Previous  




-

سبحان الله والحمد لله ولا اله الا الله والله اكبر
 

Abuu Bakar Siddiiq rc Q-3aad

Shuhadadii Dagaalkan

Dagaalkan Yemaamah waxaa ku geeriyooday khalqi badan oo kamid ahaa saxaabadii Rasuulka SCW iyo xufaaddii xifdisaneyd Quraanka kariimka ah. Markaa ka horna Quraanku ma uusan kulmisneeyn ee aayaddii loo baahdo waxaa laga qaadan jiray qurraadaas goobtaa ku shahiidday iyo qurraa kale. Waxaa la sheegaa inay ahaayeen tirada saxaabadii ku shahiidday dagaalkan 58 iskugu jirtay Ansaar iyo Muhaajiriin waana inta aan hadda magacyadoodu soo gudbin doonno, hase ahaatee waxaa jiro werrinnada qaarkood kuwa oranayo waxay ahaayeen 70 Allaah baase inaga og. Waxaa kaloona la sheegaa inta kale inay ahaayeen qeyrkooda Muslimiinta kale, oo aanan ahayn Muhaajiriin iyo Ansaar. Haddaba waxaan soo gudbin doonnaa hadduu Alle idmo magacyadii saxaabadii iyo qurraadii ku shahiidday dagaalkan, intaynu hayna, waxayna ahaayeen sida tan:

1. Abuu Maxammed Thaabit bin Qeys bin Shammaas Al Ansaari, waxuu siday calanka Ansaarta.

2. Xazan bin Abii Wahab bin Camr bin Caaid Al Makhzuumi Waxaa dhalay Cabdillaahi bin Cabdimudallib abtigiis Rasuulka SCW baa damcay inuu ka badallo magaca Xazan markii uu Islaamay oo uu u bixiyo Sahal, hase ahaatee wuu diiday oo waxuu doorbiday magacii aabahii uu horey ugu baxshay. Waxaa lala dilay wiilashiisa Cabdiraxmaan iyo Wahab iyo wiil ay dhashay xaaskii Xakam bin Wahab Xakam waxaa adeer u ahaa Xazan bin Abii Wahab.

3. Zeyd bin Khaddaab bin Nufeyl Al Cadawi. Waxuu la dhashay Cumar bin Khaddaab oo wuuna ka hor Islaamay kana hor shahiiday. Sidaa darteed buuna Cumar oran jiray:-- Waxuu Zeyd iiga hor maray labo wanaag, oo kala ah Islaamka iyo Shahaado. Waxaa dilay nin la oran jiray Abuu Maryam Al Xanafi, ama nin ay Abuu Maryam ilmo adeer ahaayeen oo la oran jiray Sabiix Al Xanafi. Wuu Muslimay ninkaasi mar dambe, kadib markuu dilay Zeyd.

4. Saalim bin Cubeyd ama ibnu Macqil Mowlaa Abaa Xudeyfa bin Cutbah. Waxuu siday raayaddii Muhaajiriinta maalintaa iyada ah.

5. Abuu Dujaanah Simmaak bin Kharshah ama Simaak bin Aws bin Kharshah ibnu Lowdaan Al Khazraji As Saacidi, wuxuu ahaa mid kamid ah halyeeyadii Ansaarta.

6. Shujaac bin Wahab bin Rabiic Al Usdiyu, Xaliif banii Cabdishams. Waxaa la dilay isagoo dhowr iyo afartan jir ah. Waxuu ahaa nin dheer oo dhuuban, kana mid ahaa dadkii ugu horreeyey ee Islaamay.

7. Dhufeyl bin Camr bin Dhariif bin Al Caas Ad Dowsi. Wuxuu ahaa ugaaskii reer Dows.

8. Cubbaad bin Bishir bin Waqash Al Ansaari. Waa mid kamid ah kuwii ugu fadliga badnaa Ansaarta.

9. As Saaib bin Cuthmaan bin Madhcuun Al Jumxi. mid kamid ah dhalinyartii saxaabada ee geesiyaasha ahaa oo kamid ahaa fardooleydii fara kutiriska. Waxaa la dilay isagoo dhalin yaro ah.

10. As Saaib bin Al Cawaam bin Khuweylid Al Asdi, waxuu la dhashay halyeygii weynaa ee Zubeyr bin Cawaam.

11. Cabdillaahi bin Suheyl bin Camr Al Caamiri. mid kamid ah mustadcafiintii Makka lagu jarribi jiray. Maalintii Bader ayuu Muslimiinta kaga soo biiray dhanka gaalada.

12. Cabdillaahi bin Cabdillaahi bin Ubay bin Salool. Cadawgii munaafiqiinta, iyo mid kamid ah akhyaartii saxaabada.

13. Macni ibnu Cadiyi ibnu Jaddu bin Cijlaan Al Ansaari. Waxuu la dhashay Caasim bin Camr.

14. Abuu Xudeyfah bin Cutbah bin Rabiicah. mid kamid ah kuwii ugu horreeyay ee Islaamay. Magaciisuna waxaa la oran jiray Haashim ama Muhshim, waxaa kaloo la yiraadaa Husheym.

15. Maalik bin Camr. Xaliif bin Camr, waa mid kamid ah raggii Bader xaadiray.

16. Yaziid bin Ruqeysh bin Riaab Al Usdi. Mid kamid ah asxaabtii Bader, waxuuna ilma adeer la ahaa hooyadii muminiinta ee Zeynaba bint Jaxsh bin Riaab.

17. Xakam bin Saciid bin Al Caas Al Umawi. Waxuu ladhashay Khaalid bin Saciid bin Al Caas.

18. Jubeyr bin Maalik bin Buxeynah, oo la dhashay Cabdillaahi bin Maalik Al Asdi. Waxay xulufo ahaayeen banii Mudallib bin Cabdimanaaf.

19. Caamir bin Bukeyr ibnu C/yaaliil Al Leythi oo xulufo la ahaa banii Cadiyi bin Kacab. Waxuu la dhashay Caaqil, Khaalid iyo Iyaas ilmo Bukeyr , oo waxay wada xaadireen Bader. Afartuba waxay Islaameen markii uu Rasuulka SCW galay daartii Al Arqam bin Abul Arqam, waxayna ahaayeen raggii ugu horreeyey ee uu daartaasi Rasuulka SCW kula mubaayacooda.

20. Maalik bin Rabiicah. Waxuu xulufo la ahaa banii Cabdishams oo Qureesh ka tirsan.

21. Abuu Umayata Safwaan bin Umaya bin Camr.

22. Yaziid bin Aws oo xulufo la ahaa banii Cabdidaar oo Qureeshta ka tirsan.

23.Xubbay bin Xaaritha Ath Thaqafi, waa mid kamid ah qawjaddii saxaabada.

24. Xabiib bin Useyd bin Jaariyah Ath Thaqafi, mid kamid ah saxaabadii reer Thaqiif.

25. Al Waliid bin Cabdishams Al Makhzuumi. Waxaa dhalay Khaalid bin Waliid walaalkiis Cabdishams. waxuu Muslimay maalintii furashada Makka. Hooyadii waxay ahayd Asmaa bint Abii Jahal.

26. Cabdillaahi bin Camr bin Bujrah Al Cadawiyu.

27. Abuu Qeys bin Xaarith bin Qeys As Sahmi, waa mid kamid ah dadkii Xabashida u hijrooday.

28. Cabdillahi bin Makhramah bin Cabdulcuzza bin Abii Qeys Al Caamiri. Waxay qaraabo soko ahaayeen Suheyl bin Camr Al Caamiri.

29. Camr bin Aweys bin Sacad bin Abii Sarax Al Caamiri. Waxaa Cabdillaahi bin Sacad walaalkiis Aweys bin Sacad.

30. Cabdillaahi bin Xaarith bin Qeys. Waxuu la dhashay Abuu Qeys.

31. Suliidh bin Suliidh bin Camr Al Caamiriy.

32. Rabiicah bin Abii Kharshah Al Caamiriy.

33. Cabdillaahi bin Xaarith bin Rakhdah. Waxuu kasoo jeedaa qolooyinka banii Caamir.

Intaasi waxay ahaayeen Muhaajiriin, marka laga reebo dhowrkii Ansaarta ee aan soo magacawnay oo ay kamid ahaayeen Cubbaad bin Bishir, Thaabit bin Qeys, Abuu Dujaanah iyo Macni bin Cadiyi iyo Cabdillaahi bin Cabdillahi bin Ubay.

Imminkuna waxaan bartii kasii wadeynaa magacyadii saxaabaddii ku shahiidday dagaalkan Yamaamah, gaar ahaanna Ansaarta, waana sida tan innagoo tixraaceyna tiradii hore:

34. Cammaarah bin Xazam bin Zeyd bin Lowdaan Al Khazraji. Waa mid kamid ah asxaabtii Bader.

35. Cuqbah bin Caamir bin Naabiy bin Zeyd bin Xaraam Al Khazraji As Sulami. waxay isku jilib ahaayeen Mucaad bin Jabal, Al Xubaab bin Mundir iyo Al Baraa bin Macruur. Waxuu Cuqbah xaadiray Caqaba iyo dagaalkii Bader.

36. Thaabit bin Hazaal, waxuu ka dhashay jilibka banii Saalim bin Cowf. Waa mid kamid ah asxaabtii Bader.

37. Abuu Caqiil bin Cabdillaahi bin Thaclabah Al Khazraji oo waxuu kasii yahay jilibka Jaxjabi. Waxuu xaadiray Bader.

38. Cabdillaahi bin Cuteyk.

39. Xaajib bin Zeyd Al Awsi Al- Ash-hali.

40. Sahal bin Cadiyi.

41. Maalik bin Aws.

42. Cumeyr bin Aws.

43. Dhalxa bin Cutbah, waxuu kadhashay reer Khazraj, gaar ahaan Jaxjab.

44. Rabaax mowlaa Xaarith.

45. Jazaaa bin Maalik bin Caamir, waxuu ka dhashay Jaxjab.

46. Wadfah bin Iyaas bin Camr Al Khazraji. Waa mid kamid ah asxaabtii Bader.

47. Jarwal bin Cabbaas.

48. Caamir bin Thaabit.

49. Bishr bin Cabdillaahi Al Khazraji.

50. Kuleyb bin Bishir bin Tamiim.

51. Cabdillaahi bin Citbaan.

52. Iyaas bin Wadiicah.

53. Ascad bin Yarbuuc As Saacidi.

54.Sacad bin Xaaritha ama Sacad bin Jaariyah.

