Previous  




-

سبحان الله والحمد لله ولا اله الا الله والله اكبر
 

Abuu Bakar Siddiiq rc Q-2aad

La Dagaallankii Dadkii Riddoobay & Kuwii Sakada Diiday

Waxaynu soo xusnay in markii Rasuulka SCW la oofsaday Carabi ay riddowday oo xiddiggii nifaaquna uu Madiina ka bidhaamay, heer ay qaar kamid ah dadkii daganaa magaalada hareeraheeda ay damceen inay soo weeraraan magaallada oo ay ka faaideystaan fursaddii dahabiga ahayd ee ay ciidankii Usaama magaalada kaga maqnaayeen. Haddaba markaa bayna qaar kuwaa kamid ahi Nebinnimo sheegteen oo markaasi Museylama Al Kaddaab reer banii Xaniifa badankoodii la goay, oo ay iyagiina indha laaantiisii ku raaceen. Sidaa si lamid ahna waxaa Nebinnimo sheegtay Aswad Al Canasi oo Yemen ku sugnaa oo kala eryay masuuliyiintii halkaa Rasuulka SCW u joogtay, dabeetana waxay yimideen masuuliyiintaasi magaalladii Madiina.

Runtii waxay ahayd goor ay xaaladdu adkeyd oo Muslimiinta meel waliba uu cadawgooda ka jiray. Waxaa kaloona Nebinnimo sheegtay Julundaa Al Usdi saaxiibkii reer Cumaan, Dhuleyxa bin Khuweylid Al Asdi iyo Sujaax bint Xaarith At Taqlabiyah. Qaar kale waxay diideen inay bixiyaan zakadii, hase ahaatee acmaasha kale sidooda caadiga ah bay ula yimaadeen. Dhammaan dadkaasu iyaga ahi Abuu Bakar isku si ayuu ula dagaallamay, inkastoo uu isku meel dhigin oo qolaba si goonni ah uu xaqeedii umiisay, mise zakado ha diido ama yaanay diidine, waxuuna goaansaday inuu ku duulo ka hor intaysan kusoo duulin kuwii deganaa hareeraha Madiina. Guud ahaanna waa kuwa qabaailkii riddoobay iyo magacyadooda.

1. Waxaa riddoobay banii Asad iyo Qadfaan oo madax ka dhigtay Dhuleyxa bin Khuweylid oo isagu Nebinnimo sheegtay.

2. Waxaa kaloo riddoobay Kindah iyo intii soo raacda oo uu madax uyahay Ashcat bin Qeys Al Kindi.

3. Sidoo kale waxaa riddoobay Mudxij iyo inta soo raacdo oo uu madax u yahay Al Aswad bin Kacab Al Canasi oo Yemen ku sugnaa, sheegtayna Nebinnimo.

4. Waxaa kaloo riddoobay Rabiicah oo uu hoggaamin Macruur bin Nucmaan bin Al Mundir.

5. Banii Xaniifana iyana wey riddoobeen, waxaana madax u ahaa saaxiibkood Museylama bin Xabiib Museylama beenaale oo Nebinnimo sheegtay.

6. Waxaa riddoobay banii Saliim oo uu hoggaaminayey Al Fujaaah oo magaciisa saxda ahna la oran jiray Anas ama Ilyaas bin C/Yaaleel.

7. Banii Tamiimna qaar kamid ah ayaa riddoobeen iyadoo ay hoggaamineyso haweeney la oran jiray Sujaax oo Nebinnimo sheegatay, taasoo ka dhalatay reer Taqlab.

8. Waxaa sidoo kale riddoobay reer Cummaan oo uu hoggaaminyey nin la oran jiray laqabkiisu Dut-taaj magaciisuna uu ahaa Laqiid bin Maalik, waqtigii jaahiligana loo yaqiinnay Julandaa. Waxuu ninka kan sheegtay Nebinnimo.

9. Sidoo kale waxaa riddoobay reer Baxreen, oo madax ka dhigtey Mundir bin Nucmaan

Haddaba waxaa Abuu Bakar is hor taagay Cumar bin Khaddaab oo ku yiri:- Khaliifkii Rasuulkoow! oo sideed ula dagaali qoom salaaddii tukan oo soomi xajkuna tegi? Ma Carab oo idil baanu la dagaallami karnaa? Waxuuna dhanka kale tilmaamay in kuwaasi la barbar dhigin kuwan iyagu riddoobay, oo misna waxuu tilmaamay in xaaladdu ay cakirantahay oo aanay suuro gal ahayn in Carab idil baa lala dagaallami la yiraahdo. Abuu Bakar waxuu yiri isagoo Cumar u jawaabaya:- Oo ma waxaad ahayd mid ad adag oo xoog wax ku maamusha waqtigii jaahiliga, haddana ma waxaad noqotay mid Islaamka ku dabacsan oo taag daran? Waxuu kaloo yiri:- Illaah baan ku dhaartaye waan la dagaallami ciddii kala geyso salaad iyo zako, oo waan la dagaallami ciddii ii diiddo dabar ama waxar ay Muxammed SCW siin jirtay.

Markaa iyada ahi oo Madiina loo wada baqayey, ayuu Abuu Bakar Siddiiq amray qaar kamid ah madaxdii iyo raggii ugu sar sareeyay dowladdii islamka inay hareeraha magaallada difaac culus ka galaan raggaana waxay kala ahaayeen C/Raxmaan bin Cowf, Cali bin Abii Daalib, Zubeyr bin Al Cawaam, Sacad bin Abii Waqaas, Dhalxa bin Cubeydillaah iyo C/llaahi bin Mascuud. Waxaa kaloo uu amray in masjidka heegan lagu noqda. Sidaa darteed qof kastoo hub qaad ahi masjidkuu seexan jiray. Waqtigaasina waxay ahayd markii ciidankii Usaama uu maqnaa.

Kadib Abuu Bakar waxaa u yimid wafti kasocday banii Asad, Dhayi iyo Qadfaan iyo reer miyigii kalee qallafsanaa. Waxay markii hore u tegeen Al Cabbaas bin Cabdimudalib oo isagu u geeyay Abuu Bakar. Markaasay iyana Abuu Bakar ka dalbadeen in aysan zako bixin oo aananba lagu lahayn wax zako ah mar haddii uu Rasuulka SCW geeriyooday. Abuu Bakar wuu kadiiday arrinkaasi. Markaasay laabteen oo tolkoodii aadeen. Abuu Bakar Muslimiintii ayuu u sheegay raggaasi inay usoo bandhigeen in zakada laga dhaafo oo aanan wax zako ah lagu lahayn, wuxuuna sidoo kale u sheegay inuu arrintaasi ka diiday. Waxaa kaloona uu usheegay inay raggu u arkeen reer Madiina kuwa itaal yar oo aanan awood lahayn, waxuuna amray inay hubkooda diyaarsadaan heeganna ay ku noqdaan masjidka, waayo lamo hubo buu yiri dharaar ama habeen kolkay idinku soo duuli lahaayeen.

Haddaba waxaa dhacday siduu Abuu Bakar horey u tilmaamay oo reer miiyigii waxay tolkoodii ula tegeen khabar ah in uusan Madiina joogin wax ciidan ah, ciidankii weynaa ee magaaladuna uu jira Shaam. Markaa bayna kusoo duuleen magaalladii iyagoo fursaddaasi ka faaideysanaya. Waxay soo kala degeen goobaha Dul Xisaa iyo Dul qasaa oo magaalada Madiina wax yar u jira qayaastii.

Abuu Bakar waxuu soo kallahiyey goor aroor ah cidamadiisii oo uu dhanka midigtana u dhiibay Nucmaan bin Muqarrin, bidixdana C/llaahi bin Muqarrin halka uu gaadada dambee ciidankuna uu madax uga dhigay walaalkood Suweyd bin Muqarrin, waxayna labadii ciidan yacni reer miyigii iyo kuwii Muslimiinta isku heleen goobaha kala ah Dul xasaa iyo Dul qasaa oo qabaailladdii Carbeed si baan loogu jebiyey heer markii dambe ay dabada rogteen oo jihadoodii hore ku rooreen. Waxaana goobtii ku hoogay isbahaysatadii banii Dibyaan, Cabas, Murrah iyo gurmad uu usoo diray Dhuleyxa bin Khuweylid oo uu hoggaaminayey wiilkiisa Xibbaal bin Dhuleyxa bin Khuweylid. Intaa kadib Abuu Bakar waxuu kusoo laabtay magaaladii Madiina isagoo guul iyo qaniimana kasoo helay cadawgiisii. Markaana waxaa yimid magaallada Madiina qaar kamid ah raggii zakada loo diray, oo waxaa yimid gelinkii horee habeenkaasi Cadiyi bin Xaatim oo keenay zakada jihadii horey loogu diray, waxaana Abuu Bakar bishaarada zakadaasi soo gaarsiiyey C/llaahi bin Mascuud ama Abuu Qataadah Al Ansaari. Nuska dhexa ee isla habeenkaasi waxaa yimid Safwaan oo keenay zakada jihadii horey loogu diray, waxaana Abuu Bakar ugu bishaareyay imaanshaha Safwaan iyo zakaduba Sacad bin Abii Waqaas. Isla habeenkaasi aakhirkiisii waxaa yimid Zabarqaan bin Bader oo keenay zakadii jihadii loo diray oo ah qaar kamid ah tolkiisa banii Tamiim. Ninkii Abuu Bakar ugu bishaareyey imaanshaha Zabarqaan iyo zakadiisiina waxuu ahaa saxaabiga jaliilka ee C/Raxmaan bin Cowf.

Haddaba waxay ahayd guul iyo nasri uu Illaah usoo dejiyey addoomadiisa Muslimiinta ah goor ay xaaladdoodu cakirneed oo meel xun mareysay, oo hareerahoodii oo idil ay cadaw u noqdeen. Waxayna ahayd guushii ugu horeysay ee uu Abuu Bakar ka helo cadawgiisii, gaar ahaanna dadkii riddoobay. Arrimahaan oo dhamina waxay ku tusin heerkii uu joogay iimaankii Abuu Bakar oo horey ayuu u yiri:- Waxaan kula dagaallami amarka Alle jeer uu Alle inooga oofiyo ballantiisii, oo la dilo midkayagii la dili lahaa oo uuna dhinta isagoo shahiid ah kana mid ah ahlu Jannada, oo uuna haro kaayagii hari lahaa isagoo guul iyo liibaan helay.

