Previous  




-

سبحان الله والحمد لله ولا اله الا الله والله اكبر
 

Abuu Bakar Siddiiq rc Q-4aad

Dhacdadiii Caynu Tamar

Markii uu Khaalid ka faaruqay Al Ambaar, ayaa waxuu madax uga dhigay Zabarqaan bin Bader, isagii iyo ciidankiisiina waxay ku sii duuleen Caynu Tamar. Waxay Caynu Tamar ahayd mid leh qalcad weyn, waxayna dhanka galbeed kaga tiillay meel saddex casho looga socdo.xuduudda Jaziiradda. Waxaana madax ka ahaa markaasi nin la oran jiray Mihraan bin Bahraan oo Majuusta Furus hoggaaminayey, waxaana hareeraha magaalada deganaa Carabtii tabaca u ahayd Furus oo ay kamid ahaayeen qolooyinka reer Nimar, reer Taqlab iyo reer Iyaad iyo weliba kuwa kaloo qeyrkooda ah. Waxaa Carabtaasi madax u ahaa nin la oran jiray Caqah bin Abii Caqah.

Markii uu Caqah gaaray warka ah soo galootiga Khaalid iyo ciidamadiisa ay soo galeen geyiga, ayuu u tegay Mihraan bin Bahraan oo uu ku yiri:- Carabta ayaa u ogaal badan la dagaalanka Carabtuye, isku kaayo daa innaga iyo Khaalid.

Mihraan bin Bahraan oo isagu ku farxay weedhii Caqah iyo fikraddii uu usoo jeediyey, ayaa jawaab ahaana wuxuu yiri:- Waa runtaa oo Carabtu uun baa u ogaal badan ladagaalanka Carabta. Misna waxuu yiri isagoo qadcaya:- Haddii aad inoo baahataanse waanu idiin gargaareynaa oo lajirkiina baanu nahay. Faarisiintii ayaa arrintaasi amiirkoodii kaga carootay oo ku canaanatay, waxuuse ugu Mihraan ugu jawaabay:- War hooyda! isku daayo iyaga iyo Khaalid, oo haddii ay idinkaga haggaagaan, idinka ayaa leh guusha oo waa tiinnii, haddayse sidaa si aan ahayn dhacdo yacni ay adkaadaan ciidanka Khaalid, markaa waanu la dagaallameynaa innagoo awood leh iyo iyagoo daciifay. Cajamtii aad bay ugu farxeen hadalkii amiirkoodii Mihraan, waxayna u garowsadeen inuu yahay koodii ugu rayiga toosnaa oo ugu caqliga badnaa.

Khaalid bin Waliid horey ayuu u socday oo wuxuu hor degay ciidankii Caqah bin Abii Caqah. Markiina ay labadii ciidan isasoo hor degeen, buu Khaalid u dardaarmay ciidamadiisii labada dhinac, waxuuna u sheegay inuu weerar qaadayo oo waxuuna ka dalbaday inay iyago dhankooda ilaaliyaan. Waxuuna kaxaystay koox halyeeyo ah oo uu markaa weerar ku qaaday Caqah oo markaa simayey safadka ciidamadiisii, wuuna soo qafaashay. Carabtii markii ay arkeen waxa dhacay iyo in amiirkoodii la qafaashay ayay jaanta rogteen oo ay kala firxadeen iyadoo wax dagaal ahi uusanna dhicin, waxaana batay qafaalkoodii.

Markii uu warkii jabka ee Caqah iyo ciidankiisii gaaray amiirkii ciidanka Furus ee Mihraan, ayaa inta uu qalcaddii kasoo degay buu cararay. Intii carartay ee Carabtii ciidanka Caqah baa iyaguna dib usoo noqday oo qalcaddii isku aruuriyay oo dabeeta hoos ka xidheen. Markaa buu Khaalid soo dul degay oo godoomin tii ugu darreyd ku qabtay. Markii ay arrintaa arkeen oo ay u adkeysan waayeen ayay Khaalid ka dalbadeen heshiis, isagiina waxuu u sheegay inay marka hore u qoor keenaan xukunkiisa. Markaa bay u qoor keeneen xukunkii Khaalid, oo sil silado lagu xiray, dabeetana waxuu Khaalid amray in Caqah kurka laga jaro, saa laga jaray, misna waxuu amray in dhammaan qafaalkii ciidankii Caqah la laayo, saa iyagiina waala laayey, haddana waxuu amray in kuwii qalcadda ee xukunkiisa u qoor keenayna la laayo, iyagiina saaxiibadoodii ayaa la raaciyey oo unuunka ayaa loo wada dheereeyay. Waxuu qaniimeystay Khaalid hantidii halkaa qalcadda ah tiilley oo idil. Kadib Khaalid waxuu aaday kaniisad halkaa ku tiillay oo ay 40 wiil ku baranayeen kitaabka Injiil-ka, iyagoo albaabka hoosta uga xiran yahay, dabeetana albaabkii ayuu ku jebiyey oo soo wada qafaashay. Waxaana kamid ahaa wiilashaasi Ximraan mowlaa Cuthmaan bin Cafaan iyo Siiriin mowlaa Anas bin Maalik iimaamka weyn ee Maxammed ibnu Siiriin aabahiis, iyo kuwa badan oo kamid ah culimada mash-huurka ah.

Khaalid bin Waliid waxuu diray khumuskii qaniimada isagoo u dhiibay Al Waliid bin Cuqbah si uu ugu geeyo khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Siddiiq. Markii uu Al Waliid howshiisii gutay ayuu Abuu Bakar u diray dhanka Ciyaad bin Qanam oo kusugnaa Duumatul-jandal si uu ugu gurmado. Markii uu Al Waliid u tegay Cayaad baa waxuu Cayaad yiri:- Waliidoow! rayiga barkiis waxuu ka wanaagsanyahay ciidan badan, ee maxaad adigu rayi ka qabtaa xaaladda aan kusugannahay?

Waxuu yiri Al Waliid:- U qor warqad dhanka Khaalid bin Waliid si uu gurmad xaggiisa kaaga soo diro. Markaa buu Cayaad warqad u diray dhankii Khaalid bin Waliid uu kaga dalbanayo gurmad, waxayna warqaddaa utegtay Khaalid waqti uu ku jiray howshii Caynu-Tamar. Saa isagiina waxuu usoo qoray warqad jawaab ah oo uu ku leeyahay u kaadi wax yar, waxaa kuso gaari doona ciidan gurmad ahe.

Dhacdadii Duumatul- Jundal

Duumatul-Jundal waxay ahayd magaalo ku tiilay koonfurta Shaam iyo waqooyiga jasiirada Carabta, waxayna u dhaweyd Tabuuk. Magaalada Madiina waxaa Duumatul-Jundal looga soconayay 15 casho, halka Dimishiqna ay u jirta toban maalin socod ah.

Abuu Bakar baa horey ugu diray ciidamo uu hoggaaminayo Cayaad bin Qanam, dhankeeda waqooyina waxuu u diray Khaalid bin Waliid oo isagu usii gudbay Xiirah markii uu usocday dhanka Ciraaq. Haddaba markii uu Khaalid furtay Al Ambaar iyo Caynu Tamar ayuu guushii iyo khumuskii qaniimada la diray Al Waliid bin Cuqbah si uu Khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar ugu geeyo. Markiina uu howshii soo gutay Waliid buu Abuu Bakar u diray dhanka Cayaad iyo Duumatul-Jundal si gurmad ahaan. Intaa kadib waata uu Cayaad la tashtay Al Waliid, oo Waliidna uu ku taliyey in uu warqad Khaalid u qoro uu kaga gurmad dalban, markaas waatii uu Cayaad warqadda u diray Khaalid, warqaddaana waxay Khaalid gaartay bartamiha dhacdadii Caynu-Tamar, markaa waatii uu Khaalid amray Cayaad inuu uyara kaadiyo tan iyo intuu kasoo gaari doono goor aan sii fogeyn.

Intaa dabadeed Allaah Sarreeye baa nasri iyo guul ka siiyey ciidamadii Muslimiinta goobtii Caynu-Tamar oo Khaalid waata uu furtay, kana helay qaniimo tiro badan. Markaa ayuu Caynu-Tamar ku dhaafay Cuweymir bin Kaahin Al Aslami madax ahaan, isagii iyo ciidankiisiina waxay abbaareen dhankii Duumatul-Jundal iyo ciidamadii Cayaad. Reer Duumatul-Jundal markii ay ka war heleen soo galootiga Khaalid iyo ciidamadiisa ayay u cid dirsadeen axsaabtoodii ay xulufada ahaayeen oo ay kamid ahaayeen banii Bahraai, Tanuukh, Kalbi, Ghazaan iyo Dhujaacim si ay ugu gurmadaan, iyagiina waa ay yeeleen. Ghazaan iyo Tanuukh maalintaa waxaa hoggaaminayey Jablah Ibnu Al ayham, Dhajaacim-na waxaa hoggaaminayey Ibnu Xadrajaan. Reer Duumatul-Jundal-na waxaa markaasi madax u ahaa labo nin oo midi uu ahaa Ukeydar bin C/malik, halka kan kalena uu ahaa Juudi bin Rabiica. Labadan nin waxaa ka dhex aloolsanaa khilaaf ku aaddan la dagaallanka ciidanka Khaalid, Ukeydar isagu waxuu qabay in aanan lala dagaallamin Khaalid, waxuuna ku naseexeeyay in lala heshiiyo isagoo ku cataabay inuu dadka kaga ogaal badan yahay Khaalid, Juudise isagu waxuu qabay in lala dagaallamo, wuuna khilaafay rayigii Ukeydar. Markaas buu Khaalid diray Caasim bin Camr oo ahaa halyeey la dhashay Al Qacqaac bin Camr oo uu u diray dhanka Ukeydar, saa Caasim waa uu soo qabtay qafaal ahaan, waxuuna u keenay Khaalid, dabeetana waxuu amray in qoorta laga jaro.

