dhalxa bin Cubeydillaah. Maxamed bin Abuu Bakar waxaa lagu dilay Masar waxaana dilay Mucaawiyah bin Khadiij, kadibna waa la gubay sanadkii 38aad ee hijriyada. Walaashiis Caaisha si aad ah ayay uga murugootay, waxayna kafaala qaadday markaasi carruurtiisa.

Khudbaddii Ugu Horreysay Islamka

Culimada waxay sheegaan in saxaabadii racii kowaad ee Islaamay ay jecleysteen in khudbad la jeediyo, taasoo looga warramaya Quraanka soo degay iyo nuurkiisa, haddaba Abuu Bakar baa jecleystay inuu noqda qofkii akhrin lahaa khudbaddaas isagoo ka dhex jeedin Kacabadda dhexdeeda, waxayna ahaayeen Muslimiinta maalintaa 38 qof sida ay werrinnada badan qabaan. Wuxuu Abuu Bakar u tegay Rasuulka SCW oo uu ku yiri:- Rasuulkii Alloow!! waxaan jecleystay inaan khudbad akhriyo oo aan uga warramaya wixii soo degay iyo waxii aad ina bartay. Rasuulka SCW waxuu damcay inuu ka celiyo, maadaama ay Muslimiinta yar yahiin oo haddii Qureeshtu soo haweysata aysan iska dhicin karin hase ahaatee markii dambe Rasuulka SCW wuu ka yeelay oo wuu u idmay inuu khudba akhriyo. Kadib waxuu Abuu Bakar ka dhex istaagay koox jameecadii reer Makka oo saadaaddii Quresheed kamid ah oo uu khudbaddii u jeediyey. Goor uu dhexda marinaya ayaa waxaa kusoo heentay Qureeshtii oo ku kacday, markaa buu qof waliba ku dhuftay wixii uu ku dhufan karay, waxuuna Abuu Bakar ku dhacay dhulka, markaa buu Cutbah bin Rabiica kabtiisii wejiga uga garaacay heer markii dambe uu miyir beelay, kadib waxaa yimid, tolkii Abuu Bakar ee banii Taym, oo qaaday dabeetana geeyay gurigiisii, waxaa dul joogtay hooyadiis Ummul Kheyr oo murugeysan, taasoo guriga ku dabiibeysay in muddo ah. Waxay banii Taym ku hanjabeen in ay Cutbah u dilan doonaan Abuu Bakar haddii uu geeriyooda Abuu Bakar, oo dagaalkaana uu noqon doona mid Qureeshta dhexdeeda aan dhammaan. Sidaa darteed Abuu Bakar Siddiiq waxuu ahaa saxaabiga kaliya ee la xuso in tolkiisa oo gaalo ah ay u qiiroodeen si ay ugu dagaallamaan heer Qureeshtu dhexdeeda la gaaro inay is laayso, dagaalkaasoo noqon doona mid in badan raago.

Muddo buu Abuu Bakar bukaan jiif ahaa oo haddii lala hadlana uu ishaarayey oo kaliya, waxaana la joogtay hooyaddii Ummul Kheyr. Abuu Bakar waxuu miirkii kusoo laabtay isagoo leh:- Rasuulkii Alle SCW maxaa lagu falay? Waayo waxuu ogaa oo miir ugu dambeyay isagoo goobtii khudbadda joogay Rasuulkuna SCW uu la joogay. Haddaba hooyadii baa baxday oo waxay la kulantay Ummu Jamiil bint Khadaab, taasoo kamid ahayd dadkii Islaannimadooda qarsanyey, waxay Ummul Kheyr weydisay bal inay Abuu Bakar saaxiibkiis aragtay ,waxayna ku jawaabtay Ummu Jamiil:- Garan maayee ma dooneysaa inaan kuu raaco wiilkaada? Waxay tiri:- Haa!. Way soo baxeen, markiina ay Abuu Bakar uyimideen bay Ummu Jamiil si aad ah uga murugootay iyadoo xustay inay daalimiin gar daran yahiin Qureeshta sidaa u gashay. Markaas buu Abuu Bakarna yiri:- Maxaa lagu falay Rasuulkii Alle SCW? Waxay tiri:- Waa roonyahay waxuuna joogaa daartii Al Arqam ibnu Abul Arqam. Waxuu yiri Abuu Bakar:- Dhandhamin mahayo quud oo cabbi mahayo biyo jeer la ii geeyo Rasuulkii Alle SCW. Markaa bay u yara kaadiyeen inta cagtu ka dageyso inta uu dhulka mugdi ka noqon. Markii cagtu degtay bay hooyadii iyo Ummu Jamiil soo garba galeen oo ugu keeneen Rasuulka SCW gootii asxaabta ee daarta Arqam. Markii uu Rasuulka SCW arkay Abuu Bakar dhibta iyo dhaawaca ka muuqda ayuu ilmeeyay oo uu aad uga murugooday, dabeetana wuu macaanaqeeyay xabadka buu xabadka u saaray oo uu dabeetana dhunkaday, markaa buu Abuu Bakar yiri:- Rasuulkii Alloow!! SCW kol haddii aan ku arkay adigoo bad qabtid wax waliboo i gaaray waxba maaha. Markaa buu Abuu Bakar ka sheegtay Cutbah iyo dhibtii uu soo gaarsiiyey, waayo wuxuu wejiga uga garaacay kab, waxuuna yiri:- Rasuulkii Alloow!! SCW waxaa iigu darnaa Cutbah. Markaa buu Rasuulka SCW Cutbah habaaray.

Wuxuu gudo galay Nebiga SCW inuu Abuu Bakar u duceeya, markaa buu Abuu Bakarna yiri:- Rasuulkii Alloow!! waatan hooyadeey oo wiilkeeda u baarrinimo fashay ee si uu Illaah cadaabta uga bad baadiyo Alle u bari oo Islaamkuna ugu yeer. Markaa buu Rasuulka SCW u duceyay oo Islaamkana ugu yeeray iyadiina waa ay Islaamtay. Haddaba Abuu Bakar waxuu ka faaiday dhibkii ogaanta ee soo gaadhay in ay hooyadii Islaamta oo Rasuulkuna SCW u duceeyo. Miro dhalkii dacwadiisuna waxay noqotay inay hooyadii naar ka badbaaddo.