Habeenkaa iyada ahi ee uu Abuu Bakar guusha la soo hoyday oo zakooyinkii qaar kamid ahna yimideen, waxay ahayd goor laga jooga geeridii Rasuulka SCW lixdan casho. Kadibna waxaa yimid ciidankii Usaama bin Zayd oo iyaguna Ruumaankii kasoo guuleysay. Abuu Bakar waxuu amray inay ku haraan magaallada oo ay nastaan maadama ay muddo maqnaayeen oo masaafo fogna ka yimideen. Wuxuuna markaasi kaxaystay ciidamadiisii kala soo dagaallamay Dulqasaa iyo Dulxisaa oo uu ku rogaal celiyey Dulqasaa si uu dhoolo tus ugu sameeyo goobtaas iyo nawaaxigeeda oo looga haybeysto, tanina waxay ahayd farsamo uu horey u baray saaxiibkiisii Nebi Muxammed SCW. Waxaa lagu yiri Abuu Bakar:- Oo maad dirto qof kale baddalkaaga? Wuuse ka diiday oo waxuu aaday dhankii Dul qasaa iyo Dul Xasaa iyadoo Nucmaan, Suweyd iyo C/llaahi ilma Muqarrinna ay sidoodii hore labada dhinac iyo gaadada dambe ee ciidanka masuul uga kala yahiin. Wuu socday Abuu Bakar jeer uu dul degay Ahlu Rabdah goobta Al Abraq, waxaana halkaa ku sugnaa koox kamid ah banii Cabas iyo Dubyaan iyo xayn kamid ah banii Kinaanah. Waxaa dhex maray dagaal, kaasoo uu Alle ku jabiyey Xaarith iyo Cowf, waxaana lasoo qabtay Al Xadhiinah oo shaacir caan ahaa qafaal ahaan, markaa bayna Banii Cabs iyo Bakar kala firxadeen, Abuu Bakarna goobtaa waxuu ku sugnaa muddo oo dabeetana magaaladiisii kusoo laabtay kadib markuu Cabas iyo Dubyaan ka faaruqay, isagoo bad qabo soona qaniimeystay ayuuna yimid mar kale.

Abuu Bakar Oo Mar Kale Joogo Dilqassaa & Dhisiddii 11-Ka Ciidan

Markaa iyada ahi waxay ahayd goor uu yimid ciidankii Usaama, Abuu Bakarna uu soo edbiyey dadkii riddoobay ee hareeraha magaallada deganaa. Markaa buuna damcay inuu ciidamadii Muslimiinta isku dhafo oo ciidan culus diyaarsada, kuwaasoo uu isagu laf ahaantiisu hoggaanka uqabto, waxayna ahayd goor ay nasteen oo ay degeen ciidankii Usaama ee masaafada fog ka yimid. Abuu Bakar markaa ayuu seeftiisa galka kala baxay oo isku diyaariyey la dagaalanka dadkii diinta ka riddoobay, oo waxuuna kaxaystay ciidankii Madiina guud ahaan oo wax yarna uga tegay magaalada si ay u difaacaan, waxuuna abbaaray dhankii Dulqasaa oo ah meel Madiina udhaw loogana socda qayaastii dhowr iyo soddon km. Markii uu Abuu Bakar magaallada ka baxayey ayuu Cali ku dhegay hoggaankii daabbadii Abuu Bakar Siddiiq oo ka dalbday inuusan isagu bixin oo uu booskiisa ciidanka masuul uga dhigo nin geesi ah oo halyeeyada Muslimiinta kamid ah, oo haddii kaa la dilana uu markaa mid kale magacaabi karo, laakiinse ayuu yiri Cali:- Haddii lagu dilo Khaliifkii Rasuulkoow!! SCW dowladdu nidaam yeelanmeyso oo kala dambeyntii baa meesha ka baxayso oo Muslimiintuna niyad jab weyn baa ku imanayo. Sidaa si lamid ahna qaar saxaabada kamid ah baa Abuu Bakar kula taliyeen. Kadib buuna Abuu Bakar ku qancay fikraddaa quman ee uu Cali usoo jeediyey iyo weliba qaar kamid saxaabada ay usoo jeediyeen. waxuuna dhisay kow iyo toban ciidan oo ciidan waliba uu u xiray calan uuna uyeelay amiir, waxayna ahaayeen 11-kaasi ciidan sida tan:

1. Waxuu diray Khaalid bin Waliid oo uu u diray dhanka Dhuleyxah bin Khuweylid.

2. Waxuu misna diray Cikrimah bin Abuu Jahal oo uu udiray dhanka Museylama bin Xabiib Museylamah Al Kaddaab oo isagu ku sugnaa Yamaama.

3. Waxuu kaloo diray Shuraaxbiil bin C/llaahi Ibnu Xasanah oo uu ku diray raadkii Cikrimah iyo dhankii banii Xaniifah iyo weliba qaar kamid ah Qudaacah.

4. Muhaajir bin Abuu Umayah-na waxaa uu u diray dhanka Yemen iyo Aswad Al Canasi iyo weliba si uu ugu gargaaro qolooyinka Al Abnaa- * layiraahdo.

*Al abnaa-gu waa dadkii yimid Yemen waqtigii Seyf bin Diiyazin Al Ximyari uu madaxa ka ahaa Yemen oo idil, waqtigaasoo uu dagaallo kula jiray xabashidii dhulkooda soo weerari jirtay, markaa buuna Seyf bin Dii Yazin u tegay boqorkii Ruum si uu uga gargaaro oo uga hiilliyo Xabashidan nafta u keentay. Hase ahaatee boqorkii Ruum waa uu ka diiday arrintaasi sabab darteed ay isku diin ahaayeen isaga iyo Xabashida oo Nasaaro bay isla ahaayeen. Markaa buu Seyf bin Dii Yazin u tegay boqorkii Kisraa ee waqtigaa Furus xukumi jiray oo weydiistay gargaar iyo inuu ciidan ku caawiya. Markaa buu kusoo daray koox Faarisiin ah oo Xabashidii ka saartay dhulkii Yemen, dabeetana way degeen oo Carabtii bay ka guursadeen, markaa bay hanaankii Carabta yeesheen oo luuqaddiina si wacan u barteen, kadib carruurtii ay ka dhaleen Carabta ayaa loo yaqiinnay Al Abnaa oo waxay ahayeen dad iyagu kusugnaaday Islaamka. Waxayna degnaayeen Yeman. Aswad Al Canasi ayaana dhibaatooyin ku hayey.

5. Khaalid bin Saciid bin Al Caas Al Umawina waxuu u diray bariga Shaam.

6. Camr bin Al Caas bin Waail As Sahmina waxuu u diray qeyb kamid ah Qudaacah iyo Wadiicah iyo Xaarith.

7. Xudeyfah bin Muxsin waxuu udiray Ahlu Dubaa.

8. Dharfah bin Xaajib-na waxuu u diray dhanka banii Saliim iyo intii soo raacdo oo kamid ah Hawaasim.

9. Suweyd bin Muqarrin Al Muzani waxuu u diray Tihaama oo kamid ah Yemen.

10. Curfajah bin Harthama Al Baaruqiyu waxuu u diray dhanka reer Mahrah.

11. Calaa bin C/llaahi bin Dammaad Al Xadrami-na waxuu u diray dhanka Baxreen.

Kadibna Abuu Bakar waxuu ciidan waliba amiirkooda u dhiibay warqad si uu ugu dul akhriyo jamac kasto oo uu sii marabo oo uuna xagga Alle ugu yeero. Waana tan nas kamid ah warqaddii uu Abuu Bakar u qoray dadkaas:

Ku billaabid magaca Allaah Naxariis guud iyo mid gaarba Naxariista

Ka:- Abuu Bakar Siddiiq- Khaliifkii Rasuulka Alle SCW.

Ku:- cid kastoo ay gaarto warqadeydan guud ahaan gaar ahaan kuwii ku sugnaaday Islaamka ama ka laabtay.

Nabadi ha ahaato dusheeda ciddii raacda hanuunka oo aanan u noqon hanuunka kadib baadi iyo hawo.

Oo waxaan ku mahadin Allaaha uusan jirin Alle kale isago mooyaan. Waxaana qiri inuusan jirin mid xaq lagu caabbudo oo aanaan isaga ka ahayn, xaal uu yahay kali oo uusanna jirin wax cibaadada lala wadaajin karo. Oo Muxammedna SCW uu yahay addoonkiisii iyo Rasuulkiisii SCW. Waxaanu ku raalli noqoneynaa waxuu la yimid, oo aanna ku kufrineynaa waxii uu diiday oo waanuna la jihaadeynaa.

Intaa kadib.

Allaah baa Muxammed SCW kala soo diray agtiisa xaq, oo una soo diray dhanka khalqigiisa si uu dadka ugu bishaareeyo inta rumeyso uguna digo inta ku kufrida. Oo waxuu kaloo Alle usoo diray Muxammed inuu dadka ugu yeero xagga Alle iyo jidka iftiinka badan ee xaqa ah iyo Islaamka, si uu ugu digo inta nool qowlkuna yacni cigaaqbta Alle iyo cadaabta uu ugu waajibo gaalada dushooda. Oo uuna Alle xaqa ku hanuuniyo cidda ajiibto, oo wuuna la dagaallamay Rasuulkii Alle SCW cid kastoo ka jeesatay xaqa jeer uu Islaamkii noqday mid ay tadawac kusoo galaan ama qasab. intaa dabadeedna Alle baa oofsaday Rasuulkiisii SCW, isagoo kasoo baxay xilkii Alle, gutayna wixii dushiisa ahaa. Taas iyada ahina yacni geerida Muxammed SCW Alle wuu u caddeyay oo sidoo kalena wuu u caddeeyay dadka Islaamka ah, waxuuna ugu caddeeyay kitaabkiisa Quraanka ah oo waxuu yiri:- Adigu waad dhiman doontaa Muxammadoow SCW ! iyaguna way dhiman doonaan. Suuratu Zumar aayadda 30aa.