Kadib waxaa isasoo hor degay labadii qolo, ciidankii Khaalid iyo kuwii reer Duumatul-Jundal oo uu hor kacayo Al Juudi bin Rabiicah. Khaalid tabtiisii dagaal ayu la soo baxay, isagoo Duumatul-Jundal ka dhigay mid isaga iyo ciidamadii Cayaad bin Qanam u dhaxayso, markaa bay reer Duumatul-Jundal ciidankoodii ukala qaybiyeen labo qaybood, qayb waxay u direen dhanka Cayaad, qaybta kalena jihadii Khaalid. Markaa buu Khaalid kuwii jihadiisa ahaa weerar ku qaaday, waxuuna soo qafaashay Juudi bin Rabiicah. Al Aqrac bin Xaabisna waxuu soo qafaashay Wadiicah, markaasay si xun u jabeen ciidankii Mushrikiinta oo u kala rooreen dhanka qalcadda oo isku aruuriyeen, markaasay in badan ka buuxsantahay qalcadda, saa Khaalid baa ka dul yimid oo si daran u laayey intii uu bannaanka qalcadda ka helay. Kadibna waxuu amray in Al Juudi bin Rabiicah kurka laga jaro isaga iyo dhammaan intii lasoo qafaashayba, marka laga reebo qafaalkii banii Kalbi oo ay magan geliyeen Caasim bin Camr iyo Al Aqrac bin Xaabis. Arrintaas magan gelinta ah Khaalid ma uusan u rayaaqin oo raalli kama uusan ahayn, hase ahaatee waxuu ku qaabilay waji caro isagoo ku yiri Caasim iyo Al Aqrac iyo waliba banii Tamiim oo iyagu magan geliyay kuwaas: Oo maxaa nakala haysto aniga iyo idinka? Ma waxaad dhowreysaan amarkii jaahiliyada oo aad dayacaysaan amarkii Islaamka? Caasim bin Camr baa u jawaabay oo ku yiri:- Oo ma waxaad ka xasdeysaa Khaalidoow! inaad iska saamaxdo.

Intaa kadib Khaalid wuu u cafiyey, dabeetana waa uu dhaqaaqay oo waxuu ku gaaf wareegtay albaabkii qalcadda jeer uu markii dambe jabiyey. Markaasuu laayey wixii ku jiray oo dagaallami karay amaba kamid ahaa kuwii soo jabay, waxuuna qafaashay carruurtii iyo dumarkii. Waxaana uu ka qaniimeystay qaniimo tiro badan, halkana waxuu Khaalid ku guursaday gabadh uu dhalay Al Juudi oo uu la aqal galay kadib markay cuddadii udhammaatay. Kadibna waxuu u gaddoomay dhankii magaaladiisii, Al Aqracna waxuu u diray dhankii Al Ambaar, markii uu Khaalid Xiirah galayayna waxuu yimid iyadoo ay dadkii kusoo dhaweeyeen bogaadin iyo tahniyad.

Waxaa la sheegaa dhacdadan Duumatul-Jundal inay dhacday Rajab sanadkii 12-aad ee Hijriyada Septembar 633 miillaadiyada.

Dhacdooyinkii Xusayid & Muddayix

Markii uu Khaalid ka faaruqay Duumatul-Jundal, waxuu ku yara nagaaday muddo, markaasay Cajamtii Furus iyo Carabtii tabaca u ahayd ay isku aruursadeen la dagaalanka Khaalid iyo inay dhulkooda ka saaraan, waxayna abbaareen dhankii Al Ambaar si ay Az Zabarqaan bin Bader oo Khaalid masuul uga ahaa ay uga saaraan. Markii uu Zabarqaan, warkaasi maqlay buu warqad u diray Al Qacqaac bin Camr oo Xiirah masuul uga ahaa Khaalid. Haddaba markaa ayuu Al Qacqaac diray ciidan uu hoggaaminaya Abuu Leylaa Acbad bin Fadaki As-Sacdi, waxuuna u diray dhanka Al Xusayid, misna waxuu kaloo diray ciidan kale oo uu madax u yahay Curwah bin Abii Jacdah Al Baaruqiyu oo uu u diray dhanka Al Khanaafis. Kadibna waxaa yimid Xiirah ciidankii Khaalid bin Waliid oo ka yimid dhanka Duumatul-Jundal, waxaana markaa ka goneyd Khaalid inuu weeraro, xaruntii boqortooyadii Furus ee Al Madaain oo ay tiillay sariirtii boqorka iyo hantidii guud ee Faaris, waxuuna Khaalid taas u karhay sabab la xidhiidho isagoon wax idan ah ka haysan Khaliifadii Rasuulka Alle SCW ee Abuu Bakar Siddiiq.

Taas baddalkeedii waxuu isku mashquuliyey la dagaallanka Carabtii tabaca u ahayd Furus iyo wixii soo raaco ee majuusta kamid ah. Dabeeta wuxuu Khaalid diray Al Qacqaac bin Camr oo uu madax uga dhigay ciidanka baxay, waxayna ku kulmeen cadawga goob la yiraahdo Al Xusayid. Cajamta Furusna waxaa hoggaaminayey nin la oran jiray Rowzabah, waxaana u soo gurmaday ciidan kale oo uu hoggaaminayey amiir kale oo la oran jiray Zarmihri. Halkaasi waxaa ka dhacay dagaal aad u kulul oo dhex maray ciidamadii Muslimiinta iyo kuwii Mushrikiinta ahaa ee Majuusta, muddo yar kadibna waa ay jabeen kufaartii, oo amiirkoodii Rowzabah-na waxaa gacantiisa ku dilay nin kamid ah Muslimiinta oo la oran jiray Cismah bin C/llaahi Al Dhabyu, Zarmihri-na waxaa dilay halyeeygii weynaa ee Al Qacqaac bin Camr. Muslimiintiina waxay qaniimeysteen qaniimo tiro badan, waxaana cararay intii carari kartay ee ciidamadii Cajamta, waxayna iskugu tegeen goob la yiraahdo Al Khanaafis. Dabeeta waxaa ku baxay Abuu Leylaa Acbad bin Al Fadaki. Markiina ay Mushrikiintu ka war heleen arrinkaasi bayna usii carareen dhanka Al Mudhayix. Markii ay halkaas degeen buu Khaalid ku dhaqaaqay dhankoodii. Goor ay hurdaan buuna soo dooxateeyay oo wada laayey, kama aysanna fakan cidna marka laga reebo qafaalkii mooyaan.

Cadiyi bin Xaatim waxuu yiri:- Dooxeyntani ayaa waxaan ugu nimid nin la oran jiray Xurquus bin Nucmaan An-Nimri oo ay hareerahiisu fadhiyaan wiilashiisii, gabdhihiisii iyo haweeneydiisii isagoo usoo dhigay weel ay ku jirto khamro oo uu ku oranayo:- Cabbo. Iyaguna ay oranayaan:- Ma waxaa jiro qof cabbo khamro saacaddan oo kale, iyadoo ay tanina tahay ciidamadii Khaalid oo soo galay? Waxuu ku yiri:- Cabbo cabbid sogootin ah, waayo umaleyn maayo in aad dabadii khamri cabbi doontaane. Markaasay wada cabbeen. Muslimiintii baa markaasi inta ay u yimideen isagii dileen, carruurtiisii iyo dumarkiisiina ay ka qafaasheen.

Dhacdadan waxaa lagu dilay labo nin oo horey u Muslimtay, warqad magan galyo ahna ka haysatay dhanka Khaliifadii Rasuulka Alle SCW ee Abuu Bakar. Midi magaciisa wuxuu ahaa Cabdulcuzza bin Abii Raham bin Qirwaash, waxaa dilay Jariir bin C/llaahi Al Bujali, halka kan kalena la oran jiray Lubeyd bin Jariir. Asaguna waxaa dilay qaar kamid ah ciidamada Muslimiinta, mana aysan ogeyn Muslimiinta arrinkaasi ah Islaannimada labada nin. Markii uu warkaasi gaaray Abuu Bakar Siddiiq wuxuu guday diyadoodii. Cumar bin Al Khadaab baa Abuu Bakar kala hadlay arrinka Khaalid kana codsaday inuu casilo, hase ahaatee Abuu Bakar ma uusan yeelin taas waxuuna yiri:- Sidaa oo kale ayuu la kulmayaa qofkii dhex joogo dhul dagaal. Dhanka kale, wuxuu Abuu Bakar daliishaday xadiis Nebigu SCW laga weriyey, kaasoona caddeynaya in aanay dimmada Alle iyo Rasuulkiisa ku jirin dadka kusugan dhulalka gaalada. Kadib wuxuu Khaalid aruuriyey qaniimadii oo inta khumuskii ka saaray u qaybiyey ciidankii, khumuskiina waxuu u diray magaaladii Madiina iyo dhankii khaliifkii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Illaahay haka raalli noqdee.

Dhacdadii Al Firaadh

Kadib buu Khaalid ku dhaqaaqay dhanka Firaadh, Firaadh waa meel ay ku kulmaan Jaziiradda Carabta, Shaam iyo Ciraaq. Halkaas ayuuna ku sugnaa bishii Ramadaan isagoo af-furan si uu ugu ad adkaado jihaadka iyo howlahii militari ee uu waday. Markii uu Ruumaankii gaaray warka ah in Khaalid uu soo degay cirif u dhaw dhulkooda, ayay taas aad uga murugoodeen, waxayna diyaariyeen ciidan culus iyagoo gurmadna u dirsaday Carabtii Nasaareyda ee tabaca u ahayd oo ay kamid ahaayeen banii Taqlab, Iyaad iyo Nimar oo iyagiina way usoo gurmadeen, kadibna waxay usoo guureen dhankii Khaalid, waxaana kala dhex galay webiga Furaat, markaasay Roomaankii yiraahdeen:- Ama inoosoo gudbo ama aanu idiin soo gudubna? Khaalid oo aad ugu xeel dheeraa arrimaha dagaalka, loogana dambeeyay ayaa waxuu ugu jawaabay:- Mayee idinku inoosoo gudbo. Markaasay usoo gudbeen bishii Dilqacda ee sanadkan 12-aad ee Hijriyada, waxaana dhex maray dagaal aad u kulul, oo muddo kadib Alle ku hoojiyey cadawgii isbahaysitada oo ay jabeen, halkaasoo guul ay kusoo hoyeen ciidamadii Muslimiinta ee uu horkacayey abaanduule Khaalid bin Waliid. Seyfullaah Al Masluul.