Cuqbah bin Abii Muceydh ayaa maalin arkay Rasuulka SCW oo kacbada ku tukanaya, markaa buu inta maro soo qaatey luqunta ama qoorta ka geliyey oo ku ceejiyey, Markaa buu Abuu Bakar warkii maqlay oo meeshii yimid oo ka qabtey kuna yiri:- Oo ma waxaad dileysaan nin intuu yiri Rabbigey waa Allaah Markaa baa wixii Qureesh oo meesha joogay Abuu Bakar ku jeesteen oo rifeen. Markaa buuna Rasuulka SCW dariiq helay oo uu ka baxay. Dabeetana wuxuu Nebigu SCW ku jeestay asxaabtiisii oo uu suaalay:- Illaah baan idin ku dhaarshaye ma waxaa kheyr badan Muminkii reer Fircoon mise isaga yacni Abuu Bakar? Markaa cidi kamaysan siin jawaabtii uu filayey, kadibna waxuu yiri:- Oo maydaan ii jawaabeyn? Illaah baan ku dhaartaye saacad kamid ah saacadaha Abuu Bakar noolashiisa kamidka ah ayaa ka kheyr badan 1000 saacadood oo kamid ah noolasha Muminkii reer Fircoon. Oo kaasi waxuu ahaa nin isagu iimaankiisii qarsaday kanina waa mid iimaankiisii muujistay.

Abuu Bakar Siddiiq waxuu ahaa saxaabi Rasuulka SCW rafiiqiisii gaarka ahaa, oo uma suuro gelin hijradii dhulka xabashida loo hijroonayey. Waayo markii ay Muslimiintii nafahooda iyo diintooda la cararayeen buu Abuu Bakar kamid ahaa dadkaa iyaga ahaa ee damcay inay u qaxaan dhulaysan aqoon. Haddaba markuu baxay Abuu Bakar ayaa waxaa dhexda kula kulmay goob la yiraahdo Barkul Qimmaad odaygii Axaabiishta oo la oran jiray Ibnu Duhnah Waxaa kaloo la sheegaa in loo yaqaanay Ibnu Duqinah, waxaana la sheegaa in magaca hooyadii uu ahaa magacaasi, ama daabbadiis, magaciisa saxda ahina wuxuu Al Waaqidi ku sheegay Al Xaarith bin Yaziid. Suhaylina wuxuu ku sheegay in la yiraahda Maalik, wallaahu aclam. Oo ku yiri:- War Abuu Bakar xaggeed usocotaa? Waxuu yiri:- Tolkeygii baa isoo saaray oo waxaan jecleystay inaan iska socda oo aan tego meel aan Rabbigey ku caabbudo. Waxuu yiri Ibnu Duhnah:- Adigoo kale maaha mid baxo oo la saaro, ee laabo oo deegaankaaga Rabbigaa ku caabbud, aniga ayaana ku magan gelin doona.

Intaa kadib Abuu Bakar waxuu la laabtay Ibnu Duhnah oo uu Makka la tegay. Kadibna Ibnu Duhnah waxuu u tegay jamac Qureesheed oo ogeysiiyey inuu Abuu Bakar magan geliyey, waxuuna u tilmaamay inaanan magantiisa loo gacan dhaafin. Qureeshtii arrintaa way ka yeeshay, hase ahaate waxay ku xirtay shuruud ah inuu Abuu Bakar Rabbigiisa ku caabbudo gurigiisa oo uusan dhexdooda ku muujisan, waayo way dhibsan markaana waxaa suuro gal ah inay magantiisa u gacan dhaafaan.

Haddaba Abuu Bakar muddo ayuu sidaa ahaa oo gurigiisa Rabbigu ku caabbudi jiray, markii uuna salaadda u kaco codkiisa ayuu kor ugu akhrin jiray Quraanka heer ay dumarka iyo carruurta kusoo heentaan hareerahiisa oo ay ka dhageysan jireen.

Qureeshtii arrintaan waa ay dhibsatay oo waxay u tegeen Ibnu Duhnah oo ay u tilmaameen inuu ka laabto maganta uu Abuu Bakar magan geliyey ama uu ka celiyo oo Quraankiisa hoos u akhristo. Ibnu Duhnah ayaa u tegay Abuu Bakar oo ku war geliyey hadalladii ay Qureeshtu kula hadashay, waxuuna u tilmaamay inuu maganta kala laaban doono haddii uu sidan kusii socda. Abuu Bakar oo iimaankiisu aad u xeel dheeraa, kalsoonni dhanna ku qabay Rabbigiis ayaa ku yiri Ibnu Duhnah:- Iskala laabo magantaadu oo anigu waxaan magan galayaa Allaah oo aan ku raalli ahay. Sidaa ayuuna Abuu Bakar ku sugnaa jeer uu markii dambe Madiina usoo hijrooday isagoo Rasuulka SCW kula rafiiqay safiirkiisaasi hijrada.

Nolashiisii Madiina

Markay dadkii Muslimiinta ahaa intoodii haajiri kartay ka haajireen magaaladii Makka oo loowada kicitamay dhanka Madiina, Abuu Bakar wuxuu safarkiisii hijrada kula rafiiqay Rasuulka SCW oo waxuuba la galay godkii Qaaru Thowr oo ay saddex casho ku jireen isaga iyo Rasuulka SCW. Waana dhacdadii uu Alle Sarreeye ku soo dejiyey aayaddan:

Haddaydaan u gargaarin Gaalooy Nebiga SCW waxaa u gargaaray Allaah, markey bixiyeen kuwii gaaloobay, isagoo labo qofood midkood ah, markay ku jireen Nebiga SCW iyo Abii Bakar godka, markii uu Nebigu SCW ku lahaa Abii Bakar :- Ha murugoon, Alle baa nala jiree, Suu Alle kusoo dejiyey xasilloonidiisii, oo uu ku xoojiyey junuud askar Malaaig ah oo aydan arkeyn. Towbah aayadda 40aad

Haddaba Abuu Bakar Siddiiq dhowr meelood ayuu Alle Quraanka kaga xusay oo aayado dhowr ah buu Abuu Bakar sababnasuul u ahaa, kuwaasoo ay ka mid yahiin aayadihii aynu horey usoo marnay ee suuradda Leyl iyo weliba kuwii ka hadlayey dhacdadii qadafka Caaisha iyo markii uu quudkii uu siin jiray Abuu Bakar ka gooyey Misdhax bin Othaath oo horey uga qayb qaatay xaadisadii ifkiga, aayadahaasina waxay ku jiraan suuradda Nuur.