Wuxuu kaloo yiri:- Ma aanan yeelin bashar yacni Aadami adiga kaa horeeyay inuu waaro, ee ma marka aad adigu dhimato bay iyagu waari doonaan? Suuratu Ambiyaa aayadda 34aad.

Oo misna waxuu Muminiintii ku yiri:- Muxammed SCW ma uusan ahaan waxaan Rasuul ka ahayn, ay tegeen hortii Rusullo, ee ma marka uu dhinta ama la dilo baad u noqoneysaan ciribyadiini gaallimadii hore ? Kiinii kastoo dib ugu laabto ciribtiisii hore, Alle wax uu yeeli karaa ma jirto, oo Illaahayna wuu abaal marin doonaa kuwa ku shukriya. Aali-Cimraan aayadda 144. Haddaba qofkii ay ka ahayd inuu caabbudo Muxammed, haddaba Muxammed SCW dhimay, qofkiise ay ka ahayd inuu caabbudo Allaah, Alle waa uu noolyahay oo dhiman mahayo, mana qabtaan lumo iyo hurdo toona, waana ilaaliyaa amarkiisa, kana cad goostaa cadawgiisa.

Haddaba anigu waxaan idiin dardaarmi cabsida Allaah iyo inaad ka qaadataan saamigiinnii iyo nasiibkii aad ku lahaydeen, iyo waxii uu idin la yimid Nebigiina SCW, iyo inaad weliba ku hanuun dalabtaan hanuunkiisii, oo waxaanna idiin dardaarmi inaad qabsataan oo aad u hoggaansantaan diinta Allaah SW, cidkastoona uu Alle hanuunin waa mid baadiyeysan, ruuxkastoona uu Alle u gargaarin waa mid dulleeysan, qof kastoona Alle sokodii ka raadiyo hanuun waa mid baadiyeysan, oo waxuu yiri Alle Sarreeye:- Oo Ruuxuu Alle hanuuniyo ayunbaa ah kan hanuunsan, cidduuse Alle lumiyo yacni baadiyeeyo u heli meysid qof u gargaaro oo hanuuniyo. Suuratu Kahfi aayadda 17aad.

Waxaa isoo gaaray ka noqoshiinnii diinta ee qaar idinka mid ahi ay ka noqdeen, kadib markii aad islaannimada ku qanacdeen oo aadna ku kadsoonteen Rabbiggiin Allaah iyo idinkoo jaahil ka ahna aad fasheen falkaa ka noqoshada diinta Islaamka oo aadna ajiibteen Sheydaan. Waxuuna qoray aayadda 50aad ee Suuratu Kahfi, oo misna qoray aayadda 6aad ee Suuratu Faadir.

Waxaan xaggiinnii usoo diray ciidan ka kooban Muhaajiriin iyo Ansaar iyo intii wanaagga ku raacday, waxaanna amray inaysan cidina ka aqbalin waxaan ka ahayn rumeynta Allaah, oo ayna qofna dilin jeer ay marka hore ugu yeeraan xagga Allaah Sharaf badne oo weyne. Haddii ay ajiibaan oo ay ku raalli noqdaan, oo ayna la yimaadaan camallo suuban waa uu ka guddoomi oo yacni ka yeeli oo wuuna ugu gargaari. Haddaysa diidaan wuu la dagaallami illaa uu ka fulo amarka Allaah. Cid kastoo uu awood uyeeshana inuu qabta ka fakan maayo, oo waxuu ku gubi dabka, oo layn yacni dili, oo waxuuna ka kaxaysan dumarka iyo hantidooda carruurtooda iyo maalkuba, kana yeeli mahayo qofka waxaan ka ahayn Islaamka. Haddaba ciddii raacda, sidaa baa u wacan oo u kheyr badan, ciddiise iskaga tegto oonan yeelin Allaah caajis gelin mayso. Waxaan soo amray farriis sidahayga inuu ku dul akhriyo warqaddeydan jamac kastoo idinka mid ah.

Intaa waxay ahayd nas kamid ah warqaddii Abuu Bakar uu u diray dadkii diinta ka riddoobay , oo uu ku waaniyey xagga Allana ugu yeeray. Waxuuna warqaddaasi u dhiibay amiir kastoo kamid ah 11-kaas ciidan ee u baxayey la dagaallanka acdaada Allaah ee diinta ka riddoowday.

Abuu Bakar Siddiiq markuu ciidan diri waxuu amri jiray inaysan qayaano samayn oo aysan wax kala qarsan yacni markay qaniimooyinka helaan, oo aysanna ballanku jebin, aysanna doorin qofka markay dilaan kadib, oo aysanna dilin ilmaha yar yari, oo aanna la dilin oday waayeel ah hadduusan dagaallameyn, oo aanna geedda timirtana la jarin yacni geedaha iyo dhirtana yaan la jarin, oona la gubin, oo xoolahuna macno darro la gowracina mid ay u baahdaan inay quutaan mooyaan, oo ay udhawaanina yacni dilin kuwa qalwadahooda iyo kaanisadahooda Alle ku caabbudi.

Ciidamadii Khaalid oo Dhaqaaqay & Abuu Bakar oo Sagootinaya

Seydkii sanaadiidda, hoggaamiyihii geesiyaasha halyeeygii weynaa ee kamidka ahaa sanaadiiddii Muslimiinta Abuu Suleymaan Khaalid bin Al Waliid isaga iyo ciidankiisu markii ay dhaqaaqayeen oo uu Abuu Bakarna sogootinayey ayuu Abuu Bakar yiri:- Waxaan maqlay Rasuulkii Alle SCW oo leh:- Addoon iyo walaal tolnimo waxaa ugu wanaag badan Khaalid bin Al Waliid seef kamid ah seefaha Illaah ee uu ku salladay gaalada iyo Munaafiqiinta. Haddaba markii uu Abuu Bakar u dhiibay calankii Khaalid ayuu amray inuu ku baxa marka hore dhanka Khaybar si ay reer miyiga ugu maleeyaan inuu jiha kala usocda. Tanna waxay ahayd xeelad uu Abuu Bakar horey uga bartay saaxiibkiis Nebi Muxammed SCW. Intaa kadibna waxuu amray inuu marka hore aado dhanka banii Asad iyo Dhuleyxa bin Khuweylid, kadibna uu usii gudbo banii Tamiim. Dhuleyxah bin Khuweylidna waxuu ahaa markaa ugaaskii banii Asad, waxaa kaloona soo raacay banii Qadfaan oo ku biiray Dhuleyxah, waxaa kaloona kuso biiray banii Cabas iyo Dubyaan, banii Bujeylana waxay usoo direen ciidan si ay u caawiyaan Dhuleyxah, sidaa si lamid ahna banii Ghowth iyo banii Dhayi baa iyaguna u diray gurmad dhankii Dhuleyxa, markaasuu helay ciidan culus.

Markaa ka hor intuusan Abuu Bakar dirin Khaalid ayuu banii Dhayi u diray Cadiyi bin Xaatim Ad Dhaayi si uu tolkiisa ugu tego oo ka hor istaago inaysan Dhuleyxah haleelin oo markaa uusan ku dhicin jab in la halligo oo Muslimiintu laayaan. Markaa buuna Caddiyi u tegay tolkiisii oo amray in la baayacoodaan Abuu Bakar Siddiiq, iyagiina waa ay ka diideen oo ay yiraahdeen:- Lama baayactameyno Abul Fadal. Oo ay ula jeedaan Abuu Bakar. Markaasuu Caddiyi ku yiri:- Illaah baan ku dhaartaye waxuu idinla iman doonaa ciidan aanan ka suuleyn inay idinla dagaallamaan jeer aad ka ogaataan inuu isagu Abuu Bakar yahay Abul Fixil Al Akbar yacni dabqaadka ugu weyn. Sidaa buu Caddiyi ugu yeeri jiray xagga Alle iyo inay la baayactamaan Khaliifkii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Siddiiq jeer uu markii dambe soo dul dagay Khaalid bin Waliid oo ciidamadiisii hore ay ahaayeen halyeeyadii Ansaarta uuna hoggaaminayey Thaabit bin Qeys bin Shammaas Al Ansaari- afhayeenkii Rasuulka Alle SCW. Horey waxuu Khaalid u diray dhanka Dhuleyxah labo saxaabi oo kala ahaa Thaabit bin Aqram iyo Cukaasha bin Muxsin si bal ay Dhuleyxah ugu yeeraan xagga Allaah, iyagoo farriin sidayaal ah bayna u tegeen. Markiina ay u tegeen baa la dilay labadii saxaabi oo waxaa dilay Dhuleyxa iyo walaalkiis Salama bin Khuweylid.

Dagaalkii Buzaakhah

Markii ay ciidamadii Khaalid bin Waliid soo gaareen goobtii lagu dilay labadii saxaabi ee ergada ahaa oo waliba meydkoodii la warey ayay Muslimiintii arrintaa aad uga murugoodeen oo quluubtoodii baddashay. Markaa buu Khaalid u weecday dhankii banii Dhayi. Dabeetana waxaa kusoo baxay Caddiyi bin Xaatim oo horey Abuu Bakar ugu diray tolkiisa si uu uga hor istaago inay ku biiraan ciidanka Dhuleyxah, waxuuna Caddiyi yiri:- Khaalidoow!! ii kaadi illaa inta ay ugu cid dirsanayaan kuwoodii ka deg degay ee ku biiray Dhuleyxah si ay uga soo ceshtaan. Oo iyagu waxay ka yaabayaan haddii ay adiga ku raacaan kuwan inuu Dhuleyxa laayo kuwa la jooga ee u tegay, haddaba sidaa baan ka jeclahay inay ku deg degaan caddaabte. Markaa buu Khaalidna ka yeelay, oo markii ay muddadii saddexda casho dhammatayna baa waxuu Caddiyi la yimid 500 dagaalyahan ah oo tolkiisa kamid ah, kuwaasoo ah kuwii xaqa usoo laabtay, waxayna kusoo biireen ciidankii Khaalid bin Waliid.