55. Sacad bin Xammaam.

56. Makhaashi Al Ximyari Xulufo ayuu Ansaartu la ahaa.

57. Salamat bin Mascuud, waxaa kaloo la yiri : Mascuud bin Sinaan.

58. Damrah bin Ciyaad.

59. Abuu Xabbata bin Ghaziyah Al Maazini.

60. Cabdillaahi bin Uneys ma ahan kii dilay Khaalid bin Safwaan Al Hudali. Kaasi waxuu nagaaday illaa 54 hijriyada.

61. Xabiib bin Zeyd.

62. Xabiib bin Camr bin Muxsin.

63. Thaabit bin Khaalid.

64. Farwata bin Nucmaan.

65. Caaid bin Maacis.

66. Yaziid bin Thaabit bin Daxaak. Waxuu la dhashay Zeyd bin Thaabit.

Khaliifat bin Khayaad isagu waxuu leeyahay : Isku dar intii kaga shahiidday Saxaabada Muhaajiriin iyo Ansaar dagaalkii Yamaama waxay noqonayaan 58. hase ahaate waxaa kutubta taariikhda qaarkood laga arki karaa inay ka badan yahiin intaa, waxaana meela badan ku xusan in ay ahaayeen isku dar saxaabadii ku shahiidday Yamaamah 70 akhyaartii saxaabada iyo xufaaddii kamid ahayd. Haddaba inagoo tixraaceyna qowlka damba ee ah inay ahaayeen 70 ayaa waxaa inoo suuro gashay inaan intaan magacyadooda soo gudbinno, falillaahil Xamdu.

Diin Ka Noqoshadii Reer Baxreen

Baxreen horey Rasuulka SCW markuu dhambaallada diraayey ayuu u diray Al Calaa bin C/llaahi Al Xadramiyu Calaa bin Al Xadrami si warqadda uu ugu geeyo boqorkii markaa maamuli jiray oo la oran jiray Al Mundir bin Saawi. Boqorkii waxuu ku Muslimay gacanta Calaa bin Xadrami, oo dadkiisina waxuu ku maamulay Islaamka iyo caddaaladiisa. Rasuulka SCW markii ay tii Alle u timid oo Alle oofsaday, Mundir bin Saawina waxba sidaa u badan ah kamuuna dambeyn oo isagiina wuu geeriyooday. Waxaana la joogay markaa oo uu Nebiga SCW horey ugu diray saxaabiga Camar bin Al Caas. Markaa buu Mundirna wax ka suaalay Camar xoolahiisa siduu Rasuulka SCW u dardaarmi jiray qofka ay geerida ku xaadirto, oo isagiina uu usheegay. waxuuna sadaqo ahaan ula baxay saddex meelood meel kamid ah hantidiisii.

Haddaba markaa iyada ah kadib bay reer Baxreen riddoobeen oo waxayna u qeybsameen laba kooxood. Koox iyadu waay riddoowday waxayna madax ka dhigteen nin la oran jiray Al Mundir bin Nucmaan bin Mundir. Mid iyagii kamid ah baana waxuu yiri:- Haddii uu Muxammed Nebi yahay ma uusan dhinteen. Oo dadkii reer Baxreenna islaannimadii kuma aysan harin magaalooyinkoodii marka laga reebo qarya la oran jiray Juwaatha sidaynu horey usoo xusnayba. Waxay ahayd Jawaatha qaryadii ugu horeysay ee salaad Jumca lagu oogo kadib markay dadkii xaqa usoo noqdeen sida kusugan kitaabka Bukhaari oo laga soo weriyay Cabdullaahi bin Cabbaas.

Dadkii qaryadaa kusugnaa iyagu waxay ahaayeen kuwa kusugnaaday xaqii, waxaana godoomin daran ku qabtay qoladii kale ee iyagu riddoobay, heer ay gaajo darteed la adkeysan waayeen oo marrinadii oo idil ay ka xirmeen. Markaa baa waxaa ka dhex kacay nin iyaga kamid ahaa oo la oran jiray Jaaruud bin Mucallaa. Jaaruud kan wuxuu kamid ahaa rag Rasuulka SCW wafdi ahaan ugu tegay oo waxaaba la sheegaa inuu saxaabi ahaa. Waxuu ka dhex kacay tolkiisii si uu ugu caddeeyo xaqiiqda oo waxuu yiri:- Kulanka banii Cabdiqeysoow!! Anigu arrin baan idin weydiin ee iiga jawaaba, waa haddii aad garataane, oo ha iiga jawaabina haddaydaan garan.

Waxay yiraahdeen:- Haggaag ina weydii.

Waxuu yiri:- Ma ogtihiin in Alle u sugnaadeen Nebiyo uu leeyahay ka hor intuusan Muxammed SCW soo saarin?

Waxay yiraahdeen:- Haah!.

Waxuu yiri:- Oo ma ogaateen mise waad aragteen?

Waxay yiraahdeen:- Mayee waan ogaannay.

Waxuu yiri:- Oo maxay faleen Xaalkoodu hadda waa sidee ?

Waxay yiraahdeen:- Way dhinteen.

Waxuu yiri:- Haddaba Muxammed SCW dhimey sidayba iyagu u dhinteen. Waxaanna anigu qirayaa oo aan marqaati ka ahay inuusan jirin la caabbuda xaq lagu caabbudaa oo aan ka ahayn Allaah, Muxammedna SCW inuu yahay Rasuulkii Ilaah.

Markasay yiraahdeen:- Innaguna sidaa oo kale ayaanu qireynaa inuusan jirin la caabbuda xaq lagu caabbudaa oo aan ka ahayn Allaah, oo Muxammedna SCW uu yahay Rasuulkii Illaah. Adiguna waxaad tahay kaayagii inoogu fadliga badnaa iyo ugaaskayagii.

Islaannimadii bayna kusugnaadeen. Oo markaa bayna ahayd markii uu Abuu Bakar Sidiiq u diray Baxreen Al Calaa bin Al Xadrami sidaynu horeyba usoo xusnay markii uu dirayey 11-kii ciidan ee uu Dulqassaa ku dhisay. Markii uuna Al Calaa ku dhawaaday Baxreen ayaa waxay is heleen qaar kamid ah ciidamadii Muslimiinta oo uu ku jiray Thumaama bin Othaal Al Xanafi oo markaa ka hor kasoo guddoomay dhankii Yamaamah.

Al Calaa bin Al Xadrami waxuu ahaa mid kamid ah sanaadiiddii saxaabada iyo kuwoodii ugu akhyaarsanaa, oo waxuu ahaa mid kamid ah kuwii cibaadada badnaa oo caabidiinta uu Alle ducadooda aqbali jiray ayuu kamid ahaa. Wuxuu soo dhaweeyay ciidamadii Muslimiinta ee uu meeshaa ku arkay isagoo sharfay oo dejiyey.

Markii uu Calaa u dhawaaday dadkii riddoobay, ayuu Muslimiintii u khudbeeyay oo amray, adkeysi iyo sabar mar waliba, waxuuna ugu bishaareyay inuusan Alle dulleyneeyn mar hadday Muslimiin yahiin, oo waxuu caddeeyay inuusan Alle dulleynin cid ku sugan Muslinnimo, oo ku jihaadeyso jidka Alle oo misna Ansaartii Alle Sarreeye ah.

Dabeeto goor salaad fajar ah buu dadkii tujiyey oo uu jilbo jilbo u fadhiistay oo Alle u baryay oo iyagiina sidiisii oo kale faleen. Markaana waxaa Muslimiinta hayey oon daran oo Alle baa il biyo ah u dolooliyey oo ka waraabiyey ciidamadiisii.

Markii ay isku soo dhawaadeen Murtaddiinta oo markaa watey ciidan culus, oo khalqi tiro badan ah bay dabeeto is hor degeen. Iyagoo sidaa kusugan baa habeen habeennada kamid ah uu Calaa maqlay buuq iyo sawaxan ka yeeraya dhanka cadawgiisa kuwa riddoobay. Markaasuu yiri:- Oo yaa inoo soo baaraya kuwan warkooda? Dabeeto waxaa kacay nin la oran jiray Cabdillaahi bin Xadaf oo inta dhex galay khabar buuxo ka keenay. Waxuu ibnu Xadaf soo arkay qoomka oo wada sakraamay siday khamro u cabbayeen oo caqligii ka tegay. Markaasuu inta soo deg degay khabarkii u keenay Al Calaa bin Xadrami. Intaa kadib Calaa bin Al Xadrami waa uu rartay isagoo ay ciidamadiisii la socdaan, markaasuu ka dul dhacay ciidankii kuwa riddoobay oo si daran u laayey oo dhan waliba u eryaday oo dhufeys waliba u galay, waxaana yaraa inta ka fakatay oo badankoodu goobtaa baala dhigay. Waxuuna ka reebtay maal badan iyo hubkoodii oo waxuu ka qaniimeystay qaniimo tiro badan.

Dadkii habeenkaa hurdayey goobtaa waxaa kamid ahaa oday la oran jiray Xadham bin Dhabiicah oo isagu kamid ahaa odayaashii dadkaa, markaana hurdaayey. Waxuuse kusoo baraarugay goor ay Muslimiintii dadkiisii laynayeen oo dhan waliba u eryanayeen, markaasuu ku deg degay faraskiisii oo damcay inuu kora, hase ahaatee waa uu wareeray oo jihadii ka luntay, markaasuu ku calaacalay:- Yaa itoosiya? Saa nin Muslimiinta kamid ah baa goor mugdi ah ku yiri:- Anigaa kutoosin ee sare lugtaada uqaad. Markii uu lugtii sare uqaaday buuna ka jaray oo seeftii ugu salaaxay. Waxuu Al Xadham yiri:- War is keey raaci. Hase ahaatee ninkii Muslimka ahaa waxuu yiri:- Yeeli mahayo sidaa. Wuuna iskaga tegay, oo isagiina Al Xadham dhulka ayuu si huleel ah ku dhacay. Qof waliboo soo maraana waxuu ka dalbanayey in uu isa sii raaciyo, hase ahaatee cidi ma aysan yeelin jeer uu markii dambe soo maray Qeys bin Caasim. Markaasuu Xadham yiri:- Waxaan ahay Al Xadham ee isa sii key raaci. Markaasuu dilay.

Markii uu Qeys ka tegay buu wax yar ka dib arkay lugtiisii oo meesha tiilay. Markaasuu ka shallaayey oo waxuu yiri:- Halleeyay!! Oo haddii aan ogaan lahaa waxa uu kusugnaa ma aan u dhaqaaqeen.