Abuu Bakar Siddiiq markuu yimid magaaladii Madiina Ansaartii horey Rasuulka SCW u arkin waxay kala garan waayeen koodii Rasuulkii Alle ah Nebiga SCW iyo Abuu Bakar. Taana waxaa iskaga dhex qasay dabeecaddii Abuu Bakar iyo dhaqankiisii oo aad u sarreeyay kuna dhawaa dhaqanka iyo dabeecadda Rasuulka SCW, heer raggii Ansaarta iyo dumarkoodii badankooduba ay u maleeyeen inuu Abuu Bakar yahay Rasuulkii la sugayey. Waxayse ku garteen inuusan Abuu Bakar ahayn Nebiga goor ay cadceedi qabatay Rasuulka SCW wejigiisa ayuu Abuu Bakar maradiisii uga dhigay markaa bayna garteen inuusan Abuu Bakar Rasuulka ahayn.

Intaasi kadib markuu Rasuulka SCW dadka Ansaarta iyo Muhaajiriinta walaaleynayey Abuu Bakar Siddiiq wuxuu la walaaleeyay Khaarijah bin Zeyd bin Abii Zuheyr Al Khazraji. Mar dambana waxuu Abuu Bakar guursaday gabadh uu dhalay Khaarijah bin Zeyd bin Abii Zuheyr oo la oran jiray Ummu Xabiibah bint Khaarijah.

Abuu Bakar Allaha ka raalli noqdee wuxuu Makka uga soo tegay reerkiisii, Rasuulkuna SCW sidoo kale. Cali bin Abii Dhaalib oo isagu looga soo tegay inuu deymahii iyo wixii uu Rasuulka SCW dadka u hayey inuu usoo gudo, waxuu asagu ka daba yimid saddex casho kadib oo Madiina soo gaaray, isagoo howshiisii soo gutay. Markaa bay Rasuulka SCW iyo Abuu Bakar direen labo nin oo la kala oran jiray Zeyd bin Xaaritha iyo Cammaar bin Yaasir. Wuxuu Abuu Bakar raggaasi siiyey 500 Dirham si waxa ay u baahdaan uga iibsadaan, waxuuna amray inay soo kaxeeyaan gabdhahii uu dhalay Rasuulka SCW- Faadimah iyo Ummu Kalthuum iyo xaaskii Rasuulka SCW ee Sowdah bint Samcah iyo waliba reer Abuu Bakar- Ummu Rowmaan iyo gabadheeda Caaisha iyo Asmaa bint Abii Bakar afadii Zubeyr iyo weliba Ummu Ayman Barakah bint Thaclabah iyo wiilkeeda Usaama bin Zeyd. Abuu Bakar Siddiiq waxuu horey ugu daray labadii nin C/llaahi bin Ureyqid oo gaal dhul aqoon ahaa si uu jidka u tusiyo, wuxuuna Abuu Bakar horey warqad ugu sii qoray wiilkiisii C/llaahi bin Abii Bakar si uu usii diyaariya qoyska iyo safarkooda iyo sahaydooda. Dabeeto waa lasoo kaxeeyey dhammaan oo la keenay magaaladii Madiina, kadib buuna Rasuulka SCW Caaisho la aqalgalay.

Abuu Bakar Siddiiq wuxuu ka qayb qaatay dagaalkii Bader oo wuxuu ahaa ninkii Rasuulka SCW cariishkiisii ku wehliyey maalintaasi. Sidoo kale maalintaa waxuu doon doonayey wiilkiisa C/Raxmaan oo dhanka gaalada la safnaa. Wuxuu doonayey Abuu Bakar inuu wiilkiisa ka takhalluso oo wuxuu lahaa:- khurankiiyoow! meeyay maalkeygii? Isaguna wuxuu ku jawaabayey:- Waxaa ka dambeyso oo ka soo hartay seef dili doonta oday diintiisii nacay. Haddaba goor dambe ayuu Muslimay C/Raxmaan oo uu wanaagsanaaday. Abuu Bakarna maalintaa uu Muslimay wiilkiisa aad ayuu ugu farxay. Maalintii Uxud waxuu Abuu Bakar Siddiiq ahaa qofkii ugu horeeyay ee Rasuulka SCW kusoo laabtay kadib markay Muslimiintii jabeen.

Sidaa si lamid ahna waxuu ka qayb qaatay dhaqdhaaqyadii Axzaab, heshiiskii Xudeybiyah, duullaankii Kheybar, Cumradii la qalleeyey Cumaratul Qaddaa, furashadii Makka, iyo dhammaan dhaqdhaaqyadii oo idil. Maalintii Tabuuk wuxuu siday calanka guud ee ciidanka Muslimiinta. Rasuulka SCW ayaa u wakiishay xajkii ugu horeeyay Islaamka sanadkii 9aad ee hijriyada, markaas ayaana loo dhalay wiilkiisii Maxamed bin Abii Bakar oo ay u dhashay afadiisii Asmaa bint Cumeys.

Rasuulka SCW markuu xanuunsaday wuxuu salaadda amray in uu Abii Bakar tujiyo. Caasha ayaa Rasuulka SCW ku tiri:- Rasuulkii Alloow! Abuu Bakar waa nin qalbi jilacsan oo oohin badan markuu Quraanku akhrinaya, ee maad amartid Cumar dadka ha tujiyee? Wuxuu Rasuulka SCW yiri:- Hala amro Abuu Bakar dadku ha tujiyee. Caaisha waxay u tegtay Xafsah oo ay arrintii u sheegtay bal si ay iyana Rasuulka SCW u la hadasho iyaduna oo ay arrintaa ugu sheegto. Wuxuu yiri Rasuulka SCW markay Xafsa arrintaa kala hadashay:- Waxaad tihiin dumarkii Yuusuf shirqoolay oo kale ee hala amro Abuu Bakar dadka ha tujiyee.

Haddaba Abuu Bakar waxuu ahaa qofkii ku xigay Rasuulka SCW oo xilkan qaban lahaa iyo weliba kii ugu cilmiga badnaa saxaabada oo dhami Rasuulka SCW ka dib. Ishaarooyinkan iyo kuwa kale oo aan soo marnayba oo ay kamid yahiin albaabadii masjidka ee hala xiro uu Rasuulka SCW yiri, dhammaan ishaarooyinkan iyo kuwa kaloo badanba waxay ku tusin inuu Abuu Bakar yahay ninkii khilaafada qaban lahaa Rasuulka SCW bacdigiisa.