Kadib Khaalid waxuu u weecday dhankii banii Judeylah, markaasuu Caddiyi yiri:- Khaalidoow! ii qabo maalmo, si aan ugu tego, waxay udhawdahay inuu Alle ka nabad geliyo naarta siduu banii Dhayi horey uga nabad geliyaye. Markaa buu Khaalidna ka yeelay. Markaasuu Caddiyina u tegay banii Judeyla oo xagga Alle ugu yeeray, jeer ay markii dambe soo raaceen, waxuuna ula yimid Khaalid isagoo ay la socdaan 1000 rakuubley ah oo kamid ah kuwii xaqa usoo laabtay oo Muslimay, sidii banii Dhayi oo kale bayna ku biireen ciidankii Khaalid. Sidaa darteed waxaa la yiraahdaa Caddiyi waxuu ahaa ninka ugu kheyr badnaa tolkiisa uguna baraka badnaa Illaahay haka raalli noqdee.

Dabeeto Khaalid wuu dhaqaaqay oo waxuu dhex degay buuraha Ajaa iyo Salmaa Jibaal banii Dhayi halkaasoo uu ciidankiisii ku dhisay.Kadibna waxay ku kulmeen isaga iyo Dhuleyxa goob la yiraahdo Buzaakha, qaar badan oo Carabta kamid ahna dib bay uga hakadeen oo waxay is yiraahdeen:- Bal isku eega labadan kooxood si aad u ogaadaan cidda adkaato oo guusha yeelato. Dhuleyxah markaa waxuu la yimid qoomkiisii iyo intii soo raacday oo kuwii xaqa ka indhaha laaa kamid ah. Waxaana la socoday Cuyeynah bin Xisin oo 700 tolkiisa banii Fazaarah hoggaaminayey. Dhuleyxana waxuu maalintaa u xilsaaray ciidankiisa Cuyeynah si uu u dagaal geliyo, isaguna waxuu lahaa waxyi baa igu soo degi oo intuu go huwday buu meel fadhiistay. Saa mar waliba waxaa u imanayey Cuyeynah oo ku oranayey :- Ma kuu yimid Jabriil? Asaguna waxuu lahaa:- May. Markaa buu Cuyeynana ku noqonayey ciidanka oo uu dagaalka meeshiisii kasii waday. Sidaa buuna ugu soo noqnoqonayey jeer uu markii dambe Dhuleyxah yiri:- Haah! wuu ii yimid Jibriil. Markaa buu Cuyeynana suaalay:- Oo maxuu ku yiri? Markaasuu Dhuleyxah tilmaamay inuu Jibriil u waxyooday inay jiri jireen qoomam hore, oo waxuuna yiri:- Waxuu igu yiri Jibriil:- Waxaa kuu ahaan doonto dhacdo aadan illaawi doonin. Markaa buu Cuyeyna yiri:- Waxaan fili inuu Alle ogaaday inay kuu ahaan doonto dhacdo aadan illaawi doonin. Dabteena intuu ciidankii u jeestay buu cod dheer ku qayliyey isagoo la hadlayo tolkiisa banii Fazaarah, oo waxuuna yiri:- Banii Fazaarooy!! inaga kaxeeyo. Markaa bay jabeen ciidankiina jabay oo Dhuleyxana inta faras u diyaar ahaa uu korey buu haweeneydiisii Nawaar-na uu awr diyaar u ahaa saartay buu dhankii Shaam u cararay. Ciidamadiisii way kala firxadeen, in badan oo kamid ahna waala laayey, qaar kalena waala qab qabtay. Markii ay dhaceen wixii dhacay oo helay Dhuleyxah iyo banii Fazaarah bay yiraahdeen banii Caamir iyo banii Saliim iyo Hawzaan:- Waxaanu geleynaa wixii Islaamkii aanu horey uga baxnay, oo aan rumeyneynaa Allaah iyo Rasuulkiisa SCW oo waxaanna isku dhiibeynaa xukunkiisa Allaah maalkayaga iyo naftayaduba. Dhuleyxah isagu waxuu ku degay banii Kalbi oo uu ku sugnaa deegaankooda illaa uu markii dambe xaqii usoo laabtay oo uu Makka cumro u tegay nolashii Abuu Bakar Siddiiq, kadibna waxuu ku biiray ciidankii Khaalid bin Waliid, oo wuu ka xishooday inuu Khaliifkii Rasuulka SCW hortiisa tego. Dhanka kale Abuu Bakar Siddiiq baa waxuu soo amray Khaalid inuu Dhuleyxah kala tashada arrimaha dagaalka hase ahaatee uusan masuuliyad u dhiiban. Tanina waxay ahayd mid kamid ah xikmaddii Abuu Bakar Siddiiq. Intaa kadibna Dhuleyxah waxuu ka qeyb qaatay dhul furashooyinkii dambe, oo uu raad weyn ku lahaa, sida Qaadisiyah iyo Nahaawunda, kaasoo uu ku shahiiday.

Ammaa Cuyeynah bin Xisin isagu waa lasoo qabtay qafaal ahaan waxaana la geeyay magaaladii Madiina oo Abuu Bakar baa loo geeyay isagoo labadiisa gacmood qoorta loogu xiray. Markiina magaaladii la geeyay isagoo sidaa u xiran, bay carruurtii Madiina guda galeen inay faraha ku dur duraan oo ay yiraahdaan:- Cadawgii Alloow! ma waxaad ka laabateen diintii islaamka? Markaa buu isagiina kujawaabayey :- Illaah baan ku dhaartaye horeyba maanan u rumeyn. Intaa kadib waxuu usoo laabtay Islaamka, Abuu Bakarna wuu ku manna sheegtay oo iska cafiyey. Sidaa si lamid ahna waxuu kumanna sheegtay Qurrah bin Hubeyrah oo ah mid kamid ah madaxdii ciidankii Dhuleyxah oo Cuyeynah horey loola soo qafaashay.

Khaalid bin Al Waliid baa qaar kamid ah asxaabtii Dhuleyxah weydiiyey wixii uu ku oran jiray waala ii waxyooday, markaa bay ka dalbadeen inuu saamaxo oo iska cafiyo hadday usheegaan yacnii oo uusan ku caroon, markaa buu ka yeelay oo ay iyana u sheegeen beentii iyo khuraafaadkii uu akhrin jiray, waxaa kalooyna u sheegeen bishaarooyin uu Dhuleyxa oran jiray:- Waxay boqortooyadeennu gaari doontaa Ciraaq iyo Shaam.

Kadib waxaa yimid wafdigii Qadfaan iyo Banii Asad oo ka dalbay Abuu Bakar cafis iyo iyagoo caddeyn inay xaqii usoo laabteen.

Dhacdo Kale

Dabeeto, intii carartay oo kamidka ahaa ciidankii Dhuleyxah baa inta is aruursaday waxay madax kadhigteen haweeney la oran jiray Ummu Zimmal Salmaa bint Maalik bin Xudeyfah. Waxay haweeneydaan ahayd mid kamid ah dumarkii Seydaaddii Carabta sidii hooyadeed Ummu Qirfah oo kale. Hooyadeed waxaa loosoo qaadan jiray tusaale sharafteedii darteed, taasooy ugu wacneyd wiilasheedii oo badnaa darteed. Waxay wiilasheedu kala ahaayeen : Qirfah, Xakam, Jurraash, Zimmal, Xuseyn, Shariik, Cabdu, Zufar, Mucaawiyah, Xamal, Qeys iyo Luayi waxaana lagu sharfi jiray cisadii ay tolkeeda ku dhex laheed. Gabadhan Ummu Zimal waxay markaasi fuushay awr ay laheed hooyadeed oo Carabtu dhexdeeda ay is oran jireen:- Qofkii awrkeeda taabto waxuu heli doonaa 100 geel ah. Waa heerkii ay gaarsiisaneed darteed sharaftii ay Carab dhexdeeda ku lahayd. Waxay haweeneydan dadkii amartay oo ay ku boorisay la dagaalanka Khaalid bin Waliid, markaa baa waxaa kusoo biiray qolooyin ay kamid ahaayeen banii Saliim, Hawzaan iyo kuwa kale. Waxayna noqdeen ciidankeedii ciidan culus. Hase ahaatee Khaalid baa markuu maqlay si deg deg ah uga hortegay oo awrkeedii boqna gooyay, iyadiina dilay khalqi badanna ka laayey, kadibna guushii iyo khumuskii qaniimada shan meeloodoo meel, 1/5 ayuu dhankii Abuu Bakar u diray.

Qisadii Al Fujaaah

Al Fujaaah magaciisa saxda ah waxaa la oran jiray Anas ama Iyaas bin Cabdillaahi bin Cabdiyaaliil bin Cumeyrah bin Khafaaf oo waxuu ka dhashay qolooyinka banii Saliim. Abuu Bakar Siddiiq baa ku gubay goobta Baqiic ee magaalada Madiina. Sababtuna waxay ahayd, ninkan intuu u yimid Siddiiq buu usheegay inuu Islaamay, waxuuna ka dalbaday in ciidan lagu daro, si uu ula dagaallamo dadkii riddoobay, markaa buu Abuu Bakarna ku daray ciidan. Markii uu ciidankii la dhaqaaqay buu cid waliba oo uu sii maraaba diley oo uma kala soocin ma Muslim baa mise gaal? Hantidoodana wuu ka dhacay , dhulkii buuna fasahaadiyey. Markii uu Siddiiq maqlay arrintaa ayuu amray in lasoo qabta ninkaas. Markii la keenayna waxuu amray in la geeyo goobta Baqiic oo la gubo, abaal marinta wixii uu falay darteed. Sidii baana la yeelay.

Qisadii Sujaax & Banii Tamiim

Banii Tamiim iyagu waxay isku khilaafeen amarradoodii markii ay dadkii riddoobeen, waxaana ay kala noqdeen, kuwa riddoobay oo diintii ka baxay, kuwa xaqii ku sugnaaday oo zakadii soo dhiibay iyo kuwa iyagu ka gaabsaday oo goostay marka hore inay ogaadaan halka uu xaalku ku dhibci doona. Iyagoo xaaladdaa ku sugan ayaa waxaa u timid haweeney la oran jiray Sujaax bint Al Xaarith bin Suweyd bin Caqfaan At Taqlabiyah. Waxay haweeneydaani ka timid dhanka jaziiradda oo waxayna ahayd mid kamid ah Carabtii Nasaarada ee jasiiradda.