Dabadeed Muslimiintii waxay daba raacdeysteen kuwii baxsaday ee jabay raadadkoodii. Oo badankoodiina kuwii jabay waxay aadeen dhanka badda oo ay uga sii gudbeen Daariin. Waxayna u raaceen dooman.

Kadib Calaa bin Xadrami waxuu jideeyay in la qeybiyo qaniimadii goobtaa laga helay, kadib markuu ka saaray khumuskii 1/5 oo waxuu amray in la is fududeeyo oo culeyska la iska bar yareeyo. Markii uu howshii qaniimada ka faaruqay buuna Muslimiintii u caddeyay in ay haleelayaan dhanka Daariin iyo kuwii jabay, si ay uga soo cadgoostaan. Markaa bay Muslimiintiina si talantaali ah u ajiibeen arrinkaas oo u deg degeen, dabeetana waala baxay oo waxaa la tegay xeebtii, si ay doonyo uga raacaan halkaa.

Waxay arkeen inaysan doomyahu u dhaweyn, aysanna ka gaareyn in ay doomya sugaan oo waayo ciidamada acdaada ee riddoobay baa ka fakan oo intaasi ay u noqon fursad dahabi ah. Markaa buu Al Calaa faraskiisii badda la galay isagoo leh:- Inta naxariisato kan ugu naxariista badanoow! Kan falka suubban oo sharafta badanoow! Kan keliga ah ee deeqtoonoow! Kan nool waxna nooleeyoow! Kan khalqiga maamulo oo weynida iyo sharafta usaaxiibka ahoow!, Alle kala ma jiro aan adiga ahayn, Rabbigannoow!!. Dadkiina waxuu amray inay sidaa falaan, markaa bay sidaa faleen oo gaadiidkoodii badda la galeen, wayna ku dhex socdeen iyadoona awrtoodu gomadahooda biyuhu u gaareyn, farduhuna aysanna u gaareyn jilbaha. Waxayna dhexsocdeen baddii jeer ay tegeen dhankii kale ee birriga oo ay cadawgoodii isku heleen oo ay dad badanna ka laayeen qaniimo badanna kasoo furteen. Dabeetana sidoodii hore oo kale ayay baddii ugu soo laabteen oo ay dhankii kale u yimideen iyagoon balo arag. Waxaana la sheegaa inay ahayd mariddoodu iyo soo noqoshadoodii muddo isla hal maalin dhexdeeda ah.

Kadibna Al Calaa waxuu qeybiyey qaniimadii uu kasoo furtay oo aad u tiro badneyd, waxuuna qofkii faras watay helay 2000, kii lugeynayeyna waxuu helay 1000 Dirham iyadooy weliba ciidanku tiro badnaayeen. Kadib Al Calaa waxuu khumuskii qaniimada u diray dhankii Abuu Bakar isagoo uguna bishaareynayo guulahii is daba jooga ahaa ee uu Alle cadawgooda uga loogay. Markaa buu Abuu Bakarna warqad usoo diray Calaa uu ugu mahad celinayo waxii uu sameeyay.

Waxaa la sheegaa in nin reer Hajar ah oo raahib ahaa uu ku Muslimay kalmadihii Al Calaa bin Xadrami , markii uu marayey badda uu akhrinayey , oo waxaa la sheega markii la weydiiyey ninkaas sababta ku kalliftay inuu Muslima ayaa waxuu tilmaamay inuu hawada ka maqlay dhawaqa kalmado aad iyo aad u qiimo badan Wuxuuna yiri:- Haddii aanan rumeynin kalmadahaasi, waxaan ka yaabay inuu Alle aniga dhan inasakho.

Diin Ka Noqoshadii Reer Cummaan, Reer Mahra & Reer Yeman

Reer Cumaan iyagu waxaa kasoo shaac baxay nin laqabkiisu uu ahaa Dut- Taaj, magaciisuna la oran jiray Laqiid bin Maalik Al Uzdi. Waxaa ninkan loo yaqiinay waqtigii jaahiliyada Julandaa, waxuuna sheegtay Nebinnimo, oo waxaa raacay khalqi badan oo juhaladii reer Cummaan kamid ah. Waxuu Laqiid ka adkaaday Jeyfar iyo Cabbaad oo kamid ahaa madaxdii reer Cummaan, waxayna labadaasi nin ahaayeen rag Muslimiin ah. Markii uu Laqiid ka saaray magaaladii ayaa waxay u kala carareen buuraha iyo keymaha. Jeyfar baa markaa Abuu Bakar warqad u diray uu kaga dalbanayo in ciidan uu usoo diro. Markaa buuna Abuu Bakar soo diray laba amiir iyo ciidamadooda, kuwaasoo kala ahaa Xudeyfah bin Muxsin Al Ximyari iyo Curfajata Harthama bin Zuheyr Al Baaruqiyi. Waxuu Abuu Bakar Cummaan u diray Xudeyfah, halka uu Mahra-na u diray Curfajata Al Baaruqiy. Waxuu Abuu Bakar amray inay labadan ciidan kulmaan oo isku darsamaan oo ay marka hore howsha ka billaabaan Cummaan. Inta Cummaan la joogana waxuu amray ciidamada oo idil inuu amiir u noqda Xudeyfah bin Muxsin Al Ximyari. Markiina laga faaruqo Cummaan, waxuu amray inay u jiheystaan Mahra, markaasina wuxuu amray inuu amiir noqdo Curfajata bin Harthama.

Waxaan horey usoo xusnay in Cikrama loo diray Yamaamah, dabeetana laga daba diray Shuraaxbiil bin Xasanah. Cikrimah wuu deg degay oo wuxuu dul degay Museylamah, hase ahaatee Museylamah wuu iska soo caabiyey, oo dib ayuu usoo durkiyey. Arrintaa deg dega ahi Abuu Bakar waa uu ku canaantay Cikrimah, waatiina uu Khaalid markuu ka faaruqay Buzaakha uu u diray dhankii Yamaama. Waxaa markaasi dhacay wixii dhacay ee aynu soo xusnay, Museylamana la dilay, oo Yamaamana la furtay.

Markaa buu Abuu Bakar amray Cikrimah bin Abii Jahal inuu aado dhanka Cummaan iyo xagga Xudeyfah iyo Curfajah. Mid kastoo saddexdaan amiirrada kamid ahina waxuu amiir u noqon doonaa ciidankiisa, oo Xudeyfah waxuu amiir noqon inta Cummaan la jooga, Curfajana inta Mahrah la jooga.

Waxuu yiri Abuu Bakar:- Markii aad ka faaruqadaan, aad adiga Cikramah dhanka Yeman iyo Xadrulmowt, oo la jooga Muhaajir bin Abuu Umayah. Waxuuna intaa dabadeed Abuu Bakar warqad u diray labadii amiir ee Xudeyfah iyo Curfajah, taasoo uu ku ogeysiin in uu Cikramah u soo diray, waxuuna amray inay la tashadaan, oo ay taladiisuna goostaan, maadaama uu yahay nin qibrad u leh arrimaha dagaalka. Wuxuu Cikramah ahaa mid geesi ah oo geesiyaashii iyo halyeeyada Carabta kamid ahaa. Markii ay amaraadii u dhawaadeen Cummaan ayay u cid direen Jeyfar iyo Cabbaad. Dabeeta Laqiid baa waxuu maqlay ciidamada dhulkiisa yimid, markaa buu ciidankiisii soo dhaqaajiyey oo ku dhisay goob la yiraahdo Dubaa. Waxayna goobtaasi ahayd suuq weyn oo dhulkaasi ku yiillay. Waxuuna ciidankii soo daba dhigay hantidii oo idil, si aysan dib dambe u milacsan oo ay maalkooda, carruurtooda iyo dumarkooduba u dagaallamaan. jeyfar iyo Cabbaadna waxay ku kulmeen goob la yiraahdo Suxaar. Markaa bay is raaceen oo ay ku biireen ciidamadii Muslimiinta.

Waxaa kulmay labadii koox, ciidankii Allaah iyo ciidamadii Sheydanka. Waxaana goobtaa ka dhacay dagaal aad u daran oo lagu imtixaanay Muslimiintii oo ayba ku sigteen inay dhabarka jeediyaan, haddii uusan Alle nasri iyo gargaar deg deg ah usoo dejin jaantey rogi lahaayeen.

Markaa iyada ah oo xaaladdu ay darreed buu Alle Muslimiintii u turay, oo sharfay oo u soo diray ciidamo gurmad ah oo katirsan qolooyinka banii Naajiyah iyo Cabdiqeys. Markaana waxay ahayd goortii nasriga iyo furashada, waxaana gacantii sareysay yeeshay ciidamadii Alle, halka laga halligay xisbul daakhuudkii. Dhabarkay jeediyeen oo waa jabeen ciidamadii Laqiid, markaa bay Muslimiintiina dhan waliba u raaceen oo si daran u laayeen, waxaana laga dilay kufaartii tiro 10 000 oo dagaalyanno ah, waxaayna Muslimiintii qaniimeysteen hantidii suuqaa tiillay oo aad u badneyn. Kadib waxay qaniimadii ka saareen khumuskii oo intii kalena qaysadeen, dabeetana waxay khumuskii u dhiibeen mid kamid ah madaxdii ciidamada, waxuuna ahaa Curfajah Al Baaruqiy. Intii howshii soo gutay buuna ciidamadiisii kusoo noqday mar kale.

Ammaa Mahrah, waxaynu soo xusnay in markii hore uu Abuu Bakar Siddiiq soo amray inay ka bilaabaan Cummaan, dabeetana ay ku xijiyaan Mahrah, kadib markay ka faaruqaan Cummaan. Waa sidaase markii ay ka faaruqeen, waa tii khumuskii qaniimada loo dhiibay Curfajah Al Baaruqiy si uu khaliifadii Rasuulka SCW Abuu Bakar ugu geeyo. Haddaba markaa ayaa waxaa Mahrah aaday Cikramah iyo ciidamadiisii lasocoday, waxuuna tegay goobtii Mahrah oo uu kula kulmay laba ciidan oo middoodi ka badanyahiin kooxda kale. Kooxda badan waxaa amiir u ahaa nin la oran jiray Al Misbax Al Muxaaribi. kuwa kalena waxaa amiir u ahaa nin la oran jiray Shakhriit. Labadan amiir ee meesha deganaa way is khilaafsanaayeen. Khilaafkooduna waxuu Muslimiinta u ahaa naxariis Alle xaggiisa uga timid. Kadib Cikrimah waxuu u cid diray Shakhriit si uu xaqa ugu soo laabta, isagiina wuu yeelay oo wuxuu ku biiray ciidankii Cikrimah. Dabeeta waxuu Cikrimah u cid diray Al Misbax Al Muxaaribi si uu isaguna xaqa ugu soo laabto, hase ahaatee diidyay, oo waxuu ku faanay ciidan badni iyo inuu awood u leeyahay inuu iska celin karo Muslimiinta.