Goor barqo ah cadceedduna ay kulushahay maalin Isniin ah oo bishii Rabiicul Awal ay tahay 12 sanadkii 11aad ee hijriyada baa Rasuulka SCW la oofsaday oo uu dhanka Rabbigiisa aaday. Abuu Bakar Siddiiq markaasi wuxuu ku sugnaa goobta As- Suxni oo uu guri ku lahaa, halkaa buuna faras uga yimid oo inta masjidkii yimid dabeetana u dhaafay aqalkii Caaisha buu u galay meydkii Rasuulka SCW oo inta wejiga maradii ka feyday ayuu dhunkaday oo ilmaduna ka qubatay dabeetana yiri:- Aabahay iyo hooyadayba kugu furtaye Rasuulkii Alloow! Alle labo dhimasho iskugu kaa dari mahayo, oo dhimashadii kuu qorneyn waad dhandhamisay. Misna wuxuu yiri:- Maxaa kaa udgoon badan Rasuulkii Alloow!! noolal iyo geeriba? Kadib Abuu Bakar wuu soo baxay oo dhanka dadkii soo abbaaray oo markaana Cumar wuxuu u gooddiyey qofkastoo yiraahdo:- Rasuulka SCW wuu dhintay. Waxaana la sheegaa in Muqiirah bin Shucbah uu u tegay Cumar oo u sheegay geerida Rasuulka Alle SCW. Markaa buu isaguna ka diiday oo ku yiri:- Been baad sheegtay.

Waxuu yiri:- Rasuulkii Alle SCW ma uusan geeriyoon oo mana geeriyoonayo, wuxuuse aaday xagga Rabbigiis siduuba Nebi Muuse CS u aaday oo afartan casho u maqnaa, kadibna yimid isagoo horey loo yiri:- Wuu dhintay. Dhaar Eebbee! Rasuulkii Alle SCW wuu soo laaban doonaa, markaas buuna gacmaha iyo lugaha ka jari doonaa dad badan oo sheegi inuu geeriyooday.

Werin kale waxay leedahay Munaafiqiin badan.

Abuu Bakar Siddiiq markuu usoo baxay dhankii dadka masjidka joogay oo uu Cumar u khudbeynayey uuna ku lahaa erayadaasi isagoona u gooddinayey inuu kurka ka jari doona ciddii tiraahdo Muxammed SCW wuu dhintay,ayuu Abuu Bakar soo galay oo Cumar u tilmaamay inuu fadhiisto, hase ahaatee Cumar arrintaa diidyay oo bartiisii ayuu kasii watay, waxaana ka qaalib noqday maalintaa murugadii oo xitaa miyirkiisii tirtirtay.

Kadib dadkii waxay u wada dhaqaaqeen dhankii Abuu Bakar, waayo wuxuu ahaa mid ay dadku jecelyahiin. Markaa buuna u khudbeeyay oo markuu Alle mahadiyey oo amaanay Nebiga SCW iyo ehelkiisana ku salliyey buu kadib yiri:- Intaa dabadeed, kiinnii Muxammed SCW caabbudijirayow! Maxammed wuu dhintay. Kiinnii Alle caabbudi jirayoow! Alle waa noolyahay oo ma dhimanayo.Kadibna waxuu akhriyey aayaddan:

Maxamed SCW ma uuna ahaan, wax aanan Rasuul ka ahayn, kaasoo ay hortii tegtay Rusullo, ee ma haddii uu geeriyooda, ama la dilo baad u noqoneysaan dib ciribyadiinii gaallimadiinii hore. Kiinnii kastoo dib ugu nooqda ciribtiisii hore Alle wax uu yeeli kara ma jirto, oo Illaahayna wuu abaal marin doonaa kuwa ku shukriya.Aali-Cimraan aayadda 144.

Aayaddaasi iyada ahi dadkoo dhami mabaysan ogeyn inuu Alle horey usoo dejiyey. Waxayna ogaadeen markii uu Abuu Bakar akhriyey, dabeetana qofkastoo maqlay intuu akhriyey ayuu meeshii ka dhaqaaqay isagoo qirsan inuu Rasuulkii Alle SCW dhintay.

Cumar bin Al Khaddaab wuxuu yiri:- Illaah baan ku dhaartaye markii aan maqlay aayaddaas iyadoo uu Abuu Bakar akhrinaya baan gariiray oo lugahii hayn kari waayey heer markii dambe aan dhulka ku dhacay. Markii uu akhriyey Abuu Bakar baana garowsaday inuu Rasuulku SCW geeriyooday.

Intaa kadib Rasuulka SCW waala aasay maalin Arbaco ah sida ku sugan kutubta siirada Nebiga SCW ee caanka ah. Cidi iimaam ma ka noqon janaasadiisii oo toban toban iyo goor goor ayaa loogu tukanayey.

Abuu Bakar wuxuu ahaa ninkii kaliya ee fahmay geerida Rasuulka SCW oo waliba u gartay siduu Alle Sarreeye Quraankiisa ku tilmaamay.

Doorashadii Abuu Bakar

Waxaa jiray ishaarooyin tilmaamayey in Abuu Bakar Siddiiq uu yahay ninkii ku xigi lahaa Rasuulka SCW oo khilaafada qaban lahaa, waxaana kamid ahaa axaadiis badan oo aan soo marnay iyo salaaddii uu Rasuulka SCW amray in dadka uu Abuu Bakar tujiyo iyo tilmaamyooyin kaloo badan. Waxaa taa dheereed ummaddii oo dhammaantood ku raalli ahaa Abuu Bakar aaminsanaana in uusan jirin axad ka fadli badan isaga Rasuulka SCW kadib.

Markii uu geeriyooday Rasuulka SCW, buu Abuu Bakar Siddiiq maqlay in koox Ansaar ahi ay ku kulansanyihiin saqiifadii banii Saacidah oo ay ka shirayaan arrimaha khilaafada. Arrintaasi waxaa Abuu Bakar iyo Cumar soo gaarsiiyey labo saxaabi oo kala ahayd Macni bin Caddiyi iyo Cuweym bin Saacidah. Raggakanina waxay ahaayeen Ansaar. Haddaba Abuu Bakar iyo Cumar waa ay soo dhaqaaqeen. Goor ay dhexda socdaan baa waxay la kulmeen Abuu Cubeydah bin Al Jarraax oo ay horey usii kaxaysteen, waxayna abbaareen dhankii saqiifadii banii Saacidah.

Ansaartu iyagu waxay istuseen inay amiir sameystaan, waxayna booskoodii u garteen ugaaskoodii Sacad bin Cubaadah bin Duleym As- Saacidi oo ay isku raaceen inuu asaga u noqdo amiir.