Waxay Shujaax sheegatay Nebinnimo, waxaana la socday ciidan culus oo tolkeeda kamid ah iyo kuwii dhexda kasoo raacay, waxayna goosteen oo qorshahoodu ahaa inay ku duulaan Siddiiq iyo caasumaddii Islaamka ee Madiina. Markanna waxay ahayd xilli ay badatay sheegashada Nebinnimada. Markiina ay Sujaax iyo ciidamadeedii soo gaarteen deegaankii banii Tamiim ayay arrinteedii usoo bandhigay inay ajiibaan dadkii halkaa deganaa Banii Tamiim oo rumeeyaan oo ay raacaan, markaa baa waxaa raacay qaar kamid ah saadaaddii banii Tamiim, kuwaasoo ay kamid ahaayeen Maalik bin Nuweyrah iyo Cudhaarid bin Xaajib iyo kuwa kale, kuwa kaloo badanna way diideen. Kadib waxaa la goaansaday in lawada dagaal galo. Hase ahaate dood iyo suaal waxay ka istaagtay halkii howl laga billaabi lahaa, waxay markaa Sujaax soo jeedisay in lagu duulo Yamaama oo ay markaana Museylama dhankiisiina u qasadday.

Dadkeedii baa markaa ku yiri:- Ninkan Museylama arrinkiisu waa mid weyn oo aan la loodin karin. Hase ahaatee Sujaax waxay tilmaantay in Yamaama lagu duullo dagaal adagba ha noqotee, kadibna waxay tiri:- Wax dhib ah ma arkeysaan Yamaama kadib.

Kadib waxay u guureen dhankii Museylamah si ay ula dagaallamaan, oo markii uu Museylamana maqlay haweeneydaan iyo ciidankeeda kusoo fool leh buu aad uga naxay in dhulka Yamaama uu farahiisu ka baxo, sababtuna waxay ahayd dhanka kale ayaa waxaa dagaal kula jiray Thumaama bin Uthaal oo qaar kamid ah banii Xaniifa iyo ciidama kaloo Muslimiin ahna watey, dhanka kalena waxaa kor dagnaa Cikrimah bin Abuu Jahal oo horey dhankiisa loo diray oo Thumaama caawinayey iyo Shuraxbiil oo isaguna laga daba diray oo daba joogay Cikramah, hase ahaatee wax dagaal weyn ah ma uusan dhex marin weli ciidamadii Cikrimah iyo Museylamah, marka laga reebo inuu Cikramah deg degay dabeetana dib loosoo celiyey. Markaasina waxay sugayeen in uu soo gaaro ciidankii Khaalid ee Dhuleyxah iyo ciidamadiisii Buzaakha ku soo cunay.

Waayo ninkan Museylama waxuu ahaa nin ciidan badan haystay oo waxuu ahaa kii ugu sharta badnaa, waxaana lasheegaa in cadadka ciidankiisu uu dhamaa 40 000 afartan kun oo dagaalyahanno ah.

Isagoo Museylama arrimahaa la fajacsan siduu ku maareyn lahaa oo uu ku wajihi lahaa bay xaaladdii ku noqotay kadaroo dibi dhal. Waa tanna ay Sujaax oo hoggaamineyso qaar kamid ah tolkeeda banii Taqlab iyo intii soo raacda oo ay ku jiraan qaar kamid ah banii Tamiim ay soo dul degeen dooxada Yamaama, si ay Museylama faraha isu saaraan.

Kadib Museylamah waxuu u cid diray Sujaax si uu u la heshiiyo. dabeetana isagii baa aaday si uu ula soo naqaasho waxuuna kaxaystay 40 tolkiisa kamid ah. Markii uu u tegay oo ay labadoodii isku soo hareen buuna u bandhigay wax soo saarka dhulkiisa inuu bar kamid ah siin doona, kaasoo sida uu sheegay uu horey usiin jiray Qureesh waxuu ula jeeda zakadii ay iska aruurin jireen waqtigii Islaamka waxuuna ka dalbaday inay ka laabato, iyadiina waa ay ka aqbashay.

Kadib waxuu weydiiyey :- Maxaa laguu waxyooday?

Waxay tiri:- Ma tahay inay dumarku hor billaabaan, balee horta adigu maxaa laguu waxyooday?

Kadib waxuu akhriyey khuraafaadkiisii oo ay iyadiina ku tiri:- Waxaan markhaati ka ahay in aad adigu Nebi tahay.

Kadib waxuu ku yiri:- Ma dooneysaa inaan ku guursado, oo qoomkeyga iyo qoomkaadu ay Carab oo idil cunaan yacni ka adkaadaan?

Waxay tiri:- Haah!.

Kadibna waxay la joogtay muddo 3 casho ah, waxayna ku laabatay qoomkeedii iyo deegaankeedii ay ka timid. Kadib markay usheegtay in la guursaday ayay ku yiraahdeen:- Oo maxaa meher ahaan laguu siiyey ?

Saa waxay tiri:- La ima siin wax meher ah

Waxay ku yiraahdeen:- Waa arrin ku fool xun mid adiga kula mid ah in lagu guursado meher laaan. Kadib bay Museylama u soo cid dirtay si ay u weydiiso wixii uu meher ahaan ugu tala galay.

Markaasuu Museylamana ku yiri:- Waxaad ii soo dirtaa muaddinkaada. Saa waxay u dirtay muaddinkeedii oo la oran jiray Shabbath bin Ribciy.

Markii uu Shabbath u tegay ayuu Museylama yiri:- Waxaad ka dhex naadisaa qowmkaada Museylamah bin Xabiib Rasuulkii Alle inuu ka cafiyey dushooda labo salaadood oo kamid ah kuwii uu Muxammed SCW ula yimid. Waxuuna ula jeedaa labada salaadood ee kala ah Fajarka iyo Cishaaha dambe. Waxuuna yiri:- Waa kuwan labada salaadood ayaa meherkeeda. Lacnaddii Alle dushiisa ha ahaatoe.

Labadan salaadood xaqiiqdii waa labada salaadood ee ugu adkaanta badan Munaafiqiinta oo maba tukadaan, sida kusugan xadiis Nebiga SCW laga soo weriyey.

Sujaax waxay kulaabatay tolkeedii, markaana waxay ahayd markii ay maqashay soo galootiga Seeftii Alle- Khaalid bin Waliid uu soo galay qaybo kamid ah dhulkii Yamaamah.

Dilkii Maalik Bin Nuweyrah Al Tamiimi

Ninka kan- Maalk bin Nuweyrah waxuu kamid ahaa madaxdii banii Tamiim gaar ahaan jilibka uu ka dhashay ee reerYarbuuc. Jilibkaasi oo kamid ahaa banii Tamiim ayuuna ka dhashay, wuxuuna ahaa Zaciim banii Tamiim duqii reer banii Tamiiim. Waa ninkii horey u rumeeyay Sujaax bint Xaarith soona raacay, isagoo tolkiisii banii Yarbuucna amray inay raacaan una gar gaaraan haweeneydan Nebinnimada sheegatay. Haddaba markay Sujaax maqashay soo galootiga Khaalid oo ay dhulkeedii ku laabatay, baa arrintaa waxay dhibtay Maalik bin Nuweyrah oo aad uga shallaayey falkii uu sameeyay. Waxaa deegaan u ahaa goob Al Badhaax, oo uu deganaa. Markaa buu Khaalid dhankiisii aaday. hase ahaatee Ansaartii baa ka gaabsatay inay raacaan, waxayna yiraahdeen:- Annagu gudannay wixii Siddiiq uu na soo amray. Khaalidse waxuu u caddeeyey inaysan jirin warqad uga timid dhanka Khaaliifada Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Siddiiq, arrintana ay tahay fursad qaali ah oo lagama maarmaan ah in la fuliyo, waxuuna xasuusiyey inuu isagu yahay amiirka ciidankan oo uu arrintaa goostay inuu Al Badhaax ku duulo, waxuuna u caddeeyay inuusan cidina ku qasbahayn inay raacdo.

Kadib Khaalid waxuu u jiheystay dhankii Al Badhaax isaga iyo ciidankiisii, markii uuna laba maalin socday ayaa waxaa ka daba yimid, ergay kasocday dhankii Ansaarta oo dalbanaya in loo suga Ansaarta oo kusoo daba jirta, si ay ugu biiraan ciidanka. Markiina ay Ansaartii yimideen, baa la is wada raacay oo Khaalidna markuu Al Badhaax gaaray ayuu diray wardoonno iyo sirriyaad, waxuuna amray marka hore in xaqa loogu yeero reer Baddaax. Waxaa markaasi rumeeyay in badan oo kamid ah banii Tamiim, kuna qaabilay maqal iyo adeecid, hase ahaatee Maalik bin Nuweyrah isagu wuu diiday waxaan ahayn inuu falkiisa ku sugnaado

Kadib Maalik waala soo qabtay oo loo keenay Khaalid, dabeetana isaga iyo Khaalid baa muddo wada hadlay oo hadalla qallafsan dhex mareen. Dabeeta wuxuu Khaalid amray Diraar bin Al Azwar inuu kurka ka jaro, oo markaa kurka u dheereeyay. Kadib Khaalid waxuu guursaday haweeneydii Maalik bin Nuweyrah oo la oran jiray Ummu Tamiim bint Al Manhaal. Waxay ahayd mid aad u qurux badan, markii ay daahir noqotay buuna la aqal galay.