Waxaa macrikadan Ruumaanka iyo tabaciisuba looga laayey 100 000, Khaalidna waxuu kusii nagaaday goobta Firaadh muddo 10 casho ah. Kadibna wuxuu iclaamiyey guurid iyo in loo rarto dhankii Xiirah iyadoo ay shan casho kadhimantahay bishii Dil-Xijjah, waxuuna ciidankiisii hore madax uga dhigay Caasim bin Camr, kuwa dambana waxuu u dhiibay Shajrah bin Al- Acaz. Kadibna waala dhaqaaqay oo waxaa foolka la saaray dhankii Xiirah, isaguna Khaalid waxuu muujistay inuu ciidanka dambe kujiro, markaasuu xayn kamid ah asxaabtiisa intuu la baxay ayuu aaday dhanka Masjidul-Xaraamka, isagoon la ogeyn, waxuuna maray jid uusan waligii horey umarin, muddo yar kadibna waxuu tegay xajkii oo uu soo gutay sanadkan isagoo ay cidina ogeyn marka laga reebo xayntii la socotay ee saxaabada iyo dadkii xajka kula kulmay mooyaan. Kadib Khaalid waa uusoo laabtay oo waxuu ka daba yimid ciidankiisii dambe oo aan weli Xiirah gaarin, mana la dareemin xajiikiisa sanadkan. Abuu Bakarna ma uusan ogaan xajka Khaalid jeer ay u sheegeen dadkii muwaasimta xajka kasoo guddoomay. Markaa buu warqad u diray uu ku canaananayo kategidda uu ciidanka ka tegay isagoon ogeysiinin. Waxuuna ciqaab uga dhigay inuu u dirayo dhanka Shaam oo uu ka wareejinaya Ciraaq.

Waxaa sanadkan yacnii sanadka 12aad ee Hijriga uu Abuu Bakar jideeyay in la qora kitaabka Quraanka ah kadib markii ay raggii xufaadda ahaa ay ku shahiideen dagaalladii lagu qaaday dadkii riddoobay, waxaana fikraddaasi lahaa Cumar bin Khaddaab oo isagu kula taliyey Abuu Bakar inuu qoro Quraanka.

Markaa ka horna ma uusan kulmisneen, oo wixii loo baahdo waxaa laga qaadan jiray dadkii qurraada ahaa iyo dadka qaar oo ku qoran jiray warqadaha iyo jaldiyada iyo baalasha geed timreedda iwm, markaa ayaa la qoray, waxaana loo xilsaaray inuu qora Zeyd bin Thaabit Allaha ka raalli noqdee, markii la qorayna waxaa la dhigay gurigii Xafsah bint Cumar.

Isla sanadkan waxaa dadka xajiyey Abuu Bakar Sidiiq sida uu Ibnu Isxaaq soo weriyey, waxuuna magaalada uga tegay Cuthmaan bin Caffaan.

Waxuu yiri Ibnu Isxaaq:- Waxaa ay dadku Muarrakhiintu sheegaan in uusan Abuu Bakar khilaafadiisii xajinin dadka ee uu u diray muwaasimta Cumar ama C/Raxmaan bin Cowf. Sidan ayaana xaqiiqda u dhaw.

SANADKII 13AAD EE HIJRIYADA

Markii uu sanadkan bishay, howlahii waa ay fududaadeen, Abuu Bakar-na waxuu goaansaday inuu diyaariyo ciidamo uu u diro dhanka Shaam. Taasina waxay ahayd markii laga soo laabtay xajka sanadkii 12aad, isagoo ku camal falayo qowla Alle Sarreeye ee ah: kuwa xaqa rummeeyayoow!! la dagaallama kuwa idiin dhaw oo gaalada ah, hana idin ka helaan ad adkaan, ogaadana inuu Allaah la jiro kuwa dhowrsada. Suurat Towbah- aayadda 123aad. iyo qowlkiisa SW ee ah: La dagaallama kuwa aan rumeynin Allaah iyo maalinta aakhiro. Suurat Towbah- aayadda 29aad. Iyo kudayasho uu ku dayanayo Rasuulkii Alle SCW oo isagu horey ugu duullay dhulka Shaam sanadkii 9aad ee Hijriyada, isagoogaaray waqti kuleeyl daran, iyo isagoo ciidan kale u diyaariyey ku duulidda dhulka Shaam, taasoo ahayd ka hor geeridiisii dhowr maalmood, waana ciidankii uu madaxa uga dhigay Usaama bin Zeyd ee uu Abuu Bakar diray. Taa kadib markii uu Abuu Bakar nadiifiyey Jaziiraddii Carabta, ayuu gacantisii midigta u fidiyey dhanka Ciraaq oo waata uu diray Khaalid bin Waliid, sidaa si lamid ayuu jecleystay in uu dhanka Shaamna u diyaariyo ciidamo kale, ugu horreeynna waxuu jideeyay in marka hore ay madaxdii ku kala tegsaneed jaziiradda ay isku yimaadaan, markaa bay yimideen, madaxdii oo ay kamid ahaayeen Camr bin Al Caas oo Dhanka Qudhaaca jiray iyo Al Waliid bin Cuqbah, Khaalid bin Saciid bin Al Caas oo ka yimid Yeman oo uu masuul ka ahaa waqtigii Rasuulka SCW, waxuuna Khaalid Madiina yimid kadib dhimashadii Rasuulka SCW mar laga joog bil, waxaa kaloo yimid kuwa kale oo uu kujiray Cikramah.

Kadib Abuu Bakar waxuu diyaariyey ciidamo si uu ugu diro dhanka Shaam. Taa ka horna waxaan horey usoo xusnay in 11-kii ciidan ee uu Abuu Bakar Dul-qassa kadirayey uu ku jiray Khaalid bin Saciid bin Al Caas oo loo diray dhanka bariga Shaam.

Haddaba markii uu Khaalid bin Saciid ka yimid Yeman, waxuu arrinta Khilaafada u arkayey in uu Cali mudan yahay, markaasuu u tegay Cali iyo Cuthmaan oo uu ku yiri:- Abal Xasanoow! reer Cabdumanafow! ma waxaa la idin kaga adkaaday arrinka? Cali baa markaa ku yiri:- Ma waxaad u aragtay adkaansho ama khilaafo?. Khaalid wuxuu u olaleynayay oo uu rabay in Khilaafada uu mudanyahay Cali. Mar dambase wuu degay kadib markii uu arkay in Cali qudhidiisu uu la mubaayacooday Abuu Bakar oo misna uu la shaqeynayo. Dabeeta markii uu Abuu Bakar dhisayey ciidamadiisa oo uu calankaKhaalid bin Saciid u xirayey ayuu Cumar u sheegay Abuu Bakar hadalladii Khaalid. Waxaa la sheegaa in uu Abuu Bakar Khaalid markaa cazilay oo uu u diray dhanka Teymaa.Waxaa kaloo la yiraahdaa:- Calankii ugu horreeyay ee uu Abuu Bakar u xiraa ciidamadii ku baxay Shaam waxuu ahaa calankii Khaalid bin Saciid bin Al Caas.

Kadib waxuu xiray calanka kale uu uu u dhiibay Yaziid bin Abii Sufyaan, waxuuna ku wajahay dhanka Dimishiq. Markii uu Abuu Bakar dirayey ciidanka Yaziid, waxuu Yaziid saarnaa daabbadiisa Abuu Bakar-na waa uu lugaynayey oo u dardaarmayey, kadibna waa uu kasoo laabtay kadib markuu sagootiyey, waxuuna maray ciidanka Yaziid dariiqa Tabuuk, waxaana la socday jamaahiir kamid ah raggii caanka ahaa oo uu kamid ahaa Suheyl bin Camr Al Caamiri iyo kuwa lamid ah oo rag karmeedyadii reer Makka kamid ah.

Kadib waxuu diray ciidan kale oo uu madax uga dhigay Abuu Cubeydah bin Caamir bin Al Jarraax, waxuuna ku wajjahay dhanka Ximsa, dabeeta Abuu Bakar waa uu la baxay ciidanka Abuu Cubeyda oo sagootiyey isagoo u dardaarmayo, kadibna waa uu ka soo laabtay.

Misna waxuu diray ciidan kale oo uu hoggaaminayo Camr bin Al Caas oo uu ku wajahay dhanka Falastiin. Amiir kastoo kamid ah amiiradaasina waxuu Abuu Bakar amray in uu ciidankiisa mariyo dariiq aan ahayn kan uu ciidanka kale maray isagoo arrintaa uga dayanayo Nebiyullaahi Yacquub CS markii uu ku lahaa wiilashiisa: Waxuu yiri Maandhooyin, ha ka gelina albaab qura, ee ka galo albaabyo kala tegsan, idinkaga tari mahayo xagga Alle waxbo, xukun dhammaantiina waxaa uun leh Allaah, oo isaga ayunbaana talo saaran, isaga uunna ha talo saartaan kuwa talo saarta. Suurat Yuusuf - aayadda 67aad .

Al Madaaini wuxuu leeyahay: Abuu Bakar Siddiiq waxuu ciidamadan diray horaantii sanadkan.

Maxamed bin Isxaaq-na waxuu ku daray markuu ka hadlayay ciidamadaas in Abuu Bakar uu ka daba diray ciidankii Abuu Cubeyda ciidan kaloo uu hoggaamin Shuraaxbiil bin Xasana. Camar bin Al Caasna uu degay Al Carmaat, goob kamid ah dhulka Shaam.

Ciidankii Yaziidna markii ugu horeysay waxay degeen Bulqaa, ciidankii Shuraaxbiilna dhulka Urdun, ciidamadii Abuu Cubeydana waxay degeen Jaabiyah. Abuu Bakar Sidiiqna waxuu kasoo daba diray ciidamo gurmad ah, waxuuna amray in mid waliba uu ku biiri karo madaxda ciidamada Shaam kii uu doono.

Waxaa la yiraahdaa Abuu Cubeydah waxuu sii maray Bulqaa, oo uu halkaa dadkeedii kula dagaallamay jeer ay markii dambe heshiis la galeen, waxayna ahayd heshiiskii ugu horreeyay ee ka dhaca dhulka Shaam oo ay Muslimiinta la galaan.

Waxaa kaloo la yiraahdaa:- Dagaalkii ugu horeeyay ee ay ciidamadaas kula galaan Ruumaanka dhulka Shaam waxuu ahaa, in ay koox Ruumaan ah ay iskugu tegeen meel la yiraahdo Al Cariyah oo ka tirsan dhulka Falastiin, markaa baa waxaa ku dhaqaaqay sirrayad uu hoggaaminayey Abuu Umaamah Sudday bin Cijlaan Al Baahiliyu oo la dagaallamay, khalqi badanna ka laayey kana soo qaniimeystay qaniimo tiro badan.

Dhacdadan kadibna waxaa dhacday dhaxdadii Maraj As Sufur, oo uu Khaalid bin Saciid bin Al Caas ku shahiiday sida la sheego, waxayse culimada taariikhyahannadu badi qabaan in uusan Khaalid ku shahiidin Maraj As Sufur ee uu ahaa kan ku shahiiday wiil uu dhalay oo la oran jiray Saciid bin Khaalid bin Saciid. Isaguse Khaalid waa uu cararay ilaa uu ka gaaray dhulka Xijaas. Wallaahu Aclam.