Markii ay Abuu Bakar, Cumar iyo Abuu Cubeydah yimideen goobtii ayay u sheegeen in arrintaan lagu ogyahay Qureesh maadaama hoggaankii xaramka ay iyadu haysay oo haddii ay Carabna maqalaan in khilaafadii ay qabatay cidaan Qureesh ahayn, ay taasi suuro gelineyso inay riddoobaan oo ay istusaan cidaan Qureesh ahaynba inay daw ku lahayn. Sidaa darteed waxuu Abuu Bakar u tilmaamay in labadan nin ee Qureesheed Cumar iyo Abuu Cubeydah midkood ay doortaan. Cumar bin Khaddaab arrintaasi siduu u dhibsaday isagoo ka sheekeyn jiray wuxuu oran jiray:- Dembi lii baan jeclaa in unuunka la ii dheereeyo kurka layga jaro intii aan amiir unoqon lahaa ummad uu kujiro Abuu Bakar. Macnuhu wuxuu ka hadlayaa fadliga Abuu Bakar, iyo inuusan u noqon karin amiir nin asaga ka fadli badan.

Ansaartii waxay is tusinayeen in iyagu ay amiir sameystaan, waxaana kacay mid kaco oo kamid ah iyaga Waxaa lagu sheegaa inuu ahaa Al Xubaab bin Mundir oo yiri:- Annagu Ansaar waxaynu leennahay amiir idinku Muhaajiriinna waxaad leedahiin amiir.

Ansaartu waxay ahaayeen kuwa ka badan Muhaajiriinta dhanka tiro ahaanta, oo Muhaajiriintu waa ay ka yaraayeen tirada Ansaarta. Hase ahaatee waxay Muhaajiriintu ahaayeen hoggaankii saxaabada oo muddo badan Rasuulka SCW agtiisa joogay waqtigii Makka, waxayna ahaayeen raggii ugu cilmiga badnaa saxaabada. Dhanka kale Ansaartu iyagu waxay ahaayeen dadkii reer Madiina ee u gar gaaray Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa. Waxayna ahaayeen raggii lagu tiirsanaa oo awood ahaan naf iyo maalba u qidmay Alle iyo Rasuulkiisa SCW, waxayna ahaayeen cududdii Islaamka.

Rasuulka SCW meelo badan ayuu Ansaarta ku ammaanay oo sida kutubta siirada ku sugan habeenkii Caqabadii labaad markii uu Abul Haytham bin Tihaam yiri:- Rasuulkii Alloow! Innaga iyo nimanka Yahuudda ahi waxaa isugu kaayo xiran xarko heshiis iyo xilfi baa innaga dhaxeeyo oo gaashaan buur baynu nahay oo waan gooyneynaa haddaad ina amarto ee haddaba malaga yaabaa haddaynu sidaa yeelno dabeetana Alle kuu gargaaro inaad tolkaaga u laabato oo aad inaga soo tegto?

Rasuulka SCW intuu muusooday buu yiri:- Mayee! sidaa maahane dhiiggiinu waa dhiiggeyga oo nolol iyo geeriba idinkaan idinla jiraa, adinkuna anigaad ila jirtaan. Anigu idinka mid baan ahay oo idinkuna iga mid baad tihiin, oo qofkii aad la dagaashaan baanna la dagaali doonaa, ciddii aad soo dhaweysaan baana soo dhaweyn doonaa.

Habeenkaas waxay aheed habeenkii Caqaba ee heshiiskii labaad ee dhex maro raggaas Ansaarta iyo Rasuulka SCW. Waana ka hor intuusan Rasuulka SCW soo hijroon. Sidoo kale maalintii Xuneyn, markii ay saxaabadii jabeen Rasuulku SCW wuxuu amray Al Cabbaas bin C/Muddalib oo aad u cod dheeraa inuu u dhawaaqa Ansaarta si ay u soo laabtaan, oo u difaacaan Rasuulka SCW.

Durba waa ay soo gaddoomeen Ansaartii markii ay maqleen dhawaqa Al Cabbaas oo difaaceen Rasuulka SCW oo si daran uga qeyb qaateen dagaalka, iyo difaacidda Rasuulka jeer uu nasrigii yimid.

Maalintaasi iyada ahi Rasuulka SCW waxuu hanti iyo maal badan siiyey Muhaajiriinta iyo dad badan oo kamid ah kuwii diinta Islaamka ku cusbaa oo quluubtooda loosoo duwayey Islaamka xaggiisa. Qof Ansaarta kamid ahna waxba ma uusan helin. Rasuulku SCW Ansaartii wuu qadiyey oo qaybtii waxba kagama soo haggaajin, arrintaana waxay ahayd mid ay ku jirtay oo ay ku dheehnayd xikmad Allaah iyo Rasuulkiisu SCW oo kaliya ay garanayeen.

Haddaba Ansaartii ayaa markaasi hoos iskula hadashay oo gadoodday, oo gununacday iyaga oo aan garanayn sababihii dhaliyey arrintaasi ah, in Rasuulka SCW sidaa wax u qeybiyo. Markii uu dagaalku kululaaday ee ay saxaabadii jabeen, ayaga ayaa loo yeertay oo markay yimideen oo ay dagaallameenna, guul iyo nasri la helayna, waxba qaniimadii kama aanay helin. Waxayna xaaladdu gaartay heer ay qaarood Ansaarta iskula hadlaan si hoos ah iyagoo is leh:- Dhab ahaan Rasuulku SCW tolkiisii buu u yimid oo yacni waxay u dhawdahay inuu idinka faaruqo. Ugaaskii Ansaarta ee Sacad bin Cubaada baa Rasuulka SCW u yimid oo ku yiri:- Rasuulkii Alloow! Ansaar waxa ay kuugu caroodeen sida aad wax yeeshay iyo qeybintii xoolihii qaniimada ahaa oo aad u qaybisay tolkaagii, iyadoo aad siisay siismo aad u weyn qabaailladii Carbeed iyaguna Ansaartu aadan haba yaraatee waxna siin..

Haddaba goor uu gadoodkii Ansaarta halkaa marayo oo dacwo kusoo biyo shubtay ayuu Rasuulku SCW ku yiri:- Oo Sacadoow! adigu xaggee baad ka taagan tahay arrintaa?

Waxuu yiri:- Rasuulkii Alloow! anigu tolkeyga ayaan wax la qabaa. Markaasuu Rasuulku SCW yiri:- Waxaad ii soo kulmisaa tolkaaga oo dhami. Kadib wuu dhaqaaqay oo waxuu soo kulmiyey tolkiisii. Markiina uu keenay tolkiisii oo uu Rasuulka SCW ula yimid oo dabeetana la fariistay, ayuu ku yiri kadib markuu Alle weyne mahadiyey, ducadii furfurashaduna akhriyey:- Ansaartiyeey! Oo maxuu yahay warkaan iga kiin soo gaaray ee ah inaad ii carooteen? Miyaanan ahayn mid idiin yimid idinkoo habawsan dabeetana Alle idin hanuunin? Oo miyaanan ahayn mid idiin yimid idinkoo cayr ah oo Alle idin hodmin? Oo miyaanan ahayn mid idiin yimid idinkoo cadaw isku ah oo Alle qalbiyadiinii isku soo duwin?