Abuu Qataadah Al Ansaari ayaa markaa Khaalid kala hadlay dilkii Maalik bin Nuweyrah, dabeetana arrin baa dhex martay, markaasuu Abuu Qataadah aaday Madiina oo Abuu Bakar arrintii uga warramay, Cumarna waxuu ku lahaa Abuu Bakar:- Casil Khaalid waayo waa seef deg deg badane? Abuu Bakarna waxuu lahaa:- Celin mahayo seef uu Alle ku diray Kufaarta. Abuu Qataadah waxuu ka marag kacay inuu Maalik bin Nuweyrah xaqa usoo laabtay oo Khaalid uu dilay isaguu Muslim ah. Kadib waxaa yimid Mutammim bin Nuweyrah oo la dhashay Maalik bin Nuweyrah, kaasoo Abuu Bakar uga eed sheeganayey dilkii walaalkiis Maalik uu Khaalid dilay isagoona markaa ka marag kacay inuu walaalkii soo noqday oo uu Khaalid dilay isagoo Muslim ah. Cumar bin Khaddaab baana ku caawinayey siduu Abuu Bakar ugu gargaari lahaa Mutimmim oo uu Khaalid uga cad goyn lahaa. Goor ay doodi taal, Abuu Qataada iyo Cumarna ay hal dhinac isla yahiin, oo eeddu la saaraya Khaalid, ayuu Abuu Bakar amray inuu Khaalid yimaado magaalada Madiina.

Khaalid bin Waliid wuxuu yimid magaaladii Madiina isagoo lebbisan cambuur bireedkiisa. Dabeeta waxuu yimid masjidkii oo markii uu albaabka masjidka galay baa waxaa usoo istaagay Cumar bin Khadaab oo inta cimaamaddii ka dhusaday ku yiri:- Ma waxaad dishay naf, dabeetana aad xaaskiisa guursatay? Cumar isagoo careysan ayaa wuxuu Khaalid ugu gooddiyey inuu rajmin doona, Khaalidna intaa ma uusan hadleyn oo wuu aamusnaa, isagoo maleysanaya in Abuu Bakar-na uu qabo rayiga Cumar mid lamid ah. Markaas baa waxaa soo galay Abuu Bakar, dabeetana Khaalid baa u cududaartay, isagiina wuu ka aqbalay. Waxuuna markaasi Abuu Bakar guday diyadii Maalik ibnu Nuweyrah. Dabeeta Khaalid wuu ka dhaqaqay Abuu Bakar agtiisa asagoo dib ugu laabtay furuntiisii.

Abuu Bakar Siddiiq ma uusan casilin Khaalid oo waxuu u daayey imaaradiisii, waayo Khaalid waa nin la yaqaan, oo halyeey loo muhdo ah, geesi aan goroda laalaadin, kana mid ah mashaahiirtii fara kutiriska ahayd. Mana jirin markaasi abbaanduule kaga qibrad badan arrimaha dagaalka. Haddii uu ku qaldamay dilkii Maalik bin Nuweyrah, sidaa si lamid ah horey ayuu ugu qaldamay banii Judeymah oo uu dad badan oo qafaal ah ka laayey, kadib markay yiraahdeen:- Sabanaa oo la macno ah, waxaan ka baxnay diintayadii hore oo aan galnay diin cusub. Halkii laga rabay inay yiraahdaan:- Aslamnaa -macnaha waynu islaamnay. Ma aysan haggaajin inay yiraahdaan:- Aslamna. Markaasuu Khaalid u maleeyay inaysan Islaamin oo laayey qafaalkooda in badan oo kamid ahaa. Sidaa oo ay tahay Rasuulka SCW ma uusan casilin Khaalid oo booskiisii ayuu u daayey. Sidaa darteed buuna Abuu Bakar u daayey Khaalid xukunkiisii, asagoo ku dayanaya Xabiibkeennii Muxammed SCW.

Dhacdadii Yamaamah & Dilkii Musaylamah

Markii uu Abuu Bakar Siddiiq ka raalli noqday Khaalid oo uuna u cududdaaray, ayuu amray inuu ku dhaqaaqo dhanka banii Xaniifah oo iyagu ku sugnaa goobta Yamaamah. Markaasuu Khaalid la dhaqaaqay ciidankiisii, iyadoo ciidamada Ansaartuna uu hoggaamin Thaabit bin Qeys bin Shammaas. Qola kastoo kamid ah dadkii riddoobayna way sii xaaqeen oo waxay is heleen qaar kamid ah kuwii fardooleydii Sujaax oo iyaguna ay dhaxda ku cuneen dhaxda ayay ku laayeen oo looga adkaaday murtaddiintii.

Hortii Khaalid intaan loo dirin Museylamah, wuxuu Abuu Bakar dhanka Yamaama u diray Cikrimah bin Abii Jahal sidaynu soo xusnayba, oo uu ka daba diray Shuraaxbiil ibnu Xasanah, waxaase ciidamadii Cikrimah dib usoo celiyey Museylamah, waxayna degeen goob u dhaw Yamaamah oo ay sugayeen soo galootiga ciidanka Khaalid bin Waliid. Markiina uu yimid Khaalid, warkaana uu gaaray Museylamah oo uu hubiyey inuu sakuuro mid la hubo yahay, ayuu ciidamadiisii ku dhisay goob la yiraahdo Caqraba oo kamid ah dhulka Yamaamah, taasoo ah baaddiyahii Yamaamana. Waxuuna guubaabiyey ciidankiisii oo, amray inay qiiroodaan, oo maxastooda iyo dhulkooda u dagaallamaan, oo sharafta dumarkooda dhowrtaan, waxuuna ku yiri:- Haddii maanta la idinka adkaado, waxaa la qafaalan dumarkiinii, oo la guursan iyagoo addooma ah, ee u dagaallama sharafta dumarkiinna. Waxuuna labada dhinac masuul uga kala dhigay Al Maxkam bin Dhufeyl iyo Nahaarul Rajjaal ama Nahaarul Raxaal bin Canfoah bin Nahshal.

Ninka kan ee Rajjaal bin Cunfoah, waxuu ahaa Museylama saaxiibkiis oo waxuuba uga marag kacay inuu yahay Rasuul, waxuuna yiri:- Waxaan Rasuulka SCW ka maqlay isagoo leh:- Waxaa amarka Nebinnimada ila wadaaga Museylamah bin Xabiib. Lacnaddii Alle dushiisa ha ahaata Nahaar Ar Rajaal bin Cunfoah.

Tani waxay ahayd fidno ka weyn tii Museylamah, oo waaba sababtii ay dadkii reer Yamaama ku fidnoobeen badankooda. Waayo ninkan waxuu u soo wafdiyey Rasuulka SCW, oo inta Al Baqra ka dhageystay ku noqday tolkiisii reer Yamaamah. Kadib waxuu yimid waqtigii riddada, oo markaa Abuu Bakar u direy qowmkiisa banii Xaniifah si uu zakada uga soo aruuriyo. Hase ahaatee markii uu u tegay ayuu garab fadhiistay jaallahiisii Museylamah oo weliba uga marag kacay inuu Nebi yahay, oo uuna Rasuulka SCW ka maqlay sidaa isagoo leh:- Waxaa arrinka Nebinnimada ila wadaaga Museylamah bin Xabiib.

Bisad yaroowga aabaheed Abuu Hureyrah baa waxuu yiri:- Maalin baa waxaan ag joogay Nebiga SCW iyo koox Muslimiin ah, oo uu inagu jiray Rajaal bin Cunfuah. Saa Rasuulka SCW baa waxuu yiri:- Waxaa idinku jira nin uu iliggiisu naarta dhexdeeda uu ka weynyahay buurta Uxud

Waxuu yiri Abuu Hureyrah:- Dadkii dhami xayntii meesha joogtay maalintaa way wada dhinteen yacni khaatuma suubban ayay ku dhinteen, shahiid, jihaad iwm , aniga iyo Ar Rajaal bin Cunfoah mooyaan, waxaana iskaga cabsan jiray sifadaa uu Rasuulka SCW sheegay, jeer uu markii dambe Nahaar Ar Rajaal uu Museylama raacay, uguna marag kacay Nebinnimo. Oo fidnadiisii ayaaba waxay noqotay mid ka weyn tii Museylamah.

Waxaa cad dadka cilmiga lagu tuhmo, oo culimada ah, markii ay fidnoobaan in lagu fidnooba. Sidaa darteed bayna reer Yamaama ugu fidnoobeen Rajaal, maadama uu ahaa nin Rasuulkii Alle SCW wax kasoo dhageystay, kana bartay Al Baqrah baa waxay u qaateen kuwa badan oo kamid ah juhaladii reer Yamaamah inuu run sheegi, halka kuwa kalena ay ogaayeen beentaas cad, balse ay ka awoodbadisay qabiil iyo tol jecleysi. Waxayna intooda badani u raaceen ficilladii qabyaaladda ee ma aysan u raacin rumeeyn ay rumeynayaan. Maxaa yeelay waxaa cad in qaar ka mid ah kuwaas ay oran jireen:- Waxaan qiraynaa in Musaylamah uu beenaale yahay, Muxammad-na SCW uu runsheeg yahay, balse beenlowga Musaylama ayaanu ka jecelnahay runlowgaa Muxammad SCW.

Intaa dabadeed Khaalid wuu soo dhawaaday, waxuuna ciidankiisii hore madax uga dhigay Shuraaxbiil bin Xasanah, labada dhinacna waxuu u kala dhiibay Zeyd bin Khaddaab iyo Abuu Xudeyfah bin Cutbah. Ciidankii hore ee Shuraaxbiil baa goor habeennimo ah waxay soo qabteen 40 ama 60 kamid ah fardoolleydii reer banii Xaniifah, oo uu hoggaaminayey Mujaacah bin Muraarah. Waxay ciidamadaasi markaasi ka soo laabteen dakano ay kasoo gudanayeen reer banii Tamiim iyo Caamir, oo waxayna markaa doonayeen inay ku laabtaan ciidankoodii Yamaamah. Hase ahaatee ciidankii Shuraaxbiil ee hore ayaa soo qabtay oo u keenay Khaalid. Markii loo keenay koodii ugu dabeeyay buuna Khaalid suaalo weydiiyey. Markaasay iyagiina u cududaarteen, oo xaqiiqdiina way ka qariyeen oo marsiiso iyo hadallo raqiis ah oo aanan Khaalid qancinin ayay ku hadleen. Markaas buu Khaalid amaray in kurka laga wada jaro. Waxaa kaloo la sheegaa in uu Khaalid suaalay markii loo keenay oo uu ku yiri:- Oo maxaad leedahiin banii Xaniifaay!? Markaasay yiraahdeen:- Innagu Nebi baynu leennahay idinkuna Nebi. Markaasuu Khaalid laayey. Kadib waxaa qayliyey nin iyagii kamid ah oo la oran jiray Saariyah. Waxuuna yiri:- Ninyahoow! haddii aad tahay mid berritoole kuwan la doonaya kheyr ama shar, reebo ninkan- waxuu ula jeedaa Mujaacah bin Muraarah. Markaasuu Khaalidna reebtay oo uu ku xiray teendhadiisii dhexdeeda oo ay joogtay afadiisii Ummu Tamiim bint Manhaal. Waxuuna amray inay wanaajiso oo ayna kheyr u dardaaranto.