Culimo uu kamid yahay Ibnu Jariir Ad-Dabari, waxay qabaan in Khaalid bin Saciid markii uu gaaray dhulka Taymaa, ay halkaas isugu aruureen ciidamada tiro badan oo Ruumaan ah oo ay la jiraan khalqi badan oo kamid ah Carabtii Nasaareyda oo ay kamid yahiin banii Ghiirah, Tanuukh, Lakham, Judaam, banii Kalbi, Suleyx iyo Ghasaan. Markii uu Khaalid kusoo dhawaaday junuuddaas ayay kala tegeen, in badan oo kamid ah ayaana islaamka soo gashay. Markaasuu Khaalid u diray warqad dhankii Abuu Bakar Sidiiq uu xaaladda kula socodsiin, waxii furasho iyo nasri uu Alle meeshaa kusiiyey. Markaa buu Abuu Bakar soo amray in uu horey usocda, waxuuna usoo diray ciidamo gurmad ah oo ay wataan Waliid bin Cuqbah iyo Cikrimah bin Abuu Jahal. Kadib waa uu dhaqaaqay Khaalid, markiina uu kudhawaaday magaalada Ii-liyaa ayuu halkaas kula kulmay ciidamo Ruumaan ah oo uu hoggaaminayo nin la oran jiray Maahaan, kadibna waxaa dhex maray dagaal lagu jebiyey Maahaan iyo ciidankiisii, Maahaanna waxuu u cararay dhanka Dimishiq. Khaalid bin Saciid kamuusan harine waa uu sii daba raacday, markaasaa waxaa Ruumaankii u yimid gurmad culus oo deg deg ah oo way soo rogaal celiyeen, waxayna soo gaadheen Maraj-Sufur, halkaasoo ay isku heleen, Khaalidna wuu cararay oo ma istaagin jeer uu gaaray Dii-marwah. Maalinta waxaa sugnaaday Cikrimah bin Abii Jahal, in badan oo kamid ah ciidamadii Khaalidna waxay orad ku galeen magaaladii Madiina, Khaalidse isaga iyo qayb kamid ah ciidankiisii waxay degeen Dii-marwah oo waxuu ka xishooday inuu Madiina tego, markaasuu Abuu Bakar amray Shuraaxbil bin Xasana oo isagu markii uu soo gaadhay Khaalid oo kusugan goobtii Dii-marwah ka kaxaystay qayb kamid ah ciidamadii lasoojabsatay. Dabeeto Abuu Bakar waxuu diyaariyey kuwii soo jabsaday ee Madiina yimid iyo ciidamo kale oo iskudhaf ah, waxuuna madax uga dhigay Mucaawiyah bin Abuu Sufyan oo waxuuna kadaba diray walaalkiis Yaziid. Markii uu Mucaawiyah soo gaaray goobta Dii-marwah ayuu isaguna kaxaystay qaybtii ka hadhay ciidankii Khaalid ee kula sugneyd meeshaa. Kadib Abuu Bakar Sidiiq waxuu amray inuu Khaalid yimaado magaalada Madiina, waxuuna oran jiray: Cumar baa Khaalid iiga ogaal badan. Waxaa kaloo la sheegaa inuu yiri: Cumar baa ragga iiga ogaal badan. Wallaahu aclam.

Dagaalkii Yarmuuk

Dhacdadan Yarmuuk waxay ahayd mid aad u weyn oo ka dhacday dhulka Shaam. Waxaana ay dhex martay ciidamadii Muslimiinta oo uu hoggaaminayo Khaalid bin Waliid iyo kuwii Ruumaanka.

Sida ay qabaan Sayf bin Cumar iyo Ibnu Jariir, dhacdadani waxay dhacday sanadkan dhexdiisa, yacni sanadka 13aad ee hijriyada.

Markii ciidamadii uu Abuu Bakar dhulka Shaam u diray ay gaareen carrigaasi, bay Ruumaankii aad uga argagaxeen oo ay si daran uga naxeen. Waxay markaasi warqad u qorteen boqorkoodii Hiriqal oo markaas kusugnaa Ximsa. Waxaa kaloo layiraahdaa sanadkan buu usoo xajiyey Beytul maqdis. Markii uu khabarkii gaaray buu dadkiisii ku yiri:- Kuwani Illaah baan kudhaartaye waa ahlu diin cusub, mana jirto cid hor istaagi karto ee i adeeca oo kula heshiiya inaad uga baxdaan dhulka Shaam nuskiisa oo ay markaa idiin soo harto buuraha Ruum. Haddaydaan sidaa yeelin oo aad diiddaan waxay idinkala wareegayaan Shaam oo idil, buuraha Ruumna way idinku cidhiidhi gelinayaan. Ruumaanka oo awalba garasho iyo faham yaraa, caqligooduna uu gurracnaa, markii ay maqleen taladii wacneyd ee uu boqorkoodii usoo jeediyey baa waxay uga dideen sida ay dameeruhu uga didaan waxuushta. Waxayna lasoo istaageen dagaal iyo inay is difaacaan. Markaa iyada ah buu boqor Hiriqal isku dayey inuu diyaariyo ciidamo culus oo loo diro dhanka Muslimiinta, waxuuna amray in ciidan kasto loo sameeyo amiir qaas ah oo uu sidaa ugu diro dhanka amiir kasto oo jihada Abuu Bakar ka socdo amiir kale oo jihadiisa kasocda oo ciidamo culus wato. Waxuu dhankii Camr bin Al Caas udiray walaalkiis dhanka hooyo iyo aabo ay ka walaalo ahaayeen oo la oran jiray Tadaariq, waxuuna sitay 60 000 oo dagaalyahanno ah. Dhankii Yaziid bin Abuu Sufyaan waxuu udiray Jurjah bin Bowdiyaha Al Armani oo 50 000 ama 60 000 oo dagaalyanno wato. Qeyqaar ama Qeyqalaan oo 60 000 watana waxuu udiray dhankii Abuu Cubeydah bin Jarraax. Waxay Ruumaankii maalintaa iyada ah yiraahdeen:- Illaah baan kudhaarannaye, waxaan Abuu Bakar kushuqlineynaa inuu fardahiisa kala laabto dhulkayaga. Isku dar ciidamadii Muslimiinta maalintaas waxay ahaayeen 21 000 marka laga reebo kuwii uu watay Cikramah bin Abuu Jahal oo kusugnaa cirif kamid ah dhulka Shaam, waxaa kaloo lasheegaa inay dhammaayeen 24 000. Markii ay xaalladu halkaa mareyso bay madaxdii ciidamada Muslimiinta warqad u qoreen dhankii Khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Siddiiq iyo jaallahiisii Cumar bin Khaddaab, taasoo ay kula socodsiinayaan arrinta halka ay mareyso iyo sida ay Ruumaanku faleen. Markaa buu Abuu Bakar soo amray:- Isu tega oo noqda ciidan qura, oo markaa la kulmo ciidamada Mushrikiinta. Adinku waxaad tihiin Ansaartii Allaah, oo Allana wuu u gargaarayaa ciddii u gargaarto, wuuna dulleynayaa ciddii ku gaalowdo. Waxuu markaa yiri:- Illaah baan kudhaartaye waxaan Ruumaanku kaga shuqlin doonaa wiswiska sheydaanka Khaalid bin Waliid. Markaa buu Khaalid oo dhulka Ciraaq kusugnaa warqad udiray isagoo ku amrayo inuu Shaam aado oo ciidamada halkaa kusugan uu madax u noqdo, Ciraaqna uu masuul kusii dhaafo sida inoo iman doonto Inshaa Allaah.

Markii uu Hiriqal gaaray warka ah in Abuu Bakar uu ciidamadiisii soo amray inay halmeel isugu tegaan, buu isaguna ciidamadiisii sidoo kale amray inay halmeel isugu wada tegaan oo ay degaan goob istaraatiiji ah oo waasic ah, guud ahaanna ciidamadaasi oo idil waxuu madax uga dhigay walaalkiis Tadaariq, ciidamada hore waxuu madax uga dhigay Jurjah, labada dhinacna waxuu ukala dhiibay Maahaan iyo Duraaqis, ciidamada dhanka badda ahina waxuu u xilsaaray Qayqalaan. Markaa bay Ruumaankii soo dhaqaaqeen oo waxay soo degeen tog la yiraahdo Waaquusah oo u dhaw goobta Yarmuuk. Markaa iyada ah bay ciidamadii Muslimiinta Abuu Bakar u cid dirsadeen iyagoo ka dalbanayo gurmad, markaasuu Khaalid bin Waliid oo ku sugnaa Ciraaq sidaynu soo xusnay u diray warqad isagoo ku amrayo inuu aado Shaam oo ciidamada halkaasi joogo uu u noqdo madax. Waxuu amray inuu Ciraaq kudhaafo masuul oo isaga iyo ciidamadiisuna ay aadaan dhanka Shaam. Khaalid bin Waliid waxuu Ciraaq kudhaafay Muthannaa bin Xaaritha Ash- Sheybaani, waxuuna kala dhaqaaqay 9 500 oo ciidan ah isagoo daliil dhulka tusiyo uu uyahay Raafic bin Cumeyr Ad-Daayi. Wuu dhaqaaqay Khaalid isagoo kusii jeedo Shaam, waxuuna sii maray baadiyaha Samaawah ee dhulka Ciraaq. Waxuu sii socday illaa uu gaaray goob layiraahdo Quraaqir oo kamid ah dhulka banii Kalb waana goob leh biyo, halkaasoo uu degay. Kadib wuu kasii dhaqaaqay, Raaficna waxuu marinayey dhulal aanan horey cid umari jirtay aysan jirin. Waa dhul aysan lugtu ubaranin oo qahar iyo dhib badan oo buuro, geedo, dhagaxaan iyo qodxo badan leh. Waa halkii ay saxaabadu oonka darani iyo macluushu kuqabatay heer markii dambe ay qaar kamid ah awrtii gaadiidka u ahaa ay qasheen. Waxuu Khaalid Ruumaankii kasoo galay dhanka Tadammur, halkaasoo uu kula heshiiyey reer Tadammur iyo Arakah. Markii uu marayey Al Cudraa buu weerar ku qaaday qolooyinka Ghassaan oo uu ka qaniimeystay hanti badan. Wuu sii socday oo waxuu ka baxay dhanka bariga Dimishiq illaa uu ka gaaray Busra oo uu halkaa kula heshiiyey ninkii masuulka ka ahaa. Waxayna ahayd magaalladii ugu horeysay ee uu dhulka Shaam ka furto. Falillaahil Xamdu.