Kadib Waxay yiraahdeen:- Haah! Oo Alle iyo Rasuulkiisa ayaa gallad iyo abaal badanba lehe. Markaasuu yiri:- Oo miyeydaan ii jawaabeyn Ansaareey!!? Markaasey yiraahdeen:- Oo maxaan kuugu jawaabnaa Rasuulkii Alloow!? Alle iyo Rasuulkiisa ayaa gallad iyo abaal badanba lehe.

Markaasuu yiri:- Illaah baan ku dhaartaye haddii aad rabtaan waxad oran lahaydeen oo runna aad ku sheegi lahaydeen, oona la idiin rumeeyn lahaa:- Waad inoo timid adiga oo lagu beeniyey markaas baan ku rumeynay, oo aad inoo timid adigoo lagu dulleystay, saan kuu gargaarnay oo aad inoo timid adiga oo lagu soo saaray, markaasaan ku soo dhoweynay, oo aad inoo timi adigoonan waxbo haysan oo cayr ah, markaas ayaan ku hodminnay. Oo haddaba Ansaareey!! ma waxaad iigu carooteen haraa adduunyo oo aan qolooyin ugu soo duwaya diinta Islaamka ee aad idinku hirgeliseen oo aad xilkeedana qaadateen?

Oo miyeydaan raalli ku ahayn in dadku la tagaan ari iyo awr idinkuna aad guryihiinnii ula noqotaan Rasuulkii Alle? Allihii nafta Maxammed ay gacantiisa ku jirtay baan ku dhaartaye haddii aysan jiri lahayn hijro yacni qaxootinnimo, waxaan noqon lahaa qof Ansaarta kamid ah. Oo hadday dadku waddo qaadaan, Ansaartuna waddo qaaddo, waxaan qaadi lahaa waddada Ansaar. Allahayoow!! Ansaar u naxariiso oo u naxariiso Ansaar iyo dhashooda iyo dhasha ay dhalaan dhashoodu. Markaas ayey Ansaar wada ilmeeyeen oo ay ilmadu hibisiqleeyeen oo ay yiraahdeen iyagoo wada hiqleyn oohinta:- Waanu ku qanacnay qaybinta iyo siismada Rasuulka Alle SCW oo aan ku raalli noqonnay inaan saami u helno Alle iyo Rasuulkiisa SCW.

Haddaba fadliga Ansaartu wuu badnaa oo waxay ahaayeen dad uu Rasuulka SCW aad u jeclaa iyaguna ay jeclaayeen, waxuuna u wakiishay Allaah iyo iimaankooda maalintaa iyada ah ee uu qeybinayey qaniimadii Jicraanah. Waxaana xusid mudan in Rasuulka SCW markii uu geeriyoonayey uu ka dar daarmay Ansaarta oo uu tilmaamay inay dadku badan doonaan, Ansaartuna ay yaraan doonta, waxuuna Muslimiinta ka dalbaday ama amray in Ansaar iyo ubadkooduba la xaq dhowra, waayo xaqii saarnaa way guteen oo waxaa markaasi haray xaqoodii.

Illaahay kor ahaaye Quraankiisa ayuu meelo badan ku amaanay Ansaarta, waxaana xusid mudan in magacooda Ansaar laga helaya Quraanka meelo badan, waana magac uu Alle kor ahaaye u bixyey iyaga, oo uu udooray Illaahay haka raalli noqdee.

Sidaa darteed bay Ansaartu is tuseen inay amiir yeeshaan ama ayba iyagu khilaafada qabtaan Rasuulka SCW bacdigiisa.

Kadib waxaa kacay mid kaco oo kamid ah Ansaarta oo lagu sheegay inuu ahaa Useyd bin Xudeyr- saaxibul xikmah, waxuuna jeediyey khudbo cajiib ah oo uu Ansaarta kula hadlayey oo waxuuna tilmaamay inay iyagu yahiin Ansaartii Rasuulka Alle SCW, lagana doonayo inay noqdaan Ansaartii khaliifadiisa. Kadib buu Cumar kacay oo suaalay Ansaartii inay jirta cid ku raalli noqotay Abuu Bakar oo Rasuulka SCW horey u amray salaadda inay ka hor marto.Hase ahaatee cidi arrinkaa kuma aysan dhiirran. Ansaartiina waxay ku qanceen khudbadii ugaaskooda Useyd oo saameysay iyo weliba kalmadihii Cumar. Markaa buu Cumar ku yiri Abuu Bakar:- Fidi gacantaada. Oo la mubaayicooday dadkiina ay la mubaayicoodeen intoodii goobtaas joogtay.

Kadib wuxuu tegay masjidkii oo dadkii beyco guud la galay oo misna eegay dadka isagoo mimbarka saaran, wuxuusa dadka ka dhex arki waayey Zubeyr bin Cawaam. Markaasuu u cid. Markii uu yimid ayuu suaalay sababta ku kalliftay ka dib dhaco beycada isagoo ay dhashay Rasuulkii Alle SCW eeddadiis. Markaa buu Zubeyrna u cududaartay inuu arrimo ku mashquulsanaa oo kadibna la mubaayicooday. Sidaa si lamid ahna wuxuu mar kale dadka ka dhex eegay Cali oo markii uu ka dhex waayey, u cid diray. Markii uu yimidna wuu u cududaartay, dabeetana waa uu la mubaayacooday.