Markay labadii ciidan isasoo hor fadhiisteen buu Museylamatul Kaddaab ku booriyey ciidankiisa inay sharafta dumarkooda u dagaalan, oo ay qiiroodaan sidii aynu horeyba usoo xusnay. Muslimiintiina horey bay usocdeen oo markii dambe waxay dageen goobtii ay biyaha ka cabbi jireen reer Yamaama meel udhaw. Halkaa ayuuna ciidankiisii dejiyey oo dhisay isagoo calankii Muhaajiriinta udhiibay Saalim Mowlaa Abaa Xudeyfah, calankii Ansaartuna Thaabit bin Qeys bin Shammaas, halka uu calankii Carabta kalana u dhiibay Mujaacah bin Muraarah oo kheymaddii ku dhex jira teendhada ku jira xeelad dagaal darteed.

Waxaa billaawday dagaalkii oo , goor cabbaar ah markuu socday ayay qaar kamid ah ciidamadii Muslimiinta ee reer miyiga ay goobtoodii banneeyeen, taasina waxay sababtay inay banii Xaniifah galaan teendhadii ay ku jirteen Khaalid xaaskiisa iyo Mujaacah bin Muraarah. Waxayna damceen inay dilaan xaaska Khaalid, hase ahaatee waxaa magan geliyey Mujaacah bin Muraarah.

Dabeeta waxaa soo guddoomay kuwii simbiriraaxday oo is gartay inay khaldameen, umana aysan suuro gelinin inay banii Xaniifah furtaan Mujaacah bin Muraarah. Dhaqdhaqaaqan hore ayaana lagu dilay Nahaar Ar Rajaal bin Cunfuah, waxaana dilay Zeyd bin Khaddaab.

Saxaabada iyo Muslimiinta kalaba maalintaa waxay dirireen dirir aad u daran, waxuuna Thaabit bin Qeys yiri maalintaasi:- Waxaa baas lahaaday waxaad dhiggiin uga carartaan. Waxayna dhan waliba iskaga qaylo dhaansadeen iyagoo leh:- Khaalidoow!! nakala saar. Waxaana gees u baxay saddex meelood ciidanka meel kamid ah oo Ansaar iyo Muhaajiriin ah.

Al Baraa bin Maalik-na maalintaa waxuu u guuxay sida libaaxii oo uu marba dhinac u duulay isagoo si aan horey loogu arag u dagaallamaya, waxuuna tolkiisii Ansaarta ku yiri isagoo la dardaarmi kuna boorin dagaalka:- Ansaareey!! yuusanna axad idinka ka mid ahi ku fekerin inuu ku laabto Madiina maanta kadib oo wixii maantadan ka danbeeya ma lihidin magaallada Madiina, waxaad leedihiin Allaah Sarreeye keli iyo Jannada.

Waxay asxaabtu maalintaa is oranayeen:- Asxaabtii suuratu Baqraay! maanta ayuu burey sixirkii Museylamah.

Thaabit bin Qeysna maalintaa waxuu qotay god u jooga gomadaha, oo inta uu kafantiisii huwday ayuu lugaha la galay isagoo calankii Ansaarta sida. Halkaas ayuuna ka dagaallamayey jeer la dilay.

Muhaajiriintii waxay la hadleen maalintaasi Saalim mowlaa Abaa Xudeyfa oo calanka Muhaajiriinta siday waxayna ku yiraahdeen:- Waxaan ka yaabeynaa in dhankaada nalooga yimaado. Waxuuse ku jawaabay:- Waxaan ahaaday mid Quraan xambaara midkii u baas lahaaday haddayba sidaa dhacdo. Dabeeto wuu dagaallamay jeer la dilay isagoo Shahiid ah.

Zeyd bin Khadaab baa isaguna maalintaa hadlay oo yiri:- Dadoow!! qaniina oo adkeysta gowsahiina, oo garaaca cadawgiina, horeyna u socda. Illaah baan ku dhaartaye inaan hadleeyn jeer uu Alle jebiyo iyaga Cadawga, ama aan Alle la kulmo oo yacni dagaalkan la igu dilo oo aan markaa xujadeyda kula hadlo. Waana la dilay isagoo Shahiid ah.

Intaa dabeeto, Khaalid baa waxuu qaatay seeftiisii oo dadkii dhex shabaaxay oo si daran u laayey, wuuna socday jeer uu u dhawaaday Museylamah oo uu ku sigtay inuu dilo, hase ahaate dib ayuu uga soo noqday, oo waxuu istaagay labada qola dhexdooda. Waxuuna dalbaday mubaaraso inay cidi usoo baxdo. Waxuuna yiri:- Waxaan ahay ibnu Waliid Al Cawd, waxaan ahay inankii Caamir iyo Zeyd. Dabeeto waxuu ku qayliyey halkudhiggii Muslimiinta ee maalintaa , oo ahaa:- Waa Muxammadaah!!. Qof usoo baxayna mubaarizo ma uusan sii jirin, kii usoo dhawaadana seefta ayuu ku qaatay. Kadib waxuu u dhawaaday Museylama oo u bandhigay xaqa iyo inuu usoo laabta, hase ahaatee waxaa ka hor istaagay sheydaankiisii, oo wuu diiday. Dabeetana Khaalid wuu kasoo weecday oo waxuu kala soocay ciidankii , si uu u ogaada bal halka laga soo galo, waxuuna kala soocay Ansaar iyo Muhaajiriin iyo reer miyigii kale. Banii Ab qola ama reer kastaaba waxuu u dhiibay calan goonni ah si ay hoosteeda uga dagaallamaan, oo loo ogaaddo ciddii maanta cararta iyo meesha Muslimiinta laga soo galayo. Qaddahaan cusubi waxuu ahaa xeelad militeri oo kamid ah xeeladahii uu Khaalid bin Waliid ku hoojin jiray acdaada Alle. Waana tan sababtay inaysan maalintaa Muslimiintii Mar dambe cararin oo , qola waliba waxay is tiri:- Yaadan ceeboobin oo, Muslimiinta maanta dhankaada laga gelin.

Kama aysanna suulin Muslimiintii qaddahaas cusub kadib inay horey ugu socdaan dhanka cadawgooda oo aysan gadaal milicsan, jeer Alle farajkiisii furay oo nasrigiisii soo degay. Markaa bayna ahayd goortuu Alle garabkii ciidankii Museylamah ka baxay oo hoojiyey, jab iyo halaagna ku riday, halka ay Muslimiintuna farxad, nasri iyo guul heleen.

Kadib way daba kaceen, oo ay kurka seefo ugu xiireen , oo si daran u laayeen. Markaa bay reer banii Xaniifah u ordeen beer xaggeeda uu u tilmaamay Al Maxkam bin Dhufeyl. Waxaase arkay Cabdiraxmaan bin Abuu Bakar, isagoo taagan albaabka beerta oo dadkiisii u khudbeynaya, markaasuu waran ku tuuray oo dhuunta kala helay, sidaa buuna Al Maxkam bin Dhufeyl ku hoyday. Beertani waxaa ay ahayd mid dhexdeedu balaadhantahay, oo leh gidaarro aad u dhaadheer. Ciidankii Museylamana tiradoodu aad bay u badneyd oo 40 000 bay ahaayeen. Dabeeto intay galeen bay isku xireen beerta albaabkeeda iyagoo isku halleynaya gidaarradeeda dhaadheer, oo aan marna ku fekereyn in loogu soo geli karo.Musaylama iyo ciidankiisiina waxay billaabeen inay gamuunnadoida kaga soo tuuraan muslimiinta beerta dhexdeeda. Intaa kadib Al Baraa baa fikrad keenay oo muslimiintii ku yiri:- Kulanka Muslimiintoow! i saara gaashaan dushiisa dabeetana waramada kor ugu iigula qaada gaashaanka oo igu tuura meel u dhow albaabka beerta.waxay udhawdahay in la idilo oo aan shahiida, ama inaan albaabka idinka furo. Kadibna Muslimiintii sidii bay yeeleen oo isagiina albaabkii buu furay. Intuusanna albaabka gaarin buu si aad ah ula diriray oo in badanna ka laayey , dabeetana markuu furay albaabkii baa Muslimiintii waxay arkeen dhaawacyada soo gaaray Al Baraa oo isugu jiray darba seef iyo durma waran iyo durid gamuunka.

Intaa kadib waxaa goobta beerta ka dhex dhacay dagaal aad u daran, halkaasoo ay Muslimiintii seefahoodii kaga shaqeeyeen kuwii diinta ka riddoobay oo derbiyada beerta ku dhakanayey, kadib markii laga itaal roonaaday. Waxaana goobtaa looga dilay tiro aad u badan, oo lagu qayaasay 10 kun waxaa kaloo la sheegaa 21 kun oo dagaalyahan ah. Muslimiintiina waxaa kaga shahiiday 600 waxaa kaloo la sheegaa 500 oo kamid ah saadaaddii saxaabada iyo raggii Quraanka xifdisanaa. Sadarrada dambe ayaanna ku yara falaqeyn doonnaa magacyada kuwii ugu caansanaa ee goobtaa ku shahiiday..

Museylama Al Kadaab isagu dagaalkan ayaa lagu dilay oo waxaa dilay Waxshi bin Xarbi Mowlaa Jubeyr bin Mudcim. Waxuu waxshi arkay Museylama oo derbi ku dhakanaya, markaasuu inta gamuun ula soo baxay ayuu kusii daayey. Markaasuu gamuunkii dhanka kale uga dusay oo ka dhex baxay. Waxaana isa sii raaciyey Abuu Dujaanah Simaak bin Kharshah oo inta seeftiisii la dul tegay kaga shaqeeyay. Waxaa kaloo lasheegaa inuu ahaa ninkii isasii raaciyey C/laahi bin Caasim bin Camr.