Kadib khumuskii qaniimada ee uu ka qaniimeystay reer Ghassaan buu u diray dhankii Khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Siddiiq isagoo horey ugu sii dhiibay Bilaal bin Al Xaarith Al Muzanni.

Kadib Khaalid waxuu gaaray ciidamadii Muslimiinta 9 casho kadib safarkiisii uu kasoo kicitimay dhanka Ciraaq. Markuu ciidamadii Muslimiinta gaarayna waxay taa unoqotay reyn reyn iyo farxad oo ciidamadii ayay niyadda u dhistay taasi, waayo Khaalid waxuu ahaa halyeey kudheereeyo arrimaha militerinnimada ah oo dhankaas waxuu ku ahaa axad looga dambeeyo, waxuuna ahaa abbaan duulo la mahadsho. Intaa dabeeto madaxdii iyo saadaaddii Muslimiinta ayaa shir u fadhiisteen, iyagoo ka shirayo sidii iyo qaabkii loo wajihi lahaa ciidamadan Ruumaanka ah ee cudud iyo cadadba la yimid. Abuu Sufyaan bin Xarbi baa kamid ahaa dadkii talada halkaa kasoo jeediyey waxuuna yiri: Umaleyn maahayo inaan gaboobay illaa aan la kulmo qoom kashirayo qorsha dagaal oo aan ka qeyb qaadanin. Kadib waxuu ishaaray in ciidamada Muslimiinta loo qeybiyo saddex qeybood, oo qeybi ay cadawga Ruumaanka hor fadhiisato, qeybta kalena oo ay kujiraan carruurta iyo maxastuna la dabo dhigo, qeybta saddexaadna uu la haro Khaalid bin Waliid.

Ciidamada Ruumaanka maalinta waxay silsilado ku xireen 30 000 ama 80 000 oo ciidamadooda kamid ah si aysan u cararin, tiro aan taas ahaynna waala sheegaa.

Intaa kadib Khaalid bin Waliid baa ciidamadii Musliiminta isu soo aruuriyey oo inta ka dhex istaagay amray wanaagga iyo midnimada iyo in la iska jiro tafaraaruqa oo loo midooba ladagaallanka cadawga. Waxaa kamid ahaa hadalladii uu halkaa kayiri kadib markuu mahadiyey Allaah oo uu amaanay: Maanta tan waa maalin kamid ah maalmaha Illaah, oo aysan habbooneyn wax faan iyo xad gudub ah. Ubarax tiro jihaadkiina oo ula doono Allaah dartiis camalladiina. Maalintanna waa maalin leh wixii kadambeeyo oo haddii aan kucelinno godkooda, abad sidaa baanu u celin doonnaa, haddayse na jebiyaan liibaani mayno maanta kadib. Kaalayoo ha inasoo wado marto imaaraddu, si uu midkeen maanta uqabto, kan kalena uu berrito u qabto, midka kalena uu saad dambe qabto illaa ay inasoo wada marto, maantuse aniga ii daaya. Labo kamid ah ciidamadii Muslimiinta iskuma aysan khilaafsaneyn inuu Khaalid ahaa shaqsi u qalmay inuu imaaraddaasi qabto oo dhammaan ciidanka oo idil waxay ogaayeen shaqsinnimadiisa iyo geesinnimadiisa, waxayna yaqiinsanaayeen kaalmada Alle darteed inuu Khaalid yahay qof ka saari karo Muslimiinta qoolka iyo dhibta ay kujireen maalintaas. Sidaa darteed bayna isku wada raaceen inuu isagu hoggaanka u haayo maadama uu Abuu Bakar Siddiiq usoo doortay.

Ruumaanku waxay maalintaa la yimideen ciidamo aanan horey looga baran tiro badi iyo hub-bo. Khaalid qudhiisu waxuu la yimid ciidama kuwii ugu cuslaa ee uu abad hoggaanka uqabto. Waxuu ciidamadiisii u qeybiyey 36 illaaa 40 guuto oo guuto kastaaba ay ka koobantahay kudhawaad 1000 nin, waxuuna u yeelay amiir guuta waliboo kamid ah guutooyinkaas. Intaa kadib waxuu dhisay ciidamadiisa isagoo ciidamada dhexda ah madax uga dhigay Abuu Cubeydah bin Jarraax, dhanka midigtuna waxuu udhiibay Camr bin Al Caas oo uu lasocdo Shuraxbiil bin Xasana, ciidamada bidixduna waxuu udhiibay Yaziid bin Abuu Sufyaan, aruurinta qaniimada waxaa loo xilsaaray C/llaahi bin Mascuud Al Hudali, qaadinnimada waxaa loo dhiibay maalinta Abii Dardaa, guubaabada iyo arrimaha kuboorinta dagaalkuna waxaa loo xilsaaray Abuu Sufyaan bin Xarbi, akhrinta quraanka iyo aayadaha jihaadkuna waxaa loo xilsaaray Al Miqdaad bin Camr, waxuuna akhrinayey suuratu Anfaal iyo aayadaha jihaadka, ciidamada lugta waxaa loo xilsaaray Haashim bin Cutbah bin Abii Waqaas, ciidamada fardooleyduna isaga Khaalid ah baa hoggaaminayey. Abuu Sufyaan bin Xarbi intuu guuto kasto oo kamid ah guutooyinka ciidamada Muslimiinta u tego ayuu ku boorinayey dagaalka isagoo markaana Alle ka baryayo inuu nasrigiisa kusoo dul dejiyo addoomadiisa.

Khaalid bin Waliid oo la tashanayo Abaa Cubeydah bin Jarraax ayaa ciidamadii fardooleyda u qeybiyey laba qeybood. Qeyb isaga Khaalid ayaa hoggaanka usii haayey, halka qeybta kalena uu u dhiibay Qeys bin Hubeyrah. Abuu Cubeydana waxuu ka qaaday ciidamadii dhexda ee uu hoggaaminayey, waxuuna madax uga dhigay ciidamadaas Saciid bin Zeyd bin Nufeyl Al Cadawi oo kamid ahaa tobankii jannada loogu bishaareeyay. Abuu Cubeydah waxuu geeyay gaadada dambe ee ciidanka si qofkii ciidamada Muslimiinta kamid ah ee soo cararo markii uu isaga arko uu u xishooda oo uu dib furunta ugu laabto. Intaa kadib waxuu Khaalid aaday dhankii dumarka oo uu markaa joogey ciidanka dabadiisa dambe, waxuuna siiyey seyfo oo uu ku yiri:- Qofkaad aragtaan oo soo cararo la dhaco seyfaha. Kadibna waxuu ulaabtay rugtiisii.

Cadadka ciidama Muslimiintu maalintaasi waxay ahaayeen sida tan:

21 000 oo ah ciidamadii afarta amiir ee isu tegay.

6 000 oo ah ciidamadii gurmadka ahaa ee Cikrimah bin Abuu Jahal uu watay.

9 500 oo ah ciidamadii uu Khaalid dhulka Ciraaq kala yimid.

3 000 oo kamid ah kuwii jabay maalintii Khaalid bin Saciid bin Al Caas.

Isku dar ciidamada Muslimiintu waxay ahaayeen 39 000 ama 40 000 Wallaahu aclam.

Ciidamada Ruumaanku waxay ahaayeen sidan:

80 000, oo ciidan ah.

40 000, ama 30 000 oo silsilado lagu soo xiray si ay u dhintaan.

40 000, oo xargo iyo camaamado lagu soo xiray si aysan u cararin.

80 000, oo gaadiid wadato

Dhammaan isku darkoodu waxuu ahaa 230 000 ama 240 000 Wallaahu aclam.

Intaa kadib wax la suga waa dagaalkii oo billawdo. Markay labadii ciidan is arkeen buu Abuu Cubeydah ka dhex istaagay isagoo guubaabinayo isago amray inay muujiyaan sabar iyo adkeysi waayo sabarku waxuu ka koriyaa gaallimada oo uu raalli geliyaa Rabbigu. Misna waxaa kacay Mucaad bin Jabal oo isaguan si wacan hadalka u dhigay waxuuna akhriyey aayadda 55aad ee suuratu Nuur. Waxaa kamid ahaa hadalladiisa:- Ka xishoodo Rabbigiin inuu idin arko adinkoo ka carareysaan cadawgiinna oo aad markaana kujirtaan qabashadiisa, iyadoonaay jirin goob aad u carartaan oo isaga Allaah ka sokeyso ama qeyrkiisa ah toona. Waxaa misna kacay Camr bin Al Caas oo isaguna wanaajiyey oo isagu u tilmaamay ciidamadii Muslimiinta inay daboolaan indhahooda si aysan ugu fidnoobin dumarka cas cas ee Ruumaanka oo deetana ay guuldarro goobtu timaaddo illeen macsi hadday timaado guul darraduna way lasocotaaye. Kadib Abuu Sufyaan baa kacay oo isaguna xasuusiyey inay yahiin Carab oo ay joogaan dhul cajam, ayna ka fogyahiin ehelladoodii, amiirkii muminiinta iyo gurmadii Muslimiintuba. Waxuuna xasuusiyey inay hor fadhiyaan cadaw ka cudud iyo cadad badan. Waxuu yiri:- Idin soo gaari meyso raxmadda Alle beritoole jeer aad la kulantaan cadawgiinna oo aad ka runsheegtaan oo aad kusabartaan yacni adkeystaan goobta macrikada ee fara saarka. Kadib wuu dhaqaaqay Abuu Sufyaan oo dumarkii ayuu u tegay oo sidaa si lamid ah uu ula soo hadlay isagoo la soo dardaarmay, kadibna wuu soolaabtay waxuuna ku qayliyey:- Kulanka Islaamkoow!! Waxaa yimid waxa aad aragtaan, waakan Rasuulkii Alle SCW oo hortiinna ah iyo jannadii. Sheydaan iyo naarna waa gadaashiina, kadib goobtiisii ayuu kusoo noqday. Kadib waxaa kacay Abaa Hureyrah oo yiri:- U deg dega xuurulcaynta iyo la dersidda Rabbigiin Cazza wajalla, Jannooyinka nagaadiga. Ma jirto goob uu Rabbigiin idiinkaga jecelyahay meeshan oo kale. Hooydaay!! ku sabra waxay leeyahiin fadli weyn. Ciidamadaasi waxaa kujiray 1000 saxaabadii Rasuulka SCW kamid ah, 100 kamid ahina waxay ahaayeen asxaabtii Bader.