Shiicadu waxay aaminsanyahiin inuusan Cali la mubaayicoon Abuu Bakar Siddiiq. Waxaase cad oo axaadiis badan oo saxiix ahna ku sugnaaday inuu Cali la mubaayicooday Abuu Bakar labo goor. Mar waa markii hore ee la doortay, marka kalena waa kadib markii ay geeriyootay Faadimah bint Rasuulillaah SCW oo ay horey arrini ka dhex dhacday iyada iyo Abuu Bakar Siddiiq. Arrintaasina ma ahayn mid sidaa usii buuran

Taasuna sababteedu waxay ahayd Faadimah ayaa weydiisatay Abuu Bakar inuu siiyo dhul istaraatiiji ahaa oo uu Rasuulka SCW lahaa. Abuu Bakarna waxuu usheegay in dhulkaasi uusan siinahayn, waayo buu yiri Rasuulka SCW ayaan horey uga maqlay isagoo leh:- Haddaynu nahay kulanka Ambiyada yacni Nebiyada nalamo dhaxla oo waxaynu ka tegnaana waa sadaqo. Faadimah way isaga tegtay Calina markaa inkastoo uu la mubaayicooday haddana waxuu ku mashquulsanaa dabiibinta iyo la tacaalidda Faadimah oo markaa xanuunsaneyd. Markiina ay geeriyootay dhimashadii aabaheed Nebiga SCW kadib muddo laga joogo 6 bilood, buu Cali mar kale jadiidiyey baycadii oo la mubaayacooday Abuu Bakar oo oo misna usoo jeestay la shaqeynta khaliifadii Rasuulka SCW. Waxaana arki doonnaa inuu Cali kamid ahaa Raggii ugu cad caddaa khilaadii Abuu Bakar.

Dhanka kale Abuu Bakar Waxuu ahaa mid ahlu beydka Rasuulka SCW si aad u weyneyn jirtay aadna u jeclaa, sidooy tahayna wuxuu ahaa mid ku ad adag kitaabka iyo xukunka Alle,oo waxuu ahaa mid ku qayidan kitaabka Alle iyo sunnaha Rasuulka SCW.

Haddaba Abuu Bakar markii la doortay waxuu goobtaa ka jeediyey khudbo gaaban oo misna aad u qiimo badan. Khudbaddiisaasi waxay ahayd sida tan:

Dadoow! anigu waala iiga kiin madax dhigay, mana ahi kiinnii idinkugu kheyrka badnaa. Iigu gargaara haddii aan toosnaada, haddii aan gafana i qabta. Runtu waa amaanoo beentuna waa khiyaano, kiinnii daciifka ahina agteyda awood buu ku leeyahay jeer aan xaqiisa siiyo. Kiinnii ugu awoodda badanna agteyda wuu ka itaal daranyahay jeer aan xaqa kasoo qaado. Majirta umad ka tegto jihaadko illaa Alle wuu dulleeyaa.

Diriddii Ciidanka Usaamah

Haddaba markii la doortay Abuu Bakar waqtigaasi Muslimiinta waxaa soo wahajday arrin adag oo qabaailkii oo idil baa ka baxay diinta Islaamka geeridii Rasuulka SCW ka dib, qaar kalana waxay diideen inay bixiyaan sakadii oo waxay ku andacoodeen in sakaba lagu lahayn mar hadduu Rasuulkii SCW dhintay. Dadku waxay u qaybsameen kuwa nifaaq ka buuxay oo dhimashadii Rasuulkuba SCW ay ku noqotay bishaaro iyo guul ay heleen iyagoo markaana ay neeftii nifaaqa kasoo goday. Kuwaasi si deg deg ah bay ku ridoobeen. Iyo kuwa iyagu Nebinnimo sheegtay oo iimaanlaawayaal ahaa oo been badnaa sida Museylama Al Kaddaab iyo Aswad Al Canasi iyo kuwa kale. Waxaa sidoo kale jiray kuwa iyagu noqday dameer dhaan raacday oo odayaashoodii daba naashleeyey jeer ay qaarkood jahannama ula safreen, iyo kuwa islaamka ku sugnaaday hase ahaatee diiday sakada inay bixiyaan sidaynuba soo xusnay. Xaaladdaasi cakiran iyo jawigaasi foosha xun baa hor istaagay Abuu Bakar, waxuuse uga gudbay caqligiisii iyo Illaah oo garab istaagay, heer muddadii koobneed ee khilaafadiisa uu jaziiraddii oo idil sifeeyay oo nadiif ka dhigay, kuna soo celiyey gacantii Islaamka.

Waxaa Islaamka ku sugnaaday magaalooyinkii Madiina, Makka iyo Dhaaif iyo qaryo kutiillay Baxreen oo la oran jiray Jawaatha. Jawaatha waxay noqotay qaryadii ugu horreysay ee salaadda jimcaha lagu oogo kadib markay dadkii xaqa usoo noqdeen oo Islaamka usoo laabteen.

Xaaladdu waxay noqotay mid daran oo qaraar. Sidaa oo ay tahay waxaa jiray ciidan yara culus oo ciidankii Islaamka ahaa oo malaha edbin lahaa kuwii riddoobay, xaaladda qallafsanna ka saari lahaa umaddii Islaamka. Ciidankaasi waxuu ahaa cududdii Islaamka oo waxuu ahaa ciidankii Usaama bin Zeyd uu Rasuulka SCW horey ugu diyaariyey inay ku duullaan dhulka Shaam. Ciidankaasi markaa iyada ahi waxaa ku jiray Abuu Bakar Siddiiq, Cumar bin Khadaab iyo odayaashii asxaabta. Waxay ku hakadeen ciidankii goobta Jurfa markii uu Rasuulka SCW xanuunsaday oo sakaraadka qabtay. Waqtigaasina waxuu salaaddii amray Rasuulka SCW inuu dadka tujiyo Abuu Bakar oo ciidankii kasoo reebay. Usama bin Zeyd markaa waxuu ahaa 17 jir ama 18 jir. Haddaba intuusan Usaama bixin buu Rasuulka SCW geeriyooday, kadibna waxaa la doortay Abuu Bakar. Markii Abuu Bakar la doortay oo qabaailkii Madiina hareeraheeda deganaana ay diinta ka baxeen bay qaar kamid saxaabadii oo ay kamid ahaayeen Abuu Ayuub Al Ansaari, Abuu Dardaa Al Ansaari, Cumar bin Khaddaab iyo kuwa kale baa Abuu Bakar u tilmaamay in ciidanka Usaama la dirin maadama xaaladda magaallada ay cakirantahay oo reer miyigiina ay doonayaan inay soo weeraraan.

Waxay yiraahdeen iyagoo arrintaasi Abuu Bakar kala hadli:- Oo maxaad ciidanka Usaama u direysaa iyadoo Carabi riddoowday guud ahaan iyo gaar ahaan qabiilladii oo idil, iyadoo xidiggii nifaaquna uu bidhaammay, Yahuuddii iyo Nasaaradiina ay kacday oo Muslimiintiina ay yaraadeen, cadawgooduna batay?