Markaa buu Cikrimah soo dhaqaajiyey ciidankiisii oo ay is heleen Al Misbax, waxaana dhex maray dagaal aad u culus, oo ka daran kii Dubaa ee aan usoo xusnay. Dabeeta Alle baa guul iyo furasho siiyey ciidamadiisii Muslimiinta, kuwii kalee riddaduna waa ay jabeen oo way kala firxadeen. Al Misbaxna waala dilay, khalqi badan oo kamid ah qowmkiisiina waala laayey. Halkaana waxay Muslimiinta qaniimo ahaan u heleen, hantidii cadawgooda. Markaa baa inta khumuskii laga saaray loo qaybiyey ciidanka. Dabeetana waxaa khumuskii loo dhiibay Shakhriit si uu Abuu Bakar ugu geeyo. Bishaaradii guushuna waxaa loo dhiibay nin la oran jiray As Saaib Al Caabidyu. Halkaana nin la oran jiray Culuuj baa gabay ka tiriyey, kaasoo uu aad ugu amaanay Shakhriit iyo weliba guushii ay Muslimiinta ka heleen cadawgooda.

Ammaa reer Yeman

Waxay iyagu horey u raaceen Aswad Al Canasi oo magaciisu uu ahaa Cubhalah bin Kacab bin Canas, oo Nebinnimo sheegtay. Ninkan isagu waxuu soo shaacbaxay waqtigii Rasuulka SCW, oo uu Nebinnimadu sheegtay, markaasoo uu ka saaray Sanca madaxdii uu Rasuulka SCW horey ugu diray. Dabeeta waxaa raacay qaar kamid ah reer Yeman. Markaa buu Rasuulka SCW markuu maqlay soo bixidda ninkan ayuu warqad qoray oo uu u dhiibay nin la oran jiray Wabar bin Yuxannas Al Daylami. Waxuuna warqaddaa u diray madaxdii Yeman joogtay oo uu amrayo inay la dagaallamaan Aswad Al Canasi, oo waxuu kaloo farriin u diray reer Yeman in dhammaantood la dagaallamaan ninkaasi.

Yeman markaasi waxaa joogay Mucaad bin Jabal, oo haweeney Sukuuniyad ah ku guursaday, waxaana la oran jiray haweeneydaasi Ramlah As Sukuuniyah. Waxaa kaloo joogay Khaalid bin Saciid bin Al Caas oo masuul ka ahaa deegaannadii Caamir, Rafac, Zubeyd iyo weliba qeyb kamid ah dhulkii Najraan. Sidoo kale waxaa joogay Shahar bin Baadaan oo Yeman kor masuul ka ahaa. Iyo waxaa kaloo joogay oo kamid ahaa madaxdii Rasuulka SCW masuulka uga ahayd Yeman oo uu kamid ahaa Abuu Muusa Al Ashcari oo Marib masuul ka ahaa. Waxaa kamid ahaa Yaclaa bin Abii Umayah oo Janad masuul u ahaa, iyo Daahir bin Abii Haalah oo Cakah iyo Ashcariyiinta madax u ahaa, iyo Camr bin Xaraam oo qeyb Najraan kamid ah madax u ahaa. Dhulka Xadrulmowt-na waxaa masuul ka ahaa Ziyaad bin Lubeyd. Sidoo kale waxaa joogay Cukaasha bin Thowr ibnu Akhdar oo madax u ahaa Sakuun iyo Sakaasik, iyo Cabdillaahi bin Qeys oo madax u ahaa banii Mucaawiyah iyo Kindah. Mucaadna waxuu ahaa macallimkii Baldeynka labada Balad yacnii Xadrulmowt iyo Yeman, waxuuna Rasuulka SCW Mucaad amray markuu diraayey inuu iskaga kala goosha labadaa dhul Yeman iyo Xadrulmowt oo uu dadkooduna macallim u noqda.

Iyagoo ay xaaladdaasi ku sugan yahiin amraadii Rasuulka SCW buu ninkan Al Aswad Al Canasi soo baxay. Waxuuna ka soo jeeday oo uu ka yimid deegaan la yiraahdo Kahf-Khubbaan, oo waxuu markaasi watay 700 oo dagaalyahanno ah.

Kadib waxuu warqado u diray masuuliyiintii Rasuulka SCW ee Yeman ku sugnayd oo waxuu ku yiri:- Innagaa idinkaga xaq leh ee inoo soo celiya dhulkayaga oo, waxaad idinku leedihiin waa dhulkiina.

Dabeeto waxuu abbaaray dhankii Najraan oo qabsaday 10 casho kadib soo ifbixiddiisii. Dabeeto waxuu aaday dhanka Sanca oo waxaana ka hor yimid Shahar bin Baadaan oo waxaa dhex maray dagaal culus, oo lagu jebiyey ciidamadii Shahar bin Baadaan, isagiina Shahar waa la dilay. Markaa buu galay Aswad magaaladii Sanca oo uu qabsaday 20 casho kadib soo ifbixiddiisii. Dabeeto Mucaad iyo Abuu Muusal AShcari waa ay ka baxsadeen Sanca iyo deegaannadii Yeman oo waxay aadeen dhankii Xadrulmowt. Masuuliyiintii Rasuulkuna SCW Waa ay kala faniineen, oo Camr bin Xaraam iyo Khaalid bin Saciidna waxay aadeen dhankii Madiina oo ay kulaabteen. Sancana waxay gacanta u gashay Al Aswad Al Canasi oo masuul ka noqday.

Maalintii ay Aswad is helayeen Shahar bin Badaan waxuu ciidankiisu dhamaa 700 sidaynu soo xusnayba, waxaana kamid ahaa madaxdii ciidankiisa Qeys bin Cabdiyaaquuth, Mucaawiyah bin Qeys, Yaziid bin Maxram, Yaziid bin Xisni Al Xaarithi iyo Yaziid bin Al Afkal Al Uzdiyu. Xukunkiisiina wuu ku xoogeystay Yeman.

Camr bin Macdiyakrib isagu wuu riddoobay oo waxuu amiir u noqday Banii Mudxij oo uu masuul uga ahaa Al Aswad, Al jandu waxaa masuul uga ahaa Qeys bin Cabdiyaaquuth, Abnaa-guna Abnaa waxay ahaayeen qolo asalkoodu Faaris ka soo jeedday oo waxay dhulka Yeman yimideen markii ay Yeman ka dalbatay Faarisiinta inay uga gargaaraan Xabashida oo markaa ay qaatiyaan ka joogeen. Markaa buu boqorkii Furus ee waqttigaa jiray usoo diray ciidan, kuwii xabsiyada ku jiray oo uu cafis u fidiyey , markiina ay yimideen Yeman bay degeen oo ay habdhaqankii iyo hanaankii Carabta yeesheen oo ay ka guursadeen, dabeetana dadkaa firkoodii ayaa loo baxshay Abnaa. waxaa masuul uga ahaa Feyruuz Al Deylami iyo Daadaweyhi, oo iyagu Muslimiin muminiin ahaa, oo qorsha kale maldahayey, waxay doonayeen uun inay dilaan Aswad Al Canassi.

Al Aswad wuxuu guursaday haaweeneydii Shahar bin Baadaan oo ay Feyruuz Al Deylami ilmo adeer ahaayeen, taasoo la oran jiray Zaad ama Aazaad Al Deylamiyah, waxayna ahayd haweeney muminad saalixad ah.

Markiina ay maqleen geeridii Rasuulka SCW baa dad badan oo reer Yeman kuwii Islaamka ku jiray ah ay riddoobeen, iyagoo markii horeba shaki iyo laab laab ku jiray. Haddaba waxaa u tashaday Saddex kamid ah madaxdii dhulkaa joogtay sidii ay ku dili lahaayeen Al Aswad isagoon fahmin arrinta ay damacsanyahiin. Waxayna u muujin jireen inay isagu rumeysanyahiin Nebinnimadiisa. Saddexdaa nin waxay kala ahaayeen Feyruuz Al Deylami, Daadaweyhi iyo Qeys bin Hubeyrah bin Hilaal Al Muraadi Al Bujaliyi oo loo yaqiinnay Qeys bin Makhsuux. Waxaa howshan la wadday gabadhii uu qabay Al Aswad Al Canasi oo ay ilma adeer ahaayeen Feyruuz Al Deylami, waxayna ahayd haweeney muminad saalixad ah sidaynu soo xusnayba.

Haddaba goor habeen ah ayuu Feyruuz dilay Aswad oo uu madaxa ka jaray. Dabeetana waxaa damcay inuu xukunka Yeman qabsado Qeys bin Makshuux. Waxuuna goaansaday inuu dilo labada masuul ee kale Feyruuz iyo Daadaweyhi, hase ahaatee arrintaa uma aysan suuro gelin, kaliya waxaa u suuro gashay inuu dilo Daadaweyhi . Sababtuna waxay ahayd mar buu usameeyay raashiin, dabeetana uu marka hore u cid diray Daadaweyhi si uu gurigiisa u yimaado. Markii uu Daadaweyhi yimid buuna Qeys ku deg degay oo dilay. Misna waxuu u cid diray Feyruuz Al Deylami, markaa buu Feyruuz dhankii Qeys aaday. Isagoo dariiqa marayo ayuu maqlay codka labo haween ah oo midi ay midda kale ku oraneyso :-Kanna isagu waa mid la dili doono, sidii loo dilay saaxiibkiis.

Markaa buu fahmay oo inta jidkiisii ku laabtay ayuu u tegay asxaabtiisii, oo uu uga warramay waxa dhacay iyo in la dilay Daadaweyhi. Kadib waxuu Feyruuz aaday dhanka reer abtiyaashii banii Khowlaan, waxaana u gargaaray qabiilooyinka Cakka iyo Caqiil iyo khalqi kale. Dabeetana Qeys waxuu qaatay labadii daar ee Daadaweyhi iyo Feyruuz, Abnaa-giina ciidankiisii ayuu ku daray, markaasuu ku weynaaday dhulkii Yeman, oo ciidamo u diray bad iyo berri. Muddo kadibna waxaa yimid Feyruuz oo hoggaaminayo khalqi tiro badan. Waxayna is heleen Qeys oo dagaal darani dhex maray, kaasoo lagu jebiyey Qeys iyo ciidamadiisii. Qeys iyo Camr bin Macdiyakribna waala soo qabtay qafaal ahaan, markaa baa Muhaajir bin Abuu Umaya waxuu amray in loo geeyo Abuu Bakar Siddiiq. Markii loo geeyayna waa ay u cududaarteen isagiin waa uu ka aqbalay, wixii aay muujisanayeen, sirahooduna waxuu u wakiishay Allaah Sarreeye.