Maahaan baa inta Safkii gaalada kasoobaxay u dhawaaqay Khaalid isagoo ka dalbanayo inuu usoo baxo si uu ula hadlo. Markaasuu Khaalid u baxay, waxayna ku kulmeen labada ciidan dhexdooda. Waxuu yiri:- Waxaanu ogaannay in waxa dhulkiina idinka soo saaray ay tahay gaajo, ee kaalayo waxaan idin siineynaa 10 Dirham qof kastoo idinka mid ah, sanadkan sanadkiisa kale marka la gaarana waxaan idiin soo direynaa mid lamid ah. Waxuu yiri Khaalid:- Ma ahan waxa dhulkayaga naga soo saaray sida aad sheegtay, waa inaanu nahay qowm cabbo dhiigga, waxaana ina soo gaartay in dhiigga Ruumaanku uusan jirin dhiig ka wanaagsan, marka sidaa baanu u nimid. Markaa bay Baahaan asxaabtiisii ku yiraahdeen:- Illaah baan ku dhaarannaye waxa kani waa waxii aan xaggooda ka sheegeynay.

Kadib Khaalid waxuu u tegay Al qacqaac bin Camr iyo Cikramah bin Abii Jahal oo hoggaaminayey qaar kamid ah guutooyinkii Muslimiinta ee maalintaas. Waxuu amray inay huriyaan dagaalka oo ay weerarro culus qaadaan. Kadib dagaalkii baa billawday. Ciidamada Ruumaanka waxaa la socday culimadoodii Qisisiinta iyo Ruhbaaniyiinta oo ku boorinayeen dagaalka iyo inay difaacaan diinta Nasaarada. Mar Alliyoy dhiiri gelinayaan ciidankooda bay aad u dhawaaqayeen, saa waxaa maqlay Mucaad bin Jabal oo yiri:- Alloow! gigil gommadahooda, oo rucbi kutuur qalbiyadooda, oo naguna soo deji dushayada raxmaddaada, oo na haleeshii kalmadda taqwada, oo na jecleysii la kulanka noogana raalli noqo qadaha.

Dagaalkan Yarmuuk saxaabadii kaqayb qaadatay waxaa kamid ahaa Zubayr bin Al Cawwaam oo maalintaa ahaa mid kamid ah saddexdii ugu fadli badneyd ciimada Muslimiinta ee halkaa kusugnayd. Waxuu Zubayr ahaa halyeey geesi ah oo hub ka dhawaajiyo loo muhdo ah, waxuuna aad ugu wacnaa fardo fuulka iyo seyfta oo si xarago leh cadawga loogu xasuuqa. Sidaa darteed baa dagaalkii oo socda ay uyimaadeen jamaaco kamid ah halyeeyadii iyo geesiyaashii Muslimiinta oo ka dalbadeen inuu la weerar qaado, markaasuu ku yiri:- Ma sugnaaneysaan. Markaa buu weerar qaaday oo ay iyana la qaadeen. Waxuuna ka dhex baxay ciidamadii dhexda ee Ruumaanka isagoo dhanka kale uga baxay, misna wuu kusoolaabtay isagoo intaasi laynayo layn daran cadawga. Misna mar kale buu sidii si lamid ah sameeyay isagoo ay lasocdaan asxaabtiisii heer markii dambe uu jilciyey safafkii Ruumaanka. Dagaalkii wuu darraaday, Ruumaankuna waxay la yimideen wacdaro aanan horey looga baran.

Maahaan ayaa weerar kusoo qaaday meymanadii Muslimiinta oo ay u badnaayeen, Khowlaan, Uzdi, reer Xadrumowd iyo Mudxij. Waxayse muujiyeen sugnaan iyagoo ka run sheegayo goobta fara saarka, heer markii dambe ay Ruumaankii weerar sidii buuro guurayo ah ay sooqaadeen. Maalintaa waxaa kashifmay banii Zubayd oo safkoodii dabciyey, dabeetana markay arkeen dumarkii Muslimaadka oo ulo iyo dhagaxaan la dhacayo kuwii firxaday bay is qabteen oo ay xishoodeen, dabeetana dib bay usoolaabteen. Waxaa maalintaa kashifmay jamaaco kamid ah Muslimiinta. Camr bin Al Caas iyo xayn uu kujiro iyagu way sibaxdeen, dabeetana way is qabteen oo way soolaabteen. Shuraxbiil ibnu Xasana qudhiisu wuu taraaraxay inkastoo uu is qabtay markuu maqlay dhawaqa mid kamid ah amaraada ciidanka oo akhrinayo qolka Alle Sarreeye:- Alle waxuu Muminiintu ka iibsaday nafahooda, inay usugnaatay Janno darteeda. Suuratu Towbah, aayadda 111aad . Maalintaa waxaa sugnaaday Yaziid bin Abii Sufyaan, oo siday raayad kamid ah raayadahii Muslimiinta ee Maalintaas. Sababtuna waxay ahayd aabahii Abuu Sufyaan baa mar waliba guubaabinayey oo ku lahaa:- Maandhoow! dushaadu ha ahaato cabsida Alle, oo ha noqon sida aynoqdeen saaxiibadaa. Waxuu Abuu Sufyaan ku guubaabinayey inankiisa isagoo hoostaagnaa raayaddii uu siday, inuu sugnaado oo uu sabir iyo adkeysi muujiyo, oo uusan lamid noqon kuwa kashifmay maalintaa iyada ah. Mar Alliyoo uu Abuu Sufyaan wiilkiisa guubaabiyo, waxuu Yaziid jawaab ahaan u celinayey aabahiis:- Inshaa Allaah waan fali.

Cikrimah bin Abii Jahal waxuu yiri maalintaa:- Rasuulka Alle SCW baan goobo badan kula dagaal galay, ee ma maanta baan adinku idinka cararaa? Dabeeto waxuu kudhawaaqay, yaa igula mubaayacoonayo dhimasho? Markaasay xaggiisii usoo dideen 400 kamid ah halyeeyadii fardooleyda iyo geesiyaashii Muslimiinta oo ay kamid ahaayeen adeerkiis Al Xaarith bin Hishaam iyo Diraar bin Al Azwar. Waxay qaadeen weerar culus oo ay ka dagaallamayeen goobta tendhadii Khaalid agteeda, jeer markii dambe dhammaantood uu soo gaaray dhaawac, qaar kamid ahina ay ku ishtish-haadeen. Waa halka ay ku oomeen iyagoo dhaawac culusi hayo sida la sheego Cikramah bin Abuu Jahal, adeerkiis Al Xaarith bin Hishaam iyo Cayaash bin Abuu Rabiicah, oo markii biyo loo keenay oo midiba yiri midka kale horta sii, oo ay dabeeto iyagoonan cabbin biyahii ay wada geeriyoodeen.

Waxaa layiraahdaa:- Qofkii ugu horeeyay ee Muslimiinta ka dhinta maalintaa waxuu ahaa nin u yimid Abuu Cubaydah bin Al Jarraax oo ku yiri:- Annigu arrinteydu waan diyaarsaday ee majirtaa wax xaajo ah oo aan kaa gaarsiiyo Rasuulkii Alle SCW? Waxuu yiri Abuu Cubaydah:- Haah! igu salaan oo kuna dheh:- Rasuulkii Alloow! innagu waanu helnay wixii uu Rabbigayo inoo yaboohay oo dhab ah.

Markaa buu ninkii dhaqaaqay oo uu dagaallamay jeer la dilay isagoo shahiid ah.

Kadib markuu arkay Khaalid weerarka Ruumanka ee is daba joogga ah iyo in safafkii Muslimiintu ay dhowr jeer kashifmeen, buu weerar culus ku qaaday ciidamadii bidixda ee Ruumaanka, kuwaasoo markii hore weerarro is daba joog ah kusoo qaaday ciidamada midigta ee Muslimiinta. Markaa buu Khaalid dagaallamay dagaal aad u daran. Markaa buu liiciyey oo uu ku daray ciidamadii Ruumaanka ee dhexda, waxuuna kaga laayey weerarkaas gaalada 6 000, kadiba waxuu yiri: Kan ay nafteydu gacantiisu kujirto baan ku dhaartaye uma aysan harin wax sabar ah iyo ad adkaan, aan ka ahayn sida aad ka aragtaan, waxaanna rajaynayaa inuu Alle idinka siiyo guusho. Markaa buu mar kale kaxaystay 100 fardooley ah oo uu weerar culus ku qaaday 1000 Ruumaan ah, markiina ay Ruumaanku arkeen weerarka labaad ee Khaalid bay dhanka kale ujabeen.

Goor dagaalka lagu jiro oo xaalladu kulushahay baa waxaa timid warqad sheegeyso geerida ku timid Abuu Bakar Siddiiq iyo in Khilaafadii uu bacdigiisa qabtay Cumar iyo in weliba imaaradda Shaam uu u soo wakiishay Abuu Cubaydah bin Al Jarraax, Khaalidna uu ka casilay. Warqaddaasi waxaa siday Manjimah bin Zuneym, markaasuu Khaalid ku yiri:- Waa maxay? Waxuu yiri:- Arrin aniga iyo adiga dhexdeenna ah. Kadibna waxuu usheegay geerida Abuu Bakar Allaha ka raalli noqdee. Markaa buu Khaalid ku yiri isagoo ay dadkii maqlahayan:- Axsanta. Warqaddiina intuu qaaday buu ku ritay tuulkiisa.

Islaamiddii Jurjah

Jurjah sidaynu ogsoonnahay wuxuu kamid ahaa madaxdii ciidamada Ruumaanka ee Maalintaas, waxaanna soo xusnay inuu ahaa mid kamid ah amiiradii Ruumaanka ee kuwajahnaa amaraadii Muslimiinta ee afarta ahaa, kuwaasoo uu Abuu Bakar Siddiiq Allaha ka raalli noqdee uu usoo diray dhulka Shaam. Waxii dhacay markay dhaceen oo ciidamadii Muslimiintu ay isu tegeen, buu Hiriqal amray ciidamadiisii inay iyaguna isu tegaan. Markiina ay isu tegeen Jurjah ma uusan waynin imaaraddiisii, waayo waxuu ahaa mid kamid ah madaxdii ugu sarreeysay Ruumaanka, dhanka dagaalkuna tabbo iyo xeelad wanaagsan ayuu uyaqiinnay. Sidaa darteed buuna kamid ahaa dagaalkaan Yarmuuk madaxdii hoggaaminaysay Ruumaanka.