Markii uu waxshi gamuunka la helay Museylamah ayay haweeneydii Museylama qasriga ka dhex qayliday iyadoo leh:- Amiirkii waxaa dilay addoon madoow!!.

Goobtan beerta ah ee dirirta ugu darani ay ka dhacday waxaa loogu magac daray Xadiiqatul Mowt Beertii dhimashada. Macnaha waxaa weeye, waxaa ku hoobtay khalqi badan oo reer Yamaama ah oo lagu laayey. Waxayna Muslimiinta yaqiinsanaayeen mar haddii libta iyo guusha Alle ka siiyo, oo ay ka adkaadaan reer Yamaama, inaysan jiri doonin cid damba oo hor istaagta Muslimiinta Jaziiradda Carabta dhexdeeda.

Kadib waxuu Khaalid diray ilaalooyin iyo wardoonna oo uu u diray qalcadaha Yamaama si ay usoo hubiyaan cidda ku jirta. Kadib waxuu goostay inuu ku duulo qalcadaha oo uu furto, wax ciidan ahina kuma aysan jirin. Waxaa kaliyoo ku jiray dumar iyo carruur iyo waayeello. Hase ahaatee Mujaaca bin Muraarah ayaa Khaalid qiyaamay oo yiri:- Waxaa ka buuxa qalcadahani rag dagaalyahanno ah, hee igula heshii?

Khaalid arrintaa wuu yeelay maadaama ay Muslimiinta dagaallo badan soo galeen , aysanna weli nasan, oo aay aad u tabar dhigeen daal dartii , sabab la xiriirtay dagaalladii isku xig xigay. Haddaba waxuu yiri Mujaacah:- I dir aan u tegoee si aan uga soo dhammeeyo heshiiska.

Markaasuu Khaalidna diray si uu heshiiska uga soo gunto reer Yamaama. Markii uu Majaacah bin Muraarah u tegay dumarkii, carruurtii iyo waayeelladii ayuu amray inay lebbistaan cambuur bireedyo, oo madaxana koofiyado soo gashtaan, dabeetana ay docyada qalcadda magadaxa kalasoo baxaan, si Khaalid ugu maleeyo inay yahiin ciidan culus oo goobta kujira. Khaalid baa markaa eegay dhankii qalcadaha mise waxuu arkay madaxyo fara badan oo meesha kaasoo jeeda, markaasuu u qaatay sidii uu Mujaacah usheegay inay ku jiraan ciidan qalcadahaas. Waxuuna u kaadiyey heshiis iyo Mujaacah uga soo gunto. Markiina uu furtay goobtii ayuu xaqii ugu yeeray iyana way usoo laabteen. Waxuuna Khaalid u celiyey qaar kamid ah waxyaabahii uu horey uga qabsaday oo kamid ah carruurtii iyo dumarkii Dagaalka lagu qabsaday. Intii kalena waxuu u diray dhankii Madiina iyo khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Sidiiq. Waxaana Cali bin Dhaalib oo Madiina joogay kaga soo haggaagtay haweeney la oran jiray Khowlah bint Jacfar, taasoona u dhashay Maxamed bin Cali bin Abii Dhaalib oo caan ku ahaa Maxamed bin Xanafiyah.

Waxaa la isku khilaafaa waqtiga sanadka uu dagaalkan dhacay, waxaase jira qowl lagu kulmiya aqwaashii laga yiri waqtiguu dhacay.Khaliifat bin Khayaad iyo Maxamed bin Jariir iyo khalqi kamid ah salafkii iyagu waxay yiraahdeen:- Dagaalkan waxuu dhacay sanadkii 11aad.Ibnu Qaanic-na waxuu yiri:- wuxuu dhacay dhammaadkii sanadkii 11aad ee hijriyada.

Al Waaqidi iyo kuwa kalena waxay yiraahdeen:- Waxuu dhacay sanadkii 12aad ee hijriyada. Waxaase lagu kulmiyaa qowlalkaan kala duwan, in uu billawday dagaalkan sanadkii 11aad dhammaadkiisii uuna dhammaaday sanadkii 12aad ee hijriyada. Khaliifat bin Khayaad baala suaalay oo lagu yiri : Ma isku raacnaa sidan? Waxuu yiri:- Waa lagama maarmaan.

Abuu Bakar Sidiiq baa wax ka weydiiyey dadkii la soo qafaashay , waxii uu Museylama akhrin jiray , markaasay ka dalbadeen inuu cafiyo , isagiina wuu cafiyey, saa waxay u sheegeen khuraafaadkii uu akhrin jiray. Lacnaddii Alle dushiisa Museylama ha ahaatee.

Museylama waxuu riddoobay xayaatadii Rasuulka SCW oo uu Nebinnimo sheegtay. Rasuulka SCW ayuuna warqad usoo diray uu ku leeyahay:

Ka:- Museylamah bin Xabiib Rasuulkii Alle .

Ku:- Muxammed Rasuulkii Alle SCW.

Intaa dabadeed. Anigu waxaa la ila kaa wadaajiyey arrinka Nebinnimada. oo waxaad madax u tahay Mudar, niguna waxaan madax u ahay Wabar. Werin kale waxaa kusugan axaad leedahiin qeyb dhulka kamid ah inaguna qeybta kale hase ahaatee Qureeshtu waa qowm cadaawad badan xaasidiin ah.

Rasuulkuna waa uu u jawabay oo waxuu u diray warqad. Waxayna ahayd sida tan:

Ka:- Muxammed Rasuulkii Alle SCW.

Ku:- Museylamah beenaale.

Nabadi ha ahaato dusheeda ciddii raacdo hanuunka. Intaa kadib . Dhulka Alle baa iska leh, oo dhaxalsiin cidduu doona, ciribta dambaana waxaa leh mutaqiinta kuwa Alle ka dhowrsada.

Alle Sarreeye waa uu ceebeeyey Museylamah beenaale oo waxuu soo dejiyey aayaddan:

Oo yaa ka dembi badan majiree qof ku been abuurtay Allaah, ama yiri waala ii waxyooday, isagoon loo waxyoon? Qofkii yiraahdo waxaan soo dejin waxa Quraanka uu Alle soo dejiyey mid lamid ah, Haddii aad arki lahayd markay dulmi falayaashu Museylama iwm Sakaraatul mowt-ku ku sugan yahiin iyagooy Malaaik-tu ku taagi gacmaha oo ayna ku oran : Soo bixiya nafahiina, maanta waxaa laydinku abaal marin cadaab wax dulleeyoe. Sababtu waxaad Allaah ku oran jirteen dushiisa wax aan xaq ahayn oo aan wanaagsanayn oo aad ahaydeen kuwa iska weyneeyo aayaadkiisa.Suuratu Al Ancaam aayadda 93aad

Halkaan buu Alle ku fadeexeeyay Museylama beenaale. Mar kale oo horreysay waxaa loo diray Camr bin Al Caas waqtigii Abuu Bakar ka hor. Markaasuu Museylamah yiri:- Oo maxaa cawadan saaxiibkiin Muxammed SCW lagu soo dejiyey? Markaasuu yiri:- Suurad aad u xeel sarreysa.

Markaasuu yiri:- Oo maxay tahay suuraddaas?

Dabeeta waxuu yiri:- Wal Casr oo uu u wada akhriyey. Dabeeto in cabbaar ah buu Museylama fekeray , markaasuu markii dambe madaxa kor uqaaday oo yiri:- Runtii aniguna mid iyada lamid ah baa la igu soo dejiyey.

Waxuu Camr yiri:- Oo maxay tahay?

Markaasuu Museylama akhriyey khuraafaad. Markiina uu Camr ka dhageystay buu Museylamah yiri :- Sideed u aragtaa Camaroow!!? Waxuu yiri:- Illaah baan ku dhaartaye waxaad ogtahay inaan aniga ogahay inaad been sheegeyso.

Waxay Culamaai Taariikh sheegaan inuu Museylamah iska doon dooni jiray sifooyinkii iyo barakooyinkii Rasuulka SCW. Waxaa gaadhay Museylama in Rasuulka SCW uu ceel ku tufay oo biyo badan yeeshay , markaasuu isagiina ceel ku tufay, markaasay biyahiisii gureen , ama gadhaadh noqdeen. Misna wuu weyseestay oo inta weysadiisii qaaday buu waraabiyey beer timreed, hase ahaatee waabay halligsantay oo ay baabaday. Waxaa kaloo la sheegaa inuu u duceeyay nin isha wax uga dhaceen oo uu u masaxay , hase ahaatee wuuba indha beelay ninkii. Misna carruurta yar yar buu madaxa u salaaxi jiray oo uu oran jiray waa barako, hase ahaatee waxay ilmahaasi noqon jireen mid madaxa weynaado iyo mid carrabku soo dhaco.

Mar baa waxaa dhacday inuu u yimid nin reer miyi ah oo yiri:- Meeyay Museylama? Waxaa lagu yiri:- Ka aamu! Rasuulkii Alle.

Waxuu yiri:- Hah! Rasuul! mayee Wallaahi baan yeeleyn jeer aan arko.

Markii uu Museylama yimid ayuu ku yiri:- Ma adigaa Museylamah?

Waxuu yiri:- Haa!

Waxuu yiri:- Oo yaa kuu yimaada?

Waxuu yiri:- Raxmaan.

Waxuu yiri:- Oo ma nuur buu kuugu yimaadaa mise mugdi?

Waxuu yiri:- Mugdi.

Markaasuu ninkii intuu kacay yiri:- Waxaan qirayaa inaad adigu beenaale tahay Muxamadna runloow yahay, hase ahaatee beenaale reer Rabiica ah ayaan ka jeclahay runloow reer Mudar ah. Sidaa buuna ku raacay indho laaan isagoo ay toljecleysi ka tambadisay. Isku meel ayaana lagu dilay asaga iyo Musaylah.






Ra'yi lama dhiiban



Name:
Email:
Code: ndm8
Text:
 

  • Home
  • Duruus
  • Quraan
  • Video
  • S&J
  • Muxaadao
  • Contacts



  • sisawc ka baro diintaada © 2012 privacy policy terms of use