Kadibna masuuliyiintii Rasuulka SCW ee Yeman masuulka ka ahayd, waxay ku laabteen meelahoodii ay horey masuulka uga ahaayeen waqtigii nolashii Rasuulka SCW, kadib markay galeen dagaallo aad u dhaadheer oo haddaynu is orona aad si faah faahsan uga hadashaan ay runtii inagu dheeraanayaan, markaa intaa ayunbaan kusoo koobeynaa hadduu Alle idmo, oo waxaan usii gudbi doonnaa dhacdooyinkii kalee jihooyinka kale kasocday. Arrintu iyo dagaalladuna sidaa bay u socdeen jeer ay Jasiiraddii Carabta oo idil nadiif noqotay, oo daacaddii iyo Islaamka ay usoo wada noqdeen.

Waxaana caan noqday qowlkii Abuu Bakar Siddiiq uu yiri ka hor intuusan weerraradan qaadin, kaasoo ahaa:- Ma anigoo nool ayay diintu nusqaameysaa??.

Runtii wuu ka runsheegay Abuu Bakar oraahdiisaasi oo waa mid laga wada marag kacay, taariikhduna ay marqaati cad u noqotay.

Badi dagaalladan aanu soo xusnayna waxay dhaceen dhammaadkii sannaddii 11aad ee hijriga illaa horraantii sannaddii 12aad ee hijriyada, waana sida ay culimada muarrakhiinta badankoodu qabaan.

SANADKII 12AAD EE HIJRIGA

Sanadkani markii uu bishay, dowladdii Islaamka dhidibidda ayaa loo aasay, muddadii yareydna ee uu Abuu Bakar xilkaasi hayay Jaziiraddii Carabta oo idil waa uu sifeeyay oo ciidamadii Muslimiintu midig iyo bidix bay xaaqeen. Waxuu Abuu Bakar la diriray dadyowgii riddoobay oo ay kamid ahaayeen reer Yamaama, reer Najad iyo Dhuleyxa, reer Yeman, Mahrah, Cummaan, Baxreen iwm. Muddaadii yareydna waxaay Jaziiraddii oo idil u hoggaansameen Islaamka.

Qaar kamid ah Culamaai Siirah ayaa waxay qabaan in dagaalkii Yamaama uu dhacay sanadkan 12aad bisha Rabiicul Awal. Qaar kalena waxay yiraahdeen:- Waxuu ahaa dagaalkaas sanadkii ka horeeyay kan sanadkii 11aad ee hijriga dhammaadkiisa. Waxaase lagu kulmiyaa aqwaashaan sidaynu soo xusnayba in uu dagaalkan billawday dhammaadkii sanadkii 11aad uu dhammaaday billawgii sanadkii 12aad ee hijriga.

Waxaa kaloo la sheegaa in dhacdooyinkii, Cumaan, Mahrah, Baxreyn iyo Yeman ay dhaceen sannadkan 12aad. Waxaanu soo qaadan doonnaa hadduu Alle idmo waxyaabihii sanadkan dhacay oo dhacdooyin iyo mawaaqic ah, arrimihuna sidii hore maaha oo iminku xaaladdu way furfurmatay, oo Jaziiraddii uu idil baa u hoggaansantay dowladdii Islaamka ee uu hoggaanka u hayay Saddiiq Illaahay haka raalli noqdee.

Sanadkan dhexdiisa waxaa la dilay afartii boqor ee loo yaqiinnay Xammad, Maxras, Abdhacah iyo walaashood Al Camarradah. Waxuu kusuganyahay xadiis lagu lacnaday Musnad-ka Iimaam Axmed, waxana dilay Ziyaad Al Ansaari.

Diriddii Khaalid Bin Waliid Ee Dhanka Ciraaq

Markii uu Khaalid ka faaruqay Yamaamah buu Abuu Bakar amray inuu aado dhanka Ciraaq, waxuuna amray inuu ka billaabo Faraj Al Hindah, waxuuna amray inuu Ciraaq ka galo kor, oo dadkuna isu soo duwa oo xagga Alle Cazza wajalla ugu yeero, oo hadday yeelaan waa sidaa sida la rabay, haddii kale waa inay bixiyaan jizyo, haddeys diidaanna taa iyada ah waa inuu la dagaallamo, cidinana uusan ku qasbin raacidda, oo wuxuu amray inuu kaxaysto oo kaliya inta raacda. Waxuu kaloo amray in uusan gargaar weydiisan kuwii riddoobay oo uusan cadawga u kaalmeysan, waxuuna u tilmaamay inuu horey la sii saaxiibo cidkastoo kamid ah madaxda ciidamada Muslimiinta ee uu la kulmo oo uu horey usii kaxeysto intii u suuro gasho.

Intaa kadibna waxuu Abuu Bakar u kacay inuu diyaariyo ciidama kala oo gurmad u noqda Khaalid iyo wardoonna qaas ah inuu sameeyo.

Haddaba waxaa khilaaf ka taagan yahay Khaalid bin Waliid ma toos buu Yamaama uga baxay oo uu Ciraaq sidaa ku aaday, mise Madiina buu tegay oo uu Ciraaq ka aaday?

Culimada qaarkood waxay sheegaan in uu si toos ah Yamaamah uga baxay oo sidaa Ciraaq ku aaday, halka kuwa kalena ay qabaan inuu ku laabtay Madiina , dabeeto uu Madiina ka baxay oo sidaa Ciraaq ku aaday. Waxuuna maray jidka Kuufa ee maanta oo sidaa ku dhaqaaqay jeer uu gaaray Xiirah.

Ibnu Kathiir isagu waxuu rajaxi in uu Khaalid Madiina ku laaban oo si toos ah uu u baxay kadib markuu Yamaamah ka faaruqay.

Maxamed bin Isxaaq isagu waxuu qabaa in uu Khaalid ka baxay Yamaamah kadib markuu Abuu Bakar warqad usoo diray oo uu ku amray inuu Ciraaq aado. Markaa buu Khaalid dhaqaaqay oo sii maray labo qaryo oo la kala oran jiray Baanuqiyaa iyo Baaruusimaa, waxaana masuul ka ahaa nin la oran jiray jaabaan, dabeetana Khaalid wuu la heshiiyey sida uu Ibnu Isxaaq qabo.

Waxaa kaloo iyana la sheegaa in heshiiska ka hor ay Muslimiintii ka laayeen cadawga tiro badan, kadib bay dalbadeen inay jizyo bixiyaan oo ay heshiis dalbadeen, waxaana lagula heshiiyey qiima 1000 Dirham ama Diinaar sanadkan. Waxuuna ahaa ninkii Khaalid ka guntay heshiiskaa Busbahri bin Saluubaa. Kadib Khaalid waxuu u qoray warqad dadkii meeshaa ku sugnaa, kadibna horey ayuu usii socday illaa uu degay Xiirah, dabeetana waxaa kusoo baxay dadkeedii madaxyaweynta ahaa oo la socdaan Qabiissah bin Iyaas bin Xabbah Al Dhayi oo markaa masuul uga ahaa boqorkii Furus ee Kisraa kadib xukunkii Nucmaan bin Al Mundir.

Khaalid bin Waliid waxuu ugu yeeray xagga Alle oo waxuu ku yiri:- Waxaan idinkugu yeeri xagga Allaah iyo Islaamka. Haddaad yeeshaan markaa waxaad kamid noqoneysaan Muslimiinta, oo waxaad leedahiin waxa ay iyagu leeyahiin, waxaana dushiina ahaaday waxa iyagu dushooda ah, haddaad diidaan, waa inaad bixisaan jizyo, haddaad jizyadu diidaanna xaqiiqdii waxaan idiinla imid qowm ugu dadaali og geerida sida aad idinku noolasha ugu dadaashaan. Waan idiinla dirireynaa oo aan idiinla jihaadeynaa jeer uu Alle nakala xukmiyo dhexdeenna iyo dhexdiinna.

Qabiissah baa waxuu yiri:- Wax dan oo aan ka leennahay ma jirto la dagaallankiina ee waxaanu bixineynaa jizyo, waxaana ku baaqi noqoneynaa diintayada.

Dabeeto halkaa waxuu Khaalid kula heshiiyey qiima 90 000 oo Dirham. Werin kalana waxaay sheegi in uu kula heshiiyey 100 000 Dirham. Waxayna taasi ahayd heshiiskii ugu horreeyay ee uu Khaalid Ciraaq kula galo. Kadibna waxaa hantidaaso iyo kuwii ka horreeyay ee uu Khaalid kula heshiiyey tuulooyinkii ka horreyayba loo diray magaalladii Madiina.

Khaalid bin Waliid waxuu intaa kadib warqad u diray madaxyaweyntii Furus iyo wasiiradoodii ku sugnaa magaalladii Al Madaain. Waana kan naskeedi :

Ka: Khaalid bin Al Waliid

Ku: Waziirada reer Furus.

Nabadi ha ahaato dusheeda ciddii raacdo hanuunka, intaa dabadeed, waxaa mahad iska leh Allaah, kaasoo tegsiiyey jameecadiinnii, boqortooyadiinniina soo dhiibay oo soo gacan geliyey , dhagartiinniina daciifiyey. Kii tukada salaaddayada oo qaabila qibladdayada oo cuna gowracayaga, waa uun kaas Muslimkii lahaa waxa aanu innagu leennahay, oo ay dushiisu ahaatay waxa dushayada ahaaday.

Intaa kadib.

Hadday idiin timaaddo warqadeyda, iisoo dira rahamad oo igana gunta heshiis. Haddaydaan sidaa sameyn Kii Allaah baan ku dhaartaye uusanna jirin mid qeyrkiiye waxaan xaggiina usoo diri doonaa qowm u jecel geerida sida aad idinku noolasha u jeceshahiin.

Markay akhriyeen madaxdii Furus warqaddaasi Khaalid katimid bay la yaabeen oo yaab iyo amakaag darani ay ku beertay.