Intaa kadib innagoo sii wadno dhacdadan Yarmuuk buu Jurjah kasoo baxay ciidamadiisii oo uu soo dhex istaagay labada saf isagoo markaa dalbaday inuu Khaalid usoobaxo si uu bal wax u suaalo. Markaa buu Khaalid u baxay, booskiisiina waxuu kudhaafay Abuu Cubaydah bin Al Jarraax. Waxay ku kulmeen isaga iyo Khaalid labada saf dhexdooda, iyadoo midba midka kale uu magan galyo siinayo oo uusan jirin mid midka kale far u dhaqaajinayo, fardahooduna ay markaa labaduba qooraha is dhaafsadeen oo ay wada hadal billaabeen. Markaa buu yiri Jurjah:- Khaalidoow! iisheeg runta, oo ha iisheegin wax beena, waayo qofka xurta ahi been masheego, hana iqayaamin, waayo qofka sharafta lihi wax ma qayaamo. Allaan kugu dhaarshaye, ma Alle baa Nebigiinu samada uga soo dejiyey seyf oo uu markaa adiga kusiiyey oo ciddaad kula dagaallantaba aad jebisaa?

Waxuu yiri:- Maya.

Waxuu yiri:- Oo haddaba sidee laguugu baxshay Seyfullaah Seyftii Alle?

Waxuu yiri:- Alle Sarreeye baa dhexdayada kasoo saaray Nebi, markaasaanu beeninnay, oo aanu ka cararnay, say barkayaga rumeeyeen oo raaceen, barkannaguna way la dagaallameen oo ay beeniyeen, waxaana kamid ahaa kuwii beeniyey oo la dagaallamay. Kadib Alle baa qabtay quluubtayada iyo foodannada oo inagu hanuuniyay, markaasaanu raacnay. Markaasuu yiri:- Adigu waxaad tahay seyf kamid ah seyfaha Allaah uu kusalliday Mushrikiinta, waxuuna iigu duceeyay guul. Sidaa la iigu baxshay Seyfullaah, aniguna waxaan ahay qofka Muslimiinta ugu ad adkaan badan xagga gaalada.

Waxuu yiri Jurjah:- Khaalidoow! Bal iiga warran waxa aad dadka ugu yeereysaan?

Waxuu yiri:- Waa qiridda inuusan jirin Allaah xaq lagu caabbudo oo aan ka ahayn Alle, Muxammedna SCW uu yahay addoonkiisii iyo Rasuulkiisii, iyo in lagu raalli noqo waxii uu Alle xaggiisa kala yimid.

Waxuu yiri:- Oo ka warran kaan idinka yeelin?

Waxuu yiri:- Waa inuu bixiyo jizyo, innaguna waan difaacaynaa.

Waxuu yiri:- Bal ka warran hadduusan bixinin?

Waxuu yiri:- Waxaanu ogeysiineynaa dagaal, kadibna waan la dagaallameynaa.

Waxuu yiri:- Ka warran manzilada qofkii idiin soo galo, oo idinka yeelo arrinkan maanta?

Waxuu yiri:- Manziladayadu waa mid qura, xagga waxii uu Alle nagu farad yeelay keenna shariifka ah, keenna daciifka ah, keenna u horeeyay ee galo diinta Islaamka iyo keenna u dambeeyayba.

Waxuu yiri:- Ma leeyahay Khaalidoow! kii maanta soo galo diintan ajar iyo mushqaayad lamid ah ka aad idinku leedihiin?

Waxuu yiri:- Haah! weliba wuu naga fadli badanyahay.

Waxuu yiri:- Oo siduu idiinlamid yahay adinkoo uga horreeyay?

Waxuu yiri:- Arrinkan diinta ah waxaan galnay oo aan la baayacoonnay Nebigayaga SCW iyadoo uu noolyahay oo uu dhexdayada joogo, khabarna uu uga yimaado samada yacni waxyi , oo uu inooga warramayey kutubta, oo uu inatusinayey calaamadooyinka. Xaq bay ku ahayd qofkii arkay waxii aan aragnay oo maqlay waxaanu maqalnay inuu u hoggaansamo oo uu la mubaayacooda, adinkuna maydaan arag waxaan aragnay oo maydaan maqal waxaanu maqalnay oo cajaaib iyo xujooyin ah. Ruuxii soo galo arrinka kan ee diinta ah oo idinka mid ah, isagoo ay ka tahay dhab iyo niyad dhab iyo niyad.

Waxuu yiri Jujrah:- Illaah baan ku dhaartaye waad ii runsheegtay. Kadibna wuu Islaamay oo waxuu u soo wareegay safkii Khaalid.

Intaa kadib Khaalid wuu kaxeeyay waxuuna geeyay teendhadiisii, oo uu ugeeyay biyo, oo kadib markuu meydhay oo uu weysaystay ayuu tujiyey laba rakcadood. Markaa bay Ruumaankii weerar kusoo qaadeen teendhadii uu ku jiray Jurjah, hase ahaatee qaar kamid ah halyeeyadii ciidamada Muslimiinta baa u jilba dhigeen weerarradaas, kuwaasoo ay kamid ahaayeen Cikrimah ibnu AbuuJahal iyo Diraar bin Al Azhar, sidaynu soo xusnay.

Kadib Jurjah iyo Khaalid baa waxay qaadeen weerarro is dabajoog ah oo ay kuqaadeen Ruumaanka, hase ahaatee waala asiibay Jurjah oo wuu shahiday isagoo Muslim ah, oo aan horey iyo gadaalba u tukan waxaanan ka ahayn labadii rakaco ee uu Khaalid tujiyey.

Kadib Ruumaankii way jabeen, waxaana iska dul dhacay kuwii silsiladaha ku xirnaa, markaasay Muslimiintii halkaa kulaayeen iyagoo ka dilay kudhawaad 120 000 marka laga reebo kuwii farasaarka hore lagaga dilay. Waxaa la dilay dil aad u daran oo dariic ah, heer ay dumarkii Muslimaadka ay ka qeyb qaateen layntooda oo ay wax badan ka dileen kuwii silsiladaha ku xirnaa. Dhanka Muslimiinta waxaa maalintaa laga dilay 3 000 oo ay kamid ahaayeen, Cikrimah bin AbuuJahal iyo wiilkiisa Camr bin Cikramah, iyo adeerkiis Xaarith bin Hishaam, Camr bin Saciid, Salamah bin Hishaam, Cayaash bin Abii Rabiicah, Nucaym bin Cabdillaahi Al Cadawi, Saciid bin Al Xaarith bin Qeys As-Sahmi, An- Nasseer bin Al Xaarith bin Calqamah, Abuu Ruum bin Cumeyr Al CabdiDaari, Abaan bin Saciid bin Al Caas. Hishaam bin Al Caas bin Waail, Camr bin Dhufeyl bin Camr Ad-Dowsi- oo riyadii aabahiis ee maalintii Yamaamah u rumowday, iyo qaar kaloo badan oo kamid ah rag karmeedyadii Muslimiinta. Abuu Sufyaan bin Xarbi isha ayaa laga asiibay oo uu leeb uga dhacay, waxaana ka soo saaray Abuu Xathmah.

Ciidamadaasi Muslimiinta ee xaadiray Yarmuuk waxaa kujiray 1000 saxaabadii Rasuulka SCW kamid ah iyo 100 kamid ah asxaabtii Bader.

Jabkii Ruumaanka qaar kamid ah ayaa waxuu gaaray boqorkoodii Hiriqal oo markaa kusugnaa Andakiyah ama Ximsa, markaasuu ku yiri:- Hooggiinee! iiga warrama bal qowmka aad la dagaallameysaan, ma waysan ahayn dad bashara oo sidiinoo kale ah? Waxay yiraahdeen:- Haah!.

Waxuu yiri:- Oo ma iyagaa idinka badnaa ama adinka ayaa ka badneydeen?

Waxay yiraahdeen:- Mayee, innagaa goob waliba labo jibbaar ka badneen.

Waxuu yiri:- Oo maxay haddaba idin helay oo ay idiin jibiyaan?

Markaa buu nin kamid ah culimadoodii oo oday ah yiri:- Waa sababta darteeda inay habeenkii oo idil taaganyahiin salaad darteeda , maalintiina ay soomanyahiin, oo ay oofiyaan ballanka oo ay amraan wanaagga, xumuhuna ay reebaan, dhexdooduna ay is wanaajiyaan. Halka aan innagu cabno khamriga, oo aan zinneysanno, xaaraantuna aan fuulno, ballantuna aan burinno, oo aan dulmi falno, oo aan is amarno cadho, oo aan iska reebno waxii Alle raalli gelinayo, dhulkuna aan fasaahidinno.

Waxuu yiri Hiriqal:- Adigu run baad iisheegtay.

Taasu waxay ku tusineysaa wanaaggii Muslimiinta inay xitaa gaalladii ka marag kaceen, heer ay qirteen inay iyagu yahiin kuwa qaldan oo lunsan.

Waa sidaase goor lagu jiro xafladdii guusha iyo riyaaqid iyo reyn rayn iyo mahadnaq guushii Yarmuuk laga helay darteeda buu Khaalid ku dul akhriyey ciidankii warqaddii katimid Madiina ee caddeyneysay geerida kutimid Khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Allaha ka raalli noqdee. Majahii farxaddu baa mar qura isku badashay murugo iyo tiiraanyo huwisay ciidamadii Muslimiinta, hase ahaatee maysan ka gaabinin howlahoodii militari ee kujiraan. Allena waxuu u wakiishay kii ugu kheyr badnaa ummadda Nebi Muxammed SCW kadib Abuu Bakar.

Waxuu Khaalid u sheegay ciidamadii Muslimiinta in Khilaafadii uu qabtay Al Faaruuq, imaaraddii Shaamna masuul looga dhigay Abuu Cubaydah. Kadib buu Abuu Cubaydah goaamiyey in la qeybiyo qaniimada kadib markuu ka saaray khumuskii. Markaa buuna khumuskii qaniimada iyo bishaaradii guusha u dhiibay Qubaath bin Ashiim si uu Madiina u geeyo, Yarmuuk-na waxuu ku sii dhaafay koox fardooley ah oo uu madax u yahay Bushayr bin Kacab.