Abuu Bakar wuu diiday waxaan ka ahayn inuu diro ciidankii Usama, oo waxuu goaansaday in la diro oo waxuu tilmaamay inuusan daw ku lahayn inuu celiyo ciidan uu horey Rasuulka SCW u diray iyo in weliba uu hoggaanka ciidanka ka baddelo Usaama oo ahaa nin uu horey Rasuulka SCW u magacaabay. Kaasoo markaa ka hor dadku qaarkiis ay yiraahdeen halaga bedallo hoggaanka ciidanka. Arritaasina waxay la direen Cumar si uu Abuu Bakar u gaarsiiyo, hase ahaatee Cumar waxuu kala kulmay agta khaliifkii Rasuulka SCW caro iyo canaan kulul. Markii uu Cumar Abuu Bakar gaarsiiyey warka ah in odayaasha saxaabadu ay Abuu Bakar ka dalbanayaan in ciidanka laga badallo hoggaaminta Usaama, ntuu Abuu Bakar si aad ah u carooday ayuu Cumarna ku canaantay. Dabeeto Abuu Bakar waxuu amray in uu baxa ciidanka Usaama, asagiina wuxuu abbaaray xeradii ciidanka ee Jurfa bal si uu u sogootiyo oo u lana dardaarma. Intaasi kadibna waxuu u diray dhankii Shaam oo ah halkiii uu Rasuulka SCW horey ugu cayimay, waa goobtuu horey Rasuulka SCW ugu diray ee Daaruum iyo Bulqaa, waxuuna amray inuu gaaro goobtii aabahii Zeyd iyo Jacfar iyo raggii Muta lagu dilay. Waxaa kaloo uu Abuu Bakar Usaama amray in uu la tashado ragga akhyaarta ah ee saxaabada oo ay kamid ahaayeen Abuu Ayuub Al Ansaari, Abuu Dardaa iyo kuwa kale oo badan. Wuxuu intaa dabadeed ka codsaday inuu Cumar ka reebto bal si uu xaaladda ugula tashado, isagiina wuu ka yeelay.

Abuu Hureyrah Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri:- Illaah baan ku dhaartaye uusanna jirin Illaah kale isaga mooyaane, haddii Abuu Bakar la doortay Alle inaan la caabudeyn. Mar kowaad iyo mar labaad iyo mar saddexaad buuna yiri sidaa. Waxaa lagu yiri:- Oo sabab Abaa Hureyroow!? Waxuu yiri:- Rasuulka SCW baa Usaama u diray dhanka Shaam isagoo madax u ah ciidan 700 ah, markiina ay degeen goobta Dii Khashab baa Rasuulka SCW la oofsaday, dabeetana Carabtii hareeraha Madiinana ay wada riddoobeen. Markaa bay asxaabtii Rasuulka SCW isaga Abuu Bakar u tegeen oo ku yiraahdeen:- Abaa Bakaroow! celi oo ha dirin ciidankan ku wajahan dhanka Ruum iyadooy Carabtii hareeraha Madiina oo idili riddoobeen. Markaasuu Abuu Bakar yiri:- Allihii Illaah isaga kasokeeya uusan jirin baan ku dhaartaye! haddii ay eeyahu hoos or-ordayaan lugaha hooyooyinka Muminiinta yacni dumarkii Rasuulka SCW hoostooda, marna celin mahayo ciidan uu Rasuulka SCW diray oo mana siibaya calan uu Rasuulka SCW xiray.

Bal fiiriya iimaankii Abuu Bakar halkuu gaarsiisanaa, waxay ahayd xilli ay xaaladdu cakirneed, waxuuna wax waliba ka hor mariyey inuu fuliya howshii uu Rasuulka SCW qabyada uga tegay. Maadaama uu horey Rasuulka SCW u diray ciidankaasina waxuu Abuu Bakar aaminsanaa inuusan marnaba hoogayn oo Alle guul iyo wanaag ku dhammeyn doona. Waxuu sogootiyey ciidankii oo la dardaarmay, gaar ahaanna waxuu la dardaarmay Usaama oo guul iyo kheyrna Illaah uga baryey, waxuuna amray inuu la tashto ragga akhyaarta saxaabada ah. Haddaba ciidankii wuu baxay. Qoom kastooy sii maraanna waxay lahaayeen:- Haddii aanay dadkan Muslimiinta ahi awood lahayn ma aanay soo diri laheen ciidanka intan dhan. Waxayna is oranayeen bal isku eega iyaga iyo Ruumaanka oo haddii laga adkaado waa sidaanu rabnay, haddaysa adkaadaan u noqda wixii aad horey uga baxdeen Islaamka.

Dhanka kale waxay taasi fajac iyo yaab ku noqotay boqortooyadii Ruumaanka ciidanka dhulkooda waqtigan kusoo duulay iyadoo weliba saaxiibkood Muxammed SCW uu geeriyooday, waxayna arrintaasi ku ridday Ruumaanka niyad jab, rucbi iyo argagax oo way jabeen, markaa bay Muslimiintiina khalqi badan ka dileen, waxna ka soo qaniimeysteen iyagoo bad qabana magaaladoodii Madiina kusoo laabteen muddo 40 ama 60 casho ah kadib.

Waxuu ciidankan Usaama ku tusin heerkii iimaanka Abuu Bakar uu gaarsiisana, sidooy tahayna waxuu Abuu Bakar ahaa mid ay ku weynayeen amarrada Rasuulka SCW oo wax waliba ka hor marin jiray fulintooda. Sidaa darteed buuna marna aaminsaneyn inay arrin uu Rasuulka SCW horey u falay inaysan ku dhammaaneyn waxaanan kheyr ka ahayn. Haddaba ciidankii Usaama waxuu ahaa dharbaaxo ka yaabisan quwaddii Ruumaniska oo yaab iyo amakaag ku noqotay heer uu boqorkoodii yiri:- Oo waa maxay kuwa kan ee saaxiibkood geeriyooday oo baladkayagiina kusoo duulaya? Arrintaasi wax lala yaabo ma aysan ahayn oo Abuu Bakar waxuu ahaa nin muddo la soo dhaqmayey Rasuulka SCW, waxuu ahaa mid uu Rasuulka SCW soo tarbiyeeyay.

Dhanka kale ciidankii Usaama waxuu yaab iyo amakaag ku riday kuwii diinta ka riddoobay oo qaarkood markay arkeen ay dib ugu soo laabteen Islaamka, waxayna ahayd guul iyo lib isoo hoyatay Islaamka.






Ra'yi lama dhiiban



Name:
Email:
Code: lox8
Text:
 

  • Home
  • Duruus
  • Quraan
  • Video
  • S&J
  • Muxaadao
  • Contacts



  • sisawc ka baro diintaada © 2012 privacy policy terms of use