Dhanka kale sida uu Imaam Seyf bin Cumar qabo, Khaalid waxay is heleen markuu Ciraaq tegay Hurmuz oo kamid ahaa madaxdii Furus dhulkaasi Maraj Hinda masuulka uga ahaa. Waxuu Hurmuz ahaa nin ay ku weyneed diintii Majuusta oo waxuu ahaa nin misna faan iyo isla weyne badan oo qooqaa ah. Waxuu masuul u ahaa khalqi badan oo ku sugnaa agagaarkaas. Haddaba Khaalid markuu u dhawaaday buu Hurmuz warqad u diray, taasoo uu ugu yeerayo xagga Allaah. Hurmuzna warqaddii Khaalid waxuu u diray boqorkii Furus ee Sheyraa bin Kisraa iyo wiilkii boqorka ee Ardasheer bin Sheyraa, Markaasina Hurmuz waxuu aruuriyey ciidamo tiro badan, dabeetana waxuu abbaaray dhanka Kaadhimah oo ah meesha maanta loo yaqaan Kuweyt, labada dhinac ee ciidankiisuna waxaa kala hoggaaminayey oo uu madax uga kala dhigay Qabbaad iyo Aanushajjaan oo ka tirsana qoyska boqortooyada, waxuuna ciidamadiisii badankoodii ku xiray sil silado si aysan u cararin, dabeetana waxuu ku dhaqaaqay dhankii Khaalid si uu uga hor tego isagoo ay la socdaan 18 000 18 kun oo ciidamadii Muslimiinta ah, dabeetana waxay degeen meel cadawgu kasokeyso oo aan ahayn dhanka biyaha, dhanka biyaha waxaa xigay cadawga . Markaa buu Muslimiintii oon darani qabtay oo taas waxay uga eed sheegteen amiirkoodii Khaalid bin Waliid. Dabeeta Khaalid waxuu Muslimiintii kubooriyey inay sabraan oo adkeystaan ayna cadawga ka durkistaan biyaha, muddo yar kadibna Allaah baa keenay daruur ay ka wada cabbeen Muslimiintii oo ay weelashoodiina ka dhaansadeen, tanina waxay Muslimiintii u siyaadisay ad adkaan iyo sugnaan oo si aad ah bayna ugu farxeen.

Kadib waxaa is helay labadii qole, oo waxaa ka soo baxay dhanka kufaarta Hurmuz oo dalbanayo Mubaarizo, waxaana u ban baxay halyeeygii weynaa ee Khaalid bin Waliid, waxayna is dhaafsadeen laba darba, waxaase ka shuqliyey Khaalid inuu Hurmuz ka takhaluso qaar kamid ahaa ilaaladiisii, oo iyagu difaacayay amiirkooda, weerarro isdabajoog ahna ku qaadayay dhanka Khaalid, markaa baa iyagiina waxaa meel gees ah uga soo booday halyeeygii weynaa ee Al qacqaac bin Camr At Tamiimi oo si xun u gummaaday, markaa bayna kala firxadeen oo jabeen. Muslimiintii dhan waliba ayay u raacdeysteen cadawga oo ay laynayeen illaa habeenkii, waxayna ka furteen hanti faro badan iyo silsilado aad u badan, halkanna waxaa cadawga looga laayey tiro aad u badan oo ay u badnaayeen kuwii silsiladaha ku xirnaa, kadibna Khaalid waxuu qaybiyey qaniimadii kadib markuu kasaaray khumuskii, waxuuna ku qeybiyey meesha ay maanta tahay buundada weyn ee Basra, kadibna waxuu diray khumuskii qaniimada oo uu u diray dhankii khaliifkii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Sidiiq, waxuuna ugu sii dhiibay nin la oran jiray Zir bin Kuleeyb. Waxaa qaniimadaasi ku jiray maroodi ay aad ula yaabeen dumarkii reer Madiina. Abuu Bakar Sidiiq markii qaniimadii loo geeyay waxuu Zir lasoo celiyey maroodigii. Hantidii Madiina la geeyayna waxaa kamid ahaa 1000 shey oo kamid ahaa noocyadii libbiska ee Hurmuz oo xariir iyo murjaan iyo yaaquut kasameysnaa.

Intaa kadib Khaalid wuxuu jiha waliba midig iyo bidix u diray qaar kamid ah madaxdii ciidankiisa, si ay u godoomiyaan qalcadooyinka aagaggaas ku yiillay, dhammaanna waala furtay, mid xoog lagu furtay iyo mid heshiis lagu furtayba. Dadkii halkaa deganaa ee qotida ahaydna Khaalid wax dhib ah ma uusan gaarsiin oo waxuu ku darbay inay jisyo bixyaan, sidaa ayuuna kula heshiiyay.

Dagaalkani waxaa loogu magac daray Daatus-salaasil, sababta silsiladihii farada badnaa ee Faarisiintu isku dabreen darteeda.

Dhacdadii Al Madaar Al Thaniyi

Kadib waxaa dhacay dhacdadan Al Madaar oo dhacday bishii Safar ee sanadkan 12aad, waxaa kaloo loo yaqiinnay dhacdadii Thaniyi oo ah webi loogu magac daray.

Sababtii dhacdadan waxay ahayd, Hurmuz baa warqad u qoray boqorkii Furus ee waagaa jiray, waxuuna warqaddaa ku ogeysiinayey soo galootiga uu Khaalid dhulka Furus soo galay isagoo kayimid dhanka Yamaama. Haddaba markaa buu boqorkii soo diray ciidan Faarisiin ah oo gurmad ah, kaasoo uu madax uga dhigay nin la oran jiray Qaaran bin Qaryaanus. Ciidankaan ma aysan gaarin Hurmuz, oo waxaa dhacay wixii dhacay ee aan horey usoo xusnay, waxaana la dilay intii la dilay, waxaana cararay intii carari kartay ee ciidamadii Furus. Dabeeto intii baxsatay ayaa waxay ka hor tegeen Qaaran iyo ciidankiisii gurmadka ahaa, waxaana la isku waafaqay in Khaalid loo laabto oo weerar culus lagu qaado. Kadib Qaaran waxuu ciidamadiisii ula weecday dhanka goob la yiraahdo Al Madaar oo uu ku dhisay isagoo dhanka midigta iyo bidixda u kala dhiibay Qabbaad iyo Aanushajjaan. Markii uu warkan gaaray Khaalid bin Waliid baa waxuu qeybiyey qaniimadii Daatus-salaasil, waxuuuna warka gaaray ka hor intuusan qaniimadaasi qeybin, dabeetana waxuu diray khumuskii qaniimada sidaynu horey usoo xusnayba , waxuuna khabarkii guushana usii dhiibay Waliid bin Cuqbah bin Abii Muceydh, isagiina Khaalid iyo ciidankiisii waxay ku dhaqaaqeen dhankii cadawga oo ay is heleen, waxaana dhex maray dagaal qaraar oo faraha la isaga gubtay, markaa baa waxaa soo baxay Qabbaad oo dalbanayo mubaarazo dabeetana waxaa u baxay Khaalid bin Waliid, waxaase uga hor maray laba kamid ah geesiyaashii Muslimiinta oo kala ahaa Macqal bin Al Acshaa bin Al Nabaash iyo Caddiyi bin Xaatim Al Dhaaiy, Macqal waxuu dilay Qaaran, Caddiyina waxuu dilay Qabbaad, amiirkii saddexaad ee ciidankaa Faarisiintuna Aanushajjaan waxaa dilay Caasim bin Camr At Tamiimi Al qacqaac walaalkiis oo kamid ahaa halyeeyadii Muslimiinta. Kadib Faarisiintii way jabeen, Muslimiintiina dhan walibay u raacdeysteen , waxaana maalintaa laga dilay Faarisiinta tiro 30 000 Soddon kun ah, in kaloo badanna wabigii ayay ku hafteen, halkaana waxay Muslimiintii ka heleen qaniimo tiro badan iyo hub aad u fara badan, Khaalidna waxuu ciidankiisii amray in la aruuriyo hubka dadkii la dilay ee cadawga.

Waxuu Khaalid kusii sugnaaday goobta Al Madaar oo uu aruurinayey hubkii Majuusta, markiina uu ka faaruqay baa waxuu qaybiyey qaniimadii meeshaa laga helay, qotidii meeshaa daganeydna waxuu kula heshiiyay jizyo, dabeetana Khumuskii iyo bishaaradii guusha baa waxuu u dhiibay Sacad bin Nucmaan Al Qurashi Al Cadawiyu si uu ugu geeyo Khaliifkii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Siddiiq. Waxaa ku jiray qaniimadaas dad la soo qafaashay, waxaana dadkani kamid ahaa Xabiib ama Yazaar oo ahaa Xassan Al Basri aabahiis, Maanifah mowlaa Cuthmaan bin Cafaan iyo Abuu Ziyaad mowlaa Muqiirah bin Shucbah.

Khaalid waxuu u xilsaaray aruurinta jizyada Suweyd bin Muqarrin Al Muzanni, muddo ayuuna halkaa kusugnaa oo uu doon doonayey warka cadawga.

Dhacdadii Al Walijjah

Kadib waxaa dhacday dhacdadan Al Walijjah oo iyana dhacday isla bishan Safar sida uu xusay Ibnu Jariir. Sababtuna waxay ahayd markii uu gaaray warka dhacdadii Madaar kahoreysay iyo Qaarraan boqorkii Furus baa waxuu soo diray ciidan gurmad ah oo uu amiir uga dhigay nin kamid ahaa halyeeyadii Furus oo la oran jiray Al Andarzaghar. Ninkan Andarzaghar waxuu ku dhashay magaallada Madaain ee xaruntii boqortooyadii Furus oo uuna ku barbaaray, waxuu ahaa nin magac ku lahaa Furus dhexdeeda. Dabeeta waxuu lasoo dhaqaaqay ciidankiisii, boqorkii Furusna waxuu soo diray ciidan kaloo gurmad ah oo uu hoggaaminayey nin la oran jiray Bahman Jaadaweyhi, dabeeta way is raaceen oo waxay abbaareen dhanka goob la yiraahdo Al Walijjah. Khaalid bin Waliid baa maqlay warkooda dabeetana la dhaqaaqay intii lasocotay ee ciidankiisa, waxuuna u dardaarmay kuwii uu meeshaa uga tegay inay digtooni muujiyaan oo mar waliba ay qaflahooda yareeyaan, ayna badiyaan wardoonnadooda.