Dhacdooyinkii Ka Dhacay Ciraaq Kadib Ka Imaanshihii Khaalid

Sababtu waxay ahayd in Furus ay boqoreen Shahrbaraaz bin Aradasheer bin Shahrayaar, kadib markay dileen boqorkoodii iyo wiilkiisii. Iyagoo ka faaiideysanayo maqnaashaha Khaalid bay dhankii Muthanna u soo direen ciidan culus oo dhan 10 000 oo uu madax uyahay Hurmuz Jaadaweyhi. Markaasuu Shahrbaraaz warqad usoo diray Muthannaa isagoo ku leh:- Waxaan kuusoo diray ciidamo kuwii waxuushta reer Furus, wax kale maahane waa kuwii raaci jiray digaagga iyo doofaarrada, wax aan iyagu ahaynna kugulama dagaallamayo. Markaa buu Muthanna u qoray warqad kale jawaab ahaan isagoo oranayo:- Waxaad tahay labo nin midkood. Haddii aad qooqday adiga ayay shar kuu tahay, innaguna waa inoo kheyr. Ammaa haddii aad been sheegeyso, ugu weyn beenalayaasha xagga cuquubta iyo fadeexada Alle agtiisa waa boqorrada, Sida aynu u aragnana waxay tahay in la idiin dhibaateeyay xaggooda kuwa raaco digaaga iyo iyo doofaarrada, oo aad waydeen ciidamo kale . Mahad waxaa iska leh Allahii dhagartiinnii u celiyey digaag raac iyo doofaarreey.

Markii ay warqaddaas u tegtay reer Furus oo ay akhriyeen bay sidaran uga naxeen oo ay ka xumaadeen sababta uu Shahrayaar markii hore u qoray warqadda hore, waxayna ku tilmaameen inuu yahay mid rayi waalan.

Intaa kadib ciidamadii Faarisiinta waa ay soo baxeen oo waxay soo abbaareen dhankii. Muthana iyo ciidamadiisiina waxay ka dhaqaaqeen Xiirah oo uu aaday dhanka Baabil. Labada dhinac ee ciidamadiisa waxuu ukala dhiibay walaaladii Al Macnaa iyo Mascuud. Waxay labada qolo ku kulmeen Cudwat-Suraah, halkaasoo ay ku dhex martay dirir aad u daran, Faarisiintuna dhowr jibbaar bay Muslimiintu ka badnaayeen. Waxay maalintaa Faarisiintu soo deeyeen maroodiyaal ay ku cabsi gelinayaan fardaha Muslimiinta oo u diiday inay si quman weerar u qaadaan fardooleyda Muslimiinta. Markaa buuna Muthanna laayey maroodiyaashii, asxaabtiisiina waxuu amray inay laayaan maroodiyaasha. Kadib dagaalkii baa darraaday, markaysay jabeen majuustu oo ay Muslimiintiina raacdeysteen oo ay laynayeen, waxayna dileen dil daran maal badanna way ka qaniimeysteen. Jabkii Faarisiinta ayaa waxay ka dul dhaceen caasimaddoodii Madaain goor ay shari ka dhex taagan tahay. Waxay tageen iyadoo boqorkoodii uu dhintay, oo ay boqreen gabadhii boqorkii hore ee Kisraa. Taasoo la oran jiray Bowraan bint Abruweyz, oo runtii ku oogtay caddaaladda, oo wanaajisay raadka taariikhdeeda, waxayna madax u ahayd muddo hal sano ah iyo 7 bilood, dabeetana way dhimatay. Markaasay boqreen walaasheed Aazarmiidakhat zinaan, dabeetana waxay kubadaleen Zaabuur bin Shaharyaar, waxayna ku lamaaneeyeen Farakhzaad bin Bandawaan. Markaa buu Saabuur u dhisay gabadhii boqorkii hore ee Kisraa Farakhzaad bin Bandawaan, taasoo ahayd Aazarmiidakhat zinaan bint Abruweyz. Markaasay Aazarmiidakhat diidday arrinkaas waxayna tiri:- Waa addoon kamid ah addoomayada. Markii la gaaray habeenkii arooskeeda bay Faarisiintii dileen Farakhzaad, kadibna waxay aadeen dhankii Saabuur oo isaguna ay dileen, waxayna boqreen Aazarmiidakhat mar kale.

Rasuulkeennu SCW waxuu yiri:- Ma liibaanayaan qowm haweeney madax ka yeeshay. Boqortooyadii Furusna waxay noqotay mid dheel dheel iyo lahwi ah, oo dandarrowday.

Kadib Muthanna waxuu u cid dirsaday Abuu Bakar Sidiiq isagoo ka dalbanayo gurmad, hase ahaatee wax war ah kamuusan helin. Markaasina waxay ahayd goor lagu jiray carcartankii dagaal weynahii Yarmuuk oo uu Abuu Bakar ku mashquulsanaa. Markii uu raagsaday Muthanna gurmadkii uu ka dalbaday Abuu Bakar, wax farriin ama jawaab ahna uu ka layahay buu naf ahaantiisii aaday magaaladii Madiina, Ciraaqna waxuu kusii dhaafay Bashiir bin Khasaasiyah, arrimaha dagaalkana wuxuu usii xilsaaray Saciid bin Murrah Al Cajali.

Markii uu Muthanna tegay Madiina, waxay ahayd goor uu Abuu Bakar la jiifay xanuunkii uu dunida uga faaruqay khilaafadiina uu kula ballamay Cumar bin Khaddaab. Markiina uu Abuu Bakar arkay Muthanna oo dul taagan buu Cumar ku yiri:- Marka aan geeriyooda yaanad galabeysan jeer aad dadka ku booriso la dagaallanka reer Furus oo aad Muthanna ciidan ku darto. Sidii buuna Cumar yeelay sida aynu ku arki doonno billawgii Khilaafadiisii hadduu Alle idmo.

Geeridii Abuu Bakar Allaha Ka Raalli Noqdee

Markii ay u buuxsantay dada 63aad oo ah dadii uu ku geeriyooday rafiiqiisii Nebi Muxammed SCW buu Rabbi oofsaday. Taasina Rasuulka SCW baa ugu sii bishaareyay mar uu yiri:- Waxaan arkay adigoo jannada iga dambeeyo labo jaranjaro iyo bar. Waxay kutusineysaa inay taasi tilmaamayso inta sano ee uu ka noolal dambeeyo Abuu Bakar Rasuulka Alle SCW, arrintanina waana mid kamid ah dalaaishii Nebiga SCW.

Muddadii aadka u yarayd ee uu xilka hayay Abuu Bakar Siddiiq waxuu awooddii Islaamka kusoo celiyey Xijaas oo idil oo markii hore ay wada riddoobeen marka laga reebo reer Makka, reer Madiina iyo reer Daaif. Intaa kadib wuxuu nadiifiyey jasiiraddii oo idil, kadibna furtay qaar kamid ah dhulka Ciraaq, waxayna geeridii u timid isagoo ciidamadii Muslimiinta isugu geeyay dhulka Shaam si uu u boqno gooyo boqortooyadii Ruumaanka.

Sanadkan dhexdiisa buu xanuunsaday xanuunkaasoo ahaa midkii uu dunida uga faaruuqay, waxuuna khilaafadii uga tegay Cumar bin Khaddaab kadib markuu la tashtay saxaabo badan oo dhammaantood ay u ishaareen in uu Cumar kudhaafo khilaafada.

Dardaarankii khilaafada uu u dardaarmayay Cumar waxaa u qorayey Cuthmaan bin Cafaan isagoo xanuunsanayo ayuu u yeerinayay. Markiina uu marinayo yeerinta dardaaranka weedhan: Waxaan idiinkaga tegay...... buu miyir daboolmay, markaasuu Cuthmaan halkii kubuuxiyey.... Cumar.

Mar kale buu Abuu Bakar Illaahay haka raalli noqdee dib u soo miyirsaday oo uu yiri:- Bal ii akhri waxa aad qortay. Markaasuu u akhriyey illaa uu ka gaaray weedha ah waxaan idiinkaga tegay.... Markaasuu Cuthmaan raaciyey magacii uu ku daray oo awalba uu Abuu Bakar hadal hayey ee ahaa Cumar. Waxuu markaa Abuu Bakar u riyaaqay sida uu Cuthmaan sameeyay, waxuuna ku yiri:- Waxaa laga yaabaa inaad ka cabsatay inaan sidaa ku dhinto oo dadku ay is khilaafaan, Illaah baan kudhaartaye haddii aad adigu isku qori lahayd ahal baad u ahaan lahayd. Kadib dardaarankii buu sii waday illaa uu ka dhammeeyay. Markii uu dhintay buuna Cuthmaan dadkii ku dul akhriyey dardaarankaas oo ay dhammaantood kuwada raalli noqdeen, lana mubaayacoodeen khaliifada khaliifadii Rasuulka Alle SCW Cumar.

Waxaa la sheegaa in Yahuud ay siisay cunno sumeysan oo ay cuneen isaga iyo Al Xaarith bin Kildah, dabeetana uu geeriyooday sanadkan gudahiisa. Waxaa kaloo la sheegaa inuu qubeystay ama maydhay maalin qaboow ah oo ay dhaxan darani jirtay, oo dabeeto ay xumadi qabatay sida rajaxsan, taasoo uu la xanuunsanaa muddo 15 casho ah oo uusan soo bixin. Waxuuna muddadaas amray Cumar inuu dadka tujiyo salaadda oo uu howlaha sii kala wado. Waxuu geeriyooday Maalin isniin ah oo ay siddeed casho ka dhimantahay bisha Jamaadul Aakhir ee sanadkan yacni 13aad ee Hijriga. Waxuuna u dardaarmay inay dhaqdo afadiisa Asmaa bint Cumays, waxaana caawinayey wiilkiisa C/Raxmaan bin Abii Bakar, maadama ay maalintaa Asmaa soonneyd oo qabow badanina uu jiray. Cumar bin Khaddaab ayaa tujiyey janaasadiisa isagoo takbiirsaday afar takbiir. Waxaana lagu ag aasay rafiiqiisii Nebi Muxammed SCW, goobta daartii Caaishah, Allaha ka raalli noqdee.

Abuu Bakar Siddiiq wuxuu Rasuulka SCW kasoo weriyey 141 xadiis, Illaahay haka raalli noqdee.

Intaasi ayaan kusoo gababayneynaa wixii uu Alle inaga waafajiyey inaanu ka qorno taariikhdii Abuu Bakar Siddiiq oo runtii buggaag iyo qalimaan badan dhameyneyso.

Illaahay ha u nuuriyo qabrigiisa hana u waasiciyo Abuu Bakar Siddiiq, saaxiibkii Rasuulka Alle SCW iyo labaeeyahiisii godka. Aameen aameen, aamiin.






Ra'yi lama dhiiban



Name:
Email:
Code: b6nw
Text:
 

  • Home
  • Duruus
  • Quraan
  • Video
  • S&J
  • Muxaadao
  • Contacts



  • sisawc ka baro diintaada © 2012 privacy policy terms of use