Labada koox waxay isku heleen goobta Al Walijjah , waxaana dhex maray dagaal ka daran kuwii ka horeeyay oo socday jeer labada dhinacba ay u maleeyeen in uu ka dhammaaday sabarkii, markii damba buu Alle nasri iyo guul usoo dejiyey ciidamadiisii , waxaana jabay safafkii cajamta reer Furus, Andarzaghar-na goobta dagaalka ayuu ka rooray oo dhexda ayuu oon ugu bakhtiyey. Halkan waxay Muslimiintii ka heleen qaniimo fara bada , Khaalidna intuu khumuskii ka saaray buu Muslimiintii u qeybiyey, kadibna Khumuskii waxuu u diray dhankii Madiina iyo Khaliifkii Rasuulka SCW.

Waxaa la sheegaa in dhacdadaan uu Khaalid usoo ban baxay mubaarazo ahaan nin u dhigma Faarisiinta dhexdooda 1000 nin , markaa buu Khaalidna si fudud uga tallaabsaday gaalkaa majuusiga ah.

Halkaas waxuu Khaalid Muslimiintii ugu jeediyey khudbo cajiib ah oo uu ku xasuusiyey nimcada Allaah iyo in dhulkoodii ay ka fogyahiin oo Alle guulo iyo nasri is daba joog ahna u sababay inay helaan. Waxuuna u dar daarmay wanaagga oo ka reebay xumaha.

Dhacdadii Uleys

Kadib waxaa dhacday dhacdadan Uleys oo dhacday bishii Safar ee isla sanadkan 12aad ee Hijriyada, waxayna ahayd sababteeda in Khaalid bin Waliid uu laayey maalintii Walijjah in badan oo kamid ah banii Bakar bin Waail oo Carabtii Nasaareyda ahayd. Markaa bay cashiiradoodii isku tegeen oo shir u fadhiisteen, koodii ugu dhaqdhaaq weynaa arrinkaasina waxuu ahaa nin la oran jiray Cabdu bin Al Aswad Al Bujali, kaasoo wiil uu dhalay lagu dilay dhacdadii hore. Markaasay warqad u qorteen Cajamtii reer Furus ee ay tabaca u ahaayeen, boqorkii Ardaasheerna waxuu usoo diray ciidan culus, waxayna labadaa qola yacni Cajamta iyo Carabtii Nasaareyda ay ku kulmeen goob la yiraahdo Uleys.

Goor ay u diyaar garoowayeen cunidda cunta, ayaa waxaa ciidamadiisii kusoo qafleeyay Khaalid bin Waliid, markaasey intoodii badneyd tilmaameen in cunnada la cuno, waxaase hadlay amiirkii ciidamada Cajamta oo ku taliyey in loo kaco ciidanka Khaalid ee aan loo fadhin cunidda raashiinka, hase ahaatee dhaq jalaq uma aysan siin ee waxay wateen howshoodii u diyaar garowga cuntada ahayd.

Markaa buu Khaalid bin Al Waliid ciidankiisii la soo degay hortooda, oo isagiina inta ciidankii kasoo dhex baxay ayuu dhankii cadawga u dhaqaaqay isagoo ku qaylinaya cod aad u dheer oo u yeeraya geesiyaashii Carabta ee halkaa joogtay isagoo oranaya:- Aaway hebal! Aaway hebal! ?

Mid kamid ahi uma uusan soo bixin oo dib ayay u wada laabteen, waxaana markaa ka soo dhex baxay nin la oran jiray Maalik bin Qeys Al judri mubaarizo ahaan, markaasuu Khaalid ku yiri ninkaas:- Yaa ibnu Khabiithah! Waar ina Quranloow!, maxaa dhexdooda kaasoo saaray adigoon waxba iga tareyn? Dabeetana waa uu dilay.

Markaas bay Cajamtii ka kala boodeen raashiinkii oo ay hubkii ku ordeen, waxaana halkaa ku dhex maray dagaal aad iyo aad u daran, Mushrikiintuna waxaa isaga soo daba dhacayey gurmad kaga imanayey dhanka boqorkooda, waxaynta taasi u siyaadineysay ad adkaan iyo in ay dagaalka horey ugu sii socdaan, Muslimiintiina waxay maalintaa muujiyeen adkeysi, oo waxay sabreen sabar aad u xeelad dheer. Goor uu dagaalku meeshii ugu kharaareed marayo ayuu Khaalid Rabbigii baryay oo yiri:- Allahayoow! haddii aad guusha naga siiso kuwan, waxaa igu ballan ah inuusan midkooda aan awood u helo inaan qabto uusan iga fakan jeer webigooda uu isku beddelo licayga dhiiggooda. Dabadeed Alle baa ciidankiisii u gargaaray oo cadawgooda ka siiyey guushii, markaasuu Khaalid ciidankii amar ku siiyey in la qabqabto qafaal ahaan oo aanan la dilin midkii isagu diido mooyaan in la qafaasho, kaas waxuu amray in unuunka loo dheereeyo.

Dabadeed fardooleydii Muslimiinta baa jiha walba u baxday oo cadawgii daba dhigatay, waxayna soo qab qabanayeen cadawga oo koox koox ah, waxaana la iskugu aruurinayey webiga jinkiisa, oo Khaalidna waxuu u xilsaaray rag qawjad ah inay webiga dushiisa ugu xiiraan xayntii walibo ee lasoo qabto, markaasaa kurka loogu jarayay webiga dushiisa midkasta ama koox kastoo lasoo qabta, sidaa baana lagu waday habeen iyo maalin iyo maalin iyo habeenkeedii kale oo qoorta looga wada gooynayey mid kastoo lasoo qabtaba, illaa uu webigii la socon waayey dhiiggoodii dartii, heer markii dambe ay madaxdii ciidanka Muslimiinta yiraahdeen:- Webi waxuu la dhaqaaqi waayey dhiiggooda dartii. Khaalid bin Waliid Alle waa uu u baarrinnimo falay oo dhaartiisiina waa uu guday. Sidaa ayaana webigii loogu baxshay Nahru-dammi, magacaas oo illaa maantadan loo yaqaan.

Waxaa la sheegaa dadkii uu Khaalid dagaalkan ku laayey inay tiradoodu ahayd 70 000 toddobaatan kun, waxaana la sheegaa markay jabeen cadawga oo ay soo gaddoomeen ciidanka Muslimiinta intoodii soo gaddoontay ayuu Khaalid iskugu yeeray cunnida cuntadii ay horey u dhigteen cadawga goor casho ah, markaasay cuneen casho ahaan.

Waxaa la sheegaa in dhammaan dadkii lagu dilay dhacdadaan Uleys ay kasoo jeedeen deegaan la yiraahdo Alamqiishiya, markaasuu Khaalid xaggeedii u jalleecay oo amray in la kharaabiyo, waxayna halkaa Muslimiintii ka heleen qaniimo aad u tiro badan, waxuuna helay ninkii faras watey marka laga reebo waxii dheeriga ahaa ee loogu daray 1500. Kadib Khaalid waxuu diray khumuskii qaniimada iyo dadkii lasoo qafaashay oo uu udiray dhankii Madiina iyo khaliifkii Rasuulka SCW, waxuuna u dhiibay nin la oran jiray Jundal Al Cajali oo daliil dal aqoon ahaa.

Markii uu ninkaan gutey amaanadii loo dhiibay oo siday aheed uu farta uga saaray Abuu Bakar, buu Abuu Bakar aad ula yaabay sida qiimaha badan ee uu u gutay dhambaalkii loosoo dhiibay, markaasuu ku daray gabar kamid ah dadkii qafaalka.

Goortaa buu Abuu Bakar Sidiiq yiri:- Kulanka Qureesheedeey! libaaxiinnii Khaalid aabahiis wuxuu soo saaray libaax, haweeneyna waa ay ka caajistay dhalidda Khaalid bin Waliid oo kale. Abuu Bakar Sidiiq run buu sheegay, oo xaqiiqdii dumarkii waa ay ka caajiseen inay dhalaan Khaalid bin Waliid oo kale, waxuu ahaa halyeey aanan seexan oona la seexin, waxuu ahaa mid gacan adag ku qabta cadawga Alle iyo diintiisa la colleytamay, saa mar waliboo Khaalid uu arko cadawga waxaan sugnaan iyo farxad iyo rayn rayn ahayn ma u siyaadineyn. Waxuu Khaalid ahaa seyf kamid ah seefaha Allaah ee uu ku xasuuqa acdaadiisa. Waa mid runtii Alle u abuuray inuu Muslimiinta iyo Islaamkuba uu ku cizeeyo, halka Mushrikiinta iyo Munaafiqiintuna uu bowdaha kaga jabiyey, mar waliboo uu cadawgu maqlo magaca Khaalidna rucbi iyo argagax ayaa ku dhici jiray.

Kadib Khaalid wuu laabtay oo waxuu degay Al Khawarnaq, As-Sadayir iyo An Najaf oo ahaa Qasriyo ku yiilley Xiirah, waxuuna jiha waliba u diray sirriyaad si ay u godoomiyaan qalcadaha Xiirah.

Culimaayi taariikh qaarkood waxay yiraahdaan:- Markaa buu Khaalid furtay Xiirah.

Waxayna tilmaamaan in qalcadahii Xiirah qaarkood xoog lagu furtay qaarna heshiis.

Waqtigaa iyada ah ee uu Khaalid la heshiinayey reer Xiiraa ayuu mar la kulmay Ibnu Bukheylah Camr bin Cabdumasiix bin Bukheylah oo markaa kiish yar gacanta ku sitay. Khaalid baa weydiiyey:- Waa maxay waxa kan?

Waxuu Ibnu Bukheylah yiri:- Waa sunta halista ah ee wax ku disho muddo aad u yar.

Markaasuu Khaalid yiri:- Oo maxaad u sidataa?

Waxuu yiri:- Markii aan arkay waxa dhacay oo qoomkeyga asiibay ayaan jecleystay inaan cabo si aan u dhinto taas ayaanna door biday:- . Saa Khaalid intuu ka qaaday oo eegay buu yiri:- Nafi ma dhimato illaa uu waqtigeedu yimaado mooyaane. Kadibna waxuu yiri:- Bismillaah. Ku billaabid magaca Allaah, magacyo kuwa ugu kheyr badan leh, Rabbiga dhulka iyo samada, kan shey wax dhibaayi aysan waxba dhibin lajirka magaciisa, Naxariis guud iyo mid gaarba Naxariista. Markaas baa waxaa kusoo kala diday madaxdii ciidanka Muslimiinta si ay uga celiyaan, hase ahaatee waa uu uga hor maray oo qurquriyey suntii.

Ibnu Bukheylah markii uu arrintaa arkay waxuu yiri:- Kulanka Carbeedeey! Illaah baan ku dhaartaye waxaad mulkin doontaan wax walibood doontaan intuu midi idinka noolyahay. Kadib waxay dadkii halkaasi degenaa dalbadeen heshiis, Khaalidna waa uu ka yeelay oo waxuu kula heshiiyey inay bixiyaan 400 000 oo Dirham oo hor maris ah. Waxuuna u qoray warqad nabad gelin ah.

Khaalid muusan taam yeelin heshiiska jeer ay marka hore soo gacan geliyaan Kiraamah bint Cabdul Masiix bin Bukheylah, oo ay siiyaan nin saxaabada kamid ah oo la oran jiray Shuweyl. Sababtuna waxay ahayd mar uu Rasuulka SCW xusay qasriyada Xiira ayuu Shuweyl yiri:- Rasuulkii Alloow! isii gabadha Ibnu Bukheylah? Rasuulka SCW waxuu yiri:- Adigaa leh.

Markii la furtay Xiirah ayuu Shuweyl sheegtay gabadhaasi, waxaana uga marag kacay laba kamid ah saxaabada. Markii uu Khaalid ka dalbaday inay soo gacan geliyaan Kiraamah waa ay diideen, Khaalidna waa uu ka diiday inuu heshiiska la galo. Markaa bay Kiraamah tolkeed ku tiri:- Bal isii daayo aan u tegoe kolleey waan isasoo furan doonaaye. Markii ay u daayeen inay u tego, oo ay iyadiina utegay ayay ku tiri:- Oo maxaad ku faleysa haweeneyn 80 jir ah, anigu waan is furanayaaye bal wax sheego?

Waxuu yiri:- Illaah baan ku dhaartaye inaadan isku furaneyn wax ka yar toban boqol yacni kun.

Waxay muujisay inay tiradaasi tahay mid culus iyadoo u dagaysa xeelad qota dheer, markaasay ka tegtay oo tolkeedii aadday, waxayna u sheegtay qiimahii ay kula soo heshiisay inay isku furato, iyagiina waxay u aruuriyeen ama u diyaariyeen 1000 Dirham.

Muslimiintii baa Shuweyl ku canaanatay arrintaa oo ku yiraahdeen:- Haddii aad dooran lahayd tiro ka badan 100 000 Dirham ah, way kusiin lahaayeen gabadha.

Waxuu Shuweyl yiri:- Oo ma waxaa jirto tiro ka badan toban boqol yacni kun?

Dabeeta waxuu u tegay Khaalid oo uu ku yiri:- Waxaan sidaa ula jeeday uun waa inay tahay tiro badan oo yacni aan la awoodin in la bixin karo.

Khaalidna waxuu ugu jawaabay:- Waxaad doontay arrin, Allana waxuu doonay arrin kale, waxaan xukmineynaa sida daahirka ah ee qowlkaada ka muuqdo, niyaddaaduna waxay jirtaa xagga Alle oo isagaa ku shaqo leh, run iyo been waxa aad sheegeyso.

Seyf bin Cumar waxuu yiri:- Markii uu Khaalid furtay Xiirah waxuu tukaday siddeed rakaco oo uu hal mar salaama noqsaday.

Halkanna waxaa gabay cajiib ah ka tiriyey Al Qacqaac bin Camr Al Tamiimi, kaasoo uu ku timaamayey guulihii is daba joogga ahaa ee uu Alle Muslimiinta ka siiyey cadawgooda iyo sabarkii ay Muslimiinta muujiyeen dagaalladii is daba yiillay ee ay soo mareen. Waxuu kaloo gabaygiisa ku amaanay amaan aan la soo koobi karin dadkii iyagu kaga shahiiday Muslimiinta dagaalladii riddada.

Intaa kadib waxaa yimid Jariir bin Cabdillaahi Al Bujali, kadib markay dhaceen dhacdooyin badan oo Muslimiintiina ay qaniimeysteen qaniimooyin badan. Imaanshaha Jariir uu yimid Xiirah waxay ahayd kadib markii uu Abuu Bakar xirayey liwaaii ama calamadii 11-ka ciidan ee Dilqassaa uu kadirayey ayaa wuxuu Jariir ku daray ciidankii Khaalid bin Saciid bin Al Caas ee bariga Shaam ku wajahnaa. Markii uu Jariir la baxay Khaalid bin Saciid ayuu idin weydiistay inuu Abuu Bakar ku laabto si uu idin uga qaato oo tolkiisa banii Bujeylah aado, oo isku dumo oo hoggaanka u qabto. Khaalid bin Saciid arrintaa waa uu u idmay, Jariirna waxuu yimid magaalladii Madiina oo Abuu Bakar u sheegtay dantiisii. Markaa bay ahayd markii uu Abuu Bakar sida aadka ah uga carooday Jariir uuna ku yiri:- Waxaad u timid inaad iga mashquuliso arrin uu Alle ka raalli noqday oo aad igu mashquuliso waxan aad hadda iila timid? Orodoo aad Khaalid bin Waliid iyo dhanka Ciraaq. Markaa buu Jariir bin Cabdillaahi yimid Xiirah, ka gadaal markii ay dhaceen wixii dhacay oo dhacdooyinkii aan soo xusnay ah, mid kamid ahna kama uusan qayb qaadan Jariir.

Markaasi kadib buu xusay Seyf bin Cumar in uu yimid Ibnu Saluuba, kii aan horey usoo xusnay ee Khaalid kula heshiiyey Baanuuqiyaa iyo Baaruusima. Sida uu Seyf bin Cumar qaba markii uu Jariir yimid kadib ayuu Khaalid kula heshiiyey Baanuuqiya iyo Baarusima iyo waxii soo raacaba in uu Ibnu Saluuba bixiyo 10 000 Diinaar. Wallaahu aclam.

Waqtigan isaga ahi buu ahaa markii ay Faarisiintii ku kaceen boqorkoodii Ardaasheer iyo wiilkiisii Shiiriin oo ay dileen, waxayna laayeen dhammaan wixii ku nasab ahaa, waxaana ka dhex dhacay Furus khilaaf xooggan, islama aysanna garan waxba haba yaraatee, marka laga reebo inay diyaariyaan ciidama kala dhex galo Khaalid iyo Madaain, taas Madaain oo ahayd meeshii ay tiilay hantidii boqortooyada Furus.

Markaa iyada ah bayna tilmaameen culimada qaarkood inay aheyd markii uu Khaalid warqadda u diray madaxdii iyo waziiradii Furus isagoo ugu yeerayo xagga Allaah, iyo inay soo galaan diinta Islaamka.

Waxuuna Khaalid markaasi u ballan qaaday in uu boqortooyadooda u sugi doono haddii ay Islaamka qaataan, oo Alle u hoggaansamaan. Hadday taasi diidaanna waxuu ka dalbay inay jizyo bixiyaan oo ay islaamka ku hoos noolaadaan, hadday tanna diidaan waxuu ka dalbaday inay ogaadaan oo ay digtoonidooda qaataan, waxuuna ogeysiiyey inuu ula iman doona qoom geerida u jecel sida ay iyagu Majuusta nolashu u jecelyahiin.

Kadib Khaalid waxuu degay Xiirah oo uu marba dhinac ugu duulayey dhulka Furus Muddadii uu halkaa ku sugnaa.

Furashadii Al Ambaar Daatul Cuyuun

Goobta Al Ambaar waa magaalo ku tiil dhulka Ciraaq, waxayna ahayd magaalo caan ah oo looga socda meesha ay hadda tahay magaallada Baghdaad qayaastii toban maalin socod ah. Waxay u dhaweyd webiga Furaat, dhanka waqooyina waxaa ka xigtay Baabil, oo waxayna ka fogeyd qiyaastii misaafa 80 mayl ah.

Khaalid bin Waliid baa weerar ku qaaday iyadoo ciidamadiisa hore uu hoggaaminayo Al Aqrac bin Xaabis. Waxaana meeshaasi markaa madax ka ahaa nin kamid ah raggii ugu caqliga badnaa Furus oo la oran jiray Shayrizaad. Markii uu Khaalid gaaray Al Ambaar ayuu dul degay, waxaana magaalada ka dul qodnaa Khandaq god. Markii ay labadii col isasoo hor fadhiisteen ayuu Khaalid ciidankiisii amray in gamuunada oodda looga qaado, say Muslimiintii sidii faleen oo gamuunadii oodda uga qaadeen, heer halkaas ay cadawgii ku waayeen kun indhood, oo ay ku qayliyeen:- Reer Ambaar indhahoodii tegyeeneey!!. Sidaa baana dhacdadaan loogu baxshay Daatul-Cuyuun.

Sheyrizaad wuxuu usoo cid diray Khaalid isagoo ka dalbanayo inuu la heshiiyo, markiina uu Khaalid ka yeelay heshiiska ayuu Sheyrizaad diiday qaar kamid ahaa qodabbadii heshiiska. Markaa buu Khaalid geel qalay oo khandaqii ku guray, dabeetana ciidamadiisii soo dhaqaajiyey. Markii uu Sheyrizaad arkay arrintaas ayuu dhammaan qodabbadii heshiiska u qoor keenay oo wada aqbalay. Waxuuna Khaalid kula heshiiyey kabixid in Sheyrizaad uu ka baxo Ambaar, isagiina waa uu yeelay. Halkaasi waxay Muslimiintii ka heleen guul iyo nasri oo maal badanna Alle kasiiyey. Khaalidna waxuu kusii nagaaday Al Ambaar isagoo dadkii hareeraha Ambaarna heshiis la wada galay, waxuuna la heshiiyey ahlu Al-Bawaariij iyo Kalwaadi . Muslimiintiina Carabtii halka daganeyd ayay wax qoridda ka barteen muddadii ay halkaas ku sugnaayeen, waxayna ahaayeen Carabtaas banii Iyaad oo iyagu dhulkaas ilbaxnimo fog kulahaa, kuwaasoo waxqoridda bartay waqtigii boqorkii Bukhtun-Nassar la oran jiray uu xukumayey dhulkii Beershiya. Kadib buu Khaalid magaalladii Ambaar madax uga dhigay Zabarqaan bin Bader, isagiina waxuu aaday dhanka Caynu Tamar.






Ra'yi lama dhiiban



Name:
Email:
Code: reg1
Text:
 

  • Home
  • Duruus
  • Quraan
  • Video
  • S&J
  • Muxaadao
  • Contacts



  • sisawc ka baro diintaada © 2012 privacy policy terms of use